Thursday 21 November 2024
Maqaalkan waa mid ka mid ah maqaalada u muhiimsan ee Biitar Weesal oo qoraa iyo filasoof reer Noorwey ah. Waxa uu kaga warramayaa kadeedka iyo welwelka nolosha, waxa uu ku dooddayaa in welwelka jiraalka ee dadku ka dhashay baraadkooda kordhay. Markii u horaysay waxaa la baahiyay 1933, waana maqaalada kooban ee qoraaga ee loo turjumay af-Ingiriisi iyo afaf kaleba. Waxaa af Soomaali u turjumay Maxamed Shariif.
Muddo iyo habeen aan dhawayn, ayaa nin soo miiraamay. Waxa uu is arkay isa ga oo jooga guud uu mudh ku dhex yahay oo bilaa hoy ku yahay. Wax kastaba quus baa uu ka gaadhay. Yaab iyo qayayaab ayaa mirtay. Dabadeed haweenay ayaa soo toostay iyada oo leh: "Haddaba waa goortii foofidda iyo ugaadhsashada."
Waxa uu gaaddada sudhay warankiisi iyo leebkiisi, oo uu hoos jibaaxay xiddigaha. Sidii uu filanayay, duurjoogtii waa ay ku soo arooreen darkii ay ka waraabi lahaayeen; se waa uu is ka waayay geesinnimadii iyo shabeelnimadii dhuuxa ka ga jirtay, oo waxaa mirtay dareen walaalsanaya wax kasta oo nool, oo dhib iyo dheef ba la laab ah. Maalinkaas ma uusan geyn ugaadhii loo ga fadhiyay. Kolkii la helay caddadii xigtay, waxa uu ku ag geeriyooday darkii.
Wax kasta oo dhacayba, u kuurgelista noloshu, waa ka xuubsiibashada nolosha, waa fal silloon, oo la ga wacan yahay faaqidaaddiisa maaddaama oo ay dabci ahaan noloshu tahay masiibo. Noloshu ujeeddadeeda waa ay ku xagjirowday, oo iyadii ayaa is eersatay. Waxyaabaha qaar ayaa ay u hubaysay si ka badbadis ah—iyada oo ku rartay ruux mug weyn oo walbahaarsan. Waxa ay ku rartay hub seef oo kale ah se aan daab lahayn, oo labada dhanba ka soofaysan, wax kastana ka la dhambalaya. Cid kasta oo rabta in ay adeegsato seeftaas, waa in ay qabto daabka seefta, oo dhan ka mid ah labada dhan ay middood is ku jeediso.
Insaanku waxa uu ku milan yahay walaxda, isa ga oo dhawaandhalad ah. Ruuxdiisa ayaa maaddada la falgashay oo ku milantay, heer ay isu dhuldhigto xeerarkeeda dhaayaha la'. Se waa dhaaddan yahay in walxadu qariib ku tahay, oo had iyo gooraale waxa uu is la barbardhigaa waxa ugubka ku ah, waxa uu u fiirsadaa habdhiskiisa baylooji. Mar kasta dabiicadda ayaa uu u martiyaa, isa ga oo og in uu yahay marti aan loo daafad hayn. Mar kasta waxa uu garab weyddiistaa dabiicadda, se ka ma neefiso. Dabiicaddu waxa ay u ga dhigan tahay mucjiso, se dabiicaddu jiritaankiisa waxba ka ma soo qaaddo. Xaquuqdii uu ku lahaa guudka waa la deedefeeyay. Waa dayro ilaa maalinkii uu cunay geedkii.
Guudkan uu doolka ku yahay isa ga ayaa ka taliya oo u weyn. Goor walba waxa uu nacdalaa booskaas weyn ee uu ka jantay guudka, sababta oo ah waxa uu siistay oo uu dhaafsaday nabaddiisi gudeed iyo barii’nimadiisi uu ku barkanaa nolosha dhabteeda.
Waa kaas halkaas la taagan aragtiyihii ku soo hoday guudkan, ee baday anfariirkaas iyo dhabannahayskaas. Xayawaankuba waxa uu garawsadaa jiritaanka baqdinta kolka danabku ka dulyeedho ama ciddiyaha soofaysan ee libaaxu maqaarkiisa dalooshaan. Insaanku se, waxa uu ogaaday jiritaanka baqdinta kolkii uu meersaday ee uu dhugtay abuurka nolosha. Noloshu waxa ay xaywaanka la tahay iskudar ah: awood-isu-sheegasho, u hayaanka cokanaanta iyo u nuglaanta xeerarka dabeecadda. Marlayba silica uu xayawaanku ka muto nolosha, waa ay ka qiyaas yar tahay silica uu insaanku ka muto nolosha. Noloshu insaanka waxa ay ka qoddaa nafsaddiisa boholo ay ku aasan yihiin rejadhig.
Ilmuhu kolka uu hayaankiisa nololeed ka bilaabo webiga, biyuhu waxa ay u qaadaan taag ay geeridu ka soo daadanayso. Itaal kale iyo xeelad toonna ma hayo, aan ahayn in uu oohin jabsado kol kasta oo uu u dhawaado taaggaas.
Insaanku marka uu dhugto guudka, waxa uu ismoodsiiyaa in dhulku u samaysan yahay sidii sambabbo weyn. Markasta oo ay sambabbadaasi neef soo dayso, noloshu waa ay bilcoonaataa, barwaaqo iyo rayrayn ayaa is cammirta daafaha dhulka. Kolka ayse hawada dib u qaadato, noolaha qaar qabuuraha ayaa ay is tuuraan, inna waxa ay la ilxumaataa oo la heedhisaa nabarrada boogaysan ee noloshu qodqodayso. Bardhammaaddiisa oo keliya makhaati ka ma noqon ee qabuurihii ayaa iskood isu fagay. Waxaa maqalkiisa dayeeyay baroorta meydadkii aboorku calfaday oo soo xabaaltoosay iyo himilooyinkii hooyooyinka ay noloshu waxba ka soo qaadday. Mustaqbalkii ayaa daaha ka qaaday qarowgan aan bardhammaadka lahayn ee soo noqnoqonaya ee aan macnaha lahayn. Silica malaayiin dad ah waxaa door u ah uun dhibrin. Bilyannadaas dadka ah ee silicu kadeeday waxaa tamartooda ah in ay dhibrinta ku adadkaadaan. Maagista baadidoon caddaalad, filashadu waa falcelin qosol digasho ah.
Waxa uu miiraamaa insaanku kolka uu ka soo baxo uurkujirta hooyaadii. Waxa uu arkaa gacan heehaabaysa hawada, oo shan farood leh. Maxaa ay shantani ka dhigan tahay? Maxaa ayse micne ii lee dahay? Is ma wada arko, se gacanta ayaa uu jidhkiisa la raacaa isa ga oo baqsan. Sidaas ayaa aad tahay, dhumuc iyo dherarna intaas ayaa aad tahay. Calooshiisa weli waxaa ku jirta cunno. Shalay waxa uu ahaa xaywaan meel is ka ga jira, se imanka noloshu waa ay i quudisay, quudkiina waxa ay ka dhigtay qayb i ga mid ah. Haddaba maxaa aniga i ah, maxaanse aniga i ahayn? Wax kasta waxa ay u noqdaan silsilad taxan oo ka kooban sababo iyo maxsuullo. Kol kasta oo uu iskudayo fahanka sabab, waxba ka ma dheefo. Horraantii, wax kasta oo uu dhaado waxa uu ka dhex arki jiray kalgacal iyo dhammaystirnaan—sida dhoollacaddaynta gacalladiisa. Se hadda, iin iyo goddaloollo uun ayaa u muuqda.
Si kastaba, sifooyinka walax kasta, waa uun sifooyinkiisa. Wax jiraya ma jiraan la’aantiis. Sadar kasta isa ga uun ayaa uu hadalhayaa. Guudku waa soo rogaalnoqodka codkiisa oo dhiillo ku lammaan tahay. Kolkaas ayaa uu fadhiga haynwaayaa oo uu istaagaa isa ga oo anfariirsan oo cagabudhyoonaya, oo uu is yidhaahdaa dib u matag is-ahaanshahaaga iyo cuntadii duxda lahayd. Waxa uu dareemaa in waalli ay soo xulayso. Waxa uu jeclaystaa in uu geeriyoodo, ka hor inta uu necbaan geerida.
Isa ga oo u illan geeri, waxa uu garawsanayaa micnaha qoddadadheer ee ku geedaaman mustaqbalka. Maleawaalkiisa ayaa uu ku sawiranayaa waxa ka dambeeya daaha geerida. Waxa uu ogsoonaanayaa in meel loo baxsado aanay jirin. Hadda, waa uu garanayaa in uusan xeel iyo itaal toonna lahayn, oo uu yahay maxbuus ku dhex tigtigan malaysi aan caddayn.
Haatan iyo iminka, waa u baqdin iyo dhabannahays joogto ah.
Ka anfariirka kawnku, waa dareen lamahuraan u ah garaadka insaanka. Basharku waa dabargo’yaa maaddaama oo uu ku fooggan yahay kabaxsiga welwelka uu ka qabo xaqiiqada ah in insaanka bardhammaaddiisu tahay geeri. Insaanku isa ga oo xaaladdaas ku sugan, in uu noloshiisa saldhigsiiyo oo uu ilaaliyo, waa arrin aan suuragal ahayn.
Dhibaatada ah in noolayaasha ay noloshoodu caqabad noqoto maaddaama oo ay sii korayaan, ku ma koobna insaanka oo keliya. Waxaa jiri jiray waayihii hore nooc ka mid ah deerooyinka, oo u dabargo’day culayska iyo koritaanka xadkabaxa ah ee geesahooda. Waa in aannu ka soo qaadnaa isbeddelladan in ay indhala’ yihiin, maaddaama oo deegaanku aanu carin, saamayn toos ahna aanu ku lahayn. Kolka insaanku ku sugan yahay xaalad qulub, aannu ka soo qaadno garaadka insaanka geesahaas, ee cidda madax ku sidda kadabkeed go’ay.
Haddii ay sidaas tahay, maxaa uu insaanku u dabargo’i waayay kal hore, oo uu u gu dhexgo’i waayay waallidaas? Maxaa ay u dhintaan inyar oo dad ah, iyada oo la ogsoon yahay in noloshan ay kari la yihiin dadku, oo wacyigu culays uun ku kordhinayo? Taariikhda dhaqan ee insaanka iyo maxsuulka isweyddiintayadu waxa ay inna siinayaan jawaab ah: dadku waxa ay bartaan habab gacankurimis ah oo ay ka ga hortagaan korodhka wacyigooda.
Haddiiba ay suuragal noqotay in deerooyinku ay geesahooda jafaan kolka ay koraan, waxaa suuragal noqotay in ay muddo dheer sii noolaadaan. Hase ahaatee, deerooyinku waxa ay la daalaadhacayaan weligood xummad iyo xanuunno joogto ah; oo waxa ay u noolaan doonaan sidii khaa’imiin deedafeeyay ujeeddadii seeska u ahayd jiritaankooda; oo waxaa loo uumay in ay ahaadaan geeslayda duurjoogta. Waxa keliya ee ay ka dheefeen sii jiritaan waa in ay waayeen booskii ay ku lahaayeen noloshan ballaadhan, in ay jiri doonaan jiritaan bilaa rejo ah, oo hayaankoodu ku biyashuban doono kadeed aan soo afgo’in oo isdabayaalla.
Masiirka la wadaago ayaa ah in loo soo banbaxo yool la ga dhabeeyo, iyo u gu dambeyntii in la geeriyoodo. Waa dhab murugo leh, oo ay wajahayaan deerada iyo insaankuba.
Deeradii Ayrlaandiga ahayd ee u gu dambaysay waxa ay dhimatay iyada oo ku shaqlan summadsharafeedda ay ku soocan tahay ee ay ka dhaxashay dirkeeda. Insaankuna, dhanka kale, waxa ay badbaadaan mar kasta oo ay hoos u dhigaan xaddiga wacyigooda xad-dhaafka ah. Dadaalkaasi waa u lamahuraan insaanka. Waa sida u gu suuragalsan ee ay bulshadu u gu naalloon karto waxa aannu u gu yeedhno nolol caafimaadqabta oo caadi ah.
Cilmiga caafimaadka dhimarka ee casriga ah waxa uu tibaaxayaa in wixii caafimaad leh ay saamayn ku lee yihiin dunwanaagga qofnimada. Se qulubka, iyo 'kacabsiga nolosha,' amateedxumada iyo wixii la mid ah, had iyo jeer waxaa loo la tacaalaa oo loo daaweeyaa sida xanuunnada. Inta badan, ifafaallooyinka noocan oo kale ah waa farriimo inna ga soo gaadhaya nolol daahan iyo dareenno qoddadheer. Waa midhaha qadhaadh ee la ga goosto gudaballaadhnida garaadka iyo fikirka. Waa dareen liddi ku ah nolosha. Marnaba ma aha dareenkaasi calaamad bukaannimo, ee nafsaddii ayaa ku fashilantay badbaadadeeda, ama qofkii ayaa ka biyadiiday aqbalista nafsaddan aan qabka lahayn.
Guud ahaan noloshii waxa ay ka soo biqlaysaa gunta hoose ee diiqadda bulsho iyo shakhsiba. Se waxa aynnu u wajahnaa diiqaddaas, oo aannu isa ga yaraynaa afar siyood oo ka la ah: Goonniyowga, nayaayiro-abuurashada, is doqomaynta ama u meeldiyidda.
Goonniyowga, waxa aan u la jeedaa is ka irdhaynta fikrad kasta oo ku qulbaysa ama carrinaysa wacyiga. Waa halkii uu yidhi Albeerto Ingastarum[1]: “Ma aha in uu qofku fekero. Fekerku waa dhibaato.” Waxaa jira tusaale arrinkaas loo soo qaadan karo, oo u muuqan kara bahalnimo, sida dhakhaatiirta qaar ee aan faragashan wax kale aan ka ahayn aaggooda mihnadeed ee ay is ku ilaaliyaan. La gana yaabee ku talaxtagga is ka ilaalinta dareennada qulubku in ay u janjeedhsamaan dhanka bahalnimada, sida in ay ardayda caafimaadku marka xaalad xumi la soo gudboonaato habab diirnaxu ka madhan yahay u xalliyaan ama ay ku kacaan falal xagjirnimo ah—sida in ay kubbad ka dhigtaan kur meyd—si ay u ga fogaadaan dareennadaas qulbaya.
Si maalinle ah ayaa uu goonniyowgu u ga muuqdaa nololmaalmeedkeenna, balse waa si hoose oo la is la garanog yahay. Haddaannu ku bilowno dhanka dhallaanka, cirrooluhu ku ma wiirsado carruurta iminka uun ay noloshu bilowga u tahay, oo ka ma bajiyo sabab la’aan. Waxa uu u daayaa maleawaalkoodaas ay dhexjibaaxayaan, illaa ay si iskood ah u ga dhawrsadaan. Sidaas oo kale ayaa ay dhallaanku u la dhaqmaan cirroolaha, oo ku ma dhibaan in ay u ga warramaan galmada ama geerida. Cirroolaha dhexdoodana waxaa ka jira nidaam ah niyaayiro-abuur, oo ah habdhaqan yimaadda marka uu boolis sasabayo nin shaaraca ku ooyaya.
Marka ayse tahay habka nayaayiro-abuurashada, waa habdhaqan aan la qabsanno bilowga dhaallaanimadeenna. Ilmuhu waxa uu u arkaa waalidkiisa iyo gurigooda wax dabiicaddu u gu deeqday, oo malahaasi waxa uu geyaysiiyaa in uu ammaan dareemo. Marxaladdaasi waa marxaladda u gu wanaagsan ee nolosheenna, oo waa xilliga keliya ee aynnu dareenno badbaado kawni ah. Waa dulucda waxa loo gu yeedho barbaarnimada samaan, in kasta oo muran ka taagan yahay fasiraaddeeda. Se weyddiinta ah in dareenkaasi yahay dhalan iyo in kale, dooddeennan muhiim u ma aha.
Marka uu ilmuhu fahmo in waxani yihiin wax aan kutalagal ahayn, oo aan waarayn, waxa uu judhiiba deydeyayaa wax uu ku dego ama uu is ku maaweeliyo sida in uu rejo ka dhigto: “Waxa aan bilaabi doonaa dugsiga hoose-dhexe dhawaan.” Balse haddii ay nayaayiradaasi meesha ka baxdo, waxaa qofka ku xididaysanaysa waxa aan u gu yeedho nayaayirabeel. Waa kolka qofku uu caadaysanayo qiyam liita oo guun ah maaddaama oo uu dareemayo barakac nasfiyeed, si uu isugu asturo, dadka kale ee la midka ahna u gu daaho. Taasina waxa ay geyaysiisaa qofka xasillooni la’aan joogto ah, iskufilnaasho la’aan iyo in uu ledi waayo. Xaaladahan oo kale marka ay la soo gudboonaadaan dad gaar ah, waxaa suuragal ah in loo caawin karo dadkaas kolka la taxliiliyo xaaladdooda nafsadeed: in loo raro qiyam ugub oo ka maangalsan koodi hore ee fadhiidka ahaa.
Nayaayiro-abuurashada waxaa loo dhigi karaa qodob saamayn ku leh afkaarteenna wacyi ee isbeddel-ujoogga ah. Aalaaba waxaa naadir ah in saamayntaasi ku dhalan xaalad aan wacyi joogin sida marka aannu jaangoynayno yoolasheenna, se mararka qaar waa xaalad baraadli’ ah. Bulshadu badanaa waa ay u dhibrisan tahay nayaayirada dheefta u leh, waa ayna qaddarisaa cidda nafteeda u hurta ka dhabaynta yoolka rejadiisa ah. Waxa ay unkaan falalkaasi difaac adag oo ay ka ga gabban karaan fawdada nolosha, dadka kalena waxa ay dheefsadaan saamayntaas. Nayaayiradaas waxa ay mus la kortay dhallinyarada dhawaanaragga ah ee u haysta in guurku noloshooda nidaaminayo. Marka ay falkaas ku dhaqaaqaanna, waxa ay noloshooda u sameeyeen qodob kale oo lagamamaarmaan u ah si uu degganaan iyo macne u ga dheefsado—haddii xataa waxaasi ku yahay noloshiisa caqabad. Ibsan, Haglmaar Ikdaal iyo Molfiik ayaa uu tusaale u ga dhigay noloshaas beenta ah.[2] Farqiga keliya ee u dhaxeeya noloshaas ay allifeen ee aan xaqiiqda ku dhisnayn iyo nolosha ashkhaasta ixtiraamka ku leh bulshada, waa in maxsuulka ay soosaaraan qolada hore aanu ahayn badeecad dhaqaale oo la dheefsan karo.
Saqaafad walbaa waxa ay ka dhigan tahay nidaam weyn oo xididdadiisu aanay dhayal ku rujismayn, oo ka kooban afkaar sees ah. Bulshaweyntu badanaa waa ay is ka shabbahaan afkaartaas seeska ah, halka ashkhaasta awoodda leh ay ka horamarsan yihiin afkaartoodu ta bulshaweynta. Waxa ay ka kooban yihiin qiyamkaas bulshaweyntu muctaqadaad sees ah sida qiritaanka jirista Ilaah, macaabidda, dawladowga, dhigista xeerar akhlaaqi ah, qaddarka, xeerarka nolosha iyo dadka, iyo ta u gu dambaysa oo ah ka hadalka mustaqbalka. Mar kasta oo wax xidhiidh dhaw la yeesho qiyamkaas dhaqamoobay, waa mar kasta oo waxaasi danayn badan yeesho. Bulshaweyntu badanaa waa ay ku adadag yihiin qiyamkoodaas, oo ay u dhigeen habab ay ku ilaashadaan sida xeerar-ciqaabeed handadaad ah iyo dhaqangelinta faafreeb. Cunsur kasta waxa uu u taagan yahay waa in aanay weli dhaboobin khuraafanimadiisu, ama, waa in uu yahay lagamamaarmaan si kasta. Waana halka ay ka soo askuntay in dugsiyada la gu barto diinta, oo ah hab ay xataa taageersan yihiin mulxidiintu maaddaama oo aysan jirin hab kale oo ilmaha loo la falgalsiinayo bulshaweynta caadiga ah. Markase ay bulshadu garawsato in cunsur yahay khuraafaad ama wax guun ah oo aan la jaanqaadayn casrigooda, waxa ay ku beddelan doonaan cunsurro cusub oo la jaanqaadaya casrigooda. Dedaalkaas isbeddeldoonka ah waxa uu abuurayaa fawdu ruuxiyeed iyo saqaafadeed oo ay weheliso tartanka dhaqaalaha shiidaaliya dhacdooyinka dunida ee taariikhiga ah.
Hammuunta uu u qabo insaanku maalqabeennimada iyo awoodda, ma aha sida aannu moodno ee ah ku raaxaysiga. Cidinna ma leh mug buuxin kara dhawr kursi, cidinna ma cuni karto wax ka badan cirkeeda. Qiimaha uu innoo lee yahay maalku, waa uun ismaaweelintaas yar iyo nayaayiro-abuurasho. Nayaayiro-abuurashadaasi, waa wax u siman shakhsiga iyo bulshadaba. Se marka ay meesha ka baxdo, waxaa imanaysa mushkilad aan loo daafad hayn. Mushkiladahaasi waa kuwo si guud u shaacsan, oo aan lahayn xanuun sidaas u sii ridan sida rejabeelidda. Taas oo ka dhigan in dadku xataa mararka qaar ku maadaystaan qiyamkooda seeska u ah afkaartooda. Maaddaasina la ga yabee in ay abuurto mushkilad kale, oo u beddeli karta ammintaas maadda, ammin baas oo baqdin leh, sida in aannu garwaaqsanno sida garaadkeennu u gu dabaran yahay khuraafaad aannu samaysannay.
Isbeddellada ku dhaca muctaqadaadka bulshada aad u ma shaacsana, badanaana ma na keenaan rabshadaha iyo iskudhacdayada khatarta ku ah jiraalkooda, sida dhacda xilliyada ay xididaystaan kacdoonnada isbeddeldoonku summadda u yahay. Waa gooraha uu shakhsigu aanu u madaxbannaanayn doonistiisa, waxaana la ga taransadaa dhacdooyinkaas qulub, falal xagjirnimo, isqudhgoyn—oo ah sidii qabsatay jeneraalladii Naasiga ka dib markii ay jabeen, iyo ardaydii Shiinayska ka dib kacdoonkii.[3]
Mushkilladda kale ee nidaamka haysta waxa weeye, in khatarraha kaladuwani ay u baahan yihiin tiirar kaladuwan. Mar kasta oo dhidibka loo aaso tiir, waxaa xoogaysanaysa iskudhaca habfikireed iyo nafsiyeed ee dadka. Waana wax sababi kara quus. La ga yaabee in qofku qabatimmo oo uu farxad ka raadiyo dammanaanta, oo geyeysiinaysa in uu dhammaanba noloshiisa dumiyo, oo uu yegleelo nolol ka unkan la qabatinka qulub iyo baqdin joogto ah. Baqdintu waxa ay timaaddaa marka ay meesha ka baxaan hababkii la is ku samatabixin lahaa, la qabatinkaasina waxa uu yimaaddaa marka si toos ah loo qaayibo dhanka silloon ee dabciga insaanka, ee u janjeedha geerida.
Waxa aannu u jecel nahay nayaayiro-abuurashada wax kale ma aha, waa ay inna samatabixisaa. Waxa aannu u neceb nahay is ku maaweelinta nayaayiradaas waa maaddaama oo ay jaangooyso xorriyaddeenna. Mar kasta oo aannu awood isbidno, waxa aannu ku raaxaysannnaa duugista qiyamkeenna, oo aannu u dhignaa baroordiiq haybad leh. Sidaas ayaa ay waxyaalaha maaddiga ah u yeeshaan macne summadeed oo ah: in loo abbaaro nolosha hab xagjirnimo ah.
Marka uu qofku ka takhalluso nayaayiro-abuurashada, oo ay gudihiisa ku hadhaan in yar oo nayaayiro baraadla’ ah, waa goorta uu qofku is ku tilaamo in uu yahay qof XOR ah.
Hababka aannu is ku ilaallino waxaa ka mid ah ismaaweelinta. Garaadkeennu waxa uu ku mashquulsanaanayaa waxyaalo kale oo ka baxsan arrimaha taagan. Waa hab aannu soo bilowno yaraanteenna, oo ubadku waxa ay u baahan yihiin waxyaallo ay is ku maaweeliyaan si ay farxad u dareemaan. Haddii kale waxa ay hooyooyinkood ku dhagabasinayaan: “Hooyo, maxaa aan qabtaa oo kale?” Tusaale: inan Ingriis ah ayaa warsatay eeddooyinkeeda Noorwijiyaanka ah: “Maxaa aan qabtaa haddaba?” Saa ay ku maaweeliyeen: “Orod oo eygaas la dheel, orod oo ciyaalkaas sawiraya qasriga soo daawo.” In aannu sharraxno habkaas, u ma baahnin.
Bulshooyinka horumarsan, is maaweelintu waxa ay u tahay istiraatijiyad loo noolaado. Waa sidii diyaaradda oo kale, ee ka samaysan walxaha culculus ee u samaysan hab duullimaad suuragalin kara. Waa in aysan duullimaadka joojin si ay u gu sii nagaato hawada. Duuliyuhu waa u la qabatimi karaa duulinta diyaaradaha, oo uu is ka nasan karaa inta ay hawada ku jirto ee ay dhaqaaq joogto ah samaynayso. Se belaayo waxa ay taal marka mashiinka diyaaraddu shaqayn waayo, iyada oo cirka la gu jiro.
Caadi ahaanta istiraajiyaddaasi waa hab loo kasay in loo noolaado. Badanaa quusteennu waxa ay ku dedan tahay hoosteenna, waxa ayna kuu soo xuli kartaa iyada oo oohin oo kale ah. Marka la la qabatimo hababkaas ismaaweelinta, ee la waayo hab kale oo la isu maaweeliyo, waxaa maragmadoon ah in qulubku xididaysanayo. Dheddiggu waa ka ismaaweelin badan yahay ragga, oo ka nabdoon yahay qulubka noocaas ah.
Waxa ku gu ooday xabsiga, waa maaddaama oo aad la’dahay hababkii aad isu maaweelin lahayd. Sida oo kale maaddaama oo ay yihiin waddooyinka aad u ga badbaadayso xabsigan waddooyin aad u xun, waxaa caadi ah in maxbuusku had iyo jeer uu quus yahay. Marka ay maxaabiistu is maaweelinayaan, wax kale ka ma dhigna aan ahayn in ay rabaan sii noolaansho. Goorahaas ay is maaweelinayaan waxaa aad u gu weyn jiraalkooda, waxa ayna doonayaan goortaas; keliyata in ay ka fogaadaan xanuunka ay maxbuusnimadu ku hayso.
La ga yaabee in baqdinta aannu ka qabno nolosha aysan sidaas u sii ridnayn, maaddaama oo jidhkeennu lee yahay habdifaac adag oo iskiis isu dira. Nolosha oo ah carqalad aan loo dulqaadan karin, waa sababta aannu u gu aragno geerida daw iyo tub badbaado. Dadku inta badan dan ka ma galaan maxaa xiga geerida, haddii ay dan ka galaanna waxa ay ku taxliiliyaan geerida sida dareenkoodu u sheegayo. Runtii waa xal wanaagsan. Haddii uu qofku ka soo qaado marka uu sii dhimanayo sidii oo uu matalayo masraxiyaddii Ibsan ee Dhimashadii marwo Aas, ama uu isu taago sidii oo uu gabay golekafuulaayo, ma aha arrin sidaas u sii xun ama ka xun sida dhabta ah. Doorka saxaafadduna ma tugtug yara, oo badanaa waxa ay ka ga jeediyaan dadka arrimaha xasaasiga ah arrimo is ka caadi ah sida “Sicirkii sarreenku waa jabay…”
Marka qofku uu eersado gacantiisa, waxaa la odhan karaa waxa uu u geeriyooday sababo dabiici ah ama qulub ruuxaaniyeed. Hase ahaatee doqonniinada ay la timid caalamiyaynta cusubi waa in ay u dhigtay falkaas isqudhgoynta wax xun, oo ay tahay in la badbaadiyo qofka leh janjeedh isqudhgoyn.
Waa ay kooban yihiin dadka ku kaaftooma isbeddello yayar oo ku yimaadda shaqadooda, noloshooda bulsheed iyo xataa ismaaweelintooda. Se qofka indheergaradka ah waxa uu doonayaa isbeddello isdabajooga oo aan bardhammaad lahayn oo horumar iyo dareen horumarnimo dhaliya. Dhabtii ma jiraan waxyaallo sidooda ahaan doona, si joogto ah ayaa aannu wax u barannaa oo aannu u qabyatirnaa nolosheenna mihnadeed. Dareenkaas waxaa loo gu yeedhaa “hammuun,” oo waxa aad u hammuun qabto ma ahaanayaan waxyaallo bardhammaad leh. Mar kasta oo aannu yool ka dhabaynno, hammuunta ah in aannu yoolal kale ka dhabaynno waa ay sii jiraysaa. Yool ka dhabayntiisa oo keliya ma aha ee ujeeddadu waa hayaankaas bar la ga tegayo, ee bar kale loo hayaamayo. In aad taliye u ga digarogato dable, waxaa ka qiima badan adiga oo taliye u ga digarogta kornayl. Qaacidadaas kasmanafeed ayaa barabixinaysa tiirarka horumarka.
Hammuunta insaanku u qabo isbeddelka mar kasta ku ma jaango’ana baadidoon wax, ee waa ka baxsasho wax uun. Marka aannu ku eegno fiiro diineed, taas dambe ayaa suuragal ah. Marar badan ma garanayno waxa aannu u toohaynno, aan ka ahayn in aannu doonayno keliyata in aannu ka baxsanno nolosheennan adag. Maaddaama oo dareenkaasi yahay waxa u gu qoddadadheer fahanka ruuxdeenna sidii aannu kor ku soo xusnay, waxaa haddaba garawsi leh fiirada sheegaysa hammuun uqabidda diimaysnaanta iyo u dhigista qiyam sees ah. Se haddii aannu fiiradaas ka soo qaadno arrin tusinaya in uu yahay amar Ilaahay, runtii waa wax murugo leh.
Habka kale ee aannu ku la dagaali karno ka baqista nolosha waa isdoqomaynta, oo ka dhigan in aannu dhibaatadeenna u qaadanno wax toggan. Halabuurka insaanku waa uu u beddeli karaa oo ka dhigan karaa kadeedkiisa khibrado uu wax ka bartay. Habkaas ayaa ay afkaaraha toggani u ga dhigtaan kadeedka nolosha wax loo adeegsan karo wanaagfalista, iyada oo la ga eegayo dhinacyada faneed, ama dhanka daraamada ah ama dhanka halyaynimada ama dhanka maadda. Wuxu haddii uusan yaraynayn xanuunka ama aanu xaddidayn garashadaada, u ma adeegsan kartid si saxan. Ka soo qaad qofka buur kor u koraya; hoos ma eegi karo maaddaama oo uu dawakhayo. Si uu u gu raaxaysto daawashada fagaagga ka hooseeya, waa in uu la qabsadaa korista buurta si aanu u dawakhin. Sidaas oo kale, si aad u qariso foolxumada nolosha ka ba soo qaad kadeedkaaga wax aan macne lahayn, ama ba u dhig hab faneed. Waa hab ku geyaysiin kara in aad marba si u dhigi karto kadeedkaaga nololeed, oo aad ku mucaaradi karto runta mutaxan ee wacyigu ku siinayo.
Maqaalkan waxa uu keliya diiradda saarayaa is ka dhagamarinta dhabta. Ka ma dhigna in xaaladda qoraagu ay cakiran tahay. Wax uun baa uu ka yidhi mawduucaas, qormadiisanna waxaa la gu faafin majallad uun.
Kolka dumarka aan lammaanaha lahayn ay ka warramayaan kadeedka ay mareen, ka sheekayntaas qudheeda ayaa ah nooc ka mid ah niyaayiro-abuurasho, oo haweenaydu waxa ay dareemaysaa halyaynimo—maaddaama oo ay soo moodday waqti adag.
Sidaas oo ay tahay, isdoqomayntu waa hababka u gu mudan ee la ga magansan karo baqashada insaanka ka ga geedaaman nolosha.
Suuragal miyaa ay tahay in ay dadku ka tanaasuli karaan dabciga basharku lahaan jiray waagii duurka, oo ah dabeecad dhalan ah oo ay tif ka tahay nasasho la’aan, tahliwaa nololeed iyo silic—taas beddelkeedana si nabad ah u gu naalloon karaan noloshooda? Haddiiba aannu ba carrabdhabnay “dabciga dhalanka ah ee bashar” micnaheedu waa in jawaabtu tahay MAYA. Dabcigaasi waa wax ku lammaan habdhiskeenna baylooji, taas oo ka dhigan in dabcigaasi yahay wax dhalan ah, ahna summad la gu sooco basharka. Ka dib caalamiyowga iyo horumarka ku yimi nolosha insaanka waqtigan, waxa aannu ku guulaysannay in badanka aannu ka badbaadno caqabado adag, oo aanay suuragal noqoteen haddii la ga tanaasuli lahaa dabcigaas dhalanka innoo ah. Waxaa inna tusinaya taas, dadka leh dabcigaas guunka ah ee weli ku nool meelaha aanu caalamiyow ka jirin, waa dadka dabcigaas bayoolaji innoo ga dhaw dadkeennan aan ku noolayn baadiyaha. In kasta oo aannu weli is ka badbaadin karno duufaannada iyo caqabadaha dabiiciga ah ee nolosha dadkeennan aan baadiyaha ku noolayn, balse waxaa inna ga caawinaya taas maaddaama oo aynnaan si buuxda aannaan u gu saamoobin caalamiyowga. Maaddaama oo kahortagga dhibaatooyinku aanay abuurayn nolol oo ay keliyata dabrayso in wax kastaa xaalad foodo galo—seeskaas toggan ee dabcigeenna dhalanka ah waxa uu ka samaysmaa sida habboon ee aannu u adeegsanno tamarta jidhkeenna iyo ruuxaheenna oo innoo kaaba hab-bayloojiyeed, si aannu u ga badbaadno caqabadaha naafannimo, tamarxumo, iyo in aannu u kadeedanno si aannu u sii noolaanno.
Rayrayntaas ismoodsiiska ah ee dhayalsigu seeska u yahay waxaa la ga taransadaa hoosudhaca horumarka ilbaxnimo iyo tiknoolojiyadeed. Mar kasta oo aannu ka tanaasulno shaqooyinka garaadkeenna waa mar kasta oo aannu ku jabno dagaalka aannu ku la jirno dabeecadaha qallafsan ee deegaanka, oo horraantaba waxa aannu u barakacaynaa ruux ahaan.
Waa in aannu ku qiimaynno halabuur kasta oo tiknoolajiyeed sida uu u ga qaybqaadan karo kobcinta ruuxiyeed ee insaanka. Haddii aannu ba halabuurrada ka hadalnay, halabuurista agabka loo adeegsado fayadhawrka quudka waa halabuur toggan oo insaanka dheef dhan walba ah u leh. Halabuurrada qaar waxa ay inta badan faa'iido u leeyihiin halabuuraha, waana xatooyo dhiigmiirasho ah, waxaana lamahuraan ah in halabuurrada noocaas ah tallaabo adag la ga qaado. Waxaa tusaale u ah halabuurradaas nasakhan ikhtiraacidda mashiinno duula oo adeegsigoodu ku kooban yahay uun sahminta dhulalka aan la aqoon. Runtii waa wax loo halabuuray waqti lumis, dheefna u ma leh insaanka maaddaama oo halabuurkaasi ahayn wax fulinaya dan insaanka oo dhammi u wada dhan yahay. Marxaladdanna waxaa la ga taransadaa iskudhexyaaca joogtada ah ee nolosha.
Ifafaalahan ah barakaca ruuxiyeed ee ku salaysan habdhiskeenna baylooji waxaa la gu gartaa ku tiirsanaanta baahsan ee madadaallada sida ciyaaraha, dhegaysiga raadyaha iyo wixii la mid ah.
Dhanka kalena, hababkii nayaayira-abuurashada waxaa wiiqay dhaleeceyn iyo naqdi sidii leebkii loo gu ganayo ciddii la shirtimaadda, taas oo abuuraysa welwel, nacayb, jahawareer, iyo rajala'aan.
Shuuciyaddu iyo kasmanafeeddu labadaba—in kasta oo ay kaladuwan yihiin—waxa ay iskudayeen in midiba keeno hab la gu samatabixi karo oo ugub. Waxay adeegsadaan habab kaladuwan—Shuuciyadu waxa ay adeegsatay dhagar iyo xoog, kasmanafeedduna waxa ay adeegsatay habab kaarto ah—si ay dadku u ga anfariirin deegaanka uu ku habboon yahay habdhiskooda baylooji, si ay taasi u suuragashona waa in la dhimo wacyigooda xad-dhaafka ah. Hababkaasi waa maangal, se ma keeni karaan xal kamadambays ah. Xataa haddii insaanku ku adkaysto in uu nolosha fududaysto si uu u damaanadqaado badbaadadiisa, ma keenayso nabad waarta ama qanacsanaan.
Haddii aynnu sidan u sii fikirno ilaa ay arrini meel u dhacayo, inna ga ma daahna sida ay u ekaan doonto kamadambaynteennu. Ilaa iyo inta insaanku moodayo in uu caqabadahan si uun u ga gudbi karo, wax weyn is ma beddelayaan. Mar kasta oo tirada insaanku sii badato, wasakhowga ruuxduna sii xoogaysato, sida la is ku samatabixin karaa waa hababka u gu xagjirsan ee u gu bahalsan.
Insaanku waxa uu ku riyoon doonaa badbaado, sugnaansho, iyo Masiix Cusub. Laakiin marka badbaadiyayaal badan la gu dhagxiyo fagaarayaasha magaalada, Masiix caymaday ayaa iman doona.
Dabadeedna waxaa iman doona ninkii abid u gu horreeyay, ee ku dhiirraday in uu naftiisa qurbaan u ga dhigo kamadambaysta insaanku is ka dadbo. Kamadambaysta geerida.
Waa nin fahmay nolosha iyo asalkeeda, oo mugga xanuunka uu ka qaaday nolosha uu la mug yahay mugga kawnka.
Insaanka oo dhan ayaa qaylo aflabadii jabsanaya. Insaanka oo dhammi waxa uu is ku raacayaa in ninkaas ay malaggiisa gooyaan kun jeer.
Kadis ayaa ay ku noqonaysaa dadka marka ninkaas codkiisu sida maro oo kale u gu laabmo gees illaa ka gees dunida, oo farriin la ga anfariiro la maqlo markii u gu horraysay iyo markii u gu dambaysay:
Marka uu intaas yidhaahdo, ayaa ay ku soo hoobanayaan quruummo ay hoggaan u yihiin madadaalliyaal iyo umulosooyin, oo qurubqurub loo jari, oo ay xabaal u gu qodi doonaan ciddiyahooda.
Waa Masiix caymaday. Waa dirka ugaadhsadihii ku ag geeriyooday darka.
[1]: Albert Engström, waxa uu ahaa farshaxamiiste iyo qoraa Iswiidhish ah, oo noolaa intii u dhaxaysay 1869-1940. [T]
2: Saabfi intan waxa uu u la jeedaa isa ga oo tusaale ka dhiganaya masraxiyaddii The Wild Duck ee Henerik Ibsan [Henrik Ibsen] oo ahaa qoraa masraxiyeed Noorwijiyaan ah: Waxaa ku jiray masraxiyadda labada shakhsiyadood ee uu Saabfi kor ku tilmaamay, oo la ka la dhaho Haglamaar Ikdaal iyo Moolfik, oo ah laba shakhsiyadood oo malaewaal la ciyaar ah, noloshooduna ay been isusheeg ku dhisan tahay. Waxa uu u ga socdaa Saabfi, insaanku waxa uu noloshiisa u samaystaa waxyaabo u gu suntan lagamamaarmaan, si uu haqabtirkooda u gu dareemo degganaansho iyo macne jiraaleed—xataa haddii waxyaabahaasi caqabad ku yihiin noloshiisa. Beentaas ay labadaas shakhsiyood ku nool yihiin, waxba ka ga ma duwana beenta ay bulshadu dhab ahaanta u gu nool yihiin. [T]
[3]: Jeneraalladii Xisbigii Naasiga, markii Dagaalkii Labaad ee Adduunka la gu jabiyay waxa ay wajaheen xaalado adag, oo ay isu gu baxeen qaar baxsada, qaar iyagu is dila iyo qaar la xukumo. Dhacdada kale uu Saabfi halqabsaday waxa ay dhacday waagii la gu gudajiray kacaankii Shiinaha, uu oo hoggaaminyay Mao Zedong, hoggaamiyihii Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha—oo dhacay intii u dhaxaysay 1966 ilaa 1976. Mao waxa uu mas’uul ka yahay dhimashada dad la gu qiyaasay inta u dhaxaysa afartan ilaa siddeetan milyan. Waagaas, kacaankaasi waxa uu aad u khalkhalgaliyay nidaamkii waxbarashada, arday badanina qulubkii ay ka qaadeen ayaa ay isuqudhgooyeen, qaar badanina dambiilayaal noqdeen, qaarkoodna ay gaajo laysay. [T]