Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Macdanta Afrika: Luulka hurinaya dagaallada

29 July, 2024
Image
تصوير محمد الشاهد/ الأناضول
تصوير محمد الشاهد/ الأناضول
Share

Sida ay khubaradu wariyaan “ Qaaradda Afrika, waa hoyga macdanta ee beddelaysa dhibaatada tamarta ee ay wajahayaan dawladuhu “ War bixin uu soo saaray Mac’haadka ‘Maamulka Khayraadka dabiiciga “ ahna waxa  ay xustay ‘’ Qaaraddu in ay leedahay wax aan ka yareyn saddex meelood meel 1/3  Kaydka Macdanta ee dunida ee muhiimadda u leh u hayaamidda tamarta. Si la macno ah taas, waxa jirta daraasad uu soo faafiyey Bangiga Aduunku oo odhanaysa “ Si heer kulka caalamka loogu ilaaliyo wax ka hooseeya labo digree, badhtamaha qarnigan, waxa lama huraana kordhinta wax soo saarka macdanta nadiifta ah sida Garaafit, litiyuum, Kubaalti  oo dhan 1,3 Bilyan oo tan taas oo korodhkeedu dhanyahay 450% marka loo eego sanadkii 2020 “.

Afrika waa kaydka Macdanta

 Laga soo bilaabo Waqooyiga illaa iyo Koonfur iyo sidoo kale beriga, galbeedka iyo badhtamaha iyo xitaa Jasiiradaha kolka la isku wada daro Qaaradda Afrika waxa ku kaydsan Macdan xoogan waxaana lagu qiyaasaa heer caalami ahaan kayd macdaneed oo kala ah 90 % macdanta Balatin, 70% macdanta Koltan,70% macdanta Mantalum, 60% macdanta Kolbat  iyo Kaydka dheemmanta oo isna dhan 46%, Kaydka dahabka oo dhan 40%, Kaydka saliidda 12 % halka Kaydka gaasta dabiiciga ah lagu qadaray 8%. Tani waxa ay horseedday in Dawlado doora oo Afrika ahi  ay safka hore kaga jiraan liiska soo saarista iyo dhoofinta ee heer Caalami, Tusaale ahaan Marooko waxa ay haysataa kaydka ugu badan ee Foysfaydda dunida kaas oo dhan 70%, halka Jamhuuriyada Dimorqraadiga ah ee Kongo ay haysato Kobaaltiga ugu badan kaas oo gaadhaya 70%, sidoo kale Koonfur Afrika ayaa qayb laxaad leh ka heshay macdanaha ay ka mid yihiin Lithium 46%, Manganiis 22% Koram.

Dhanka kale, toban sanno ka hor, Bangiga Adduunka oo garabsanaya  Midawga Afrika ayaa bilaabay hindise uu ugu magac daray ‘ Khariidada Bilyanka dollar’ Iyada oo la xiganayo Miisaaniyadda Sahanka Jayloojiga ee ku shuqulka leh u jeeddadeeduna tahay daahfurka iyo sawirista Khariidad casri ah ee Macdanta iyo khayraadka Afrikaanka iyo maal gelinta Tiknoolayjiyada horumarsan. 

‘ Luul aan la aqoon’ mise ‘ Ugaadhsi la waardiyeeyo’?

Toban sanno ka dib oo afrikaankuna sugayeen natiijooyinka, sida uu dhigayey Barnaamijku waxa ay ahayd in la shaaciyo daah furyada, laakiin waxa ku yimid dib u dhac sababo la xidhiidha Fayraskii karoonaha, dib u dhacaas oo ayna in badan jeclaysan, wuxu keenay in dib loo soo fago Arjiifyadii Guumaysiga, lana soo nooleeyo erayo ay ka mid yihiin ‘ Kinsi aan la aqoon ‘ oo uu adeegsaday Jaylojyahanka reer Faransiis ee Mercul Robault si uu u qeexo macdanta dhulkii Faransiisku guumaysan jiray. Iyo ‘ Ugaadhsiga la waardiyeeyo’ oo lagu soo qaaday Warbixinadda Beljamka si ay tilmaan uga bixiyaan Ilaha ku duugan waddamadii ay guumaysan jireen. 

Sidaas awgeed, Khariidada casriyeynta Khayraadka Afrika ee ugu danbaysay ayaa  weli ah dhukmaanti la daabacay 2008 kaas oo ciwaankiisu yahay “ Khayraadka macdanta iyo Horumarinta Afrika “ kana  soo baxay Faransiiska, ka dib qalalaasihii Maaliyadeed ee caalamiga ahaa. Waxa uu kormeeray Kaydka macdaneed ee ku jira Afrika kaas oo uu ku qiyaasay 85 % Platnium, 80% chronuim, 75% dhagaxa Foysfayt, 60% Kolbat, 40 % Dahabka iyo 30% boksayt. 

Muddooyinkii u danbeeyey Khubarada Faransiisku, macdanaha muhiimka u ah mustaqbalka caalamka waxa ay u kala saareen afar qaybood oo waaweyn. Kolka laga yimaaddo, macdanta qaaliga ah ( Gaana, Suudaan, Maali iyo Burkina faaso ) Iyana waxa jira dhagaxyo muhiima sida: Samrad, Yaaquut iyo Maaska (Madagasar, Afrikada dhexe, Naambiya iyo Koonfur afrika ), iyo Macdanta warshadaha sida Boskit iyo Birta ( Kiiniya, Simbaabwi iyo Koongo ) iyo ugu danbeyn macdanta istaraatiijiga ah ee ay ka midka yihiin Koltan, Kobalti iyo lithium kuwaas oo loogu yeedho ‘ Dahabka qarniga 21 naad ‘ doorka ay ku leeyihiin Horumarka warshada Tiknolayjiyada awgood. 

Sharafta Afrikaanku waxa  ay ku jirtaa gacmahooda

Raadinta hantida iyo khayraadka oo ay weheliyaan xaajooyin kale, waxa ay laf dhabar u ahayd dar dargelinta iyo faafinta guumaysiga Waddamada Afrika, iyada oo Yurubyiyaankuna ay isha ku hayeen hadba cidda soo gasha qaaradda, taas awgeed qoraaga Tanwiiriga ah ee la yidhaa Fikto Huugo oo arrintaas wax ka qorayna waxa uu yidhi “ Qarnigii sagaal iyo tobnaad, caddaanku waxa ay madawga ka dhigeen DAD, qarniga labaatanaadna, Yurubiyaanku waxa ay Afrika ka dhigi doonaan ADDUUN, soo celinta iyo yagleelidda Afrikada cusub na waxa ay ka yeeli doontaa afrikadii hore mid u hoggaansata xadaaradda. Mushkiladdu waa taas, Yurub ayaana xalin doonta.“ Tan iyo bilawgii Kacaankii Warshadaha Yurubna, Afrika waxa ay door weyn ka qaadatay dhismihii Warshadaha iyo ganacsigii Yurub , iyada oo ku biirisay Khayraad aad u badan ( Dahab, Silvar, Naxaas, bir iyo Khayraadka aadanaha ) waa qarniyadii la soo dhaafay e. Dhammaan Mustacmaraadka Afrikana waxa ay u furnaayeen Boqortooyooyinkii Guumaystaha sida tii Ingiriiska, Faransiiska, Isbaanishka, Talyaaniga, Holan iyo Biljamka, kuwaas oo waddamadii ay guumaysteen kala qaybiyey tabtii keega !

Afrika waxa ay u jihaysatay in ay ku noqoto siniyaaro la mid ah taas hore ee Kacaankii Warshadaynta, Farsamada iyo Tiknoolayjiyada in badan oo ka mid ah hal abuuradda socodna waxa ay ku taxanyihiin tiro macdan ah oo kooban oo laga helo Afrika oo qudha. Macdanaha Warshadahana sida Almaniyumta, Nikalta, Manganista,  iyo Karoomta waxa ay muhiim u yihiin Qorshaha caalamiga ah ee ka guurista shidaalka iyo u hayaamidda Ilaha tamareed ee leh Karboonta hoose. Muddooyinkii danbe  waxa  badatay hadal haynta Macdanta Lithium ee Qaaradda taas oo muhiim u ah Warashadda Baytariyada ee Suuqa caalamiga ah ee isa soo taraya suuqaas oo sanadkii 2023 joogay 5,3 Milyaar dollar lana filayo in uu kor u kaco 13,8 oo Milyaar sannadka 2027, sidaas oo kale baa looga hadlay warbixin sahan Joylojiyadeed oo Ingiriisku faafiyey 2021 taas oo ciwaankeedu ahaa “ Lithium resources and their potential to support Battery supply chains in Africa”. Dhankeeda, Hayadda Sahanka Joylojiyaadeed ee Amerika waxa ay xustay in waddamada Saambiya, Jamhuuriyada Dimoqraadiga Kongo, Gaana iyo Maali isku darkoodu ay haystaan 4.38 Malyuun oo tan. 

Dahabka qarniga 21aad oo hurinaya Afrika

Khubarada Wakaaladda Tamarta Dawliga ah ayaa waxa ay filayaan kor u kac ku yimaadda Tartanka u kala dheeraynta Macdanta muhiimka ah ee Afrika, waxaana isa soo taraya shirarka dawladaha waaweyn, laga soo bilaabo Maraykanka, Midawga Yurub, Shiinaha iyo Ruushka oo lagu daray Hindiya iyo Jabbaan, kumana eega Kuuriyada Koonfureed iyada oo waddamada Afrikana ay xaqiijinayaan filashooyinka khubarada. Dhanka kale, tilmaamayaashu  waxa ay tibaaxayaan in dalabka caalmiga ah ee Naxaastu uu kor u kacayo 40%, Nickelta iyo Kolbat na ay gaadhayaan 60% iyo xitaa 70%, halka Macdanta Lithuim ay cagacagaynayso 90% sannadka 2040. Sida ay sheegeen Khubarada iyo Korjoogteeyayaashu, filashooyinku waxa ay ka digayaan soo laba kaclaynta ‘ Lacnadda Khayraadka ‘ ee Afrika, kor u kaca ku socda dalabka macdanta iyo xitaa haysashada Kaydadka muhiimka ah na ma madaamannad qaadi karaan in si buuxda looga dheefo, ee waxa ay keeni karaan taas lidkeeda oo ah in ay furaan isku dhacyo gudeed.  Sanadkii 2013 na dagaalkii Daar fuur ee Suudaan waxa sabab u ahaa Dahabka, isku qabsagii godadka dahabka ee buurta Caamirna waxa ku naf waayey kun qof halka ay ku barakaceen in ka badan boqol iyo konton kun. 

Intii u dhaxaysay 1998 illaa 2021 kiina taas tu la mid ah baa ka dhacday Koongo, gaar ahaan Deegaanka Kayfu ama loo yaqaanno “ Qaryada Caalamiga ah “ oo dhacda waqooyiga dalka waxaana ku naf waayey afar iyo illaa lix malyan oo qof, illaa haddana Macdanuhu waxa ay baasiin ku shubayaan colaadaha Kongo gaar ahaan berigeeda, oo ay joogaan in ka badan boqol dablay oo hubaysan. Kongo waa dal yar oo faqiir ah calaami ahaan, in kasta oo uu yahay dalka ugu qanisan caalamka dhanka khayraadka, daraasad ka soo baxday Mu’asasadda “Global Edge” ee daraasaadka Maaliyaddu na  qiimaha Macdanta qaydhin ee aan weli laga dheefin waxa ay ku qiyaastay 24 Tirbalyuun oo dollar oo u dhiganta wax soo saarka guud ee Maraykanka. 

Loolanka Macnadeed ee ka oogan Afrika waxa uu muujinayaa Ifaafale Jiyo-dhaqaale oo daaha ka qaadaysa xidhiidhka ka dhaxeeya siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka, loolankanina waxa uu fursad u yahay waddamada Afrika oo door ka ciyaari kara is diidooyinka quwadaha waaweyn  iyaga oo kor u qaadi kara dheefta iyo ka faro qabsiga. Waxa kale oo Iyana muuqata in uu loolankaasi isu rogi karo mid leh qaab guumaysi ama sheegashada saddexaad ee Afrika, Miyaanu Madaxweynaha Ruushku toban sanno ka hor isaga oo lahadlaya saxaafadda ku qaylin “ U jihaysigayaga Afrika ma aha wax ku yimid si kadisa, Afrika waxa ay noqotay Qaaradda Fursadda, waxa ayna leedahay Khayraad xoogan iyo soo jiidasho dhaqaale “.