Skip to main content

Friday 20 September 2024

Feker

Niitje, Ambedkar iyo Xeerka Maanu

4 July, 2024
Image
Niitje, Ambedkar iyo Xeerka Maanu
Share

Habeen dhexdaas ahaa mar aan daawaday doodda dhex martay Richard Dawkins iyo Ayaan Xirsi, ayna ii muuqatay sida Ayaan diinta Kirishtaanka u la dhacsan tahay, baan waxaan niyadda iska iri: Malaha waxay ku wanaagsanaan lahayd in Ayaan qummaati u akhrin lahayd buugta Niitje, siiba labadii buug ee ugu danbeeyey qoraalladiisa oo kala ah: ‘Ka Duwan Masiix /Antichrist’ iyo ‘Gabbaldhaca Sanamyada, ama, Sida Dubbe/Burris Loogu Falsafadeeyo  /Twilight of the Idols, or, How to Philosophize with a Hammer’. Sida dadka inta xog ogaalka u ahi ay ka warhayaan, labadaan buug waxay qayb ka ahaayeen mashruuc dhicisoobay oo ka koobnaan lahaa afar buug, kuwaas oo Niitje uu u bixiyey magaca ‘Dib u Qiimaynta Qiyamka oo Dhan /Revaluing of All Values’.

Kolkii fikraddaasi ay cabbaar maankayga ku rafatay, baa xammaasaddii waxay igu bixisay in aan dib u bilaabo akhrinta buugga hore ee ‘Ka Duwan Masiix ama Ku Lid Ah Masiix /Antichrist/ نقيض المسيح’. 

Feylasuufkii Jarmalka ahaa ee Ferederik Niitje (= Freidrich Nietzsche, 1844-1900), oo aqoon fiican u lahaa diinta Kirishtaanka, maadaama yaraantiisii loo carbiyey inuu wadaad noqdo, nebi Ciise iyo diinta Kirishtaanku way u kala soocnaayeen, waxaana laga hayaa inuu yiri: “Waxaa jirey hal ruux oo Kirishtaan ah, kaasina macatabka ayuu ku dhintay /There was only one Christian, and he died on the cross.” Niitje waxa uu qiray in Ciise uu ahaa nin garasho leh oo ka gadooday akhlaaqdii sebenkiisa iyo kaniisadda Yahuudda. Hase ahaatee, hawshaas uu ku fashilmay.  

Niitje wuxuu intaas raaciyey, in wiilka Yahuudiga ahaa [=nebi Ciise] uu yaraan ku dhintay, haddii uu xoogaa sii noolaan lahaana uu fahmi lahaa ilduufyada uu sameeyey. Nebiga Niitje ee Saraatustarana buurta kaynta dusheeda ku taal waxa uu koray isaga oo soddon jir ah, wuxuuna ka soo degay oo dadka u yimid isaga oo afartan jir ah. Waana tan la sheego in nebiyada da’da afartan jirka lagu soo diro. 

Niitje waxaa lagu tilmaamaa in uu mulxid ahaa, laakiin feylasuufkii Maxamed Iqbaal oo aqoon durugsan u lahaa dhigaallada Niitje waxa uu sheegay in Niitje uu lahaa caqli allekood iyo qalbi Muumin. Iqbaal ka horna, nebi Maxamed baa gabyaagii carbeed ee Ummaya bin Abi Salti waxa uu ku sifeeyey in uu ahaa nin: “Carrabkiisu rumeeyey, laabtiisuna gaalowday /آمن لسانه وكفر قلبه” ama nebigu waxa uu yiri: “Gabaygiisu waa rumeeyey, laabtiisuna waa gaalowday /آمن شعره وكفر قلبه”. Erich Heller oo isna buug ka qoray Niitje waxa uu diiday allekoodnimada Niitje lagu sheego, wuxuuna ku dooday in Niitje: “Marka la eego ruuxdiisa iyo maankiisaba, uu ahaa xagjirka diimeed ee ugu weyn ee qarnigii sagaal iyo tobnaad uu soo saaray.”

Niitje buuggaan ‘Ku Lid Ah Masiix’, waxa uu ku weeraray diimaha, sida magaca buugga laga garan karana wuxuu si gaar ah ugu weeraray diinta Kirishtaanka iyo hey’adaheeda. Sababta maagidda keentayna waa inuu ku eedeeyey in ay tahay diin nolosha adduunka iyo horumarka u daran. Sida Niitje uu ku doodi jirey diimaha oo dhammi waa been la dhoodhoobay oo caqliga iyo cilmiga ku lid ah, laakiin dhammaan diimaha Masiixiyadda ayaa ugu liidata. Waxa uu ku dooday in Masiixiyaddu ay tahay: “Musiibada ugu weyn ee bani’aadamka qabsata /the greatest misfortune of humanity.” 

Niitje oo yaraantiisii lagu naynaasi jirey ‘wadaad-yare’, waxa uu diiday in nebi Ciise lagu tilmaamo in uu ahaa halyey ama cabqari, wuxuuna ku dooday in Masiixiyaddu ay tahay diinta fuleyada la dhufaanay, oo ku lid ah nolosha iyo dabeecadda. Waa diin ku dhisan nacaybka awoodda, caqliga, geesinimada, xorriyadda iyo quruxda. Waa diin leh dabciga dumarka iyo akhlaaqda addoonta. Dhagarta dadkana waxay u adeegsataa saddex xeeladood oo kala ah: iimaan, jacayl iyo abdo. Intaas waxaa dheer in ay ku baaqdo in badbaadadu ay ka imaanayso Yahuudda (=salvation comes from the Jews /الخلاص يأتي من اليهود). Taana waxaa ugu wacan in diinta Kirishtaanku ay asalkeedii hore ahayd diin Yahuudi keentay, oo Kirishtanku ma aha wax kale ee waa Yahuudi caqiidadiisu furan tahay oo ku baaqa in diinta la soo galo. Masiixiyaddu waxay sheegtaa in badbaadadu ay ka imaan doonto Yahuudda iyada oo la og yahay in badbaado aysan jirin. Waa in xumaanta dagaal lagu qaadaa: Xumaantuna waa Masiixiyadda ama Kirishtaanka — waa sida Niitje u dhigaye.

Eedda ugu culus ee Niitje uu u hayo diinta Kirishtaanka ee eedaha kale oo dhammi ay ka dhalanayaan waa fikradda udub-dhexaadka u ah diintaan ee ku saabsan waxa loogu yeero ‘Dembiga asalka ah /the original sin /الخطيئة الأصلية’, oo ah denbiga ka dhashay geedka la sheego in Aadan uu jannada ku cunay, kaas oo diinta Kirishtaanku ay sheegto in ubadka Aadan ay u qoolan yihiin ilaa iyo qiyaamaha, jeerkaas oo inanka Eebbe uu inta rumaysa u shafaaca qaadayo.

Niitje diimaha Buudiyada iyo Islaamka ayuu ka faddilay Kirishtanka. Sababta uu Buudiyadda uga doorbiday Kirishtanku waa in Buudiyadu ay xoogaa ka run badan tahay Kirishtaanka, iyo in fikradda ilaahnimadu aysan meeqaan sare ku lahayn, oo ay ka mid tahay diimaha allekoodnimada la la xiriiriyo. Laakiin Buudiyada waxa uu ku dhaliilay in ay tahay diin xakamaysa damaca iyo rabitaanka dadka, iyada oo damaca ku sheegta inuu ka masuul yahay silica iyo saxariirta ay dadku nolosha kala kulmaan. 

Damaca iyo rabitaanku — sida Niitje uu rumaysnaa — waa waxa dadka ku bixiya in ay khataraha iyo hubanti la’aanta u bareeraan, oo iyaguna markooda ah kuwa horseeda halabuurnimada iyo horumarka. Qaanuunka ugu muhiimsan dabeecaddu waa in la koro oo la ballaarto. Ma aha in dhibka iyo xanuunka la la baroorto, balse waa in dhibka iyo xanuunku ay dhalaan baraarug, korid iyo baraare: “Waxaan kuu sheegayaa: waa lamahuraan in ruuxa ay fowdo weheliso si uu u dhasho xiddig dhaantaynayaa… Ninka dhabta ah waxaa ku qarsoon dhallaan doonaya in uu dheelo /I tell you: one must still have chaos in oneself, to give birth to dancing star… In a real man there is a child hidden: it wants to play.”

Erayada dhallaan iyo dhallaannimo, Niitje agtiisa waa wax wanaagsan oo ammaan mudan. Maxaa yeelay, dhallaanku waxay leeyihiin faduul, halabuurnimo iyo ku dhac ay ku sameeyaan waxa markaas maankooda ku soo dhaca, iyaga oo aan dan iyo heello ka gelin waxa dadka kale ay ku fekerayaan iyo sida ay u arkaan falkooda. Waxa qura ee ay ka fekeraan waa waxa markaas maskaxdooda ku jira, oo ah in ay wax dumiyaan ama ay wax dhisaan. Waxyaabaha dadku ay duunyada uga duwan yihiinna waxaa ka mid ah halabuurnimada, iyo isku dayga in geeridooda kaddib ay ifka raad uga tagaan. Feylasuufkii Giriigga ahaa ee Herakiliidis waxaa laga hayaa in uu yiri: “Waariddu waa sida dhallaan shax dheelaya. Boqortooyada waxaa leh dhallaan.”

Sababta uu Islaamka uga doorbiday Kirishtankuna waa in Islaamku uu ilaa xad oggol yahay nolosha adduunyada. Niitje oo Islaamka ka hadlayaana waxa uu yiri: 

“Haddii Islaamku uu xaqiro Masiixiyadda, in uu sidaas yeelo kun jeer buu xaq ugu leeyahay: Maxaa yeelay Islaamku ugu yaraan waxa uu og yahay inuu rag la dhaqmayo. Masiixiyaddu waxay naga dumisay dhammaan dalagyadii ilbaxnimooyinkii hore, goor danbana sidoo kale waxay naga baabi’isay dhammaan dalaggii ilbaxnimada Maxamadiyiinta [=Islaamka] … Kuwii macatabka sitay waxay la dagaallameen ilbaxnimo ay ahayd in horteeda ay sanka carrada ku rugtaan (=in ay u sujuudaan). Ilbaxnimo xataa haddii la barbardhigo qarnigeenna sagaal iyo tobnaad uu agteeda sabool ka noqonayo. Laakiin sida xaqiiqada ah, kuwa macatabka sitay waxay ahaayeen duul bililiqo doon ah. Maxaa yeelay, Barigu wuxuu ahaa hodon. Marka runta la sheegana, dagaallada macatabku waxay ahaayeen xatooyada ugu weyn, wax kale ma ahayn! … 

In Kaniisaddu u adeegsato seefaha Jarmalka, dhiigga Jarmalka, geesinnimada Jarmalka si ay u gasho dagaalkeeda cadowtinnimo ee dilaaga ah ee ka dhanka ah ilbaxnimooyinka adduunka midda ugu sarraysa ee ugu sharafta badan! Arrinkaasi wuxuu u baahan yahay in la isweydiiyo su’aalo xanuun badan… Kirishtaanka iyo aalkolada labaduba waa walxo fasaad ba’an geysta… Waa in dagaal middiyaha la iska aslo Room (=Kaniisadda) la la galaa! Nabad iyo saaxiibtinnimana la la yeesho Islaamka.”

Akhristow waxaa la sheegaa in Niitje uu necbaa cabidda khamrada, cabbitaannada uu cabbaana ay ahaayeen biyaha iyo marar dhif ah oo uu caano dhammi jirey. Wuxuuna ku doodi jirey in khamrada iyo diinta Kirishtaanka labaduba ay maanka u daran yihiin.

Niitje waxay la ahayd inuu jiro Islaam asal ah oo ka fiyow danaynta qeybiyaatka ama maqanaha keena in la yeesho dabciga dheddignimada diinta Masiixiga. Si uu nooga dhaadhiciyo in diinta Islaamku ay daacad u tahay nolosha adduunyada, ayuu wuxuu soo xigtay kulan qarnigii 19aad dhulka Jasiiradda Carabta ku dhexmaray jaajuus dhulmareen ahaa oo u dhashay dalka Ingiriiska oo la oran jirey William Gifford Palgrave (1826-1888) iyo oday Carab ahaa oo lagu tilmaamay in uu Wahaabi ahaa. 

Ninka Ingiriiska ah ee diinta Kirishtaanka haystaa, wuxuu aad u fajacay goortii uu ogaaday in odayga Wahaabiga ahi uu labo walxaad oo keliya denbi u yaqaan: In la caabudo Ilaah aan Alle ahayn iyo in sigaar la nuugo. Ninkii Ingiriiska ahaa isaga oo yaabban buu odayga Carabka ah wuxuu weydiiyey: “Ka warran dilka iyo dhillaysiga?” Odaygiina wuxuu ugu jawaabay: “Eebbe waa naxariis badne denbi dhaaf badan /إن الله غفور رحيم”.

Niitje waxa uu sheegay in akhlaaqda doqommada oo dhammi ay ku baaqaan ay tahay in ‘Hawada la dilo /il faut tuer les passions.’ Diimaha oo Masiixiyaddu ugu horrayso nacaybka ay nolosha adduunyada u qabaan darteed bay awlaadda u liidaan, galmadana nijaas iyo wax xun ugu sheegaan. Galmadu waa shardiga koowaad iyo halka noloshu ka bilaabato, la’aanteedna nolol ma jirto, foolxumaynteeduna waa foolxumaynta nolosha dhabta ah. Buugga Baybalkuna akhlaaqda uu dadka faro ee dabeecadda ka dhanka ah ee galmada la xiriirta waxaa ka mid ah midda oranaysa: “Haddii ishaada midig ay simbiriiraxasho kuu horseedayso, iyada oo dhan iska tuur /If thy right eye offend thee, pluck it out.” 

Dadku ma jecla dhakhaatiirta siiba ilkaha suusku galo, haddaba sidee baa diinta Masiixigu ku keentay in dadku ay indhaha iska ridaan? Diimuhu Alle waxay ka dhigaan mid nolosha cadow ku ah. Sidaa darteed, noloshu waxay ku dhimataa meesha boqortooyada Alle ay ka bilaamato, waxayna ka bilaamataa halka Eebbe ku dhinto! (=Sida akhristayaal badani ay la socdaan, Niitje wuxuu caan ku yahay dooddiisa tiraahda: ‘Eebbe waa dhintay. Eebbe wuxuu ahaanayaa mid dhintay. Annaga ayaa dilnay /God is dead. God remains dead. And we have killed him’. Dhimashada Allena wuxuu ka wadaa in horumarka cilmiga iyo casriyoobiddu ay raad taban ku yeelanayaan kaalinka diimuhu kaga jiraan nolosha — ama xitaa ay baaba’ayaan. Marka Alle dhinto, aadamigu maxay mudanayaan? Jawaabta Niitje waxaad ugu tagaysaa buuggiisa sheekada ah ee ‘Sidaas Baa Saraatustara U Hadlay /Thus Spoke Zarthustra’).

Diinta Masiixiga oo ah diinta doqommada garashada gaaban, sida qura ee ay hawada iyo dareenka kula dagaallantay waxa uu noqday goyn iyo dhufaanid keenaya ciribtirka hawada. Ciribtirka hawaduna waa ciribtirka nolosha. Akhlaaqda diimuhu waa in la dafiro nolosha. Waa in la doorta geerida! 

Niitje waxyaabaha uu diinta Masiixiga kula colloobay waxaa kow ka ah sida ay nolosha adduunyada u liiddo. Midda kale, Niitje aqoon fiican u ma uu lahayn diinta islaamka, xogta ugu badan ee uu islaamka ka haystayna wuxuu ka qaatay buugta mustashriqiinta uu ugu horreeyo mustashriqii Jarmalka ahaa ee Juliyoos Felhawsen (=Julius Wellhausen, 1844-1918) oo qoraallo badan ka qoray Islaamka, Carabta iyo Yahuudda. 

In Niitje uu diinta Islaamka ka doorbiday tan Kirishtaanka, macnaheedu ma aha in Niitje uu Islaamka jeclaa, maxaa yeelay erayga ‘Islaam’ qudhiisa ayaa waxaa lagu macneeyaa in uu yahay isdhiibid — in Alle la isu dhiibo. Waxa Niijte ka dagaallamayo ee uu Kirishtaanka iyo diimaha kaleba kula colloobayna waa isdhiibiddaas.

Niijte waxa uu ku dooday in dadka marka la eego habdhaqankooda, in laga garanayo in ay ku qanacsan yihiin in Eebbe uu dhintay. Laakiin, sidaas oo ay tahay misna dadku waxay ku dheggen yihiin dhaxalka xertii Ciise ay sameeyeen geeridii Ciise kaddib. Taas oo macnaheedu yahay in dadku aysan Alle caabudin ee ay caabudaan diinta ay haystaan oo ah mid Alle iyo Ciise midkoodna uusan shuqul ku lahayn. Dadku waa calmaani adduunyada calmada, balse afka baarkiisa ka sheega in ay Alle iyo aakhiro jecel yihiin.

Akhristow waxaa jirta sheeko ay wariyaan wadaaddada suufiyada diimaha kala duwan oo taageeraysa doodda Niitje —waxaa kala duwan qaabka loo wariyo ee nuxurka ay xanbaarsan tahay sheekadu waa isku mid. Sheekadaasi waxay leedahay sidatan:

“Wadaad suufi ahaa baa wuxuu ku riyooday isaga oo jannada jooga. Wuxuna maqlay malaa’igta oo leh: ‘Farxa oo dabbaaldega! Maanta waxaa la xusayaa dhalashada Eebbe!’

Suufigu waxa uu daawaday damaashaadkii, wuxuuna arkay: Nebi Maxamed oo faras cad fuushan, malaa’igna hareeraha ka marayso, dadkii raacayna ay daba socdaan. Wuxuu kaloo arkay Kirishna, Muuse, Ciise, Buuda, Mahaafiir, iyo nebiyo kale oo badan oo mid waliba faras ku joogo, malaa’ig iyo taageerayaashiisuna ay weheliyaan. 

Ugu danbayntii, waxaa soo maray oday baqal duqa fuushan, oo aan cidina la socon.

Suufigii odayga wuxuu weydiiyey: ‘Kuma ayaad tahay?’

Wuxuu yiri: ‘Waxaan ahay Alle, halkaanna keli baan ku ahay, waayo duul kale ayaa la iga wada raacay, oo cidna gacan kuma hayo’.

Dabadeed, suufigii oo hurdada ka salalay, waxa uu go’aansaday inuu Alle caabudo, dadka iyo diimahoodana uu faraha ka qaado.”

Niijte marka uu ka digo diinta Kirishtaanka iyo guud ahaan diimaha, dadka wuxuu kula dardaarmayaa, oo weliba uu ka baryayaa in ay ku mintidaan nolosha adduunyada, aysanna dheg jalaq u siin kuwa u ballanqaadaya nolol meel kale ka jirta. Wuxuuna leeyahay: “Walaalayaalow waxaan idinka baryayaa in aad aammintaan nolosha dhulka, aydaanna rumayn kuwa idiinka sheekeeya rajo meel dunida ka baxsan ka jirta! /I beseech you, my brothers, remain faithful to the earth and do not believe those who speak to you of extraterrestrial hopes!” 

Ayaan Xirsi oo horay loogu bartay cuskashada caqliga iyo cilmigu, waxay ku doodday in diinta Kirishtaanku ay ilbaxnimo dhistay, halka islaamku uu ka yahay diin u taagan duminta ilbaxnimada. Laakiin si taa ka duwan, Niitje waxa uu qabay in diinta Kirishtaanku ay tahay diin u taagan duminta ilbaxnimooyinka —(tusaale ahaan tii Roomanka) — iyo guud ahaan nolosha adduunyada. Waa diin dhiigmiirato ah, oo kartida iyo halabuurnimada col la ah, aanna aqoon waxaan ka ahayn: Ilaah baa jideeyey iyo ummadihii hore baa ku dhaqmi jirey, oo awoowayaal baa laga soo gaaray. 

Labada diimood ee Kirishtanka iyo Islaamku nuxurka iyo dulucda ay xanbaarsan yihiin kuma ay kala duwana, balse waxay ku kala geddisan yihiin waqtiga iyo goobta ay ka curteen, iyo sidoo kale isbeddellada ku yimid muddadii ay jireen. Diinta islaamku ugu yaraan lix boqol oo sano bay Kirishtaanka ka danbaysay, sidaa darteedna way ka cusub tahay. Laakiin, dhanka kale diinta Kirishtaanka shantii boqol ee sano ee la soo dhaafay dib-u-habaynno waaweyn baa lagu sameeyey, oo diinta Kirishtaanka ee maanta jirtaa si weyn bay uga duwan tahay middii saddex boqol oo sano ka hor jirtey. Wadaaddada Kirishtaanka ee maanta joogaana waa niman miciyaha laga saaray, oo aan lahayn qaniinyadii ay ku caanbaxeen sebenkii maxkamadaha baaridda (=inquisition /محاكم التفتيش). 

Laakiin, si taa ku lid ah, fahanka islaamka wax isbeddel ah oo la taaban karo laguma samayn. Waana sababtaas midda keentay in wadaaddada muslimiintu ay u muuqdaan sida dugaag loo soo diray in ay dunida rogaan. Tusaale ahaan, diinta Islaamku asal ahaan dumarka in ay uga roon tahay mooyee ugama darna diinta Kirishtaanka. Taas oo jirta, misna hadda waxaad mooddaa in wadaaddada Kirishtaanku ay ummuuraha dumarka uga dhego-nugul yihiin kuwa Islaamka. 

Sida Niitje iyo waxgaradka reer Galbeedka oo dhammi ay rumaysan yihiin, ilbaxnimada maanta reer Galbeedka iyo guud ahaan dunida ka jirtaa ma aha mid ku abtirsata diinta Kirishtaanka, balse waa mid ka dhalatay dhalan-rog lagu sameeyey diinta Kirishtaanka. Niitje oo qodobkaan ka hadlayna waxa uu yiri: “Muxuu ahaa Casrigii Baraaruggu (=Renaissance)? Baraaruggu wuxuu ahaa in la geddiyo qiyamka Kirishtaanka… in la helo qiyam ka duwan kuwo Kirishtaanka. In la helo qiyam qiimo leh oo guul lagu gaari karo.” 

Niitje wuxuu ku dooday in wadaaddadu ay dantooda oo keliya ka fekeraan, sidaa darteedna aysan xaq u lahayn in ay ummad indho u noqdaan: “Bani’aadamka laguma arko cid ka liidata wadaadka: wuxuu baraa wax lid ku ah dabeecadda. Wadaad ha la doodin, ee xabsiga u kaxee.” 

Intaas oo dhan marka laga soo tago, Ayaan waxay muujisay in diinta cusub ee ay qaadatay aysan ulajeeddo siyaasadeed ka marnayn, oo marka laga yimaaddo rumaynteeda caqiidada Kirishtanka, ay danaynayso in diinta Masiixiga iyo wadaaddadeeda loo adeegsado sidii looga hortagi lahaa quwadaha ilbaxnimada reer Galbeedka halista ku haya. Quwadaha ilbaxnimada reer Galbeedka khatarta ku ah ee ay xustayna waxay ka kooban yihiin: Islaamka dabeecadda xagjirka ah leh, Iiraan, Ruushka, Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya. Dad badan oo doodda Ayaan dhegaystayna waxay isweydiiyeen su’aasha ah: Ruushku miyuusan dal Kirishtaan ah ahayn? Miyeysan sheegan in iyagu ay haystaan kaniisadda Kirishtaanka ee asalka ah? Ayaan diimaha Ibraahiimiga maxay ku kala dooratay? Waa maxay wanaagga Baybalka ku jira ee Quraanka ka maqan? Iyo weydiimo kale? 

Si kastaba ha ahaatee, buugga Niitje waxaan ugu tagay ammaan xoog leh oo uu huwiyey ‘Xeerka Maanu /The Laws Manu or the Manu-smriti’. Buuggaan loo yaqaan ‘Xeerka Maanu’, waa buug ka mid ah buugta diinta Hinduusiyadda, wuxuuna ka hadlaa qawaaniinta iyo akhlaaqda diintaasi ay jideysay. Waa buug ka warrama xuquuqda iyo waajibaadka dadka haysta diintaas. Wuxuu isku dayey inuu qodob sharci ah ka soo saaro wax walba oo khuseeyo qofka bani’aadamka ah, dhalashada iyo dhimashada iyo inta u dhexaysa. Neefsiga, cabidda, cunidda, cibaadada, tegidda suuliga, shaqada, galmada, saaxiibbada, dagaalka iyo wax walba oo dadka la xiriira, wadar iyo waaxidba.   

Niitje oo la sheego in xeerkaani uu saamayn weyn ku lahaa, waxaa laga wariyaa in uu yiri: ifka laguma arag ruux garasho ku gaara Maanu (Akhristow waxaa jira muran ku saabsan cidda qortay xeerkaan Maanu. Ma hal qof oo Maanu la oran jirey baa qoray? Mise waa qoraal facyaal badan oo kala danbeeyey ay ka qayb-qaateen?).

Niitje oo xeerkaan ka hadlayaa waxa uu yiri: “Ma garanayo buug ay ku jiraan intaan oo erayo togan, oo turaale leh, oo dumarka laga yiri, oo aan ka ahayn Xeerka Maanu; duqaydaan garku boxoshka cad noqday iyo awliyadu waxay leeyihiin qaab dhimrin iyo garaad badni ku dheehan tahay oo ay dumarka u la dhaqmaan, oo wax loo dhigo aan la arag.” 

Intaas kaddib, Niitje waxa uu xusay dhowr xigasho oo uu buuggaas ka soo qaatay, oo kulligood ku saabsan dumarka. Waxaana ka mid ah mid oranaysa: “Afka dumarka, naaska gabdhaha, ducada dhallaanka, iyo qiiqa/bakhuurka allebarigu waa kuwo mar kasta daahir ah.” Mar kale Niitje buuggaan waxa uu ka soo xigtay hawraar oranaysa: “Lama arko wax ka daahirsan ilayska qorraxda, hooska lo’da, hawada, biyaha, dabka iyo neefta gabdhaha.” 

Ugu danbayntii Niitje waxa uu soo qaatay oraah uu ku tilmaamay in ay tahay been barakaysan, oo oranaysa: “Jirka oo dhan wixii xuddunta ka sarreeyaa waa daahir, wixii ka hooseeyaana waa nijaaso. Gabadha oo qura baa jirkeeda oo dhammi muskullux yahay.”

Run ahaantii, aniga waxaa xiiso ii yeeshay in buug labo kun oo sano ka hor la qoray uu qiray dadnimada dumarka iyo xuquuqdooda. Arrinkaasina wuxuu igu bixiyey bal in aan wax ka ogaado waxa buuggaasi uu haweenka ka yiri. Hayeeshee, fikraddii aan ka qaatay hadalka Niitje iyo qodobbada ku jira xeerkaan ee ku aaddan dumarku waa kaaf iyo kala dheeri. Mowqifka buuggaani uu ka taagan yahay ummuuraha dumarka iyo addoonta la xiriiraa waxba ugama duwana mowqifka diimaha kale ee dunida badankoodu ay ka istaageen dumarka iyo addoonta. 

Buuggaan waxaa ka buuxa liidid iyo duudsi xad dhaaf ah oo loo geysanayo dumarka, addoonta iyo dabaqadda ka midka ah dadka Hindiya ee loo yaqaan ‘Lama-taabtaanka /The Untouchables or Dalits’. Buuggaani waa midka qeexa nidaamka dabaqadaha kala sarreeya ee ka jira dhulka Hindiya (=the caste system). Waxa uu jideeyey in dadka loo qaybiyo afar ama shan dabaqadood oo kala sarreeya, oo xuquuqda iyo waajibaadku ay u qaybsan yihiin, dabaqad kastana ay leedahay meeqaan loo qoondeeyey oo aan sina loo dhaafi karin. 

Xeerkaan Maanu sida buugta kale ee diimaha waxaa ku jira qodobbo qiimo leh, laakiin dhanka kale waxaa ka buuxa sun iyo waabay badan oo dilaa ah. Tusaale ahaan, qodobbada buuggaan ku jira ee khuseeya dumarka waxaa ka mid ah dhowrka soo socda:

  1. Meeshii haween lagu karaameeyo Alle ayaa looga farxiyaa, laakiin meeshii haween lagu liido cibaado laguma aqbalo.
  2. Aabbaha, walaalka, sayga iyo xididka doonaya in ay wanaag la kulmaan, waa in ay dumarka u dadaalaan. 
  3. Ka digtoonaada duufsiga dumarka. Dumarku ma duufsadaan wiilasha yaryar iyo ragga aan waayo-aragnimada lahayn oo keliye, balse xitaa waxay duufsadaan ragga waaweyn ee waxgaradka ah. Dabeecadda dumarka ayaa ah in ay wax fitneeyaan. 
  4. Dumarku ragga da’ uma fiiriyaan, oo ma eegaan inuu yar yahay iyo inuu weyn yahay, inuu qurxoon yahay iyo inuu foolxun yahay. Waxa qura ee ay ku doortaan waa in uu nin yahay. Haweenaydu waxay diyaar u tahay in nin kasta oo ka soo hor baxa ay jacayl la wadaagto. Waa inta ay ragga ka arkayaan. 
  5. Dumarka waa in laga ilaaliyo madaxbannaanida iyo in ay si istikhyaarkooda ah go’aamo u qaataan. Mar walbana dumarka waxaa mas’uul ka ah ragga. Gabadha yar waxaa masuul ka ah aabbaheed, marka la guursadana saygeeda, haddii saygeedu dhintana wiilkeed. Waa in haweenka aan loo oggolaan inay iskood isu maamulaan.
  6. Ninka 30 jirka ahi waa in uu guursadaa gabar 12 jir ah oo qalbigiisa soo jiidata, barbaarka 18 jirka ahina waa in uu guursadaa gabar 8 jir ah ama ka yar.
  7. Ilmuhu ninka dhalay bay u ekaadaan. Sidaa darteed, raggu habeen iyo dharaar waa in ay haweenkooda ilaashadaan [=Akhristow ma xasuusatay murtida Soomaaliyeed ee tiraahda: ‘Ilmihii aabbahood u ekaada, odaygu ku uursan, habartuna ku eed la’].
  8. Haweenku jannada kuma tagaan camalkooda san sida soonka, balse waxay ku tagaan addeecidda saygooda. Haweenayda raalliyada ahina ma samayso waxaan ninkeedu raalli ka ahayn, haddii uu nool yahay iyo haddii uu dhintay labadaba. 
  9. Markhaati waxaa geli kara hal nin oo damac ka maran (=ammaano leh), laakiin haween ma geli karaan xitaa haddii ay badan yihiin, ammaanana leeyihiin, waayo haweenku ma laha caqli si fiican wax u fahma [=Kal caano galeen kas ma galo].
  10. Boqorka waxaa la gudboon inuu yeesho gole wadatashi. Laakiin golahaas waa in laga ilaaliyo nacaska dammiinka ah, indhoolaha, dhegoolaha, dadka gaboobay, kuwa jirran, duunyada, dumarka, shisheeyaha, iyo guud ahaan inta iinta leh, gaar ahaan dumarka, maxaa yeelay dumarku waa waxmagarad sirta faafiya [=Dumar waa carruur cag weyn, mana liibaanaan duul dumar talo u dhiibtay]. 

Feylasuufka reer Silofiiniya ee Slavoj Zizek oo buuggaan ‘Xeerka Maanu’ ka faallooday, waxa uu soo xigtay qodob buuggaan ku jira oo oranaya: Wadaadka Baraahimiga ah “shaqadiisu waa barashada iyo baridda buugga muqaddaska ah ee Feeda, mana aha in uu ganacsi ka shaqeeyo. Xaaladaha qaarkood wadaadka waa u bannaan tahay in uu ganacsi ka shaqeeyo. Laakiin miraha sisinta ma uu iibin karo. Laakiin duruufaha qaarkood wuu iibin karaa miraha sisinta. Laakiin haddii uu duruufo khaldan ku iibiyo wuxuu noqonayaa dixiri ku jira saxaro eey.” 

Zizek markuu qodobkaan soo xigtay kaddib, ayuu buugga iyo iska hor-imaadyada ku jira waxa uu ku metalay inuu la mid yahay kaftan Yahuudi ah oo ku saabsan dhaqanka qof dullaala gabdhaha guur doonka ah. Kaftankaasi waxa uu sheegayaa in qofka gabdhaha dullaalaa uu had iyo jeer ku khasban yahay in uu gabdhahaas dhaliil walba ka difaaco, oo cillad kasta oo caruusadda loo soo jeediyo uu qiil u bixiyo. Bilmatal, haddii la yiraahdo gabadhu waa sabool, wuxuu oranayaa taasi waxay markhaati u tahay in ay taqaan sida xoolaha reerka loo beekhaamiyo. Haddii la yiraahdo caruusaddu way foolxun tahay, wuxuu oranayaa sidaa darteed ninkeedu ka welweli maayo in ay khayaanto. Haddii la yiraahdo gabadhu hadalkay shigshigtaa, wuxuu oranayaa taasi waxay u roontay saygeeda oo aysan hadaltiro ku wareerinayn. Sidaas buu cillad walba cudurdaar ugu keenayaa, xeerka Maanuna wax walba qaanuun iyo qiil buu u samaynayaa, qodobbo wanaagsan iyo kuwo halis ah labadubana waa ku jiraan. Arrinkaasna wuxuu kala mid yahay buugta diimaha badankooda. 

Guud ahaanna, diinta Hinduusiyaddu diimaha nidaamsan ee buugta leh, ee la sheego in ay iyadu ugu faca weyn tahay, uguma sidato xagga kala qoqobka iyo kala sarraysiinta bani’aadamka. Sida diimaha kale oo dhanna waxaa laga helayaa fikrado fiican oo waxtar leh iyo qaar dilaa ah labadaba. Buugta diimaha waaweyni waxay la mid yihiin sida kayn ballaaran oo laga helo geedo tiro badan, oo isugu jira qaar daawo ah oo lagu caafimaado iyo kuwo sun ah oo lagu bukaado. Faa’iidada dadku ay diimaha ka helaanna waxay ku xiran tahay hadba sida ay uga naqaystaan kayntaas baaxadda weyn leh. 

Tusaale ahaan, dadka haysta diinta Hinduusiyaddu muddo saddex kun oo sano ah bay ku murmayaan in hilibka lo’da la cuni karo iyo in kale. Labada qolo mid kastaana waxay daliishataa isla diinta Hinduusiyadda. Wadaadkii suufiga ahaa ee Jalaaludiin Ruumina waxaa laga hayaa in uu yiri: “Quraanka kariimku waxa uu la mid yahay xarig aad ceel ku geli karto ama aad ceel uga soo bixi karto.” Xarigga waxa loo isticmaalayo qofka xarigga gacanta ku haya bay ku xiran tahay, oo naf baa lagu badbaadin karaa ama naf baa lagu goyn karaa.

Yeelkadeede, si ku lid ah mowqifka Niitje ee ku aaddan qaddarintii uu u hayay buuga ‘Xeerka Maanu’, buugga waxaa dagaal culus la galay aqoonyahan waxgarad ahaa oo u dhashay dalka Hindiya oo lagu magacaabi jirey Bhimrao Ramji Ambedkar (1891-1956). Haddii Niitje uu diinta Kirishtaanka ku tilmaamay in ay tahay musiibada ugu weyn ee dunida qabsatay, Ambedkar xeerka Maanu iyo guud ahaan diinta Hinduusiyadda ayuu ku sifeeyey in ay yihiin aafada ugu daran ee dadka Hindida ku habsatay. Mar kale, waxa uu yiri:

“Hinduusiyaddu waa fikrad sheydaan… Haddii xukunka Hinduustu uu hirgalo, taasi waxay noqonaysaa aafada ugu weyn ee dalkaan ku timaadda. Wax kasta oo Hinduustu ay sheegaan, diinta Hinduusiyaddu waxay halis ku tahay xorriyadda, sinnaanta iyo walaaltinnimada, waxayna ka hor imaanaysaa dimoqraadiyadda. Qiimo kasta oo ay ku kacdo, waa in la diido in Hinduusiyadi talada waddanka qabato.”

Waxaana xusid mudan, in Hinduusta xagjiriinta ah ee taageera xisbiga BJP ee uu hoggaamiyo Ra’iisuwasaaraha dalka Hindiya ee Narendra Modi ay hadda u ol’oleeyaan in qawaaninta Hindiya oo dhan lagu saleeyo ‘Xeerka Maanu’. Madaxda xisbiga oo xeerinaya codka dadka la hayb-sooco ee Daalitkuna, marar badan waxay isku tolaan Dr. Ambedkar. Laakiin waxaa su’aali ka taagan tahay sida la isu waafajin karo xeerka Maanu iyo guud ahaan diinta Hinduusiyadda iyo Dr. Ambedkar, oo dab iyo baasiin isku ah? 

B. R. Ambedkar oo Hindi badan ay hadda rumaysan yihiin in uu yahay qofka Hindiga ah ee istaahila in lagu tilmaamo in uu yahay ‘Aabbaha Qaranka /the father of the nation’, ahaana siyaasi, aqoonyahan, iyo ninka kaalinka koowaad ka qaatay qoridda dastuurkii ugu horreeyey ee dalka Hindiya uu yeesho madaxbannaanida kaddib, waxa uu ahaa wiil ka dhashy dabaqadda ugu hoosaysa afarta dabaqadood ee loo qaybiyo dadka dalkaas ku dhaqan. Waa dabaqadda loo yaqaan magcaanta ‘Daalit, Lama-taabtaan, Shudra ama Sudra’.

Dr. Ambedkar in kasta oo uu ahaa wiil ka dhashay dad la hayb-sooco, faddarana loo arko, haddana waxaa xoreeyey waxbarasho wanaagsan oo uu waqti hore helay iyo dadnimadiisa. Wuxuuna ku caanbaxay run sheeg, oo waxaa la yiri: Ambedkar meel walba oo la joogo, xil kasta oo uu hayo iyo mowduuc kasta oo laga doodayo, waxa uu ahaa nin damiirkiisa ka hadla, oo runta ku addima xitaa haddii naftiisu halis ku galayso ama uu xilkiisa ku waynayo. Run ku addinka iyo xaq sheegga baana ah sifada la sheegay in aan cidina ku gaarayn, dadkii aqoonta u lahaana ay ku qaddarin jireen. 

Ambedkar oo wax badan ka hadlay xeerkaan Maanu, wax badanna ka qoray, muddo dheerna u halgamayey in la helo caddaalad dadka oo dhammi ay u siman yihiin, bishii Diseembar ee sannadkii 1929 isaga iyo dad ay isku aragti ahaayeen, waxay gubeen nuqul ka mid ah buuggaan, iyaga oo ku eedeeyey in uu yahay cudurka ugu weyn ee dilaaga ah ee ummadda Hindidu ay leeyihiin. Waa buugga laga qaatay kala qoqobka iyo kala qaybinta ugu xun ee la dhexdhigay bulshada Hindida. 

Dabaqadda uu ka dhashay Ambedkar ee Daalitka, Hindida kale waxay u arkaan in ay yihiin nijaaso faddaro ah, oo lama oggola in la taabto ama ay dabaqadaha kale wax la wadaagaan. Waxaana lagu qaybiyaa shaqooyinka inta laga faano sida; gubidda dadka dhinta, guridda qashinka, qodidda iyo nadiifinta musqulaha, iyo hawl kasta oo laga faano. Xeerka Maanu waxa uu dhigayaa: “Shaqada qura ee Eebbe u qoondeeyey dabaqadda Lama-taabtaanku, waa in ay si okobbanaan iyo miskiinnimo ku jirto ugu adeegaan saddexda dabaqadood ee kale… Dabaqadda hoose waa in aysan yeelan wax hanti ah, xitaa haddii ay awooddo in ay hanti tacabto.”

Dadka Hindiya iyo diinta Hinduusiyaddu muddo qarniyaal ah waxay ku guuldarraysteen in la qiro bani’aadamnimada dadka Daalitka ee la haybsooco. In kasta oo dastuurka dalku uu dadkaan xuquuq muwaadinno siinayo, haddana sannad kasta dalkaan waxaa lagu dilaa tobannaan kun oo dadkaan Lama-taabtaanka ah ka mid ah, waxaana la kufsadaa tobannaan kun oo dumarkooda ah, iyada oo aan deero deero u hardiyin, labo Calina wax iska weydiin. Maxaa yeelay, hayb-soocu wuxuu ku salaysan yahay diin iyo dhaqan, qodob dastuur lagu qorayna wax la sheego kama uu beddeli karo, haddii marka hore aan la beddelin maanka iyo laabta dadka. Taa darteed baana Ambedkar halganka Lama-taabtaanku ay soo dhicinta xuquuqda ugu jiraan wuxuu ugu yeeray in uu yahay ‘Dagaal Ruuxi ah /Spiritual Battle’.

Waxyaabaha la yaabka lehna waxaa ka mid ah, in dhan la sheego in salaanta iyo taabashada dadkaani ay xaaraan tahay, misna dhanka kale saacad kasta dumarkooda waa la kufsadaa! Inkaar qabayaasha wax kufsanayaa miyeysan ogayn in taabashada dumarkaasi ay xaaraan maqdac ah tahay?!

Ambedkar xeerkaan wuxuu u arkay in uu yahay cadow dilaa ah oo isaga iyo dadkiisa halakeeyey. Xilli dadka uu ka dhashay aan waxbarasho loo oggolayn ayuu si adag wuxuu ku helay fursad uu dugsi ku dhigto. Dugsigaas keligii baa ka ahaa dabaqadda Lama-taabtaanka. Waxa uu ahaa ardayga ugu fahmada badan fasalka, sidaas oo ay tahayna keligii baa waxaa la fariisin jirey meel gees ah oo fasalka muskiisa ah, lamana oggolayn inuu ardayda kale wax la wadaago. Sidoo kale looma oggolayn in uu qaato maaddada afka Saniskiritiga ee Hindidii hore ay ku hadli jireen, buugta barakaysan ee diimaha Hindiyana ay ku qoran yihiin. Isaga oo Lama-taabtaan ahi sidee buu u baran kara afka Muqaddaska ah?! 

Xitaa lama oggolayn in uu biyo ka cabbo tuubada biyaha ee dugsiga. Marka qura ee loo oggolaa in uu tuubada biyo ka cabbo waa marka kalkaaliyaha dugsigu uu u oggolaado. Kuma filnayn in macallinku uu u fasaxo. Haddii ninka kaaliyaha ahi uu maqan yahay waxay la macne ahayd in uu harraadkiisa ku joogo. Ambedkar buuggiisa ‘Sugidda Fiisaha /Waiting for a Visa’, oo uu uga hadlay qayb taariikhnololeeddiisa ka mid ah, wuxuu ku adeegsaday oraahda: “Kaaliyaha haddii la waayo, biyo waa la waayey /No peon, no water”. 

Wuxuuna ka warramay, in yaraantiisii, habeen habeennada ka mid ah, isaga iyo walaalkiis oo safar ahi ay gaajo ku seexdeen, iyaga oo haystay raashin badan. Sababtuna ay ahayd in dadkii degaankii ay marayeen markii ay ogaadeen cidda ay u dhasheen, ay u diideen in ay siiyaan biyo ay raashinka ku karsadaan.

Dr. Ambedkar oo ka sheekeeyey dareenkii uu dareemay markii uu ka soo laabtay waxbarasho sannado qaadatay oo uu ku tagay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, waxa uu yiri:

“Markaan dhulka Hindiya cagta soo dhigay, durba waxaa i hor yimid Maanu, oo aan kala maqnayn sannadihii aan dhulalka Galbeedka ku noolaa. Waxaan isweydiiyey halkee baan ku degayaa? Yaase i qaadaya? Waxaan dareemay walaac iyo caro xoog leh. Haddaan ka fekero wax aan raaco, waxaa ii jawaabaya Maanu oo igu leh xaq uma lihid in lagu qaado! Haddaan ka fekero hoteel aan ku degi karana, ciyowba Maanu oo Hinduusi ah baa ii sheegaya in aanan u qalmin in hoteel la iga kireeyo! Tillaabo kasta oo aan qaado iyo wax walba oo aan ka fekero, waxaa i hortaagnaa Maanu oo igu lahaa ‘Xaq uma lihid’…

Sida keliya ee aan adeeg ku heli karay waxay ahayd in aan jilo cid aanan ahayn, taana diyaar uma ahayn. Waayo waxaan ogaa cawaaqib xumada ka dhalanaysa haddii la ogaado aqoonsigayga dhabta ah — shaki la’aanna waa la ogaan lahaa. Baroda waxaan ku leeyahay saaxiibbo Maraykanka jaamacado u yimid; guryahooda ma igu soo dhaweynayaan haddaan aado? Taa ma hubo. Waxaa laga yaabaa in ay ceeb iyo fadeexo dareemaan haddii ay gurigooda Lama-taabtaan u oggolaadaan. In muddo ah ayaan taagnaa boosteejada, aniga oo ka fekeraya: Xaggee aadaa? Maxaan sameeyaa?” 

Mar kale, isaga oo xaaladdiisa tilmaamaya waxa uu yiri: “Meel kasta oo Hindiya ka mid ah oo aan tago, dadka iyo naftaydaba cullaab baan ku ahaa.” 

Dr. Ambedkar kolkii uu dhulka Hindiya ku soo noqday isaga oo laba shahaado oo waaweyn oo ku kala saabsan qaanuunka iyo dhaqaalaha ka sita jaamacado magac-dheer, waxa uu shaqo ka helay gobolkii Hindiya ee horay loo oran jirey Baroda, haddana loo yaqaan Gujaraat. Laakiin, ayaandarro wuxuu waayey cid ka kiraysa guri uu dego. Ugu danbayntiina wuxuu qol ka kiraystay xarun ay lahaayeen dadka loo yaqaan Baarsiga ee asal ahaan ka soo jeeda Iiraan, hase ahaatee markii ay ogaadeen in uu ka dhashay bulshada Daalitka, isaga oo maqan ayaa shadaaftiisii bannaanka loogu qubay. 

Maalinkaas ayaa Ambedkar go’aan kama danbays ah ku gaaray in noloshiisa oo dhan uu u hibeeyo la dagaallanka nidaamka dabaqadaha ee nolosha iyo horumarka u diiday dadkiisa.

Sheekooyinka faraha badan ee ku saabsan taariikhnololeedda Dr. Ambedkar, waxaa ka mid ah mid sheegaysa in waqti danbe oo noloshiisa ka mid ah, oo uu ahaa mas’uul caan ah oo xilal badan ka soo qabtay xukuumadihii Hindiya, uu maalin goostay in uu booqasho ku tago degaan ay deggenaayeen dadka Daalitku. Bulshadii Daalitka aha ee uu martida u ahaana waxay is-tuseen in masaafada u dhexaysa boosteejada taraynka iyo xaruntooda oo aan kala fogayn ay ku soo qaadaan gaari faras, si ay u ilaaliyaan meeqaanka iyo sumcadda halyeygooda.

Laakiin waxaa la waayey qof Hinduusi ah oo diyaar u ah in uu gaari faraskiisa ku qaado ruux Lama-taabtaan ah.  Hase ahaatee, dadaal badan kaddib, nin baa wuxuu ku yiri: Waxaan idin siinayaa gaari faraskayga haddii aad kiro dheeri ah i siinaysaan, idinkuna aad wadanaysaan. Sidii bay yeeleen, oo ninkii bay gaari-faraskii ka qaateen, laakiin waxaa la waayey qof bulshada ka tirsan oo gaari-faraska wadi yaqaan. Ugu danbayntii, waxaa la helay wiil sheegay in isagu uu wadayo, odayga martida ahna uu soo qaadayo. 

Barbaarkii gaari-faraskii waxa uu geeyey boosteejadii tareenka, wuxuuna soo qaaday Dr. Ambedkar.  Laakiin intii dhexda lagu soo jirey baa gaari-faraskii waxa uu galay shil gaari oo culus, kaas oo keenay in faraskii buundo ka dhaco, Ambedkarna ay soo gaaraan dhaawacyo halis ah iyo burbur xagga feeraha ah. 

Muddo kaddib, kolkii Ambedkar uu ka bogsaday dhaawacyadii shilka ayuu wuxuu ogaaday in sababta shilka keentay ay ahayd aqoon la’aan heysatay barbaarka gaari-faraska ku waday, iyo fikraddii ka danbaysay in gaari-faras lagu soo qaado. Markaasna waxa uu yiri: “Waxay diyaar u ahaayeen in ay ku ciyaaraan noloshayda, si ay u ilaaliyaan sharaftayda /they were willing to play with my life to protect my dignity.” 

Ayaan darro iyo ayaan wanaag midka ay doonto ha noqotee, ninkaas magaalooyinka waaweyn ka waayi jirey hoteel uu qol ka kireysto ama guri uu ijaarto, hadda waxaa la sheegaa in dalka Hindiya aan laga soo helayn tuulo aysan ku ool taallo isaga lagu xasuusto, iyo in uu yahay siyaasiyiinta Hindiya midka loogu ixtiraamka badan yahay.

Sannadkii 1935, Ambedkar meel fagaare ah ayuu waxa uu ka yiri: “Waxaan ku dhashay diinta Hinduusiyadda, laakiin dhiman maayo aniga oo diintaan haysta.” Sida la sheegana, markii warkaasi uu dadka ku dhex faafay waxaa u yimid koox dad ah oo ka mid ah taageerayaashiisa, waxayna weydiiyeen diinta uu kula talinayo in ay qaataan haddii ay ka baxaan Hinduusiyadda? Taladii uu siiyeyna waxay ahayd in haddii ay diin cusub qaadanayaan ay qaataan Islaamka.

Dr. Ambedkar muddo tobaneeyo sano ah ayuu dadka Daalitka waxa uu ku dhiirrigelinayey in ay ka baxaan diinta Hinduusiyadda oo ay diimo kale qaataan. Maxaa yeelay, nidaamka dabaqaduhu wuxuu qayb asaasi ah ka yahay diinta Hinduusiyadda, diinta Hinduusiyadda oo aan isbeddel lagu samaynna nidaamka dabaqadaha — ee iyaga halaagay —xal loo heli maayo. 

Khudbo cinwaankeedu yahay ‘Waa Tee Waddada Badbaadadu? /What Path to Salvation?’, oo Ambedkar uu ka jeedin lahaa kulan ay sannadkii 1936 isugu imaan lahaayeen dad ka tirsan bulshada Daalitku, waxa uu ku yiri:

“Dhammaantiin waxaan si cad idiinku sheegayaa, in diintu dadka u danayso laakiin aan dadku diinta u danayn. Si aad u heshaan hab-dhaqan bani’aadamnimo ka baxa diintaan. Si aad isu abaabushaan ka baxa diintaan. Si aad awood u yeelataan ka baxa diintaan. Si aad sinnaan u gaartaan ka baxa diintaan. Si aad xorriyad u heshaan ka baxa diintaan. Diin kale qaata si aad guryihiinna gudahooda farxad ugu noolaataan. 

Maxaad u haysanaysaan diin aan oggolayn in sida bani’aadamka la idiin la dhaqmo? Maxaad u haysanaysaan diin aan idiin oggolayn in aad macbadka gashaan? Maxaad ku falaysaan diin aan idiin quurin in aad biyo ka cabtaan ceelasha dadweynaha? Maxaad ku falaysaan diinta idin ka hor istaagaysa in aad shaqo heshaan? Maxaad ku falaysaan diin tillaabo kasta oo aad qaaddaan idin caynaysa?

Diinta diidda in dadku ay si bani’aadamnimo leh u tacaamulaan, diin ma aha, balse waa itaal sheegasho. Diinta aan qofka qofnimo u aqoonsan diin ma aha ee waa cudur. Diinta oggol in xawayaanka la taabto, laakiin aan oggolayn in dad la taabto, diin ma aha ee waa jeesjees. Diinta dadka qaarkood u diidaysa waxbarashada, kana hor istaagaysa in ay hanti yeeshaan iyo in ay hub qaataan, ma aha diin ee waa bani’aadamnimada oo lagu ciyaarayo. Diinta ruuxa jaahilka ah ku khasbaysa in uu jaahil ahaado, kan saboolka ahna in uu sabool ahaado, ma aha diin ee waa ciqaab.” 

Dr. Ambedkar diinta Hinduusiyadda wuxuu u qaybiyey labo qaybood oo kala ah: Qawaaniin iyo Mabaadi. Mabaadi’da iyo falsafadda diinta Hinduusiyaddu waxay ku jiraan buugta Feedaha iyo Ubanishaadka, dadka Hinduusta badankooduna ma daneeyaan falsafadaha iyo mabaadi’da buugtaan ku xardhan. Laakiin si taa ka duwan, waxay daneeyaan oo noloshooda qaabeeya qawaaniinta loo yaqaan ‘Dharmashastras’ ee ku qoran dhigaallada uu ugu horreeyo buugga ‘Xeerka Maanu’.

Sidaa darteed, Ambedkar wuxuu caddeeyey in aan rajo laga qabin in dadka la hayb-sooco ee Lama-taabtaanka ahi, ay nolol karaamo leh kula noolaadaan Hinduusta. Sida qura ee ay dabarka addoonsiga isaga jari karaanna waa iyaga oo gebi ahaanba ka baxa diinta Hinduusiyada. Dadka Hindidu waxay midnimo heli karaan marka diinta Hinduusiyadda laga takhalluso. Maxaa yeelay, sida ay la tahay “waxaa jiri kara Hinduusi xun iyo Hinduusi iska roon, laakiin marnaba ma jiri karo Hinduusi wanaagsani /there can be a better or worse Hindu, but a good Hindu there cannot be.” (Faahfaahinta qodobkaan akhristaha danaynayaa wuxuu ka heli karaa buugga Dr. Ambedkar ee magaciisu yahay ‘Ciribtirka Nidaamka Dabaqadaha /Annihilation of Caste’). 

Dr. Ambedkar si dadban wuxuu ugu dooday in diinta Hinduusiyaddu ay masuul ka tahay dhaqdhaqaaqii Naasiyadda ee Hitler hoggaaminayey iyo xasuuqii ay gaysteen. Waxa uu sheegay in Naasiyiinta Hitler ugu horreeyo ay la dhacsanaayeen dhigaallada Niitje iyo fikradda uu ku caanbaxay ee ‘Aadmiga awoodda badan /Übermensch, or Overhuman, or Superman’, Niitjena dhankiisa wuxuu jeclaa Maanu iyo xeerkiisa. Halkaas waxaa laga qaadanayaa in Maanu uu dhalay Niitje, Niitjena uu kalkiisa dhalay Hitler iyo dhaqdhaqaaqa Naasiyadda. Haddii si kale loo dhigo, dhaqdhaqaaqii Naasiyaddu waa maxsuul ka dhashay diinta Hinduusiyadda. Sidaas awgeedna, aadamigu waa inuu diinta Hinduusiyadda ula colloobaa si la mid ah sida Naasiyadda loola diriro.

Sannadkii 1965, Ambedkar iyo nus malyan dadkiisa Lama-taabtaanka ah baa mar qura waxay ka baxeen diinta Hinduusiyadda oo ay qarniyo badan haysteen, waxayna qaateen diinta Buudiyada. Sababta ay diinta Buudiyada u qaateenna waxaa lagu sheegay in Buudiyadu ay xagga kala qoqobka dadka ku dhaanto Hinduusiyadda iyo in ay tahay diin asal ahaan ka curatay dhulka Hindiya, oo aan ahayn diin dagaal iyo doolaal dhulka ku timid sida diimaha Kirishtaanka iyo Islaamka. 

Sida dhabta ah, Ambedkar diinta Buudiyada oo dhan ma uu qaadan, ee waxa uu doortay falsafad diineed lagu magacaabo ‘Qaanuunda Dabiiciga ee Buuda /Buddha’s Dhamma’ ama ‘Navayana’, oo macnaheedu yahay ‘waddada cusub /new way or new vehicle’, una taagan dib-u-fasiridda Buudiyadda. Waa firqo ama falsafad diimeed calmaani ah oo weli samays ku socdo. Sababta uu qaabkaan u doortayna waxay tahay isaga oo baadigoob ugu jira sida lagu heli karo diin caqliga iyo ruuxda iswaafajin karta. Waxa uu raadinayey diin calmaani ah oo caqliga, cilmiga iyo nolosha oggol, bani’aadamkuna siman yahay, isla markaana ruuxda dadku ay su’aalaha jiraalka uga qanacdo, oo ka jawaabta weydiimaha caqliga iyo cilmigu ay furdaamin waayaan. 

Ambedkar diinta Buudiyadda waxa uu ku sameeyey sidii madaxweynihii Maraykanka ee Thomas Jefferson uu Baybalka ama Injiilka ku sameeyey. Jeferson waxa uu sameeyey nuqul baybalka ka mid ah oo uu ka saaray waxyaabihii uu u arkay in ay yihiin khuraafaad caqliga iyo nolosha u daran. Nuqulkaas oo isaga loogu magacdarayna waxaa la yiraahdaa ‘Baybalka Jeferson /Jefferson Bible’. Ambedkarna sidaas si le’eg buu ku sameeyey diinta Buudiyadda, oo wuxuu ka xushay intii uu islahaa waxtar baa ku jira ama ugu yaraan aadmiga dhibaato uga imaan mayso, isla markaana wuxuu ku daray waxyaalo uu islahaa muhiim bay u yihiin akhlaaqda, caddaaladda iyo wada-noolaanshaha dadka.

Tusaale ahaan, Ambedkar fikradda dib-u-dhalashada ama dib-u-noolaanshaha geerida kaddib, waxa uu ku macneeyey in ay tahay in atamyada jirkeenna ku jira geerida kaddib ay noole kale galayaan. Sida in dhir ku baxday atamyada iyo dheecaanka qofka dhintay ay xoolo daaqaan ama ay dad cunaan oo ay ku noolaadaan. (Akhristaha danaynaya arrinkaani waxa uu ka eegi karaa buugga Ambedkar ee cinwaankiisu yahay ‘The Buddha And His Dhamma’). 

Ambedkar waxa uu sheegay in diintu bulshada, gaar ahaan bulshada saboolka ah ay u tahay ‘raasumaal dhaqan /cultural capital’, oo aysan ka maarmi karin. Khudbo uu ka jeediyey munaasabaddii uu ku qaatay diinta Buudiyadana waxa uu ku yiri:

“Dabaqadaha sare ee maalqabeenka ahi ma dareemaan baahi ay diin u qabaan. Saraakiisha iyaga ka tirsani waxay ku nool yihiin aqallo aad u waaweyn, waxay leeyihiin dad u adeega, waxay haystaan lacag, hodontinnimo iyo ixtiraam, dadka noocaas ahina diin kama fekeraan ama kama welwelaan. Diintu waxay lamahuraan u tahay saboolka. Diintu waxay lagama-maarmaan u tahay kuwa la cadaadiyo. Dadka saboolka ahi waxay ku nool yihiin rejo. Xididka noloshu wuxuu ku jiraa rejada. Maxaa dhacaya haddii noloshu ay rejo la’aan noqoto? Diintu waxay nagu abuurtaa rejo, saboolka la caddibana waxay u dirtaa farriin ah: Ha cabsanina, noloshu rejo ayay leedahay, wanaag baa danbeeya! Sidaas darteed, dadka saboolka ah iyo kuwa la cabburiyaa diinta ayay ku dhegaan.”

Geed walba in gubtaa waa hoos taal, hodonku shiddo iyo lur la’aan ma aha, oo waxay joogaan adduunyo ma-dhammi ku dhalatay. Laakiin waa hubaal in saboolku ay yihiin kuwa mashaqada iyo hoogga adduunyada badankiisu uu ku dhaco, diimahana ka hela samirsiin iyo niyad dhis.

Sida dhabta ahna, fikradda ku saabsan in saboolka iyo kuwa dhibbani ay yihiin kuwa dadka oo dhan diinta ugu baahida badan, waxaa ku caanbaxay ugaaskii Kaarl Maarkis. Ambedkar oo isku si u akhrin jirey afkaartii Guwaatama Buuda iyo Kaarl Maarkis, marar badanna isbarbardhig ku sameeyey maadaama labaduba ay dagaal kula jireen faqriga iyo dhiigmiirashada, waxay u badan tahay in fikraddaan ku saabsan saboolka iyo diinta uu ka qaatay Kaarl Maarkis. Maarkis waxa uu leeyahay oraahda caanka ah ee uu ku yiri:

“Diintu waa taaha makhluuqa la caddibo, waa wadnaha dunida aan wadnaha lahayn, iyo ruuxda xaaladaha aan ruuxda lahayn. Iyadu waa daroogada dadweynaha /Religion is the sigh of the oppressed creature, the heart of a heartless world, and the soul of soulless conditions. It is the opium of people.”

Waxaana in la xusuusnaado mudan, in sebenkii Kaarl Maarkis daroogada afyuunku ay ahayd daawo loo isticmaalo xanuun-jabiye ahaan, dhakhaatiirtuna si joogto ah ay dadka ugu qori jireen, Kaarl Maarkis qudhiisuna uu xanuunnada isku illowsiin jirey. 

Kaarl Maarkis waxa uu rumaysnaa in abdada diimuhu abuuraan ay dadka dhibban u tahay sida daawo kaar jabiye ah oo muddo lagu moodo. Shakina kuma jiro, in dadka badankiisa aysan nolosha adduunyadu macne u samayseen haddii aysan jiri lahayn rejada diimuhu abuuraan ee ah in ay jirto nolol danbe oo la is xisaabinayo, ruux kastaana janno iyo cadaab uu mid mudan doono.

Run ahaantiina, diinta Buudiyadu bilowgeedii hore waxay ahayd diin aan Alle iyo aakhiro shuqul ku lahayn, ee danaysa nolosha dadka sida in la helo sinnaan, caddaalad iyo xorriyad. Ambedkar isla khudbadii uu ka jeediyey munaasabaddii uu ku qaatay Buudiyadda waxa uu ku yiri:

“Waxaa jira farqi aad u weyn oo u dhexeeya diinta Buudiyadda iyo diimaha kale. Suurogal ma aha in diimaha kale wax laga beddelo, maxaa yeelay diimaha kale waxay isku xiraan Alle iyo aadmiga. Diimaha kale waxay dadka ku wacdiyaan in Eebbe uu dabeecadda abuuray. Eebbe ayaa wax walba abuuray — cirka, hawada, dayaxa, qorraxda, iwm. Eebbe waxaan qabanno noogama uu tegin, oo aan ka ahayn in aan Eebbe caabudno.”

Abwaankii feylasuufka ahaa ee Maxamed Iqbaal oo ay Ambedkar aqoon isu lahaayeen, waxa uu qabay fikrad ka geddisan middaan Ambedkar ee ah in Alle uu wax walba isagu qabtay. Iqbaal gabayadiisa midkood waxa uu ku sheegay in Alle iyo aadmiga uu tartan ka dhexeeyo, shaqaduna ay u qaybsan tahay. Gabaygaas aadmigu isaga oo Alle u sheegaya in uu fannaan fiican yahay, oo uu yahay midka qurxiyey dunidii Alle uumay, ayuu wuxuu leeyahay:

Eebbow adigu habeenka ayaad abuurtay, aniguna laambad baan sameeyey.

Dhoobo ayaad adigu abuurtay, aniguna dhoobadii baan koob ka sameeyey.

Waxaad abuurtay lamadegaan, buuro iyo kaymo,

Aniguna waxaan u beddelay beero khudaar ah, jardiinooyin, iyo beero:

Waa aniga midka dhagxaantii dhalooyin u rogay

Waa aniga midka suntii u beddelay daawo sunta lagula tacaalo.

 

Arrimahaas oo dhan marka laga yimaaddo, Ambedkar diinta Buudiyada waxaa kale oo uu ku doortay in ay tahay diin Hindi allifeen, oo waa laan ka mid ah geedka diimaha Hindiya, bulshada Daalitkana u horseedi mayso hiddo iyo dhaqan guur ku dhaca. 

Ambedkar muddo ayuu baarid ku hayey diinta islaamka iyo Muslimiinta, laakiin ma uusan qaadan. Sababaha u diiday qaadashada diinta islaamkana waxaa ka mid ah saluug uu ka muujiyey shareecada islaamka iyo hab-dhaqanka Muslimiinta.

Ambedkar waxa uu qiray in diinta Islaamku ay Hinduusiyadda kaga fiican tahay xagga kala qoqobka dadka, oo diinta islaamku ma laha wax la mid ah nidaamka dabaqadaha ee diinta Hinduusiyadda, docda kalena islaamka waxaa ku jirta fikradda walaalnimada. Hase ahaatee, walaalnimada islaamku ma ah mid bani’aadamka oo dhammi ay u siman yihiin, balse waa mid muslimiinta u gaar ah. Qodobkaan baana ka mid ah sababaha Ambedkar u diiday qaadashada diinta islaamka. Isaga oo ku dooday inuu doonayo diin dadka oo dhan qaadi karta, oo walaalayn karta. Isaga oo qodobkaan ka hadlayana wuxuu yiri:

“Waxaa la sheegaa in Hinduusiyaddu ay dadka kala fogayso, taa cagsigeedana Islaamku uu dadka isku tolo. Tani waa runta barkeed. Islaamku inta uu dadka isku tolo in le’eg buu kala qaybiyaa. Islaamku waa shirkad xiran, kala qaybinta uu u geysto dadka Muslimiinta ah iyo kuwa aan Muslimiinta ahaynna waa xaqiiqo dhab ah, oo togan, oo aad looga xumaado. Walaalnimada Islaamku ma aha walaalnimo caalami ah oo dadka oo dhan ka dhexaysa. Waa walaaltinnimo Muslimiinta oo keliya ka dhexaysa. Walaaltinnimo waa jirtaa, laakiin waa mid ka dhexaysa xubnaha shirkadda. Kuwa ka baxsan shirkaddu, ma helayaan waxaan ka ahayn quursi iyo cadaawad.”

Dalka Hindiya markii uu madaxbannaanida ka qaatay dowladdii Ingiriiska, xukuumaddii ugu horraysay wasiirka qaanuunka waxaa laga dhigay Dr. Ambedkar oo ahaa nin ka dhashay dadka Daalitka ee la haybsooco. Si taa la mid ah, jeerkii Bakistaan ay ka go’day dalweynaha Hindiya, xukuumaddii ugu horraysay ee Bakistaan yeelato, wasiirka qaanuunka iyo shaqaalaha waxaa loo magacaabay nin u dhashay isla dadka Daalitka oo la oran jirey Jogen Mandal (1904-1968). Hase ahaatee, ninkaas muddo kaddib isaga oo sabool ah ayuu qaxooti ahaan ugu noolaa dalka Hindiya. Sababta arrinkaas keentayna waxaa lagu sheegaa in ay ahayd hayb-sooc isaga iyo dadkiisuba ay kala kulmeen Muslimiinta. Waxaana la sheegaa in Ambedkar oo qaddarin ahaan Hindidu ay ugu yeeraan ‘Baaba-saaxib’, uu hadda yahay qofka Hindiya ugu caansan marka laga yimaaddo Mahatma Gaandi, halka gebi ahaanba la hilmaamay magaca Jogen Mandal. 

Waxaana xusid mudan, in ay jiraan tiro aan yarayn oo ka mid ah dadkaan Daalitka loo yaqaan oo diinta islaamka qaata. Walow la sheego in qaar dadkaas ka mid ahi ay mar kale diinta ka baxaan, iyaga oo ka cabanaya in ay muslimiinta kala kulmaan yasid la mid ah middii ay uga soo tageen diinta Hinduusiyadda.   

Midda kale, Ambedkar waxa uu walaac ka muujiyey mustaqbalka islaamka dalka Hindiya. Walaacaasna waxa uu ku saleeyey labo fikradood oo shareecada islaamka ku jira. Labadaas fikradood oo tan hore ay tahay in dhulka loo qaybiyo dhul islaam /دار الإسلام’ iyo ‘dhul dagaal /دار الحرب’. Tan labaadna ay tahay fikradda jihaadka. Labadaas fikradood oo la isu geeyey, waxay keenaan in Muslimiinta ay ku adkaato in si raaxo iyo qanaaco leh ay ugu noolaadaan dhul aan Muslimiin xukumin. Muslimiintu nolosha degaanka way ku qancayaan haddii ay iyagu xukumaan, laakiin marna kuma qancaan xukunka dadka kale.

Akhristow Muslimiintu ku dhawaad siddeed qarni bay dhulka Hindiya xukumeen, badankoodana waxaa ka dhaadhacsan fikradda tiraahda ‘Islaamkaa sarreeya lagamana sarrayn karo /الإسلام يعلو ولا يعلى عليه’, oo ay ka dhalanayso ‘Muslimkaa sarreeya, lagamana sarrayn karo’. 

Hindida diinta Hinduusiyadda haystaa waxay aamminsan yihiin in iyagu ay yihiin dadka Hindiya ugu tirada badan, dhaqanka iyo diinta dhaladka ah ee Hindidana metala. Si taa ku lid ahna, Muslimiintu waxay qabaan in iyagu ay yihiin ciddii ugu danbaysay ee uu Ilaah la hadlo, taa awgeedna ay iyagu xaq u leeyihiin in ay taliyaan. Gabyaagii Soomaaliyeedna waa kii ku maansooday: “Qab qab dhaafay bay laba qabiil qaran ku waayaane’. Qab qab dhaafaygaas baa Hinduusta iyo Muslimiinta Hindiya muddo dheer la dhibbanaayeen, timaaddadadana la dhibbanaan doonaan, dalka iyo dadkana halakaynaya — Haddii aan Rabbi waddo u bixin.

Dr. Ambedkar waxa uu yiri: Hinduusiyaddu waa diin xun oo haybsooc ku salaysan, laakiin waxaa jira dad Hinduus ah oo og xumaha diintooda ku jira, isla markaana diyaar u ah in ay ka shaqeeyaan sidii xumaantaas wax looga qaban lahaa, oo loo sixi lahaa. Laakiin si taa cagsigeeda ah, Muslimiinta kuma jiraan dad aqbali kara in loo sheego in afkaartooda diinta ay wax ka qaldan yihiin. Muslimku marka uu maqlo diin ayuu afkiisa iyo addinkiisa ilaashadaa. 

Sida la sheegana, markii Mustafa Kamaal Ataaturki uu qabtay talada dalka Turkiga, oo uu qawaaniin iyo hab-dhaqanno cusub ku soo rogay, Ambedkar waxa uu ka mid ahaa waxgaradkii u riyaaqay ee soo dhaweeyey tillaabooyinka uu qaaday. Wuxuuna ku dooday in Ataaturki iyo ragga la midka ahi ay Muslimiinta indhaha u furi doonaan, oo ay bari doonaan sida dunida loogu noolaado. 

Muslimiinta Hindiyana wuxuu ku eedeeyey in wacyigooda siyaasiga ahi uu aad u hooseeyo. Wuxuu sheegay in Muslimiinta Hindiya aysan siyaasadda u arag wax bulshada loogu adeego, balse ay u arkaan wax Alle loogu adeego ama uu qof ku danaysto. Muslimiintu marka ay qof xil siyaasadeed u dooranayaan waxay ka codsadaan in uu masjid dayac tiro ama sijaayad cusub u iibiyo iyo wixii la halmaala. Intaas waxaa soo raaca in qofka xilka loo dooranayo ay shakhsiyaad shaxaadaan. Muslimiintu siyaasigooda kama codsadaan in uu dugsiyo ama xarumo caafimaad, ama waddooyin u dhiso, ama in uu nadaafadda degaankooda wax ka qabto. Muslimiintu xisbiyada siyaasadda si fiican uma galaan, haddii ay ku biiraanna dano shakhsi ah bay ugu biiraan.

Dr. Ambedkar oo si fiican xog ogaal ugu ahaa xafiiltanka adag ee ka dhexeeya Hinduusta iyo Muslimiinta, wuxuu ku baaqi jirey in si xor iyo xalaal ah dalka loo wada yeesho, ama si nabdoon oo la isla oggol yahay lagu kala baxo. Waa in si fiican la isu qabo ama wanaag lagu kala tago (= Akhristow ha illoobin in aragtida Ambedkar ay ahayd waqti hore oo hadda toddobaatan sano laga joogo. Aragtidiisa mowduucaan ku saabsanna meelaha laga heli karo waxaa ka mid ah buuggiisa ‘Pakistan or Partition of India’, oo uu qoray ka hor intii Bakistaan aysan ka go’in Hindiya).

Intaa waxaa dheer, in Ambedkar uu qaadashada diimaha Kirishtaanka iyo Islaamka ku diiday in ay yihiin diimo laga keenay Hindiya bannaankeeda, sidaa darteedna aan xiriir la lahayn dhaxalkii hore ee Hindiya, ruuxda dadka Hindida ahna aan si buuxda uga tarjumi karin. Wuxuuna ku dooday in marka dadka Daalitku ay qaataan diinta Islaamka ay dhuminayaan dhaqamadooda iyo Hindinimadooda, taasina ay dhaawac ku tahay jiritaankooda. 

Diinta Kirishtaanku iyadu liiska diimaha la kala dooranayaba in ay soo gasho ma aha. Maxaa yeelay, ugu yaraan waa diinta gumeystaha Ingiriiska ee ummadda Hindiya oo dhammi ay halganka gobanimadoonka kula jirto.

Docda kale, tan iyo waqti fog waxaa isbarbardhig lagu sameeyaa addoonsigii iyo midabtakoorkii ka jirey qaaradda Ameerika iyo hayb-sooca lagula kaco dadka Daalitka ee loo bixiyey Lama-taabtaanka. Waxaana jira warqado ay isdhaafsadeen halgamaagii Afrikaan-Ameerikaanka ahaa ee W.E.B. Du Bois iyo Ambedkar.

Ambedkar warqad uu u diray Du Bois waxa uu ku yiri: Waxaan darsay mushkiladda dadka madow, waxaana ogaaday in “isu ekaan xoog lihi ay ka dhexayso xaaladda dabaqadda Lama-taabtaanka Hindiya iyo xaaladda dadka madow ee Maraykanka. Sidaa awgeedna, baaridda xaaladda dadka Madoobi ma aha mid dabiici ah oo keliya, balse waa lamahuraan.”

Warqad jawaab ah oo Du Bois u diray Ambedkar oo ku taariikhaysan Juulay 31, 1946, wuxuu Ambedkar u sheegay in uu marar badan maqlay magaciisa iyo waxqabadkiisa, iyo in uu “si weyn u la tacaadufo Lama-taabtaanka Hindiya /every sympathy with the Untouchables of India.” 

Halgamaagii madoobaa ee Martin Luther, isna waxa uu ka warramay in mar uu Hindiya tagay, uuna booqday dugsi, maamulihii dugsigu uu dadka ku baray in uu yahay ‘Lama-taabtaanka Maraykanka /a fellow untouchable from the United States of America’. Luther siduu sheegay, bilowgii hore erayga waa uu dhibsaday, waana ka naxay in lagu sheego in uu yahay lama-taabtaan, laakiin markii loo sharraxay macnaha eraygu Hindida u leeyahay, iyo duruufaha ay ku nool yihiin lama-taabtaanka Hindiya, wuu ku qancay in labada xaaladood — ee Hindiya iyo Maraykanku — ay isu egyihiin.

Sannadkii 1972diina, koox abwaanno, aqoonyahanno iyo farshaxan isugu jira oo ka tirsan dabaqadda Daalitka ayaa waxay sameeyeen urur ay u bixiyeen ‘Haramcadka Daalitka /the Dalit Panthers’, iyaga oo ka shidaal qaadanaya dhallinyaradii Madowga Maraykanka ee sameeyey dhaqdhaqaaqii lagu magacaabi jirey ‘Haramcadka Madow /the Black Panther’. Aasaasayaasha ururka ‘Haramcadka Daalitka’, oo isku xiraya ururkooda iyo ururkii Maraykankuna waxay yiraahdeen: “Haramcadka Madoobi wuxuu dhalay Awood Madow. Waxaan sheeganaynaa xiriir aan halgankaas la wadaagno.”

Dadka suugaanta iyo sheekooyinka xiiseeyaana marar badan waxay isku xiraan, oo isku mowduuc ka dhigaan sheekada ‘Lama-taabtaan /Untouchable’ ee qoraagii Hindiga ahaa ee Mulk Raj Anand uu sannadkii 1935, ka qoray xaaladda dadka Daalitka ee Hindiya, iyo sheekada “Nin Aan Loo Jeedin /Invisible Man”, ee qoraagii Afrikaan-Ameerikaanka ahaa ee Ralph Ellison uu dabshidkii 1953 ka qoray duruufaha dadka madow ee dalka Maraykanka.

Ugu danbayntii su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay: Waa maxay sababta Ferederik Niitje oo aan lagu aqoon in uu cid iska ammaano, uu xeerka Maanu ammaanta ugala dul dhacay?

Weydiintaan waxaa looga jawaabaa dhawr arrimood oo kan ugu mudani uu yahay in Niitje uusan akhrin xeerka Maanu ee saxda ah, balse uu arkay nuqul kooban oo si qaldan loo tarjumay. Waxa uu ahaa nuqul qaab xulasho ah wax looga soo qaatay xeerka Maanu, dabadeedna la siiyey magaca ‘Xeerka Maanu’, arrinkaas oo dad badan — oo Niitje uu ka mid yahay — fahan xumo iyo marinhabaabin u horseeday.

Niitje Maanu iyo xeerkiisa wuxuu ka dhigtay ul uu la dhaco diinta Kirishtaanka, oo uu ku tilmaamay in ay ka dhigan tahay “qiyamka Shandalaha oo guulaystay, … aargoosiga Shandalaha oo loo bixiyey diinta jacaylka.”

Erayga Shaandala ama Jaandala [=Chandala], waa magac loogu yeero dadka ka shaqeeya gubidda dadka dhintay. Shaqadaanna dalka Hindiya waxaa qabta dabaqadda loo yaqaan Lama-taabtaanka ee la yaso. Niitjana marar badan magacaan ‘Shaandala’ wuxuu ugu yeeraa diinta Masiixiga iyo dadka haysta, isaga oo doonaya in uu ku eedeeyo liidasho iyo munaafaqnimo.

Isku soo xooriyoo, Niitje iyo Ambedkar waa ku kala aragti duwanaayeen ‘xeerka Maanu’, laakiin waxay wadaageen in labaduba ahaayeen dhakhaatiir maahiriin ah oo bukaanka aan uga turin middida malaxda dillaacisa, si bukaanku u bogsado. Niitje wuxuu aad u dhaliili jirey diinta Masiixiga ee dadkiisu ay haystaan, isla tabtaas oo kalena Ambedkar isna waxa uu weerari jirey diinta Hinduusiyadda ee dadkiisa hoogga u horseedday. Ayaan Xirsi iyo inteenna kale oo dhanna, waxaa nala gudboon in ka hor inta aynaan wax iska calman aan qummaati isaga shaandhayno sheyga aan calmanayno. 

 

Du Bois to B. R. Ambedkar ...  

Qoraallada kale ee qoraaga

Feker

Culumada Caadada iyo Nifaaska

Aragti

Qabiil iyo Qabyaalad: Qori iyo Qaaciis