Tuesday 19 November 2024
Dhawaanahan waxaa ku dhex faafay xarumaha cilmibaadhista qaarkood aragti sheegaysa in xidhiidh iskaashi ka dhexeeyo kooxda Ansaaralaah ee Yementa ah, oo loo garan og yahay Xuutiyiinta iyo xarakada al-Shabaab oo ay Soomaaliyi fadhigooda tahay. Iskaashigaas oo daaran iskudubaridka isku socodka koonfurta badda cas iyo Geeska Afrika, ka ganacsiga sharci darrada ah ee hubka, iyo in Xuutiyiintu khibradooda la wadaagaan al-Shabaab.
Aragtidani waxay ka imanaysaa dhawr dhinac, tan koowaad waa dood sheegaysa in iskaashi ka dhexeeyo ururka argagaxisada caalamiga ah ee al-Qaacida iyo Iiraan, oo uu sidoo kale xidhiidh caynkaas ahi ka dhexeeyo al-Qaacida laanteeda Yemen iyo Xuutiyiinta, waxa sidoo kale la wariyaa wareejin khibrad iyo tahriibin hub oo ka imanaya Xuutiyiinta oo ku wajahan al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya, waxaa sidoo kale jirta yoolal iyo cadawga khatarta ku ah ee ay wadaagaan Iiraan iyo kooxaha ay maalgaliso oo dhinac ah, iyo ururka al-Qaacida iyo xulafadiisa.
Waxaa laga yaabaa in aragtiyaha aan u dhuun daloolin kooxaha diiniga ah ee hubaysan in ay fogaystaan iskaashi ay yeeshaan kooxahan cadawga isku ahi, gaar ahaan kooxaha ay kala aydhiyoolajiyada yihiin, oo marka la eego ururka al-Qaacida iyo xulafadooda iyo Iiraan iyo xulafadeeda waxaa ka dhex jirta loollan mad’habeed, kaas oo ku xidhiidhsan khilaafka Sunniyiinta iyo Shiicada, iyo taariikhda cadaawadeed, dagaal iyo isburin ee labada dhinac ka dhexeeya ee salka ku leh caqiidada.
Balse, jiritaanka arrinta waxaa tusaale cad u ah ururka al-Qaacida, kaas oo xidhiidh xoogan la samaystay Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan, taas oo metesha, udubdhexaadna u ah mad’habta uu loolanku kala dhexeeyo ee shiicada. Arrintani waxay bilaabantay ka dib markii 2001-dii uu Maraykanku duulaan ku qaaday Afgaanistaan, markaas oo ay ku qasbanaadeen in ay u raadiyaan hogaankooda iyo qoysaskooda hoy magangaliya, taasna waxay ka heleen Dahraan. Kol labaadna, al-Qaacida iyo Iiraan waxay isku sii dhawaadeen ka dib markii ururka si ba’an loogu jabiyay Ciraaq, Suuriya iyo Yemen, waxa uu xidhiidhku sii laba kacleeyay ka dib markii la khaarajiyay hogaamiyihii labaad ee ururku uu yeesho, Ayman al-Dawaahiri, Ogos 2022, ee uu soo shaac baxay magaca hogaamiyaha loo badaniyo in uu noqon dooona ka cusub ee ururka horkici doona, kaas oo markaa ku dhaqnaa Iiraan, Muxammad Salaaxadiin Saydaan, kaas oo ku magac dheer Sayfal Cadli.
Sayfal Cadli waxa uu hogaamiyay qayb ballaadhan oo ka mid ah ururka, waxaana uu ku guuleystay in uu hogaankiisa hoos keeno laanta Yemen ee ururka, taas oo lagu tilmaamo laamaha ugu muhiimsan ee ururka, waxaana uu halkaa u diray wiilkiisa Khaalid oo ku magac dheeraa “Ibnu Madani”, halkaas buu ka hawlgali jiray ilaa uu ku dhintay si shaki leh dab qabsaday hoygiisa. Aragtida hogaamineed ee Sayfal Cadli, waa mid tusaale u ah, hanaanka baragmaatiga ah ee ururka caalamiga ah ku wajahay xidhiidhka ay Iiraan la yeesheen, hadday tahay ku noolaanshihiisa halkaa iyo siyaasadda iskaashi ee labada ka dhexeeyaba.
Iskaashiga ka dhexeeya Iiraan iyo ururka al-Qaacida, iyo midka ka dhexeeya Xuutiyiinta iyo al-Qaacidada Yemen waa mid leh caddaymo door ah, balse, ma sahlana in la iska sheego jiritaanka xidhiidh caynkaas ah oo ka dhexeeya Xuutiyiinta iyo xarakada al-Shabaab ee Soomaaliya, sababtuna waa dhawrkan qoddob ee soo socda:
Kow; Xuutiyiinta iyo al-Shabaab waa laba awoodood oo u madaxbanaan hiraalkooda, aragtidooda iyo go’aaanadooda, oo al-Shabaab amaro kama qaadato ururka caalamiga ah ee al-Qaacida, iyadoo isla markaasna qirsan martabada Ururka, sidaa si la mid ah Xuutiyiintu amaro toos ah kama qaataan Iiraan, ee iyagaa u madaxbanaan go’aanadooda, iyadoo ay ka dhaxayso labada dhinac isxulafaysi, iskaashi xoogan iyo isku dhawaansho mad’habeed iyo mid nasaba.
Laba; Xuutiyiinta iyo al-Shabaaba waxaa loo tixgaliyaa laba kooxeed oo maxali ah, kuwaas oo saamaynta ay ku leeyihiin deegaannada jaarka la ah barta ay ka hawlgalaan iska kooban tahay, waana kuwo masaalixdoodu ku xidhan tahay deegaankooda iyo gobolkaa ay ka soo jeedaan guud ahaan, taas baan mudnaanta ka leh yoolka caalamiga ah ee ay horkacayaan Iiran iyo al-Qaacida.
Saddex; iskaashiga dhex mari kara laba dhinac waa in uu noqdaa mid ku salaysan danaha labada dhinac mideeya, labadooduna waa kuwo leh dano maxali ah oo kala duwan, marka ay arrini sidaas tahayna xidhiidhka iskaashi ee labada dhinac dhex mari karaa waxa uu ka bilaabmayaa isweydaarsiga hubka iyo khibradaha milatari, iyo in la iska kaashado weerarka ciidamada ku dhaqan koonfurta badda cas, kuwaas oo carqalad ku ah in hubka ka imanaya Iiraan uu soo gaadho Xuutiyiinta; oo ay wax halkaa uga sii gudbaan al-Shabaab.
Waxaa intaa dheer, in dhawaan wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaalilaan Maxamed Kaahin, isagoo waraysi siinaya telefiishan Carbeed ku eedeeyay xarakada al-Shabaab in ay gaashaanbuuraysi la samaysatay Xuutiyiinta si ay Khalkhal u galiyaan ammniga gobolka, isaga oo aan qeexin khalkhalkaasi caynka uu yahay. Halka ciidamada amniga ee Buntilaan gacanta ku dhigeen shixnado hub ah oo si sharci darro ah looga soo dejinayay Boosaaso, ka dib markii ay dabagal ku sameeyeen shabakado tahriibiya hubka oo xidhiidh la leh Daacish iyo al-Shabaab, iyo hawlgalo tahbriibin ah oo ka imanaya Yemen.
Caddaymo looga qaateen ah oo sheegaya xidhiidhka labada dhinac si loo helo waa in diirrada la saaraa iskaashiga dhanka hubka iyo khibradaha milatari, oo badanaa qodobbadan ayaa ah kuwa dabada ka riixa isbeddelada baragmaatiga ah ee kooxaha jihaadiyiinta ah. intaan laga warramin iskaashiga labada dhinac ee hubka iyo khibrada dhawr qodob ayay tahay in la tixgaliyo;
Kow, xidhiidhka taariikhda dheer ee ka dhexeeya Yemen iyo gobolka Geeska Afrika, oo bulshooyinkani waa kuwo muddo dheer bulsho ahaan isugu xidhan, oo ganacsi ka dhexeeyay ilaa haddana ka dhexeeyo, waa laba deegaan oo degel ahaan aad isugu dhaw, oo xuduud baddeed ka leh badda Cadmeed iyo badweynta Hindiya.
Laba, badda xuduuda u ah Geeska Afrika iyo Yemen waxaa ka jira kooxo shabakad ah oo muddo quruun ah ka shaqaysanayay ganacsiyada sharci darrada ah iyo tahriibinta hubka iyo badeecadaha kale.
Saddex, waxaa la iska wada og yahay in hubka fudud aad ugu baahsan yahay Yemen, kuwaas oo ah kuwo ay u baahan yihiin al-Shabaab, Daacish iyo kooxaha kale ee falaagooyinka ah ee gobolka ka jiraaba.
Qodobbadaas marka la isku xidho, waxaa lagu doodi karaa in Xuutiyiinta iyo al-Shabaab ka faa’ideysteen shabakadahaa tahriibinta ee hore uga sii jiray Yemen iyo Soomaaliya dhexdooda, arrintaas ayayna ku kashiftay Wasaaradda Khasnajiga ee Maraykanku warbixinteeda, kaas oo ay kaga warrantay kooxaha iyo shaqsiyaadka ku lugta leh kooxaha argagaxisada ah ee ku dhaqan magaalo ganacsiyeedka Boosaaso, Buntilaaan.
Warbixinta wasaarada waxaa lagu xusay in shabakadahani ka hawlgalaan Yemen iyo Soomaaliya dhexdooda, iyo in ay xidhiidh la leeyihiin ururka al-Qaacida laamihiisa Khaliijka Carbeed iyo al-Shabaab. Waxa kaloo warbixintu xustay xidhiidhka ka dhexeeya Iiraan iyo kooxaha wax tahbriibiya ee ka hawlgala Bariga Buntilaan, gaar ahaan aaga u dhexeeya Raas Xaafuun iyo Qandala, aagan oo wasaaradu ku magacawday “Shabakada Xaafuun - Qandala”.
Waxay ka wada hawlgalaan shabkada Xaafuun – Qandala iyo shirkado Iiraani ahi in hub laga soo tahriibiyo Iiraan iyo Yemen oo la gaadhsiiyo Daacishta Buntilaan iyo xarakada al-Shabaab, labada dhinac sidoo kale waxa ay ka wada shaqeeyeen kaluumaysi sharci darro ah, iyagoo adeegsanaya saxiimado yar yar oo ka kaluumaystay aaga badda Soomaaliya, kuwaas oo ay u adeegsadaan in ay ku dhuuntaan oo ay ku qariyaan hawlgaladooda tahriibinta hubka iyo lacag dhaqida.
Waxay xaqiijisay warbxinta Wasaraada Khasnajiga ee Maraykanku sannadkii 2022 in uu iskudubarid ka dhexeeyay shabakadaha tahriibinta hubka iyo kaluumaysiga sharci darrada ah ee Soomaaliya iyo Yemen ka jira. Kooxda iskudubaridkana waxaa ka mid ah shaqsiyaad lagu tiriyo in ay qayb ka yihiin ururka Daacish, ama al-Qaacida iyo al-Shabaab, iyo ganacsato iyo tahriibiyayaal Yemeniyiin iyo Iiraaniyiin ah oo xidhiidh wanaagsan la leh Xuutiyiinta. Sidoo kale warbixin ay soo saartay xarunta “SOUFAN” waxaa lagu sheegay in Xuutiyiintu u direen al-Shabaab saddex khabiir oo takhasuskoodu yahay farsamaynta walxaha qarxa, si ay uga caawiyaan farsamaynta walxo qarxa oo casri ah. Sidoo kale warbixintani waxay xustay in dhankooda al-Shabaab u celiyeen Xuutiyiinta hub laga soo tahriibiyay Iiraan.
Hasayeeshee, ma cadda heerka uu gaadhsiisan yahay hawlgalka tahriibinta hubka ee ka dhexeeya al-Shabaab iyo Xuutiyiintu, waxaa se la hubaa in al-Shabaab hubka noociisa fudud uu uga yimaado Yemen iyo Iiraan, in kasta oo aanay caddayn danta Xuutiyiintu ku qabaan al-Shabaab, balse, waxaa loo badinayaa in ay ka helayaan cid u fulisa hawlgaladooda tahriibinta hubka oo gaadhsiisa gudaha Afrika, oo sidoo kalena ay ka helaan alaabta qayriin ee ay farsamaynta hubka u adeegsadaan iyo tiknoolajiyadahaa qaar ee laga heli karo shabakadaha tahriibinta ee gudaha Afrika.
Cilmibaadhayaasha qaarna waxayba ula muuqataa in Xuutiyiintu ku taamayaan in iyaga iyo xarakada al-Shabaab iska kaashadaan weeraro ka dhan ah milatariga ceegaaga koonfurta Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waana isla aaga ay Xuutiyiintu bari ka kulaalaan halka al-Shabaabna ka joogto xeeliga galbeed. Balse, cagsiga Xuutiyiinta al-Shabaab kama soo bixin wax tilmaamaya in ay ka digo rogotay yoolasheedii maxaliga ahaa oo ay faraha la gashay bartilmaameedyo aan si toos ah iyaga ugu faa’ideynayn, siiba marka la eego weerarka adag ee ay dhulal badan ku weyday ee kaga imanaaya Xukuumada federaalka iyo maleeshiyo beeleedka la socda. Sidoo kale xarakadu waxay ku xisaabtamaysaa falcelinta Maraykanka haddii ay la qaadato Xuutiyiinta yoolkoodaas, in kastoo imikaba weeraro cirka ah ay AFICOM ku wado, oo ay sidoo kalena tababaraan oo hubeeyaan ciidamada federaalka ee dagaalka kula jira qaarkood, haddana, waxay ogsoon yihiin haddii ay la saftaan Xuutiyiinta iyo Iiraan, oo ay ku duulaan danaha galbeedka in ay weerar intan ka culus wajahayaan.
Weli lama caddayn heerka uu gaadhsiisan yahay iskaashiga Xuutiyiinta iyo xarakada al-Shabaab, in uu ku kooban yahay tahriibinta hubka ama uu gaadhsiisan yahay heer iskudubaridka hawlgalo ka dhan ah danaha reer galbeedka. Sidoo kale in al-Shabaab si toos ah ugala hawlali doonto Iiraan , beegsiga awoodda reer galbeedka ee gobolka joogta waa mid shaki ballaadhani ku gedaaman yahay, sababtuna waxay tahay xarakadu ma laha awood milatari oo u dhiganta ta Xuutiyiinta, sida gantaalada ridada dheer iyo diyaaradaha bilaa duuliyaha ah.