Skip to main content

Friday 20 September 2024

Fan

Suugaanta Kaynta

22 May, 2024
Image
Wassily Kandinsky
Farshaxan uu aslay Wassily Kandinsky, 1910
Share

Suugaanta Kayntu waa "suugaan dareen wadareed xambaarsan, balse dookh shakhsi ahi ku yar yahay."

Waa degaan oommane ah iyo dad reer guuraa ah. Waa duul sannadka intiisa badan geeddi ku jira, oo hadba meeshii baad iyo biyo loogu sheego, xoolahahooda ula hayaama. Waa dad hadh iyo habeen dagaal u jooga, oo beel kastaa beesha ku xigta col la tahay, iyaga oo isku dilaya geela ay kala dhacayaan, ceelasha ay kala qaadayaan, iyo carshinta ay kala riixanayaan. Waa dad qallafsan, qalbi adag, dhiirran oo aan dhimashada ka cabsan. Dhinaca kalena waa dad aan dhereg iyo dhaldhalaal midna korkooda laga dheehanayn; oo la moodo inta hilbahooda la saafay, in la solay. 

Suugaanta degaankan ka curatayna waa mid dadkeeda u eg, waana suugaantii kaynta. Waa mid ciil iyo caloolyaw ka buuxo, haddana qab iyo quudhsi la ceeryoonta. Waa suugaan adag, sarbeebta, sogordaha iyo halxidhaaluhuna ku badan yahay. Waa suugaan dareen wadareed xambaarsan, oo dookh shakhsi ahi ku yar yahay.

Suugaanta duruufahaas kakan ku dhalatay waa dhaxal ummadeed, oo u baahan in la kaydiyo, la akhriyo, lana dhugto, sababta oo ah, waa wax sooyaalkeenna iyo sawraceenna ummadnimo ka mid ah. Ayaandarradu se waxa ay tahay in ay suugaantaasi maanta weli hormuud u ahaato wacyigeenna nololeed iyo hab fikirkeenna maskaxeed, innaga oo duruuftii iyo degaankii aan midna joogin.

Waxa jira facyow dhan oo akhristayaal iyo abwaanno ah, oo weli dhimbiisha suugaantani ay damqayso, dhiiggoodana uu dhaqaajinayo hal meeris oo qabyaalad ah, oo qarni ka hor la yidhi. Waxa jira facyow dhan oo suugaanta u yaqaanna gabay iyo geeraar. Waxa jira facyow dhan oo hummaagga raacatada iyo erayada abaaday oo keliya u yaqaana mahadho iyo murti.

Suugaanta kayntu marka taariikh ahaan loo diraasaynayo, waa wax qiime badan, balse marka ay noqoto midda calanwalaynaysa noloshan cusub, waa mid dhaawac ku ah wacyigeenna, casrigan magaalowgana inaga reebaysa.

Waa suugaan dareen wadareed xambaarsan, oo dookh shakhsi ahi ku yar yahay.

Si ay suugaanteennu ula jaanqaaddo waayaha kaaha, oo ay waayaha kaynta uga timaaddo, waxa habboon in qodobbadan wax laga beddelo:

1. Kaalinta Abwaanka

Abwaankii hore wuxuu ahaa afhayeen beeleed, xaalkiisuna wuxuu ku xidhiidhsanaa xaalka beesha ee guud: farxad iyo murugo, colaad iyo nabad, guul iyo jab, abaar iyo aaran. Sida sooyaalka ku xusan, waxa dhici jirtay in gabay abwaanka reerku tiriyay, uu tolkii u cuntami waayi jirey, kadibna lagu odhan jiray ku noqo. Faarax Nuur iyo Qawdhan Ducaale, waxay ahaayeen laba afhayeen oo tolalkooda u gabya. Haddaba waxa dhacday mar ay gabayo is-dhaafsadeen, in jawaabtii Faarax Nuur ay tolkiisu qawadeen, taas oo keentay in uu gabay labaad tiriyo.

Iyada oo ay jirto inay abwaannada weli tolnimadu saamayn ku leedahay, haddana hadda waxa halkii beesha galay raadaynta ay halabuurka ku leeyihiin kooxaha iyo ururrada leh aragtiyaha diimeed ama siyaasadeed, kuwaas oo dulucdooda dhex marsada halabuurka. Waxa habboon abwaanka casriga ahi in uu noqdo jire madaxbannaan, oo dhacdooyinka iyo qaddiyadaha casriga ah u soo bandhiga sida uu u arko shakhsi ahaan iyo sida ay u saameeyeen shucuur ahaan. Balse ma habboona inuu noqdo mikirifoon ay dad kale ka soo dhex hadlaan.
 

Waxa habboon abwaanka casriga ahi in uu noqdo jire madaxbannaan, oo dhacdooyinka iyo qaddiyadaha casriga ah u soo bandhiga sida uu u arko shakhsi ahaan iyo sida ay u saameeyeen shucuur ahaan. Balse ma habboona inuu noqdo mikirifoon ay dad kale ka soo dhex hadlaan. 



2. Kaalinta Suugaanta

Sida ku cad buugga Hilimada Maansadii Hore, ee uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise, Soomaalidii hore 16 ujeeddo ayay u tirin jireen maansada. Ujeeddooyinkaas waxa ka mid ah faanka, guubaabada, ammaanta geela, gammaanka iyo kuwo kale. Taasi waxay ahayd duluc la jaanqaadaysa waayihii ay dadkaasi noolaayeen, sidaa darteed, waa fajac haddii aan maanta tiriyo geeraar ammaanaya fardaha, waayo farasku wax saamayn ah kuma laha noloshayda. Lama fahmi karo cidda uu u maansoonayo abwaanka casrigan magaalada jooga, ee haddana ka gabyaya xifaalihi qarniyadii hore oognaa, sida geela ayaa lo’da iyo adhiga ka fiican, iyo beeshayada ayaa beeshiinna ka wanaagsan. Ma garan karo caqliga ka gubanaya fandhaalkii ayaa qaaddo lagu dooriyay, iyo dhiilkii ayaa joog lagu beddelay!

Noloshu waa hayaan, habeenka iyo maalintuna dharaar kasta waa kuwo cusub. Afku wuu korayaa, dadku wuu is beddelayaa, degaankii waa laga guurayaa, habfikirkiina wuu is geddiyayaa, agabkii waa la cusboonaysiinayaa. Markaa maxaa qasbaya in ay maansaduna halkii taagnaato; iyaduna waa in ay hayaanka raacdo, haddii kale cidlo ayaa lagaga dhaqaaqayaa.

Sida uu buuggiisa al-Qirbaal (الغربال) ku xusay Miikhaa’iil Nucayma, suugaantu waxa ay dabooshaa afar baahiyood oo uu aadamuhu leeyahay:

Kow: baahida aynu u qabno sheegista waxa ka guuxaya uurkeenna, sida rejada iyo quusta, guusha iyo jabka, iimaanka iyo shakiga, jacaylka iyo nacaybka, damqashada iyo doocaansiga, murugada iyo farxadda, cabsida iyo xasilloonida.
Laba: baahida aynu u qabno dhabta. Waa xaqiiqada nafaheenna iyo xaqiiqada caalamka inagu xeeran.
Saddex: baahida aynu u qabno quruxda wax kasta. Ruuxdeennu waxa ay leedahay harraad aan ku cokanaan quruxda mooyaane wax kale.
Afar: baahida aynu u qabno muusigga. Ruuxdu waxa ay leedahay jamasho ay u qabto codadka iyo laxannada, oo aad u qoto dheer. Waxa ay isla ruxdaa gariirka onkodka, qulqulka biyaha, iyo jabaqda caleemaha.

Suugaanta dhabta ahina waa ta u daboosha baahiyaheennaas afarta ah, si cusayb iyo curin leh. Ee ma aha mid ku dabran sooyaal iyo sabo laga yimi.

3. Koobnaanta Godadka

Abwaannadii hore marka ay maanso tirinayaan waxay adeegsan jireen gabay ama geeraar. In kasta oo ay ina soo gaadhay suugaan kale oo leh jiifto, masafo, buraanbur iyo hees dhaqameed badan (hees hawleed, hees ciyaareed iyo hees carruureed) oo god kasta lihi, haddana dookha abwaannada ee koowaadi waxa uu ahaa gabayga. Arki-jirey-doonku markii ay taa maqleen, waxay ku dhegeen gabayga iyo geeraarka. Haddee, gabayga iyo geeraarku kama adka godadka kale, oo qof kasta oo maanso curin karaa, iyagana waa uu tirin karaa; ee iyaga waxay ka tahay awowyaashayadii hore way gabyi jireen, annaguna markaa waannu gabyaynaa.

Waxay yidhaahdeen gabaygu waa boqorka maansada, waana kan ugu shuruudaha iyo xeerarka badan, waa godka ugu meeris dheer, uguna habka qurxoon.
Way jirtay, gabaygu xilli xilliyada ka mid ah inuu ahaa kan loogu mudansiin badan yahay, se taasi waxay ku xidhnayd dhadhansiga iyo dookha suugaaneed ee dadkii xilligaas noolaa. Maanta waxba gabaygu ma dheera godadka kale; taa lidkeeda waxa ka muuqasho badan saarka, jiiftada iyo heellada. Ugu ma xeerar badna gabaygu, ee god kasta waa u shardi in uu yeesho habdhac iyo xarafraac, sida uu gabayguba u leeyahay. Ugu ma meeris dheera gabaygu, ee godad badan ayaa ka meeris dheer sida kebedda. Ugu ma hab qurxoona, oo ma jiro halbeeg quruxda dhismaha maansada loo sameeyay, oo la isla qirsan yahay.

Gabayga, geeraarka, jiiftada, haanta, saarka, sabaalaha, caddaloolka, heellada iyo godadka kale waa gal ama nashqad tixeed, oo nuxur lagu soo gudbiyo. Suugaanta dhadhanka iyo macnaha waxa u yeelaa ma aha galka ay ku jirto oo keliya, balse waa dulucda ay xanbaarsan tahay, farshaxanka hummaagga, xulashada erayada iyo shucuurka ay gudbinayso. Sidaa darteed, waxa la helayaa jiifto boqollaal gabay ka qiime badan, iyo haan boqollaal geeraar ka tayo wanaagsan.
In wax la bedbeddelo, oo hadba nashqad iyo nuxur la isku tijaabiyo ayaa habboon. Marakudhegnimadu waa ta keentay in gabaygu liinbaxo, suuqii maansaduna musalafo, oo ay dadku ka xiise dhacaan.

4. Humaagga Raacatada

Abwaankii hore marka uu doonayo in uu sawir maskaxeed ka bixiyo dhacdooyinka uu ka maansoonayo waxa uu hummaagga ka soo qaadan jiray noloshii raacatada ee uu garanayay. Waa geelii, waa gammaankii, waa geeddigii, waa geedihii, waa duurjoogtii, waa degaankii. Waa warankii, waa golxobkii, waa gudintii, waa hagoolkii. Waa aqal Soomaaligii, waa kebeddii, waa aloolkii, waa cawskii, waa dhigihii, waa udbihii. Waa weelkii, waa haamihii, waa dhiilkii, waa fandhaalkii, waa xeedhadii. Waa dhaqankii, waa hiddihii, waa xeerkii.

Sidaas ayuu u lahaa Raage Ugaas:

Sida koorta Yucub oo la sudhay korommo buubaal ah
Ama geel kareeboo nirgaha laga kaxaynaayo
Ama beelo kaynaana oo kor u hayaamaaya…
Xalay kololo’aygii ma ledin kaamil reeruhuye.

Koor dhawaaq dheer oo lagu xidhay ratiyo layli ah, ama halo nirgihii laga reebayo oo ololaya, ama beelo habqan ah oo colaad ka hayaamaya, sida ay intaasiba u gurxan iyo qaylo badan yihiin, ayaa anna taahayga xalay meelo dheer laga maqlayay.

In kasta oo uu suugaan ahaan hummaagani qurux badan yahay, haddana taasi ma aha in ay inagu qasabto in aynu u hilawno noloshaas kadeedan ee raacatada, kadibna aynu suugaanteenna oo dhan iyada u afduubno, oo aynu ku dayanno. Xoolo raacistu waa hab abaaday, waana hab bilawjoognimo ah, oo ay ka dambeeyeen habab badan oo lagu horumaray. Ugu yaraan haddii aynaan xoolaha ka maarmayn, waa in aynu dhaqannaa. Raacista iyo dhaqashadana farqi weyn ayaa u dhexeeya. Midi waa in la noqdo sidii neef neef wata, oo lagu daba rafaado xoolaha. Midna waa in la dego, kadibna calaf loo beero xoolaha, iyada oo ilmahaagii uu waxbaranayo, geeddi iyo guurguurna laga nastay.

Ma garan karo Hadraawi (IHUN) oo Cadan ku barbaaray, Xamarna berisamaadkii ku noolaa, sababta uu ugu hiloobayo, dadkana ugu boorrinayo inay jantaan aqal Soomaali duur cidlo ah ku yaallay, oo aanu aadamaha casriga ahi wax adeeg ah ka helayn. Waa marka uu leeyahay:

Seban loo gabbalo deyey
Gobannimadu noolayd
Geyigeenna waxa jiray
Aqal kebed galooliyo
Googoos ku xidhan yahay
Oo daawashada guud
Gunbur togan ka sheed dheer
Oo gumaro taal taal
Gudihiisa shuunka ah
Gogol lagu cawaystiyo,
Salliyada gargaranta ah
Gunti lagu furtaa jiray.
– Kala-guran

Nolosha raacatadu ma mudna in loo hiloobo, waayo dhaawac weyn ayay u gaysatay ilbaxnimadeenna, dawladnimadeenna iyo horumarkeenna bulsho. Balse, hummaagga raacatada marka laga wareegayo, taasi ka ma dhigna in wax kasta oo miyiga la xidhiidha laga guurayo. Miyiga iyo magaaladu waa laba degaan oo weligood jiray jirina doona, balse miyigu ka ma dhigna hoygii raacatada oo qudha. Miyiga xoolo ayaa lagu dhaqaa (degaan ah), beero ayaa laga fashaa, seero xayawaan ayaa laga sameeyaa, oo nolol sareedo leh ayaa laga abuuri karaa. Keliya waxaan u socdaa, hummaagga raacatada ee suugaanteenna afduubay in la nasiyo.

Hummaagyada beeraha, hummaagyada badda iyo kalluumaysiga, hummaagyada halganka maalinlaha ah ee nolosha magaalada, iyo boqollaal hummaag oo kale oo dihin ayaa jira oo caalami ah. Sida oo kale dhirta, webiyada, buuraha iyo xiddiguhu waa hummaagyo miyi iyo magaalaba ka dhexeeya, oo aanu midkoodna gaar u sheegan karin. 

5. Erayada Abaaday

Gabyaa badan ayaa iyaga oo ku dayanaya raggii hore waxa ay tixdooda ka buuxiyaan erayba erayga uu ka guunsan yahay, kana adag yahay. Marar badan waxa aad kala garan waayaysaa waxa aad akhriyaysaa in uu maanso yahay, iyo in uu yahay qaamuus gaboobay oo bilaa sharraxaad ah. Waxa ay ku doodayaan in ay taasi ka tahay kaydin eray, balse waxa ay hilmaansan yihiin in kaydinta erayga uu hadda qaabbilsan yahay eray-koobuhu, ee aanu kaasi ahayn xilka maansayahanka. 

Abwaannadii hore marka ay erayada raacatada adeegsanayaan kama ay ahayn murqamuujis, ee erayadaasi waxa ay ahaayeen kuwa ay sida maalinlaha ah u adeegsadaan. Innaguna ma aha in aynu maansadeenna ku taxno erayo abaaday, balse waa in aynu isticmaalno erayo nool, oo la jaanqaadaya degaanka iyo duruufta aynu ku sugannahay. Suugaanta waxa loo tiriyaa in ay dadku fahmaan, oo ay saamayn ku reebto. Adigu uma maansoonaysid bulshadii Raage Ugaas, Qammaan Bulxan iyo Ina Jadeer, ee waxa aad u maansoonaysaa bulsho afkaba ka taqaanna inta ay sida maalinlaha ah ugu xidhiidho, ee ka soo tag ardaaga aad dooyaysan tahay, oo suuqyada magaalada kaalay, oo kula hadal afkooda.

Gunaanadkii, qormadan in kasta oo aan xoogga saaray maansada, haddana ruwaayadaheenna, filimadeenna, heesaheenna iyo fankeennaba guud ahaan waxa afduubay raacatada. Sidaa darteed, waxaynu u baahannahay aqoon, fikir iyo wacyi casriga la jaanqaadaya, oo inoo riixa dhanka horumarka, ee uma baahnin suugaan dib inoo jeclaysiisa noloshii duurka ee rafaadka iyo dibudhaca badnayd.

Weydiinta maskaxdaada ku jirtaa haddii ay tahay suugaanta kaynta marka laga guuro xaggee ayaa loo kacayaa?! Waxa loo kacayaa dhanka ‘Suugaanta Kaaha’ oo aynu iyadana qormo cusub mar kale ku faaqidi doonno.