Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Dhaqan

Elayna Seleke iyo aqoonta xerudhallanka ah

20 July, 2024
Image
Elleni Zeleke
Elleni Zeleke
Share
Elayna Sentami Seleke waxa ay ahayd aqoonyahanad Itoobbiyaan ah, taas oo buuggeeda “Ethiopia in Theory”, innagu cariyay in aynu dib u qiimayno sida aan uga fekerno aqoon-dhalinta iyada oo tusaale u soo qaadanaysa dhaqdhaqaaqii ardaydii Itoobiyaanka ahaa.

Horaanti Julaay 2024 waxa ka baxay akaadiimiyaha Afrika mid ka mid ah cilmibaadhayaashii ugu cadcadaa tobankii sanno ee u danbeeyay, Elayna Sentami Saleke. Waxa ay kaaliye bare-sare ka ahayd daraasaadka Afrika ee jaamacada Kolombiya oo ku taal Maraykanka. Laamaha cilmibaadhista ee ay Elayna xiisayn jirtay waxa ka mid ah siyaasadda Geeska Afrika, aragtida naqdiga (critical theory), Frankfurt School, fekerka siyaasadeed ee Afrika iyo taariikhda hantigoosiga. Waxa ay ku soo caanbaxday buuggeeda muhiimka ah Ethiopia in Theory (2020), kaas oo ku kaliyaystay sida qotodadheer ee ay ugu kuurgashay dhaqdhaqaaqii ardayda dalkeeda, waxa ay cilmibaadhisteedu ka kor martay laba cilmibaadhis oo waaweyn oo isla mawduucan laga sameeyay horteed (waxa labada cilmibaadhis ee kale sameeyay Randi Balsvik (1985) iyo Bahru Zewde (2014).

Elayna waxa ay adeegsatay aragtida Maarkisiyada maadaama oo ay u aragtay in uu yahay habka ugu dhaw ee lagu qaabayn karo laguna dhuuxi karo fekradaha hogaanka dhaqdhaqaaqii ardayda, taas oo uu ka dhashay waxa ay ku magacawday aqoon-dhalinta, si fahan buuxa looga qaato maadinnimada taariikhda, fahankaas oo ka geddisan kay haysteen dhallinyartii horkacaysay kacaanka ardaydu. Fasiraadan “Itoobbiyaanka” ah ee Maarkasiyadu waa mid ka leexsan dhabbihii qoorweynta Itoobbiya ee ilaa qarnigii 19-aad sidiisa u soo qaadan jiray qaababka aqoon-dhalineed ee reer galbeedka, oo ay Maarkisiyadu qayb ka tahay, iyagoo uga gol leh in ay fahmaan dibudhacsanaanta bulshadooda iyo dabcigooda kacaandiidnimo. Arrimihii ay ka hadleen dhaqdhaqaaqa ardayda  Itoobbiyaanku tan iyo 1960-nadii sida: mulkiyada dhulka, qawmiyadaha, iyo macnaha dimuqraadiyadu waa arrimo ilaa hadda xaajo loo la’ yahay oo ka taagan Itoobbiya, siiba kolka la millicsado dagaalkii sokeeye ee dhawaan ka dhacay gobolka Tigreega iyo kuwa gobolada kale ka taagan ba. Kartida Elayna ee in ay hawgaliso cilmiga laamaha aqoonta ee kala duwan, iyo xirfadeed xog ururinta, lafagurka iyo soo bandhigidu waa mid jaadgooni ah, oo ka dhigaysa cilmibaadhayaasha la ayniga ah ta ugu saamaynta badan.

‘Ethiopia in Theory’ waa buug ku salaysan cilmibaadhis waqtidheer soo taxnayd

Fahanka buugga Elayna ee “Ethiopia in theory” lagama sooci karo qoraaladeeda kale. Waa xeeldheere takhasuskeedu yahay taariikhda feker siyaasadeed iyo ka bulsheed, taas oo cilmibaadhisteeda diirada ku saarta fekerka siyaasadeed ee Afrika iyo Maarkisiyada dunida saddexaad. Buuggu waxa uu aad ula xidhiidhaa cilmibaadhisaha kale ee qotodadheer ee ay Elayna madallaha akaademig ee kala duwan ku baahiso. Tusaal ahaan, wax ay faafisay cilmibaadhis muhiim ah oo ku saabsan Adis Ababa (2020), taas oo ay ugu kuurgashay siyaalaha fekradaha qoorweynta dalku soo ergisteen u dooriyeen magaalada. Talis walba oo xukunka qabtaa waxa uu ka buuxiyaa magaalada summado cusub iyo taallooyin si ay ugu suntaan caasimada xukunkooda.

Elayna sidoo kale waxa ay leedahay maqaal kale oo ay ku naqdinayso qoorweynta Itoobbiya iyo murugsanaanta dedaaladooda horumarineed ee tan iyo dabayaaqadii qarnigii 19-aad, iyadoo qaar ka mid ah u samaynaysa dareen fahan. Waana qodob ay buugga si teelteel ah ugu soo qaadatay, gaar ahaan cutubka saddexaad.

2016-kii Elayna waxa ay soo bandhigtay cilmibaadhis mayaladag oo ay ku samaysay fahanbixinnada cilmiga bulshada iyo suurtagalnimada in ay noqon karaan kuwo dhexdhexaadiya khilaafaadka bulshada oo dhexdhexaad ah, waxa ay sidoo kale ku xidhay fahanbixinnadan dhaqdhaqaaqii ardayda Itoobbiyaanka ee 1960-kii iyo 1970-kii. Cilmibaadhistan oo kulansatay illo xog oo kala duwan, sida daabacaado, maqaalo saxafi ah, iyo warbixin ku saabsan kormeerkii doorshaooyinkii federaalka Itoobbiya ee 2005-tii, waxaa si qotodheer loogu lafaguray saamaynta doorashooyinkaas (oo ay qayb ka tahay sida ay u arkaan xisbiyadda kala gedisan, arrimaha waaweyn ee Itoobbiya ka taagnaa sida: gaar u yeelashada dhulka, maamulka maaliyadda, iyo xaqa gooni isu taaga qawmiyadaha), 

Iyadoon loo aabboyeelayn dedaalada xukuumadu ku rabtay in ay u sawirto doorashooyinka in ay yihiin kaliya arrin farsamo. Cilmibaadhistanina waxa ay noqotay cutubka afraad ee buugga Ethiopian in Theory, taas oo ku tusinaysa in uu yahay mashruuc si fiican loo qorsheeyay oo soo taxnaa ilaa muddo toban sanno ah.

Waxa intaas dheer, waxa ay cutubyada hore ku soo qaadatay hordhac guud oo ku saabsan fekradaheeda kyu aadan haybta dawlada iyo kacdoonada taariikheed ee ay sababeen xaalladaha goboleed iyo kuwa caalamiga ah ee isdaba taxan. Elayna waxaa dhalay laba waalid oo Amxaaro ah oo Goondar ka soo jeeda, Goondar waxa ay ahayd saldhiga awoodda ee taariikhda casriga ah ee Itoobbiya. waxa sidoo kale ku dhigan sida ay u canbaaraysay cunfiga iyo xoogagga dib u socodka ah ee dib dhigay bulshada Itoobbiyaanka, taas oo cadaynaysa in Elayna ay ka go’an tahay waxa ay ugu yeedhay “dib uga fekerida taariikhda kacdoonka Itoobbiya”. Sida ay qabto, taariikhda kacdoonku ma aha mid suushay, waa mid raadkeedu ilaa hadda ka sii muuqdo siyaasadda Itoobbiya. Sababtaa daraadeed in dib looga fekero waqtigaas waa mid leh muhiimad taariikheed iyo mid joogtada ah ba.

Arrintan ayay ku xidhaysaa kacaankii bidixda ee caalamiga ahaa iyo qodobbada la tacaluqa xidhiidhsanaanta taariikhda “historical contiguity”. Iyadoo ka duulaysaa qodobkaa hore, waxa ay ku qeexday muddadii u dhaxaysay 1965-kii iyo 1969-kii muddo la kala jaray hawlihii tawriga ahaa ee si dhamaystiran laysaga xoraynayay xukunka Boqor Xayle Selaase, iyadoon loo eegayn, kacaankaas wixii ka dhashay, iyo afduubkii ka danbeeyay ee midhii kacaanka ku afduubteen milatarigii aan u qalmayn ee bilaa aydhiyoolajiyada ahaa.

Ethiopia in Theory: Waa mashruuc xerudhalan ka dhigaya aqoon-dhalinta

Buugga Elayna ee ‘Ethiopia in Theory’ waa mid jaadgooni ah oo u qalma tilmaanta in uu mashruuc yahay; waa mid kulansaday saddex xagal baadhiseed – mid falsafadeed, mid taariikheed iyo xagal Antaraboolaji (anthropological) - taas oo lagu ladhay daraasayn loogu kuurgalay Itoobbiya gudaheeda iyo fahan xeeldheer oo ay ka haysato asalka ku sidkan taariikhda caalamiga ah ee dhaqdhaqaaqyada la midka ah dhaqdhaqaaqii ardada Itoobbiyaanka ah ee soo taxnaa tan iyo 1960-nadii.

Buuggu waxa uu u qaybsan yahay laba qaybood. Qaybta koowaad cinwaankeedu waa: Aqoon-dhalinta iyo isbeddelka bulsheed ee Itoobbiyadii Tawriga ahayd, qaybtani waxa ay ka kooban tahay cutubyada 1 ilaa 5. Qaybta labaadna cinwaankeedu waa: Aragtidu (theory) waa xasuus: maxaa ka qaldan cilmiga bulshada Afrika, waa qayb soo bandhigaysa cilmibaadhis qotodheer oo ku taamaysa in ay samayso aragti ku wajahan aqoon-dhalinta Afrikaanka taas oo lagu salaynayo dhaqdhaqaaqii ardaydii Itoobbiyaanka ahaa. Qaybtan waxa ay baadhisteeda u adeegsanaysaa aragtida naqdiga ee Maarkisiyada iyo aragtiyaha manhajka Franfurt (Franfurt School), iyadoo la barbardhigayo aragtida tijaabogalka (Empiricism: aragtida aaminsan in aqoontu ku salaysan tahay khibrada aynu ka soo dhiraandhirinno dareenadeena) iyo mawduucinimada (objectivity). Elayna si ulakac ah ayay cilmibaadhista dhexdhexaadka ah uga horumarisay aydhiyoolajiyada, iyadoo u gol leh in ay fahanto qodobbada go’aamiyaha ah ee saamaynayay dhaqdhaqaaqa ardayda kuwaas oo ku imanayay agabka aqooneed ee uu degsaday dhaqdhaqaaqa laftiisu, sida ku xusan hordhaca buugga. 

Qaybta koowaad waxa ay la tacaluqdaa aqoon-dhalinta iyo isbeddelka bulsheed ee Itoobbiya, waxa ayna ka kooban tahay shan cutub oo xidhiidhsan, kuwaas oo ka bilaabmaya cutub baadigoobaya manhaj kale oo lagu daraasayn karo kacaankii Itoobbiya. Cutubkan waxa ay ku ladhaysaa waayo aragnimadeeda shaqsiga ah, waxa ay Itoobbiya ka tagtay iyadoo yar dhamaadkii 1970-dii, waxa ay ku barbaartay Kanada, Guyaana iyo Baarbadoos, muddo dheer ayay hadba caasimad u wareegaysay oo ay Addis Ababi qayb ka tahay. Cutubka labaad wuxuu dib uga fekerayaa taariikhda kacaankii Itoobbiya iyadoo Elayna ku eegaysa aragtida naqdiga ee Maarkisiyada. Waxa ay ka dheeraatay fahanka diiwaanada reer Yurub ee taariikhda Itoobbiya ee qarnigii 20-aad, oo waxa ay adegsatay dhigaalada Kiniisada Ortodhoska ee Itoobbiya, diiwaanada qoyska boqortooyada iyo diiwaanada mulkiyada dhulka ee Kiniisadaha yaala (kuwaas oo badanaa ku qoran Giis (Ge’ez) iyo afka Amxaarada). Waxa ay sidoo kale ka fogaatay taariikhda ay waqtigaa ka soo tebisay dawladda Itoobbiya, waxa ayna kaashatay illaha aan rasmiga ahayn ee isku dayay in ay dhexdhexaadnimada ku sugaan sida looga sheekeeyo taariikhda Itoobbiya, gaar ahaan marka ay timaaddo sida looga warramo dadka taariikh ahaan la faquuqi jiray tan iyo qarnigii 19-naad.

Cutubka saddexaad waxa uu dhex mushaaxayaa dhigaalada dhaqdhaqaaqii ardayda Itoobbiyaanka ah, waxaana uu isku dayayaa in uu ka meelooyo cilmiga bulshada, gaar ahaan dhigaaladay soosaareen tobankii sanno ee u dhexeeyay 1964-1974, iyadoo u akhrinaysa in ay yihiin isha asliga ah ee ka warramaysa taariikhda dhaqdhaqaaqan, waxa ay tani qayb ka tahay msharuuceeda weyn ee Afrikaamaynta aqoon-dhalinta, siiba waaqaca Itoobbiya kolka ay joogto. Elayna waxa ay soo bandhigtay fahan xeeldheer oo ku saabsan kobaca dhaqdhaqaaqa ardayda, kaas oo ku salaysan dhawr dhigaaladooda ka mid ah, sida dhigaalka ka waramaya caqabadaha dhaqdhaqaaqa haysta, oo ay si qotodheer u lafagurtay.  cutubka afraad, sidaan hore u xusnay, waxa uu ku salaysan yahay cilmibadhis ay hore u qabatay. Halka ka shanaad oo kan u danbeeyana qaybta koowaad ahi ku cinwaansan yahay: kacaanka taban: noloshu caynka ay tahay doorashooyinkii 2005-tii ka dib, waxa ay ugu kuurgalaysaa saamayntii ka dhalatay doorashooyinkii 2005-tii iyo khilaafkii u dhexeeyay bulshada madaniga ah iyo dawladda Itoobbiya ee daarnaa qorshayaasha balaadhinta magaalada Addis Ababa, dibad baxyadii ka dhashay arrintaas, sida ay ugu adeegsadeen qoorweyn xisbiga OPDO in ay awoodda ku gacan dhigaan, iyo siyaasadoodda horumarineed ee kor ka imanaysa ee Niyoolibaraalka ah ee uu hogaaminayo Abiy Axmed.

Isku ladhka aragtida iyo sooyaalka shakhsiga ah 

Dedaalka Elayna waxa uu qayb ka yahay dedaalka guud ee isku dayaya in uu ka furfuro taariikhda Afrika, sawirashada reer Yurubiyaanka ee taariikhdan. Dedaaladan waxa kaloo qayb ka ah cilmibaadhista hormuudka ah ee barafooser Teshaale Tibebu ee ku saabsan Hegel iyo dunida saddexaad, taas oo uu qayb ka mid ku soo qaatay dhaayalektikada dabeecada iyo ruuxda. Qaybta labaad ee buuggeeda, Elayna waxa ay ku soo qaadanaysaa cutub dheer oo ilaa 60 bog ah, kaas oo ay kaga waramayso yoolkeeda ah in ay ku xidho aragtida, waaqaca maxaliga ah, cinwaanka cutubku waa; Maxaa ka qaldan cilmiga bulshada Afrika. Waxa ay rabtaa in ay raadraacdo caqabadaha haysta cilmiga bulshada ee Afrika, waxa ay dib u qiimayn iyo dib uga feker ku samaynaysaa marxaladaha u gudbista hantigoosiga, waxa ay sidoo kale falanqaynaysaa fekrada “aqoon-dhalinta” ee Afrika, iyadoo u aragta in uu saldhig u yahay Afrika horumarkeeda. Elayna sidoo kale waxa ay rabtaa in ay sees dhigto “aragti daarran horumarka dadka,” ka dib kolka ay falanqayso aragtiyaha Kaaral Maarkis iyo Firedirik Hegel. Gunaanadka cutubka waxa ay ku sheegaysaa; “nolosha aadanuhu waa nolol taariikheed oo u guranaysa naqdinta aqoonta,” waa weedh hoosta ka xariiqaysa muhiimada ay leedahay in bulshadu naqdido taariikhdeeda oo ayna u qaadan muqadas si loogu meel baneeyo in uu isbeddel dhaco.

Sidaa daraadeed, waxaa la odhan karaa in dedaalka Elayna ee Afrikaamaynta aqoon-dhalintu tahay mid ku salaysan agab iyo manaahij cilmi ah, iyo waa ta u muhiimsane sooyaal taariikheed oo ku dhigan diiwaano kala duwan – oo aan kaliya ahayn aragtiyo male-abuur ah (abstract). Waxa ay ku dabaqaday manhajkan soo bandhigideeda “kacdoonka Itoobbiya,” oo dhaqdhaqaaqa ardaydu u yahay udub dhexaad. Doodda ay soo hor dhigayso akhristayaasheeda kala gedisan kaliya ma aha muhiimada ay leedahay maxaliyaynta/deeaamaynta aqoon-dhalintu, manhajkeedu waxa uu sidoo kale baraarujinayaa in aynu aqoonsano casharada aynu ka baran karno Itoobbiya iyo guud ahaan Afrika kolka ay timaaddo ka fekerka isbeddelka bulshada iyo horumarka caalamiga ah ee taariikhda dunida.