Skip to main content

Tuesday 22 October 2024

Aragti

Qaadhaanka Tirtiridda Taariikhda!

31 May, 2024
Image
Berbera old house
Dhisme qadiim ah oo dayac ka muuqdo, oo ka taagan Berbera. (Xuquuqda sawirka: Nuural-Huda Cali Banfas).
Share

Somaliland waxaad ku arkaysaa dad qaadhaan u ururinaya si goob taariikheed loo dumiyo, halkii ay ahayd in qaadhaanka la isugu habarwacdo si goob taariikheed loo badbaadiyo, ayuu ku doodayaa Muuse Axmed Cilmi.

Magaalada Sheekh marka aad ka soo baxayso ee dhinaca Berbera u socoto, haddii aad si dhugmo leh u fiiriso dhankaaga midig, waxaad arkaysaa labo dhisme oo yacsuman oo aad mooddo minaarado musaajid oo meel cidlo ah ka taagan. Waxa ay dhismayaashaasi yihiin inta aanad toyan, waxay u badan tahay in ay maskaxdaada ku soo degdegto wax ay ahaayeenba in ay hadda sii tirtirmayaan oo muddo badan aanay sii jiri doonin. Dhismayaashaas yacsumani ma aha wax keligood ay ku kooban tahay in ay xabaal qarkeed sii saaran yihiin. Waxay qayb ka yihiin cutub dhan oo taariikheed oo warraaqaya. Soomaliland, haddii aynu sooyaalkeeda u qaybinno saddex: gumaysiga hortii, waagii gumaysiga iyo gumaysiga dabadii—dabadeed si guud fiiro ula dhaqaaqno, waxaad arkaysaa cudur sooyaalkeeda faro ba’an ku haya. Labadaas, gumaysiga hortii iyo dabadii, inta aynu dib u yar dhiganno, kaa dhexe aynu is yar dultaagno. 

Si guud qaaradda Afrika, si gaar ahna Somaliland, waayo gumaysi oo ku dhowaad siddeetan sannadood taxan ayaa sooyaalkeeda ku jira. Siddeetankaas sannadood wax badan oo badan baa inaga khuseeya si aynu taaganta u fahanno. Raadkii gumaysigu wuxuu wax badan inaga barayaa sida aynu halkan ku nimi. Raadkaasi, waa waxa aan u dan leeyahaye, wuxuu isugu jiraa wax qoran iyo wax aan qorrayn. Waxa qorani waxay u badnaayeen laba qaybood oo kala ah xog xafiisyadii maamulka gumaysigu qoray oo khusaysa sida ay wax u maamuli jireen, siyaasaddoodii gumaysi, xogaha sahanka iyo wax la mid ah oo ujeeddo maamul loo qoray. Waxyaabahaas, maaaddaama qaarkood xogo xaasaasi ah ahaayeen, Ingiriisku markii ay dhulka ka guurayeen, waxba kagama tegin xafiisyadii maamulka ee ay wareejiyeen. Wixii ay kaga tageenna, oo markooda horeba xogo iska banyaal ahi ku qorraayeenna, cidi ma danayn oo qiime taariikheed oo ay leeyihiin laguma xaalayne dayac bay u baaba’een, waxna si kas ah ayaabay gacan dad ugu burbureen sida la weriyey. Tusaale ahaan, waxa la sheegaa in Bile Rafle, oo maamulkii askarta Hargeysa badhasaab uga ahaa uu gubay waraaqo ku urursanaa maktabaddii xoghaynta ee Ingiriiska isaga oo ingiriiskii gumaystaha ahaa ka urinaya, halkii ay ahayd in uu qiime taariikheed ku lexejecleeyo. Qaybta labaad ee wax qorani cahdigii gumaysiga inaga soo gaadhay waa nuqullo buugaag ah oo ashkhaas madaxbannaani qoreen. Dadkaasi, in kasta oo qaarkood sahamiyayaal gumaysiga u horraanyeelaya ahaayeen, haddana waxa ay qoreen waxa ay u badnaayeen xog guud oo dhulka soomaalida khusaysa sida daraasaado afka, dhaqanka, taariikhda, degaanka, xayawaanka iyo ino ku agdhow ay kaga warrameen. Badanka buugtaasi waa kuwo la heli karo maaddaama madbacado Yurub ku yaalla lagu daabacay. 

Qaybta labaad ee raadkii gumaysiga inagaga hadhay ee wax badan inaga baraysa waayihii gumaysigu waa wax aan qornayn balse qiime taariikheed leh. Tusaale ahaan, dhismayaashii maamulka, dugsiyadii waxbarashada, qalcadihii difaaca iyo wax la mid ah. Sida tusaalaha aynu qoraalka ku ibo furray ku sheegnay, badanka sooyaalkaas oo lexejeclo taariikheed mudnaa way warraaqayaan oo naxashka baaba’a ayay saaran yihiin. ka soo bilow magaalada Burco. Tabtii Bile Rafle subax ugu soo kacay in uu gubo kaydkii xogaha ee Maktabaddii xoghaynta Ingiriiska yaallay, ayaa maamulka dawladda hoose ee Burco iyaguna subax ula soo jarmaadeen in ay burburiyaan khayriyaddii magaalada oo ahayd tii ugu da’da weynayd ee mustacmarkii Ingiriisku ka dhisay Somaliland oo bilawgii afartanaadkii la dhisay. Marmarsiinyuhu wuxuu ahaa Maktabad dadweyne ayaa laga dhisayaa goobteeda. Laakiin dhiillada ah in magaalada Burco sooyaalkeedii la masaxo cidina kuma baraarugin. Aan idhaahdo kuwii xilka hayey xil iskama saarine dhabbadii Bile ayay qaadeen. Mashruuca sooyaal tirtiriddu kuma koobna Khayriyadda Burco e, maalin kasta ayuu si aan lagu baraarugsanayn u dhacaa. Moofadii Cilmi-Boodhari ilaa fagaarihii lagaga dhawaaqay xorriyadda ayuu taxan yahay oo mid kasta la dooriyey.  Sidoo kale, ma aha wax ku kooban xilli taariikheed cayiman e, waa xanuun sida kudka u laynaya goobo badan oo lexejeclo taariikheed mudnaa.

Meeshii ugu danbaysay ee lagu handaday in taariikhdeeda la tirtiri doono wuxuu ahaa masjid Jaamaca weyn ee magaalada Hargeysa. Waa dhisme weyn oo lixdanaadkii la dhisay. Afarta koone Musaajiddo lagu tukado ayaa ka xiga, waxa keliya ee uu dheer yahay waa in uu yahay dhaxal taarIikheed oo ina xusuusiya Hargeysadii waayo jiri jirtay. Qiimaha ugu yar ee uu leeyahay waa in uu magaalada Hargeysa caydhnimada taariikheed ee haysa ka badbaadiyo. Waxa anfariir ah in lagu yaboohay lacag toddoba-iyo-labaatan milyan oo doolar gaadhaysa oo lagu tirtiro taariikhdaas. Bal adigu foolxumadaas sawiro! Dadka oo qaadhaan ku bixinaya sidii raad taariikheed loo tirtiri lahaa. Dunida sidaa sida ka soo horjeedda ayaa wax loo wadaa oo dadku waxay qaadhaan ku bixiyaan ilaalinta iyo dayactirka dhismayaasha taariikhiga ah. 

Sababaha dhisme taariikheed loo dumiyaa farahaas ayay ka badan yihiin. Badanka se labo qolo ayay eersadaan: waa dadka maamulka haya iyo wadaaddada. Labadaas qolo waxay ku falan yihiin raadgeddiga taariikhda. Baraarug la’aan, dayactir la’aan, fiditaanka magaalooyinka iyo isbeddelka cimilada ayaa soo raaca oo ka qaybqaata dabargo’a aasaarta taariikheed. Garashada hagaagsani waxay ina faraysaa in aynu ilaalinno raadadka taariikheed si ay inooga ilaaliso ambasho iyo saboolnimo taariikheed oo awelba aynu la ildarrayn. Xujadu ma aha in meel taariikh leedahaye waa inta  raadkaasi ilaashan yahay.  

Qoraallada kale ee qoraaga

Sheeko

Yacayga Xusuusaha

Fan

Madhaafaanka Fanka