Friday 22 November 2024
Tamarta cagaaran ee Haydarojiinku (green hydrogen) waa haydarojiin laga dhaliyo biyaha, tamarna loo rogo iyada oo la adeegsanayo ilo dabiici ah oo aan saamayn taban ku yeelanayn deegaanka.
Dalka Tuunis, heshiisyo is afgarad oo is xigxigay ka dib, doodo badan oo ku saabsan heshiisyadaas ayaa warbaahinta ka taagnaa. 28-kii May, dawladda Tuunis waxa ay saxeexday is afgarad kaas oo ahaa mashruuc weyn oo tamarta cagaaran ee Haydarojiinka, magaciisuna ahaa H2 Notos. Dhinacyada ay la saxeexatay waxa ay ahaayeen shirkadda saliidda iyo gaaska ee Total Energies oo Faransiis ah, shirkadda Eren Groupe oo iyaduna Faransiis ah kana shaqaysa tamarta cusboonaata iyo shirkadda hoggaamisa dhinaca korontada ee dalka Austria ee Verbund. Waxa la rejaynayaa mashruucu wejigiisa koowaad in uu soo saaro laba boqol oo kun oo tan oo ah tamarta cagaaran ee haydarojiinka sannadkiiba, iyada oo uu wax-soo-saarka tamareed sannadkii gaadhi karo hal milyan oo tan. Waxa la rabaa in tamartan loo dhoofiyo waddamada dhaca badhtamaha Yurub, iyada oo la marinayo jidka SoutH2. Waa marin tuumbooyinka haydarojiinka qaada loogu talo galay oo isku xidhi doona Waqooyiga Afrika, Talyaaniga, Austria iyo Jarmalka, lana rejaynayo in la hawlgaliyo 2030-ka.
Maalmo ka dib, Tuuniisiya waxa ay saxeexday is afgarad kale. Markan waxa ay la saxeexatay shirkadda Sacuudiyaanka ah ee ACWA. Heshiiskan waxa la qorsheeyey in 600 kun oo tamarta cagaaran ee haydarojiinka ah sannadkii la soo saaro, iyada oo sannadka saddex meelood loo qaybinayo. Tamartan lafteedu waa mid loo dhoofinayo Yurub. Labadaas heshiis ka dib, 29-kii July, Wasiirka Warshadaha, Macdanta iyo Tamarta, Fatma Saabit Chiboub waxa ay saxeexday lix is afgarad oo kale, waxaanay la saxeexatay shirkado waaweyn oo ajnabi ah kana soo jeeda Ingiriiska, Faransiiska, Biljimka iyo Jarmalka.
Sida muuqata, mawjado dhinaca tamarta ah ayaa dalka ka jira. Tuunis waxa ay qorshaynaysaa in ay xarun u noqoto wax-soo-saarka tamarta haydarojiinka ee cagaaran, waxaanay ku hanweyntahay waa sida lagu xusay Istiraatiijiyadda Haydarojiinka ee Tuunis in ay lix milyan oo tan sannadkiiba dhoofiso marka la gaadho 2050-ka. Marka laga yimaaddo kayda tamarta cusboonaata, Tuunis waxa ay la daalaadhacaysaa suququl dhinaca tamarta ah, 2022-kiina waxa la qiyaasay in tamarta Tuunis boqolkiiba 50 uun dabooli karto baahida tamareed ee dalka. Xoghayaha heer qaran ee Tamar Dhalinta, Waa’il Chouchane, waxa uu xoojiyey in kaydka tamarta haydarojiin ee cagaarani suququlka awdi karo, shaqaalaysiinna laga dheefi karo. Si kasta oo ay ahaataba, halkii maalgashiga gudaha ee tamartan xoogga la saari lahaa si baahida jirta loo tiro, dawladdu waxa ay qorshaynaysaa in ay awooddo koronto oo cusub adeegsato si ay u soo saarto haydarojiin cagaaran oo dibadda loo dhoofiyo. Waddadan mid la mid ah waxa qaadaya waddamada Namiibiya, Koonfur Afrika, Masar iyo Marooko.
Dhaliilaha arrinkan loo soo jeediyaa waxa ay tilmaamayaan in Midawga Yurub dabada ka riixayo dhaqaalaha tamarta cagaaran, kuna andacoodo in dhaqaalahani si isle’eg waxtar ugu leeyahay Yurub iyo waddamada Koonfurta Dunida, sidaas ayaanay dalalka Midawga Yurub iskaga dhegamariyaan dhaliilaha. Khataraha ka dhalan kara waxa ka mid ah; in tamar dhalintani saameyn taban ku yeelato meelaha dadka deegaanka ahi biyaha ka helaan, waxa kale oo ka dhalan kara barabixin iyo in dawladdu dhul badan la wareegto. Waxa intaas dheer, faa’idada ganacsigan ka soo galaysa dalalka Koonfurta Dunidu waa mid xaddidan; waxa ay soo dhoofsanayaan qalab iyo tignoolajiyad qaali ah, si ay u dhoofiyaan tamar qiimo ahaan jaban, waxaanay ku khasbaysaa xidhiidh ganacsi oo aan isku dheellitirnayn.
In kasta oo ergayga Midawga Yurub Ursula von der Leyen hadal uu jeediyey 16-kii June, 2022-kii, ku sheegay in: “Aragtida aaminsan in cidi cid kale farageliso oo ay danaheeda ku fushataa tahay mala-awaal qarnigii u dambeeyey jiray”, haddana waxa muuqata in Afrikaanku ku shaqaynayaan soo jeedinta Yurub, kana shaqaynayaan danaha Yurub. Waa ay caddahay in dalalka Midawga Yurub, gaar ahaan Jarmalku, dabada ka riixayaan tamarta cagaaran, iyaga oo gacanta ku haya habraacyada iyo tiknoolajiyadda la adeegsanayo, se ay saamaynta tamarta ee bulsho iyo deegaan uun dibadda isaga saareen, meelo ka baxsan dalalkoodana geeyeen. Marinka tuumbooyinka ah ee tamarta cagaaran ee Tuunis la marinayo waxa soo jeedinta lahaa Jarmalka, ka dib markii la saxeexay is afgarad December 2020-kii. Afartii sanno ee ka dambeeyey xilligaas, Wakaaladda Jarmalka ee Wadashaqaynta Caalamiga ah (GIZ) waxa ay maalgelisay oo ay qaabaysay istiraatiijiyadda tamarta cagaaran ee haydarojiinka Tuunis, oo ah istiraatiijiyadda suurogelisay heshiisyada afgarad ee sannadkan 2024-ka dhexdiisa dhacay.
Arrintan waxa loo arki karaa gumaysi dhinaca tamarta ah oo cusub, iyada oo dalalka Yurub, ama si guud dalalka imbiryaaliyaddu rabaan in ay Afrika ka dhigtaan il tamareed, una buuxiso booska baytariga. Arrinkani ma cusba. Waa dhaqan soo bilaabmay xilligii gumaystaha. Dalalka Midawga Yurub waxa ay wadaan in ay baahi aasaasi ah ka dhigtaan ku tiirsanaanta daldalashada khayraadka dabiiciga ah iyo hantida waddamadii ay gumaysteen, gaar ahaan Afrika. Alaabaha dihin ee gobolladaas yaalla oo ay ku lammaanyihiin shaqaale jaban, waa waxa lafdhabarta u ah dunida horumartay, iyada oo dunidaasi sidan ku hesha hanti badan oo Afrika laga raro. Boobka iyo ka faa’idaysigaasi waxa uu xoojinayaa, xasuustana ku celinayaa doodihii Walter Rodney ee ku jiray buuggiisa “Sidee Yurub u Ragaadisay Afrika”. Rodney waxa uu buuggiisa ku sharraxayaa gumaysigii Yurub Afrika uga dhaceen hanti badan, una soo rogeen nidaamyo hor istaagaya in qaaraddu yeelato awood horumar oo iskeed isu wadda. Boobka ku socda khayraadka Afrika, iyada oo markan loo soo marayo mashaariic, sida mashruuca tamarta cagaaran ee Tuunis, waxa ay caqabbad ku tahay in Afrika keligeed istaagto, waa ku xadgudub madaxbannaanida tamarta qaaradda iyo horumarka si guud.
Sida ay dhigayso istiraatiijiyadda qaran ee Tuunis ee Haydarojiinku, GIZ-na ka caawisay dejinteeda, qorshuhu waxa uu ahaa in 248 milyan oo mitir kuyuubik oo biyaha tamarta laga dhalinayo ah la adeegsado marka la gaadho 2050-ka. Waa qaddar u dhigma inta shan milyan oo dadka reer Tuunis ah adeegsan karaan. Waa wax ku dhow kala badh dadka dalka ku nool, oo ah dal lagu tiriyo mid ka mid ah dalalka ugu daran ee biyuhu suququlka ku yihiin. Dhinaca kale, mashruuca tamarta haydarojiinka cagaarani waxa uu u baahanyahay dhul baaxad weyn oo gaadhaya 500,000 oo higtar, waana dhul kusoo labanlaabmaya Tuunista weyn. Dhulkan loo bixiyey “dooxada haydarojiinku” waxa uu ku yaallaa dhinaca koonfureed ee dalka, waana gobol suququl biyaha ah oo darani uu ka jiro, dhibaatooyin dhulna haystaan.
Koonfurta Tuunis waa dhul badanka dadweynuhu leeyahay, badankana waxa sheegta beelaha deggan, waana dhul ay u adeegsadaan xoolo dhaqashada iyo beeraha yaryar. Mashruucan tamartu waa uu ku guuldarraystay in uu qeexo sida dhulkaas lagu hantiyi karo, waxaana meesha soo galaya shakigii ahaa barabixinta. Maqaal ay faafiyeen koox ka shaqaysa Energy Democracy waxa uu iftiiminayaa isla haysasho la’aanta ka dhex jirta ujeeddooyinka macaashdoonka ah ee shirkadaha tamarta riixaya iyo baahiyaha dadka deegaanka. Dhinaca kale, waa wax aan maangal ahayn in dal cuntadiisa soo dhoofsadaa dhulkiisa iyo biyahiisa u adeegsado soo saaridda haydarojiinka si uu u haqabtiro dal kale baahiyihiisa,
Mashaariicdan tamarta cagaaran ee gumaysiga cusub dabada ka riixayo, dadka reer Tuunis ma oggola, waxaanay iska weydiinayaan su’aalo badan. Ka dib labada heshiis is afgarad ee la saxeexay bishii May, dhaqdhaqaaq bulsho, oo ay qayb ka yihiin Ururka Jooji Dikhawga iyo Golaha Xuquuqda Bulsho iyo Dhaqaale ee Tuunis, waxa ay soo saareen baaq caddaynaya in ay soo saaridda haydarojiin iyo dhoofinteedaba u arkaan boob iyo dhiigmiirasho. Waxa intaas dheer in dibadbax dhacay 24-kii April, oo ku beegnayd Maalinta ka soo Horjeedka Gumaysiga, dibadbax kooban ayaa laga hor dhigay afaafka hore ee GIZ Energy Cluster. Dibadbaxa waxa soo qabanqaabiyey isbahaysi ururro uu ka mid yahay Ururka Jooji Dikhawga, ururrada ganacsiga, midawga ardayda, xisbiyo mucaarid iyo dadka u dooda xuquuqda Falasdiiniyiinta. Ururkan dambe keliya dibadbaxa uguma biirin in Jarmalku dabada ka riixayo mashaariicda gumaysiga cusub ah, se waxa ay ka dibadbaxayeen in Jarmalku taageero xasuuqa Qasa ka socda, isaga oo ah dalka ugu badan Yurub ee hub ka iibiya Israa’iil.
Dibadbaxaasi waxa ugu muhiimsan ee uu lagu codsanayey waxa uu ahaa joojinta biyaha iyo dhulka baaxadda leh ee loo qorsheeyey tamar ka dhalinta, waxa kale oo lagaga soo horjeeday faragelinta Jarmalku ku hayo qorshaha dhinaca tamarta ee Tuunis. Waa sababta dibadbaxu uga dhacay afaafka GIZ Energy Cluster, iyada oo Wasaaradda Warshadaha, Macdanta iyo Tamartuna u dhowdahay. Dibadbaxayaashu waxa ay aaminsanyihiin in GIZ tahay cidda ugu muhiimsan go’aan ka gaadhista mashruucan. Dibadbaxayaashu waxa ay ku baaqayeen madaxbannaanida Tuunis ee dhinaca tamarta, iyo in ugu horrayn baahiyaha tamarta ee muwaadiniinta la haqabtiro.
Waxa xusid mudan in baarlamaanka Tuunis la hor keenay xeer qabyo-qoraal ah si loo sharciyeeyo mashruuca tamarta cagaaran. Nasiibdarro sharcigaasi waxa uu maalgashadayaasha ajaanibta ah siinayaa cashuur dhaaf. Tani waxa ay muujinaysaa in cadaadis jiro si xildhibaannada looga qaybgaliyo mashruuca.
Kol haddii diidmo iyo iska caabbin jirto rejo ayaa jirta, isbeddel qaarada ka dhaca ayaa suuragal ah. Sharcigelinta mashruucyadan waxa habboon oo lagama maarmaan ah in la gala hortago diidmo, qaaradda oo dhammina u midawdo. Dhaqdhaqaaq gumaysi tirtir ah ayaa looga baahanyahay qaaradda si loo difaaco dhulka, biyaha cuntada iyo tamartaba. Afrikaan ahaan waa in aynnu mudnaanta siinno baahideenna dhinaca tamarta, kana shaqayno in aynnu gaadhno madaxbannaani dhinaca cuntada iyo tamarta ah. Mudnaanteennu waa in aynnu helno tamar cagaaran oo jaban, oo gaadha lix boqol oo milyan oo Afrikaan ah, haddana aan haysan wax koronto ah. Waa in aynnu mudnaanta baahideenna siinnaa, halkii aynnu haqabtiri lahayn baahiyaha Yurub. Waa muhiim in aynnu raacno oo taageerno dhaqdhaqaaqyada lagaga soo horjeedo mashruucyada tamarta cagaaran ee boobka ah, loona midoobo qaarad ahaan, koonfur ilaa waqooyi.
Warbixintan waxaa lagu daabacay African Arguments.