Skip to main content

Friday 20 September 2024

Aragti

Daraawiish: Tijaabadii Mahdiga Suudaan ee Loo Raray Barru Soomaal

29 July, 2024
Image
Mahdiga Suudaan
Jilaaga Mahdiga ee filin laga sameeyay Mahdigii Suudaan 1965-kii (Sawirka: ullstein bild/ullstein bild)
Share

Sannadkii 1898kii waxa la jabiyay kacdoonkii Mahdiga Suudaan oo ahaa kacdoon diineed oo salka ku hayay gumeysi-diid iyo diin nooleyn. Waxa salka u dhigay wadaad reer Suudaan ah oo la odhan jiray Maxamed Axmed lana baxay ‘Mahdi’ isaga oo sheeganaya in uu yahay Mahdigii uu sii sheegay Nabi Maxamed NNKH. Kacdoonkani waxa uu socday in ku dhaw labaatan sannadood oo uu dhiig badani ku daatay, mararna uu ku guuleystay in uu caasimadda Suudaan, Khartuum, qasbado kana dhiso Khilaafo diineed (1885).

Mahdiga Suudaan waxa uu soo baxay waqti ay dadka Suudaan ku dhibtoodeen cashuuraha iyo cadaadiska maamulkii isku dhafnaa ee Masar/Turkiga iyo Ingiriiska. Maxamed Axmed oo ahaa wadaad ku abtirsada dariiqada suufiga ah ee ‘Sammaaniyada’ waxa uu ku suntanaa colaad uu u qabay nidaamkii xukun ee Masaarida iyo in uu lahaa han hoggaamineed, maaddaama oo uu hore uga goostay sheekhii dariiqadiisa uguna biiray xer kale oo uu ka soo dhexbaxay. Waxa uu muddo ka dib sheegtay in uu yahay Mahdigii uu Nabi Maxamed sii sheegay ee dhulka ka buuxin lahaa xaqsoor iyo caddaalad. Kolkii uu bilaabay in uu xer u urursado ujeeddadaas ayaa uu maamulkii gumeysigu ogaaday, waxana ay u direen ciidan soo qabta. Maaddaama oo askarigii soo qabta loo ballan qaaday abaalmarin, waxa ay ciidankii isku dayeen in ay u kala dheereeyaan soo-qabashada wadaad xerow ah oo meel iskaga khalaaweynaya, sida ay moodayeen. Waxa ay se la kulmeen ciidan u sii diyaargaroobay oo si kedis ah u weeraray iyagii. Ciidankii loo soo diray waa uu laayay, wax yar mooyi e. arrintani waxa ay fursad dheeri ah u noqotay wadaadkii oo sheegtay karaamooyin dheeri ah. Waxa uu faafiyay, ama laga faafiyay, in ciidankii ku soo duulay aanu u sii diyaargaroobin e, keliya markii uu weerarku qabsaday uu geedka boocda ka goostay ulo isu beddelay seefo, qoortana kaga guray. Intaa ka dib, waxa ku soo jabay beelihii iyo xer aad u badan. Xertiisa dhaw oo hayb kaste leh waxa uu u bixiyay ‘Daraawiish’ halka uu beelaha taageerada u ahna u bixiyay ‘Ansaar’, isaguna waxa uu noqday ‘Mahdigii’. Waxa sidaa ku curtay Kacdoonkii Mahdiga oo qaatay ku dhawaad labaatan sannadood oo Daraawiishta iyo xoogaggii gumeysiga isku dhafani ay, in badan, isku jabeen oo kolba mid si xun loo jabiyay. 

Kacdoonkii Mahdiga Suudaan waxa la jabiyay 1898kii oo uu Ingiriisku ku qaaday duullaan culus kuna khaarajiyay Khaliifkii Mahdiga, Cabdalla Tacaayushi, sannadkii 1899kii. Isla sannadkaa la dilay hoggaankii u dambeeyay Mahdiga Suudaan, waxa dhulka Somaliland ka dhalatay xer diineed hubeysan oo si walba ugu eeg xertii Mahdiga Suudaan; fikirka, qaab-dhismeedka, yoolka iyo xeeladaha dagaal iyo kuwa diineedba waa ay wadaageen. Waa cajiib e, waxa ay, sidoo kale, wadaageen muddada uu kacdoonkaasi jiray iyo sababihii uu u dhintay oo labadaba waxa jabkooda caawiyay in ay qabiilladu saluugeen dhaqankooda ku dhisan arxandarrada. Maxamed Cabdalle Xasan oo ahaa hoggaamiyeha Daraawiishta Soomaalidu waxa uu la baxay ‘Sayidka’ oo ah derajo ka hooseysa ‘Mahdiga’ xidhiidhna la leh dhaqan xereedka Suudaan oo, marka la joogo dhaqanka xerownimo ee Suudaan, Sayidku waa waliga ugu sarreeya xerta. Kooxda ku xeeran ee udub-dhexaadka u ah fikirka iyo halganka waxa uu, iyana, u bixiyay ‘Daraawiish’, waxa kale oo la odhan jiray ‘Ikhwaanka’ Saalixiyada. Beelaha xulafada la ah ayaa aan yeelan magac gaar ah oo u hirgalay, waxa se la og yahay in Daraawiishi ay si joogto ah u raadin jirtay xulufeysiga beelaha, in kaste oo aanu xulufeysiga beeluhu sugnayn oo uu isbedbeddeli jiray, kolka laga reebo dhawr jifo oo in badan ku xeernaa Daraawiish, maaddaama oo xubnaha ubucda u ah kooxdu ay ka soo jeedeen; jifooyinkaa waxa ka mid ah Cali-Geri (Dhulbahante), Bah-Geri (Ogaadeen) iyo Aadan-Madoobe (Habarjeclo). 

Maxamed Cabdalle Xasan waxa uu ahaa wadaad xerow ah oo ka soo kitaab-raacday wadaad Suudaani ah oo la odhan jiray Sheekh Maxamed Saalax oo uu fadhigiisu ahaa Maka. Wadaadkan Saalax, oo aan wax badan laga aqooni, waxa uu ka tirsanaa dariiqada suufiyeed ee ‘Idriisiya’ oo ah dariiqo asal-raac ah. Waxa xusid mudan in Dariiqada Saalixiyadu aanay jirin, ka hor Soomaalidii wax ka soo baratay wadaadkan oo iyagu ka aasaasay dhulka Soomaalida waxana sheekh u noqday Maxamed Cabdalle Xasan. Sheekh Maxamed Saalax waxa uu ka tirsanaa dariiqo suufiyeed oo lagu yaqaanno asal-raacnimo diineed oo ay kaga soo horjeeddo wax badan oo Islaamka lagu soo kordhiyay sida baryada awliyada, waana dariiqada ay ka soo jeedaan inta badan kacdoonnadii suufiyeed ee gumeysi-diidku. Waxa kale oo la filan karaa in ay saameyn fikradeed ka soo gaadhay Wahaabiyadii waqtigaa ku xoogganayd dhulkaas. Si kaste oo ay tahay, marka la eego seeska aragtiyeed ee dariiqadiisa waxa ay u badan tahay in sheekh Maxamed Saalax uu ahaa taageere bogaadiya Kacdoonkii Mahdiga iyo halgankii Daraawiishta Suudaan, sidaana ay fikraddii Mahdiyadu ugu soo dustay ardaydiisii ay ka mid ahaayeen Maxamed Cabdalle Xasan iyo Soomaali kale oo ka mid noqotay Ikhwaankii Saalixiyada Soomaalida. Halkaas ayaa noqon karta mid ka mid ah ilaha ay tijaabadii Suudaan uga soo gudubtay Soomaalida una diyaarisay xertan, nafsad ahaan. Ha se ahaato e, waxa fiiro taariikheed mudan ninka la odhan jiray Axmed Warsame laguna naaneysi jiray Xaaji Suudi oo ka mid ah tiirarka Daraawiish iyo mid ka mid ah caqliyada kooban ee fikirkii lagu dhisay. Waxa uu ka mid yahay shantii nin ee Daraawiish seeska u dhigay ee uu bilowgii raadinayay maamulkii Ingiriisku; waa Sayid Maxamed, Suldaan Nuur Amaan, Xaaji Suudi, Diiriye Guure iyo Diiriye Carraale. 

Xaaji Suudi waxa uu ahaa dhulmareen in badan u shaqeynayay Ingiriiska. Waxa uu ku hadli jiray afaf badan oo uu Carabigu ka mid yahay, waxanu in badan kula shaqeyn jiray turjumaan iyo gadhwadeennimo. Qaar ka mid ah dhulmareennadii shisheeye ee uu gadhwadeenka u noqday waxa ay ku tilmaameen in uu ahaa nin wadaad ah, cibaado badan oo suufi ah aadna ugu kakan arrimaha bidcada ku ah diinta. Waxa kale oo la tilmaamay in marka uu Cadan yimaaddo uu la saaxiib ahaa shakhsiyaad Soomaali ah oo gumeysiga Ingiriiska colaadiya. Tilmaamahani waxa ay muujinayaan in uu qabay aragtida suufiyada ee asal-raaca ah ee gumeysi-diidka ah, arrintaas oo ay sii xoojinayso in maamulkii Ingiriisku uu xidhay markii uu Berbera ku soo noqday, 1897, isaga oo raacaya talabixinta mid ka mid ah raggii uu hore ula soo shaqeeyay.

Intii uu turjumaanka u ahaa Ingiriiska, waxa uu Xaaji Suudi tagay Suudaan, 1884 – 1885, isaga oo la socda markab dagaal oo uu Ingiriisku u diray Sawaakin si uu ula dagaalamo Mahdigii Suudaan. Ciidamada Daraawiishta Suudaan ee uu Ingiriisku kula dagaalamay halkaa waxa hoggaaminayay wadaad dagaalyahan ahaa oo caan ah oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Digna (Gadhweyne) kana mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu mayalka adkaa kacdoonkii Mahdiga. Xaaji Suudi waxa uu goobjoog u noqday dagaalladaas, waxa uu dhugtay xeeladaha iyo geesinimada nafhurka ah ee Daraawiishta iyo, gardarrada Ingiriiska oo kula dagaalamaya dhulkooda. Kolkii uu hawlgalkaas ka laabtay waxa uu la noqday qoomamo iyo colaad uu u qabo gumeysiga, sida ku cad xogaha sheegaya dhaqdhaqaaqiisii Cadan, iyo in Ingiriisku ku xidhay Berbera khatartiisa awgeed. Waxa la sheegaa in uu, 1898kii, ku biiray xerta Saalixiyada oo degganayd Qoobfardood. 

Inta aanu ku biirin ka hor, Saalixiyada laguma ogeyn wax colaad ah oo ka dhan ah maamulka Ingiriiska iyo ujeeddo siyaasadeed midna. Ujeeddada ugu weyn ee xertu waxa ay ahayd in ay noqoto xer diineed la aqoonsan yahay oo saameynta la qaybsata Qaaddiriyadii ka soo barakicisay Berbera. Sheekooyinka ka warrama in Sayid Maxamed Cabdalle Xasan uu maamulka Ingiriiska isku taagay ama ka ololeeyay dhaqdhaqaaqii kaniisadaha ma aha kuwo taariikh ahaan sal leh. Meesha qudha ee ay Maxamed Cabdalle Xasan iyo maamulka Ingiriiska ee Berbera iska diidi kareen ee la hubaa waa in xerta Saalixiyadu aanay caqiido ahaan u dabacsanayn gaalada, sida ay guud ahaan Idriisiyadu tahay, iyo in maamulka Ingiriiska laftiisu u dhawaa Qaaddiriyada oo bulshada haysatay. Labadaa arrimoodba waa kuwo sheegaya kala-tagsanaan dareen, se ma ay dhicin dhacdooyin taariikheed oo weji siyaasadeed leh, intii ay Saalixiyadu Berbera joogtay. Dhacdooyinka ku saabsan dhaqdhaqaaqa kaniisadaha iyo ubadka diinta laga beddelayo waxa ololeheeda iyo dagaalkeedaba galiyay Daraawiish Suldaan Nuur Axmed Amaan, isla waqtiyadii uu ku biiray xerta. 

Wejiga xertu waxa uu dhab ahaan isbeddelay ka dib markii uu ku biiray Xaaji Suudi. Waxa ay kooxdu qaadatay qaab-dhismeedka Dhaqdhaqaaqii Mahdiga Suudaan iyo xeeladihii dhaqan-siyaasadeed, waxana ay guddoomatay colaad ka dhan ah maamulkii Ingiriiska. Bilowgii 1899kii ayaa uu maamulkii Ingiriisku, markii ugu horreysay, ku baraarugay in xertu ay isu beddeshay mid colaadeed oo hub iyo tababarro ku hawllan. Halkaas ayaa uu ka bilowday dagaal qaatay labaatan sannadood oo si kaste ugu ula mid ah kacdoonkii Mahdiga Suudaan, Xaaji Suudina waxa uu, ilaa sannadkii 1920kii oo la dilay, ahaa gacanta midig ee hoggaamiyeha Daraawiishta iyo shakhsiga uu ugu neceb yahay maamulka Ingiriisku.