Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Buug

Buugga “Taariikhda Casriga ah ee Itoobbiya 1885 – 1991”

2 July, 2024
Image
غلاف الكتاب
غلاف الكتاب
Share

Buugga Taariikhda Casriga ah ee Itoobbiya waxa lagu tilmaamaa mid aan looga maarmi karin daraasaynta taariikhda casriga ah ee Itoobbiya. Buuggan oo uu qoray Baxru Sawde, oo baresare ka ah Jaamaacada Addis Ababa, tilmaantan waxa uu ku mutaystay sababo ay ka mid yihiin sida qotad dheer ee uu uga warramayo dhacdooyinkii u waaweynaa ee uu dalku soomaray muddo qarni ka badan. Qoraagu si uu doodiisa u dhiso, wuxuu ku laabanayaa dooddihii ka dhex oognaa laamaha aqoonbaadhista ee Taariikhda Siyaasadda, Taariikhda Dhaqaalaha iyo Taariikhdadhaqanka, waxaana uu daahfurayaa dhinacyo cilmibaadhis dheeraad ah laga sii samayn karo. Xogaha buuggan loo adeegsaday qaarkood waa kuwo sal ku leh xog ururin ay sameeyeen ardayda jaamacada Addis Ababa taas oo daarranayd soo ururinta taariikh-afeeda iyo dhaqannada Itoobbiya. Waxyaabaha xiisaha badan ee buugga ku jira waxa ka mid ah sawirrada xulashadooda laga baaraandagay ee ku ladhan buugga – khariirado, shaxanno, iyo sawirro kamarad lagu qaaday – kuwan oo laga soo ergistay daabacaado iyo arkiifiyooyin ay adag tahay sida lagu gaadhaa

Wuxuu qoraagu tariikhaynta ka bilaabayaa dhacdooyinkii horraantii qarnigii sagaal iyo tobnaad, oo ay qayb ka tahay caqabadihii debadda ka soo foolsaaray dalka. Intaas oo uu si guudmar ah hordhac uga dhigayo waxa xiga, afar cutub oo uu kaga warramayo, boqortooyadii boqor Tewodrooskii labaad iyo Yohaaniskii afraad – boqorradii waaweynaa ee ka hirgaliyay maamullo markasi ah iyo casriyowga buuralayda Itoobbiya. Haddana waxa xigaya sannadadii lala halgamayay Talyaaniga oo ka soo bilaabmaya jabintii koowaad 1896 ilaa iyo qabsashadoodii dalka 1935 iyo ilaa intii ay ka talinayeen Itoobbiya 1941. Cutubka saddexaad waxa uu ka warramayaa muddada u dhaxaysa 1941 ilaa 1974, taas oo ah soo koobis daarran taariikhda casriga ah ee Itoobbiya. Daabacaaddii labaad ee buugga qoraagu waxa uu ku soo daray  cutub dheeraad ah oo uu kaga warramayo muddadii u dhaxaysay 1974 ilaa 1991, oo ah markii la beddalay nidaamkii boqortooyada ahaa ee Itoobbiya ka jiray, iyo taliskii Mengistu ee cabbudhinta iyo kelitalisnimada ku astaysnaa, ilaa 1991 oo taliskan laftiisu soo afjarmayo.

Mawaadiicda waaweyn ee daarran taariikhda Itoobbiya ee aynu ku aragnay cilmibaadhisaha ku saabsan taariikhda Itoobbiya ayaa buugga dhexdiisa laysugu tolayaa qaab shabakad is dhamaystiraysa oo fahan buuxa ina siinaysa ah, kuwaas oo ay qayb ka yihiin; arrimaha degel-siyaasadeed ee deegaannada buuraleyda Itoobbiya iyo deegaannada ku hareeraysan, mahadhada loollanka khilaafka Kiristanka iyo Islaamka, siyaasadaha boqortooyooyinkii yaryaraa ee Abisiiniya, yoolka abuuridda dawladnimo, nidaamka bulsheed ee ku dhisan qawmiyadaha kala geddisan iyo hannaankii casriyaynta iyo saamayntii ka hadhay, ee waagii xukunka Xayle Selaase, iyo xidhiidhka murugsan ee ajaanibta iyo Itoobbiya ka dhexeeya. 

Qaabka dhacdooyinka loogu fasiray buuggan, waxaa lagu magacaabi karaa fasiraad siyaasad dhaqaaleed, taas oo ka dhigan isbeddellada waaweyn iyo waqtiyada kala guurka ee taariikhda  Itoobbiya soo maray in lagu fasiro loollanka awoodda loogu jiro, hannaanka dhaqaale iyo tartanka ka dhex jira shaqsiyaad iyo kooxo dano iska soo horjeeda kala ridanaya. Tusaale ahaan buuggu waxa uu isagoo ka warramayaa heerka ay gaadhsiisnaayeen danaha ay ka lahaayeen Yurubiyaanku Itoobbiya horraantii qarnigii sagaal iyo tobnaad, ku tilmaamayaa in uu ahaa mid salka ku haya dhaqaalaha; "Waxsoosaarka wersahdaha Yurub wuu ka batay intii ay Yurub u baahnayd, taas oo lama huraan ka dhigtay duullaanka iyo tartanka suuqa Afrika reer Yurub ku qaadeen." (bogga 24)

Waxa laga yaabaa in dooddaasi tahay mid aan cago adag ku taagnayn, sidoo kalena isweydiinta qiimaynta badeecadaha la dhoofiyay in uu xoojinayo dooddani, waa mid shakigeeda leh, waayo dhaqaalaha Afriki ma ahayn mid ku sal leh lacagaha. Dhulmareennadii u horreeyay ee reer Yurub ee Afrika yimaaddaa waxay ahaayeen kuwo ku taxan hidde Yurubiyaan ah oo soo bilaabmay dhammaadkii qarnigii toddoba iyo tobnaad, sidoo kalena la kobcay ballaadhashadii dabaqadda burjuwaasiyaga ah ee reer Galbeedka qarnigii siddeed iyo tobnaad. Waa dabaqad darreenkeeda korayneed ku muujiyay dedaalkooda diin fidinta.

Sawde waxa uu ku dheeraanayaa muhiimadda dagaalkii Cadwa – kaas oo ciidamadii boqor Minilik ku jabiyeen Talyaaniga 1896 – waxana uu sidoo kale sharraxaad waafi ah ka bixinayaa nidaamkii dhaqaale ee dhulgoosiga ahaa ee dalka ka jiray, iyo qodobbo kale oo ay ka mid yihiin; ganacsigii addoonta, iyo nidaamka ganacsiga hantigoosiga ee qalaad. Faaqidaadda qoraagu, waa mid kooban balse faahfaahsan oo muhiim u ah fahanka bulshadii waagaasi sida ay u dhaqnayd. Qayb buugga ka mid oo xiise leh waxa uu kaga warramayaa kobocii indheergaradka (Intelligensia) Itoobbiya ee 1920-yadii ilaa 1930-yadii, indheergaradkan oo gumeysitihii Talyaanigu si xun u ugaadhsaday ka dib markii uu kolkii labaad qabsaday Itoobbiya 1936. Cutub danbena waxa uu ku lafagurayaa salka dhaqaale ee taliskii boqor Xayle Selaase ee xilligii ka danbeeyay 1941-kii, iyo guulaha boqorka ee badanka la buunbuuniyo ee uu ka gaadhay casriyeynta dalka, taas oo uu si miyir qabta u tilmaamayo heerka ay gaadhsiisnayd.

Waxa uu qoraagu diiradda aad u saarayaa horumarka bulshada iyo dhaqaalaha, isagoo sidoo kalena soo gudbinaya taariikhaynta dhankeeda siyaasiga ah taas oo daarran xidhiidhada bulshooyinka, kooxaha siyaasadeed iyo quwadaha qalaad ee isla falgelaya. Waxaana uu si dhaw uga warramayaa waxqabadyada boqorrada gaar ahaan Tewodrooskii labaad, Yoxaaniskii afraad, iyo Minilikii labaad iyo sidoo kale mucaaradaddii gudaha iyo debadda ee boqorradan. Si kooban oo waadix ah ayaa loo taxayaa dhacdooyinkii muhiimka ahaa ilaa laga soo gaadhayo 1991, si gaar ah waxaa loo soo tebinayaa sidii uu xukunka ku yimid Xayle Selaase, iyo weerarkii iyo qabsashadii Talyaaniga, dhaqdhaqaaqii iska-caabbinta ee waddaniga ahaa iyo xukunkii sii daysnaa ee uu dalka ku xukumayay boqorku kolkii dagaalka lagu guulaystay ka dib, iyo kacdoonkii taa ka dhashay, oo uu afgembigii 1960-kii qayb ka ahaa iyo isku soo baxyadii ardayduba. In kastoo buuggu daarran yahay hordhac ku saabsan taariikhda Itoobbiya, haddana, waxa uu ku guuleystay in uu si isu miisaaman u soo gudbiyo nidaamyada haykaliga ah ee waqtiga dheer iyo doorarka wax ku oolka ah ee shaqsiyaadka gaarka ah.

Marka la eego dhanka fasiraadda ah ee uu iska taagay dhacdooyinka badan, Sawdo waxa uu dhiirigelinayaa in dib looga fekero oo la ballaadhiyo doodaha ku saabsan taariikhda casriga ah ee Itoobbiya, sida saamaynta ay Imbiriyaaliyaddu ku yeelatay Itoobbiya iyo dabeecadda iyo waxa dabada ka riixayay kelitalisnimadii xukunkii boqor Xayle Selaase.

aabacaada labaad ee ay soosaartay shirkadda dabaacaadda ee jaamacadda (Cambridge 2017, qoraagu wuxuu ballaadhiyay daraasayntiisa waqtigii u dhexeeyay 1974 ilaa 1991, isagoo u gol lahaa in uu qeexo kacdoonka lagu riday Xayle Selaase, iyo xukun maroorsigii taliskii Shuuciga ahaa ee Dergiga ee uu gadhwadeenka ka ahaa Mengistu Xayle Meryam. Sidoo kalena qaybtan waxa uu qoraagu ku faahfaahinayaa isbeddelladii la sameeyay, sida qaramaynta, dib u qorshaynta dhulka, iyo sidoo kale cadaadiskii siyaasadeed ee jiray iyo macaluulihii dalka ka dhacay xilligaas.

Ugu danbayn qoraagu waxa uu u kuurgalayaa doodda Itoobbiya ku tilmaamaysa in ay tahay fekrad mala-awaal ah. Waxaa jira doodo ku saabsan taariikhda, diinta iyo haybta waddaniyadeed ee Itoobbiya. Balse, kolka la barbardhigo dalalka kale ee qaaradda, xidhiidhka qawmiyadaha buuraleyda ah iyo kuwo darafyadu waa mid taariikh dheer soo taxnaa, in kastoo sida xidhiidhkani siyaasad ahaan isu muujiyay yahay mid muran badan dhalinaysa, oo waa xidhiidh luuqaddiisu ahayd qabsasho iyo boob. Si kastaba ha ahaatee ma aha mid jiritaankiisa Meesha ka saaraysa.