Skip to main content

Monday 7 October 2024

Feker

Mucaaridadda iyo Talo soo Jeedinta

21 September, 2024
Image
dood
Sawirka: Getty Images
Share

Maqaalkani waxa uu dul istaagayaa dhaqanka qaar ka mid ah mucaaridka dhaliila siyaasadda nidaamka jira ee ay mucaaridka ku yihiin, kuna dooda in tallaabooyin nidaamka ama xukuumadda jirtaa qaadayso aanu isla nidaamka dan u ahayn. Waxa aad mooddaa in mucaaridkaasi xukuumadda danteeda ka yaqaanno. Soo jeedintan siyaasadeed waa mid gaabis muujinaysa, sababtoo ah mucaaridka shaqadiisu maaha in uu talo usoo jeediyo xukuumadda uu mucaaridka ku yahay. Waxa dhab ah in nidaamka dalka ka jiraa dantiisa ka yaqaan mucaaridka, mucaaridkana waxa u wanaagsan in uu dhaliishiisa ku saleeyo danta dalka iyo bulshada, balse aanu ku salayn danta nidaamka uu ka soo horjeedo. 

Marka koowaadba, siyaasadda kama mid aha mucaaridad madaxbannaan oo iskeed u taagan, marka laga reebo mucaaridadda iyo dhaliisha ay soo jeediyaan dad kooban oo badanka aqoonyahan ah, kaalintooduna tahay wax is weydiin, baadhid iyo dhaliilidda galdaloollada jira. In kasta oo dhaliisha dadkani kaalin siyaasadeed leedahay, haddana lama siyaasadeeyo, haddana kaalinta dhaliishaasi leedahay waa dhammaystirka xaaladda siyaasadeed ee dalka. 

Si dhaliisha dadkaas madaxabannaani ugu ekaato kaalinteedaas aan la siyaasadayn, waxa habboon in ay ku tilmaamnaato dhabnimo, kana dheeraato tilmaamaha ragaadiya. Waa in dhaliishoodu ka fogaato dhaliisha anaaniga ah, oo ah in dhaliisha qofku noqoto mid ay sababtay colaad ama jacayl isaga iyo qof gaar ah ka dhexeeya oo uu rabo in uu ka aargoosto. Sidoo kale, waa in dhaliishaasi aanay noqon mid diiradda saarta cidda dhaliishu ku socoto, taas beddelkeeda waa in ay noqotaa dhaliil diiradda la saaray dhaliisha lafteeda iyo kaalinta ay geli karto. Waxa kale oo muhiim ah in qofka sida madaxabannaan wax u dhaliilayaa aanu ku tilmaamnaan isla qummani, oo aanu dhaliilaha kale iyo soojeedinaha kalena dhayalsan. Dhaliishan madaxabannaan wixii ka soo hadhaa waa mucaaridad siyaasadeed oo badhaxtiran. Waa uu jiri karaa qof iskii u taagan oo si madaxbannaan u loollama, rabana in uu qaabkaas xil ku helo, ama laga yaabee in uu rabo soo jeedinta indhaha dawladda, sidaasna uu dantiisa kusoo dhacsado, balse waa mucaaridad dan qofeed u gaar ah. 

Waxa jiri kara cid wax u mucaaradaysa in uu dano gaar ah gaadho. Macnaha dantiisa qofeed ayaa ku hoos jirta danta mucaaridka uu ka tirsanyahay, oo marka talada ay qabtaan fulintooduna awoodaysato uu dantiisana dhex marsado. Danahani waa dano qofeed oo badanka iskaga hoos jira mashruuc kasta oo siyaasadeed, balse halkan kaga hadli mayno danaha qofeed ee mashruuc siyaasadeed ku gudo jira. 

Maqaalkan waxa inoo muhiim ah ka hadalka mucaaridka siyaasadeed ama ururka siyaasadeed ee dalka ka jira. Dalalka dimuqraaddiga ah ee oggol ururrada badan, taladuna meerto tahay, oo aanu hal xisbi talada isku koobin, ururrada mucaaridka ahi waxa ay soo bandhigaan barnaamij ka duwan siyaasadda xukuumadda markaas joogta. Ururradaas siyaasadeed waxa ay sheegaan in lagama maarmaan ay tahay in kursiga la gaadho si barnaamijkaas loo fuliyo. Kursiga waxa ay ku gaadhi karaan waa in ay xukuumad wadaag ah qayb ka noqdaan, amaba xukuumadda joogta meesha ka saaraan. 

Dhinaca kale marka la eego dibadbaxyada iyo kooxaha isu abaabula in ay xukuumad jirta wax cadaadis ku saaraan, walaw ay mucaaridad tahay, haddana waa dad raba in codsi loo fuliyo, ama ay saamayn ku yeeshaan nidaamka talinaya iyaga oo aan kursiga ku fadhiisan. Dibadbaxayaashu uma dan laha in ay xukuumadda jirta beddelkeedii noqdaan, balse waxa ay ka soo horjeedaan siyaasaddeeda, waxaanay codsanayaan in la beddelo siyaasaddaas, codsigoodana la fuliyo. 

Dawladaha dimuqraaddiga ahi waxa ay ogyihiin in marar badan dibadbaxyadu yihiin hub mucaaridku adeegsado, ama in dibadbax jira uu mucaaridka siyaasadeed ka faa’idaysto oo uu dhankiisa ka soo raaco, si uu xukuumadda ugu garaaco. Sababta mucaaridka siyaasadeed usoo raaco kacdoonka xukuumadda lagaga soo horjeedo waa laba mid uun: in uu ogyahay in xukuumaddu aanay fulin karin codsiga dibadbaxayaasha, kuna fashilmi doonto oo ay fursad ka heli karaan, ama in xukuumaddu fulinta codsigaas ku wiiqmayso, sidaasna lagaga adkaan karo doorashooyinka soo socda. 

Mararka qaar kacdoonnadu waxa ay isku dayaan in ay iska fogeeyaan saamaynta mucaaridka siyaasiga ah iyo ururrada siyaasadda, sababtoo ah waxa ay ka cabsanayaan in falcelinta xukuumaddu ku salaysnaato mucaarid iska dhicin, oo aanay dheg jalaq u siin codsiyada dadka kacsan. Ujeeddada mucaaridka siyaasadeed ee dawladda dimuqraaddiga ahi waa in uu gaadho xukunka amaba laga qayb geliyo xukunka, mana jiro macno kale oo uu leeyahay aasaaska urur siyaasadeed. 

Muran kama jiro in ay jiraan ururro siyaasadeed oo aan badanka muuqan ama aan saamayn badan lahayn, oo aan xukun doon ahayn, xagjirna ah. Waxa ay rabaan in hab-maamulka dalka gebi ahaanba la beddelo, markaa walaw ururka sidan ahi dhinac marka laga eego xukun rabo, haddana waxa uu ku socdaa xeerar ka baxsan ta mucaaridka iyo muxaafidku ku wada dheelayaan, amaba waxa ay ku dedaalayaan faafinta aragti gebi ahaan aragtiyaha kooxaha tartamayaa wataan ka duwan. Xaaladdan dambe, waxa ay si tartiib ah ururradaasi isu beddelaan naadi fikir. 

Qodobbadaas aynnu soo sheegnay waxa ay ku dhaboobmaysaa dalalka dimuqraaddiga ah. Waxa aynnu intaas ku daraynaa, ururka siyaasiga ahi waxa uu aaminsanyahay in aanay shaqadiisa ahayn talo usoo jeedinta xukuumadda talada haysa, taas beddelkeed waxa uu sawiranayaa in xukuumadda jirtaa maslaxaddeeda iyo barnaamijkeeda siyaasadeed ka taqaanno cid walba, isaguna kaga aragti duwanyahay maslaxadda dalka. Ururka mucaaridka ahi waxa uu ku doodayaa in sida xukummadda talada haysaa u aragto danta dalku ka duwantahay sida dhabta ah ee ay danta dalku ku jirto. In uu fashilkiisa soo bandhigo oo aanu talo usoo jeedinna waa shaqadiisa. Waxa laga soo reebi karaa xaalado kooban oo badanka bulshada dalka ku nool, mucaarid iyo muxaafidba midayn karta, sida dagaal uu dalku galay ama musiibo dabiici ah oo dalka ku habsatay. Markaas oo kale xukuumaddu waa ay la tashataa mucaaridka, waana la is dhaafsadaa talooyinka la xidhiidha qaddiyada taagan ee nabadgalyo. 

Haddaba waa sidee xaaladda mucaaridka dalalka aan dimuqraaddiga ahayni? Miyaanay rabin in ay talada qabtaan oo ay xukunka gacanta ku dhigaan? Taas muran kuma jiro. Mucaaridka dalalka aan dimuqraaddiga ahayni badanka waxa ay ku bahoobaan urur ama ururro qarsoon, oo aan badanka dhaqdhaqaaqoodu muuqan, ujeedkooduna waa in ay barnaamijkooda fuliyaan, taladana gaadhaan, si ay ku gaadhaanba. 

Nidaamyada aan dimuqraaddiga ahayn waxa ku badan isbeddellada gudeed ee ka dhex dhaca xukuumadda ama nidaamka talinaya, iyada oo aanay ururrada mucaaridka ahi kaalin toos ah ku lahayn. Badanka nidaamka talinaya ayaa isbeddel sameeya, ama xubno ka mid ah xisbiga talinaya ama ciidamada ayaa afgembi sameeya. Isbeddelkaas cusubi waa suuragal in uu mucaaridka dibadwareegga ah talada wax ka siiyo, waana suuragal in uu cadaadiska iyo cagajuglaynta ku sii kordhiyo. Mawduuca maqaalkani walaw aanu xaaladahan ku saabsanayn, waxa aynnu is dultaagaynaa ururrada mucaaridka ah ee ka jira dalalka aan dimuqraaddiga ahayn.

Marka ururradu muddo badan mucaarid ahaadaan, nidaamka meesha ka jiraana ku xididaysto, isaga oo beerlaxawsanaya dadka ka faa’idaysta amaba samaysta dhufaysyo cusub oo uu ku gabbado, amaba uu gacanbir ah iskaga qabto mucaaridka, isaga oo adeegsanaya xabbiska hoggaamiyayaasha mucaaridka iyo masaafurin, mucaaridku waa uu sii xididaystaa isna. Haddaba, qaar ka mid ah ururrada mucaaridka ayaa is dhiiba, oo doorbida in ay xaaladdan oo kale nidaamka talinaya iskala heshiiyaan, oo ay sidaas ku noqdaan mucaarid magac-u-yaal ah, rejana aan ka lahayn talo ay qabtaan. 

Sida aynnu kor ku xusnay, marka urur mucaarid ahi aqbalo in uu khaanadda mucaaridnimada ee abadiga ah galo, jiritaankiisa sharci ilaashado, shardiguna yahay in aanu nidaamka mucaaridin, ururkaasi si tartiib ah ayaa uu ururnimadii iyo siyaasaddiiba uga xuubsiibanayaa. Sidaas ayaa dhaan-dabangaale ugu noolaadaa, isaga oo sugaya fursado aan imanayn, sababtoo ah waxa uu ka tanaasulay jiritaankiisii iyo barnaamijkiisii siyaasadeed, waxaanu meesha ka saaray xeerarkii uu shaxda siyaasadda ku ciyaarayay. Xaaladdan waxa ugu yaab badan ee ka dhashaa waa hadal siyaasadeed oo dhaliilaya nidaamka jira, balse ay ku lammaanyihiin talooyin la iskaga dejinayo in nidaamku ka cadhoodo dhaliisha, ama uu mucaaridka ku tuhmo in uu nidaamka isku dhererinayo. 

Mucaaridku waxa uu soo jeediyaa hadal ku bilaabma, tusaale ahaan, nidaamka dantiisu waxa ay ku jirtaa in uu siyaasaddiisa beddelo, [tusaale mucaaridka dawladaha Carbeed oo dhaha], nidaamku waa in uu iska caabbinta Falasdiiniyiinta taageeraa, nidaamku waa in uu xidhiidhka u jaraa Israa’iil, ama waa in nidaamku raadiyo dawlado kale oo Carbeed oo uu la bahoobo. 

Madmadaw igagama jiro in nidaamka talinayaa dhoosha ka qoslo marka uu dhaliishan taladu ku lammaantahay arko. Waxa uu u arkaa mucaaridkii oo isaga u adeegaya, mucaaridkuna uu danta nidaamka ka shaqaynayo, oo uu ka shaqaynta danta nidaamka ka horraysiinayo wax iska weydiinta danta dalka. Macnaha kaalintiisii siyaasadeed iyo bulsheed waa uu ka xuubsiibtay. 

Talo soo jeedintu waa shaqada la taliyaha, ee maaha shaqada urur mucaarid ah oo raba in uu soo saaro galdaloollada siyaasadda nidaamka. Mana aha shaqada urur siyaasadeed raba in uu muujiyo sida nidaamka jiraa aanu u awoodin uu haqabtiro baahida bulshada ama uu fuliyo danta dadka. Mucaaridka siyaasadeed ee aan awoodin in uu u badheedho dhaliisha nidaamka, khillaafka kala dhaxeeya nidaamka waxa ay ula dhaqmaan sidii khilaaf qoys. Waxa ay isku dayaan midaynta dantooda iyo ta xukuumadda, sidii oo ay shaqadoodu tahay is waafajinta nidaamyada ee aanay ahayn midaynta dadka. Dhibaatadu waxa ay soo ifbaxdaa marka mucaaridka, weliba mucaaridka qawmiga ahi, uu ku dhaqmo dardaaran samays ah oo aan jirin, isaga oo isku dayaya in uu u muuqdo in uu nidaamka, boqorka ama madaxweynaha ku hagayo jid toosan, sida in nidaamka jiraa gaabis ku jiro, mucaaridkuna rugcaddaa ka soo dabbaashay xaaladahaas oo kale yahay. 

Waa in aynnu isla qaadanno in nidaam dal tobanaan sano xukumayay uu cid walba ka yaqaan dantiisa, waxaana caddayn u ah in uu sidan muddo dheer kusoo ilaashanayay joogitaankiisa. Balse mucaaridka abadiga ahi ma awoodo in uu ina tuso in uu awoodo in uu taliyo, iskaba dhaaf talo uu bixiyana markaas. Kol haddii nidaamku garanyo sida uu kursiga u ilaashanayo, waxa habboon in mucaaridkuna sugnaado, dadkana ka dhaadhicin karo in nidaamka jiraa ka hor imanayo danta bulshada, qaabka uu wax u wadaana jiritaanka dalka halis ku tahay. 

Ka warran nidaam meel ka talinayaa haddii uu u arko xidhiidhka Israa’iil in uu xoojinayo xidhiidhka uu la leeyahay Maraykanka, istiraatiijiyad fiicanna sidaas ku helayo, sidaasina danta nidaamkiisa tahay. Mucaaridka joogaa ma in uu ka doodo danta nidaamka ugu jirtaa mise waa in uu wax iska weydiiyo sida siyaasaddaasi saamayn ugu yeelanayso danta dalka iyo dadka? Miyay suuroobaysaa in Madaxa Maamulka Falasdiiniyiinta lagu qanciyo in dantiisu ku jirto in uu la garab noqdo kooxaha iska caabbinta? Mucaaridkiisa isaga ayaa ka yaqaan in sida uu talada ku sii hayn karaa tahay in uu heshiis la sii ahaado Maraykanka iyo Israa’iil, oo haddii uu beddelo siyaasaddiisa, oo uu midnimada dalka waafajiyo, waxa ka dhalanaya isbeddel dhinac walba ah. Haddii ay sidan tahay xaaladda maamul yar oo aan weyneyn, maxaad u malayn kartaa dawlado waaweyn oo nidaamyada ka jiraa rugcaddaa ku noqdeen ilaalinta booskooda tobanaanka sano jiray. 

Waxa suuragal ah in maslaxadda nidaamku ku taagantahay si ka duwan sida uu mucaaridku sawiranayo in ay tahay maslaxadda dalku. Dhaliisha iyo toosh ku ifinta maroorsiga danta ee nidaamku wado waa kaalinta mucaaridka iyo dhaliisha siyaasadeed, waana in xagal mabda’ ku dhisan ka timaaddo. Waa in mucaaridku sidan ka shaqeeyo, xitaa haddii aanu awood u lahayn in uu talada qabto. Waa in kaalintiisu ahaataa danta dalka iyo u dedaalidda beddelka siyaasadda jirta, sidaasina kuma suuroobayso talo soo jeedin iyo in nidaamka jira lagu kaalmeeyoo sii joogitaanka. 

 

 

Qoraalka waxaa al-Jazeera ka soo turjumay Maxamuud Bulxan.