Skip to main content

Friday 15 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Soodaan: Dagaalku waa cadaabtii haweenka

5 April, 2024
Image
Dumar
Haweenku iyagaa dhibbanaha ugu daran u noqda colaadaha (Sawirka: Reuters)
Share

Colaadda ka taagan Soodaan waxay waxyeello wada gaadhsiisay dhammaan muwaadiniinta Soodaan, balse waxay si daran u saamaynaysaa dumarka.

Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah ayaa sheegay in ku dhawaad 6 milyan oo qof, oo u badan dumar iyo carruur, ay ku barakaceen colaadaha ka aloosan Soodaan. Dumarka ayaa wajahaya xaalad amnidarro, waxaana loo geystay xadgudubyo jinsi oo kala geddisan, kuwaas oo ay ku jiraan, qiyaastii, 370 kufsi oo la diiwaangeliyey—56 ka mid ahi waxay ka dhaceen gobolka Daafuur, ka dib duulaankii ay Xoogagga Gurmadka Degdegga ahi (RSF) ku qaadeen gobolkaa, Julaydii la soo dhaafay.

Faaduma Axmed oo ah haweeney ku jirta da'aadda kontomeeyada oo nolol-maalmeeddeeda ka kasbata cuntada diyaarsan, dagaalku wuxuu nolosheeda iyo tii qoyskeedaba u rogay xagga kale, wuxuuna ku qasbay inay ka qaxaan magaalada Khartuum oo u qaxaan magaalada dhacda bariga Soodaan ee Kasaala. Faaduma Axmed oo mar ahayd mulkiilaha makhaayad cunta-dhaqameedda iibisaa waxay hadda la daalaadhacaysaa ilihii dhaqaale ee asaasiga ahaa, iyada oo dhinaca kalena ku dadaalaysa dibudhiska ganacsigeeda. Waxay sidoo kale isku dayaysaa inay ka soo kabato dagaalladii Khartuum ee qarracanka ahaa, halkaas oo iyada iyo qoskeedu kala kula kulmeen deryanka argagaxa leh ee duqaymaha iyo rasaasta, iyo sidoo kale daawashada muuqaallada naxdinta leh ee xubnaha jidhka ee daadsan waddooyinka.

Cawadiya Marjaan oo ka barakacday magaalada ku taalla koonfurta caasimadda ee Jabal Awaliya ayaa lagu qasbay inay mar labaad u qaxdo magaalada Wad Madani, maadaama dagaalku ku fiday hareeraha Khartuum. “Intii lagu jiray safarkaa saranseerka badan waxaan waayey walaashay oo la tacaalaysey xanuun muddo soo jiitameyey, dhimashadaa oo ka dhalatay in aanu jirin cisbitaal ama xarumo caafimaad,” ayay waraysi ku sheegtay waraysi.

Tan iyo goortii uu dagaalku ka qarxay Soodaan, badhtamihii bishii Abriil [ee 2023], waxaa sare u sii kacayey xadgudubyada la xidhiidha galmada ee lagula kacayo dumarka, taas oo keentay in haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahiba ka muujiyaan walaac iyo canbaarayn ballaadhan.

Amnesty International ayaa sheegtay in daraasiin dumar iyo hablo ahi—oo qaarkood da'doodu ka yar tahay 12—ay kooxaha dagaallamaya kala kulmayaan xadgudubyo galmo, qaarna loo afduubtay sidii loogu addoonsan lahaa ujeeddooyin la xidhiidha galmo.

Axmed Ibraahin oo ah dhakhtar dhimir ayaa daweeyey qiyaastii 1,000 dumar ah oo ka cabanayey xadgudubyo galmo, jidheed iyo afeed oo soo gaadhay intii dagaalku socdey, dumarkaas oo doonaya inay dib u soo celiyaan deggenaantoodii maskaxeed, isla markaana yareeyaan doogaha ay ku sababeen dagaalladu. Wuxuu sidoo kale waraysi ku xusay walaaca la xidhiidha sare u kaca ku yimi xadgudubyada galmada la xidhiidha, dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey. Sidoo kale, Ducaa Mamuun oo u dhaqdhaqaaqda sharciga oo, tan iyo markii uu Soodaan ka bilowday dagaalku, diiwaangelinaysay xadgudbyada ka dhanka ah dumarka ayaa ogaatay jidhdil xanuun badan oo loo geystay dumarka Soodaan, taas oo ay weheliso diidmada nidaamsan ee ku aaddan xuquuqdooda waxbarasho iyo caafimaad.

Dadka barakacay waxaa ka mid ah, kumannaan dumar reer Soodaan ah oo ku xayiran xero qaxoonti oo ku taalla xuduudda u dhaxaysa Soodaanta Koonfureed iyo Yugaandha, kuwaas oo xaaladaha amni, nololeed iyo degaan ee sii xumaanayaa ay u nuglaynayaan rabshado kale.

Ururka qaabbilsan dadka la waayo ee “The Sudanese Group of Victims of Enforced Disappearances,” ayaa diiwaangeliyey 96 kiis oo ah dumar ay u badan tahay inay la kulmeen kufsi, addoonsi galmo iyo in shaqo ahaan looga faa'idaysto. Xaaladda waxaa uga sii xumaynaya, xitaa haddii ay haweenkani soo laabtaan, waxay dumarku badiyaa ku qasban yihiin inay xammilaan sumcaddil iyo aflagaadooyin kale oo ay bulshada kula kacdo. Dhanka kale, marka la waayo xubnaha ragga ah, dumarku waxay dhabarka u ritaan culayso dhaqaale, bulsheed iyo sharci. Run ahaantii, sida uu dhigayo sharciga Soodaan waxaa dumarka ka mamnuuc ah inay hesho kaydka lacageed ee ninkeeda ilaa ay maqnaashihiisa ka soo wareegayso, ugu yaraan, laba sannadood. 

Qaababka caynkan oo kale ahi wuxuu dagaalku, dumarka Soodaan saaray culays maaliyadeed oo dhab ah, kuwaas oo waayey shaqooyinkoodii, hantidoodii, guryahoodii iyo ilahoodii dhaqaale, wuxuuna ku kellifay in ay gargaar raadsadaan. Sida laga soo xigtay khabiirka dhaqaale ee Al-Haadi Maxamed Ibraahin, arrintani waxay saamayn dhaqaale oo ba'an ku yeelatay guud ahaan dalka oo dhan—gaar ahaan, miyiga oo dumarku ka shaqeeyaan beeraha, xooladhaqashada iyo farsamada gacanta. 

Maadaama dagaalka Soodaan uu weli socdo, iyada oo aanay jirin tallaabooyin badan oo lagu ilaalinayo haweenka, waxaa sidoo kale socon doona weerarrada ka dhanka ah dumarka. Khubarada Qarammada Midoobay ayaa ku boorriyey Ciidammada Qalabka sida ee Soodaan (SAF) iyo Xoogagga Gurmadka Degdegga ahi (RSF) inay soo afjaraan xadgudubyada joogtada ah ee lagula kacayo sharciyada bani'aadantinnimada iyo xuquuqda iinsaanka. Si kastaba ha ahaatee, sinaba suuragal uma aha inay istaagto colaaddu, haddii aan la helin faragelin degdeg ah oo caalami ah—taas oo lamahuraan u ah dadaallada ururrada samafalku ku samatabixinayaan, kuna ilaalinayaan dumarka.

FG: Waraysiyada qoraalkan lagu xusay waxa la qaaday intii u dhexaysay Febraayo 15 ilaa 29, 2024.

***

Qoraalkan waxa laga soo turjumay degelka Carnegie Endowment.