Skip to main content

Wednesday 23 October 2024

Aragti

Suugaanta Soomaalida iyo Quudhsiga Haweenka

7 February, 2024
Image
Cigar
Share

Maaddaama oo aqoonta casriga ah aynu Soomaali ahaan dunida aad uga danbayno, waxaa kaalintii fekeridda iyo qaabaynta wacyiga bulshada galay suugaanyahanka. Suugaantuna waxa ay ahayd welina tahay waxsoosaarka keli ah ee aynu leennahay. Iyada ayaana illaa hadda daliilkeenna, xujadeenna, tixraaceenna iyo xigashadeennuba ay salka ku hayaan.


Suugaanta Soomaalida in la ururiyo ma ahee weli in la kala hufo oo la kala haadiyo ma aynaan samaynin, iyada oo ay ka buuxaan aragtiyo badan oo aqoonta casriga ah la jaanqaadi kara, islajeerkaasna ay muush ka yihiin aragtiyo aad u badan oo jiritaanka iyo qaabfekerka ummaddaba ku ah dabar.
Suugaanta Soomaalidu in gabadh lagu ammaano ama lagu yaso, dagaal lagu galo, colaad lagu huriyo, iyo arrimo aan aad usii ridnayn marka laga yimaad, weli uma ay gudbin inay xanbaarto aragtiyo waaweyn. Waana halxidhaale hor yaalla hal-abuurka waxbartay ee xilligan nool, oo laba mid uun noqon doona; ma suugaanta ayaa samaysa hal-abuurkooda mise iyaga ayaa sameeya suugaanta.


Tusaale ahaan, Suugaan badan oo Soomaaliyeed waxaa ka buuxa;
Dumar haygu noqon, haygu dumaroobin iwm
Ereyadan waxaa la adeegsadaa marka gabadh ballan lagu adkaynayo, macno ahaanna waxaa laga fahmi karaa, dumarka caqliyaddooda lagama fili karo in ay wacad oofiyaan. Hadalka noocan oo kale ahi waxa uu saamayn weyn ku yeelanayaa, si u aragga gabadh oo dhan, maahmaah kalena waa tii ahayd; Kas DUMAR oo kadaloob rag kaaga danbeeyay, kiiba ma aha.
Sayidku mar uu Carabta maagayay waxaa ka mid ahaa, beyd gabay ah oo uu lahaa; Cayaayirka iga daa, maandhow Carabi waa NAAGE!

Jufadaydu marka ay faanayso ee laabgaraacanaysana waxa ay tidhaahdaa; Ragga nimaan Xildiid Samatar dhalin, XAAWALEY noqoye!

Tusaaleyaashan oo dhami waxa ay sheegayaan in dumarnimadu tahay hoosayn, run ahaan dhaqankeennana saamaynta aragtiyahani ay yeesheen waa laga arki karaa meelo badan.

Intani waa tusaale yar oo ka mid ah uun, bulshadana marka la rabo in sida ay u dhaqmayso iyo waxa ay ku dhaqmayso la beddelo, wax ka horreeya sida ay u fekerayso in marka hore la geddiyo. Run ahaanna suugaanteennu waxa ay u baahantahay in la qalo oo qurub qurub loo kala dhigo, deetana aragtiyaha ay siddo wixii inna anfacayana aynu qaadanno, wixii kalena aynu tuurno ama ugu yaraan sheegno iimaha ay leedahay iyo xadgudubyada ay geysanayso.

Qoraallada kale ee qoraaga