Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Cali al-Wardi: Aqoonyahan Cilmi-bulsheed oo Aragtiyihiisu Dooddo Dhaliyeen

22 August, 2024
Image
gh
Share

Maalmahani waxa ay ku beegan yihiin sannadguuradii 29-aad ee ka soo wareegtay dhimashadii aqoonyahankii reer Ciraaq ee Cali al-Wardi, oo ku tilmaannaa waxsoosaarkiisa mucda weyn iyo aqoonta uu u lahaa cilmiga bulshada. Odhaahyadiisu waxa ay noqdeen hal ku dhigyo dad badani ku celceliyaan, gaar ahaan kuwa uu ku sheegay in qofka Ciraaqiga ahi yahay qof kulansada dhaqanno isku lid ah. Haddaba, maxaa Cali al-Wardi ka duway dadka kale ee aqoonta cilmiga bulshada ku fooggan?

Ma jiro aqoonyahan Ciraaqi ah, gaar ahaan aqoonyahannada cilmiga bulshada, oo helay caannimo la mid ah tii uu helay Cali al-Wardi. Diktoorkan ka soo laabtay waxbarashadiisii dalka Maraykanka, ka dibna bilaabay in uu bulshada Ciraaq u diraaseeyo qaab aan hore loo arag, waxa uu keenay aragtiyo cusub oo cilmiga bulshada ah oo uu ku abla’ableeyey dhaqamada bulshada Ciraaq, isaga oo u eegaya gobollada, lahjadaha iyo xitaa fikirrada ay ku kala abtirsadaan. Buuggiisa Wucaad al-Salaadiin waxa uu noqday tixraac dunida oo dhan dheefsato. 

Cali Xuseen Muxsin Cabdijaliil al-Wardi waxa uu dhashay sannadkii 1913-kii, waxaanu dhintay 1995-kii. Intii uu noolaa waxbadanna waa uu qabtay, loolanno adag na waa uu galay. Waxa lagu yaqaannay qaabka uu u soo ergisan jiray aragtiyaha cilmiga bulshada, ee uu ugu taxliilin dhacdooyinka taariikhda qaarkood, waana mid ka mid ah hormuudka Calmaaniyada ee Ciraaq. Magaca qoys ee uu sitaa waa magac ka yimi awoowgii oo xirfaddiisu ahayd miiridda biyaha ubaxa. 

Waxa uu ku dhashay magaalada Baqdaad, gaar ahaan degmada diiniga ah ee al-Kaadimiyah. Waxa muuqata in carruurnimadiisii ay raad ku lahayd waxa uu mustaqbalka noqon doono, kolkaas oo uu sannadkii 1924-kii dugsiga iskaga tagay si uu ula shaqeeyo nin cadarle ah. Ninkaasi shaqada ayuu ka eryey, akhriska badan ee uu Cali al-Wardi ku jeeday awgeed. Waxbarashada gelinka dambe ee dugsiga dhexe ayaa uu dhamaystay sannadkii 1931-kii, dugsigiisii sarena waxa uu ahaa ardaygii u sarreeyey Ciraaq, sababtaas ayaanay xukuumaddu deeq waxbarasho u siisay oo uu ku tagay magaalada Bayruut si uu wax uga barto Jaamacadda Maraykanka ee Bayruut. Mar kale ayaa uu deeq waxbarasho ku tagay jaamacadda Texas, oo uu mastarka ka qaatay 1948-kii, shahaadada PhD-dana 1950kii. Waxa uu diraaseeyey cilmiga bulshada, waxaana la sheegaa in guddoomiyihii jaamacadda Texas marka uu shahaadada guddoonsiinayay yidhi: “Diktoor, waxa aad mustaqbalka noqon doontaa ninka ugu horreeya cilmiga bulshada”. 

Ku raadoobidii Ibnu Khalduun

Ma qarsoona sida Cali al-Wardi ugu raadaysmay manhajka Ibnu Khalduun. Ibnu Khalduun waxa loo tixgeliyaa in uu yahay ninkii dejiyey seeska cilmiga bulsheed ee casriga ah, sidoo kalena keenay aragtiyo ku saabsan xeerarka degaanka iyo qabyaaladda, waxa uu si heersare ah ugu kuurgalay dhismaha dawladdaha, waaritaankooda iyo waxyaalaha keena dumitaankooda. Ibnu Khalduun waa qofkii u horreeyey ee u kuurgala dhaqamada bulsheed, una mara qaab cilmiyeysan, sidaana ku gaadhay xaqiiqooyin sugan iyo aragtiyo, waana sababta hormuudka uga dhigtay diraasadaha cilmiga bulshada iyo sooyaalka. Aragtiyihiisu waxa ay ka horreeyeen kuwii falsafadyahankii reer Faransiis ee Auguste Comte, oo noolaa intii u dhaxaysay 1798-kii iyo 1857-kii. Cali al-Wardi aad buu ugu raadaysmay Ibnu Khalduun, isaga iyo aragtiyihiisa ayaa uu cilmibaadhistiisii PhD-da ku sameeyay. 

Dr. Cali al-Wardi waxa uu ahaa dadkii ugu horreeyey ee ku baaqa in la helo cilmibulsho oo carabiyeysan, laguna diraaseeyo bulshada carbeed iyo dhaqannadooda, waxa uuna xoogga saaray dhaqanka miyiga iyo raadka uu ku leeyahay qaabaynta qofka Carbeed. Wardi waa uu ku baraarugsanaa in ay waajib tahay in aanu Ibnu Khalduun isu ekaysiin, amaba si guud aqoonyahanka kale ee cilmiga bulshada aanu tallaabo tallaabo u raacin, ee taas beddelkeeda ay tahay in uu samaysto waddo u gaar ah, oo ku habboon waaqica, bulshada iyo nolosha Ciraaq, waana ta sababtay in u u yeesho cadaw badan, maxaa yeelay waxa uu badka keenay afkaar cusub, isla judhii uu ka soo laabtay AmeerikaMarkii koowaadba waxa cadaawad u muujiyey dadkii sitay aydhiyoolajiyadaha, oo qawmiyiinta Carbeed baa ku tuhmay in uu qoqob wado, ka dib markii uu daabacay buuggiisa “Shakhsiyadda Ciraaqiga ah”. Qawmiyiinta Carbeed waxa ay ku doodayeen shakhsiyadda qofka Carabka ahi waa isku mid, meel kasta  oo uu joogaba. Waxa kale oo maagay Shuuciyiinta oo duray qaabka uu diraasayntiisa u maray, oo ay ku dhaliileen in aanay ahayn mid maaddi ah. 

Waxa doodda u weyn dhaliyey waa buuggaagta Cali al-Wardi ee ku saabsan abla’ablaynta dhaqamada bulshada Ciraaqida ah. Waa abla’ablayn cilmiyeysan, badhkoodna ku raadaysan yihiin reer Galbeedka. Waxa ugu caansan in uu shakhsiga Ciraaqiga ah ku tilmaamay qof dhaqanno isku lid ahi ku kulmaan oo ah ‘macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaal’, waa shakhsiyad ku suntan dhaqanno iska hor imanaya oo kala matalaya qiyamka miyiga iyo kuwa ilbaxnimada. Waxa uu soo dhiraandhiriyey in goobta ay Ciraaq ku taallaa saamayn ku leedahay shakhsiyadda qofka Ciraaq ku nool. Waa waddan xaddaaradihii ugu horreeyey ee dunidu ka dhismeen labada webi ee mara awgood, haddana waa waddan la jaar ah lamadegaanka Carbeed oo sidaas awgeed dad badani uga yimaaddaan dhinacaas. Cali al-Wardi waxa uu Ciraaq ku tilmaamay goob soo dhawaysa dadka lamadegaankaas ka soo guura, oo ay reer magaalnimada soo dhexgaliso , dadkaasina yihiin dad si fudud magaalada ula qabsada, balse raadkii iyo qiyamkii miyigana aan si fudud uga go’in. Qodobkani waxa uu noqday mid dad badani ku xasuustaan, oo dirirta weli ka socota Ciraaqna dad badani caddayn uga dhigaan. Waxa jira dad Cali al-Wardi u arka qof aan aragti sugan lahayn, ka sokow aaminaadda dadkaas, sugnaasha la’aantu waa tilmaan aadame meel uu joogaba, gaar ahaan bulshooyinka aan ku noolayn deggenaansho siyaasaddeed iyo dhaqaale, kuna diriraysa diin ama xukun. Cali al-Wardi waxa uu buuggaagtiisa ku faalleeyey sababta boqorradu u daneeyaan gabayga, isagoo ku salaynaya caqliyadda wacdiga ee Plato, waxaanu u arkaa “dhaqanka kuwa dhergay, ee uu xadgudubku dhaqanka u yahay”, waxa kale oo uu aaminsanyahay in aanay taariikhdu ku socon sal fikireed ee ay ku socoto dabeecadda aadamaha ee danaha qofka ku salka leh, lana beddeli karin, halka anshaxu uu yahay uun natiijo ka dhalata duruufta bulshada”. 

Dr. Cali al-Wardi iyo doodda maangalka ah

Cilmebaadhe Dr. Xuseen al-Hindaawi oo ka dooddaya muhiimadda la siiyey aragtiyaha Dr. Cali al-Wardi ayaa yidhi: “Qarnigan 21aad waxa sii ballaadhanaya dedaalka lagu bixiniyo aqoonyahankan, waxaana si xeeldheer loo diraasaynayaa aragtiyihiisa khuseeya bulshada Ciraaq iyo bulshooyinka kaleba. Buugaggiisii sagaalka ahaa ee uu soo saaray intii uu noolaa, uguna muhiimsan yahay buuggiisa siddeeda qaybood ah ee “U Kuurgal Cilmibulsheed oo Ku Saabsan Taariikhda Ciraaq”, dhammaan marar badan ayaa dabcado kala duwan laga daabacay, waxaana loo tarjumay luuqado badan oo ay ka mid yihiin Faransiiska, Jarmalka, Ingiriisiga, Isbaanishka, Faarisiga, Turkiga iyo Boolishka. Dooddihiisa waxa udubdhexaad u ah tilmaamidda habdhaqanka shakhsiyadda Ciraaqiga ah ee xilligan nool. Waa aragtiyo dhaliyey dooddo cilmiyeysan iyo kuwa siyaasaddeedba, oo lagu ladhay fasiraado kala duwan oo xitaa isburinaya”. Al-Hindaawi waxa uu tilmaamayaa “in aanu jirin aqoonyahan reer Ciraaq ah oo gaadhay heerka Cali al-Wardi ka gaadhay cilmiga bulshada, gaar ahaan mawduucyada sida goonnida ah u caan baxay, bulshada oo dhammina ku baraarugsan tahay, heer meel walba magaca Cali al-Wardi lagaga dooddo, iyadoo dhinacyo kale oo khaldan loola kacayo, siyaabo ogaal yari ku dheehantahayna wax loogu faalleeyo”. 

Hadda waxa jira soojeedino badan oo ku baaqaya in dib u qaabayn lagu sameeyo aragtiyahaas Cali al-Wardi, cid taageersan iyo dad ka soo horjeedaba. Fikradihii uu keenay qarnigii hore waa in dib u eegis lagu sameeyo, lana taxliiliyo. Sida uu Hindaawi leeyahay: “Wax ka badan rubuc qarni ayaa ka soo wareegay geerida Cali al-Wardi, waxa lagama maarmaan ah in dib u eegis lagu sameeyo xagashii uu cilmiga bulshada ka taagnaa, si loo eego abla’ablayntiisii iyo sidii uu usoo dhiraandhiriyey fikradahaas, oo la faaqido seeskii uu wax ku dhisay, dibna la soo celiyo su’aalihii ka taagnaa. Waxa aannu aaminsannahay in baahi loo qabo in la gorfeeyo fikradihii Cali al-Wardi”. 

Sidii aragtiyaha Cali al-Wardi looga soo horjeestay

Daa’uud Salmaan oo ah cilmebaadhe waxa uu leeyahay: “Aragti kasta oo uu Cali al-Wardi keenaa cid ayaa ay cadho gelin jirtay, doodna waa ay dhalin jirtay, dooddahaasina waa kuwo weli taagan”. Waxa uu sheegayaa in la isku dayay in hoos loo dhigo oo fikir ahaan iyo aqoon ahaanba la bahdilo, sababta keliyana waxa ay ahayd in uu dadkaas ka aragti duwanaa, oo aanu fahankooda kula socon, mar kastana fikradahooda gorfeeyo oo uu dhaliilo, kuna sheego wax aan waaqaca la jaanqaadayn”. Waxa kale oo uu Daa’uud leeyahay: “Cali al-Wardi waxa uu dhaliilay qaddiyado ka mid ah taariikhda iyo aaminaadda bulshadaba, waxaanu u gorfeeyey qaab aqoonaysan, waxa uu gorfeeyey qaddiyado uu isaguba aaminsanyahay oo ka mid ah dhaxalka diineed iyo bulsheed, oo uu u arkayay inay xaqiiqada ka fog yihiin”. “Waxyaabaha uu dhaliilay waxa ka mid ah waxyaabo laga aamuso oo aan loo dhawaan naqdintooda, dhaliishoodana loo arko xaaraan, balse Cali al-Wardi kama gabban, kamana gaabsan, ee si dhiirran ayaa uu u faalleeyey”. Daa’uud waxa uu aaminsanyahay in dadka Cali al-Wardi cadawga u ahi ay yihiin “dadka jecel tarminta hadalka aan miisaanka aqooneed lahayn, ee suuq geeya fikradaha barkumataalka ah, oo aydhiyoolajiyado madhanna sita, kuwaas oo ka cadhooda aragtiyihiisa iyo dhaliishiisa aanu la gabban”.  

Waxa inta badan la arkaa weerarka Cali al-Wardi uga yimaadda hadalladii uu ka yidhi wadaaddada. “Buuggiisa Mahsalatu al-Caqli al-Bashari waxa uu ku sheegay in wadaaddadu dadka ay la dhaqan yihiin u arkaan dadka dunida ugu wanaagsan, sidaas darteed wadaaddadu ma yaqaannaan wax aan ahayn ammaanta iyo weyneynta aaminaadahooda iyo dhaleecaynta aaminaadaha kale. Waxa ay wanaag u arkaan in si indhobeelnimo ah uu qofku koox u raaco, qofka wanaagsanna waxa ay u yaqaannaan qofka kooxdiisa gar iyo gardarraba garab taagan”. “Waa sababta ay sida adag ula dhaqmaan qofka ay is hayaan, halkii ay si deggan oo dhibirsan ugu jawaabi lahaayeen, si maangal ahna ula dooddi lahaayeen”. Hadalladiisan dhiirran awgood, ayaa uu Daa’uud al-Salmaan u arkaa “gorfeeye dhab ah oo faallayn kara fikradaha, cuboonaysiin karana mabaadi’ hore. “Waa sababta uu weerarrada badan ee dhinac walba leh ula kulmay, waana wax dabiici ah oo la filan karo marka dunida aqoonta iyo fikradaha la joogo. Qof kastaana xagasha uu ka taagan yahay fikradda ayaa uu is moodsiinayaa in ay xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ah in ay tahay, oo uu rabaa in uu dadka gaadhsiiyo”.