Thursday 21 November 2024
Waxa Af Soomaali u turjumay Maxamed Buux.
Nuuradiin Faarax noofalkiisa “Dhuumasho dhabarku muuqdo” (Hiding in Plain Sight) oo ay daabacday shirkadda Binguwin laanteeda Biritan, ahna buugga koowaad ee saddexleydiisa cusub, wuxuu ku sii joogtaynayaa inuu wax ka qoro halkudhigyadii uu wax ka qori jiray ee tebinta sheekada waddanka, sawraca, iyo joogtada utunta badan.
Magaca Faarax wuxuu markiiba kugu soo ridayaa Soomaalinimo, balse waa mid lagu soo tebiyay afka Ingiriisiga. Wuxuu ku dhashay Baydhabo, 1945, Qallaafana wuu ku barbaaray. Soomaaliya goor horeba wuu ka xidhxidhay, kumana soo laaban marar kooban mooyee. Balse Soomaaliya wuxuu ugu sii nagaaday tiraab ahaan, isagoo dib ugu soo safrayay mar walba isagoo saaran xasuusaha tagtada, tebinta joogtada iyo inay ku sii nagaatay ahaanshiisa. Dalku wuxuu isaga dooriyay goob juquraafi ah wuxuuna isu beddelay goob sheeko, isaguna dhakhsiyo yaab leh wuxuu ku noqday qoraa caalami ah oo qoraalka u gacan bannaanaa ilaa dhammaadkii lixdaneeyadii.
Wuxuu Nuuradiin Faarax sheeko-faneedyadiisa ku soo qaatay diktaatooriyaddii Afrika ragaadisay xornimada ka dib, saddexleydiisa la magac baxday “Jaadadka Kelitaliska Afrika” wuxuu ku qaadaa dhigayaa nidaamka kelitaliska ah ee bulshada Soomaalida, isagoo u kuurgalaya dhammaan dhinacyadeeda laboodka, qabaliga iyo waliba diiniga ah. Qoraalladiisa sheeko-faneedda ah waxa ka mid ah: Feedh Qalloocan, 1970; Gadhoodh Macaan, 1976; Irbadda Arradan, 1978; Saardiino, 1981; Sinsinyahay Xidhan, 1983.
Si degdegsiinyo badan dalku wuxuu ugu hoobtay halaagga dagaalka sokeeye, markaas ayayna timid saddexleydiisa “Dhiigga Bacadka Daadsan” taas oo qoraagu ugu kuurgalayo rogrogista dhammaan noocyada haybnimo: hadday tahay sawraca bulsho haddii lagu qeexayo xuduud juquraafi ah, xidhiidh xinjireed, mid af, iyo wixii weydiimo ah ee ka dhalanaya markaad iska taagto haybta dhiigga dhanka kale oo shaqsinimada iyo ka madaxbannaanida haybaha. Saddexleydan oo kala ah: Khariirado 1986, Asraar 1989, iyo Kaalmooyin 1989.
Waxa taa xigay saddexley kale oo daaran jahwareerka dagaalka sokeeye, qabyaaladda iyo islaamka Soomaaliya, saddexleydan oo xanbaarsan magaca “Tagtada Turxaanta Badan” waxay ka kooban tahay Guntinno 2001, Shabakado 2003, iyo Lafo Isweydaar ah 2001. Sidoo kale waxaa raaca qoraallo kale oo ah riwaayado, qoraallo naqdi ah iyo qoraallo kale oo firiqsan.
Ka digtoonida illawshiyaha:
Sheeko faneeda “Dhuumasho Dhabarku Muuqdo” waxay ku furmaysaa nin Aar la yidhaahdo oo dib ugu soo laabanaya dalka kadib markuu qaxay goortuu dagaalku bilaabmay. Wuxuu ka shaqo bilaabayaa xafiiska Qarammada Midoobay ay ku leedahay Muqdisho. Waxaa Aar loo soo dirayaa warqad hanjabaad ah oo ay ku qoran tahay erey Ingriisi ah oo si qaldan loo qoray “deth” macnihiisuna uu yahay “geeri”. Intaan arrini u kala caddaanba koox argagaxiso ah ayaa qarxinaysa xafiiskuu ka shaqaynayay, waxaana ka dhalanaysa geeridiisa. Nuuradiin Faarax wuxuu warinayaa sheekada qoyska Aar iyo murugada waayiddiisu ku keentay. “Waxay tahay in nololaha kuwaan la wariyo, waayo ruux kastoo la dilay wuxuu ka tagay kuwo jecel oo ku tiirsanaa.” Sidan ayay sheekadu ku soo gudbinaysaa yoolkeeda ah inay xasuusaha ka jirto illawshiyaha.
Sheekadu waxay leedahay, “geeridu waa xishood la’, goorta ay doonto timaadda iyadoon cidi martiqaadin.” Waxaabad moodaysaa in qoraaga mustaqbalka loo sii waxyooday, isagoon dhammaystirinba noofalka shaqadiisa ayaa waxaa loo soo sheegay dilka walaashiis, oo Kaabul, Afgaanistaan ka shaqaynaysay xafiiska Qarammada Midoobay, waxaana loo dilay qaab u eeg sida Aar loo dilay.
Sheekadu waxay inoo soo gudbinaysaa qoyska Aar ka tagay oo ka kooban walaashiis Beela iyo labadiisa carruur ah ee Dahabo iyo Saalif iyo xaaskiisa ay kala maqnaayeen ee Faaleri, iyagoo noloshooda dib cagaha ugu taagaya gudaha caasimadda Kiiniya ee Nayroobi. Tiraabtu waxay raadraacaysaa shaqsiyaadkan iyagoo reebaya dun ah dhacdooyin xidhiidhsan iyo raadad is goynaya oo isa soo galaya. Tiraabta gudaheeda waxa yagleelmaya dhabbooyinka shaqsiyaadkan iyagoo ah dhabbooyin kala farcamaya oo tiro badanaya, ilaa heer ay akhristaha u suurogali weydo, sida tiraab tebiyuhu sheegay, “inuu sii fisho meesha sheekadu u wadato.”
Jacayl go’doonsan
Qoraagu wuxuu isku dayayaa inuu daaha ka rogo dhibaatooyinka khaniisyada ku haysta caalamka saddexaad, waana mid kamida qodobbada uu qoraagu aadka wax uga qoro, kamana waayaysid qoraalladiisa khaniisyo ay ku orinayaan cuurku, ama ay go’doomiyeen siyaasadaha, diinta ama tagto lagamagudbaan ahi. Waxay sheekada carrabka Faaleri, garoobta Aar oo khaniisad ah (waa dumarka iskubakubeeya), inoogu soo gudbinaysaa, “Markaad joogto dal ay mamnuuc tahay guurka dadka isku jinsiga ah, waa inaad aad u digtoonaataa, haddii kale waxaad u nuglaanaysaa in lagu baqo-maalo ama lagu xidho.” Malaayiin Afrikaan ah ayaan ku naaloonayn oo tebaya dimuqraadiyad iyo xorriyadaha shaqsiga ah. Afrika qofku xor uma aha noloshiisa oo ay ku jirto tiisa jinsi, oo bulshada iyo diinta ayaa soo faragalinaya wax walba ha yaraato ama ha weynaatee.
Bulshadu uu dheeryahay liiska waxyaalaha reebbani jacaylka meel ugama bannaana. Tani waa dhibaatooyinka ragaadiyay jiilal badan oo Soomaali ah. Cidina kuma dhacdo inay soo hadal qaaddo jacayl. Inaad muujiso jacayl, waa inaad loollan la gasho nidaam raba inuu abuuro haybnimo isku mid ah oo bulshadu isku wada ekaato, bulshada ilaa lammaanaha is qabaa waxay ku gabbadaan isticmaalka ereyo maldahan si ay isugu wacaan, sida carruurtayda hooyadood ama aabbahood. Sheekadu waxay ina leedahay, “jacaylku waa doorashada laba ruux, kamana muhiimad yara xaqa aynu u leennahay inaan masuul ku dooranno sanduuqyada codaynta.”
Kala duwanaanta haybaha
Labada shaqsiyadood ee u muhiimsan sheekadu waa Aar iyo walaashiis Beela, waa iska dhal ay aabbe Talyaani ah iyo hooyo Soomaali ahi dhaleen. Noloshooda badankeeda waxay ku qaateen Talyaaniga. Sidoo kale xaaska Aar waa ajnabiyad, sababtaas daraaddeed carruurta waxa haya jahwareerka ka dhalanaya haybaha kala geddisan ee waalidkood, kala duwanaanta ruuxda sawraca iyo hab-nololeedka, waxaanay ku qasbanaanayaan inay isdiiddooyinkan gurigooda ka taagan is waafajiyaan.
Dhankaas waxay sheekadu ka hadlaysaa dhibaatada soo wajahda qofka Soomaaliga ah ee aan lahayn hayb abtirsiimo. Beeli waa dhasha aabbe Talyaani ah oo Kaatoolig ah iyo hooyo Soomaali ah oo muslimad ah, Beeli waa muslimad Soomaali ah oo aan lahayn hayb abtiris, iyadoo sheeganaysa bulsho qofka qiimihiisa iyo ahaanshihiisa ku salaysa abtirsigiisa. Waa gabadh badh Soomaali ah oo kasoo jeeda bulsho labood ah oo sanadihii u danbeeyay uu si yaab leh ugu dhex fiday fikir xagjir ahi. Beeli waxay foolka saaraysaa waxa ay ka dhigan tahay inaad Soomaali noqoto casrigan taagan? Beeli laba magac ayay leedahay, waxayna sheegaysaa inay doorbiddo magaceeda Soomaaliga ah kolka ay joogto Soomaaliya dibaddeeda, marka ay timaad gudaha Soomaaliyana keeda ajnabiga ah.
Tagtada calmaaniga ah
Qoraagu ma qariyo hilowga uu u qabo Soomaaliyadii calmaaniga ahayd, markuu bixinayo wareysiyada, waagii ay Soomaaliya lahayd dawlad hantiwadaag ah oo calmaani ah, waagay baahsanaayeen muuqaallada horumarka iyo furfurnaanta tilmaamayaa. Waxay ka soo muuqanaysaa qoomamada tagtadan la waayay qalanjada sheekada ee Beela, taas oo qoraagu carrabkeeda ku sheegayo, “Ma jirto cid ka aragti gaaban bulshada Soomaalida. Gaar ahaan markuu arrinku la xidhiidho dumarka, waxa kaliya ee bulshada iyo diintu gabadha ku koobaan waa habka ay u lebbisato, habka ay u socoto iyo jidhkeeda.” Waxa kadeeday Beela Soomaalida ku weheliya safarradeeda ku wajahan Rooma ama Toronto, kuwaasoo markay arkaan iyadoo jiinis ku lebbisan ama sigaar qiijinaysa ku weerara wacdi.
Beeli waxay leedahay: bulshada Soomaalida tallaabo weyn ayay dib u qaadday, dibudhacanina kama dhalan kaliya dagaalka sokeeye ee dabada dheeraaday, balse sidoo kale wuxuu aad uga duwanaaday dalalka kale dhinacyada waxbarashada iyo halbeegyada kale ee lagu qiyaaso horumarka bulsho.
Caasimadduna waxay wayday ilwaadkeedii iyo quruxdii ay lahayd, maleeshiyo beeleedyo ayaa weerarro isdabajoog ah kaga soo qaaday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana magaaladii dhulka la simay duullaankii iyo weerarradii Itoobiyaanka, duullaan ku yimid codsiga Maraykanka. Ugu dannbayntiina waxaa yimid jihaadiyiintii xagjirka ah, markaas ayuu silicuna cirka isku sii shareeray.
Magaalooyinka Afrika isticmaarka ka dib
Badanka dhacdooyinka sheekadu waxay ka dhacayaan Nayroobi, iyadoo diiradda si cad loo saarayo Soomaalida Kiiniya, gaar ahaan Soomaalida ceegaagta kaamamka qaxootiga. Waxay tiraabtu soo gudbinaysaa kadeedka ay ku sugan yihiin Soomaalida kaamamka Kiiniya joogaa, culayso iyo ciqaab kaga imanaysa kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab iyo ciidamada Kiiniyaanka.
Beeli waxay ka sheekaynaysaa xaafadaha ay degan tahay marka ay Nayroobi joogto. Waa xaafad yar oo u nashqadaysan tabtii isticmaarka Biritishku u dejiyay dabayaaqadii 1890, xaafadahan oo la dhisay markii la dhigay jidka birta ah ee tareenka oo dhaca dhulkay Masaaydu degto. Sawirrada xilligaa la qaaday waxay muujinayaan teendhooyin halis badan iyo guryo gaagaaban oo degdeg lagu dhisay oo loogu talagalay shaqaalaha jidka tareenka. Marka loo eego waxay Beela ka akhriday, iyo waxay u sheegeen ama u xaqiijiyeen walaalkeed Aar iyo dadka kale ee magaalada taariikhdeeda aadka u yaqaan, magaalada Nayroobi waligeed taariikhdeeda ma soo marin degganaansho door ah. Gumaystaha Biritishku taariikhiyan wuxuu qaadan jiray dhulka wacan ee dheefta iyo bilicdaba leh, dadka dhaladka ahna wuxuu isugu ururin jiro goobo liita oo ay ku noolaadaan cooshado iskuraran ah. Qorsha magaaleedka cusub ee gumaysigana waxba kama soo gaadhin dadkan dhaladka ah, xornimadii kadibna goobihii gumaysigu degganaa ee bilicda lahaa waxay noqdeen goobaha xarumaha hay’adaha caalamiga ah iyo xarumaha ganacsiyada waaweyn, waana hay’ado ay sheekadu ku sheegayso inay qayb ka yihiin gumaysiga cusub ee Afrika. Xaaladda degganaansho la’aanta xaafadaha iskuraranta ee shacabku badankiisu deggan yahay sideeda ayay sii ahaatay, taas oo Nayroobi ka mid dhigtay magaaloyinka ugu cunfiga badan qaaradda, taas oo ay sababtay kala sarraynta dabaqadeed iyo qaabka iskuraranta ah ee qaybo magaalada ahi u yaallaan. Tusaale ahaan, xaafad dhan ayaan la oggoleyn gaadiidka maadaama oo ay deggan tahay safaaradda Israa’iil.
Nuuradiin Faarax: cod iyo jabaqcelin
Waxa u suurogalaysa qofka hore u akhriyay Nuuradiin inuu sii qiyaaso waxa dhacaya ee xiga: khaniisyo walaacsan, wada sheekaysiyo catawgu cusleeyay. Ilaa carruurta yaryar ee sheekada ku jiraa waa kuwo xigmad ka burqanayso, iyagoo wajahaya arrimo waaweyn oo murugsan.
Qoraallada Faarax badanka waxay daarran yihiin bartamaha Soomaaliya iyo xaqiraadda saqaafadda bulshadiisa, isaguna dhankiisa kama waabto inuu sheego in Soomaalidu u hayso cadaawo iyo nacayb, maxaa yeelay siduu sheegayo waa kuwo aan dhaadin jacaylka iyo wanaagga, kaaga daran e wuxuu arrinta gaadhsiiyay meel fog, isagoo ka jawaabaya su’aal ahayd sababta uu af Soomaali wax ugu qori waayay, markii uu yidhi: ma jiro qof Soomaali ah oo buug akhrin kara bilaw ilaa dhammaad, markaa muxuu iskugu hawlayaa inuu af Soomaali buug ku qoro?
Waa ismariwaa labada dhan u dhaxeeya, waxaana ta caddayn u sii ah in qoraalladiisa badankooda la dayriyay oo aan loo turjumin af Soomaali. Balse wuxuu ka helaa reer galbeedka iyo saxaafaddooda soodhawayn diirran, sababtu malaha waxay tahay inuu isku hawlo wax ka qoridda qodobbada ay galbeedku jecel yihiin inay ka maqlaan adduunka saddexaad: dumar dulman iyo bulsho qabali ah oo dib dhacsan! Qoraayo badan oo arrintan la wadaaga ayaa jira, waxaana markiiba madaxaaga ku soo dhici kara Salman Rushdi oo aad looga jecelyahay galbeedka balse dalkiisa aad looga xaqiro.