Tuesday 19 November 2024
Tan iyo markii Abiy Axmed loo caleemo saaray kursiga Raysal wasaaranimada Itoobbiya waxaa ka soo wareegay lix sanno iyo dheeraad, muddo bilo ka yar markuu xilka hayay, Sebtambar 2018, waxa uu caasimadda Eretariya, ee Asmara ku guddoonsaday isbahaysi saddex geesood ah, oo kulmiyay isaga, madaxweynaha Eretariya, Afwerki iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Tallaabadani waxay ahayd mid ka turjumaysa taariikh cusub oo u bilaabantay gobolka iyo calaamad muujinaysa mustaqbal hiraal wanaagsan oo la bilaabmay imaatinka xukunka ee Abiy Axmed, kaas oo muddo xileedkiisa ku bilaabay heshiiskii nabadda ee uu Eretariya la gaadhay iyo dib u noolaynta rejada cusboonaynta iyo horumarka ka dhexeeya dalalka gobolka. Beesha caalamku waxa ay isla xilligaa ku abaalmarisay abaalmarinta Noobesha ee nabadda, waxaana uu noqday astaan kor loo eego. Balse, waa lagu hungoobay oo judhiiba nabaddii inta uu gees isaga riixay ayuu dalkiisa galiyay dagaal sokeeye oo ilaa maanta socda kaas oo sidoo kale khatar galiyay nabaddii Eretariya la la qaatay, dabadeedna waxaa yimid isafgaradkii uu Soomaalilaan la galay, kaas oo Soomaaliya oo ay xulafo ahaayeen u beddelay cadaw.
Waqooyiga shishe waxaa soo kuuraysa Geeska Afrika, Masar oo aan raalli ka ahayn isbahaysiga taariikhiga ah ee xaliifkooda muddada dheer, Afwerki galay oo aan sidoo kalena ku niyad samayn xidhiidhka wanaagsan ee Soomaaliya la yeelatay dalka muranku kala dhexeeyo ee Itoobbiya, ilaa ay jaanis ka heshay khaladaadka Abiy Axmed oo ay uga soo gacan haadisay labadii dal ee Itoobbiya jaarka la ahaa ee isbahaysiga la samaystay.
Isbahaysigani waxa uu ka dhashay isbeddelo dhawr ah oo Geeska Afrika dhawaanahan ka socday, kaas oo ku bilaabmay saaxiibtinimadii aan niyad samaanta ku dhisnayn ee dhex martay Abiy Axmed iyo Afwerki, taas oo markii danbena isu beddeshay cadaawad hoose oo labada ka dhaxaysa, ka dib markii la saxeexay heshiiskii nabadda ee Biritooriya, ee uu Abiy Axmed la galay jabhada dib u xorraynta Tigreega. Eretariya qayb ayay ka ahayd dagaalkaa uu Abiy Axmed Noofembar 2020 ku qaaday TPLF-ta si uu uga qaado deegaannaday maamulaan jabhaddu oo qaybo ka mid ah Eretariya sheegato. Ujeedka kale ee uu ka lahaa dagaalku waxay ahayd in uu u wiiqo awoodda jabhadda taas oo dalka ka soo talinaysay tan iyo 1991-kii.
Dagaalkaas ay Eretariyana qaybta ka ahayd waxaa ka dhashay masiibooyin bini’aadantinimo, waxayna khatar galisay midowga iyo xasilloonida Itoobbiya, waxaana uu ku fiday gobollo kale oo dalka ah. Halka lagu eedeeyay ciidamada Eretariya in ay faldambiyeedyo dagaal ka galeen shacabka gobolka Tigreega. Xaaladda gudaha dalka ee sii xumaanaysa iyo cadaadiska reer galbeedka awgood, Abiy Axmed waxa uu ku khasbanaaday in uu aqbalo wada hadalada nabadda, waqtigaas oo uuna qiran in uu Eretariya ugu baaqay in ay dagaalka qayb ka noqoto, sidoo kalena aanu dalban in ay ciidamadooda kala baxaan gobolka. Eretariya raalli kamay ahayn heshiiskaa nabadda ee aan u horseedin yoolkii ay dagaalka ka lahayd, maleeshiyada Amxaarada ee Faano iyaduna dhankeeda go’aankaas oo kale ayay qaadatay, waxay labada dhinacba u arkayeen in iyadoon gabi ahaan ba la wiiqin jabhada TPLF heshiis nabadeed oo la la galaa in ay khatar ku tahay, sidoo kalena ay tahay cagsiga sababtii dagaalka ay u galeen, labada dhinac markaa waxay ka shaqeeyeen in ay xidhiidhkooda xoojiyaan si ay isugu bahaystaan cadawgaa ay wadaagaan.
Ka dib waxaa yimid baaqyadii ka soo yeedhay Abiy Axmed kaas oo uu kaga hadlay in ay Itoobbiya ka go’an tahay in ay badda cas ku gaadhaan hadba sidii ay ku khasbanaadaan, xoog ama xeelad, Oktoobar 2023, taas oo sii kordhisay khilaafaadkii kala dhexeeyay Eretariya, iyadoo Eretariya isu aragtay mid milatari ahaan la handaday.
Dhanka kale isafgaradka ay Itoobbiya la saxeexatay Soomaalilaan, kaas oo ay xeeb gacanka Cadmeed ah kaga beddelanayso in ay aqoonsato madaxbannaanida Soomaalilaan iyo qodobbo kale, waxa uu keenay in uu miciyo yeesho xidhiidhka ay Itoobbiya la leedahay Soomaaliya, taas oo xukuumada Muqdisho ku riixday in ay raadsato xulafo ka caawiya fool saaridda Abiy Axmed. Saddexdan dal ayaa dabadeed isu gaashaanbuuraystay ka hor taga Itoobbiya, iyadoo dal kastaa yoolkiisa gaarka ah leeyahay, iyo mid ay wadaagaan. Soomaaliya waxa ay u aragtaa isafgaradka Itoobbiya, Soomaalilaan la saxeexatay mid xad gudub ku ah madaxbannaanideeda, Eretariyana waxa ay ka sii gaashaamanaysaa khatar kaga imaan karta joogisteeda gobolka Tigreega iyo damac ay Itoobbiya ku damci karto dhulkeeda iyo baddeeda.
Masar dhankeeda, ka dib markii ay fashilmeen wadahadaladii lagaga wada xaajoonayay arrinta dhaaminta biyoxidheenka korontada laga dhalinayo ee Itoobbiya, wadahadalladaas oo koodii u danbeeyay dhacay dhammaadkii 2023, ayaa ay Qaahira ku baaqday in ay dhabbihii wadahadalladu soo afjarmeen, wax yar ka hor saxeexii Isafgaradka Itoobbiya iyo Soomaalilaan 19 Diisembar 2023. Sidoo kale, waxay Masar ka cabsi qabtaa in ay Itoobbiya rug milatari ku yeelato xeebta Gacanka Cadmeed, taas oo ah albaabka Koonfureed ee Badda Cad iyo kanaalka Suweys.
Arrimahan waxay keeneen in dalalkan saddexda ahi dib u qaabayn ku sameeyaan xidhiidhadooda laba iyo saddex geesoodka ah, waxayna ka bilaabantay Eretariya oo ay xidhiidh dhaw lahaayeen Masar tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Itoobbiya. Tan iyo markii la saxeexay isafgaradka, saddexda dal waxaa u qabsoomay kulanno tirobadan oo kala heerar ah, heer madaxweyn ilaa heer wasiiro iyo masuuliyiin sarsare ah. Kulannadaas waxaa ugu muhiimsanaa booqashadii Xasan Sheekh Maxamuud ku gaadhay Eretariya iyo tuu ugu kicitimay Qaahira, iyo kulannadii saddex wasiirada arrimaha dibadda ee saddexda dal yeesheen, iyo safarkii wasiirka sirdoonka iyo ka arrimaha dibadda ee Masar ku gaadheen Asmara.
Waxay u jahaysteen dedaaladan saddex geesoodka ahi Asmara, halkaas oo ay war murtiyeedkii u danbeeyay ka soo wada saareen saddexda madaxweyne, iyo bayaan siyaasi ah oo ay soo wada saareen madaxweynaha Masar iyo dhigiisa Soomaaliya. Baaqyadii ka soo baxay kulanadan laba iyo saddex geesoodka ah waxa ka mid ah; in la taageero madaxbanaanida Soomaaliya oo laga soo horjeesto ciddii soo fara galisa madaxbanaanida dhuleed iyo ta qarameed ee Soomaaliya, in taageero milatari oo laba geesood ah ay u fidiyaan Masar iyo Eretariya, Soomaaliya, in Masar ay qayb ka noqoto hawlgalka AUSSUM ee nabad sugidda, kaas oo sannadkan soo socda bilaabmaya, ka dib marka uu soo gebageboobo hawlgalka ATMIS, in la xoojiyo iskaashiga horumarinta iyo maalgashiga, iyo in la asaaso guddi saddexda geesood ah oo ka kooban wasiirada arrimaha dibadda, gudiddaas oo ka shaqayn doonta iskaashiga istaraatiijiga ah oo dhan walba daarran.
Dhawr qaab ayaa isbahaysigan cusubi uga duwan yahay kii hore ee u dhexeeyay Abiy Axmed, Afwerki iyo Farmaajo; kow, bartii Abiy Axmed waxaa lagu beddelay Cabdifataax Siisi, laba, waxa uu isbahaysigani ku yimid ka falcelinta waxa ay xubnaha isbahaysigu ugu yeedheen hanjabaadaha Itoobbiya, halka isbahaysigii hore uu daarnaa hiigsi horumar iyo nabad oo markaa ay Itoobbiya gadhwadeen ka ahayd, saddex, kulanadii isbahaysiga cusub lagu yagleelay waxa ay ahaayeen kuwo aan dalalka qaaradu wax faragalin ah ku lahayn, halka ay dalal qaarada dibadda ka ahi gardaadinayeen nabaddayntii Eretariya iyo Itoobbiya, afar, Muqdisho hadda waxay heshay danayn dheeraad ah.
Qodobbada kulanka ka soo baxay waxaa ugu weyn mawqifka ay Masar iyo Eretariya qaateen ee ah in ay garab taagan yihiin Soomaaliya, khilaafka kala dhexeeya Itoobbiya, yoolka isbahaysiga saddex dawladood waxa uu yahay in ay ka hor taagaan qorshayaasha Abiy Axmed iyo in ay ku khasbaan fulinta dalabaadka dhamaan dawladaha xubnaha ka ah isbahaysiga. Kuwaas oo kala ah, in heshiis laga gaadho khilaafka dhaaminta dhaamka Itoobbiya, in loo aqoonsado Eretariya deegaannada waqooyiga ee ay maamulka gobolka Tigreega isku hayaan, iyo in Abiy ka noqdo isafgaradkii uu la galay Soomaalilaan.
Waxaa uu isbahaysigan saddex geesoodka ahi tijaabo gali doonaa horraanta sannadka soo socda markaas oo uu soo afjarmi doono hawlgalkii ATMIS, taas oo uu beddeli doono hawlgalka cusub ee AUSSUM, hawlgalkaa cusub oo ay Soomaaliya dalbatay in aan Itoobbiya qayb ka noqon, ilaa ay ka laabato isafgaradkii ay Soomaalilaan la saxeexatay. Haddii ay sidaa yeesho waxay xalinaysaa qayb ka mid ah khilaafka Soomaaliya kala dhexeeya, taas oo hadda dalbanaysa in ay Itoobbiya Soomaaliya kala baxdo ciidamadeeda dheeraadka ah ee aan qaybta ka ahayn hawlgalka ATMIS. Haddii Itoobbiya ka noqon weyday isafgaradkaas waxaa dhici karta in arrintu cirka isku shareertay oo ay noqoto in Eretariya iyo Masar taageero u fidiyaan Soomaaliya.
Dhanka kale, Soomaalilaan kama dheera isbeddeladan, oo Muqdisho waxa ay taageerada goboleed uga faa’ideysatay in ay sii cunaqabatayso Soomaalilaan, iyadoo shirkadaha duulimaadyada ku khasabtay in magaca Soomaalilaan ka masaxaan duulimaadyadooda Hargeysa oo ay ku beddelaan Soomaaliya, sidaasoo kale waxa ay ku amartay shirkadaha xawilaada lacagaha, shirkadaha ay Dahabshiil ka mid tahay ayaa u hogaansamay amarkaan. Waxaana cad in isafgaradka iyo saamayntiisu aanay ka dheeraan doonin doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada ee bisha soo socota ka qabsoomi doona Soomaalilaan, iyadoon mucaaradku soo saarin mawqif taageeraya isafgaradka, xisbiga Waddani oo ah xisbiga mucaaradka u balladhan, ee kuraasta u badan ee baarlamaanka haysta waaba uu dhaliilay isafgaradka, Soomaalilaan ay la gashay Itoobbiya, isagoo guddoomiyaha xisbigu ku dhaliilay qarsoonida heshiiska iyo in aan aqoonsiga dal qudhi wax weyn ka tarayn qadiyadda Soomaalilaan.
Dhanka kale rejadii in labada dal wada hadal ku dhameystaan khilaafkooda way yaraatay, ka dib markii saddex fadhi oo Turkigu dhexdhexaadinayaan lagu gaadhi waayay wax isafahan ah, isagoo dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya wajahaya dhibaatooyin gudeed oo sii kordhaysa, taas oo kaga imanayasa madaxda maamul goboleedyada ee ka soo horjeeda wax ka beddelka dastuurka ee uu ku hawlan yahay, iyo saarista ciidamada Itoobbiya oo ay kaga soo horjeedaan, maamul goboleedyada qorshayaasha madaxweynaha ka soo horjeeda waa; Koonfur Galbeed, Jubalaan iyo Buntilaan.
Waxa uu madaxweynaha Masar ku xusay kulankii Asmara in ay ka go’an tahay in uu ku garab istaago ciidamada qaranka ee Soomaaliya, dagaalka ka dhanka al-Shabaab iyo sugidda amniga. Waxaana laga cabsi qabaa in labada dawladood soo faragaliyaan khilaafka xukuumada federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya u dhexeeya, iyagoo garab ku siinaya xukuumada Xasan Sheekh muquuninta maamul goboleedyada siyaasad ahaa mucaaradka ku ah.
Isku day kasta oo Masar ku damacdo in ay faragaliso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxay sii cakiraysaa khilaafka, iyadoo lagu jiro xilli ay adduunka ka taagan tahay adeegsiga xoog milatari ka dib marka natiijo degdeg ah lagu gaadhi waayo marinada dublaamisyadeed, sida ay ku aragnay dagaalkii Yukrayn iyo xasuuqa ay Israaiil ku wado Qasa iyo Lubnaan. Isagoo tilmaamaya Siisi arrintan waxa uu sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in milatari ahaan soo faragaliyo oo taageero Soomaaliya, waxaan uu la saxeexday baratakool iskaashi milatari ah oo ka dhaxayn doona labada dal.
Abiy Axmed dhankiisa ceeb ka saliim ma aha oo waxa uu gacan ka hadal u adeegsaday in uu soo afjaro khilaafkii kala dhexeeyay TPLF, waxaana uu ku baaqay in uu diyaar u yahay in hadday ku kalifto uu xataa diyaar u yahay in uu xoog ku helo rug badda cas ah, dhanka Suudaana labada dhinac ee halkaa isku hayaaa waxa ay go’aan ku gaadheen in ay xoog milatari khilaafkooda ku dhameeyaan. Dhanka kale, Itoobbiya waxa cadaadis lagu saarayaa isbahaysaiga saddexda dal, iyadoo dhankeeda adeegsanaysa kaadhadhka ay xoqan karto, sida in ay xaqiijiso awoodda ay ku leedahay Soomaaliya gudaheeda, oo ka hor gaynaysa madaxda maamul goboleedyada Xasan Sheekh iyo in ay Eretariyana cadaadis ku saarto in ain ay ka dalbato in ay kala baxaan ciidankooda deegaannada la isku hayo ee gobolka Tigraayga
Arrimahan ay ka soo hadalnay waxaa laga yaabaa in ay ka dhashaan colaado gobolka Geeska Afrika harqiya, oo ay dabada ka riixayaan faragalinta Masaaridu, iyadoo lagu jiro xilli dawladaha gobolku caadaysteen in khilaafaadka lagu dhameeyo gacan milatari, taas oo lagu daray xaaladda cakiran ee adduunka haatan ka taagan, ee awoodda dhan walba loo eersanayo si loo xalliyo khilaafaadka.