Skip to main content

Monday 16 September 2024

Waraysi

Xilmi Bin Meryam: Qiimaha Nuuradiin Faarax waxa garan kara ruuxii ka bogta qoraalladiisa

24 June, 2024
Image
Helmi Ben Meriem
Share
Xilmi Bin Meryam waxa uu Geeska uga warramay cilmibaadhistiisa ku saabsan sheekooyinka iyo qoraallada kale ee Nuuradiin Faarax, iyo guud ahaan suugaanta Soomaalida.

Xilmi Bin Meryam waa buuni ku xeeldheer cilmibaadhisaha Soomaalida oo reer Tuniisiya ah, kaas oo cilmibaadhisihiisu daarran yihiin suugaanta Soomaalida ee af Ingiriisiga ku qoran. Geeska ayuu uga warramay sidii kediska ahayd ee uu ku bartay sheekada Nuuradiin Faarax (taas oo markii danbe ku dhalisay in uu ka dhigto mawduuca baadhiseed ee PhD-diisa). Cilmibaadhistiisa shahaadada sare waxay daarran tahay sida uu Nuuradiin Faarax uga warramo kelitalisnimada iyo dimuqraadiyadda, iyo siyaalaha loola falgalay waxsoosaarka Nuuradiin iyo saamaynta ay reebeen.

Xilmi waxa uu falanqaynayaa qoraallada Nuuradiin Faarax, sida looga bogan karo iyo casharrada Soomaalida maanta nooli ka baran karaan. Wuxuu hoosta ka xarriiqayaa iska caabbintii Nuuradiin kaga biyo diiday in cadaadis lagu saaro wax aanuu aaminsanayn iyo garmaqaatannimada siyaasadeed, waxa kaloo uu hoosta ka xarriiqay sida uu ugu doodo xorriyadda hadalka, iyo sida ay uga go’an tahay u halganka xuquuqda dadka iyo shaqsiyadnimadu. Xilmi waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qaddariyo oo laga barto qiyamkan Nuuradiin Faarax, isagoo sheegay in ay yihiin kuwo ay tahay in Soomaalida iyo cid kastoo kaleba ay qiimeeyaan oo ku dhaqmaan.

Xilmi wuxuu ku xeeldheer yahay suugaanta Soomaalida guud ahaan, waxaana uu milicsanayaa buugta uu aadka u xiiseeyo, gabdhaha wax qora ee waayahan danbe wacdaraha ka dhigaya suugaanta Soomaalida ee afafka qalaad ku qoran, iyo guud ahaan qoraallada qurbajoogta ee suugaanta Soomaalida la xidhiidha.

Maxamad Buux (MB): Sidee baad u qeexi lahayd hayaankaaga ka soo bilaabmay in aad si kedis ah u akhrido Nuuradiin Faarax ilaa aad u banbaxday suugaanta Soomaalida ee Af Ingiriisiga ku qoran? 

Xilmi Bin Meryam (XBM): Suugaanta Soomaalida afkay doonto ha ku qornaatee waxaa albaab aan ka soo galo ii ahaa buugga Nuuradiin Faarax ee Feedh Qalloocan, waa sheeko-faneed gaaban oo tebinaysa sheeko isku qoofalan, oo ku socota sheekada gabadh mayal adag oo Ceebla la dhaho. Buuggaa ka hor waxba kama aqoon suugaanta Soomaalida. Kolkaan maqlo iyadoo lagaga hadlayo talafeeshanka iyo jidadka, Soomaaliya iyo Soomaalidaba waxaa laga soo qaadi jiray kuwo fowdo asqaysay, macaluul u go’ay oo dawladdii ka fashilantay

Markaan yaraa iyo markaan barbaarka ahaaba ma jirin cid ii sheegtay in ay jirto Soomaaliya ka sii ridan ta ay wararku soo tebiyaan. Markaas, halka wanaag ee aan ka fekeri karay ee ay Soomaaliya lahayd waxa uu ahaa qaabka ay u taal kolkaad khariiradda ka eegto iyo halka ay ku taal. Markaan yaraa waxa aan xiisayn jiray waxyaalaha durugsan – hadday bulshooyin iyo diimo qalaad yihiin ama fakaagga koreba. Waxa ay ila ahayd, kolkaad u fiirsato khariiradda Soomaaliya, in ay tahay mid tusmaynaysa 'rabitaanka dadka ee ah in uu u baxsado meel ka wanaagsan baradiisa'. Soomaaliya khariiraddeeda waxaad mooddaa in ay rabto in ay ka go’do Afrika inteeda kale oo ay u dabbaalato meel ka durugsan. Iyadoo malaha ku taamaysa in ay hesho cimilo ka wanaagsan ama gobol ka xasilloon.

Imika, oo ay ka soo wareegtay sannado badan kolkaan Soomaaliya ku bartay suugaanta, waxa aan jeclaan lahaa in dadku u aqoonsan lahaayeen Soomaalidu caynkay dhabtii yihiin: dad sida dadka kale oo dhan goobaya nabad iyo badhaadhe. Nasiibdarro se, waqtigan aynu ku jirno ee dadka wax akhriyaa sii koobmayaan, uma malaynayo in suugaantu ay meel durugsan gaadhayso oo ay is beddelayaan fekradaha ulaha boocda leh ku tukubaya ee aan qotoda lahayn ee bulshooyinku ka aaminsan yihiin kuwo ka geddisan. Waxaa ka daran taa oo aan hubo in ay dad badan amakaag ku abuuri doonto, in aynu noolnahay adduun dadku muuqaal TikTok yaalla ka doorbidaan akhrinta sheeko gaaban—noofal dheerna hadalkeeda iskaba daa!

MB: Maxay yihiin qodobbada u waaweyn ee ka soo baxay cilmibaadhistaadii PhD-da ee aad ku samaysay waxqabadka Nuuradiin Faarax?

XBM: Cilmibaadhistayda PhD-da waxa cinwaan u ah, “Sida uu Nuuradiin Faarax wax uga qoray diktaatooriyada, qoraallo la soo xulay” waa akhris Foucauldian ah[1]. Waxa aan ugu kuurgalay cilmibaadhistaydan kelitalisnimada iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya, waxaan u maray baadhista labadan arrin, lafagurka shantii noofal ee u horereyay ee Nuuradiin Faarax: From Crooked Rib (Feedh Qalloocan) (1970); Naked Needle (1976); Sweet Sour Milk (Gadhoodh Macaan) (1979); Sardines (1981); iyo Close Sesame (1983). Kelitalisnimada iyo dimuqraadiyadda sida loogu kuurgalay cilmibaadhista gudaheeda kuma koobna siyaasadda, balse waa mid koobsanaysa dhammaan laamaha nolosha ee Soomaaliya, muddadii u dhaxaysay 1969 ilaa 1990. Sheeko-faneedyada Nuuradiin Faarax waxa loo lafaguray sidii oo ay yihiin khariirad tusmaynaysa dhagarta kelitalisnimada, sidoo kalena ka marag kacaysa u janjeedhka dimuqraadiyadda ee dhaladka ah ee ku abuuran shaqsiyaadka badankooda. Cilmibaadhistaydu waxa ay daarran tahay laba dhaqdhaqaaq oo iska soo horjeeda oo marar aad isugu ekaanaya, xeeladaha kala ergisanaya, waa isku tallaw dhex maraya kelitalisnimada iyo dimuqraadiyadda. Dimuqraadiyaddu waa falcelis iyo dood ka dhan ah kelitalisnimada, taas oo lafteedu ku jirta dib isu cusboonaysiin joogto ah si aan dedaallada dimuqraadiyaddu u soo qaban oo meesha uga saarin. Labadan dhaqdhaqaaq waxay ku loollamaan awoodda iyagoo u qaabeeya hadba siday ugu badiso dhankooda, waxayna isu adeegsadaan xeeladaha laylinta, doodista, isdhagridda/daaha ka rogidda xaqiiqada iyo xakamaynta aqoonta.

MB: Nuuradiin Faarax doorkee buu kaga jiraa suugaanta Soomaalida? Maxayna Soomaalidu ka baran kartaa qoraalladiisa?

XBM: Waxaan aaminsanahay in odhaahdii Jarles Booldileer ay si wanaagsan u qeexayso Nuuradiin: “Qaramadu, sida qoysaskaba, waxay yeeshaan rag waaweyn, iyagoon ku talagalsanayn. Waxayna sameeyaan wax kasta oo ay kaga hortagi karaan soo bixistooda.” Haddii Nuuradiin ku sii nagaan lahaa Soomaaliya gudaheeda xilligii taliskii Siyaad Barre, ma uu caanbaxeen ee waa la hagaasin lahaa. Hoggaankii siyaasadeed ee xilligaa joogay waxay dedaal badan ku bixiyeen in ay awood tiraan, oo waxay faafreebeen buugtiisa oo xataa sida uu Nuuradiin Faarax ku sheegay waraysi aan la baahin oo ay la yeelatay Maya Jaggi: “Waa laygu daba jiray’ laba jeer ayaa la isku dayay in la i dilo, mar aan Nayjeeriya joogay iyo mar aan Rooma joogay”. Haddii uu Soomaaliya joogi lahaa qoyskiisu waxa ay isku dayi lahaayeen in ay ka waaniyaan mucaaradadda dawladda iyo dhaqanka laboodka ee uu aadka u naqdiyayo. “Nuuradiinow, nin yar baad tahay; adduunka rag waaweyn baa ka taliya,” sidaas buu sawirtay in Aabbihii uu ku odhan lahaa. Sida uu uga biyodiiday in uu isu dhiibo cabbudhinta iyo u hoggaansanaanta indhola’aanta ah ee siyaasiga, sida uu ugu dooday xaqa hadalka, iyo aaminaaddiisa xuquuqda dadka iyo qiimaha shaqsinimada, iyo qaar kale oo ka mid qiyamka uu ku astaysan yahay, waa kuwo ay tahay in la ilaashado oo ay ka bartaan Soomaalida iyo dadka kaleba.

Sidoo kale, ruuxii raba in uu si dhab ah u fahmo Nuuradiin Faarax waa in uu akhriyo qoraalladiisa hal-abuurka sheekada ah iyo kuwa aan sheekada ahayn labadaba, waayo way is dhammaystirayaan waxayna bixinayaan fahan dheeraad ah oo ku saabsan sida mala’awaalka sarraysa iyo falsafadda uu ku dhugto dhacdooyinka oo dhan ilaa kuwooda iska caadiga ah. Dhab ahaantii, Nuuradiin waxay daacad hadalkiisu aad uga sii muuqataa waraysiyada uu bixiyo, maqaalladiisa iyo buuggiisa aan sheekada ahayn ee Yesterday, Tomorrow: Voices from the Somali Diaspora.

MB: Sidee baad u qeexi lahayd guud ahaan qoraallada Nuuradiin Faarax? Hababka midho dhalka ah ee loola falgali karo qoraalladiisuna maxay yihiin?

XBM: Marka la daraasaynayo noofallada Nuuradiin waxaa la eegaa sida ay ula xidhiidhaan taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadda, diinta, gumeysiga iyo dagaalka sokeeye. Marka dhankaa laga eego, falanqeeyayaasha qaar uu ka mid yahay Reed Way Dasenbrock, waxay ku doodeen in noofallada Nuuraadiin soo hoos galayaan nooca loo yaqaan noofallada taariikheed (historical novel), kaas oo ah sheeko-tebin dib u eegta, dibna u dhista taariikhda iyadoo dib ugu hal-abuuraysa hab mala’awaal ah.

Noofallada Nuuradiin waxay soo bandhigaan sheekooyin waaqici ah kuwaas oo lafaguraya oo falanqaynaya dhacdooyin iyo ifafaalayaal taariikhi ah ama hadda taagan si fahan buuxa looga qaato. Dhan kale oo laga soo eegi karo sheeko-faneedyada Nuuradiin Faarax waa in la dhugto sida fiirada dheer ee uu ugu kuurgalo waayaha dumarka Soomaaliyeed iyo sida lafagurkiisaasi u xidhiidhinayo qodobbada isgoynaya ee la xidhiidha fiminiisamka, diinta, dhaqanka iyo xorriyadda. Fahanka qotada dheer ee uu ka haysto waayaha ku gadaaman dumarka Soomaaliyeed waa mid ka mid ah sababaha loogu tlmaamo “qoraagii u horreeyay ee feministe ah ee Afrika ka soo baxa”

Qoraalladiisa oo dhan waxa uu isku dayaa in uu ku soo bandhigo akhris miisaaman oo siman oo daarran ragga iyo dumarka Soomaalida, waxaana uu ka warramiyaa aragtiyaha laboodka iyo kuwa feministiga ah ee bulshada ka dhex jira. Noofalladiisu waa isku day uu ku miisaamayo oo uu kaga hadlinayo ragga iyo dumarka, isagoo ka dhex abuurayo dood fekrado is shabbaha iyo kuwo kala fog oo ay Soomaali kala duwani ka haystaan xorriyadda dumarka iyo sida taasi ula xidhiidho halganka guud ee loogu jiro dimuqraadiyadda. Si kasta oo loo dhugto hal-abuurkiisa, waa mid ku qotoma in uu Soomaaliya ku xardho diiwaanka, oo uu kaydiyo taariikhda bulshadiisa, oo uu u jeexo suurtagalnimooyin kale, taas oo ku sal leh aragtiyihiisa shaqsiga ah. Qoraalladiisa cusub qaddiyadahan hadda way ka durkeen oo waxay u dhurteen in ay ka warramaan xaaladda bulsha-nafsadeed (psycho-social) ee Soomaalida galbeedka ku nool iyo fahankooda isbeddelka joogtada ah ku jira ee waayahooda qurbajoognimo taas oo wali si weyn ula xidhiidhsan Geeska Afrika.

MB: Noofallada Nuuradiin kee baad aad u xiisaysaa?

XBMFeedh Qalloocan ayaan ugu jeclahay, sababtuna ma aha in ay tahay sheekadii u horraysay ee Soomaali ku saabsan ee aan akhriyay oo uu hilow ii hayo. Balse waxaa i soo jiitay sahlanaanteeda kakan (complex simpilicity), qodobkan oo ah mid ka maqan sheekooyinka danbe ee Nuuradiin, kuwaas oo isu dooriyay kuwo uu qoraagu naaxnaaxinta iyo ku xarragoodka ka badbadiyay, hadday tahay sheeko-tebinta, qaabka, iyo dhacdooyinkaba, waxay noqdeen kuwo iska daba meeraysanaya, mararka qaarna aan is haysan.

Feedh Qalloocan waa sheeko akhristuhu ugu tagayo sheeko-tebin is haysata oo aan lahayn erey la tuuro; erey kasta iyo fal walbaa waxa uu gudanayaa hawsha culus ee hore u socodsiinta sheekada. Sheekadu waa mid xawaare sare ku socota oo si hufan loo qoray; waa mid qabsanaysa dhugmada akhristaha. Timaamahani, nasiibdarro, waa kuwo aan lagu sifayn karin sheekooyinka danbe ee qoraaga, kuwaas oo ah kuwo dhaadheer oo jiidjiidista iyo falaadka laga badiyay, ilaa heer sheekadu mararka qaar ku dhex aasanto hadaltirada faraha badan. Naashnaashidda sheeko-tebinta ayaa gundhig u ah, halka ay ahayd in sheekadu u noqoto.

Run ahaantii, mar sii horreeyay oo ahaa 1985, ayaa Jacqueline Bardolph ka bixisay faallo indheergaradnimo ah hannaanka qoraal (style) ee Nuuradiin Faarax: “Nuuradiin waa hiboole jaadgooni ah. Waa nin aynu ka dhur sugi doonno in uu u dhurto qaababka hawsha badan ee kakan, ee inta koobani akhrisato.” Nuuradiin Faarax weli aad baa loo akhristaa, balse waxa aan ka cabsi qabaa in hannaankan qoraalka hormariyo sheekadu uu si taban u saameeyo akhristayaashiisa. Waxaanan rejaynayaa in uu dib ugu noqdo hannaankiisii hore:ee ahaa hab aan buunbuuninta iyo naashnaashka ku badnayn ee toos ah. Balse anigu akhristayaasha uun baan ka mid ahay, akhriskuna waa hawl ku xidhan dhadhansiga iyo aragtida qofka. 

MB: Nuuradiin Faarax muddo dheer ayuu Soomaaliya bannaanka uga maqnaa. Sidee bay taasi u saamaysay qoraalkiisa?

XBM: Tan iyo markii uu masaafiris ku xukmanaaday xilligii Siyaad Barre, Nuuradiin waxa uu soo booqday Soomaaliya marar kooban. Waraysi uu bixiyay 1989, Nuuradiin, isagoo ka jawaabaya arrinta musaafuriska iyo sawirka uu Soomaaliya kaga bixiyo qoraalladiisa, waxa uu ku sheegay: “Masaafadu waxa ay ii saamaxday in aan Soomaaliya si cad diiradda u saaro, oo aan ka tiro xasuustayda waxyaabaha macnadarrada ah.” Nuuradiin waxa uu u sawiray musaafuriska oo aan doorashadiisa ahayn, in halka uu kaga noqon lahaa mid naafeeya uu u noqday mid waxtar u leh, oo uu siiyay xagal cusub oo uu Soomaaliya ka darsi karo, sidoo kalena uu siiyay xorriyad uu kaga baaraandegi karo dalkiisa iyadoo aanay jirin wax xaddidayaa.

Siday doonto ha ahaatee, tani waxa ay dib inoogu celinaysaa dooddii Dasenbrock ee ku tilmaantay noofallada Nuuradiin in ay yihiin “noofallo taariikheed.” Haddaba, sidee bay noofallada Nuuradiin si daacad ah uga warrami karaan Soomaaliya isagoo masaafo ahaan ka dheer – ka foogaanshiyahan oo laftiisu keenaya fogaansho dareen iyo nafsadeed? Tani waxay u noqon kartaa mid qeexda sababta sheekooyinkiisa danbe uga dhacaan galbeedka/qurbaha, iyo sababta marka ay Soomaaliya gudaheeda ka dhacayaan xataa u yihiin kuwo ku eeg meel gude ah – guryaha iyo huteellada dhexdooda. Arrintan waxa aan si faahfaahsan uga hadlay maqaalkayga “In Praise of Exile? The Case of Somali Writer Nuruddin Farah”. Waxa lagu soo koobi karaa in musaafurisku yahay mid awoodsiin iyo awoodtiridba leh. Qoritaanka musaafurisku waa fal isdheelitiris joogto ah ku jira, oo qoraagu bannaanka ku maqani waxa uu la tacaalayaa in uu wax ka qoro dhul aanu xidhiidh toos ah la lahayn.

MB: Waxaad tahay cilmibaadhe suugaanta Soomaalida darsa, haddaba, buugtee baad soo jeedin lahayd akhrintooda?

XBM: Ugu horrayn waxaa iga afeef ah, in akhrisku yahay fal shaqsi ah oo ay saamayn ku leeyihiin duruufo kala duwani. Taa marka laga yimaaddo, suugaanta Soomaalidu luuqadda aay doonto ha ku qornaato, ama qoraageedu dunida meesha uu doono ha kaga noolaadee aad bay u kortay. Dhawaanahan waxaa soo baxaya qoraallo badan oo hal-abuur ah oo Soomaali qortay oo kala jaadad duwan. Kuwaas oo mawduucoodu aanu ku koobnayn taliskii Siyaad Barre iyo dagaalkii sokeeye. Soomaali badani hadda waxa ay bilaabeen in ay wax ka qoraan halgankooda shaqsiga ah, haddii uu ka oogan yahay Soomaaliya gudaheeda iyo dibaddeedaba. Waxa uu sidoo kale isbeddel ku dhacay caynta iyo jiilashii hore ee sheekooyinka hal-abuurka ah qori jiray, kuwaas oo u badnaa lab. Gabdho badan oo da’ yarta Soomaaliyeed ka mid ah ayaa bilaabay in ay qalinka qaataan, oo ay iyagu tebiyaan sheekadooda. Haddaba, qaar ka mid ah buugta ay Soomaalidu qortay kuwa aan xiiseeyo waxa ka mid ah: The Arab Season oo ay qortay Aliisa Axlaam; The Yibir of Las Burgabo, Maxamuud Geeldoon; Memory Lane, I. Farah; In the Name of Our Fathers (Aabbayaasheen baa na Baday), Cabdirisaaq Cusmaan; Close SesameLinks and Knots oo uu Nuuradiin Faarax qoray; Race to the Finish Line, oo ay qortay Caysha Yuusuf.

MB: Miyaad ku akhriday suugaanta Soomaalida af aan ahayn Ingiriisiga? Sidoo kale, nooga warran qoraallada Soomaaliya ku saabsan ee ay qoreen qoraayo aan Soomaali ahayni.

XBM: Faransiiska iyo Carabiga oo ah afafka kale ee aan wax ku akhriyo, wax badan oo Soomaali qortay kuma akhrin, sababtuna waxa ay tahay waxa badanaa daabaca shirkado yaryar ama waxaa lagu daabacaa dalal gaar ah, waana kuwa sida lagu helaa adag tahay. Waxoogaaga aan ku akhriyay Faransiiska iyo Carabiga waxaa ka mid ah; maansooyin ay Faransiis ku qoreen Wilyam Faarax Siyaad iyo Maxamed Siciid Samatar; sheekooyin tiraab ah oo ay Carabi ku qoreen Sahra Mursal iyo Maxamed Diiriye. Marka ay timaaddo sheeko-faneedyada Soomaaliya ku saabsan oo ay qoreen qoraayo aan Soomaali ahayn, waa kuwo tiradooda kordhayso, waxa ayna u badan yihiin shaqsiyaad Soomaaliya siyaalo kala duwan uga hawlgali jiray burburkii dawladda ka hor. 

Qoraayadan oo sidoo kale ahaa dhakhtarro, macallimiin, qareenno iyo xirfadlayaal kaleba, waxa ay qoraalkooda ku saleeyaan waaya’aragnimadii ay Soomaaliya kala kulmeen, taas oo ahayd mid muddadeeda iyo heerkeeduba koobnaa. Sheeko-tebintoodu waa mid daarran laba dhaqan oo kulmaya iyo sida ay nolosha u wajahaan, xidhiidhka dadka ee isaga gudbaya kala duwanaanta dhaqan iyo dabciyada shaqsiga ah ee kala taggan, waana sheekooyin ka warramaya waqti xasilloon oo ay jiraan shaqaaqooyin siyaasadeed. Waxa laga yaabaa in dadka qaar u arkaan qoraayadani in ay yihiin kuwo nefisaad ka dhiganaya oo bulsho sannado badan la tacaalaysa dib u dhiska qarankooda, iyadoo ay ka jiraan dalkooda dagaallo iyo aafooyin cimilo. Balse sidaa ma aha; qoraalladan badankooda waxaa lagu qoray ka baaraandeg iyo feker qoto dheer, waxana ka muuqda ixtiraam weyn oo loo hayo Soomaalida, oo aan sheekada dacal yar ka ahayn ee udubdhexaad u ah.

MB: Shirweynaha inagu soo food leh ee Daraasaadka Soomaaliyeed mawduuciisu waxa uu yahay dib u dhiska iyo horumarinta dalka Soomaaliya. Haddaba, sidee bay suugaantu uga qayb qaadan kartaa dib u dhiska dal?

XBM: Haddii aynu dib u milicsanno kulannadii hore ee Shirwaynaha Daraasaadka Soomaaliyeed ee qabsoomay intii ka danbaysay sagaashannadii, waxaynu arkaynaa cilmibaadhisaha iyo qoraallada laga sameeyay nabadaynta iyo dawlad-dhisku in ay yihiin kuwa ugu tirada badan qoraallada shirka lagu falanqeeyo. Balse, qoraalladan sida ay doonaan ha u soo bandhigaan aragtiyo quruxsan oo waaweyne, haddana, warqadda ma soo dhaafaan bulshadana ma soo gaadhaan. Ka soo qayb galayaasha shirkweynuhu waa dad dhammaantood wax bartay oo dhammaan ka dheragsan xaaladaha kakan ee dalka iyo shacabkiisaba haysta, hadday yihiin kuwo siyaasadeed, bulsheed ama degaan. Bal, haddaba, ka warran bulshada caadiga ah, hadday yihiin kuwo wax akhriya ama aan wax akhrin? Halkee bay fekradahan ka helayaan? Hadday helaan xataa badanka, haddayna ahayn dhammaan, qoraallada shirweynaha waxa lagu soo bandhigaa afaf qalaad? Turjumaadda qoraallada shirweynaha lagu falanqeeyo waxay noqon lahayd tallaabo togan oo ka qayb qaadan karta fidinta fekradaha. Tusaale aynu u soo qaadanno turjumaada af Soomaaliga ah ee buugga Nuuradiin Faarax, taas oo aan aaminsanahay in ay tahay tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka dib u soo hoynta sheeko-faneedyada Nuuradiin. Qoraalladiisa kale iyo kuwo qoraayada kaleba in af Soomaali loo turjumo ayaan ku talin lahaa. Soomaalida waxaa lagu yaqaan hiddahooda sheeko-tebinta afeed. Marka sidaa la yeelo ayaa doodo dhalanayaan, oo fekrado cusub curanayaan, markaa waxaa wanaagsan in doodaha la geeyo makhaayadaha, xaafadaha iyo meelaha bulshada isugu timaaddo.


 

[1] Aragti uu Foucault daah furay oo qayb ka ah aragtida guud ee lafagurka hawraarta (discourse analysis), taas oo diiradda lagu saaro xidhiidhka awoodeed ee bulsho ka dhex jira iyadoo la lafagurayo adeegsiga luuqadda iyo awoodda [Turjubaanka]

Qoraallada kale ee qoraaga