Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Bangiga Horumarinta Afrika: Xaqiijinta riyada Afriki lacag uun uma baahna

5 June, 2024
Image
Madaxweynaha Bangigga Horumarinta Afrika
Madaxweynaha Bangigga Horumarinta Afrika
Share

Bangiga Horumarinta Afriki waxa uu Nayroobi ku qabsaday shirkiisii sannadlaha ahaa, 27 – 31-kii Meey, shirkan oo halkudheggiisu ahaa “isbeddelka Afrika, ururka Bangiyadda Horumarinta ee Afrika, iyo dib u qaabaynta haykalka maaliyadeed ee adduunka”, qodobka la xidhiidha Haylka Maaliyadda sida ay soo jeediyeen qabanqaabiyayaashu, waxaa qayb ka ah caqabadaha horumar ee qaaradda ka taagan; sida nidaamka deynbixinta iyo aafada doorsoonka cimiladda, si loo xaqiijiyo Yoolasha Horumar Waara iyo agendayaasha Higsiga 2063.

Qoraalkan gudihiisa ku soo qaadan mayno agendayaashii maalinlaha ahaa ee shirka lagaga hadlay, waxaan faallo ka bixin doonaa warbixinta sannadlaha ah ee 2024 taas oo cinwaankeedu ahaa “Maalgalinta adkaysiga Afrika iyo koboc loo dhan yahay.” In kastoo qaaradu wajahayso qalalaase dhaqaale, iyo caqabado degel-siyaasadeed, sidoo kalena ay la tacaalayso aafooyinka cimilo doorsoonka, haddana, waxay muujisay dhabar adayg, waxayna cagta dib u saartay dhabbada horumarka dhaqaale. Celceliska koboca dhaqaale ee qaaradu sannadkii tagay ee 2023 waxa uu ahaa 3.1%, sannadkan waxaa la filayaa in ay sii joogtayso kobocaas oo ay gaadho ilaa 3.7%, iyadoo la qiyaasayo in uu sannadka 2025 gaadho 4.3%.

Waa siduu hadalka u dhigay madaxweynaha Bangigga Horumarinta Afrika ee, dhaqaalaha Afriki si la mid ah dhaqaalaha adduunka intiisa kale waxa uu ka dhex shaqaynayaa waaqac caalami ah oo ay ka jiraan caqabbado badan, balse, haddana xaaladda uu dhaqaalaha Afriki ku sugan yahay ma aha mid faqriga wax ka beddeli kara, oo sida tirakoobyadu dhigayaan sannadkiiba Afrika waxaa suuqa shaqada ku soo biira inta u dhaxaysa 10 ilaa 20 malyan oo dhallinyaro Afrikaana ah, halka qaaradu sannadkiiba abbuurto wax aan gaadhay 3 malyan oo shaqooyin ah. Waxa uu madaxweynaha bangiggu ka hor qiray ka soo qayb galayaasha shirka, in aanay shacabka cuno u noqonayn in la sheegsheego koboca waxsoosaarka guud ee gudaha (GDP), ee loo baahan yahay in la abbuuro fursado shaqo, iyo shaqooyin cusub. Wuxuu intaa ku daray, in aan kobcinta waxsoosaarka guud ee guduhu kaligii ku filnayn in faqriga laga saaro boqolaal milyan.

Waxay warbixintu soo bandhigtay siday carrabka ku adkeeyeen masuuliyiinta Afrikaanku, sida ay uga go’an tahay bahda maaliyada ee Afrika (Bangigga Horumarinta Afrika, Sanduuqa Horumarinta Afrika iyo Sanduuqa Horumarinta Nayjeeriya) in maalgalinta la gaadhsiiyo dhamaan daafaha Afrika si loo gaadho hiigsiyada mudnaanta leh ee shanta ah, sida, ifinta Afrika iyo gaadhsiinta korontada, quudinta Afrika, isku xidhka Afrika, warshadaynta Afrika, wanaajinta tayada nololeed ee shacabka Afrika.

Raasamaalka bangiggu waxa uu gaadhay dhamaadkii sannadkii 2022-ka, wax ku dhaw 250 bilyan oo doolar, oo ay saamiyo ku leeyihiin ilaa 81 saamiley, saamiyadan oo ka kala yimid dalalka qaarada iyo ilaa 27 dal oo qaarada ka baxsan. Bangigga oo hawlgalkiisa bilaabay 1967 ilaa 2022 waxa uu suurogashay in uu bixiyo daymo tiradoodu gaadhayso 6,575 oo isugu jira daymo iyo deeqo, kuwaas oo qiimahoodu gaadhayo 200 bilyan oo doolar, iyadoo yoolka bangiggu ahaa beddelida muuqaalka horumarineed ee Afrika, siddeedii sanno ee u danbaysay oo kali ah, maalgalinada bangiggu waxa ay wax ku darsadeen wanaajinta xaaladaha nololeed ee 400 oo milyan oo Afrikaan ah.

 “Bangigga Maalgalinta Hal-abuurka Ganacsi ee Dhallinyarada” waa hindisaha bangigga oo la daahfuray sannadkii hore, kaas oo looga dan leeyahay in shirkadaha dhallinyartu leeyihiin la siiyo taageero maalyadeed iyo mid farsamo, tan oo ka mid ah isku dayga bangiggu ku rabo in uu abbuuro xalal cusub. Haddaba, si loo gaadhsiiyo bangiyo caynkan ah dalalka Afrika Gudida Fulinta ee Bangiggu waxay ansaxiyeen, $16 milyan iyo $12 milyan oo Laybeeriya iyo Itoobbiya lagaga hirgalinayo bangiyo caynkan ah, dalal kale ayaa iyaguna soo xaraystay codsiga ka qayb qaadashada hindisaha.

Bangiggu sidoo kale waxaa uu 2019-kii daahfuray “Hindisaha Geeska Afrika”, kaas oo yoolkiisu ahaa isku xidhka kaabayaasha dhaqaale ee gobolka, kordhinta isku xidhnaanshaha dhaqaale ee gobolka, maaraynta iyo dhisida kartida u adkaysiga cimilo doorsoonka, iyo horumarinta raasamaalka dadka (human capital development), ee dalalka gobolka, hindisahan waxaa wada hirgalinaya Bangigga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub iyo Bangigga Adduunka. Waxaa hiraglinta hindisaha sannadkan ku soo biiray Wasaarada iskaashiga iyo Horumarinta ee Jermalka, Xafiiska Arrimaha Dibbeda ee Ururka Barwaaqosooranka iyo Bangigga Carabta ee Dhaqaalaha iyo Horumarinta. Sida ay warbixin ku sheegtay madaxweyne ku xigeenka bangiggu, shirkii 21-naad ee hindisaha oo garab socday shirka guud ee sannadlaha ah ee bangigga, waxa uu hindisuhu helay maalgalin 10 bilyan oo doolar gaadhaysa.

Bangigga Horumarinta Afriki waxa uu ku dedaalayaa in uu noqdo “bangigga xalalka” si uu u sugo horumarka Afrika, yoolkaas oo uu bangiggu u marayo in tirooyinka koboca lagu hayo tirada tobanleyda, si qaarada looga hirgaliyo isbeddel wax ku ool ah. Riyadani waa mid la gaadhi karo, balse, waa mid u baahan siday carrabaabeen hogaamiyayaasha Afriki, hagaajinta haykalka maaliyadeed ee caalamiga ah, si loo kordhiyo isbeddelka iyo koboca dhaqaalaha Afrika.

Waxa uu madaxweynaha Kiiiniya carrabka ku adkeeyay arrinta uu horena u xusay madaxweynaha bangiggu, ee daaranayd sida loogu baahan yahay isbeddel, wuxuuna yidhi; “Maanta waxa aan xaqiijinaynaa wax ka beddelka haykalka maaliyadeed ee caalamiga ahi in uu lama huraan u yahay, si Afriki u hesho fursad cadaalad ah oo ay ugu beddesho dihinaanteeda fursad lagaga baxayo caqabadaha tirada badan oo lagu gaadhayo horumar waara.”

Madaxweynaha Kiiniya waxa uu taageeray baaqyada madaxweynaha Bangigga Horumarinta Afrika, ee riyadiisu tahay ka yeelista Afrika mid cagaaran oo horumarsan, kaas oo sheegay isagoo ka hadlaya maraxaladda masiiriga ah ee qaaradu ku jirto; “looma baahna in xilligan la qaato xalal ku meelgaadh ah, bangiggu isagoo ah hogaanka hay’adaha maalganida horumareed ee qaarada, waxaa ka go’an in uu xaqiijiyo kartida dihin ee qaaradu u leedahay in ay gaadho isbeddel wax ku ool ah, oo la dedejiyo gaadhista yoolasha horumar waara, sidoo kalena la dhiso kartida adkaysi ee Afrika, iyadoo qorshayaashan lagu hirgalinayo istaraatiijyada tobanka sanno ah ee degsan. 

Waxa uu u halgamayaa madaxweynaha bangiggu xoojinta kartida maaliyadeed ee bangigga, bangiggu waa bangigga kali ah ee Afriki leedahay ee haysta qiimeynta u saraysa ee la siiyo bangiyada deymaha bixiya (AAA rating), waana bangigga dakhliga saafiga sannadlaha ah ee u sareeya gaadhay. Qodobaddani waxay u saamaxyaan in uu noqdo bangiggu mid munaasib ku ah horumarinta qaarada.

Cidna kama shaki qabto in ay ka go’an tahay hoggaanka Bangiga Horumarinta Afrika in la gaadho isbeddel ay ku faanaan Afrikaanka oo dhami, balse, arrinta ayna meesha soo dhigan bangigga iyo shurakada ku weheliya mashaariicaha horumarku waxay tahay in caqabadda jirtaa kaliya ahayn mid maaliyadeed, ee ay jiraan qodobbo kale, oo ay ugu mudan yihiin madaxbannaanida, iyo in lagu daro qodobbada mudnaanta leh agendayaal maxalli ah.