Skip to main content

Friday 20 September 2024

Feker

Baatrik Gataara iyo siyaasadda luuqadda wararka

20 September, 2024
Image
Patrick Gathara
Share
Baatrik Gataara waxa uu siyaasadda reer galbeedka wax uga qoraa siday reer galbeedku wax uga qoraan dalalka Afrika iyo Eeshiya. Uga-jeedadiisuna waxay tahay in uu inagu dhiiriyo ka fiirsiga luuqada aynnu adeegsanayno iyo in aynnu ku baraarrugno fikirka hoos u dhiga ah ee ku duugan.

Kolkii ay dhamaatay dooddii madaxtinimo ee dhex martay Kamaala Haaris iyo Doonal Taraamb, taas oo ahayd dhacdada siyaasadeed ee go’aaminaysa tartanka doorashada madaxtooyada Maraykanka, judhiiba waxaa interneetka ku soo fatahay faallooyin ku saabsan dooddaas. Wargeyska Washington Post waxa uu daabacay maqaal ku soo baxay tifafatirka kaas oo isbarbar dhig ku sameeyay “Ameerikada khiyaaliga ah” ee uu sawiray Trump iyo “aragtida togan” ee Kamaala Haaris. Sidoo kale jariirada Wall Street Journal waxa ay sheegtay in sida cad Kamaala doodda ku guulaysatay, waxay ku dareen in aanay sababtu ahayn in ay soo bandhigtay siyaasaddo ka xooggan kuwa Trump, balse, waxay la timid xeelad ay ku juqeynayso oo kaga xanaajinayso Trump, si ay ugu hagto “in uu galo mawjad cabasho iyo faan ah” taas oo indhaha dadka ka leexisay ceebaha sooyaalkeeda siyaasadeed. Wargeyska New York Times isna waxa uu ra’yi ururin cidda badisay ku saabsan weydiiyay 14 qoraa, 13 ka mid ahi waxay sheegeen in Kamaala Haaris xooganeyd. Jameele oo ka mid qoraayada Times waxa uu sheegay in Kamaala muujisay, “in ay ka haybad iyo caqli badan tahay Trump-ka coonka ah ee hadaltirada badan.”

Cidkasta oo daawatay siday dareentay, dooddu waxay ahayd mid khiyaali u eg, waxaad moodaysay in aad daawanayso barnaamij maad ah, oo ka maadaysanaya siyaasadda Ameerika. Faallooyinkaan akhriyay ma jirin cid wax iska weydiisay in musharax madaxweyne sheegay qaxoonti cunay bisado iyo ey, kolkii caddayn la weydiiyayna yidhi, telefishanka ayaan ka maqlay. In kastoo mar walba la hubinayay waxa uu sheegayo – wax weyn ma sheegin ee xogaha asaasiga ah bay xataa isla dhibanaayeen odayga – kolkii danbena waxaaba uu sheegay in daadihiyayaasha dooddu shirqool la maagan yihiin. Tan baa keentay in la faalleeyo siday dooddu u dhacday oo arrintaa lagaga mashquulo falanqaynta xarka gunta ka galay siyaasadda Ameerika. Baatrik Gataara oo kaliya ayaa arrinta danbe diirrada saaray. 

Maqaal uu Baatrik al-Jasiira u qoray oo doodan ku saabsanaa waxa cinwaan u ahaa: “Doodda ka dhacday mustacmarada hore ee ku hubaysan nukliyeerka oo beesha caalamka walaac ku abuurtay”, nuxurka qoraalkiisu waxa uu ahaa, “beesha caalamku waxay walaac ka muujinaysaa xaaladda ay ku sugan tahay dimuqraadiyadda qaranka qalalaasuhu ka taagan yahay ee dhaca Waqooyiga Ameerika.”

Waxa uu warbixintiisa doodda u adeegsada isla ereyaday adeegsadaan saxafiyiintu – oo waxoogaa buunbuunin ah lagu ladhay – kolka ay ka warramayeen dhacdo ka dhacday dalalkay dadka qaar ugu yeedhaan “Jamhuuriyadda muuska”, “basket case” oo ka dhigan dal dhaqaalihiisu dhulka galay/faramadoobaaday oo shaqo la’aanta iyo denbiyadu cirka isku shareereen, ama tilmaantii Trump dalalka “shithole”ka ah, dalalka bulaacada ah.

Waa kuwan tusaalayaal kale oo ku saabsan lafagurka Baatrik:

 “waxaa dib u dhac ku yimid dedaaladii lagu rabay in dimuqraadiyada dib loogu soo dabaalo Maraykank, oo ah dal qalalaase ka taagan yahay, oo saliida qani ku ah, kaas oo ahaa musctamarad hore oo ay Biritishku haysteen oo leh taariikh dheer oo cunfi siyaasiya ah, ka dib markii ay ka qabsoontay dood kale oo fowdo ah; dooda murashaxiinta madaxtooyada, siday sheegeen khubarada aagaa dersaa.”

Dooddan oo ka qabsoontay gobolka ilaa doorka xasilloon ee Pennsylvania, waxay ku soo beegantay xuskii 23-aad ee ka soo wareegay weerarkii argagaxiso ee ugu ba’naa ee dalkaa ka dhaca, dooddu waxay ahayd fursad lagu soo bandhigayo horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka u suuragalay tan iyo doorashooyinkii rabshadaha watay iyo isku daygii afgembi ee ka dhacay afar sanno ka hor.

Maqaalku waxa uu xiisihiisu sii siyaadayaa kolka weedhahan la adeegsado si akhristaha looga warbixiyo sida xaalka Ameerika yahay:

 “Saddexdii musharax ee iskood u cararay waa laga joojiyay in ay doodda ka qayb qaataan. Doodda waxaa isaga hor yimid labadii musharax ee ugu waaweynaa: madaxweyne hore Doonal Taraamb, oo ah musharaxa caddaanka fog ee xisbiga Jamhuuriga; kaas oo la aaminsan yahay in uu yahay garabka siyaasiga ah ee maleeshiyada kiristanka-cadcad, iyo Kamaala Haaris, madaxweyne ku xigeenka madaxweynaha hadda xilka haya ee Baydhan, taas oo laba bilood ka hor hogaamisay afgembi musharaxnimada lagaga wareejiyay madaxweynaha talada haya ee aan la jeclayn ee sirqada ah.”

Dabadeed arrintan ayuu ku eegayaa waaqaca degel-siyaasadeed ee caalamiga ah, waxaana uu sharaxayaa sababta ay xullafada Ameerika walaaca uga muujinayaa qalalaasaha ku iman kara doorashooyinkan, kolkaaas buu Baatrik bilaabayaa in uu si fiican u maadeeyo. “Ilaalinta dimuqraadiyadda Ameerika muddo dheer ayay ahayd mudnaan lamahuraan ah, si loo sugo nabadda caalamka, taas oo ka dhigtay Ameerika, dalka ugu muhiimsan dalalka caddaanka ah,” ayuu qoray, waxaana uu ku daray: “falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in haddii mar kale kelitalisnimadu ka hanaqaado Waqooyiga Ameerika ama dawlad-qarameedyada Yurubiyaanka, in ay taasi keeni karto dagaal kale oo qabiileed oo dhex mara beelaha cadcad, taas oo beesha caalamkana dhex galin doonta dagaal weyne saddexaad.”

Baatrika Gataara waxa uu bilaabay in uu qaabkan u faaleeyo arrimaha Yurub iyo Waqooyiga Ameerika Sebtembar 2019, ka dib markii ay maxkamada sare ee UK xukunktay in go’aankii raysal wasaare Booris Joonsan ku hakiyay fadhigii baarlamaanku ahaa mid sharci darro ah. Booris Joonsan waxa uu ku qancin kari waayay xubnaha baarlamaanku in ay taageeraan qorshihiisii lagaga baxayay Midawga Yurub, dabadeed baarlamaankii ayuu kala diray. Markaas ayuu Baatrik qoray: “Ergo Afrikaan ah ayaa ugu baaqday xukuumada UK in ay u hogaansanto go’aanka maxkamada; waxayna ugu digeen haddii ay xukuumadu sii joogtayso majare habaabinta dimuqraadiyada, in UK laga saari doono golaha barwaaqosooranka ‘commonwealth’.”

Tweetyo kale oo kaa hore dabasocday waxa uu ku sheegay, in Keenya ugu baaqday UK in laga dheeraado hadalada kicinta ah ee hurin kara xiisada qawmiga ah ee ka jirta “Waqooyiga Ireland, halkaas oo colaado goosato oo taariikhi ah ka jiraan”; waxa kale oo uu sheegay in Keenya tixgalinayso in ay xannibaad fiise ku soo rogto hogaamiyayaasha Biritayn ee loo arko in ay yihiin “qaswadayaal” iyo in Nayroobi ka walaacsan tahay in UK saldhig u noqoto xagjirnimada.  

Tan iyo markaa waxa uu samaystay weedho kaftan ah oo uu ku falanqeeyo arrimahan, waxa uu ku tilmaamay Ameerika mid “isir ahaan qaybsan”, “dabaysan/hubaysan” oo aad u deymaysan. Waxaa UK-na lagu qeexay, “Boqotooyada waqooyiga dhexe ee goobta istaraatiijiga ah dhacda, ee u gaajaysan xawaashka/ bilaa xawaashka ah”, Faransiiskana waxa uu ku tilmaamay, “Qaran Yurubiyaan ah oo dhaca Iskandaneefiyada hoose, oo musuq badan, oo xasaradi halakaysay,” iyo mid ka mid ah “dalalka gargaarka Afrika ee ugu badan hela;” Midowga Yurub waxa uu ku sheegay, “waa urur goboleed ay isku bahaysteen dawlad-qawmiyeedyada Yurub”, 

Baatrik waxa uu Geeska u sheegay in ujeedada uu hawshan ka leeyahay ay tahay in uu naqdiyo luuqaday adeegsadaan warbaahinta qalaad kolka ay qeexayso dalalka Afrika iyo Eeshiya. “kolkaan adeegsano tilmaamahan yaryar ee gaagaaban dacaayad yar oo dhan ka raran ayaynu ku koobaynaa ciddaan u adeegsano. Weedhaha sida “Qaran colaaduhu googooyeen” markaan adeegsanno waxaan akhristaheenna u sheegaynaa in waxa ugu muhiimsan ee aad meel ka ogaan kartaa uu yahay, khayraadka ku dihin, taariikhdeeda gumeysi ama colaadaha ka taagan.”

Waxa uu ku daray, “Tani waa arrin jareexo ah, waxaana yoolkaygu yahay in aan dadka ku baraarrujiyo arrintaas, anigoo dhadhansiinaya sida dareenkaasi yahay, oo maadna ku daraya, si aan micida uga siibo.” “arrinta kale waa qaabkaan u dhigno dhibaatooyinka meelahan ka jira. Waa hab adduunka u qaybinaya aag wax kastaa si habboon u shaqaynayaan iyo meelo ay ka jiraan colaado aan la maarayn karin, fadhiidnimo iyo rafaad.”

Baatrik waxa uu ka soo dhacay reer galbeedka awoodda qeexida. Waxa uu iftiiminayaa sida luuqada aan ku qeexno dalalka Afrika badanka diirrada u saaraan astaamo aynu u qaadanay in ay qeexayaan. Tusaale ahaan, kolka Itoobbiya lagu tilmaamayo dal faqiir oo qawmiyado u qaybsan ama Nayjeeriya; dal musuq badan oo Galbeedka Afrika dhaca, arrintani waxay saamaysay bulshooyinkani waxay iska aaminsan yihiin iyo waxa laga aaminsan yahayba, waxay u saamaysay hab ayna u saamayn karin Yurubiyaanka, kuwaas oo qaladkooda loo arko gef, balse aan loo arag wax muujinaya qalooca samayska ah ee nidaamkooda ku jira.

 ‘waxaan rabaa in dadku uga fikiraan adduunka si ka xeeldheer sida la caaddaystay, si loo arko in ay isku dhaw yihiin caqabbadaha aynu wajahnaa, waxaynu sidoo kale u baahanahay in aynu joojino fogeynta iyo qalaadaynta dalalka aan reer galbeedka ahayn.” Ayuu yidhi.

Baatrika waxa uu si cad uga hadlay sida xukuumadii Toryga ee UK ugu qaybisay mashaariicda la dagaalanka Covid 19 saaxiibada xisbiga iyo iskudayga sharci ee ay ku rabtay in ay dadka kaga horjoogsato in ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka Maraykanka. “haddii ay tani ka dhici lahayd Keenya, waxaa la adeegsan lahaa ereyada musuqmaasuq ama waxaa walaac laga muujin lahaa xaaladda dimuqraadiyada iwm.

Baatrik Gataara kali kuma aha codadka ka imanaya dunida saddexaad ee u adeegsanaya maada in ay qaniinyo isaga fujiyaan tan reer galbeedka. Ka dib toogashadii “Baaba Trump” (waa siduu Baatrik ugu yeedhee), muuqaal TikTok-ga la soo dhigay ayaa qarxay, waxa ka muuqda Trump oo 2020 ka ololeynaya magaalada Tulsa, Oklahooma, halkaas oo uu Ilhaan Cumar kaga eedeeyay in ay rabto in ay fowdadii Soomaaliya oo kale ka abuurto Maraykanka. Muuqaalkaas Trump waxa uu odhanayaa: “Soomaaliya, dawlad kama jirto, nabad kama jirto, booliis kama jiro, waxba kama jiraan”. Dabadeed muuqaalku wuu go’ayaa oo waxaa lagu lifaaqay muuqaalka la tooganayo, iyo cod ku dul duuban oo wiil Soomaali ah oo leh: “USA, dawlad kama jirto, amni kama jiro, booliis kama jiro… waxba kama jiraan.”

Karl Sharro oo ah maadeeye reer Lubnaan ah ayaa sidoo kale iftiimiyay sida yaabka leh ee qaar ka mid ah qoraayada Yurubiyaanka ahi u lafaguraan Bariga Dhexe, isagoo sidooda oo kale uga warramaya Galbeedka. Tusaale, isagoo furfuraya ereyga “compromise” “tanaasul”, waxa uu raadraacayaa asalka ereyga oo ah Laatiin compromissum, taas oo uu ku sheegayo in macnaheedu yahay “in uu qofku ubbadiisa iska jabiyo” waxaana uu la xidhiidhinayaa “Sharaf darrada lala lamaaaniyo tanaasulka” waana sababta reer Yurub u dagaalka badan yihiin. Meel kale waxa uu ku qoray: “Maraykanku waa in uu la baxaa magac qalaadnimo muujinaya sida ‘Bariga Dhexe’ oo kale. Waxaan soo jeedin lahaa kan ‘Dhanka Waqooyi”

Karen Atiyah oo ka ahaan jirtay Washington Post tifaftiraha qaybta Aragtiyaha adduunka, ayaa waxay bidhaamisay haddii mudaharaadyadii ka dhashay dilkii George Floyd meel kale ka dhici lahaayeen, siday uga warrami lahaayeen warbaahinta reer Galbeedku. Waxay qortay: “Mustacmaradii hore ee Biritishka ayay ka qarxeen cunfi isireed”, “dalka waxaa gilgilay muuqaalo muujinaya dilka iyo xadhiga sharci darrada ah ee ay booliisku u geysanayaan tiroyarta madawga ah.”

Goosan aan aad u jeclahay oo uu leeyahay majaajilaystaha Caamir Rahmaan ayaa wuxuu ku soo gudbinayaa aragti sheegaysa xaaladda ay dadka la gumeystay cunsuri ku noqon karaan, wuxuu soo jeedinayaa in xaaladdaa si loo gaadho loo baahan yahay in gabi ahaan mijaha loo rogo deynaamikada awoodda adduunka. “waan noqon karaa cunsuri haddaan rabo, balse ugu horrayn waxa kaliya ee aan u baahanahay waa in waqtiga dib loo celiyo, ‘time machine’.” Wuxuu ku dooday marka waqtiga dib loo celiyo, waa in Yurub horta la gumeysto oo la qabsado, khayraadkeeda la gurto, ganacsiga addoomaha in laga furo, oo dadka cadcad loo dhoofiyo beeraha bariiska ee Shiinaha. Oo la dhiso nidaam dadka madowga iyo maariinka ah mudnaanta siinaya, oo dadka cad faquuqaya. Dalalka dadka cadcad waa in la duqeeyo oo la baabiiyo, iyadoo marmarsiyo been ah loogu soo gabanayo, iyadoo waliba lagu andacoonaya in wanaagooda laga shaqaynayo. Waa in halbeega quruxda looga dhigo tan dadka madow, oo la dhaxalsiiyo in ay muuqaalkooda cawlan nacaan. “boqolaal sanno kolka xaaladdaas lagu jiro, haddaan intaan masraxa soo fuulo aan idhaa, ‘kaalaya, horta maxaa ka si ah dadka cadcad? Maxayna u jaasi aqoon? – kolkaas baan cunsuri noqonayaa.

Buugga “In the United States of Africa” ee uu qora qoraaga reer Jabuuti, Cabdiraxmaan Waaberi ayaa tijaabinaya adduunkan taariikhdu dhanka kale loo rogan tahay ee uu Caamir Rahmaan soo gudbiyay, wuxuu sawirayaa buuggu adduun ay Afrika aad qani u tahay, balse, ay qawmiyado u qaybsan tahay oo cunsuri tahay. Adduunka rogan, Yurub waa qaarad faqiir ah, oo warbaahinta Afrika looga warramo in ay tahay meel dagaaladu halakeeyeen, xanuunadu biyodhigeen, dadkeedu baddaha isku soo miidaamiyaan si ay mar uun Afrikada xasilloon ee qaniga ah u soo cagadhigaan. Wargeysyada qaaradu waxay ugu yeedhaan qaxoontigan “halista cad”. Sheekadan waxaa lagu soo warinayaa indhaha wiil cad oo qaxoonti Faransiisa ah, kaas oo uu soo korsaday dhakhtar Afrikaan ah. “waxaan rabay in aan muujiyo in Yuruba sidaas oo kale wax looga qori karo,” ayuu Cabdiraxmaan Waaberi ii sheegay.

Baatrik Gataara waxa uu sheegay in aan yoolkiisu ahayn in uu soo jeediyo in qaabkan wax looga qoro Yurub. Balse, uu rajaynayo in saxafiyiintu qoraan qoraalo miisaaman, dheelitiran oo qotodheer, gaar ahaan kuwa Afrika ka soo jeeda. Waxa aad “yaabaysaa kolka aad aragto sida warbaahinta Keenya wax uga qorto Soomaaliya, mararka qaar waxba kama duwan sida warbaahinta galbeedku wax uga qorto.”

Waxa uu yidhi: “Waxaa shardi la inooga dhigay in aan saxaafada galbeedka u aragno in ay tahay saxaafada caalamiga ah ee u saraysa, oo aynu sideeda oo kale iska dhigno, balse, waxaa loo baahan yahay caalaminimadaan in aan wax iska weydiino.” Waxa uu ku daray, “waa mid la sameeyay iyadoo aan inaga maanka laynagu hayn, oo ay dadkooda ugu talagaleen.” Gataara waxa uu ku doodayaa in Afrikaanku leeyihiin sooyaalkooda u gaarka ah ee sheekotebineed, qaabka wartebintooduna waxaa loo baahan yahay in ay ka turjunto waaya aragnimada ay ka dhaxleen adduunka inta ay ku noolaayeen.

 “waxaa laga yaabaa in aynu helno, siyaalo ka wanaagsan oo aynu arrimahan isugu sharaxi karno.”