Skip to main content

Sunday 6 October 2024

Sheeko

Waa nin iyo waagii!

13 June, 2024
Image
Abstract painting
Pinterest, Abstract painting Ebony Creative Spirit
Share
Sheekadani waxay soo tebinaysaa dood iyo wadasheekaysi dhex maray qoraaga iyo gabadh Nayjeeriyaan ah oo ay tababar ku wada qaadanayeen Yurub.

Sidii caadada noo ahayd ayaan Sunia maantana is helnay. Fasax qado ayaan ku jirnaa. Aalaaba waan wada qadaynaa intan aan aqoonkorodhsiga Den Haag u joogno. Xirfadda macallinimo ee ay u carbisan tahay marka laga yimaad, dabci ahaan waxay u muuqataa inay u diyaarsan tahay qodqod, dood iyo sababayn. Wax walba sida ay sidan u noqdeen ayay jawaab u raadisaa. 

Intaa waxa u dheer dareen qawmiyadeed oo fikradaheeda wada saaqay, qalbigeedana biyodhigay. Dalkan aan joogno, Holland ee khayraadka dabiiciga ahi ku yar yahay, misana tanaaday, iyo dalkeeda ballaadhan, Nigeria ee khayraad nuuc walba lagu manaystay, haddana dib u dhacsan ayay had iyo goor afka ku haysaa. Dad ahaan, dalkeedu waa ka Afrika ugu dad badan, dunidana waa ka 3aad, madax taabasho marka ay joogto. Dalkan aan waxbarashada haddeer u joognaa, waa ka 72aad marka tiro badni dad laga hadlo. Sidaas oo ay tahay, Tacabweynaha Qaranka ee dalkeeda wayni waa ka 154aad, halka dalkan yar ee aan haddeer joognaa ka yahay dalka 19aad ee dunida ugu dhaqaale wayn. 

Isbarbardhigga iyo indha indhaynta waan la qabaa aniguba. Ha yeeshee, wax la sheego oo uumiyaha lagu dhereriyo oo aan la shir tego ayaanan haynin. Haddii la is xisaabiyo, doc walba kaalinta u danbaysa ayaan ka galaynaa. Markaa, qasab bay si igu noqotay inaan ceebtayda qarsado. 

Maanta markii aan qadadii u soo fadhiisannay, iyada oo xabbad muus ah oo aad moodo in la naaxiyey diirka ka siibaysa ayay waydiintan igu bilawday: 

“Horta tirada dadkiinu waa imisa? Annaga laba boqol oo milyan kor bay u dhaafeene.” 

Annagu labaatan milyan ma gaadhno.”

 “Labaatan kaliya. Intaasi hal shirkad ayay annaga ka adeegtaan.” 

Iyada oo muuskii bariis ku googoosanaysa ayay sii waddaa oo waa sii hadashay. 

“Oo haddaa marka falkiina iyo ficilkiina la eego, inaad intaa aad uga tiro badan tihiin baa la moodaa. Had iyo goor waxaan maqlaa dagaalka, abaarta, budhcad badeedda iyo guulaha ganacsiga ee mar walba dadkiina laga soo sheego” ayay ku dartay.

“Dee horta inta hore buunbuunin badan baa ku jirta ee ha noo wada raacin. Ma se firixfirix yarin. Armaan tayada ku tamarinaa”, aan ugu jawaabo aniga oo malqaacaddii u horreysay ee bariis ah bisinka u qabanaya. 

“Alaylehe, sirtu waa firfircoonida.” Ayay tidhi iyadoo dhoolacadaynaysa.

Xasuustay buug ay qortay wasiirkoodii hore ee Maaliyadda, Ngozi Okonji-Iweala cinwaankiisuna Soomaali ahaan ku noqon karo, “Dib u dadaynta Ma dadoobaha”. Wixii marwadaasi kadeed mudatay si ay u hirgaliso isbeddel maamul iyo mid maaliyadeed, maskaxda qaybta xasuusta dhaw u xilsaarani, sidii cajalad dib iigu daartay. Ka dib, si asluubaysan u idhi:

“Idinka laftiinu ma shiddo yaridiin. Maya aan idhaahdo, dhan walba hormuud baad ka tihiin, hadday noqoto aqoon, ciyaaro, dhac iyo rabshad ba.”

Qosol ha ku dhufato iyada oo gacanna afkeeda ku daboolaysa, si basarka cunto cunista ay u dhawrto.

“Waa iga dhab, idiin duurxuli mayo.”

 “Dhab markaan u hadlo, rabshad oo dhan annaga ayaa hoggaaminna. Dal qani ah oo misana lagu gaajoonayo ayaan ku nool nahay. Saliid iyo shidaal ba waan soo saarnaa, waliba dibadda u dhoofinaa, haddana safaf dhaadheer ayaan u galnaa helida shidaalka aan gaadiidkayaga looga maarmin! 

Dadka qaaradda ugu hodansani, malaha marka Koonfur Afrika laga tago, dalkayaga ayay ku nool yihiin. Kuwa ugu saboolsanna, isla dalkayaga ayaa badi laga helaa.”

Maxaa isdiiddo ah.”

Intaa markaan la qiray ayaan gocday dhacdooyin soo noqnoqday, warbahinta bulshada iyo ta guud ba si weyn ugu jirta. U holladay inaan taas mid iyo laba ka idhaa: 

“Waayuhu waa is dhaamaan oo waa nin iyo waagiiye, waxa ugu sii yaab badan ardayda dugsiyada ee la iska dareersanayo sidii xoolihii, gaar ahaan hablaha ee haddana madax furasho loo haysanayo!”

Tii dawlad ahayd maye?

 “Ma kala garanayo inaan ooyo iyo inaan qoslo.” 

Waliba aan kuugu sii daree, waxaan maqli jiray dalkiina oo ciidamo nabad ilaalin ah u diraya in badan oo dalalka Galbeedka Afrika ah. Ciidankii sidaa ahaa mee?”

Niyadjab wajigeeda ka muuqday, intan danbe malaha naruuro galisay. 

 “Inaan ooyo ayaad markaa rabtaa. Dhab weeyi oo lafdhabarta urur-goboleedka ayaan ahaan jirnay. Haddeerse annaga ayaa taayadii la taag daran. 

Wax kale maaha, dawladnimadii ayuu xar naga galay oo dhuuxa ayaa na socda.” 

 “Waa ta na soo martay ee aan ka soo kaban la’ nahay”, si daacad hadal ah aan ugu xoojiyo.”

Ta dawlad ahi malaha waxan daacad kama aha ayaan marmar is idhaa. 

Wax ma kuu sheegaa. Waa shuraako shaydaan. Dheecaanka danbiga laga miiro ayay heshiis ku yihiin.” Way sii kululaatay, karkartay oo hadallo wada dhimbiil ah is daba taxday. Ka yaabay inay cuntada ku saxato! 

Mar kaliya ayuun bay haddana isbeddeshay oo ay soo firraysay. 

Kuye, dee haaye laakiin cid kaleba ha joogtee, inaad idinku nala yaabtaan ayaa iyadna yaab ah!”

 “Ma waxaad leedahay waraabe ba waraabe la yaab”, aniga oo aad moodo in nabar aan qarsanyey la sii qoomay ayaa intan si qosol gariir ah iskaga fujiyey. 

Dee haa, ma idinkaa ardayda iyo shicibba hagaajiya, sowdinka qarxiya, qixiya, gudaha ku barakiciya, firdhiya, xuduudaha ka tallaabiya ee ay badaha ku idlaadeen!”

Waxay sheegayso ogoli, balse isdifaac qowmi ah dan mooday.

Dhaqankayagu wax birimageydo la yidhaa ayuu leeyahay. Intan danbe ee asqawga la noo soo waariday, ayaan la noo xisaabin.” 

Aan sii wado oo dhibta mid guud oo loo gudboon yahay u sawiray. Laye, dhuuxaa gororrayaa inuu silic ina wada baday, sow heshiis kuma wada nihin. 

Ila qaadatay oo nacam ku xoojisay. 

“Qolyahaa annaga xitaa na qasayaa, sow ma ogid in kuwa dhankiina lagu sheego ay magaca xitaa ka soo dheegteen. Kuwaasaa la higsadayaal u ah”, sii wadday oo tibaaxday inaan markan xitaa sharka iyo asqawga waaridno. Haa sidaas inay iigu duurxulayso u fahmay! 

Ka galgashay oo inta cambaarta leh dhan iskugu didiyay, isir la’aan:

Nin xumi qowmiyad ma leh. Iyaga ayaa is ah, xuduuduhuna aanay xidhin. 

 ”Sow ma ogid in dadkayagu hal-abuur miidhan yihiin, teknooliyadda ku horreeyaan, balse kaliya ay la’ yihiin maamul wanaag iyo u abuuridda jawi maalgashi saacidda?”

Maqlay in dadkiinu belo ku qabaan bilawga ganacsiyada yar-yar, in kastoo la idinku xanto, inaad dhac iyo boob qaar badan u samaysataan. Balse, wacnaan lahaydaa in dadaalkaas la hago, la kala hufo, misana la kobciyo oo la dhiirigaliyo.” 

Dee walaale dacaayadihii qarbiga aan la kala xishoono. Eeg inagu isku African baan nahay, walaallo ayaan nahay, ruux aan nolosheena ogolayn war uu faafiyey inaan isku durno maaha.” 

”Dee maxaan yeelnaa, wixii qarniyo lanagu akhriyayey ayaa marmar naga soo fakanayee. Bal raali ahow. Nabar gardarro! 

Midda kale, ganacsi iyo hal-abuur annagaba cid naga ga daba dhifataa way yar tahay. Miyaanad arag sidaan Bariga Africa ula wareegnay, haddeerna Yurub iyo America ugu xididaysan rabno? ” 

”Haaye waxay yidhaahdaan adduunka aad wax ku maalgalisaan tii budhcad-badeedka ayaa ugu badan?’ ayay tidhi.

”Oo horta haddeer maxaad i lahayd?” 

“Ma fahmin?”

Hibada iyo hal-abuurka walaaluhu inay isku qiraan, isku boorriyaan, kalana bartaan ayaa wanaagsan.” 

“Wax denbi laga danbarsado, ama aan idhaahdee dheefta laga soo miiro falalka sawraca xun, waliba hubanti la’aan, inaan isku eedaynaa gobanimo Afrikaan maaha.” 

 “Marxabba oo kaliya.

Horta sow ma ogid inaan isku geddo nahay oo aan gu’ wada dhalannay?” 

“Armaan bilo kala weynnahay. Se isla hagaasnnay. Malaha waa isla sababta basarxumada ina wada badday. Xiddigiskiinii taas wax ma ka yidhi.” Ayaan si kaftan dhabaalayn ah u idhi. 

“Sannad kulul baan wada kacaannay. Yeelkeede, idinku inta aad intii hore xawaare sare ku dhaqaaqdeen ayuun baad isla xawaarihii haddana gadaal gadaal ugu baxdeen. Dad la yaab leh iga dhe!”

Saa dawladnimadii baa xoolihii aan dhan walba u soofin jirnay noola muuq ekaatay. 

Laftiinu horusocod ma tihiin ee iska daba wareeg baa idin daashaday!”

Sidii inta badan dhaqanka u ahayd aadamaha marka guuldarrooyinkiisa la taxo, meel kale oo loo irkiyo raadiyey. 

Waxan ferenjiga iyo la dhacsanayaashiisu innaga faafiyeen armaanay wada dhab ahayn?” ayaan idhi si aan faro isku fiiqa nala dheeraaday si aan haasaawaha uga soo celiyo.

“Aragtideenuba ma meel kale ayay ka soo dhaansataa?”

Wacnaan lahaydaa inaan dhabta jirta dhan walba indhaha soo saarno.” 

Fursad ka dhex arkay oo casuumad degdeg ah fidiyey: 

“Casuumad fidin baa markaa i hurrane, waa iga diyaare ciidda dhalashada na soo booqo.” 

“Ma hubtaa inaan nabadqab kaaga soo noqonayo?”

“Horta cidna madaxfurasho kuu qabsan mayso. Aniga ayaa kaa huba!”, ku jawaabay sidiiyoo aan cilaaq doon ahay. 

“Bal eeg waa kaase durba wixii ay dhurayeen baad rumaysatay.” 

“Anigana waa iga balan inaan ku soo siyaartaa, goorta ku habboon iyo ammintana adiga ayaa sheegi, balse ii balanqaad inaan bedqab maskaxeed la soo noqdo.” Ayaan ku xifaaleeyay.

 “Ma adna. Warxumotashiikii baad run mooday. Waar waxa aynu isku aragno uun aan iskula macaamilno”, ha ku soo xidho sheekada annaga oo miiskii qadada ka sii kacayna.

Ogoli. Ishaa macallin ah!”

Sunia waa macallimad jaamacadeed, u dhalatay dalka Nigeria oo aan ku kulannay dalka Holland. Inta badan sheeko wadaag ayaan ahayn muddo kooban oo aan aqoonkorodhsi meesha u wada joognay. Hadal nuxurkiisu sidan yahay ayaa na dhexmari jiray. Weedhuhu waa male-awaal, nuxurkuse intan uun buu ahaa!

Faahfaahin dheeri ah oo ku sahabsan Sunia, halkan ka akhri qormada “Ardaydii Dunida” oo sannadkii hore la daabacay.

Qoraallada kale ee qoraaga

Sheeko

Sahanka Raage