Friday 22 November 2024
Marka ay timaaddo is illawsiinta tagtada iyo cabudhinta dareennada taban, mida roon fikrad cad kama haysto. Haddaba, diiwaangalinta tijaabooyinkeennii xumaa oo loo maro qoraalo shaqsi ah, sida; xasuus qor ama maanso ma inna caawin kartaa muddada fog?
- Jonataan Dee, qoraa iyo sheekoyahan reer Maraykan ah.
Faylasuufkii reer Jarmal ee Immanuel Kant noloshiisa inta u badan waxa uu ku tiirsanaa shaqaale u adeega oo uga shaqeeya hawlaha gurigiisa. Ninkaas magaciisu waxa uu ahaa Martin Lamp. Kant, ninkan aad buu uga war hayn jiray, noloshiisana ugu kuurgeli jiray. Kant, waxa lagu yaqaanay ad’adaygiisa iyo danayn la’aanta raaxada, sidaas daraaddeed, daryeelkiisa gaarka ah ee uu siiyo shaqaalihiisu ma illawsiin jirin in uu yahay falsafadyahan falsafaddiisu ku salaysan tahay samaynta waxa qumman. Afartan sano ayaa ay labada dhinacba (Kant iyo shaqaaluhu) ilaalinayeen xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya. Labada dhinac, Kant oo ah nin ad’adag iyo shaqaalaha oo ah nin ku eg shaqadiisa, daacadna ka ah, waxa ay ilaaliyeen in midiba ka kale sida ugu habboon ula dhaqmo, muddadaasna aan wax is qabsi ahi dhex iman. Hal maalin ayaa wax kastaa is beddeleen, sabab aan cid kale ogaynna kala irdhaysay labadii qof ee midiba ku ekaa shaqadiisa. Sooyaalku ma sheegin sababta dhabta ah ee kala irdhaysay. Laga yaabee in mid sakhraamay oo xuduudda dhaafay, lagana yaabee in shaqaaluhu wax musuqmaasuqay. Si kasta oo ay ahaataba, waa waxa keenay in go’aanka keliya ee Kant noqdo in uu shaqaalaha caydhiyo. Falkaasi waxa uu Kant u dhaweeyey in uu burburo nafsad ahaan. Qof afartan sano aad si wadajir ah u wada noolaydeen, waa wax u dhow xidhiidh jacayl oo muddo intaas le’eg jiray. Caydhinta Martin waxa ay u dhowayd sidii lammaane muddo is qabay oo is furay. Waa sababta keentay in Kant uu warqad xafiiskiisa taalla ku qoro “illaw Martin”, iskana soo horjeediyo warqaddaas si uu markasta u arko, haddana waxa la sheegaa in aanu awoodin in uu illaawo.
Falka uu sameeyey Kant waxa laga yaabaa in uu u muuqdo fal macnodarro ah, runtiina waabu yahay. Balse, adigu ma awooddid in aad si fudud wax ku illawdid ama qof isku illawsiisid. Runtu waxa ay tahay, markasta oo aad isku hawshid in aad wax illawdid, arrinku waa uu kugu sii dhib badanayaa, waxa se aad awooddaa waxa ugu yar ee ah in aad naftaada ka joojisid soo faqidda xasuusihii nolosha ee aad rabtid in aad illawdid. Xitaa haddii xasuusta hore jahawareer xadhkaha goostay kugu sababayso, miyaanay habboonayn in aad hore ugu socotid nolosha, adiga oo aan dib u jalleecin tagtadii? Miyaanay ahayn in aad isku daydid in aad iska fujisid tagtada kugu keenaysa jahawareer xanuunno nafsadeed keeni kara? Shahaado jaamacadeed kama sito cilmi-nafsiga, dadkana xanuunnada nafsiga ah kama daweeyo, sidaas darteed, waxa aan soo qaadanayaa soo dhawayn falsafadeed si aan dhibaatadan u dawayn karo. Waxa aan ka bilaabayaa weydiin ah: intee in le’eg ayaa ay tagtadu muhiim u tahay mustaqbalkeenna? Kant, ma waajib bay ku ahayd in uu illaawo Martin amaba sito xasuustiisa daran ee qaybta ka noqotay noloshiisa? Qoraaga Jonataan Dee ee aan bilawga ku soo qaatay hadalkiisa, ma waajib bay ku tahay in uu tagtadiisa iska dhegomariyo amaba in uu dareennadiisa gunta ku abaaday toosiyo si uu u waajaho dhacdooyin illawga ku bakhtiyey?
Si aynnu uga jawaabno weydiimaha sidan oo kale ah (weydiimo kale oo la mid ahina waa jiraane), waxa aynnu waxyar ku hakanaynaa laba jawaabood oo kala duwan, laba dhinac oo kala fogna kala taagan. Jawaabta koowaad waxa keenay Firidki Nitshe, oo illawsiintu u arka mararka qaar in ay tahay fal uu ku hoos jiro is aqoonsi. Jawaabta labaad waxa bixinaya Edmund Burke. Waa jawaab dood dhalin karta, waana warcelin meteli karta aragti xujaynaysa jawaabta hore. Burke, waxa uu aaminsanyahay; in soo celinta xasuusaha hore iyo soo faqitaankoodu mararka qaar ay tahay tijaabo wanaagsan oo mudan isku day.
Falaasifadu xidhiidh la yaab leh ayaa ay la leeyihiin xayawaanka. Qaar ka mid ah falaasifada, sida Joon Satiwaarti Mil xayawaanka waxa ay u arkaan wax mudan u damqasho. Mil, waxa uu leeyahay: “In qofku noqdo aadame aan noloshiisa ku qanacsanayn, ayaa uga wanaagsan in uu noqdo doofaar noloshiisa ku faraxsan”. Waxa uu ku doodayaa in garaadka aadamaha ee sarreeyaa yahay waxa ina farxad geliya, weliba heer aan la suuraysan karin. Balse, isaga oo Mill sidaas ku doodaya, taas lidkeed waxa ku doodaya Nitshe, waxaanu leeyahay: “Bal u kuurgal xayawaanka daaqaya cawska kuu dhow. Ma garanayo wixii shalay dhacay iyo waxa maanta socda. Si xorriyad ku jirto ayaa ay meel kasta u tagtaa. Wax ayaa ay cuntaa, waa ay nasataa, cuntadii hore ayaa ay dheefshiiddaa, ka dibna wareeggaas ayaa ay bartii hore uun ka bilawdaa. Wax kaste oo ay jeceshahay ama ay necebtahay waxa uu ku xidhanyahay ilbidhiqsigaas la joogo. Ma taqaan qulub, daalinta nafta iyo werwer midna. In uu aadamuhu u kuurgalo xaaladdaasi waa wax ku adag, sababtoo ah waxa uu iska dhaadhiciyey in uu ka wanaagsanyahay xayawaanka; haddana waxa aad arkaysaa aadamaha oo xayawaanka ku eegaya il qalloocda, isaga oo xaasidaya, oo naawilaya wax farxaddaas uga soo celiya”.
Waxa jirta xaalad ku dhex jirta noolaanshaha ilbidhiqsigaas taagan ee mayeedhaanku dhaqanka u leeyahay, waa in aan xayawaanku ka fikirin tagtadii, iskuna hawlin khaladaadkii hore. Waxa kaliya ee xayawaanku yaqaan waa hore u socosho halka noloshu la gaadho. Xayawaanku dhulka uma soo hollado si jidhkiisu dhulka u gaadho oo uu iska tiro culayska saaran ee fikirka iyo xasuusta ah. Taas beddelkeed, xayawaanku sida Nitshe sheegayo waxa ay ku noolyihiin qaab uu Nitshe u bixiyey “Nolol bilaa sooyaal ah”. Sooyaalku, macno uguma fadhiyo. Runtii, ma jiro qof noolaan kara nolol bilaa xasuuso ah, ama bilaa dhacdooyin ah. Lo’du waxa ay maalinkeeda ku qaadataa daaqa, balse qofku sac ma noqon karo, mana beddeli karo ahaanshihiisa. Jawaabta Nitshe waa nooc dib u qaabaynta garaadka ah. Tagtadii u sawiro sida in uu yahay il waxtar leh oo ay tahay in laga faa’idaysto.
Makatabad dhan oo xasuuso ah ayaa aad haysataa, kuwa jahawareer kugu rida iyo kuwo kaa farxiyaba. Waxa ka mid ah xasuuso aan macno lahayn iyo kuwo macno weyn kuugu fadhiya. Nitshe, waxa uu aaminsanyahay: “In aynnu tagtadii ka adkaanno, oo waxa aynnu jecelnahay oo keliya ka soo qaadanno, soona ceshan karno xasuusaha farxadda keeni kara”. Waxa uu ku doodayaa, dad ahaan, waa aynnu awoodnaa in aynnu tagtadii adeegsanno, soona ceshanno, oo aynnu dawo ahaan u qaadanno inteeda wanaagsan, wixii sun ahna iska dhaafno oo nolosha hore ugu soconno”. Sidaas daraaddeed, Jonataan Dee iyo Nitshe waxa ay is weydiinayaan: ilaalinta xasuus qorkaaga maalinlaha ah ee dhacdooyinkii tagay, ma kaa dhigayaan qof adag oo sida aad tahay ka wanaagsan, inta uu noolyahayna nolol ka ballaadhan ta hadda nool? Haddii jawaabtu tahay haa, joogtee qoritaanka xasuusaha maalinlaha ah ee beri dhow noqon doona tagto. Balse haddii aad dhacdooyinkaas eegtid adiga oo cabsanaya, niyad jabsan amaba werwersan, dhacdooyinkaas iska illaw.
Qarni ama wax ku dhow ka hor Ni, Faylasuufka Irish-Inigiriiska ahi waxa uu bedka keenayaa dood kale oo ku saabsan tagtada xun ee nafteenna xasuusta adag kaga tagta. Waxa uu qoray, isaga oo is weydiinaya: “Ka warran haddii waxtar qurux badani ku jiro soo cesashada xasuusaha daran ee jahawareerka innagu riday?” Sida uu Burke aaminsanyahay, wanaagga sarreeyaa waa khibrad qurux badan oo awooda in ay nafteenna raynrayn geliso. Burke raynraynta waxa uu uga jeedaa macne ka duwan farxadda. Waxa uu uga jeedaa nooc gaar ah oo argagax macaan ku dheehan yahay ah, deggenaan nafeed oo xeeldheer, haddana ay ku lammaantahay bayr iyo kacsnanaan.
Ujeeddada laga leeyahay rayrayntu waa baadhitaan xeeldheer oo wanaagga ah. Wanaagga sarreeya, Burke, waxa uu ula jeeday wax u eg istaagga meel ka hoosaysa biyodhac weyn oo biyaha soo tuuraya xilli duufaan iyo onkod darani jiro. Waa qaylada dheer ee xididdada margiyada qofka soo saarta marka uu qofku dhex joogo garoonnada ciyaaraha. Waa waxa aad dareentid marka aad eegmada kusii daysid habeenka wada xiddiga ah. Waa dhadhan sare oo dhacdooyinka ah, werwer ama yaxyaxna ku lammaanyahay, walaw aad meel nabdoon joogtid. Dhacdooyinka jahawareerka leh iyo tagtada adagba waxa ku lammaan argagax iyo werwer. Waxa ay baabi’iyaan nolosha qofka, inta badanna nolosha qofka waa ay burburiyaan, waxaanay sameeyaan culays weyn oo qofka qalbiga ka haysta. Balse si kasta oo ay tahayba, waxa habboon in aynaan is illawsiin in ay tagto tahay oo ay socotay, soona noqonayn, haddana weerar innagu ahayn. Sidaas darteed, marka aynnu dareennada iyo xasuusaha gunta fadhiya qodaynno, ee aynnu dib u jalleecayno xasuusahaas adag, waxa aynnu maraynaa xilli aynnu la kulmayno farxadda aynnu ka helayno wax ina dhaafay. Waa ilbidhiqsiyo aynnu is arkaynno in uu in jiitay quruxda cabsida leh ee meel mugdi ah. Markasta oo aynnu dib u xasuusanno xasuuso adag oo ina soo maray, waxaay la mid tahay sida in aynnu qolof ka qaadayno dhaawac innagu yaal, oo aynnu weliba ku raaxaysanayno. Waa dhadhan macaan oo aynnu ka helayno soo faqidda tijaabooyin hore oo aynnu marnay.
Sida caanka noqotay inta badan xaaladaha dhibaatooyikani jiraan, waxyaabo badani waxa ay ku tiirsanyihiin wax aynnaan ogayn. Si dhab ah u garan maynno xasuusaha xun ee uu Jonataan Dee ka hadlayo, mana garan karno waxa niyaddeeda ku jira marka ay rabto in ay ku noqoto. Runtii, waxa aan u malaynayaa in talada Nitshe ay macno leedahay. “Haddii aad awooddid in aad xasuus iska illawdid samee, balse haddii ay kugu adkaanayso, xasuuso”. Tani waa run biyo kama dhibcaan ah, kuna dhaboobaysa dhaqamadeenna maalinlaha ah, sida in aynnu xasuusqor ilaashanno ama saaxiibbada waxaas kala hadalno. Waa dawayn shaqayn karta. Qof kasta oo aan aqaan oo dawayn nafeed u socoto ama soo maray, waxa uu qirayaa in xasuusashadu tahay wax wanaagsan oo caafimaad leh.
waxa laga soo turjumay halkan.