Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Fan

Madhaafaanka Fanka

17 April, 2024
Image
Faysal Cumar
Faysal C Mushteeg (1945-2012)
Share

Dammaan iyo Khobor ma doonaayoo
Dariiqa fog baa I daashadayoo
Dookhiyo dalkan waan la garan waayee
Aan duulee diyaarad ii keeneey

 Ereyadaas oo keliya ayaa ku filan in ay iba furaan jaad dhan oo fanka Soomaalida ka mid ah. Waa fanka daltabyada. Sannadku waa 1960. Waa goor barqo ah. Koox macallimiin ah oo dugsiga Biyo-dhacay ka rawaxday ayaa tegeysa idaacadda Raadiyo Hargeysa. Mid ka mid ah raggaas oo codkiisu jaadgooni yahay ayaa laga codsanayaa in uu duubo hees Qaraam ah. Waa markii ugu horreeyay ee codkiisa cajalad lagu duubo. Waxay se barbilaw u noqotay fan madhaafaan ah oo ilaa maanta dareen gooni ah lagu dhegeysto. Waa fankii macallin Faysal Cumar Mushteeg. Macallin marka aan leeyahay ma aha xirfaddii baranimo ee uu dugsiga Camuud ka bartay oo keliya. Faysal wuxuu macallin ku ahaa wax kasta oo uu gacan u qaado. Wuxuu macallin ku ahaa muusigga, midhaha, madaddaalada iyo murtida nolosha.

Sannadkii 1945 ayuu ku dhashay xaafaddii Laba Nuux ee magaalada Hargeysa. Waa labo sano ka dib markii Cabdi Sinimoo iyo kooxdiisii Balwo ay hir cusub oo fanka Soomaalidu qaaday hillaaciyeen. Dugsiga Sheekh Bashiir ayuu waxbarasho ka bilaabay, 1958-kii na wuxuu soo dhammaystay dugsisii tababarka macallimiinta ee Camuud. Dabadeeed wuxuu shaqada macallinnimo ka bilaabay dugsiga Biyo-dhacay, meelo badan oo kalena kaga shaqeeyey ilaa uu macasalaamaynayey markii askartu dalka qabsatay sannadkii 1969. 

Faysal shakhsiyaddiisa oo goonni ahayd iyo xilliga fankiisu bulaalay oo iyana gaar ahayd marka la isku daro waxay ka dhigtay fannaan dhegeysigiisa si kutalagal ah oo ujeeddaysan loogu muraado. Faysal Cumar fankiisa waxa lagu dhegeystaa hilaw iyo dareencabbir. Halabuurkiisa hees ah, ama laxan ah, ama muusig ah, ama luuq toolmoon ah, mid-mid ama wadartooda oo la isu geeyey ayaa lagu raaxaystaa. Waxaa la arkaa cid Faysal codkiisa gaar u jecel sababtaasna u dhegeysata. Waxa kale oo la arkaa cid kale oo muusigga Faysal ugu dhadhan roon yahay. Si la mid ah waxa tiro beel ah cido kale oo laxankii Subcis ee uu allifay madhaafaan u yahay. Kaa ugu danbeeya aynu markhaati gashanno fannaanaddii ay isku jiilka ahaayeen, Sahra Axmed Jaamac, oo laga hayo hadal u dhignaa in laxanka Subcis ay nafteeda ugu heesto oo iyadu isku soorto. Sidoo kale waxa badan cid intaba marka la isu geeyo mahuraan faneed ay u tahay.

Faysal wuxuu lahaa shakhsiyad gooni ah. Sida uu sheegay, saaxiibkii ay fanka iyo noloshaba ku saaxiibeen, Xudaydi, wuxuu ahaa nin fanka u heellan (musical-minded). Wuxuu lahaa dhadhansi faneed iyo falsamaan gooni ah. Wuxuu ahaa nin ay isu raaceen waxbarasho nidaami ah iyo wacyi korran oo uu kula falgalo nolosha. Curintiisu waxay ahayd mid dareenka dadka u dhow oo nolosha abbaaraysa. Wuxuu ahaa nin medeni ah oo jecel in fanku nolosha dadka caadiga ah ku dhex jiro. Wuxuu ahaa nin doortay in uu dadka oo dhan u heeso diidayna in fanka laga dhigo wax loo afduubo cid laga haybadaysto ama koox awood is bidday. Fallaag buu ahaa aanay dabarradu qaban. Wuxuu ahaa nin jawiga xorriyad-darrada iyo muquuninta ku cabbudha. Dabayaaqadii lixdankii isagoo macallin ah markii askartu dalka qabsatay ee sarkaalka tuutaha xidhani ugu soo galay fasalkii uu wax ku dhigayey, si uu u kormeero waxa Faysal ardaydiisa u sheegayo, waa kii inta uu iyagii qalinka u dhiibay dalkaba iskaga baxay. Khaliijka Carabta ayuu tegey. Halkaas ayuu ka sii waday halabuurkiisii ku saabsanaa nolosha maalinlaha ah. Waa kan tiriyey suugaanta daltabyada, lacagta iyo wax kasta oo uu u arkayey in ay nolosha macne u yeelaan. Faysal wuxuu ahaa nin aan nolosha danayn fankana badeecayn. Fiiradheeri dabiici ah iyo waaya’aragnimo qaangaadhay oo dhulmareennimadu dhaxalsiisay ayaa fankiisa qani ka dhigtay. Dugsiga miyuusigga ee Qaahira ayuu waxbarasho faneed ku soo qaatay. Jarmalka ayuu muddo joogay isagana oo waxna ku bartay kana shaqeeyey. Dagaalkii toddoba-iyo-lixdankii markuu dhacay isagoo Qaahira jooga ayuu go’aansaday in uu Soomaaliya ku soo laabto. In yar ka dibna markii afgenbigu dhacay ayuu mar labaaad Khaliijka u tacabbiray. Wuxuu ahaa nin dhadhansi faneed oo soofaysan leh oo meel kasta weji faneed ka muujin kara. Mar ayaa lagu xidhay Sucuudiga, meel Jubayl la yidhaahdo, ka dibna maaddaama uu fanka Suudaanta  yaqaannay, xabsigiiba wuxuu u beddelay gole faneed uu heesaha Suudaanta ku jalbeebiyo. Qofnimadaas gaarka ah ee Faysal fankiisa waxay ka dhigtay wax dhadhan aan duugoobayn leh. 

Marka laga tago qofnimadiisa, qodobka kale ee isna xaalaynta mudani waa amminta waxsoosaarka faneed ee Faysal bulaalay. Faysal wuxuu kacaamay berisamaadkii fanka soomaalida. Xilligii uu ugu nuxurka roonaa. Intaan halabuurku askaroobin ama la askarayn. Waagii xorriyadda iyo madaxbannaanida fannaaniinta. Markii fannaaniin iyo halabuur iskood isu abaabulay ay nolosha faallayn jireen ee aashood hadli jireen. Taliskii Siyaad Barre nolosha Soomaalida oo dhan ayuu faddareeyey. Fanku se wuxuu ahaa halkii uu faddaraynta ka bilaabay. Fanku waa halabuur. Halabuurkuna boqol tiir buu ku istaagaa oo ku tamariyaa. Hal tiir ayaa se ku filan, haddii uu maqan yahay, in uu inta kaleba nuxurka ka qaado waana XORRIYADDA iyo MADAXBANNAANIDA. Fanku waa qof curin leh oo aashiis hadlay. Qofku haddaanu aashiis hadal ee loo yeedhiyo wax ay tahay in uu ka hadlo ama aanu ka hadlin, ama la faafreebo oo loo sheego in ay jiraan seerayaal ay tahay in aanu gelin, wuxuu noqdaa fan garcaday. Haddaba, intaan askartu talada qabsan, fanku wuxuu ahaa mid fannaaniintu aashooda hadlaan. Wuxuu ahaa mid ku xidhan kartida iyo wacyiga fannaanka ee aan u afduubnayn doonista taliska. 

Faysal xilligaas ayuu ku dhex barbaaray. Facaasna wuu la barbaaray. Jiilkaas hurmuudka ah ayuu curintiisa hodonka ah kaga qaybqaatay. Markaasuu laxannada qaraamka qaadhankiisa ku darsaday oo Subcis allifay. Heestii ugu horraysayna laxankaas ku qaaday. Facaas, keliya Faysal kama tirsanayne, wuxuu ahaa nin doorroonaan ku dhex leh oo la muuneeyo. Taas waxaynu ka arkaynaa sida fannaaniinta oo dhami ugu soo hiloobi jireen wejifurnaantii, madaddaaladii iyo fankii bulshaynta ee Faysal. Markii la weydiiyey sababta heesihiisu u yar yihiin waa kii yidhi, “fannaaniintu dadka ayay u heesaan, aniguna iyaga ayaan u heesaa”. Waa runtii. Sidaas ayuu ahaa oo agtiisa ayaa lagu soo xoomi jiray. Fankiisana inta markaas agtiisa joogta ayuu ku madaddaalin jiray oo nolosha ugu iidaami jiray sida uu ina leeyahay: 

Intaan qubay hadallo qaali ah ee
Qasaareeyey waa quruuruxan.

 

Faysal wuxuu ahaa qofka sida ugu habboon u buuxin kara magaca Hiboole. Jaadad badan oo wejiyada nolosha ah ayuu mid kasta Faysal si taboolenimo ah u faalleeyey. Jaad kastana gaarkiisa ayuu u mudan yahay fiiro. Waayihii Faysal ee qurbaha iyo suugaantii daltabyada, maalmihii macallinimada iyo halabuurkii tuulooyinka, madaddaaladii Faysal iyo majaalistii saaxiibbada iyo in kale oo badan oo ka mid ah darafyada noloshii Faysal dhammaantood waa aagag mid kastaa sahan gaar ah u baahan yahay. 

Badhtamihii siddeed-iyo-siddeetan ayuu dalka dib ugu soo laabtay oo Khaliijka ka yimi. Dalka ayuuna u badnaa ilaa uu geeriyooday 20 Sebtember, 2012. Loxodka ayaa la qabadsiiyey jidhkiisii daahirka ahaa waxa se inoo baaqi ah codkiisii tolmoonaa iyo dhuuntiisii xabeebta lahayd oo ilaa inta nololi jirto la sii dhegeysan doono marka uu qaadayo heestii Lacageey ama Ha derderin carrada ama qof kastaa midda uu jeclaado oo ka mid ah heesihiisa.   

Qoraallada kale ee qoraaga