Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan

QUUDHSI

15 July, 2024
Image
Albeerto Kaamu
Share
Maqaalkan waxa uu ka mid yahay maqaaladii ururiska ahaa ee u horeeyay ee uu Kaamu qoray, waxa soo turjumay Maxamed Shariif, waa mid ka mid ah qoraaladii bilawga ahaa ee qoraagu uu isugu dayay in uu ku hal-abuuro aragtidiisa ku wajahan adduunka, nafta, fanka iyo nolosha guud ahaan.

 

Laba sanno ka hor waxa aannu isbarannay islaan dhanjaf la ildarnayd oo aan is idhi dartiis ayaa ay u geeriyoonaysaa. Adduunyada waxa ay ku lahayd jeenigaas kale ee u bidka qaba, se jeeniga dhanjafku ka ga dhacay waxa uu la ahaa qayb aysan lahayn. 

Waa cajuusad asqowday, oo hadaltiro badan, waxaase la faray in ay afkeeda aagaan le’eg u yeesho. Beryo is ka dhan, ayaa aanay cid wehel ah arki jirin. Waa habar hawlgab ah, oo aan waxba qorin waxna akhrin. Nolosheeda oo is ka dhanna waxa ay u hibaysay rabbigeeda. Waa naag iimaan leh oo allaheed taqaan. Ma dhigto tusbaxa, mar la arkaaba waxaa agteeda yaalla sanamka Masiixa ee midabka qalinka ah leh, iyo sanamka Qiddiis Yuusuf oo xambaarsan Ciise oo ilmo yar ah—oo ka samaysan nuurad. Ma aamminsana dhabta ah in daawo aan loo hayn cudurkeeda, oo arrinkaas waxa ay u igamatay rabbigeeda ay ku kolsoon tahay jacaylka uu u hayo uunkiisa. 

Ammin ayaa qof dhugtay xaaladda habarta. Qofkaasina waxa uu ahaa wiil dhallinyar. Waxa uu ismoodsiiyay in meesha run la daahayo, iyo in habarta ajasheed gashay. Tuhunkaas waxa uu laqay isa ga oo aan iskudayin in uu isdiiddooyinkaas ismoodsiiskiisa ah uu is waafajiyo.  Runtii aad ayaa uu isu gu hawlay in uu fahmo arrinka islaanta. Habarta qudheedu dardarta inanka waa ay dareentay, danaynta sidaas ahna waa ay u qaadanweyday. Si laablakac ah ayaa ay u ga warrantay murugooyin daashaday, in meertadii ka dhammaatay oo ay hadda waajib ku tahay in ay booska u bannayso faca soo koraya. Tolow ma cidlada ayaa tabaalaysay? Kollay waa sidaas uun. Maxaa yeelay, cidi dheg u ma jalaqsiiso. Sidii ey rabbaayad ah, ayaa ay kob ku xabbisan tahay. Dhimashada ayaa door u ah. 

Codkeedu waa uu gamaaray oo xuudhaan ayaa balanbalkii iyo bayhoofkii ay qabtay ku reebeen. Yarkii waa uu fahmay isweyddiintiisi. Waxaa u baxday: in noloshaada oo ku tiirsan dad kale, ay dhimashadu dhaanto. Sidaas waxa uu u gu qaatay waa maaddaama oo uusan weligiis noqon dimmadda qof kale. 

Kolka uu arko tusbaxa ay rogayso waxa uu ku dhahaa: 

  • “Ilaahay ayaa kuu maqan!” Run ayaa uu sheegay. 

Mar kasta oo ay duquusta ku sii dheeraato, diiqad ayaa buuxdhaafisa laabteeda. Goorta ay ku dheeraato ducada, inanteedu waxa ay ku canaanataa:

  • “Waa markii ay foorfoorarsan jirtaye! Tolow maxaa ay ka dheeftaa waxan baas?” 

Waxa ay isu gu warcelisaa inantu: 

  • “Waxba waxaasi micno ii gu ma fadhiyo ee, se waa wax la ga cadhoodo.” 

Habartana sida caadada u ah, aamuskeeda ayaa ay laasintaa, iyada oo inanteeda ku dayaysa indho baqasho leh. Kurayguna aamusnaan iyo si diiqad leh ayaa uu ku dhagaysanayaa canaantaas. 

Markii ay sii xamaaranaysay ayaa ay ku sii gunuustay: 

  • “Waa aad arki doontaa! Kolka aad gabowdo, iskaa ayaa aad u gu baahan doontaa waxan.”

Miiskii cuntada ayaa la soo wada fadhiistay—ee yarku ku casuunnaa. Se habartu waxba ma cunayso. Cuntadu waa ay ku culus tahay oo ay ku adag tahay raamsigeedu, gaar ahaan kolka ay tahay habeen. Sidaas daraaddeed, waxa ay ku negaatay barteedii, oo ka dambaysa meesha yarka keliya ee ka warqaba uu wax ku cunayo. Maaddaama oo uu dhaaddanaa in la ga dambeeyo oo loo jeedo, saani waxba u ma cunin. 

Waqtigu waa uu soconayaa. Si kulankan xiiso loo gu yeelona, waxaa go’aan la gu wada gaadhay in loo baxo filin daawasho iyo dhanka shineemada. Yarka maaddaama oo la gu casuumay shineemo, ma uusan diidin oo waa uu oggolaaday isa ga oo aan markan dan ka gelin ruuxa ka dambeeya. Dhammaanna waxaa loo wada holladay isdiyaarin iyo bixitaan.

Sida cad, maangalnimada waa ay ka fog tahay in habartu ay raacdo. Xataa haddii ay taasi dhacdo, fahan-la’aanta ka haysata shineemada ayaa ka hor istaagaysa ku raaxaysiga filinka. Waxa ay sheegataa in ay neceb tahay, se runtu waa in aysan fahansanaynba waxa filin yahay!

Barteedaas ayaa ay joogtaa, oo ay ku rogtaa tusbaxa ay dul dhoobtay rajadeedii oo dhan. Saddexda shay ee ay haysato, geddigood waxa ay ka dhigan yihiin hal wax, oo ah iimaan. Tusbaxaas iyo sanammada Masiixa iyo Qaddiis Yuusuf, ayaa u suuragaliyay in ay jeexato goobo weyn oo ay dhoobto muhashooyinkeeda oo dhan.

Dhammaan dadkii waa ay diyaargaroobeen. Dhabannada ayaa ay ka dhunkadeen islaantii, oo ay u rajeeyeen caways wanaagsan. Habartu waa ay fahantay, oo ay ku dhegtay tusbaxeedii iyada oo aysan ka ahayn waracnimo, oo ay ka ahayd in aysan muujin rejadhiggeeda. Cidda kaliya ee ag taagan iminka waa yarkii oo gacanteeda dhunkanaya. Se iyada waxaa u muuqda tegitaanka qofkii keliya ee wehelinayay. Ma aysan doonayan in uu ka dhaqaaqo, oo ay cidlo dhex yurursato. 

Waxaa halmar ku soo duulay dareennadii dhibay ee ahaa cidlo, soojeed dheer iyo diiqad. Baqdin baa saaqday, oo ay baabbacadiisa ku cadaadisay baabbacadeeda, iyada oo rabta in aysan sii dayn qofkii keli ahaa ee ay ku tiirsanayd, ee wehelin jiray ee danayn jiray. 

Yarkii waa uu is ku yaxyaxay. Kuwii kalena waa ay dareemeen, oo ay bilaabeen in ay dadajiyaan. Bandhigga filinku waxa uu bilaabmayaa sagaalka habeennimo. Waxaa faran in ay goor hore meesha tagaan, si aanay u gelin jaam. 

Yarka se waxa ay la ahayd in uu dhex qotansaday mixnaddii abid u gu xumayd ee uu la kulmo. Mixnad ah: islaan duq ah oo rabta in uu la joogo, oo uu is ka dhaafo aadista filin daawasho. Waxa uu bilaabay in uu is ka indhatiro waxaas, oo ma uusan doonayn in uu arrinkaas fahmo. Cadho ayaa uu ka qaaday arrinkaas, weliba habarta, illaa heer uu is yidhi dhirbaaxo dheg iyo dhaban fuji, oo is ka reeb. 

Waa uu is ka furfuray, u gu dambayntii, oo uu is ka ga tagay habarta jirran. Habartii waxaa ku geedaammay baqdin. Waxaa burburtay rejadeedii ay ku niyadsamayd. 

Iyada oo isu dhiibtay dhimashada ilbidhiqsi kasta kadinka isu soo taagi karta, haddana ma aysan garanayn waxa, run ahaantii, baqdin gelinaya. Se waxa keliya ee ay hubtay waxa uu ahaa in aysan doonayn kelinnimo. Malaha ruuxda rabbi ayaa nidir ku gashay in ay dadka ka irdhayn doonto, oo keligeed isbadi doonto. 

Ma aysan doonayn takoornaantaas, oo oohin ayaa ay jabsatay.

Kuwii kale shaaraca ayaa ay taagan yihiin, oo ay ku sugayaan, se isa ga qoomamo ayaa dhabarjibisay. Dhanka daaqadda ee nalku ka soo bidhaamayo ayaa uu dib u jalleecay oo uu ku eegay dhaayo quus ah. 

Waa uu is ka ga soo jeestay. Inanteedii ayaa ku tidhi:

  • “ Waa ay is ka bakhtiisaa nalka, badanaa. Weliba kolka ay keligeed tahay. Waxa ay jeceshahay mugdiga.”

*****

Odaygu waa mid dhiman, oo ogaal iyo indheergaradnimo is ka doondoona. Aalaaba isa ga oo murdisadiisa fiiqaya ayaa uu ku duryamaa:

  • “Aniga, aabbahay waxa uu i siin jiray shan farank toddobaad kasta, si aan u gu baashaalo oo aan u gu gaadho Sabtida toddobaadka kale. Sidaas oo ay tahayna, haddana waxaa suuragal ii ahayd in aan kaydsado waxoogaa shilimaad ah. Kolka aan booqanayo xaaskaygana, afar kiiloomitir ayaa aan lugayn jiray bacaad iyo ban—siisocod iyo soosocdba. Haa, oo waa aan idiin ku celinayaa: dhallinyarada jiilkani ma yaqaannaan sida loo baashaalo.”

Waxaa dhagaysanaya saddex dhallinyaro ah, oo odaygani afar ku yahay.  Waxa uu ka warramayaa taariikhdiisa aan macnaha lahayn, oo uu dhurayaa hadallo aan muc lahayn, oo uu buunbuuninayaa fashilkiisa nololeed. Ma oggola in uu daqiiqad afka is ku qabto. Dhallinyarta la fadhiya ayaa uu ka hororsanayaa hadalka inta aysan dhawaaqinba. Ceebta kaliya ee uu lee yahay ayaa ah in uu raadiyo dhagayste. 

Waa uu is ka dhagooliyaa faallooyinka ka soo yeedhaya dhagaystayaashiisa ee xambaarsan quudhsiga. Iyaga waxa uu u ga dhigan yahay, oday ku andacoonaya in xilligiisu wax walba ay wanaagsanaayeen. Se isagu waxa uu isu haystaa awoow sharaf leh, oo waxqabad san dhaxal u ga tagay. 

Dhallinyaradu ma oga in iskudaygu yahay ismiidaamin. Wax badan ayaa loo waayaa fahanka wax yar. Odaygu waa uu soo bayhoofay. Ma se rabo in uu arrinkaas ka warramo. In uu oday faraxsan u muuqdo ayaa ka doorbidayaa. Haddii uu falkaasi yahay mid qaldan, waxaa ka sii qaldanaan lahayd in uu dadka ku beerlaxawsado ka warranka dhibaatooyinkiisa. Maxaa ay micno lee dahay dhibaatada uu odaygu mutay, haddiiba ay noloshu ku gu tukhaantukhinayso dhibaatada laftarkeeda? 

Waa uu hadlaa, oo hadlaa oo uu macaansanaya xabeebta codkiisa cabbudhsan. Se taasi suuragal u ma aha. Farxaddiisu waa ay sii gunaanadmaysaa maaddaama dhegaystayaashiisu ay ka xiisadhaceen dhagaysigiisa. Oday aan micno lahayn ayaa uu noqday. Dhallinyaradii waxa ay ka doorbideen dhegaysigiisa ciyaarista biliyaardaha iyo turubka u ga duwan shaqada maalinlaha ah ee maalaayacniga ah.

Durtaba waa uu cidlooday, xataa haddii uu been ku daray sheekooyinkiisa si aan loo ga xiisadhicin. Waa ay ka dideen dhallinyaradii hareeraha odayga iyaga oo aan dan ka gelin dareenkiisa. 

Gabowga waxaa u daran cidlada, iyo in uusan qofku helin cid dhagaysata, oo uu ku xukunnaado aamus iyo cidlo illaa ay noloshu dhan u ridayso. Taasina qofka gaboobay waxa ay u sheegtaa in ajashiisi aanay fogayn, in uu yahay ruux gaboobay oo aan wax micno ah lahayn. Waa uu asaasaqay, oo uu iskudhexyaacay. Ha dhinto ama ha aamuso. Wax ka dhaxeeyaa ma jiraan.

Odaygii xanuun ayaa ku soo booday. Aamusku waxa uu xasuusinayaa soodhawaanshiyaha geeridiisa. Sidaas oo ay tahay, waa uu is ka kacay isa ga oo dhammaantood u wada dhoollacaddaynaya. Se halcelintoodu waxa ay ahayd in ay ku soo fiiqaan wajiyo aan jiraalkiisaba dan ka lahayn oo quudhsanaya odaynimadiisa. Waxa uu si milicsaday mid quudhsanaya gabowga oo leh:

  • “Islaantii waa ay gabowday oo, mararka qaarkood weel hore oo baalliyoobay ayaa aannu u gu keennaa shurbad ay dhadhansato.”

Mid kale ayaa isaguna hadalka qaatay:

  • “Hodon ma nihin, se si wanaagsan ayaa aannu wax u cunnaa. Mid yar oo uu dhalay inankaygu, haddii uu aabbihii cuno laba xabbo oo roodhi ah, isa gu dhawr iyo dheeraad ayaa uu cunaa. Waxa uu aad u jecel yahay hilibka duqadaysan iyo subagga Kaamumubiir, oo xataa isa ga oo cunay intii loo gu talagalay, ayaa uu sii cirweyn yahay.”

Odaygii waa uu sii galbanayaa, oo uu u sii cagajiidayaa sidii dameer maanta oo dhan rarnaa. Isa ga oo diiqadaysan oo aan rabin in uu ku noqdo gurigiisa ayaa uu dhex luudayaa waddooyin ay dadku cimidha ka yihiin. Weligii waa uu jeclaa in uu u hoydo gurigiisa, oo uu fadhiisto miiska cuntada ay dulyaallaan faynuus gaas ku shaqeeya iyo suxuun uu ku ka la sooco taabasho, oo uu fadhiga la wadaago islaantiisa duqowday ee ay sida rakiigga ah cuntada u wada raamsadaan. 

Hadda, waxba maskaxdiisa ka ma guuxayaan, indhahiisuna waa ay qallacan yihiin. Caawa, sida ay u badan tahay, guriga waxa uu tagayaa goor dambe. Goor ay cashadiisi qabowday, oo islaantii gama’day iyada oo aan wax werwer ah hayn—maaddaama oo ay la qabsatay daahitaanka aan loo ga baran odaygeeda.  Waxa ay tidhaahdaa kolka ay sidani dhacdo: “Waa uu waalan yahay.”

Waa uu dhuukinayaa oo tallaabada xejinayaa, sida la gu yaqaan odayga goonnimeerka ah ee goblanka ah. Gabowgu, waxa uu isu soo muujiyaa sidii xaalad yalaalugo oo kale. Odayga, wax kasta waxa ay u horseedaan in aan la gu baraarugin, mise aan danba la ga gelin jiraalkiisa. Waa uu is ka soconayaa, oo marba koone ku ag meeraalaysanayaa, oo uu marba kacaakufayaa. Waa madhaxnimo sidani. Se maxaa uu qaban lahaa? Wax kasta waxa uu ka jecel yahay dibadwareegga baddalka in uu gurigiisa joogo, xataa haddii xaaskiisu xummad la kurbanayso.

Kolka uu guriga ku cidloodo, albaabka ayaa si tartiib ah u furma. Waxaa ka soo galaa nin labbisan. Kasoohorjeedkiisa ayaa uu saldhigtaa, si sanqadhtiran. In door ah ayaa uusan juuqin, nuuxsanna. Marka ay muddoba ka soo wareegtoba, baabbacadiisa ayaa uu ku gacalsalaaxaa dhakadiisa isa ga oo si tartiib ah u sarajoogsanaya. Cabbaar, ayaa uu ku dhaygagaa isa ga oo fagiigaya dhaayo ay urugado tamarbeelisay. Dabadeed ayaa uu si bilaa sanqadh ah u ga baxaa kadinkii uu ka soo galay. Odayguna halkiisa ayaa uu sii kaduudaa, isa ga oo bawdyaha is ku garaacaya, dhuuntiisana ka dhadhansanaya dacarta qadhaadh ee diihaalka. 

Se kolka uu shaaraca joogo ma cidloonayo—iyada oo aanay cidinna wehelinayn. Kolkaas oo kale, xiise ayaa biyadhiga, oo tallaabadiisa gaaban uu guraa.  Waxa uu naftiisa ku la hadlaa: “ Berri wax walba waa ay isbeddelayaan.” Se waa inta uusan berri ku waa’barisan iyada oo aanay waxba isbeddelin. Waa inta uusan ogaan in saaddambe iyo saakuulba, ay is ku mid yihiin. Kaladuwanaasho la’aantaasina waa xaqiiqo ay tahay in qadhaadhkeeda la gu laqo. In sidaas wax loo arkona, waa wax u gu dambaynta gayaysiinaya qofka in uu isqudhgooyo. Sida oo kalena, haddii uu xaqiiqadaas baal dhaafi kari waayo, qudha ayaa uu is dhaafinayaa. 

Oday da’ ah, oo faraxsan, kamadambaystiisu waxa ay noqotaa mid wanaagsan oo jeclaysi leh. Dhimasho guul ah. Ka micna badan dhibaatada joogtada ah. Waana arrin uu ku xasili karo.

Laakin, halkee loo ga baxsadaa gabowga? Waxa uu gaboobay isa ga oo aan ka noqon karin. Dadku, waxa ay isu soo dhisayaan gabow ku soo food leh. Waa gabowga wax kasta oo sillooni uu ku dhan yahay. Waxa ay u baratamayaan goob ka takooraysa meel kast oo kale. Mid kasta waxa uu rabaa in uu u shaqaysto fiillo yar, oo uu ku hawlgabo. Se kolka ay gaboobaan, waxa ay ogaan doonaan in ay ku kaceen fal khaldan. In ay u baahan yihiin dad ay ka agdhawaadaan, si ay u sii noolaadaan. Isa gu, ma uusan u baahanayn cid dhagaysata, si uu u sii noolaado. 

Shaaraca gudcurkiisa ayaa isa soo taraya. Jabaqdii saantuna, waa sii gabaabsi. Codadka dadka siisocda ayaa toos loo maqlayaa, oo waxa ay caddayn u tahay degganaanta nuska dambe ee habeenka.  

Buuraha ku xeeran magaalada shishadooda, waxooga dhibirsanaan ahi ka ma madhna. Figaha sare ee korniinkeedu adag yahay, waxaa ka soo bul leh qiiq cufan oo meel uu ka imanayo aan la garanayn.

Indhaha ayaa uu isgeliyay, isa ga oo wareersan oo cidlo quusgoysay, oo is ka nool, nolol aan bardhammaad lahayn. Dhanka samada ayaa uu eegay isa ga oo u dhoollocaddaynaya si bilaa ujeed ah. Waxa uuna ka soo qaaday in uu dhintay. 

Ma muhiim baa in aannu ka sheekaynno maanta oo dhan wajigaas gubtay, ee, ka midka ah sawirgamceedkaas qaayaha leh? Waxa aannu awoodnaa, in aannu sawiranno in cashadii diyaar tahay, habartiina ay ku diyaarinayo cuntada miiska yaal qolka gudcurka ah ee uskagga ah. Iyada oo fadhi u hollatay, oo eegtay goorsheegta, oo in yar dhawrtay imaatinkiisa. Se si wanaagsan ayaa ay is ka ga cashaysay, iyada oo niyadda is ka leh: “Waa uu waalan yahay.”

****

Waa shan qof, oo wada nool. Waa ayeeyada, inankeeda yar, inanteeda weyn iyo labadeeda carruurta ah. Islaanta inankeeda yar ma hadli karo. Inanteeduna maskaxda ayaa ay naafo ka tahay, oo dhib ayaa ka haysta feejignaanta. Inanteeda carruurteeda mid ayaa ka shaqeeya xarun caymis, halka ka yar uu waxbarashadiisa wato. 

Habartu waa toddobaatan jir, haddana iyada ayaa wax kasta maamulaysa. Sariirteeda dusheeda waxaa kaa ga muuqanaya sawir shan sano ka hor ah, oo ay intan ka yar tahay. Waxa ay ku labbisanayd toob madow oo bilic leh, oo aan ka samaysanayn cudbi. Indhaheedu waa ay waaweyn yihiin, oo cadcad yihiin oo degganaani ka muuqataa. 

Indhahaa cadcad, inanka yar ee ay ayeeyada u tahay, waxaa u gu duugan xasuus kolka uu soo xasuustaba damqda. Ayeeyadii, waxa ay weyddiisaa hal su’aal, kol kasta oo ay marti joogto. Iyada oo indhaheeda waaweyn ee cadcad ku soo fiiqaysa, ayaa ay weyddiisaa:

  •  “Ayo ayaa aad jeceshahay? Ma hooyadaa mise ayeeyadaa?” Se kolka ay su’aashaasi sii adkaato, waa kolka ay hooyadiis meesha joogto. 

Se kol kasta waxa uu ku jawaabaa:

  • “Ayeeyo,” isa ga oo qalbigiisu jacaylka qoddadadheer ee uu hooyadiis u hayo miranayo. 

Kolka martidu ay la yaabto halcelinta yarka, hooyadiis waxa ay xaaladda ku dejisaa:

  • “Waa caadi, ayeeyadii ayaa korisay.”

Habartu, waxa ay aamminsan tahay in jacaylku yahay dareen la is ku qasbo oo sanka la is ka geliyo. Maaddaama oo ay isu haysato koriso ku wayn qoyskeeda, waxaa dabeecad ka noqotay kakanaan iyo in aysan waxba saamixin. Weligeed ninkeeda ma aysan khiyaamin. Waxa ayna u dhashay sagaal ciyaal ah. Kolkii uu dhintayna, qoyskeeda waxa ay u daryeeshay si kalfuran. Kolkii ay ka soo guureen beertoodii ay degganaayeen, waxa ay soo dageen oo in muddu ah ba ay ku nool yihiin xaafad iskuraran ah. 

Sida dhabta ah, habartu waa ay dhaqan wanaagsan tahay. Se kolka loo eegayo ciyaalka ay ayeeyada u tahay ee qaangaadhka ah, waxa ay u arkayeen waxa ay falayso in ay ka tahay uun matalaad. Mid adeerkood ah ayaa u sheegay, maalin uu soddohdiisan soo booqanayay, in uu ka halacsaday daaqadda iyada oo taagdarro darteed meel u gu liicsan. Se kolkii ay aragtay, waa ay isdardargelisay durtaba, oo ay ka cudurdaaratay la kulankiisa—maaddaama oo ay aad u gu shuqlan tahay nadiifinta guriga iyo daryeelkiisa. 

Taasina waa dhab. U ma dulqaadan karto muranka ka dhexdhasha qoyska. Waxa ay la dhibban tahay matag uurkujirteeda dhuunta keena, oo uu sabab yahay beer xanuunka haya. Is ku ma luri jirin in ay la dhuumato ama ay qariso xanuunkeeda, oo waxaa la arkaa iyada oo si daran u gu matagaysa baaldiga qashinka ee kijada yaalla, marmarka qaarna iyada oo markaas ka soo faaruqday oo jidhkeedii ciid u ekaaday, indhaheeduna ilmaynayaan. Kol kasta oo ay is tidhaahdo yara naso, waxa ay xasuusataa hawsha ku sugaysa jikada. Waxa ayna markaas oo kale ku catowdaa si cadho leh: 

  • “Maxaa i baday in aan keligay wax kasta ka qabto gurigan. La’aantay, maxaa aad yeeli lahaydeen!”

Ciyaalku ma daneeyaan sababta ka dambaysa matagga joogtada ah ee ay la daalaadhacayso iyo xataa bararka jidhkeeda fuulay. Se maalin ayaa ay furaashkii ka kici weyday. Waxa ay carruurta ka dalbatay in ay dhakhtar u gu yeedhaan. Waa ay u gu yeedheen, iyaga oo ay ka tahay uun in ay is ka aamusiyaan baryootankeeda. 

Dhakhtarkii maalinkii koowaad waxa uu u sheegay in ay nasiino uun ay u baahan tahay. Maalinkii labaadna waxa uu ku sheegay kansarka beerka. Maalinkii saddexaadna waxa uu ku sheegay cagaarshow daran. 

Ka yar ee ay ayeeyada u tahay, waxa uu mar walba ku celceliyaa in ay islaantu matalayso xanuunka, oo wuxu mukur yahay. Weligiisba u ma uu warwarin habarta. Habartu iyada ayaa sidaas u tababartay. In uusan dan ka gelin cid kale. 

Waxaa jirta nooc geesinnimada ka mid ah, oo meeshii quus u gu dambaysay ah,  waana in aad diiddo jeclaanshaha qof. Se ma aha wax isqariya in qofku xanuunsanayo iyo in kale. 

Habartii waxa ay ku qasbanaatay in ay kawarranto geerida. Waxoogaa yar ayaa ka raysatay boggii loo ga dhegganaa, oo kaalmaynta carruurteeda ayaa ay ku suuragashay in mindhicirradeedu ay sidoodii caadiga ahayd ay u shaqeeyaan. Iyada oo hadalka u dhibrinaysa inanka ay ayeeyada u tahay waxa ay ku tidhi: 

  • “Ma aragtaa? Waxa aan u dhuusayaa sidii doofar dhal ah.” Saacad ka dibna, waa ay geeriyootay.

Inankii ay ayeeyada u tahay, waa ay cadd ahay in uusan waxba fahmin, in yar na ha ahaato e. Fasiraad aan ahayn in habartu ay matashay matalaadeedii u gu dambaysay, waa uu heli waayay. Haddii uu isweyddiin lahaa ilbidhiqsigaas geerida ayeeydii mugga uurkutaallo ee ay ku reebtay, waxa uu ogaan lahaa in aysan waxbaba la ahayn dhimashada ayeeyadii. Maalinkii aaska waa uu yara ilmeeyay. Sababta oo ah dadka oo dhammi waa ay wada ilmaynayeen. Sida oo kale, waxa uu ka baqay in uu la hor istaago geerida weji aan ka la caddaynaynin in geerida laftarkeedu tahay run ama been. 

Waxa uu ahaa maalinkaasi, dharaar jiilaaleed oo quruxbadan oo fallaadhaha qorraxdu bileen cirka buluugga ah. Waxa aad sawiran kartaa dhedadii qaboobeed oo midab jaalle ah yeelatay. Qabriga la gu duugay habarta, waxa uu ku yaal xabaalo meel yara taag ah ka ga yaal magaalada, oo qorraxdu u soo hayso sidii dibin laalaadda.

****

Waxaasi ma wax la geyo baa? Se dhabta qadhaadh ee biyakamadhibcaanka ah ayaa: in habar loo cidlayn karo sinima la tago iyo habeen la soo dhafro. Oday aanay cidinna dheg jalaq u siinayn. Geeri aan ka la jeclayn cidda ay dilayso waxa ay galabsatay. 

Dhanka kale, ee ilayska guudku oo dhammi ku dhan yahay, maxaa soo biiraya haddii aannu wax kasta oggolaanno oo aannaan waxba qawadin? Saddexdaas qaddar waa ay is shabbahaan, haddana sidaas oo ay tahay waa ay kaladuwan tahay. Geeridu waa ay inna wada sugaysaa, se cid kastaa si uun ayaa ay u geeriyoon. Si kasta oo ay tahay, lafaheenna waxaa dugsiyi doona fallaadhaha qorraxda.