Skip to main content

Wednesday 23 October 2024

Feker

Afriki falsafad ma leedahay?

15 April, 2024
Image
African face
Sawirka: Tinga Tinga Art
Share

Haddii insaanka dunida ku dhaqani uu ka siman yahay garaadka, falsafadaynta xaqiiqada iyo noloshuna waa wax la wadaago. 

 

Hordhac

Waydiinta jiritaanka iyo qaabka ay u dhigan tahay falsafadda Afriki waa mid muddo dheer wax layska weydiinayay wax badan oo ku saabsanna laga qoray. Filasoofarro ay ka mid yihiin Tempels (1959), Mbiti (1969), Gyekye (1987), Oruka (1991), Hountodji (1995) ayaa weydiintan u kuur galay. Gyekye (1987), waxa uu ku dooday in sababta keentay in ay filasoofarrada casriga ah ee Afriki weydiintan aad isugu hawlaan ay tahay laba qodob oo is barkan: kow; Afriki ma laha sooyaal falsafadeed oo qoran, marka laga reebo Itoobbiya iyo Masar. Wuxuu xaqiijiyay in sababta isweydiintan keentay ay tahay “iyadoo aanay jirin sooyaal falsafadeed oo Afriki leedahay oo qoran, kaas oo hagi kara fahankooda dabciga falsafadda Afrika, sidoo kalena siin kara konsabyo sees u noqda oo ay ku dul dhisi karaan fahanno, fikirna ka sii ambaqaadi karaan.” Markaa tani waxay caddayn u noqonaysaa sababta keenaysa weydiimaha caynkan ah ee daaran jiritaanka iyo dabciga ay yeelanayso falsad Afrikaan ahi, iyo sababta ayna weydiimahani uga suurogalka ahayn falsafadaha Galbeedka, Shiinaha iyo Jabaaniiska, maadaama ay leeyihiin sooyaal dheer oo qoraal oo ku xidhiidhsan dhaqankooda iyo waaya’aragnimadooda taariikheed. 

Falsafadda Afriki ma aha mid qoran. Taasi kama dhigna in ay tahay mid aan la qori karin, balse waa mid ku xididaysan maahmaahyada, maansooyinka iyo hal muceedyada ay ka dab qaataan bulshooyinkeedu, kuwaas oo aan qoraalku qeexayn falsafadnimadooda. Siduu ku dooday Busia (1963), “Afrikaanku qoraal kumay soo gudbin doodo cilmiyaysan, balse wax wey iska weydiiyeen oo wey u fiirsadeen dabeecadda ku xeeran oo wey samaysteen fahan u gaar ah oo ku aaddan dabeecadda aqoonta.” Sidoo kale filasoofarrada lagu tilmaamo kuwii Sukraat ka horreeyay (pre-socratics) iyo falaasifadii iyo buuniyadii diinta ee qadiimka ahaa ee Hindiya waxba may qorin, ee qarniyo badan ka dib galbashadoodii ayaa la qoray fekerkooda waxaana loo aqoonsan yahay in ay yihiin filasoofarro. Taas oo caddayn u noqonaysa in aan jiritaan la’aanta qoraalku ka dhignayn, ka arradnaanta feker iyo fekrado falsafeed.

Laba; doodda waxa u jid bixinayaa waa iyadoo filasoofarro badan oo Afrikaan ahi tababarkooda ku soo qaateen dalalka galbeedka, dabadeedna ay ku adkaatay in ay fekerka xerudhalanka ah ee Afrikaanka u aqoonsadaan falsafad. Kuwo badan oo mutacallimiintan ka mid ah waxa fahankooda falsafadda qaabeeyay waaya’aragnimada falsafadeed ee reer Galbeedka. Sidaas daraaddeed, waxay ku xukminayaa suuragalnimada falsafad Afrikaan iyagoo adeegsanaya hab fekerka iyo qeexidda reer Galbeedku u meel dhigteen in ay falsafaddu tahay.

Qofka calanka u sida fekraddan falsafadda Afrika agab reer Galbeed ku eegaysa waa Paulin Hountondji. Haddaba si aynu caqliyaddooda u fahanno waxa inagaga filan in aynu eegno qaraarradii ka soo baxay shirweynihii labaad ee qalinleyda madow oo Rooma ka dhacay 1959:

Iyadoo la tixgalinayo doorka weyn ee fekradaha falsadeed ka qaataan kobcinta dhaqanka, iyadoo xisaabta lagu darsanayo in reer Galbeedku ilaa maanta ku kaliyaysteen fekerka falsafadeed, ilaa ay uba ekaatay in ayna macquul ahayn falsafad ka madax bannaan haykalkaa ay u dejiyeen, laamahaa ay u kala qoqobeen, caqliyadaha, konsabyada iyo waaye’aragnimada ay alkumeen reer Galbeedku; iyadoo la qirsan yahay in dadaallada falsafadeed ee Afrikadii hiddaha ku dhisnayd in ay ahayd mid ku salaysan khibrad nololeed caadi ah iyo aaminaado lahaa ujeeddo dhaqan, balse aanay ahayn fekrado looga gol lahaa fahanbixin—haddaba goluhu wuxuu soo jeedinayaa:

  1. Waa in filasoofarka Afrikaanka ahi ogaadaa, falsafaddu kuma samaysmayso in xaqiiqada Afrika lagu koobo nidaamka feker ee reer galbeedka.

  2. Waa in filasoofarka Afrikaanka ahi ku saleeyaa baadhitaankiisa xaqiiqada udubdhexaadka ah ee odhanaysa, habka falsafadeed ee reer galbeedku ma aha kan kaliya ee suurogalka ah; sidaa daraasdeed, a) waxa lagu boorrinayaa filasoofka Afrikaanka ah in uu wax ka barto dhaqannada, sheekabaraleyda iyo maahmaahaha bulshadiisa, si uu uga soo dheegto xeerarka murtida Afrikaanka ee dhabta ah, kuwaas oo ah kuwo dhammaystirayay qaababka kale ee murtiyeed ee dadka iyo si uu u tilmaamo laamaha ay galayaan fekradaha Afrikaanku; b) goluhu waxa uu ugu baaqayaa filasoofarka Afrikaanka ah ee ay ka hor yimaaddaan filasoofarrada reer galbeed ah ee ku sifoobay isla-qumanaanta iyo qabweynidu, in uu ka digtoonaado in uu naftiisa quudhsado oo ku dhici waayo in uu isagoo ka duulaya ahaanshiyiisa Afrikaanimo naqdiyo oo qiimeeyo fekradaha qalaad.

 

Qodobbada soo socda waxaynu kaga jawaabi doonnaa waxa ay tahay falsafaddu. Waxaynu sidoo kale u kuur gali doonnaa macnaha uu xanbaarsan yahay konsabka Afrikaanimadu. Waxaynu darsi doonnaa qodobbadii dhaliyay doodda ku saabsan falsafadda Afrikaanka, in ahaanshiyaha falsafaddu tahay hawl dadku u siman yahay, iyo falsafadnimada falsafadda Afrikaanka.

 

  1. Dabciga Falsafadda

Falsafad waa laba erey oo Giriig ah oo laysku ladhay: “philo” oo macnaheedu yahay jacayl iyo “Sophia” oo ah murti. Marka laysku kabo waxay noqonayaan ‘murtijcayl’. Konsabkani waa mid samays ah oo loo aaneeyo Paythagoras. Waxaanay falsafaddu tahay hal-abuur sarreeya oo dadku hindisay, filasoofarraduna waa dadka goobaya murtida. Waxa uu Marziarz (1987) leeyahay marka macnahan kooban lagu eego falsafaddu waxay ka dhigan tahay habka weydiin galinta iyo warcelinta ka dhalanaysa labadaba kuwaas oo qiime u leh dadka. Markuu manhaj akaadamig ah yahayna waa mid isagoo adeegsanaya xeerarka sababaynta iyo maangalnimada (reason and logic) isku daya in uu fahan ka bixiyo xaqiiqada oo uu ka jawaabo weydiimo lafdhabar ah oo daaran aqoonta, nolosha, anshaxa iyo asawga dadka. Sidan bay Teichmann iyo Katherine (1991) u qeexeen falsafadda:

“… darsidda masalooyin abistarakt ah (abstract) iyo masalooyin guud oo daaran dabciga jiraalka, aqoonta, anshaxa, fekerka iyo ujeeddada ahaansho ee dadka.”

Quinton (1995) wuu waafaqayaa qeexiddan sare kolka uu leeyay:

Falsafadu waa hab fekerka caqligalka ah ee si baadhis leh oo habaysan ama aan habaysnayn looga fekerayo dabciga guud ee adduunka (kasmada jiraalka oo la xidhiidha laanta falsafadeed ee Metafisigiska), caddaymaha iyo sababaynta aaminaadaha (epistemology, ama laanta falsafadda ee la xidhiidha sida aynu ku ognahay waxaynu ognahay), iyo hab dhaqankeenna nolosha (anshaxa iyo aragtiyaha la xidhiidha qiyamka). Laamahan saddexda ah ee aynu halkan ku taxnay mid kastaa waxay leedahay laan aan falsafad ahayn oo u dhiganta, oo waxa ka soocayaa tahay habka falsafaddu raacdo ee maangalnimada leh, naqdiga leh ee ku sifaysan nidaamsanaanta. Balse, si guud cid walbaa kasmo guud wey ka haysataa dabciga adduunka ay ku nool yihiin iyo baradooda ahaanshiyo. Balse, metafisigisku waxa uu meesha ka saarayaa aaminaadaha aan maangalnimada iyo sababaynta quman ku salaysnayn, waxaana uu ku bedalayaa aaminaado maangalnimo iyo sababayn nidaamsan ku fadhiya. Qof walbaa wuu maraa xilliyo shaki ah oo uu ka shakiyo oo weydiin galiyo aaminaadihiisa iyo kuwo dadka kaleba, balse kolka ay aaminaadahan weydiin galinayaan ma raacaan nidaam, taas oo dedaalkooda ka dhigaysa mid aan falsafad ku sifaysnayn. Balse, ibistamoolajigu wuxuu raadiyaa doodo uu ku qeexayo xeerarka samaysanka aaminaada toolmoon. Qof walba habdhaqankiisa waxa haga arrimo uu abdo bidayo. Balse, laanta falsafadda ee anshaxu waxay isku daydaa in ay maangalnimo iyo nidaamsanaan ku baadho xeerarka anshaxa suubban.

Mar kasta oo aynu sii baadhno qeexidda falsafadda waxaa inoo sii caddaanaysa xaglaha tirada badan ee laga soo qeexay, iyo sooyaalka dheer ee isbedbeddel ee falsafaddu soo martay, oo filasoofarradii hore ee Giriiggu (Ionians) falsafadda waxay ku qeexeen oo kaliya, weydiinta iyo bixinta sababayn maangal ah oo ku saabsan kawnka. Filasoofarradii Sophism-kuna waxay ku qeexeen habka baadhista iyo weydiimo galinta tiirarka diin dhaqameedka, anshaxa iyo ilaahyada. Suqraad falsafaddu waxay u ahayd aqoon kororsi ku salaysan weydiin iyo warcelin; habkan oo ku dhisan wadista weydiimaha iyo weydiin-galinta warcelin kasta ilaa ay warcelintu weydiin gali kari waayayso ama weydiimuhu warcelin waayayaan. Qolyihii “Cynics iyo Cyreniacs,” falsafaddu waxay u ahayd dhabbo loo maro is-aqoonsi oo lagu gaadho isku-filnaansho. Filasoofarrada lagu sheego kuwii quruunta dhexe (medieval philosophers) waxay u fahmeen falsafadda in ay tahay agab loo adeegsado in lagu faahfaahiyo oo lagu caddeeyo konsabyada diiniga ah. Descart waxay u ahayd falsafaddu hab lagu raadiyo garasho biyo kama dhibcaan ah. 

Haddaba falsafaddu waa habkaa lagu raadinayo fahan daaran xaqiiqada, oo in kastoo ay la xidhiidho konsabyo aan la taaban karin (abstract) iyo kuwo guud, haddana sidoo kale waxay la xidhiidhaa xaqiiqooyin la taabtaan ah, waxayna dadka u saamaxdaa in ay fahmaan arrimaha la xidhiidha siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, anshaxa, diinta iwm. dhammaan arrimahani waa kuwo wax ku ool ah, waxaanay falsafaddu ka qayb qaadataa beddelida adduunka.

2. Afrikaanka iyo Falsafadda Afrika

Afriki waa barada hoy u noqonaysa falsafadda Afrikaanka ah, taas baa ka dhigaysa baadhista konsabka Afrikaanimada mid muhim ah. Achen (1913) wuxuu ku doodayaa in uu konsabku ku salaysan yahay barada degaleed, oo Afrikaanimadu tahay in laga soo jeedo qaaradda Afrika. Afrika waa erey asalkiisu yahay “Phoenician.” Markii u horreeyay waxay Roomaanku u isticmaaleen in ay ku tilmaamaan magaalada Carthage iyo degaannada ku hareeraysan (halka ay hadda Tuuniisiya dhacdo). Hasayeeshee, Ki-zerbo (1981) wuxuu sheegay in Afrika loo adeegsado dhulka qorraxda, ee isirka madow oo badanka loola jeedo mandiqadda Afrikada saxaraha ka hoosaysa ee dadka madow degaan. Asalka ereyga haddii la tixraaco wuxuu raadkiisu galayaa ereyga Laatiinka ah ee “aprica” kaas oo ah erey sifo oo la macne ah qorraxle. 

Afrika waa qaaradda labaad ee u weyn dunida. Waa 23% cabbirka guud ee dhulka adduunka oo dhan, waxaana qiyaasihii 2000-yadii sheegeen in boqolkiiba 13 dadka adduunku halkan ku nool yihiin, taas oo ka dhigaysa qaaradda labaad ee ugu dad badan. Bulshadeedu waxay u qaybsamaan ilaa 1,000 qawmiyadood oo kala afaf duwan, kala dhaqanno duwan, oo kala diin iyo habnololeed duwan.

Haddaba Afrika waa goob farta lagu fiiqi karo oo la meelayn karo oo la odhan karo tan ayaa Afrika ah. dooddan waxaa laga dhiraan dhirin karaa in la yidhaahdo mar hadday goob tahay Afriki, qofkii halkaa ka soo jeeda ayaa Afrikaan ah. Balse, sidaa ma aha oo Njoku (2002) wuxuu ku doodayaa weydiinta cidda Afrikaan ahi waa mid ka durugsan degaan ka soo jeedid. Sababtuna waxay tahay dad badan oo qaaradda Afrika ku nooli ma aha Afrikaan, waxaa sidoo kalena jira Afrikaan badan oo qaaradda ka soo jeeda balse bannaankeeda ku nool oo aan isku aqoonsanayn Afrikaan. Sidaa daraaddeed summad gaar ahi kama jawaabaysa weydiinta cidda iyo waxa Afrikaan ah, summaddaasi ha noqoto midab, ab, ama degel. Siday doonto ha noqotee haddana summadahani tilmaan ayay ka bixinayaa cidda Afrikaan ah.  Balse, wali wey adag tahay in la qeexo aragtiyaha lagu tilaami karo in ay qayb ka noqonayaan falsafadda Afrikaanka.

3. Qodobbada dhaliyay doodda ku aaddan jiritaanka falsafad Afrikaan ah

Weydiinta ah in ay jirto falsafad Afrikaan ahi iyo in kale, waxay ka dhalatay sida ay reer Galbeedku ugu sawireen Afrikaanka buugtooda taariikhda iyo baadhisahooda qawmiyadaha. Waxay siiyeen Afrika muuqaal cawaannimo, waxayna ku sifeeyeen mid aan hal-abuur la iman karin, waxba qabsan karin oo aan xataa taariikh lahayn. Weydiintuna sawirkaa qallooca ee dadka qaaradda laga bixiyay ayay ka dhalanaysaa, oo bulshada caynkaa loo sawiray feker falsafadeed ma la iman karaanba horta? Dadka qaaraddu quruun badan waxay halgan ugu jireen in ay iska rogaan hugaa bahalnimo ee lagu daday oo ay sugaan dadnimadooda, taas baanay ku xidhiidhsanaayeen dhaqdhaqaaqyada iyo kacdoonnada kala duwan ee dadka madow meelo badan ka oogeen.

Haddaba saddex qoddob ayaa dhaliyay in weydiin la galiyo in Afrikaanku yeelan karo falsafad, waxayna kala yihiin: aragtida kalasarraynta iyo tadawurka ee noolaha, ganacsigii addoonta iyo gumeysigii Afrika.

Aydhiyoolajiyaddan kalasarraynta isirrada waxay ka dhalatay aragtida tadawurka ee ahayd isirka sinjiyada oo Charles Darwin soo saaray 1859, taas oo dhigaysay in dhammaan qaababka nolosha ee adduunka ka jiraa ku salaysan yihiin xulasho dabeeci ah. Aragtidan iyadoo la xiganayo ayaa waxaa lagu dooday in Eebbe uu noolayaasha u abuuray kalasarrayn, oo dadkana uu kor yeelay. Sidoo kala dadku ay sii kala sarreeyaan oo isirka madow uu yahay kan u hooseeya ee xoolaha xiga.  Sidaas baa taariikhyahannadii iyo cilmibaadhayaashii reer Galbeedka ee qarniyadii 19 ilaa 20aad iyo ka horba Afrikaanka ugu tilmaameen mid ku jira marxaladda tadawurka ee u hooseysay oo ah mid ku sifoobay garaad yari, oo aan awoodin feker una qoollan shahawaadkiisa.

Hegel (1956) waxa uu ku dooday:

Nolosha qofka madow garaadku wali kaalin weyn kuma laha… wali ma gaadhin heer uu ku aqoonsan karo shaqsinimadiisa…

Dooddan isagoo ka sii dab qaadanaya Levy-Bruhl wuxuu su’aal galiyay macquulnimada uu qof madow ku garwaaqsan karo Eebbe iyadoon loo laqimin, wuxuuna ku sababeeyay in aan tani macquul ahayn sababtoo ah qofka madow hab fekerkiisu waa mid aan mandiqi ahayn oo is burinaya.

Aragtida madowga laga haystaa waa mid culays ku keentay ahaanshiyaha madowga, taas baana keentay in cid kasta oo diidi karta madownimadeedu ay ka cararto. Levy-Bruhl markuu sii dhimanayay ayuu aragtidiisaa foosha xun ka noqday oo ka yaabay sida aragtidaa qalloocan uu ku qaatay oo doodda wuxuu ku gabagabeeyay, “Habdhiska maangalnimada caqliga ee dadku waa isku mid (madow iyo caddaanba).”

In qofka madow lagu tilmaamo mid aan dadnimadiisu dhammayn, dib dhacsan oo cawaan ahi waxay u jid bixisay in la addoonsado oo loo rarto sida xoolaha. Markuu birtaa iska jabiyay ee is xoreeyayna waxaa loogu soo gabbaday ilbixin oo inta dhulkiisii lagu soo duulay ayaa hantidiisa la gurtay oo la gumeystay.

Aragtida falsafadda Afrikaanku waxay ahayd iskuday lagu sugayo ahaanshiyaha iyo hiddaha qofka Afrikaanka ah ee ku burburtay addoonsiga iyo gumeysiga reer Galbeedka. Waa iskuday Afrikaanku ku rabo in uu ku aqbalo kuna qeexo masuuliyad ka saaran qiimeynta sooyaalkiisa iyo la doodidda reer galbeedka qabsaday ee sida liidata u qeexay. Cilmibaadhisyo la sameeyay waxa lagu sugay qaab fekerka Afrikaanka waxaana lagu xaqiijiyay in run ahaan Afrikaanku leeyihiin falsafad. Sida uu sheegay Uduigwomen (1995), doodda ku aaddan in Afrikaanku leeyahay falsafad waa mid laga soo gudbay, haddii la soo qaadano waa iyadoo laga leeyahay ujeeddo taariikhi ah oo ardayda hordhac lagu siinayo, balse dooddaasi waa mid afjarantay beri hore. Maanta falsafadda Afrikaanku waa maaddo jaamacadah lagu bixiyo.

4. Dabciga falsafadda Afrikaanka

Afar qaab ayaa loo qeexaa waxa ay tahay falsafadda Afrikaanku:

  1. Qolo waxay qabtaa in falsafadda Afrikaanku tahay aragtiyaha laga soo miiro aduun aragga kala duwan, maahmaahyada, sheekabaraleyda iwm ee bulshooyinka Afrikaanka ah. Waa aragtiyaha bulshada qaaradda ku dhaqan ee aanay sadhayn fekrado qalaadi.

  2. Qolo labaadi waxay u fahantay falsafadda Afrikaanku in ay tahay qoraallada daraasaynta ah ee filasoofarrada casriga ah ee lagu tababaray falsafaddu ka sameeyaan hab fekerka, hiddaha iyo xaqiiqooyinka bulshada Afrikaanka ah.

  3. Qolo saddexaad waxay qabtaa in falsafaddu tahay labada hab ee kore oo laysku daray, iyadoon midna meesha laga saarin. Waxayna noqonaysaa in aragtiyaha maangalka ah ee cuddoon laga soo miiro hiddaha, maahmaahyada, iyo sheekabaraleyda bulshada Afrikaanka ah, sidoo kalena la helo filasoofarro casri ah oo weydiin galiyay aragtiyahan iyagoo adeegsanaya habab iyo aragtiyo casri ah.

  4. Kuwa afraadi waxay qabaan in aan labadan hab midina ahayn falsafadda Afrikaanka. Qolada sidan qabta, oo uu u tun weyn yahay Hountondji (1976) waxa uu ku tilmaamay in falsafadda Afrikaanku tahay qoraal kasta oo uu sameeyo qoraa Afrikaan ahi oo uu uga gol leeyahay in uu falsafad qoro.

Haddaba, doodahani dhammaan waxay tilmaamayaan wax lagu sheegi karo falsafad Afrikaan ah, balse mudnaanta waxaa leh qeexidda koowaad. Qeexidda labaad iyada waa laga gaabsanayaa, sababtuna waxay tahay falsafadda Afrikaanku wey ka xeeldheer tahay fekerrada filasoofarrada mutacallinka ah ee bartay falsafadda. Kan saddexaadna labada faallo ee hore ayaa ku dabbaqmaya. Qeexitaanka afraad wuxuu u baahan yahay in dib loogu noqdo. Waxa qoraal ka dhiga mid falsafadeed maa ha qoraagiisa. Ka warran haddii nin waalani uu feker qoro oo uu fekerkiisaa ku sheego mid falsafadeed, taasi falsafad ma ka dhigaysaa? Waa in ay jiraan mabaadi’ ka dhigaya fekerka mid falsafadeed. Weydiin kale oo iman kartaa waxay tahay: Maxaa ka dhigaya ama loogu tilmaamayaa dhammaan falsadaha qawmiyadaha iyo qaramada Afrika kuwo Afrikaan ah? Sababtu waa mid sahlan, waxa jira wax muuqda oo ay wadaagaan dhaqannada iyo hab fekerrada Afrikaanku, tan ayaana tilmaanta (falsafadda Afrikaanka) u jid bixinaysa. Tani kama dhigna in Afrikaanku hab feker isku mid ah leeyihiin oo isku wax wada aaminsan yihiin, balse waa in aragtiyahaasu yihiin kuwo xerudhalan u ah Afrika, waxaana ereyga loo adeegsanayaa adeegsi la mid ah marka la tilmaamayo falsafadda reer Galbeedka ama falsafadda Shiinaha.

 

5. Doodda u marag kacaysa suuragalnimadda falsafadda Afrika waa falsafadda oo ah hawl dadku u wada siman yahay

Makumba (2007) wuxuu ku dooday haddii loo fiirsado qeexitaannada guud ee falsafadda, xataa teeda ku salaysan ereybixinta Murtijacayl, ay caddaanayso in ay falsafaddu tahay hawl caadi ah oo dadkoo dhami u siman yihiin, oo aanay kooto ugu jirin dhaqan iyo waqti gaar ah. Falsafaddu waxay u tixgalisaa qofka aadanaha ahi in uu yahay noole garaad leh. Ma jirto bulsho dhalad ahaan uga arradan garaadka, waxa se weydiin la galin karaa heerka uu gaadhsiisan yahay habfekerrada bulsho gaar ah, oo waa siduu xaqiijiyay Tempels (1959) e, “ciddii ku doodda in aan bulshooyinka bidaa’iga ahi lahayn habab feker (system of thought) waxay ka saartay dadnimada.” Toban sanno ka dib, waxaa isna ku raacay Parrinder (1969): “Weedha ah Afrikaanku ma laha hab feker, waa mid si toos ah ama si dadban dadnimadooda looga xayuubinayo.” Makumba (2007) isaguna wuxuu leeyahay, “aragtida aan is burinayn meesha kama saari karto doorka uu garaadku ugu jiro qeexidda qofka aadanaha ah,” oo haddii laysku raacay in Afrikaanku yihiin dad aadane ah oo garaad ku sifoobay, waxaa taa ka dhalanaysa in ay yihiin kuwo awood u leh gudashada fekerro falsafeed. Aragtida Gyekye (1995) ayaa qodobkan sii bidhaaminaysa:

In laga xaerimo fekerka Afrikaanka falsafadnimadu run ahaantii waa mid aan la aqbali karin. Sababtuna waxay tahay, falsafaddu markay tahay hawl indheergaradnimo waa mid dadkoo idil u siman yihiin, oo aan la qaadan karin in ay cid gaar ah u qoolan tahay. Jaad falsafadeed ayaa haga fekerka iyo falka bulsho kasta, sidoo kalena noqda sooyaalka aqooneed ee ay dib u daalacdaan noloshoodana ku saleeyaan… Ma ka baaqsan karno in aynu falsafadayno, taas oo ka dhigan in aynu is weydiino su’aalo lafdhabar ah, oo aynu ka fekerno nolosha iyo arrimaha doorka leh ee ku xeeran, sidoo kalena wax iska weydiino hab-dhaqanka iyo waaya’aragnimada. Haddii si kale loo dhigo, in kastoo dadka adduunku ku kala dhaqan yihiin degaan-dhaqanneedyo kala geddisan, haddana waxa jirta wax badan oo ay wadaagaan iyo waaya’argnimo dadnimo oo ay u siman yihiin. Sidaa daraaddeed waxa jiri kara weydiimo udubdhexaad ah oo la xidhiidha meerahan ay ku wada dhaqan yihiin. Weydiimaha caynkan ah waa kuwo caalami ah oo isaga gudbaya dabarrada dhaqan iyo kuwo taariikheed, in kastoo ay kala duwanaan karaan mabaadi’da falsafadeed iyo doodaha lagaga warcelinayo weydiimahani.

Gyekye (1995) waxa uu ku daray:

Markaan ku doodayo hawsha falsafadayntu in ay tahay hawl dadkoo dhan ka dhaxaysa, waxaan ka wadaa fekerayaashu iyagoo ka kala imanaya dhaqanno kala duwan ama taariikho falsafadeed oo kala geddisan ayaa haddana waxay is weydiin karaan weydiimo falsafaddeed oo isku mid ah. Waxa la wadaago ee loo siman yahay waa u janjeedhka wax iska weydiinta xeerarka lafdhabarta ah iyo habdhaqanka haga nolosha dadka, ee waxa la wadaagaa ma aha mabaadi’da laga soo dhiraandhirinayo weydiimahaas. 

In falsafaddu tahay hawl dadku guud ahaantii u siman yahay waxaa caddayn u ah fekerrada kala duwan ee lagu tilmaamo falsafad ee leh falsafadda Carabta, falsafadda reer Galbeedka, falsafadda bulshooyinka Baantuuga, falsafadda Shiinaha iwm. Ereyga falsafadda ee ku ladhan hab fekerka bulshooyinkan kala duwan ayaa caddayn u ah in falsafaddu tahay hawl bulshooyinka adduunka oo guud ahaan gutaan oo qoloba heer ha gaadhsiisnaatee, halka ereyga kale ee magacaabaya bulsoo gaar ahi uu astaan u yahay kala duwanaanta ay falsafaddu astaanta u tahay.

6. ‘Afrikaanimada’ iyo ‘Falsafadnimada’ falsafadda Afrika

Mar haddaynu ku doodnay in falsafaddu tahay hawl dadku u siman yahay, maxaa falsafad ka dhigaya mid Afrikaan ah? Waxa falsafad ka dhigaya Afrikaan ahi waa ‘Afrikaanimada’. Dhaqan walbaa isagoo ka duulaya waaya’aragnimada degaankiisa ayuu feker ku darsadaa halkudhegyada falsafadded ee guud, tan ayaana ka dhigta falsafadda mid ku dabbaqmaysa waaqaca nolosha. Dhaqan walbaa waxa uu raadraacaa wadarta halkudhegyadan, dabadeed wuu lafaguraa oo waxa uu u kala nidaamiyaa hab ku salaysan aragtida dhaqan kastaa nolosha ka haysto, kaas oo ah xidhiidhka walxaha iyo qofka ka dhexeeya, iyo xidhiidhka qofafka dhexdooda ah. Haddaba, aragtiyahan dhaqannadu ku biirsadaan falsafadaynta ayaa ah waxa kala soocaya falsafadaha ee midna ka dhigaya mid reer Galbeed, midna mid Afrikaan, mid Hindiyaan iyo mid Jayniis. Afrikaanimada falsafadda Afrikaanku waa mid goobtu jidaynayso. Falsafadnimada falsafadda Afrikini waa mid saldhig ku leh qofka aadanaha ah ee garaadka ku sifaysan ee hawshan falsafadaynta gudanaya. 

Siduu ku dooday Makumba (2007) qeexidda ‘Afrikaanimada’ iyo ‘falsafadnimadda’ falsafadda Afrika waxaa udubdhexaad u ah dhaqanka bulshooyinka Afrika iyo dadka iyo shaqsiyaadka gudanaya hawsha falsafadaynta. Dhaqanka bulshooyinka Afrikaanka ah markaynu soo qaadayno ujeedku waxa uu yahay in falsafadda Afrikaanku noqoto mid la falgasha waaya’aragnimada iyo arrimaha quseeya Afrika. Qofka gudanaya hawsha falsadayntuna waa in uu noqdaa qof Afrika ka soo jeeda ama Afrikaan qurbaha ku nool ama qof aan Afrikaan ahayn oo Afrika ku nool oo la falgalay nolosha bulshada Afrikaanka. Qofkaas oo kale ayaa si macno leh oo daacad ah wax ugu biirin kara horumarinta feker ee Afrikaanka. Isagoo qodobkan ka hadlaya waa tuu Osuagwu (1999) yidhi:

Weydiinta ah ma jirtaa falsafad Afrikaan ah warcelinteedu waa haa oo wey jirtaa, waana xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah. In kastoo falsafaddu isku daydo in ay xeerarka guud ee xaqiiqada ka jawaabto, haddana waxa jira qaybo muhim ah oo la xidhiidha masalooyinka bulshada. Si la mid ah dadka garaadka leh ee adduunka ku dhaqan, ayay Afrikaanku u leeyihiin falsafad isku dayaysa in ay qeexdo xaqiiqada iyadoo ku eegaysa indho Afrikaanimo. Waana mid ka dab qaadanaysa masalooyin iyo waaya’aragnimo u gaar ah bulshooyinka Afrika.

 

Waxa turjumay: Maxamed Buux