Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Hindisaha Casmi Bishaara ee Dawladnimada Casriga ah

7 February, 2024
Image
Buug
Share

Casmi Bishaara waxa uu hordhaca buuggiisan cusub ee “Masalada Dawladda” ku sheegay inay qoristiisu ku dhalatay muxaadaro cinwaankeedu ahaa, “Qarannimada, Bulshada iyo Nidaamka Maamul: meelo ay ka midoobaan iyo meelo ay ku kala tagaan” oo uu ka jeediyay kalkii siddeedaad ee “Shirweynaha Culuumta Bulshada iyo Aadanaha” kaas oo qabsoomay sanadkii 2021 macadka ACRPS, markaas oo uu ku adkaystay inaan la baahin qoraalka muxaadaradan oo uu damacsanaa in uu u ballaadhiyo aragti cilmiyeed oo uu isku dayayo in uu ku gufeeyo goldaloolooyinka cilmiyeed ee qarannimada ka saabsan.

Aragtiyaha ku aaddan dawladnimada, oo wali ah kuwo u baahan daraasaddooda, qoraaguna hore aanu uga hawl gelin, marka laga reebo laba cutub oo ka mid ahaa buuggiisa “Diinta iyo Calmaaniyadda” iyo cutub kale oo isaguna ku saabsan shuruudaha ku xidhan dimuqraadiyadaynta iyo dimuqraadiyowga. Intaas waxa uu ku darayaa in ay lagamamaarmaan tahay in masalada dawladnimada iskeed buug looga qoro, kaas oo si hufan u qeexaya waydiimaha muwaadinnimada ku saabsan ee dalalka Carabta, si guud, iyada oo la qeexayo hoggaanka, sharciyadda, anshaxa, guud ahaantiisa, si gaar ah weliba doodaha la xidhiidha kobcinta iyo xoojinta qeexintaanka ay muwaadinnimadu yeelanayso iyo waxa hoos imanaya oo dhan, isla markaana la faahfaahiyo xidhiidhka ka dhexayn kara qawmiyadnimada; markaana la gudo galo sidii loo kala sooci lahaa dawladda iyo nidaamka maamul ee jira, dabadeed si qumman loo dhugto aragtida Reer Galbeedka ee ku saabsan hannaanka ay qarannimadoodu tahay.

Cutubka koowaad ee buuggu waxa uu tooshka ku ifinayaa muhiimadda ay leedahay baadhitaannada ku salaysan dawladnimada iyo halista dhayalsigeedu uu keensanayo. Waxa uu soo jeedinayaa aragtiyo lagu toosinayo qeexitaannada dawladda casriga ah iyada oo loo marayo habkaas baadhitaannada loogu samaynayo waaqica ay dawladahu ku dhisan yihiin. Halkaas waxa uu cutubku uga gudbayaa, doodda kalasoocidda dawladihii qadiimiga ahaa, oo uu ku tilmaamayo kuwo ku astaysnaa xidhiidhka qofka xukunka haya iyo cidda uu u talinayo, halka dawladda casriga ahi taas kaga duwan tahay, oo xukunka iyo cidda loo talinayaaba ay hannaanka wadaagayaan. Waxa uuna sheegayaa in muwaadinnimadu tahay halbeegga laf-dhabarta u ah dawladnimada casriga ah. Waxa kale oo uu xusayaa soo-afjaranka ku yimid aydhiyoolajiyadihii saadaalinayay burburka ku imanaya dawladnimada.

Cutubkan labaad waxa uu gaar uga dhigayaa kalasoocidda iyo kalasaaridda Falsafadda Siyaasadda iyo Aragtiyaha Siyaasadda ee lagamamaarmaanka ah, haddii ay doonaan haba noqdaan kuwo miisaan culus ku leh halbeegyada aqoonta. Waxa kale oo uu cutubkani lafagurayaa sida aanay wax la aqbali karo u ahayn qaadashada hal mabda’ oo ku saabsan cabiridda ifafaalaha bulsho ee kakan, maadaama oo taasi kugu soo faruurayso aragti iskeed u taagan. Waxa ay soo bandhigeen dugsiyada Qawmiyadaha, nafcidoonka, si loo fahmo dawladda, isaga oo ka dhinbiil qaadanaya Libraaliyadda una arka aragtida ugu habboon ee lagu miisaami karo xukunka iyo bulshada, si wada jira. Waxa uu baadigoobayaa, sidoo kale, sidii Dawladda Casriga ah looga sooci lahaa Boqortooyooyinka.

Cutubka saddexaad waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in aanay taariikhda bilaabin qofaf, ee ay bilaabeen kooxo qaabeeyey dawladihii hore, isaga oo tixgelin siinaya odhaahyadii Nikloos Migyaafiili, marka arrintan la joogo, xusayana in ay aad uga waaqicsanaayeen tibaaxyadii ku saabsanaa heshiiska bulshada. Waxa kale oo uu sharraxayaa in Dawladnimada Cusub aanay ka dhalan daleel madhan, balse ay ka soo fuftay jiritaanka awoodo isballaadhinayay si ay nafci iyo qaanuunba u helaan, waana ta ay hadda ku dhisan tahay sharciyadda dawladda cusubi. Waxa uu ku sii xoojinayaa kalafogaanshaha u dhaxeeya xeerka iyo doonista xukunka. Waxa kale oo uu balballaadhinayaa kobacii qalabka dawladnimada cusub iyo kaalinta dagaalkii awoodda lahaansho ee ku urursan gacanta keliya lagaga dhigayay lahaansho sii daysan oo innagu ridaya dhabbaha seesidda dawladda cusub.

Cutubkan afraad waxa uu soo ururinayaa in aragtidii dawladihii hore ahayd ta ku riixday awoodiihii boqorka in uu faragashto Kiniisadda, kuwaas oo badanka ahaa wadaaddadii diinta iyo xeeryaqaannadii, iyo in dawladda, marka aragtida xaqa iyo qaanuunka dabiiciga ah laga eegayo, ay tahay hannaan ee aanay iskeeda yool u ahayn, si la mid ah sida heshiiska bulsho aan loogu fahmi karin wax aan ka ahayn in uu ka hor imanayo dagaallada diineed iyo aaminaadda in dawladdu kor ahaataa tahay xalka. Sidaa awgeed, arrinkaas waxa lagu gaadhay in la xaqiijiyay israac hay’adaha dawliga ah ee uu qiimeeyey hoggaamiyuhu ee kiiskii Thomas Hobbes, ama “Rabitaanka Guud” iyada oo la tixgelinaayo Jean-Jacques Rousseau. Waxa uu cutubkani si gaar ah fagaag wayn ugaga faalloonayaa Rousseua isaga oo xaglo kala duwan ka fiirinaya, isla jeerkaana tilmaamaya in ay isla daqiiqad gudaheed wada tahay irrid u furan fikirka Jamhuuriga ah iyo kan Dimuqraadiyadda ahliga ah, dirkaba.

Cutubka shanaad waxa uu la gaar yahay fagaag uu kaga wacaalbixinayo naqdi uu ku jalbeebayo aragtiyihii maanfurka ee Friedrich Hegel iyo Immanuel Kant, si la mid ah sida uu u naqdinayo aragtiyaha la xidhiidha xorriyadda iyo akhlaaqda ee bulshada doolka ku ah, kuwaas oo uu farta ku fiiqayo in anshaxa soojireenka ahi yahay ka dhaqaajiya dawladda. Cutubkan ayaa ka hadlayaa naqdigii Karl Marx ee uu dhaliilaha ugu soo jeediyey aragtidii Hegel ee khusaysay maamulka iyo qaabaynta bulshada iyo sidoo kale, ka-madaxbaynta dawladda ee bulshada dhexdeeda. Marx ayaa ku dooday in dawladdu metesho aragtiyaha guud ee bulshada, waxa uuna sii yara caddeeyey in ay metesho danaha salka u haya dabaqadaha ka jira bulshada dhexdeeda, marka laga yimaaddo aragtiyahaa guud ee bulshada.

Cutubka lixaad waxa uu darsayaa muranka ku gedaaman in ay dawladdu ahaato jidh qudha oo leh doonis qudha, taas oo ku sifaynayo shakhsi macnawi ah oo bulshada oo dhan ka sarreeya, marka la tixgelinayo “Aragtida Nafcidoonka” iyo “Libraaliyadda Kalaasiikiga ah”, baadisoocanina waa sees lagu sii ballaadhin karo dawlad hortaabannaan ah. Si kasta oo ay u jiraan dad aragtidaa ballaadhsiga hortaabannaan ah ku gacansaydhsan, waxa uu cutubkani ku nuuxnuuxsanayaa in uu kuwaa u arko shakhsiyad macnawi ah, marka qaanuunka dawliga ah iyo ka dastuuriga ahba la joogo; si la mid ah sida uu “Aragtida Pluralism” ugu nuuxnuuxsanayo iyo dibudhaceeda, waana aragti ka digaysa khatarta ay leedahay dabarka shaacsanaha ah ee u dhexeeya awood korodhsiga xadhkaha goosta ee dawladda iyo ka qofeedba, iyo naqdi uu kula jeesanayo fikradda awood ballaadhsiga ah, isla markaana uu qalinka ku duugayo in dawladda fedraaliga ah loo arko kooxo.

Cutubka toddobaad waxa uu kaga sheekaynayaa madaxtinimada, isaga oo ku sifaynaya in ay tahay awoodda ugu sarraysa ee kamadanbaysta ah. Marka uu ku sifaynayo madaxtinimada in ay tahay awood furan, macneheedu ma aha in aysan awooddeedu xaddidnayn. Awooddani ma aha mid loo dajiyey si looga hortago dimuqraadiyadda ee waxa loo dajiyey in lagaga hortago shuftanimada iyo fallaagannimada. Waa fekrad dawladeed e, ma aha fikrad boqortooyo. Asalkeeduba waxa ay ka tarjumaysaa sharcidajin awoodaha kalena waa raacaan. Ururinta ciqaabta waxa ay, aragti ahaan, la jaanqaadaysaa —taariikh ahaan maya e— aragtida dawladaha casriga ah ee qaanuunka qaddariya. Dawladdii Cusmaaniyada ayaa ku dhiirratay samaynta sharcidajinta, ka dib markii ay hirdameen dawladnimadii iyo boqortooyadii. In ay dawladdu isku koobto sharcidajinta, iyada oo u aragta asalka awoodda, waxa ku xiga in ay isku koobto ciqaabta, waana wax daruuri u ah dawladaha casriga ah. Cutubkani waxa uu faahfaahinayaa in sheegashada sarraynta awoodda shacabka, taas oo aan loo oggolayn in ay wax doortaan (ay soo doortaan sharcidajiyeyaasha), ay tahay iska beerlaxawsi shacab.

Cutubka siddeedaad waxa uu ku xusayaa biyakamadhibcaannimada in la kaga dheeraado qeexitaannada dawladda in la isu yeedhinayo, isaga oo soo qaadanaya in Weber qeexitaanka uu dawladda siinayay in tahay mid ku fadhida muuqaalka duleed ee dawladaha casriga ah. Waxa kale oo uu cutubkani caddaynayaa kootada ay ku haystaan Hay’adaha Biruqraaddiga ah in ay adeegsadaan xadgudub sharci ah, si la mid ah sida uu siidhiga ugu tumayo baahida loo qabo in xukunka iyo awoodda la kala sooco oo awoodda dawladdana laga sooco awoodaha kale. Waxa kale oo uu falanqaynayaa doodihii Émile Durkheim ee shaqada maamulka, waxbarashada iyo anshaxa ee dawladda casrigan joogta, iyo sida ay u wajahayso miisaan-la’aanta casriyawgan iyo guraangurkiisaba. Markaa la joogo sharcinimada iyo matalaadda dhabta ah ee dawladda, cutubku waa mid soo jeedinayaa in sharcinimadaas aan laga helin qudha in ay dawladdu tahay ta keliya ee isticmaalaysa awood iyada uun u gaar ah. Waa mid aan maangal ahayn in la dhaho sharcinnimadan salka ku haysa awood isticmaalnimadu in ay tahay mid cirka ka soo dhacday oo aan u baahnayn ilo kale, balse waxa weeyaan in ay tahay mid ka imanaysa ilo kale oo ka baxsan xayndaabkeeda. Sharcinimada ka dhigaysa in ay dawladdu awood u leedahay in ay isticmaasho, oo welina keli ku noqoto awood isticmaalka, taas oo ah mid sharci ah, waa mid ka imanaysa ilo dastuuri ah, akhlaaqi ah iyo kuwa dhaqanba.

Cutubka sagaalaad waxa uu ka hadlayaa mid ka mid ah kuwa mawduucyada buugga ugu culus, waana in muwaadinnimadu tahay isir ka mid ah qeexidda dawladda casriga ah. Waxa uu ka soo billaabayaa taariikhdii dhexe ee muwaadinnimadu ku lahayd magaalooyinkii xorta ahaa ee aan dawladda lahayn (taas oo lahayd xuquuq iyo waajibaad) iyo sidii ay ku soo gaadhay dawladdan casriga ah, iyadoo soo dhex martay kacdoonkii Faransiiska. Sidoo kale, waxa uu ka hadlayaa fikradda wax wada lahaansho dhex mara maamulka iyo shicibka, maadaama oo ay yihiin xubno ka wada tirsan dawladda, taas oo ah waxa loo yaqaanno “muwaadinnimada” oo badanaa la micno ahaan jirtay inaad xubin ka tahay qowmiyad, laakiin si madaxbannaan u heshay taariikhdeeda goonida ah. Sidoo kale waxa uu si dhaliili ku dheehan tahay u falanqaynayaa sida uu Tomas Hamfrey Mrarsha u kala hormeeyay xuquuqda madaniga ah, tan siyaasiga ah iyo midda bulsheed ee reer Ingiriis.

Cutubka tobnaad waxa uu ka sheekaynayaa suurtagalnimadarrada kalasaaridda dawladda iyo nidaamka talada ka horreeyay casriyawga, iyo suurtagalnimada in xilligan labada fikradood dadku sawiran karaan kalasoocnaantooda. Waxa kale oo uu soo bandhigayaa ka-soo-qaadka odhanaya in dawladda iyo nidaamka xukunku iskeenayaan, marka la joogo dawladaha dimuqraadiga ah iyo kuwa shumuuliga ah, halka ay kala tagsan yihiin dawladaha kalitaliska ah iyo kuwa aanay dimuqraadinnimadoodu bislaanin.

Cutubka kow iyo tobnaad, ahna kan u dambeeya, waxa uu qaadaadhigayaa farqiga u dhexeeya dhismaha dawladda iyo dhismaha ummadda, iyo sidoo kale xidhiidhka ka dhexeeya. Waxa uu ka hadlayaa doorka qawmiyaduhu ku leeyihiin dhismaha dalalka casriga ah iyo doorka dawladuhu ay ku leeyihiin samaysanka qawmiyadaha. Sidoo kale waxa uu ka hadlayaa faraqa u dhexeeya dawladaha qawmiyadda ku dhisan iyo dawladaha muwaadinnimada ku salaysan “dawladda-ummadda”. Waxa uu faaqidayaa isrogrogga xidhiidhka ka dhexeeya qofka, bulshada, dawladda iyo akhlaaqda, marka la joogo arrimaha guud, iyo sidoo kale loollanka kooxaha ahliga ah—haddii aan ka soo qaadno in uu mawduuc akhlaaqi ah yahay, kuna jireen muwaadinnimada iyo dawladda, marka ummaddu tahay ummad muwaadinnimo, innaga oo aan ahmiyad siinaynin xidhiidhka taariikheed ee ay qawmiyadnimada la leedahay ama kaga soocan tahay, sida dalal badan ay yihiin. Isla mar ahaantaana waxa uu ka warramayaa shuruudaha ay ku guulaysan karto ummadda ka kooban qawmiyadaha badan iyo in guushaasi aysan wax dammaanad ah lahayn.