Skip to main content

Monday 16 September 2024

Waraysi

Waraysi: Kiristafor Ansaloone.. Maxay ka dhigantay inuu Cabdiqaadir Muumin noqdo Khaliifka Daacish?

8 July, 2024
Image
Abdiqadir Mumin
This picture taken on September 1, 2016, in Nairobi shows a computer screen displaying the portrait of Somali-born cleric Abdulqadir Mumin, accused of heading the Islamic State group in East Africa. (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP)
Share
Ka dib markii ay soo baxeen warbixinno ku magacaabay Cabdiqaadir Muumin in uu yahay hogaamiyaha caalamiga ah ee Daacish (ISIS), Geesku waxa uu Christopher Anzalone oo ah khabiir ku xeeldheer ururrada argagaxisadda, ka warraystay saamaynta sii kordhaysa ee Daacishta Soomaaliya ku leedahay shabakada caalamiga ah ee Daacish (IS) iyo in uu lafaguro in ay looga qaateen yihiin wararka warbixinnadaasu sheegayaan,.   

31 Meey, ayaa Saldhiga Maraykanka ee Africa (Africom) waxa uu ku sheegay warbixintiisa joogtada ah duqeymo cirka ah oo uu ku qaaday maleeshiyo hubaysan oo taabacsan Daacish oo ku sugneyd tuulada Dhaardhaar oo magaalada Boosaaso ee Buntilaan u jirta 100 km. Warbixintu waxa ay ahayd mid loo diyaariyay habka fariin dirrida rasmiga ah ee Africom: waxaa diyaarinteeda lala kaashaday xukuumadda federaalka, waa laga soo warbixiyay shacabka weeraradaas dhibaatadu ka soo gaadhay, dhimasho iyo dhaawacba, waxaana la xaqiijiyay in weerarkaa lagu khaarajiyay saddex xubnood oo ka tirsan ururka Daacish.

Laba todobbaad oo kali ahi kolkii ay ka soo wareegeen ayaa uu saxafi ka hawlgala warbaahinta NBC Newswarbixintaa dabagal ku sameeyay, waxaana uu soosaaray warbixin warar culus sheegaysa oo saamaynteeda yeelan doonta hadday rumawdo. Isagoo xiganaya laba sarkaal oo Maraykan ah oo aanuu magacooda carrabaabin, Courtney Kube waxa uu sheegay, in Maraykanku ku beegsadeen duqayntooda hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin, kaas oo loo badinayo sidoo kale in uu ahaa hogaamiyaha guud ee Daacish, waa sida ay sheegeen saraakiishaasiye. Taas oo ka dhigan in hogaanka saree Daacish kuwaas oo saldhigoodu yahay Ciraaq/Siiriya, ee dhawaanahan si gaar ah danayntooda Afriki u sii kordhaysay, in ay ku qasabanaadeen in ay ururkooda u rarraan Afrika, halkaas oo uu hadda dhaqdhaqaaqooda u xoogani ka jiro. Khubarradda kooxda darsa arrintaasu fajaciso ayay ku noqotay, waayo, waa mid u eg in aysan macquul ahayn oo yaab leh. 

Haddaba, si aan arrintaa wax uga fahanno waxaan warraysi la yeelaynay Christopher Anzalone, oo ah xeeldheere darsa ururrada argagaxisadda ee caalamiga ah, gaar ahaanna kuwa ka hawlgala Soomaaliya. Waxa uu kaaliye baresare iyo cilmibaadhe ka yahay Daraasaadka Bariga dhexe iyo Xarunta Krulak ee jaamacadda Marine Corps. Waxaan wax ka weydiinay asalka Daacish (IS), suurtagalnimada in ay Cabdiqaadir Muumin u doorteen hogaamiyaha guud ee ururka iyo hawlgalada kooxdu ka wado Soomaaliya iyo Afrika guud ahaanba.

 

Faysal Cali: Haddaynu, sheekada kor ka soo bilawno. Ma nooga warrami kartaa Daacish laanteeda Soomaaliya? Dadku badanaa joogitaankooda Soomaaliya kama war hayaan ama uma arkaan in ay khatar sidaas ah sii yihiin, kolka loo barbardhigo al-Shabaab oo iyadu xidhiidh la leh al-Qaacida. Sidee bay Soomaaliya rug ugu yeelatay, saamaynta iyo awoodda caaalamiga ah ee ururku intee buu gaadhsiisan yahay, kolka loo barbardhigo kooxda al-Shabaab?  

Christopher Anzalone: Daacish laanteeda Soomaaliya waxa ay soo baxday 2015-kii, ka dib markii Cabdiqaadir Muumin oo markaa ahaa daaci weyn oo ka tirsan al-Shabaab, kana soo jeedda Buntilaan uu ka soo goostay al-Shabaab, ka dibna uu walaagiisa/daacad in uu u yahay Daacish ku baaqay. Cabdiqaadir waxa uu si fiican uga faa’ideystay xidhiidhkiisa qabaliga ah waxaana uu Buntilaan ka qortay ciidamo tiro badan. Daacishta Soomaaliya waxa ay sidoo kale ku guuleysatay in ay ku qanciso dagaalyahanno iyo saraakiil ka tirsan al-Shabaab in ay dhankeeda u soo goostaan, in kastoo badanka xubnaha dhankooda u soo goostay al-Shabaab ay ugaadhsatay waxna xidhay, waxna khaarajisay. In kastoo ay wali Koonfur ku leedahay unnugyo ay u adeegsato baadista/baqomaalka ganacsatada deegaannadaas, haddana xoogeedu waxa uu ahaa haddana yahay Buntilaan, gaar ahaan buuraha Golis.

FA: Sababtee bay uuga soo goostay al-Shabaab? Sababtu ma waxa ay ahayd in ay kala feker duwanaadeen hogaanka al-Shabaab mise isku dhac shaqsi ah oo aan la xalin karin ayaa jiray, taas oo lagu daray fursada uu ka dhex arkay in laan Daacish ah laga aasaasi karo Soomaaliya? 

CA: Sababta Cabdiqaadir uga soo goostay al-Shabaab ma cadda. In kastoo, uu ka mid ahaa xubnaha ugu cad cad al-Shabaab ee xidhiidhada dublamaasiyadeed ee bulshada loo wakiisho – tusaale ahaan waxa uu ka mid ahaa xubnihii al-Shabaab ka tirsanaa ee loo diray in ay la soo xaajoodaan oday dhaqameedka beelaha Muqdisho iyo hareeraheeda dega 2011 – 2012 xilligaas oo ay al-Shabaab xaallad adag ku jirtay – haddana waxaa laga yaabaa in uu dareemay in sida keli ah ee uu mansab hogaamineed oo kore ku heli karaa tahay in uu goosto. Goosashadiisu sidoo kale waxa ay timid xilli ay sumcada caalamiga ah ee Daacish xooganneyd, oo waxa ay ahayd kolkii ay Mawsil qabsadeen, ee ay cagta mariyeen qaybo badan oo ka mid ah Ciraaq iyo Siiriya, taas oo lamahuraan ka dhigtay in loollanka iyo dagaalka ka dhexeeya Daacish iyo al-Qaacida uu sii fido. Cabdiqaadir in kastoo uu sheegay sababo feker oo ku kalifay in uu ka goosto al-Shabaab, haddana waxa ay u badan tahay in sababta u weyn ee saamaynta ku lahayd goosahadiisu tahay damac shaqsi ah iyo loollan awooddeed oo ka dhex aloosnaa al-Shabaab laanteeda Buntilaan.

Waxa laga yaabaa in uu xisaabsaday in aan al-Shabaab waxba ku yeeli karin Buntilaan, maadaama oo taagtoodu deegaankaas ku liidato, marka loo barbar dhigo Koonfurta iyo qaybo ka mid ah Bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale Cabdiqaadir wuu nasiib badnaa, oo Maarj 2016 isku day ay al-Shabaab ku rabeen in ay dhanka badda ka soo galiyaan Buntilaan 600 oo dagaalyahan wuu fashilmay, sida ay xuseen hogaanka maamul goboleedku, waxaa isku dyagaa wiiqay qorshe xumo dhankooda ah iyo iyadoo ciidamadda amniga ee Buntilaan iyo Galmudug weerar ku soo qaadeen kolka ay damacsanaayeen in ay soo cago dhigtaan, waxa ay ahaayeen tiro ku soo saddex jeer laabmaysa ciidamada Daacish ee Soomaaliya kuwaas oo lagu qiyaaso 150 – 200 oo dagaalyahan. 

FA: Waxa ay warbixin dhaweyd oo uu Ururka Xasaradaha Adduunku soosaaray xustay warbixin faafaahsan oo ay kooxda Daacish laanteeda Galbeedka Afrika baahisay taas oo ka warramaysay taageerada loogistig iyo ta maalyadeed ee ay siiyaan laamahooda Waqooyiga Nayjeeriya iyo gobolka Harada Jaad. Taageeradaa qayb badan oo ka mid ahi waxa uu ahaa aqoon-korodhsi, isugu jira sida loo tifaftiro oo loo hagaajiyo muuqaalada iyo noocyada hubkee kala duwan. Xidhiidh caynkee ah ayaa Daacishta Soomaaliya la leedahay hogaanka guud ee Daacish?

Xidhiidhka ay Daacishta Soomaaliya la leedahay hogaanka guud ee Daacish mid si faahfaahsan looga warhayo ma aha. Sida ay doonta ha ahaatee, hogaanka guud ee Daacish sawir guud waa ay ka bixiyaan qaab dhismeedka maamulka ururkooda iyo sida uu u shaqeeyo haykalkooda hay’adeed, iyo sida ay ula xidhiidhsan yihiin laamaha gobolada ee ururka ku abtirsada oo ay qayb ka yihiin laamaha Afrika ka jiraa. Daacishta Soomaaliya horumar ballaadhan ayay ka samaysay hawlgaladeeda warbaahinta intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2016. Muuqaaladii ay intaa ka hor baahin jirtay Daacishta Soomaaliya waxa ay ahaayeen kuwo aan wadan summadooda ama lagu baahiyay warbaahinta guud ee Daacish taas oo lagu baahiyo arrimaha iyo dhacdooyinka ka baxsan Shaam iyo Ciraaq. Sannado yar gudahood warbaahinta Daacishta Soomaaliya waxa ay si buuxda qayb uga noqotay warbaahinta Guud ee Daacish, tayadooda waxsoosaar waxa ay noqotay mid u dhiganta laamaha kale ee Daacish. Dhanka tayatada hawlgalada milatari wax sidaas ahi iskama beddelin, in kastoo madaxda sare ee ururku hore uga tirsanaayeen al-Shabaab oo ayna ahayn kuwo ka aradan hubka iyo aqoonta farsamada hubkaba. 

FA: Warbaahinta NBC waxa ay soo tebisay 15 Juun war sheegaya in Ameerika duqayn ku beegsatay Cabdiqaadir Muumin, oo ah hogaamiyaha Daacish laanteeda Soomaaliya. Sidoo kale laba sarkaal oo ayna magacaantooda xusin oo ay NBC warbixinteeda ku soo xigatay waxa ay ku andoocoodeen in uu sidoo kale ahaa hogaamiyaha guud ama khaliifka ururka, oo uu isagu dhaxlay Abuu-Xasan al-Haashimi al-Qurayshi. Arrintan shaki iyo u qaadan waa baa ku gadaaman, waa mide Daacishta Soomaaliya hawlgalada Daacish daraf yar ayay ka tahay, xeeldheere ururka darsa ayaa xataa tilmaamay in aan ururku hadda u diyaarsanayn in uu yeesho hogaamiye madow ah. Waa maxay aragtidaada ku wajahan suurtagalnimada in Cabdiqaadir yahay hogaanka guud ee Daacish?

CA: Waxa cad in Daacishta Soomaaliya oo uu gadhwadeen u yahay Cabdiqaadir Muumin (haddii aan duqayntii dhawayd lagu dilinba) in ay noqotay laan aad muhiim ugu ah ururka hadday tahay dhanka maamulka lacagaadka iyo gacansaarka ay la leeyihiin xarunta guud ee ururka (xafiiska al-Karrar). Waxa aad u suuragal ah in uu door muhim ah ku leeyahay shabakada guud ee ururka. Hadda ba in laga dhigo Amiirka guud, caqabado culus ayay ku noqonaysa ururka. Waxa ka mid ah caqabadahan in aan Cabdiqaadir ahayn oo aanuu sheegan in uu yahay mid ah tafiirtii rasuulka. Oo Amiirka guud ee Daacish waxyaabaha u waaweyn ee looga baahan yahay waxa ka mid ah in uu noqda mid reer Quraysheed ah (Sayyid), oo dhamaan “Khaliifyadii” ururka soo maray iyo si guud sida ay Madhabta Sunnigu dhigayaan waxa noqon kara khaliif qofkii ka soo jeeda tafiirtii rasuulka ama reer Quraysheed ah (ugu yaraan dhanka abtirsiinta). Arrintani sidaa ay tahay kaligeed cunsuri uma aha, balse, waa uun qodob lagu kala xulanayo cida Khaliif noqon karta iyo cidaan noqon karin.

Qofka abtirsigaa rasuulka ee Qurayshnimada wata ayaa hanan kara mansabka Sayyidnimada. In Cabdiqaadir Muumin oo aan Sayyid ahayna khalif laga dhigaa waxa ay ka hor imanaysaa caqiidada iyo borobagaandada ururka, oo ay qayb ka tahay fariimaha ay baahiyaan ee diiniga iyo siyaasigaba ah. In kastoo baanaha Daacish ay ka mid tahay in aan muslinka dhexdooda kala qaybsanaan iyo is kala sooc ka jirin, oo ay tahay in diintu ay muslimiinta dhamaan midayso, haddana xaqiiqada jirtaa waa mid taa ka gedisan.

Waxa jiray warbixino sheegaya in qaar ka mid hogaanka Daacish oo uu ku jiro Amiirka/Khaliifka hadda hogaanka haya Abuu-Xafsa al-Haashimi al-Qurayshi ay u guureen Buntilaan oo ay bidayeen in ay leedahay deegaan hawlgalada kaga munaasibsan halkoodii hore. Weydiimo ka dhashay warbixintan ayaa daarranaa in Buntilaan laga heli karo deegaan ka sahlan Siiriya iyo Ciraaq oo uu ururku ka hawlgali karo. Dhanka kale, cadaadis ba’an ayaa ururka lagu saaray labadan dal, oo saddexdii Khaliif ee ugu danbeeyay waxaa lagu dilay Siiriya. Buuraha Buntilaan waxaa laga yaabaa in ay soo jiiteen, sababtaa darteedna ay hogaanka Daacish ku doorteen, sidoo kale waa meel ay uga dhawaan karaan laamaha gobolka ee ururuka oo hadda ah kuwo ugu cad cad, sida Sahel, Nayjeeriya, Muusaanbiik, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, kuwaas oo lagu daray laanta Daacish ee gobolka Khorasaan ayaa ah laamaha ugu cad cad. Daacishta Soomaaliya waxaa lagu soo warramay in ay dad tirobadan dhawaan qorteen, kuwaas oo u badan Itoobbiyaan, taas oo sidoo kale ka dhigi karta saldhig cusub oo lagu soo hirto.

Buntilaan lafteeda caqabado badan oo ay ka mid tahay tiroyaraanta laanta halkaa ka hawlgasha ayaa kaga imanaysa. In kastoo ay ku xoogan tahay Waqooyiga-Bari ee Soomaaliya haddana Daacish mar walba waxa ka balaadhan al-Shabaab oo ay labayso. In ay Buntilaan badda cas iyo Baabbal Mandabka u dhawdahay oo Ameerikaanku hadda aad u joogaan iyagoo raba in ay Xuutiyiinta xakameeyaan, waxaa dhankaana kaga iman karta Daacishta Soomaaliya iyo hogaanka sare ee isku daya in ay halkaa yimaadaan weeraro aanay qaadi karin hadda oo ay cagodhiganayaan. Xubno sare oo ka tirsanaa al-Qaacida oo aan Soomaali ahayn caqabad ayaa ka qabstay in ay ka hawgalaan Soomaaliya, taas oo ay keentay deegaanta qabiilka, taas oo ah mid ay u sahli karto in ay Cabdiqaadir Muumin magacaabaan hogaanka sare ee ururka ee ka yimid Siiriya iyo Ciraaq.

FA: Daacishta Soomaaliya aad ayaa xoogeeda milatari u kooban yahay, waxaa lagu qiyaasaa ilaa 200 oo dagaalyahan. Sida ay doonto ha ahaatee, sida warbixinno xuseen waxa ay door weyn ka qaadataa u gudbinta lacagaadka ee laamaha kale ee gobolada ee Daacish. Maxaa laga og yahay qaabka ay hawshan u gutaan, iyo muhiimada doorkooda isku xidhka hogaanka guud ee Daacish iyo laamaha Afrika?

CA:  Xog badan lagama hayo xidhiidhka iyo hawlaha dhex mara hogaanka guud ee Daacish ee Siiriya iyo Ciraaq fadhiya iyo laanta Daacish ee Soomaaliya. 2023 ayay baahisay Waaxda Khasnajiga ee Ameerika (DoT) warbixin faahfaasan oo ku saabsan sida ay Daacishta Soomaaliya dakhli u samayso: waxaa ugu weyn in ay baado/baqomaasho ganacsiyada, oo ay ku jiraan kuwa bixiya adeega isku xawilaad lacagta moobilada, bangiyada iyo hay’adaha kale ee maaliyadda, sidoo kale waxa ay cashuuraan xoolaha nool, waxsoosaarka beeraha, iyo ganasatada, oo u badan ganacsatada ka ganacsatada Boosaaso iyo sidoo kale Muqdisho. Markaa ka dib ayaa Daacishta Soomaaliya dakhligeeda dhaqdaa (lauders its funds), kaas oo lagu qiyaaso in uu yahay malaayiin doolar, inta aanay qayb ka mid ah u wareejin laamaha kale ee Daacish ee Afrika ka jira. Sannadkan horaantiisii Waaxda Khasnajiga ee Ameerika waxa ay warbixin ku xustay in Daacish ay adeegsatay bangiyadda Koonfur Afrika iyo unugyo u jooga halkaas si ay lacagaad ugu wareejiyaan laanta Daacish ee bartamaha Afrika ee JDK, halka ay Daacishta Soomaaliya iyo ta Musanbiik ay iyagu dhex marsadaan wareejintooda maaliyadeed ganacsiyada xawaaladaha. Daacish laamaheeda Afriki waxa ay sidoo kale dakhli ku sameeyaan in ay baadaan beeraleyda iyo xooladhaqatada, in ay cashuuraan ilaha sharcidarrada ah ee dahabka laga qodo iyo ganacsatada yar yar ee macdanaha qoda ee JDK. Intaa waxaa dheer waxa ay cashuuro sako ah ku soo rogaan muslimiinta Nayjeeriya ee degan deegaamada Daacish ay ka taliso ee Waqooyiga-Bari ee Nayjeeriya.

FA: Walaaca laga qabo Daacishta Soomaaliya waxa uu ku soo beegmay xilli ay Daacish balaadhinayso hawlgaladeeda Afrika, iyadoo u aragta in ay tahay deegaan ku munaasib in ay saldhigtaan oo ka hawlgalaan. In kastoo waaqaca ay ka hawlgalaan ku kala gedisan yihiin oo heerka meelmarka laamahani kala duwan yihiin, haddana si guud waxa ay ku guuleysteen in ay hirgalaan oo ay qayb ka noqdaan colaado ku xidhiidhsan bartaa ay saldhigteen. Haddaba, maxaa ay tahay soo jiidashadooda u saamaxday in ay ku guuleystaan in ay meela walba oo ay tageen ku xididaystaan?

CA: Daacish iyo al-Qaacida labaduba waxa ay u adeegsadaan habka aydhiyoolajiyadooda urur iyo go’aan qaadashadooda hawlgal nidaam isku dhafan. Waxa ay guuleystaan kolka ay aragtiyahooda caalamiga ah iyo baanahooda ku xidhaan tabashooyinka gaarka ah ee ka jira gobolada iyo deegaanada ay ka hawgalaan. Tusaale ahaan, al-Shabaab waxa ay isu dhigtaa in ay tahay beddelka xukuumadda federaalka ee fadhiidka ah ama aan jirin ba. Sidaa si la mid ah, adeegsigooda halganada caalamiga ah iyo kuwa taariikhiga ah waa mid ay ku dhaafeen kooxaha diimeed ee maxaliga ah ee la fekerka ah, sida Isbahaysiga Xisbulaah, oo xubnahooda u badnaayeen jufooyin iyo reero gaar ah.

 Si ay u guuleystaan ururadani uma baahna in ay helaan taageerada shacabka oo dhan; kaliya waxa ay u baahan yihiin in ay qayb ku qanciyaan in ay dulqaad u yeeshaan joogistooda deeganadooda ama xukunkooda, waxa ay u baahan yihiin in meeshaa ay saldhiga ka dhiganayaan dadkeedu aanay iska caabin ee ay ogolaadaan. Ururada guuleystay waxa ay shacabka deegaanka ku qanciyaan iyagoo tusa in ay u abuuri karaan kala danbayn iyo sharci, waxa ay dejiyaan nidaamyo nabadayn iyo dhexdhexaadin ah, waxa ay bixiyaan adeegyo bulsho iyo kaalmooyin. Waxa ay xisaabta ku darsadaan dareenka bulshada, oo bulshada ayay la falgalaan. Tani kama dhigna in bulshada badankeedu go’aan qaadashada door weyn ku leeyihiin, balse, saamayntoodu waa u muhiim gaar ahaan kooxaha muddo dheer soo jiray, sida al-Shabaab.