Friday 22 November 2024
Samaysanka dawladnimadu waxay keentay hab looga horumaro qaabkii ay bulshadu u qaabaysneyd dawladnimada ka hor, taas oo koobsanaysa dhan bulsheed, dhaqaale, iyo dhan siyaasadeed. Qodobbada udubdhexaadka u ahaa isbeddelkan waxaa ugu muhiimsan;
Awood Sharci dejin oo dhexe : samaynta laan dawladeed oo hawsheedu tahay dejinta xeerarka qaranka, xeerarkaas oo kolka la dejiyo ka dib looga gudbayo dhaqan galintooda.
Kootaynta sharciga ah ee awoodda cunfiga, iyo u adeegsigeeda ilaalinta amniga iyo nidaamka.
Jiritaanka Bayrogaaridiyad kala duwan taas oo shaqadeedu tahay, maamulidda arrimaha guud. In kasta oo kooxahan hawshani shaqo u tahay, haddana taasi waxa ay horseeday caqliyeynta maamulidda arrimaha guud. Caqliyeytani waxa ay ka bilaabmataa isku xidhka hababka la adeegsaday iyo maxsuulka la doonayo
Siyaasaddu waxay isu beddeshay majaal goonidiisa u taagan; siyaasaddu waxay noqotay hawl gaar u taagan, waxaana soo baxay koox siyaasiyiin ah, oo ku sifaysan in ay siyaasiyiin yihiin, iyadoon la eegin shaqadooda iyo martabadooda bulsheed.
Waxa aan mar qoray, in dawladnimada oo sidaas loo macneeyaa ay tahay asaaska jiritaanka dawlad madaniya kolka la barbar dhigo bulshada dabiiciga ah. Bulshada madaniga ah ugu horreyn waa bulsho ku habaysan ama ku nidaamsan dawlad, ka hor inta aynnaan gelin is barbar dhigga bulshada madaniga ah iyo ta dabiiciga ah, bulshada aan lahayn dawlad waxa ay noqonaysaa labo mid. Waa mid e in ay ku noqoto golayaashii dawladnimada ka horreeyey iyo in ay ku noqoto xeerkii kaynta ama labadaba, sidaas awgeed ma jirto wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya bulshada madaniga ah iyo golayaashii ka horreeyey dawladnimada. Kala soocista bulshada madaniga ah iyo hayadaha dawladdu na waa fikrad iyo dhaqan kol danbe yimid waana mid aan ka horimaneyn jiritaanka dawlad awood leh, waa se taas lidkooda oo ah jiritaanka dawlad awood leh, yacnii dawlad dul u leh faraqa u dhexeeya nidaamka xukunka iyo dawladnimada qudheeda iyo haddana nidaamka xukunka iyo bulshada isla markaas na kala duwanaanshahaas uga faaiidaysanaysa qaab dhismeedka dawladda iyo bulshada. Bartan waxa ka soo baxday bulsho dawlad ahaan horumartay, taas lidkeedu na waa jirtaa. Waa bulsho ku hoos nool sarreynta sharciga kaas oo dhawraya xaquuqdooda iyo xorriyaddooda qofeed oo ku hoos jirta dawlad leh cunfiga sharciyeed oo uu xadiday xeerku, isla markaas na afraaddu ay midoobi karaan isna abaabuli karaan.
Si kastaba, xaaladda kelitalisnimada iyo bannadidda jidadka lagu dhisi karo hayadaha madaniga ah ee ka baxsan xukunka siyaasadda, taas oo ah tallaabada labaad ee bilawga bulsho rayid ah oo dawladeed waxa ay keentaa amni ahaan in ay miciin bidaan ku laabashada golayaashii dawladnimada ka horreeyey kuwaas oo sida qaalibka ah ku dhisnaa isku xidhnaan iyo wadajir. Laakiin is abaabulkaa qofka ilaalinaya, haddana awood uma leh in uu xaqiijiyo sarreynta qaanuunka ama kootaysto cunfiga ama uu damaanad qaado xorriyadda qofafka ama uu arrimaha guud u maamulo si caqlaani ah waxa se uu awoodaa isku mar in uu qofka ka ilaaliyo dulmiga dawladda dhexe, haddana uu ka xayuubiyo waxyaabaha u goonnida ah qofka, halka uu si joogta ah u sameeyo abaabul u dhigma kooxaha kale oo u jeedkiisu yahay ilaalinta kooxda, siiba kolka ay dawladdu taag darrayso.
Qaar ka mid ah nidaamyada adoog ka soo gaadhka ah “Patriarchal systems “golayaasha dawladawga ka horreeyey waxa ay u oggolaayeen kaalin ballaadhan waxaa na laga yaabaa in ay taasi ku qotonto sharciyadooda sooyaal, laakiin daaquudku haydaha siyaasiga ah iyo kuwa madaniga ah waxa uu u laalaa si uu u burburiyo golayaashaas, waxa aan u jeedaa golayaasha bulsheed ee wadajirka kana horreeyey dawladowga dabadeed qofku waxa uu waayaa hoy uu miciin bido. Dawladdu, xaaladaas oo kale haddii ay tamar darrayso, natiijo ka dhalatay dagaal, kacdoon ama wax la mid ah, dadku waxa ay is arkaan iyaga oo aan lahayn xeer iyo dawlad iyadu ku kaliyowda cunfiga sharciyeed sidoo kale waxa ay is arkaan iyaga oo bannaanka ka jooga golayaashii bulsheed ee qofka ilaalin lahaa. Xaaladda noocan ah, dalka waxa ku dhufata fawdo buuxda taas oo qaawisa heerka dib u dhaca bulsho aan lahayn dawlad. Waxa xusid mudan, xaaladaha qaar, dawladdu in ay dadka ka ilaaliso dib u noqosho bulsheed iyo dulmiga ay gaystaan kooxuhu iyo dagaallada is reeb reebka ee iska dhaca u jeeddo la’aan iyada oo aanu midna midka kale u garaabeyn. Waxaana laga yaabaa tani in ay keento in ay dadku isu abaabulaan kooxo hubaysan, halkii ay ahaan lahaayeen kooxo dabiici ah.
Hadhaadiga xaaladahan oo kale waxa aynu ka dhex helaynaa ruuxda dadka ku dhex nool dawladnimada iyo nolosha nidaamsan iyo sidoo kale ururrada madaniga ah ee ku salaysan xaasidnimada iyo nacaybka xitaa kolka ayna jirin loolan iyo dano kala qaybiya. Halkaas oo qaarkood ay ku kacaan falal burburineed oo ka dhan ah waxa ay dadka kale sameeyaan iyada oo ayna jirin wax sabab ah oo aan ka ahayn maratayn aan dhaafsaneyn aniga iyo inta kale, taas oo qofka ku dhalisa dareen ah “ Horusocodnimadaadu waa dib u dhacayga “ iyo “ Guushaadu na waa guul darradayda is barbar dhig ahaan “ sidaas awgeed waa in aan isku dayaa in aan carqaladeeyo waxa aad ku hawlantahay, haddii ay tahay dhabar jabin, fashilin iyo shaqsiyad dilba. Xaaladda caynan ah waa kolka ay jirto nabad isla markaas na danuhu iska horimaneyn, se kolka danuhu isku dhex galaan, ee uu yimaaddo dib u dhac, bulshadu waxa ay u burburtaa si aan la qiyaasi Karin.
Haddii ay isku mar tamar darreeyaan dawladda iyo hayadaha bulshadu, waxa curata fawdo iyo cunfi dadka ku riixa in ay isu abaabulaan kooxo cusub kuwaas oo ula muuqda kooxihii qabiileed ee ka horreeyey dawladowga, inkasta oo ayna sidaas wax u jirin haddana waa wax cusub, waxaana ka mid ah kooxo diimeedyadawaaweyn. Firqooyinku kolka laga reebo, waagii ay ahaayeen socod baradka la mid ma aha kooxihii wadaaga iyo iskaashiga ee qofku ku dhex noolaa, halka shiicada iyo sunniga, masiixiyiinta iyo muslimiintu aynu weligeed noqon ururo dabiici ah ama iskaashi. Tani waa ugub. Inta aynu sare ku soo sheegnay oo qudhana ma aha degaanka abuura, waa se mid leh ee cimilo cusub oo qaabaysa.