Friday 22 November 2024
Afrika waxa ay leedahay goob Istaraatiijiyadeed oo muhiima, waxaana sii bullaaliyey hoddantinimada iyo kala duwanaanta ilaha Khayraadka, tusaale waxa ay leedahay; dhulka ugu cagaarka badan adduunka, waxa kale oo ay leedahay muhiimad weyn oo dhanka beeraha ah, waxa kale oo ay hodan ku tahay ilaha biyaha, waxaana dhex rogmada saddex iyo toban webi, kuwaas oo dhammaantood u qalma in ay noqdaan sallada qadada ee adduunka. Afrika, waxa lagu sheegaa in ay tahay Kaydka macdanta iyo agabka tamarta. Konton ka mid ah macdanta caalamiga ah na Qaaraddu waxa ay sad u heshay 17 ka mida kuna kaydsan, kuwaas oo ay ka mid yihiin macdano naadir ahi. Waxa intaas dheer awood dadeed oo ay sees u yihiin da’ yartu, taas oo siinaysa shaqaale aad u firfircoon dhanka kale na jaban.
Bangiga Horumarinta Afrika waxa uu saadaaliyey, Afrika in ay isu rogayso, suuqa ugu adeegga weyn kolka la eego korniinkeeda bulsheed ee xawaaraha jaraya. Waxa aynu ku jirnaa Qarnigii soo if baxa Afrika, ka dib kolkii qaaradda oo bilawgii qarnigii tagay hoy u ahayd 1.40 bilyan oo qof oo u dhiganta 9% dadweynaha addduunka ay kor u kacday 1.42 Bilyan tiradaas oo u dhiganta 17.8 % degsiimooyinka dhulka. Saadaaluhu na waxay sheegayaan sannadka 2050 in ay tiradu gaadhi doonto 2.5 bilyan taas oo bulshada caalamka ka noqonaysa wax u dhigma afar meelood meel ¼, waa ku dhawaad 40% bulsho weynta adduunka, waa dhammaadka qarnigan aynu ku jirno.
Haddaba, ehel u ahaanta dabiicadda, awoodda dadeed iyo Istaraatiijayadeed ee Afrika waxa ay dhalinayaan waydiin ah: ilaa iyo intee ayey Afrika u diyaarsantahay mustaqbalka ? Si kale, dalalka Qaaradda, Xukuumadaha iyo Shucuubtoodu miyey si dhammaystiran ugu baraarugsanyihiin waxa sugaya ? Intee ayuu gaadhsiisanyahay dadaalka afrikaanku ee ka gudbidda Isbaarooyinku? Halkee ayey ku danbaysay fulinta Ajandaha 2063 ee Midawga Afrika? Mar kale, waa sidee xaaladda ganacsiyada u dhaxeeya Waddama Afrika? Ka warran Riyadii Afrikaanka ee ‘Shengen’ mawaadinka Afrikaanka ahi ma awooddaa in uu ku socdaalo Baasaboorkiisa isaga oo ka fog shiddada fiisaha?
Afar iyo kontonka dawladood ee Afrika afar dawladood oo keliya (Ruwaanda, Biniin, Kiiniya iyo Gaana) ayaa u oggolaaday muwaadiniinta Afrikaanku in ay soo galaan dhulalkooda fiiso la’aan, halka inta kale oo ah ku dhawaad 60% soo gelitaankooda ay ku xidheen fiise. Qaaradda dhexdeeda amminta socdaalka Afrikaanka aan looga baahneyn fiisayaasha waxa ay gaadhaan 28% waa sida lagu xusay warbixinadii u danbeeyay, taas beddelkeeda, 47% ka mid ah muwaadiniinta Afrika ayaa u baahan helitaanka fiise dal ku gal ka hor inta ayna safrin, taas tu ka duwan, muwaadinka Ameerikaanku, badi waddamada Afrikaanka fiisi la’i ayuu ku soo dhex wareegi karaa.
Tirooyinkan ayaa diwaanka lagu hubsaday, siddeed sannadood ka dib kolkii midawga Afrika uu bilaabay sannadkii 2016 ‘ Baasaaboorka socdaalka ee Midawga Afrika ‘ waa intii lagu gudo jiray shirkii 27 ee Midawga Afrika kaas oo ka dhacay Kigali, tallaabadaas na waxa uu midawgu ku tilmaamay “ Tallaabo uu yoolkeedu yahay, in meesha laga saaro dabaradda kaga xidhan Afrikaanka, awoodda ay u leeyihiin ku dhex safarka, ku noolaansha iyo ka dhex shaqaysiga Qaaraddooda “ waxaana waagaas la isla dhex marayey in Basaaboorka Midawga Afrika uu la tartami doono dhigiisa Midawga Yurub ee muujinta muhiimadda Qaaradda.
Waxa xusid mudan, in sannadkii 2016 Midawga Afrika uu dejiyay jaangooyada siyaasadda socdaalka, taas oo uu haddana dib u eegay sannadkii 2018, u jeedadeedu waxa ay ahayd wax ka qabashada caqabadaha isu socodka, waxyaabihii ugu danbeeyeyna waxa ka mid dhiirinta Baratakoolka Xorriyadda qofeed, si loo dhiiri geliyo xorriyaddda badeecadaha, ra’sul maalka iyo adeegyada dadka ku dhex nool qaaradda. Laakiin waaqicu waxa uu ina tusayaa taas lidkeeda, tusaale, dhakhaatiirta ka hawlgasha Maraykanka tobankii ba mid ka mid ah ayaa Afrikaan ah, halka dhakhaatiirta guud ee Ajaanibka ah ee ka hawlgala Faransiiska boqolkiiba 12% ay ka soo jeedaan Afrika.
Dhammaan, dadaaladaas oo dhan ee ay isugu jira qorshayaasha iyo borotokoolada, ee u taagan ajandayaasha Midawga Afrika ee 2063, kama baxsana xuduuddihii uu gumaysigu ku jeexay shirkii Baarliin ee sannadkii 1884, kaas oo uu ku xadidday, hadba inta ay ku dhex socon karaan Afrikaanku.
In kasta oo madaxda iyo hoggaamiyayaasha Afriki ay isla meel dhigeen ‘Afrika isu furan oo bilaa soohdimo ah’, haddana sida keliya ee lagu heli karo Afrika dhammays ah waa daamanad qaadista xorriyadda isu gudubka. Ilaa haddana xuduuddaha gudaha ee qaaraddu waa qaar ka xidhan isla dadka qaaradda una furan Ajaanibka sabab iyo cudur daar la’aan, kuwaas oo haddii xaqiiqada loo soo dago aan aad u sii daneyn midawga Afrikaanka iyo is ku tiirsanaantooda.
Arrinta furitaanka xuduuddaha u dhexeeya Afrika ee la isla soo qaaday waa mid ilaa xad meel mar ah, laakiin haddana uma ay istaagin, xidhitaanka xuduuddaha ee dhanka ganacsidaya Afrika dhexdeeda, gaar ahaan, qaaraddu waxa ay leedahay awood horumarineed oo baaxad leh, sida khayraad dabiiciya oo ka mid ah kuwa ugu qiimaha sarreeya adduunka, oo lagu daray suuqa ugu adeegga weyn kaas oo ay joogaan 1.2 Milyaar oo qof, iyo waxsoosaarka guud ee gudaha oo sii cagcaganaya 2.5 Tiryalan oo dollar.
Bishii Maarj, 2018 waxa qalinka lagu duugay ‘Heshiiska ganacsiga xorta ah ee Afrika’ si la isugu dubarido aagga ugu weyn caalamka ee ganacsiga xorta ah, waxaanu kooramkii qaanuun ahaan loo baahnaa gaadhay bishii Meey sannadkii 2019, si heshiiska loo dhaqan geliyo Janaayo 2021, shixnaddii ugu horraysay ee ganacsi taas oo lagu xoojiyanyo heshiiskan qaarada waxa ay ka shiraacatay Gaana waxayna gaadhay Koonfur Afrika oo saldhig u ah Xoghaya guud.
Dawladaha Afriki waxa ay Waxa ay isku ballansadeen, waa sida uu dhigayay heshiisku in ay dabarka ka furayaan ganacsiga, badi wax is waydaarsiga ganacsi iyaga oo meesha ka saaraya cashuuraha kastamyada 97% iyo sidoo kale khidmooyinka guud ee la bixiyo. Tan iyo intii la galay fulintana 44 dawladood ayaa soo gudbiyey tacrifooyinkooda, waa tallaabo loo qaaday dhanka waxtarka, qiyaasuhuna waxa ay sheegayaan in sannadka 2030 Kharashka guud ee macaamilka ganacsigu in uu gaadhi doono ilaa 6.7 Tiryalan oo doollar, halka sannadka 2050 na uu intaa ka badan doono isaga oo gaadhi doona 16 Tiryalan.
Dhanka kale, bishii Abriil ee la ga soo gudbay, xoghayaha guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah na waxa uu taageeray xoojinta heshiiskan, waxaana la furay marino casri ah oo mandaqada ah, si loo hawl fududeeyo ganacsiga dhex goosha qaaradda. Sidaas awgeed, madashu waxa ay noqon doontaa mid muhiima oo kaydisa xogaha ganacsiga, kana talo bixisa asaaska xeerarka iyo xogaha suuqa. Sida uu sheegay xoghaya guud ee Ganacsiga xorta ah Wamkele Mene waxa ay ku dadaali doonaan “ Xoojinta shirkadaha yar yar iyo kuwa dhexe iyo dhalinyarada halabuurka ganacsi leh ee Afrika si loogu fududeeyo is dhexgalka ganacsiga iyo ugu danbeyn kor u qaadista ganacsiyada ka dhexeeya dawladaha Afrika “
Midawga Afrika waxa uu ku abdo weynyahay Heshiiska Aagga ganacsiga xorta ahi in uu horumar gaadhsiiyo idil ahaan qaaradda, maaddaama oo uu heshiishku wax badan ka tari doono dib u qaabtaynta ganacsiga Qaaradda Afrika. Waxa hoosta in laga xariiqo mudan in ujeedada heshiiku tahay seeto fur iyo abuurista muuqaal midaysan oo dhanka ganacsiga gudaha Afrika ah. Laakiin qiyaasaha iyo saadaashu badi inama siinayaan xasillooni iyo yididdiilo.
Ka dib kolkii uu dhaqan gelay heshiisku bilawgii 2021, badi Afrikaanka qaaradda waxa u muuqday isbeddel la taaban karo gaar ahaan dhanka ganacsiga u dhexeeya qaaradda kaas oo ka yar 20% isku darka ganacsi, halka inta kale u weecato dibadda, waxa iyana jirta Afrikaanku, dadweynaha dunida in ay ka yihiin 18% iyada oo taasi jirto dhaqaalaha dunida wadar ahaan waxa ay ku biiriyaan wax ka yar 5% .
Afrikaanka waxa hamigoodu cirka isku shareeraa kolka ay dheehdaan warbixinadda Midawga Afrika ee sheegaya in heshiishka Aagga ganacsiga xorta ahi uu kor u qaadi doono dakhliga gobolka 7% boqollaydaas oo u dhiganta 450 Milyaar oo dollar. Dhankiisa, Bangiga adduunku waxa uu saadaaliyey in heshiisku uu ka qayb qaadan doono sidii ay saboolnimada teeda ba’an ay uga saari lahayd 30 milyan oo qof, iyo dhanka kale 68 milyan oo ku jira saboolnimada dhexdhexaadka ah. Sidoo kale waxa uu saadaalinayaa heshiisku in uu kor u qaadi doono 17% wadarta ganacsiga dhex goosha qaaradda sannadka 2035.
Yididdiilada waxaa kor u sii qaaday, jidadka ganacsi ee qaaradda kuwaas oo baro dhaafiyey dhaqdhaqaaqa khariidada caalamka, loona diwaan geliyey celcelis dhan 4.3%, jid ganacsiyeedkaas na waxa ka mid ah; midka isku xidha Bariga Afrika iyo Koonfurta Aasiya, kaas oo korniinkiisu gaadhay celcelis dhan 7.2% taas na waxa abaalkeeda leh heshiisyada ganacsi ee ka dhexeeya waddamada Bariga Afrika heerkooda dhoofintuna celcelis ahaan waxa uu kor u kacay in ka badan siddeed laab, waa sida uu ay xaqiijiyeen daraasadaha ururka Sanduuqa Lacagta Adduunku.
In kasta oo heshiisku yahay mid dusha sare laga wado, haddana waxa uu ku xukumanyahay xaqiiqooyinka iyo waaqica. Tusaale, kaabayaasha dhaqaale iyo iyo gaadiidka Afrika u kala goosha ma dhiiri gelinayaan in hore loogu ruqaansado riyadaas. Waxaana inagu filan In aan soo qaadano odhaahdii Majaladda ‘The Economist’ ee ahayd “Shixnadda koontiinarka ee ka timaadda Shiinaha kuna socota Mosanbiik waxa ay qiimo ahaan ku kacdaa 2000 oo doollar, laakiin u kala gudubka musanbiiq dhexdeeda gaar ahaan masaafo gaadhaysa 500 km oo keliya waxa ay ku kacdaa 5000 oo dollar.”
Intaas waxa dheer, awood la’aanta Hayadaha Maaliyadda, oo aan isku dubaridi karin ilaha dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah waaxyaha muhiimka ah sida beeraha iyo warshadaha…halka wax is waydaarsiga ganacsi ee shirkadaha shisheeye ay iyana u yihiin caqabad jirta, maadama is dhexgalka Afrika ay khatar ku tahay danaha kooxan ku dhex nool dawladaha aan lahayn hufnaan iyo dimuqraadiyad.