Skip to main content

Thursday 17 October 2024

Aragti

Dawlad iyo Xukuumad: Laba la isku Murgiyo

31 July, 2024
Image
Soomaalilaan
Hadhaaga dhismihii Soomaalilaan lagaga dhawaaqay, xuquuqda sawirka: Atom Portrait.
Share

Marar badan waxa aynu maqalnaa qof leh “Hebel dawladiisu waxa ay ku kacdaa dulmi“ ama qof xil haya oo leh “ Aniga dawladdaydu waxa ay diyaar u tahay waxqabad, dawladdayadu waxa ay ballan qaadaysaa waxqabad.” Mar dhexdaaya wadaad aan kula kulmay Nayroobina waxa uu ii sheegay in ay is qabteen Xukuumada Soomaaliland ee haddana waxaanu igu yidhi hadal nuxurkiisu yahay “Inta ay dawladdaasi meesha joogto aad bay u adagtahay in aan magaaladaydii ku noqdo” in kasta oo uu tirsanayey dulmi iyo xadgudub xorriyadeed, haddana waxa aan ku baraarujiyey in uu labo wax oo kala ah: Xukuumad iyo Dawlad  isku murginayo, waxa uu ka cabanayaana ayna ahayn dawladda ee ay tahay xukuumada talada haysa.

Marka la joogo dawladnimada, Soomaalidu kuma xeel dheera kala dhigdhigisteeda iyo xitaa dhaqan gelinteeda sababta oo ah; Soomaalidu waxa ay u badantahay reerguuraa dawladnimaduna waa wax ka maqan sooyaalkeeda iyo hiddaheeda dhaladnimo waxaanan filayaa sidaasi in ay tahay sida keliya ee lagu macneyn karo fahan xumida innaga haysata Dawladdi waxa ay tahay. Taariikh ahaan, waxa sugan, dhulka Soomaalida  in ay meelo kala duwan ka jireen Saldanado iyo Boqortooyooyin haddana, nasiib xumo iyo nasiib wanaag ka ay tahayba maamuladaasi kama ay tagin wax raad dawladnimo ku yeesha qaab dhismeedka Bulshada Soomaalida, in kasta oo ay xilliyo kala duwan taliyeenna kama ay tagin raad muuqda oo wax lagu dul dhisi karo, dhanka kale, shaygu haddii uu ka maqanyahay Sooyaalka iyo dhaqanka bulshada waxa fogaada fahankiisa oo waxa uu noqdaa wax u baahan fasir iyo la qabsasho taas oo iyana u sii baahan waqti iyo tacab dheeriya dawladnimadu waa tabtaas. 

Sida dhabta ah dawlanimada casriga ah waxa Soomaalida kula soo dul dhacay guumaysigii reer Yurub oo watay dano u gaar ah,  sooyaalkuna waxa uu ka marag kacayaa guumaysiga hortii in ayna jirin awood dhexe oo midaysa Soomaalida  waxa ayna si habaqle ah ugu kala fidsanayd dhul uu markii danbe isagu waa guumaysiga e nidaam ahaan kala sohdimeeyey, kala xadayntaas oo ku qotontay dano iyo arrimo siyaasadeed oo Soomalida ka baxsan iyo xitaa fahan uu ka qaatay hab dhaqankeeda iyo si wax u arageeda guud ee shidaalsada madax adkaanta iyo qabka, sohdimayntaasi waa ta keentay in ay kula fadhiyaan shan qaybood oo kala waaqic iyo duruuf ah.

Halkan marka la joogo in badan oo innaga mid ahna waxa ay ku dooddaan gumaysigii reer Yurub in uu  ina kala qaybiyey oo inba meel ku tuuray waxaana lagu masaalaa sidii qof isku dhan oo inta jidhkiisii la kala dhantaalay uu dhiig bax darani ku socdo qarkana u saaran dhimasho iyo in uu suulo. Dooddaasi sooyaal ahaan waa sax, sababta oo ah guumaysigii reer Yurub Soomaalida waa uu qaybiyey dhul ahaan, laakiin haddana dhanka kale waxa xaqiiqo ah; in aynu ahayn ummad raacato u badan isla markaasna aan lahayn talis dhexe oo iska caabbin karayey ama ugu yaraan waabin karayey, taas oo haddii ay jirto ahaan lahayd waxtar weyn oo waxa jiri lahaa fahan dawladnimada ah oo ka gadisan ka aynu maanta haysano, tusaalena waxa u ah Itoobiya.

Runtiina, kol kasta oo aan arko Bulshada caadiga ah ee qaarkood he­­leen Waxbarashada nidaamiga ah  taas oo ay qasab ahayd in ay wacyigooda dawladnimo dhisto iyo Siyaasiyiinta Soomaalida ee wax laga sugo oo isku murginaya xukuumad iyo dawlad waxa aan is waydiiyaa su’aal ah; ummad aan lahayn taariikh dawladnimo isla markaasna ayna weli ku duxin Waxbarashada ay heleen sidee iyo habkee ayey u fahmi karaan oo ugu dhaqmi karaan dawladnimada iyo xeerarkeeda lagama maarmaanka u ah jiritaanka nolosha?

Way caddahay in aynaan lahayn Sooyaal dawladnimo oo fog, waxa kale oo iyana marag ma doon ah in manhajyada Waxbarasho ee aadka u badan ayna innaga caawin fahanka dawladnimada casriga ah iyo dhaqan gelinteeda, Manhajyadaasna waxa ugu liita kuwa doolka ah ee innagaga yimid Carabta maxaa yeelay qudhoodu waa reerguuraa aan wax badan innagu dhaamin is xukunka ku dhisan dhawrista xeerarka bulshada iyo daah furnaanta. 

Maxay ku kala duwanyihiin Dawlad iyo Xukuumad?

Dawlad iyo Xukuumad waa labo eray oo luuqad ahaan Carabi ah, macno ahaanna kala duwan oo Soomaaliyoobay, runtiina Dawladdu waa ay ka guda ballaadhantahay Xukuumadda oo ah isla qayb ka mid ah Dawladda, sidaas awgeed isku murgintoodu waa arrin la la xidhiidhin karo Sooyaalka dawladnimo ee Soomaalida, Waxbarashada iyo wacyiga guud

Dawlad, waxa la isku yidhaa nidaamka ay taladu ka go’do oo dhan, waa nidaam isku dhan kaas oo leh bulsho heshiis ku ah, xuduud go’an oo la isla yaqaan iyo haybad u gaar ah oo lagu tix geliyo isla markaasna dhawrsan, waa nidaam ka kooban, Fulin, Garsoor iyo Xeer dajin is dheelli tira oo is kor joogteeya. Fulinta oo ah laanta ugu ballaadhan ee dawladi leedahay waxa ay u dabrantahay fulinta siyaasaddeeda aan ka tallowsaneyn heshiiska guud ama Dastuurka, amarrada garsoorka iyo xeerka ka yimaadda laanta sharci dejinta ama kuwa ay curiso ee ay ansixiyaan. Xukuumadu debci ahaan ma aha lama taabtaan sidaas awgeed, kol kasta oo la saluugo hab dhaqankeeda iyo fullinteeda waa la dhaliili karaa oo xitaa la beddeli karaa si aan loo noqon ‘Doqon aan habaas ka kicin’.

Sida aynu soo xusnay Dawladi waa nidaam isku qoofalan kaas oo ay isku afgaratay Bulsho meel wada dagani waxa ayna leedahay awood ay ku tagri fasho oo ayna cid kale ku wehelin, sababta oo ah labo awooddood isla amin qudha meel kuma wada sugnaan karaan xasarad li’, haddaba awooddaas oo qudheedu ah shar loo baahanyey oo aan laga maarmeyn si ay u yeelato dabar ku sar go’an seeraha  miyir qabka waxa lama huraan noqotay in la qaybiyo oo loo rogo awooddo is ilaaliya oo isku noqnoqda. Kolka sidan la yeelayo waxa laga dhinbiil qaadanayaa Jaadadkii duugga ahaa ee taladu ku urursanayd gacan qudha. Lama huraanka isku dheellitirka laamaha dawladda waxa lagu baraarugay Casrigii ifinta, Fikiryahanaddii iyo Falaasafadii ugu horraysay ee ku baraarugtay mabda’a qaybinta awoodda urursan ee dawladda, waxa ka mid ahaa Fikiryahankii  Faransiiska u dhashay ee Jaarlees Moontaskiyuu kaas oo noolaa muddadii u dhaxaysay 1669 -1755.  

Moontaskiyuu oo qoray buug uu ugu magac daray “Ruuxda Xeerarka”, buuggaas oo sida la sheego qiimo ahaan aan ka dhicin, dhiganihii ‘Siyaasadda’ ee Aristotle ama kii Rousseau ee ‘ Heshiis bulsho’  wuxuu ku doodday in awoodda dawladda loo kala furo furo saddexdaas qaybood ee aynu sare ku xusnay. Waa fulinta, Xeer dejinta iyo Garsoorka waana halka ay ka iminayso xukuumadi. Sida la wariyana, Moontaskiyu isaga oo aad u yar ayuu isku hawlay in uu ilbixiyo Bulshadiisii faransiiska oo waagaas la il darnayd kalitalisnimo iyo qooqaa ku durduriya, mabda’aas kala qaybinta awooddaha dawladda ayaana kolkii danbe lagu dhisay Dastuurka dawladnimada casriga ah