Thursday 21 November 2024
Qarnigii koobaad ee Islmaamku waxa uu ahaa midkii ugu degganaanshaha yaraa, dhanka fikirka iyo siyaasadda. In kaste oo aanay marna istaagin fikirka iyo curashada firqooyinku, haddana qarnigaasi waxa uu ku suntan yahay seeska fikirka diiniga ah ee, inta badan, firqooyinka Muslimiinta. Waxa ay Muslimiintu ka soo gudbeen casrigii Nabinimada iyo hoggaaminta Saxaabadii Nabiga ee in badan lagu muuneyn jiray waxyiga iyo ka-dhimbiil-qaadashada Nabiga, waxana ay galeen marxalad, iyaga oo aan nabiyo iyo saxaabo toona ahayn, ay tahay in ay u fikiraan noloshooda oo ay jiraalkooda ku macneystaan diintooda. Sida dabiiciga ah, waa lagu kala aragti duwanaaday, marar badanna waa la isku dilay. In kaste oo qarnigaa koobaad uu sees u noqday inta badan fikirrada diiniga ah ee kooxaha Muslimiinta, haddana ilaa maanta waa ay socdaan fikirka iyo dadaalka loogu jiro in Muslimiintu ay jiraalkooda ku macneystaan hab diineed oo Islaami ah. Waxa se farqiga ugu weyn sameynayaa waa in, maanta, ay kooxaha oo dhani haystaan kayd ballaadhan oo sooyaalkooda kooxeed ah, taas oo yareynaysa fikirka curiska ah ee hal-abuurka leh, oo halkii uu sooyaalkaas hodanka ahi ka noqon lahaa carro-san fikir, waxa uu in badan noqdaa caqabadda fikirka. Arrintaasi waa halka ay sartu ka qudhuntay ee uu fikirka Islaamiga ahi ugu muuqdo mid gudhan ama caalwaa ah oo ay dunidiisa is diidayaan, sida kan xagjirka noqda, oo Muslimiintu, iyaga oo haysta diinta ugu casrisan, waxa ay ka mid yihiin ummadaha ugu hal-abuurka yar dhanka fikirka nolosha waxana fikir la’aantaa u caddilan dhinacyo badan oo noloshooda ka mid ah.
Muctasiladu waxa ay ka mid tahay firqooyinkii abuurmay dhammaadkii qarnigii koobaad ee Islaamka. Waxa ay ka dhasheen dadaalkii loogu jiray in diinta loo macneeyo sida ay isu waafaqayaan xaqiiqooyinka jiraalka iyo danaha nolosha. Raadkeeda waxa lagu arooriyaa xertii Xasan Al Basri (21 – 110 Hj) oo ay soo dhex gashay dood berigaa aloosnayd oo ku saabsanayd mawqifka diineed ee laga qaadanayo qofkii ku dhaca dambiyada waaweyn ee uu Ilaahay u gooddiyay, iyada oo aan la caddeyn in ay gaalnimo yihiin iyo in kale. Xasan Al Basri oo masaladan la weyddiiyay ayaa waxa ku khilaafay ardaygiisii, Waasil binu Caddaa (80 – 131 Hj), oo ku doodday in qofka dambigaa galay uu meel dhexe lusho oo ah in aan gaal lagu sheegi karin, maaddaama oo aanu diinta ka bixin, muuminna lagu sheegi karin maadaama oo aanay dambigiisa iyo iimaanku is qaadanayn. Waasil waa uu ka goostay xertii Xasan Al Basri waxaana duushay weedha ah ‘Waasil waa uu innaga goostay – ictazalanaa Waasil’ halkaas ayaanu magacu ka raacay oo firqadii aragtida Waasil ku tagtay lagu naaneysay ‘Muctasilah’.
Muctasilada waxa lagu tilmaamaa in ay ka mid yihiin firqooyinka caqlaaniga ah ama kalaamiyada ah ee Muslimiinta, waxana ay aad u bulaaleen casrigii Cabbaasiyiinta. Ha se ahaato e, aad uguma ay fidin Muslimiinta guud sababta ugu weynna waxa loo aaneyn karaa in qaar ka mid ah mabaadi’da saldhigga u ahi ay u baahan yihiin fikir iyo caqli-maal waana arrin ka dhigaysa, marka horeba, mad-hab naqwo ‘elite’ oo u baahan sees aqooneed oo xooggan, si loo mad-habeysto. Sidaa awgeed, Muctasiladu waxa ay in badan la xidhiidhay dooddaha caqliga iyo falsafadda laahuutiga ah ee Muslimiinta dhexdooda. Masalooyinka ugu caansan ee taariikhdooda ku lammaan waxa ka mid ah dhacdadii loo bixiyay ‘Fitnadii Abuurka Quraanka’ ee qarnigii saddexaad ee Islaamka. In kaste oo aanay tiirarka mabaadi’dooda ka mid ahayn, haddana waxa ay noqotay iinta ku taalla ee ay Ahlu Sunnuhu ku weeraraan kuna sumcad-dileen, ka dib markii lagaga awood batay saameynta dadweyneha Muslimiinta.
Waxa jira tiirar la yidhaahdo ‘Asallada Shanta ah’ oo ay Muctasiladu ku taagan tahay: 1. Keliyeynta Eebbe (Tawxiid); Waxa ay Muctasiladu qabaan in uu Eebbe yahay ‘keli’ oo aan xitaa la kala qaadi karin isaga iyo tilmaamihiisa. Metalan, tilmaanta cilmigu ma aha wax ka baxsan ahaanshaha Eebbe oo ma aha tilmaan ku lammaan e, waa isla isaga uun. 2. Caddaaladda; waxa ay Muctasiladu qabaan in wax kaste oo ay diintu xukuntay ama Eebbe go’aamiyay uu ku qotomo caddaalad. Sidaa awgeed, xukun kaste iyo arrin kaste waa in loo eego in uu caddaalada xaqiijinayo oo uu ku saleysan yahay danta addoomaha Eebbe, mana dhici karto in uu Eebbe dadka faro wax aanay dan ugu jirin ama caddaalad-darro ah. 3. Yabooha iyo Gooddiga; waxa ay Muctasiladu qabaan in waxii uu Eebbe u yaboohay addoomihiisa wanaagsan ama camalka suubban fala iyo waxii uu ugu gooddiyay kuwa daacad-ka-baxa ahi uu u fulayo sidii uu u yaboohay ama u gooddiyay. Tiirkan dambe waa midka ay ku taagan tahay aragtidii Waasil bin Caddaa ee ahayd qofkii dambi weyn oo gooddi ku yimid sameeyaa waxa uu, hubaal, galayaa naarta, haddii aanu ka toobbad keenin. 4. Mansilada Dhexe; Muctasiladu waxa ay qabaan in qofkii gala dambi weyn oo uu gooddi ku yimid, aan se gaalnimo lagu sheegin, aanu dunida korkeeda ku lahayn xukunkii gaalka iyo kii mu’minta midna. Waxa uu aayehiisu ku xidhan yahay in uu toobbad ku dhinto oo uu iimaankii ku soo laabto, iyo in uu ku dhinto dambigaas oo aannu ka badbaadi karin gooddiga Eebbe. 5. Farista Samaha iyo Reebista Xumaha; Muctasiladu waxa ay qabaan in ay waajib yihiin farista samaha iyo reebista xumuha, iyada oo aan loo eegin cidda la farayo ama laga reebayo. Qodobkan, oo aan u fududeyn sida uu korka uga muuqdo, waxa ay Muctasiladu sees uga dhigeen in aan dulmiga la aqbalin ee laga dhiidhiyo. Qodobkan, sida ay inta badan aragtidooduba tahay, waxa ay ku dhexdhexaadiyaan Khawaarijta iyo Ahlu Sunnaha oo ay qolado hore qabto in dambiyada waaweyn lagu gaaloobo, dawladaha sameeya dambiyada waaweyn sida dulmigana ay tahay in gaalnimo loola dagaallamo, iyada oo lagu dhaqmayo farista samaha iyo reebista xumaha, iyo Ahlu Sunnaha oo qaba in qofkii dambi weyn oo gooddi ku yimid ku dhacaa aanu gaaloobin, sidaa awgeed hoggaanka Muslimka aan loo la dagaallami karin in uu dambi weyn galay, sida dulmiga. Muctasiladu, sida aan kor ku xusnay, waxa ay dambiga weyn ku xidhaan sida uu qofku ku dhinto oo go’aaminaysa in uu gaalada kula waarayo naarta iyo in mu’miniinta lala janneynayo, inta ay taasi caddaanaysana aan gaal iyo mu’min toona lagu sheegin. Sidaasi oo ay tahay, waxa ay qabaan in dulmiga sidiisa loo diiddo oo loola dagaallamo, iyada oo aan loo eegin iimaanka ama gaalnimada hoggaamka Muslimiinta.
Aragtiyahaas oo dhan waxa gundhig u ah aragti mug weyn oo ah in caqligu yahay daliilka ugu horreeya ee garashada iyo waxa qofka ka dhigaya xilkas lala xisaabtamo. Waa seeska mabaadi’dooda iyo halbeegga lagu kala garan karo saxsanaanta iyo qaldanaanta ama samaanta iyo xumaanta. Caqliga ayaa ah waxa lagu fahmayo diinta iyo adduunkaba, isaga ayaana kala xukumaya wixii sax ah iyo wixii qaldan. Muctasiladu waxa ay la gaar yihiin masalooyin badan oo ay tiirarkani gundhig u yihiin, kamana baxsana dadaal aadane oo ilduuf, ogaal gaabni iyo ismoodsiisba yeelan kara, waxana ay kala mid yihiin dhammaan dugsiyada fikir ee Islaamka. Haddana, dunida maanta oo ay aqoontu aad u korodhay, waxsoosaarka caqli ee aadanehuna uu aad u baahay, waxa ay aragtiyo badan oo ay Muctasiladu qabeen noqonayaan kuwo la qaadi karo ama lagu fahmi karo heerka aqoonta ee dunida maanta, isla markaana furdaamin kara dhibaatooyin badan oo dunida Muslimka ka haysta is-waafajinta fahankooda diineed ee ay aaminsan yihiin iyo xaqiiqooyinka nololeed ee ay ku nool yihiin.
In xukun iyo talo kaste lagu eego ilaa heerka ay xaqiijinayaan danta dadka iyo caddaaladda, in dulmiga iyo gardarrada laga dhiidhiyo lana beegsado xukunka suubban ee maamul ama dawladeed, iyo in caqliga laga jaro dabarka oo maqaamkiisa kor loo qaado laguna kalsoonaado oo qofku halbeeggiisa garasho ee koobaad ka dhigto caqliga waa waxyaabaha ay ugu baahida badan yihiin Muslimiinta maantu. Aqoon-darrada heerka fikir, dulmiga oo loo qiil dayo, caddaalad-darrada oo aan la dhaadin iyo maamul-xumada ayaa ah tilmaamaha ugu mudan ee hab-nololeedka ummado badan oo dunida Muslimka ka mid ah. Kuma talo-jiro in aan ku baaqo in Muctasilo la noqdo oo aragtiyahooda oo dhan la qaato, sida aanan ugu talo-jirin in aan mad-hab kaste oo gaar ah u ololeeyo ama wada qurxiyo. Waxa aan se qabaa in qaybo ka mid ah mafaahiimta Muctasiladu, sida ay u saafeen, ay maanta u habboon yihiin in lagu shidaaliyo qiyamka, akhlaaqda iyo garashada guud ee Muslimka dunida maanta, si loo furdaamin karo in badan oo ka mid ah mashaqooyinka nololeed ee inna haysta. Dhab ahaan, masalooyinkan nuxurkooda guud waa ay isku waafaqsan yihiin dadka oo dhan oo ay ka mid yihiin firqooyinka kala duwan ee Muslimiintu. Ha se ahaato e, waxa ay Muctasiladu la gaar yihiin in ay siiyeen muhiimad gaar ah oo weyn.