Skip to main content

Monday 16 September 2024

Buug

Nolol baa la aasay

20 June, 2024
Image
Goodbye Shingani
Share
Dagaalka Sokeeye ee Soomaaliyi weli ma dhammaan, waxna laga ma baran. Weli wax naf leh laga ma qorin/kaydin. Buug kale iyo baal kale oo uu Dr. Camuudi inoo dhiteeyay ayaa taas inagu sii baraarujinaya.

Kolkii kelitalisku dumayay, dabayaaqadii 1980nadii ilaa horraantii 1990nadii, waxa Soomaaliya ku soo batay dhaqan-siyaasadeed huursanaa ama cusbaa. Jabhadaha iyo waxa markii danbe magaca ‘mooryaan/dayday’ ku caanbaxay ayay iska hor yimaaddeen askartii dalka oo markan ah ilaaladii kelitaliska. Dabadeed waxa dhacay wax kasta oo aan la sawiran karin. Meydka ayaa caasimaddii dalka u wadhnaa sida raashin gaadhigii siday la geddoomay, sida uu inoo sawiray Kalahaadkii Muqdisho. Afartii bilood ee u dhexeeyay Nofeembar 1991 ilaa Febraayo 1992, Xamar oo keli ah dadka lagu waxyeelay waxa lagu qiyaasay 41,000 (oo 14,000 ka mid ahi dhimasho noqdeen). 

In kasta oo aanay badnayn, haddana iskuddayada lagu rabo in dagaalkaa iyo wejiyadiisa lagu waariyo si faca danbe ugu baraarugo dabadeed wax uga barto, waxa ilaa hadda xoogga lagu saari jiray waxyeelladii soo gaadhay (ama ay isa soo gaadhsiiyeen) kooxaha ku kala abtirsada qabiillada lagu sheego kuwo ‘waaweyn’ oo u badan xoolaraacatadii awelba hubaysnayd ama ay u fududayd in ay qalabka qaadato waxna disho iyadana wax la yeelo. Laakiin waa dhif iyo naadir in aad hesho ama aragto cid ka qisoonaysa khasaaruhu sida uu ku ahaa beelihii aan ‘dhiigyacabka’ ahayn ee Soomaalida; waa bulshada qaybaheeda markii danbe lagu naanaysay, iyada oo la is leeyahay dacaayadeeya balse sida dhabta ah ilbaxnimadooda loo qirayo, ‘beelaha aan hubaysnayn.’ 

Tusaale ahaan, macaluushii Baydhabo ee dadsameega ahayd horraantii 1990nadii waxa ku nafwaayay, inta la masanuunshay, saddex meeloodow meel ka mid ah dadweynihii magaalada, oo inta la go’doomiyay la caydheeyay. Kolkii kelitaliyaha magaalada laga saaray, geeljirayaashii “halgamayaasha” ahaa waxay iyaga oo qaylinaya qoryo caqligooda ka culusna ku jeeniqaaran ku soo dhex dhaceen dadkii nabdoonaa ee Reer Xamarka ahaa. Sida uu Dr. Maxamed Aadan Sheekh buuggiisa Waa Inoo Muqdisho ku xusayo (bogga 45), waxa dadkan oo jabhaddii USC taabacsan hagaysay sheeka-baraley senen ah oo sheegaysa in reer Xamarku ay guryahooda jusuurrada ah ku dhex kaydsadaan macdan iyo hanti qaali ah; dabadeed dableydii waxay gaar u beegsadeen aqalladaas waxayna xaqlayaashii ku qasbeen in ay “soo saaraan” kaydka qaaliga ah ee u dahan.

Waayaha caynkaas ah ayuu Dr Saalax Camuudi ka sheekaynayaa marka aynu la akhriyayno xasuusqorkiisa kooban ee Goodbye Shingani: Diary of a Doctor on the Run. Dakhtar qalliin oo la majeerto ayuu ahaa Dr Saalax, wuxuuna dalkiisa si niyadsami leh ugu adeegayay tan iyo intii ka danbaysay 1970 oo uu shahaadada qalliinka ka qaatay Jaamacadda La Sapienza ee Rooma. Takhasus gun dheer oo isla qalliinka ah ayuu jaamacaddaas lafteeda ku sii sameeyay kolkii uu toddobo sannadood waddanka ka sii shaqaynayay. Ka dibna wuxuu wax ka dhisay isla kolkaana hoggaankeeda ka mid noqday kulliyaddii caafimaadka ee Jaamacadda Umadda. Xilligan la jabayay, digtoorku wuxuu ahaa Madaxa Qaybta Qalliinka ee Cisbitaalka Weyn ee Muqdisho oo uu xilkeeda hayay 1983–1990. Sheekadiisa waxa xallad iyo xanuun is huwan u yeelaya in uu labo dagaal oo sokeeye ku dhex shaqayn kari waayay kuna jujuubmay in uu labo goor qaxo.

Sagaashannadii wuxuu isaga oo dhuumanaya macasalaameeyay degmadiisii, degelkii uu qoyskiisu asaaskeeda iyo koboceedaba wax ku lahaa, ee Shangaani. Ka dibna wuxuu afka saaray Yaman, gaar ahaan Xadramood, oo asal ahaan dadkiisa loogu xidhiidhiyo in ay boqollaal sannadood ka hor ka soo hayaameen. Halkanna waxa uu ka noqday intii uu Xamar ka ahaa iyo ka badanba. Waxa dhakhtar qalliin ahaan looga diiwaangeliyay Qaybta Qalliinka ee Cisbitaalka Ibnu Siinaa ee magaalada Mukalla ee caasimadda u ah gobolka Xadmarood. Sannadihii 1997 ilaa 2006 ayuuna ka ahaa Madaxa Qaybta Qalliinka ee cisbitaalkaas. Iyada oo noloshu san tahay, ayuu mar kale dalkiisan labaadna dagaal sokeeye oo darani ka hillaacay 2015, taas oo mar kale digtoorkii firxadka ahaa ku xukuntay in uu lafihiisa la cararo, fadalkiina uu galo Yurub oo uu hadda ka deggan yahay Ingiriiska.

Degmo Nabadeed

Meeshuba haddii ay “degmo” tahay, waxa ku lammaan xasil iyo beelnimo. Erayga Soomaaliga ah ee beel waxa laga siibay macnihii qummanaa ee uu lahaa oo u dhigma kan qalaad ee community/comunità/ مجتمع. Waxa lagu khaldaa kelmadda “qabiil/qolo” oo leh macne abtirsi, halka beeshu tahay dad meel (degmo) wada yaal oo aanay daruuri ahayn in ay abtirsi wadaagaan, ayna ku dhaboobayso maahmaahda oodi ab ka dhow. (Xasuuso eraygani meelaha uu ku sii hadhay magaalnimadu waa Beesha Caalamka, iyo miyiga oo weli aad ku maqlaysid ‘beeshu halkaas bay taallaa’ iyada oo aan lagu khaldayn tolku halka uu yaallo). Qaamuuska Keenadiid haddii aynu la kaashanno, beel waxa uu ku qeexay: Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro. Sida oo kale, Af Soomaali ahaan, erayga beel waxa uu leeyahay macne kaas hore ku sidkan oo ah cid inta ay soo duushay qolo kale xoog ku qabsatay (waa la beelaystay, ayaa la dhahaa). Ujeeddadan danbe waxa laga dhadhansan karaa in beelaysigaasi ku suuragalay xaqiiqada ah in marka horaba beeshu aanay isku qolo ahayn oo ay jaabajaabo ahayd, taas oo saacidaysa in ay cid ku duusho oo beelaysato haddii ay damacdo (waa erayga u dhigma midka gadaal laga dhisay ee gumaysi). Beelnimadu marka ay wada-ool tahay, waa u maamuus cidda ku sifawda; kolka se ay duullaan iyo abbaansasho noqoto, kolley waa shar.

Haddaba, Shangaani waxay ahayd degmo uu si kasta ugu soo baxayo macnaha kowaad ee erayga beel. Iyada iyo degmada Xamar-weyne waxay kumannaan sannadood ahaayeen Muqdishadii qadiimka ahayd ee ilbaxa ahayd aadkana u nabdoonayd. Waxa uu Dr. Camuudi ka qisoonayaa sida ay wax aan la suuraysan karin qoysaskooda ula ahayd in cidi qoryo iyo hub kale iska soo gadato ka dibna meel ku rabaalsato; caqliyadda “dagaal-u-joogga” iyo “dagaaloogannimadu” ma ahayn mid ku laxaamadsan maanka qofka reer Xamarka ah. Hoogguna waxa uu bilaabmay kolkii “waranlaha” talada loo dhiibay ee dadkii nabadda iyo dawladnimada u bislaa “raciyad” ahaan loola dhaqmay.

Dadweynaha jiilasha badan ku dhaqnaa degmooyinka Shangaani, Xamar-weyne, Shibis (oo hore loo dhihi jiray Fillaajo Carab—degmo Carbeed), Cabdulcasiis (oo hore loogu yaqaannay Kaamba Amxaaro, maaddaama waagii dagaalka Talyaaniga iyo Xabashida ay halkani ahayd meel maxaabiista Itoobbiyaanka ah lagu soo xidhxidho), Waaberi iyo Boondheere ayaa la isku dhahaa Reer Xamar. U fiirso, magaca ay qaateen ee u qaabaysmay waa reer meel ee ma aha reer oday. Dhaqankaa beelnimadu waxa uu ka hanaqaadi karey magaalooyinkii dhismay dabayaaqadii isticmaarka caddaanka ee xoolaraacatadu u badnayd, balse dagaalka sokeeye iyo qodobbo la halmaala ayaa saqiiriyay. (Bilmetel, Hargeysa waad ku arkaysaa fac da’ weyn oo isku qeexaya Ciyaal Xaafad—sida Ciyaal Shidhka, ama Ciyaal Dumbuluq—taas oo muujinaysa dhaqan magaalnimo oo abuurmayay laakiin hadda isu rogay daydaynimo—iminka ciyaal-xaafadnimadu waxay Hargeysa la macne tahay budhcadnimo, taas oo lafteedu ah astaan magaalannimada lala xidhiidhin karo).

Dadkii nabdoonaa ee uu Dr. Saalax ka mid ahaa, umaddana u adeegayay, waxa lagu dirqiyay in ay qaxaan. Sida uu u cabbirayo (bogga 17), “Waxa lagu riixay in ay ka dareeraan magaaladii billayd ee Xamar, wax kasta oo ka yaallayna ay ka dhaqaaqaan, oo ay uga yimaaddaan dabley aan arxan iyo ixtiraam midna lahayn.” Dad iska degganaa ayaa is arkay iyaga oo mar keli ah u baahday in ay “raadiyaan cid ay is xigaan oo ay isku abtirsi yihiin oo magaalada ama dalka meel kale ka deggan, haddii kalana dalka debaddiisa.” Jabka uu ka sheekaynayaa waa mid isku mar leh weji nafsadeed, jidheed, dhaqaale iyo ku siyaasadeed. Waxa qofkii reer Xamarka ahaa ee kumannaanka sannadood aan yeelan baahida qabiilnimo ayaa mar keli ah lagu qallaxay in uu baadiddoon galo oo helo cid uu ku baxsado oo ay “qaraabo” yihiin. Ooddii abka ka dhawayd ayaa qodxo miidhan ku noqotay, dabadeed wuxuu markii kowaad ee noloshiisa yaqiinsaday in ood kaa fogi kolkan oo kale “ku dhaxan tiri karto.”

Kolka la wada deggan yahay, ee dad kala isir ah oo kala dhaqan-hoosaad ah oo kala faldhaqan ahi ay beel isku yihiin; kolka “cid kasta ay ku beeran tahay tixgelinta qayrkeed,” ayay suuragashaa in la wada noolaado oo la wada tanaado, sida uu Dr. Saalax inagu baraarujinayo (bogga 18). Mar se haddii “anaa mudan anaa magac ku dheer, lay hor mari maayo” lagu dhaqmo, sidii uu Faarax Nuur ka digay, waxa dhalata kelitalisnimo shakhsiyadeed ama qabiileed. Afgenbigii askartana waxa ka aaye xun inqilaabka xoolaraacatadu ku mijaxaabisay noloshii samayd ee qoysas badan oo reer Camuudi ka mid yihiin.

Waxaan qabaa in qodob weyn uu Dr. Saalax inoo ifinayo marka uu ka digayo (bogga 18) halista ka iman karta haddii qabiilladu ay ka gudbaan xayndaabka ah in ay yihiin magac lagu abtirsado oo shaqo bulsheed haya, ayna noqdaan qalab la siyaasadeeyo, la ciidameeyo, la isuguna dawladeeyo.

Firxad

Iyada oo xabbadaha iyo xinkuba magaalada ka dhacayaan oo la isu nacay, ayuu digtoorku helayaa warka ah qof u baahan aqoontiisa iyo adeeggiisa caafimaad. Kolkaas buu Cisbitaalka Weyn lug ku tegayaa kagana soo noqonayaa marka uu hawshii soo qabto ee uu badbaadiyo naf aanu garanayn oo ay toogatay naf kale oo aan qudheedu garanayn laakiin, tabta “reerguurayraaca,” loo kala sheekeeyay. Awoodda garasha-la’aantu waa labo af: Mar waxay keentaa in ay qofka la sahlanaato in uu cid aanu aqoon dilo ama halaag u rejeeyo (geeriduba nin aanad garanayn bay ku wacan tahay, bay dhahaan), kolna in uu u gurmado maaddaama uu yahay qof. Xaaladda hore si aad ugu sifaysnaatid, waxaad u baahan tahay in aad lumiso qayb yar oo kaa mid ah oo damiir la dhaho; ta danbe si aad ugu tilmaannaatidna, waxa kaa xiga—tabta Dr. Saalax—in aad leedahay abab iyo dhaqan qummiyay damiirkaaga iyo garaadkaaga.

Isutudhiddii iyo is’ahaanshahii ayaa noqday dhibbanayaasha ugu daran ee dagaalka sokeeye. Taas baa keentay in digtoorku uu ka tago wax kasta oo uu uga dhignaa hoygiisii iyo haybtiisii reer-xamarnimada, oo uu dharaartii bisha Maarso toddobo ahayd, 1992, ka googoosto dal uu jeclaa iyo degmo qaabaysay, isaga oo aan hagaag u garanayn sababta loo bursanayo iyo waxa uu bi’iyay, hoostana ka leh: “Bal salaan u celi meydka / sababtuu u go’ay raadi.”

Qoraallada kale ee qoraaga

Masrax

Fan Kale

Feker

Waxtarka Baryada

Waraysi

Sida socodku siyaasad u yahay