Skip to main content

Tuesday 22 October 2024

Sheeko

Yacayga Xusuusaha

5 July, 2024
Image
Excution
Farshaxanka: Gérôme, Jean-Léon (French painter and sculptor, 1824-1904)
Share

Indhaha ayay kaa xidheen balse weli waxbaad sii arkaysaa. Dad rayid ah, askar koox koox ah, gaadhi Ambalaas ah, buuq iyo sawaxan, dad murugaysan iyo kuwo wejigooda yidiilo iyo cadho isku milan ka muuqato ayaad dalool yar ka arkaysaa. Qaar baad garanaysaa, qaarkalena maanta ayaa kuugu horraysa oo weligaa ma aad arag. Hooyadaa iyo wiilkeedii curad ayaad ka garanaysaa oo murugo aanad weligaa malaysani wejigooda ka muuqato. Saf dad ah oo sidaas u wada murugaysan bay ugu horreeyaan oo meel soo tuban. Ciiro aragagax iyo qarracan ah ayaa ku meersan. Saf kale oo meel aan ka fogayn tuban ayaa isna jira. Murugada iyo qarracanka dadka meesha jooga oo dhan ayaa loo qaybiyey kuwan bay se ugu yartahay. Cadho iyo wayrax wejigooda sida dabka ugu soo karaya ayaa iyaga loogu buuxiyey inta ka dhiman. Dabayl siigo wadata ayaa dhanka Koonfureed ka soo dhacaysa oo dadka in ay maryaha kala baxdo ku sigaysa. Waxaad mooddaa bankii Qiyaame.

Daqiiqado tirsan ayaad haysataa. Waxbaa la qorqorayaa. Dhawr qof ayaa meehannaabaya oo marba meel tegeya. Askar meel soo tuban ayaa marba mid qoriga kor u qaadayaa oo kugu soo fiiqayaa. Waxa laga dareemayaa in ay wax raagsadeen oo meesha ku caajiseen. Qaar kalena waxa laga yaabaa in ay shaqada u xiise qabaan oo sugi kari la’yihiin inta amarka la siinayo. Tuhunkaas danbe ma aad qabteen haddii aanad maqli lahayn mid ka mid ah askarta oo maalin ka sheekaynaya sida uu ugu raaxaysto in uu raaco kooxaha dilka qisaasta fuliya. Wuxuu sheegay in uu jecelyahay in xabbad uu riday aanay dhaafin jidhka qofka la qisaasayo oo uu ku istareexo qiiqa ka baxa halka xabbaddu ka haleesho iyo sida marxuunka la qisaasaa u laalaadsamo kolka naftu ka aguugato. Sidoo kale, dhawr mar ayay ka soo fakatay xitaa in uu u muhdo dadka caadiga ah ee dhulkaas maraya in uu rasaas ku farraqo oo ay jidhkooda ka qiiqdo. Maalintaas wixii ka danbeeyey dhawr jeer ayaad ka fekertay sida askartaas iyo guud ahaan dadka hawshan ku shuqlani u bahaloobeen. 

Daqiiqadaha kuu hadhsani waxay kulansadeen dherer iyo gaabni. Waxaad jeclaan lahayd in la dedejiyo oo nafta hore laguu dhaafiyo maaddaama yididiilo aayaha laga qabaa aanay jirin. Sidaas darteed waqtigu waa kugu dheeryahay. Dhinaca kale, waxaad jeclaan lahayd in aad waqti u hesho in aad dib u milicsato waddadii dheerayd ee halkan ku keentay oo aad yacayga xusuusaha baadho. Balse waxaad dareemaysaa in waqtigu cidhiidhi yahay oo aanad ka geyoonayn. Muddo dheer ayaad qaayibtay kala qaybsanaan nafsadeed iyo walaac. Jidka halkan ku keenay si kasta uu u dheeryahay wuxuu ku dhammaadaa habeen gudcur ah oo roob da’ayo adigoo mindi dhiig diirrani ka tif leeyahay sita oo meel kudaafado ah si xawli ah u ordaya. Habeenkaas, waxbadan oo kale ayaa dhacay, haddana intaas ayaa baraadkaaga ku xardhan oo markasta oo aad istidhaahdo dib u xusuuso waxkasta ka soo hormarta. 

Wuxuba ammin kooban ayay si xawli ah ugu dheceen. Qof na ma filayn in ay halkan ku dhammaanayso. Waxa fekerka kaa qalindaaraya xadhigga sida ba’an garabkaaga iyo tiirka isugu nuuxiyey. Xanuun buu kugu hayaa oo si arxan daran oo aan lexjeclo  lahayn  ayaa laguu yuururiyey. Saddex sano ayaa ka soo wareegtay habeenkan xusuustiisu kugu soo noqnoqoto. Adiga iyo koox dhallinyaro ah oo roob tiixaya gidaar iskaga nabaya ayuu idin soo hor maray nin dheer oo caato ah oo degdegsani. Roobka ayuu ka cararayey isaga laftiisu. Nasiibdarradiisa iyo nasiibdarradaada marka uu meel idinku beegan marayo ayaa taleefanku ku soo dhacay. Idinkana taleefankaas iftiinkiisu gudcurka ka bidhaamayo ayaa hunguri idinka galay. Waydinkii ku soo kacay. Isaguna waa kii isku deyey in uu iska kiin caabbiyo. Tiradiinna oo badnayd darteed si kasta waad uga adkaan lahaydeen, haddana, habaarqabe kooxdiinna ka mid ahi waa kii ku xusuusiyey in aad tahay qofka keliya ee kooxda ka tirsan ee hubaysan. Mindi xun oo aad sidatay ayaad markiiba la soo haadday oo marxuunkii dhabarka si arxandaran ugaga aastay. Si fulaynimo ah ayaad markale ugu celisay oo haddana ka soo saartay. Looma baahnayn dilka noocaas ah. Sideedaba looma baahna dil nooc uu yahayba. Markii la arkay dhiigga ka soo butaacay iyo ninkii oo dhulka is geylaamiyey taah dheer oo nafta aragagax ku saaqayana ku dhuftay ayaa waa idin ku beryey. Qofna ma xusuusan wixii aad ku disheen in uu qaato e kala carar ayaa xigay.

Subaxdii xigtayba waa lagu soo qabtay oo gacan-ku-dhiigle ayaa lagugu soo eedeeyey. Alla magacu foolxumaa oo argagax weynaa. Qof nool ayaad dishay oo nolosha dhaafisay oo meyd ka dhigtay. Dadkiisii baad hoojisay oo tiiraanyo badday. Sidaas darteed ayaad magacan ku mutaysatay. Xabsiga ayaa lagu geeyey qayb gaar ah oo dadka axmaqiinta ah lagu ururiyo. Dad badan ayaa meeshaas ku xidhnaa oo nafsad ahaan hoogay noloshana ka rajo dhigay. “Berri hebelka halkaa soo fadhiya ayaa la tooganayaa”, “shalay hebelkii la toogtay waxa la yidhi naftu hore waa uga bixi weyday oo muddo dheer ayaa jidhkiisa rasaas lagu tarshadaynayey” iyo wax la mid ah oo qolkan lagaga sheekaysanayo ayaa markiiba dhegahaaga ku soo duulay.

Marar badan waxaad ka sheekaysataan xukunka dilka iyo dadnimada. Waxaad isla qirtaan farqiga u dhexeeya dilka qofka tuug dilo iyo midka maxakamadi xukunto. Qofka gacan qof ku baxa ilaa daqiiqadda ugu danbaysa ayuu rajaynayaa in uu badbaado. Nafsad ahaan ayuu noolyahay oo badanka dadkaasi dhaawac jidheed ayay u dhintaan. Bal u fiirso midka maxakamaddu xukunto. Intaas oo qof ayaa isku waafaqaya in lagu dilo oo nolosha lagu dhaafiyo. Daqiiqadda lagu dhawaaqo xukunkaas ayaad nafsad ahaan u dhimanaysaa adigoo weli jidhkaagii bedqabo. 

Bal u fiirso dadka halkan xabsiga jooga. Ninkaas madow ee caatada ah ee halkaas yaxooba shalay ayaa lagu dhawaaqay in dil lagu xukumay. Ilaa shalay waxba ma cunin oo baroor iyo oohin ayay u ahayd. Waa baroor qalbiga aragagax aan qofna malaysan karin ku ridaysa. Waa cataw qotodheer oo yididiilooyin uu aayaha ka qabay hadda se gabbalkoodii dhacay uu ugu booyayo. Waa meyd. Nafsad ahaan buu u dhintay. Bal indhiisa day. Waxay dhadhansiiyeen dareenka ugu qadhaadh ee rajo la’aanta iyo cabsida.

Bal u fiirso marka qolka laga saarayo qof subaxdaas la dilayo. Sidoo kale u fiirso midka la baxaadegaya walacsiga rajada. Waxaan u jeedaa qof maxkamad hore dil ku xukuntay oo rajo ka qaba in mid kale uu ku badbaado. Waxa laga yaabaa in uu ku badbaadi waayo oo iyaduna dil ku xukunto. Intaba waxa ka xanuunbadan maalmaha iyo habeennada uu dhex heedadaabayo xarriiqa u dhexeeya rajada iyo quusta. Bal eeg wejiga midka la muddeeyey maalintii la dili lahaa. Waa hooggii iyo murugadii oo muuqaal qof yeelatay. Qofna kama fekero dareenka qofka dilka lagu xukumay. Badanka waxa la isku mashquuliyaa in xukunka ay ku qanceen dadkii eedda lahaa iyo in kiiska la baadhay. Haddii hal mar ay arrinkaas ka fekeri lahaayeen waxbaa is beddeli lahaa. Ugu yaraan hal mar ayaa qofka nafsad ahaan iyo jidh ahaan la israacin lahaa oo halka xukunka lagaga dhawaaqo ayaa lagu fulin lahaa. 

Ninka dhallinyarada ah ee cas ee timaha jilicsan maalintii ugu horraysay ee xabsiga aad soo gashay ayaad is barateen. Waa nin aad u furfuran oo hadal badan sina u yar hashkadaynaya. Maalinkii oo dhan si caadiya ayuu u sheekeeyaa oo u dhaqmaa, hooggiisu se wuxuu bilawdaa marka gabbalku dhaco. Markaas ayuu qaylo ku waashaa iyo oohin iyo hiinraag ilaa waagu beryayo. Habeenkii ugu horreeyey waad yaabtay oo seexan wayday. Subaxdii ayaad weydiisay waxa xalay ku dhacay. Waa marka uu kaaga sheekeeyey in beri hore dil lagu xukumay oo la doonay in lagu fuliyo oo tiirka laga laalaadiyey. Si kasta ayuu isugu diyaariyey dhimashada nafsad ahaan oo wuu aqbalay. Muddo dheer ayuu isu soo carbinayey oo daqiiqaddahaas u diyaargaroobayey. Balse markii uu filayey in askartu rasaastii geerida soo farraqdo ayuu ku warhelay in xadhiggii laga furayo. Waxa cafiyey ciddii loo qisaasi lahaa. Waxa loo arkayey samafal loo sameeyey balse maaddaama oo uu mar hore yaqiinsaday in uu dhintay waxa ku adkaatay in uu nafsad ahaan dib u soo noolaado. Waa sababta uu habeenkasta ugu riyoodo iyada oo rasaas lagu afrogay oo jidhkiisa ay ka qiiqayso. Isagoo naftu ka bixi weyday oo lagu celcelinayo agabaka dhimashada. Dadku, kuwo dhintay iyo wax nool iyo qaar u dhexeeya ayay u qaybsamaan . Kuwa danbe waa kuwa qolkan ku jira oo iyagu tuban soohdinta u dhexaysa geerida iyo nolosha. 

Adiga oo sidaa isu la maqan oo yacayga xusuusaha baadhaya aan se  weli ka geyoon ayaad maqashay dhawaaq. Jidhkaagii caatada ahaa ee werwerku dhilay ayaad isku soo ururisay oo calool adayg intii ugu danbaysay dabcigaaga ka soo gororisay. Daloolka yar ee marada ka bannaan ayaad wax ka bidhaamisay waxaad na aragtay dumarro wejiga marada saaraya oo xaggaaga ka sii jeesanaya oo uubataynaya. Waxa xigay rasaas jidhkaaga boobtay iyo urta baaruudda oo ah wixii ugu danbeeyey ee sankaagu uriyo. Laga yaabee in dhimashada lafteedu sidaa urto. Waxa xigtay aamusnaan dheer oo dhulka ku baahday. Intaas wixii ka danbeeyey adigu maad ogayn wixii dhacay waayo waxaad ahayd Meyd.

Qoraallada kale ee qoraaga