Skip to main content

Wednesday 23 October 2024

Masrax

Masraxu sida uu Soomaalida uga caawiyo in ay dhaqan ahaan dhisanto

17 March, 2024
Image
Mogadishu
Locals leave after watching the first ever film festival held at the newly rebuilt National Theater, in the capital of Mogadishu, Somalia, September 22, 2021. REUTERS/Feisal Omar
Share

Maqaalkan waxa isagoo Ingiriisi ah lagu faafiyay History News Network, markay taariikhdu ahayd: 2/11/20. waxa soo turjumay Bahda Geeska.

Dhawaan Muqdisho waxa ka dhacay weerar kale oo argagaxiso oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa labadii sanno ee u danbeeyay: waxaa ku dhintay 80 ruux, 100 kalena way ku dhaawacmeen. Weerarrada caynkan ah ka hadalkooda waxaa muquuniya sheegsheegidda tirada ku waxyeelowda: nafaha ku halaagsamay, hantida ku baaba’day iyo sannadaha ay qaadanayso kasoo kabashadeedu. Marxaladda ka gudbidda collaadana waxaa diiradda la saaraa soo celinta hay’adaha dawladda, nooca xukuumadda la isku dhaqayo, kobcinta dhaqaalaha, iyo xoojinta hanaanka doorashooyinka. Balse, way yar tahay inta qorshaha lagu darsado dib u dhiska dhaqanka oo isna aad muhiim u ah, gaar ahaan dadaallada lagu badbaadinayo madalaha dimuqraaddiga ah, kuwaas oo wax ku biiriya nabadda maalinlaha ah. Fanka gaar ahaan masraxu waxa uu u yahay Soomaalida goob muhim u ah dib u suureysashada bulsheed iyo siyaasadeed ee qaranka.

Masraxa casriga ah ee Soomaalidu waxa uu kobcay 1960-neeyadii, xornimadii ka dib iyo israacii xigay ee labadii gobol ee labada gumeyste kala haysteen. Markii la soo gaadhay 1970-neeyadii, magaalo walba dhawr bandhig ayaa ka dhici jiray, ruuxa qaan-gaadhka ah ee Soomaaliga ahina dabaqadduu doono ha ahaadee waxa uu ahaa mid si joogto ah masraxa u taga.

Dhawr arrimood ayaa baadi sooc u ah hiddaha masraxa Soomaalida, tan ugu muhiimsanina waa sida uu ugu tidcan yahay maansada. Qaybo badan oo riwaayadda ka mid ah waxa lagu soo tebiyaa tix ahaan. Sida xarragada leh ee dhibta yar ee ay masraxa tixda iyo tiraabtu wehelka ugu yihiin waa mid ka turjumaysa doorka wax loo dhigaa jirin ee maansadu u joogto dhaqanka Soomaalida. Maansadu waa mid tilmaan ka bixisa qabka qaranimo iyo kan afeed ee Soomaalida. Maansadu waa mid laga xiiseeyo fan kasta oo kale, oo madasha laga marinayo dadku soo buuxdhaafiyaan. Run ahaantii riwaayad curiyayaashii qarnigii labaatanaad ugu mudnaa dhammaantood waxa ay ahaayeen maansayahanno, taas oo inoo sheegaysa isu-furnaanta labadan qaab suugaaneed ka dhaxaysa. 

Kor u kaca masraxa Soomaalidu sidoo kale waxa uu ku soo beegmay berisamaadkii heesaha Soomaalida, oo riwaayadaha waxa ku lammaanaa kooxo miyuusishano ah oo si toos ah u tumaya miyuusigga. Isku lammaanintani waxa ay suurogalisay in miyuusiggu joogto u ahaado riwaayadaha Soomaalida. Shaqsiyaadka riwaayadu waxa ay heesaha u adeegsadaan in ay ku soo gudbiyaan dareennada culculus ama in ay ku soo bandhigtaan jacaylkooda. Inta ay heestu socoto, daawadayaasha waa loo oggol yahay in ay masraxa tagaan oo ubaxyo guddoonsiiyaan ama la jaasaan jilayaasha. Marka ay heestu dhammaato waxa soo noqonaya xarriiqii male-awaalka ahaa ee jilayaasha iyo daawadayaasha kala qaybinayay (fourth wall). 

Masraxa ayay ahayd goobta lagu falanqeeyo arrimaha xasaasiga ah ee dhugmada gaarka ah u baahan iyo waliba arrimaha soo qaadkooda laga xishoodo. Riwaayadaha hir galay sida Hablayahow Hadmaad Guursan Doontaan iyo Beenay Waa Run waxa ay wax ka tibaaxayaan arrimaha quseeya dheddignimada, ku biiridda Soomaaliya ay qayb kaga noqotay siyaasad degaleedka dunida, diinta, iyo isbeddelka soo foodsaaray hiddaha jacaylka iyo guurka. Sannadihii 1960-nadii iyo 1970-nadiiba hooballada reer Waqooyiga iyo kuwa Koonfurtuba si wadajir ah ayay wax u jilayeen iyagoo ay lahjadda oo kali ahi kala tilmaamayso. Bulshada Soomaalida kala duwanaansha goboleed iyo qabiil ayaa qayb wal oo nolosha ah qaabeeya, balse masraxu arrintan wuu ka samatabaxay. Doorarka laboodka iyo dheddigga dood baa masraxa dushiisa lagu galiyay, filashooyinka laga qabana dib ayaa loo eegay. Hooballada hablaha ah oo ka soo muuqashadooda fagaaruhu ay reebbanayd, bulshaduna u arkaysay in ay arrin ceeb ah tahay, waxa ay noqdeen kuwo fankoodu lagu qaddariyo. Ilaa maantana masraxu waa goobta kali ah ee la aqbali karo in uu nin u lebbisto sida dumarka.

Shaacsanaanta masraxa iyo badnida arrimaha bulsho ee loo oggol yahay in uu ka faaloodo ee dood galiyo hal-abuurka masraxu waxa ay u soo jiidday maansayahanka iyo riwaayad allifaha in ay maamuus aan suuleyn ku yeeshaan taariikhda gobolka. Waxa la aaminsan yahay in riwaayadii Gaaraabidhaan oo la dhigay 1968, uuna allifay riwaayad allifihii iyo maansoyahankii caanka baxay ee Xasan Sheekh Muumin in ay dhiirrigalisay afgembigii milatari ee Siyaad Barre dalka ku qabsaday 1969. Halgankii 1980-nadii la isaga caabbinayay taliskii cabbudhinta ku dhisnaa ee Siyaad Barrena maansayahannada iyo riwaayad allifayaashu udub dhexaad ayay u ahaayeen. Dad badan waxa ay la tahay in riwaayaddii Laankaruusar ee uu Cabdi Muxumed Amiin allifay ee masraxa qaranka lagu dhigay 1989, ay guubaabisay kacdoonka keenay in uu Siyaad Barre dhaco.[1]

Masraxa iyo maansadu waxa ay door muhim ah sii qaateen xilligii burburka ka dib, oo waxa ay noqdeen agab lagu abuuro wada hadallo nabadeed oo kor loogu qaado dhaymada bulsheed. Markii ay dawladdii dhexe dhacday ee colaadihii sokeeye dalkoo dhan ku baaheen, waxa gobollada dalkoo dhan isaga yimid maansayahano, riwaayad allifayaal iyo hooballo si ay Muqdisho ugu dhigaan riwaayad la magac baxday, Qoriga Dhig, Qaranka Dhis. Horraantii 2000-nadii, waxa isaguna safar uu ugu magacdaray Socdaalka Nabadda ku maray Soomaaliya oo dhan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” oo ahaa abwaanka ugu miisaan culus abwaannadii noolaa. Safarkan waxa uu xataa ku gaadhay goobtuu xabsiga shanta sanno ugu qaatay maansooyinkiisa dartood.[2] Socdaalkiisani waxa uu daarnaa dardargalinta dadaallada nabad raadinta. Hadraawi oo ahaa reer Soomaalilaan waxa uu caddeeyay halganka uu kaga soo horjeedo in dunta dhaqan ee Soomaalida lagu kala jaro xuduudo maamullo/waddaniyadeed. Socdaal kale oo looga dan lahaa wadahadallada bulshada colaadda ka soo baxaysa ayaa masraxlayda iyo maansayahanku ku mareen guud ahaan Soomaalilaan 2010-kii, socdaalkan oo uu waday ururka IREX Europe, oo ah urur aan macaashdoon ahayn oo taageera hindisayaasha dimuqraadiyadda iyo xuquuqal iinsaanka, ay maalgalisay Qarammada Midoobay. Markuu se dagaalkii sokeeye ku daba dheeraaday Soomaaliya, ee ay Soomaalilaan cagta saartay dhabbada soo kabashada, taageeradii rasmiga ahayd ee suugaanleydu guud ahaanba way joogsatay. Hase yeeshee, waxa sii joogtaysmay dadaalladii madaniga ahaa ee lagu taageerayay hiddaha suugaaneed ee Soomaalida oo sidoo kalena lagu abuurayay baro lagu fuliyo curinta dhaqan. Markii ay al-Shabaab qabsatay qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya bartamihii 2000-nadii, ee ay mamnuuceen miyuusigga iyo qaybo kale oo ka mid ah madaddaalada, bulshada qaybo ka mid ah ayaa soo agaasimay bandhig faneedyo qarsoodi ah, waxayna dadku miyuusigga isku weydaarsadeen si qarsoodi ah iyagoo isticmaalaya kaadhadhka yaryar ee xasuus hayaha ah (memory card), falalka oo ay dadku khatar ah in la xidho ama la khaarajiyo ugu badheedhayeen. 

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxa ay hoy u tahay in ka badan 14,000 oo canjaladood oo ay ku duuban yihiin riwaayado iyo heeso, canjaladahan oo ah kayd ay ku deeqeen shaqsiyaad kolkii dagaalka laga qaxayay ku sii faro adaygay, oo ka badbaadiyay kaydkan dagaalkii burburiyay boqolkiiba 90 magaaladooda.

Sannadkii 2012-kii waxaa albaabbada dib loogu furay Masraxa Qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisho, markii u horreeyay muddo 20 sanno ah, ka dib markii shacabka iyo ganacsatadu ay kula bahoobeen xukuumaddii fedraalka ee u horreysay ee kumeelgaadhka ahayd in loo ururiyo maalgalintii loo baahnaa si masraxa dib loogu dhiso. Riwaayaddii u horraysay ee lagu dhigo oo mid maad ah ahayd waxa ka soo qayb galay dad kun ku dhow. Laba toddobaad ka dib naftii miidaamiye argagaxiso ah ayaa soo weeraray masraxa, oo galaaftay nafaha 10 ruux, in ka badanna dhaawacay.

 Dib u dhiska Masraxa Qaran ee Hargeysa waxa uu bilaabmay sannado yar ka hor, ka dib markii ay xukuumaddu dhulkii tiyaatarka ka gadday ganacsade gaar ah. kaas oo si uu u dajiyo gadoodka dadka ka xanaaqay in madal dhaqan cid gaar ah lagu wareejiyo ballan qaaday in uu ka dhisi doono gudaha dhismaha ganacsi ee toddobada dabaq ah masrax ka kooban 3500 kursi. Wada lahaanshiyaha fanka, ee aan kootada ugu xidhnayd jeebweynta iyo hal-abuurro gaar ah, ayaa lagu doodi karaa in ay tahay waaya’aragnimada dimuqraadiyadeed ee Soomaalida ee ugu heerka sarraysa. Masraxa Soomaalidu halka uu ka dhiman la’ yahay waa jacaylka bulshada iyo rabitaanka ay u hayaan. Sannadkii dhawaa ee tagay waxa mar kale la isku dayay in dib loo dhiso Masraxa Qaranka Soomaaliyeed; dad badan ayaa mar kale isu soo urursaday niyad wanaaggooda, iyo siyaasadda adkaysiga ah ee lagaga dhiidhinayo argagaxa iyaga iyo magaaladooda sida joogtada ah lagula kacayo. Masraxa iyo maansada si walboo la isugu dayay in la tiro, la loodin kari waa, oo waxa ay ku sii adkaysteen in ay ahaadaan kuwo saamayn ku leh nolosha maalinlaha ah ee bulshadan dhaawacan, dib u dhiska joogtada ah ee wixii ka burburay, waa mid astaan u ah adkaysiga bulshada Soomaaliyeed iyo ruuxdooda dimuqraaddiga ah ee aan la loodin karin.

 

[1] Faallada bahda Tifaftirka: Laangaruusal riwaayad may ahayn ee hees ayay ahayd ay Saado Cali qaadday.

[2] Faallada bahda Tifaftirka: Abwaan Hadraawi uma ay suuragalin in uu booqdo meeshii uu ku xidhnaa, Qansax Dheere, maaddaama amni ahaan aanay u dhici karayn.