Thursday 21 November 2024
Qoraalkan Ingiriisigiisa waxa lagu faafiyay degelka War on the Rocks, waxana turjumay Cabdicasiis Guudcadde.
Waxaan dhawaan dhawr toddobaad soo joogay xaafadaha iskuraranta ah ee Nayroobi, aniga oo u dan lahaa cilmibaadhista faldenbiyeedyada ay al-Shabaab ka geysato Geeska Afrika. Waxaan filayay in aan wax ka ogaado faldenbiyeedyadii la arki jiray ee ay kooxaha argagaxisada ahi ku sifaysan yihiin: maandooriyaha, hubka, maydhaanka lacagaha (money laundering), iyo waxyaabo laga yaabo in ay degaankan u gaar yihiin sida tahriibinta sonkorta. Meeshaba ma soo dhigan in aan wax ka ogaan doono shebakad dhan oo isku taxan oo ah dumar jidhkooda ka ganacsada oo intay macaamiishooda—oo u badan saraakiil boolis oo kharriban—la seexdaan xogta ay ka soo helaan u geeya al-Shabaab. Sida qof aan waraystay uu ii sheegay, “Haddii aad halkan xog uga baahato, waxaad dirsataa dhillooyinka iyo ubadka dariiqyada tuban—wax kasta ayay arkaan, meel kasta ayay geli karaan, cidina ka ma shakido.”
Shebakaddan dhillooyinka iyo argagaxisada isku xidhaa sida ay u xooggan tahay ee u qoto dheer tahay fajiciso ayay nagu ahayd aniga iyo khubaro badan oo argagaxisada derista oo aan la sheekaystay, laakiin reer Nayroobi way ka dheregsan yihiin warkeeda. Qofkii u horreeyay ee aan arrintan ka waraystaa wuuba fahmi waayay sababta aan war dheeraad ah ugu baahanahay—ma arrintan cid kastaa og tahay? Dadka aan waraystay qaar badan oo ka mid ahi jaar bay la ahaayeen ama si kale ayay isugu dhawaayeen dumarka jidhkooda ka ganacsada ee arrintan ku lugta leh. Waxay si faahfaahsan uga sheekeeyeen in al-Shabaab ay lacag ku siiso dumarka in ay macluumaad xiise yeelan kara ka soo qaadaan dadka ay la seexdaan—xogta ay ka helaan marka ay la galmoonayaan siyaasiyiinta, saraakiisha ama ganacsatada. Qof ka mid ah dadka degaanku wuxuu fekraddiisa u dhigay sidan: “Dabcan! Macaamiishan kalabadh ka mid ahi waxay [goobaha lagu tunto] u tagaan in ay culaysyada noloshooda haysta kaga soo sheekeeyaan oo kaga soo nefisaan. Maxaa diidaya in lacag lagugu siiyo in aad wax dhegaysata uun.”
In dumarka jidhkooda ka ganacsada loo adeegsado sirdoon ahaan waxay inoo muujinaysaa in al-Shabaab ay tahay koox xeeladaysi badan oo ay ka go’an tahay in ay sadqayso mooqifyada diineed ee ay dadka u sheegato ayna tabtan kale u eexaysato kolka ay faa’ido dhanka hawlgalka ah sidaa ku helayso. Caqliyaddan xisaabtamaysa ee sidee baan wax ku helayaa is wayddiinaysaa waa lidka waxyaabaha caalamku ka rumaysan yahay kooxda. Shebakaddan lagu metaali karo “Mata Hari” waxay muujinaysaa in al-Shabaab ay tahay koox curin leh oo intaa baadigoobaysa xalal aan looga baran, si joogto ahna falawgeeda u haysa tabtii ay ku samatabixi lahayd ee ay isu ballaadhin lahayd, iyadoo wajahaysa dedaallada aan noogista lahayn ee Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ahi ay kula dagaallamayaan. Al-Shabaab waxay hawlgalkada argagaxisa-la-dirirka ugu dhabaradaygtay in ay gabbaad ka dhigato Kiiniyada deriska ah, taas oo u noqotay meel ay magangasho maaddaama soohdintu ay iska baylah tahay, hufnaanta dawladdu hoosayso, isla markaana ay taageero bulsheed ka heli karto. Ugu danbaysta, waxaynu ka hadlaynaa koox ay ugu badiso in ay “xarriiqyada ka gudubto” oo baratay sida looga faa’idaysto goljilicda insaanka iyo debacsanaanta dhanka hufnaanta ee ka jira dhulalka ay ka hawlgasho.
In dumarka jidhkooda ka ganacsada loo adeegsado sirdoon ahaan waxay inoo muujinaysaa in al-Shabaab ay tahay koox xeeladaysi badan oo ay ka go’an tahay in ay sadqayso mooqifyada diineed ee ay dadka u sheegato ayna tabtan kale u eexaysato kolka ay faa’ido dhanka hawlgalka ah sidaa ku helayso.
Shebakadda Gudaheeda
Dumarka jidhkooda ka ganacsada ee Nayroobi waxay u habaysan yihiin qolo-qolo oo inta badan macaamiisha way kala leeyihiin, waxayna u badan tahay in ay taas ugu wacan tahay maaddaama shaqadani ay ku xidhan tahay in la is afgarto. Haweenkani waxay lacago iyo khayraadba geliyaan nooc “ururka dumarka jidhkooda ka ganacsada ah.” Si ay uga badbaadaan ragga wax fataala, ururradaas qaarkood ayaa samaysta haweenay la ixtiraamo ama saamays weyn leh oo ka ilaalisa dhagarta ragga fataallada ah, iyaguna waxay u huraan hogganaansanaan iyo macaashka oo ay wax u jaraan. Sida aan ku ogaaday waraysiyada, kooxda xogta ka gadda al-Shabaab waxa udubdhexaadkeedu yahay dumar reer Tansaaniya ah oo ku nool iskuraranta Nayroobi ayna abbaan u tahay haweenay degaanka ahi. Haweenaydaasi, sida lagu warramay, waa cidda isku xidha al-Shabaab—waa naag Soomaali-Kiiniyaan ah oo canaasiirta sirddoonka ee kooxda xidhiidh fiican la leh, wixii gorgortan ahna iyadu soo dhammaysa. Dumarkaasina waa qaxooti—waxay u badan tahay in sababta ay mihnaddan u galeen ay tahay fekerka daabaqaadda leh ee Kiiniyaanku ay ka haystaan in dumarka Tansaaniyaanka ahi ay soojiidasho leeyihiin raalliyana ay yihiin, oo lagu daray in aanay dhaqaale ahaan dammaanad haysanin. Dadka aan waraystay qaarkood baa dhiibtay ra’yi ah in sababta dumarka Tansaaniyaanka ahi ay u galaan hawlaha tumashada iyo dhillaysigu ay inta badan tahay in aanay lahayn “waalid iyo qoys wax tara.” Hasayeeshee , waxa xusid mudan in maaddaama dumarkani aanay Soomaali ahayn ay taasi muujinayso in aanay jirin caqiido ku xidha al-Shabaab. Waxyaabaha ay kooxdu xoogga saarto waxa ka mid ah in ay xidhiidh la samayso taageerana ka hesho dad aanay wax caqiido ahi isku xidhin ama ay yar tahay caqiidada isku geysaa.
Wax gaarkeeda loola yaabo ma aha in al-Shabaab ay dumarka jidhkooda ka ganacsada u aragtay il ay xogo sirdoon ka heli karto. Galmada iyo xogtu waxay ka mid yihiin badeecooyinka dunida ugu cimriga dheer, in basaasiin loo diro sariirta qof muhiim ahina waxay taariikh ahaan ka mid ahayd hababka ugu caansan ee sirdoonnimada. Shebakaddanina waxay caddayn dheeraad ah u tahay in al-Shabaab ay ka mid tahay kooxaha argagaxisada ee ugu xeesha iyo dhagarta badan ee maanta hawlgalka ah, iyo in waxa mudnaanta u lihi ay tahay in ay xog hesho sidii ay ku heshaba. Sida la weriyay, kooxdu waxay dhex gashay dawladda Soomaaliyeed, canaasiir hawlgallo sir ah u soo fuliya ayay u dirtay meelo ka baxsan dhulka gacanteeda ku jira, shaqaalaheeda hawlgalkana way ballaadhisay oo dumar bay ku dartay. Garabka sirdoonka ee al-Shabaab, oo lagu magacaabo Amniyaadka, wuxuu Soomaaliya ka dhex yahay sidii khaakh laga cabsado oo meel kasta geli kara. Laakiin, si ka duwan Mata Hari ama sirdoonnadii Midawga Soofiyeed ee “Romeo” lagu naanaysi jiray oo iyagu ahaa kuwo ay si rasmi ah dawladi u dirsato, dumarkan jidhkooda ka ganacsada ee al-Shabaabtu ay isticmaashaa waxay u dhigan yihiin sidii qandaraasley madax bannaan. Marka hore galmada ayay ku ganacsadaan hadhowna xogta ay soo heleen, oo ma aha sida sirdoonka rasmiga ah ee galmadu uga mid tahay agabyada kala duwan ee qof xog looga soo saari karo ama lagu tashkiilin karo.
Daymada Koox Argagaxiso oo aan la Fahansanayn
Doorashada xeeladaysiga leh ee ah in laga faa’idaysto galaangalka ay dumarka jidhkooda ka ganacsadaa u leeyihiin shakhsiyaadka dawladda iyo laamaha amniga ku jiraa waxay daaqad inaga tusaysaa xisaabaha dhibta iyo dheefta isu dheellitiraya ee ay al-Shabaab ku camalfasho. Kooxdani waxay Soomaaliya, oo meesha ugu badan ee ay ka hawlgasho ah, xaddidaad badan ku soo rogtaa xorriyadda jinsiga ee haweenka: Waxay mamnuucdaa kushaqaysiga jinsiga ee madaxa bannaan, gogoldhaafka iyo tumashada dil bay ku xukuntaa, kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga waxay u taqaannaa sino gogoldhaaf ah (oo ciqaabteedu yahay arjumid), ragga askarta u ahna waxay ku abaalmarisaa guurka qasabka iyo xoogista ku dhisan. Iyadoo asalraacnimadaas ay Soomaaliya ku dhaqdaa meesha taallo, in misana dumarka jidhkooda ka ganacsada ee Nayroobi, oo ah magaalo ay hawlgalladeedu ku xaddidan yihiin, ay la shaqayso oo weliba ku gunnaysaa waxay inoo tilmaamaysaa in al-Shabaab ay tahay urur xeeladaysta oo wax la kala hadha uuna u muuqdo higsi weyn oo dhulballaadhsi ku aaddani. Ma aha koox xagjirnimadeedu gaadhsiisan tahay in ay marakudheg noqoto oo ay dheefta la taaban karo intay iska indho tirto ku sii dhegganaato mabda’yada diinta, oo maaddaama ay kooxdu leedahay yool ah in ay dawlad dhisto way u furfuran tahay in ay taageerto ama ugu yaraan faraha la gasho hawlo lid ku ah shareecada. Dadka aan waraystay midkood baa si maadsi leh u yidhi, “Al-Shabaab aad bay u jeceshahay [dadkaa jidhkooda ka ganacsada]. Waxayba u aragtaa dad dunuubtooda badan lagu qaadan karo!” Kuwo kale oo aan waraystayna waxay faahfaahiyeen sida kooxdu ay u mamnuucdo ee ay “xumaantooda” ugu deedifayso dumarka jidhkooda ka ganacsada ee xaafadaha qaar, iyadoo isla markaa ilaalinaysa oo daafacaysa dumarka jidhkooda ka ganacsada ee hawlahan sirdoonka ugu jira. Waxa ay anshaxdarrada u yaqaannaan waxay iyaga u tahay wax looga tanaasuli karo xogaha sirdoon ee sida sugan loogu heli karo.
Maaddaama ay kooxdu [al-Shabaab] leedahay yool ah in ay dawlad dhisto way u furfuran tahay in ay taageerto ama ugu yaraan faraha la gasho hawlo lid ku ah shareecada.
Shebakadahaasi waxay muujinayaan sida al-Shabaab ay ugu xididaysatay Nayroobi, taas oo ah xaqiiqo aan amakaag lahayn balse aan aad looga warramin. Tan iyo 2011, Kiiniya waxay ka mid ahayd dalalka ciidan ahaan farageliyay Soomaaliya. Ciidammada Difaaca ee Kiiniya waxa si joogto ah loogu daabbulaa xadka Kiiniya iyo Soomaaliya, iyagoo inta badan hawlgallo ka fuliyo goobaha al-Shabaab gacanta ugu jira. Falanqeeyayaasha iyo aqoonyahannadu waxay si guud ugu doodaan in al-Shabaab ay joogto gobollada teedsan xadka Soomaaliya oo ay weerarro kaga soo qaaddo gobollada xeebaha Kiiniay ee Muslinku ku badan yahay iyo xeryaha qaxootiga ee Kiiniya ee hoyga u ah Soomaali badan oo qaxday. Nayroobi se waxa inta badan loo haystaa in ay xasilloon tahay, taas oo ay ugu wacan tahay in ay ka durugsan tahay goobaha ugu waaweyn ee hawlgalladu ka dhacaan iyo in ay leedahay nidaam amni oo adag oo weerarrada ka caabbin kara. Amnigaas Nayroobi ay ku suntan tahay dartii, waxay “caasimad debadda ku taal” u noqotay diblomaasiyiinta shisheeyaha, cilmibaadhayaasha, iyo lataliyayaasha militariga ee shisheeye.
Laakiin shekabaddan dhillooyinku waxay inoo sii muujinaysaa in al-Shabaab ay garawsatay meeqaanka xasaasiga ah ee Nayroobi, oo ay u aragtay meel ku habboon in lagu dhex geli karo hawlgallo ka shiddo yar sida weerarkii Moolka Westgate. Walow weerarrada ugu badan ee kooxdu geysataa ay Soomaaliya ka dhex dhacaan, haddana cilmibaadhistayda iyo badi warbixinada wadcigaas ka imanayaa waxay tusinayaan in taageerada ay haysato qayb dhan oo muhiim ahi ay Nayroobi taallo, marka lagu daro hawlgalkeeda sirdoonnimo ee hanqalka la soo kacaya. Kooxdu waxay sidoo kale xidhiidh joogto ah la leedahay dedaallada qaadhaan-ururinta ee heer gobol, ololayaal askar lagu qoranayo, iyo hawlgallada sirdoon ee soojireenka ah. Ilaha lacaguhu ka soo galaan ee ugu muhiimsan waxa ka mid ah in ay Ciidamamda Difaaca ee Kiiniya si hoose uga wada shaqaystaan tahriibinta dhuxusha, taas oo ka soo horjeedda Qaraarkii 2036 ee Golaha Ammaanka ee QM oo sannaddii 2012 dhoofinta dhuxusha ka mamnuucay Soomaaliya.
Sida muuqata, qodobbada hawlahan saacidaya ee ugu mudan waxa ka mid ah musuqmaasuqa. Ma kala cadda in saraakiishu ay ogsoon yihiin in xogta sariirta dusheeda lagala dhex baxo loo dusiyo al-Shabaab. Saraakiisha laamaha amniga ee aan waraystayna (oo isugu jira Kiiniyaan, Maraykan, iyo Ingiriis) aad bay u yaraysanayeen meelaha ay kooxdu gaadhi karto, waxayna layaab ka muujiyeen in koox islaami ah oo caqiiqadeedu xidhxidhan tahay ay dumarka jidhkooda ka ganacsada u adeegsan karto arrimo sirdoon. Sida shebakaddani u najaxday waxay marag ka tahay in hindisayaasha ladagaallanka musuqmaasuqa ee ku wajahan saraakiisha dawladdu ay yeelan karaan faa’ido dhab ah oo loo aayayo oo ka gudubsan xakamaha anshaxa keligii. Wax aan la maqlin ma aha in saraakiisha laamaha amnigu ay macaamiil joogto ah u yihiin dumarka jidhkooda ka ganacsada. Waxana halkan xusid mudan baaxadda taasi leedahay: Si hawlgalkan helidda xogaha sirdoonku taabbagal u noqdo, waa in meesha ay ku badan yihiin saraakiil ku filan oo midba laga soo heli karo macluumaad gaar ah. Intaa waxa dheer, kolka laga yimaaddo afka rasmiga ah ee dhigaya “boolisku waa saaxiibka dadweynaha,” haddana saraakiisha boolisku weli waxay u arkaan in xidhiidhka iyaga iyo dadweynaha ka dhexeeyaa uu yahay mid middi-middi ku taag ah, gaar ahaan dadweynaha deggan degmooyinka danyarta badi qaxootiga ahi u badan yihiin ee hawlahan sirdoonnimadu ka dhex jiraan, taas oo sii ballaadhinaysa dildillaaca u dhexeeya laamaha amniga iyo mujtamaca. Sida xaqiiqada ah, aqoonyahan Chimaraoke Izugbara wuxuu waraysiyo uu la yeeshay dumarka jidhkooda ka ganacsada ee Nayroobi ku ogaaday in saraakiisha laamaha amnigu ay “qashqashaan oo si xun ula dhaqmaan” haweenkaas, oo ay galmo ka dalbadaan ama in ay guryaha uga shaqeeyaan haddii kale ay xidhi doonaan. Dabadeed dumarkani si ay waxaas isaga difaacaan waxay samaysteen shebakado ay xogta ku wadaagaan sida tan ay al-Shabaab ka faa’idaysatay. Hufnaan-la’aanta saraakiisha Nayroobi waxay shebakadda dhillooyinka ee sirdoon ahaanta u hawlgasha ka gacansiisaa in ay bulaasho oo xaami noqoto.
Gunaanad
Xoogganaanta shebakadda “dhillooyinka basaasiinta ah” ee Nayroobi waxay muujinaysaa abaabulka curinta leh, xeeladaysiga, iyo higsiga dhuleed ee ku weyn al-Shabaab. Haddiiba ay kooxdan argagaxisada ahi baratay waxtarka ay leedahay in lagu awrkacsado shaqada tumashada ee Nayroobi ka jirta, aragtida barashada ururradu (organizational learning theory) waxay dhigaysaa in ay isku deyi doonto sidii ay hawshan u najaxday degaanno kalana ugu rari lahayd. Sida dhabta ah, warbixinada saxaafadeed waxayba muujinayaan in tallaabooyin xeeladaysan oo sidan tan oo kale “dumar qurxo badan” ka dhiganaya saraakiil sirdoon lagu arkay degaannada Kiiniya ee Laamu, Webiga Tana, iyo Gaarisa. Dhalanrogankan ku dhacay wuxuu muujinayaa in laga yaabo in al-Shabaab ay si kamaddanbays ah hawshan tumashada ugu darto hawlgalladeeda sirdoonka.
Xisaabtan xeeladaysiga ku fadhida ee dhibta iyo dheefta isu eegaysa ee al-Shabaab ay ku dhaqantaa waxay ka dhigan tahay in ay isa sii dhalanrogi doonto, oo isa sii ballaadhin doonto, baadiddoonkoodana geli doonto tabo kale oo ay urur ahaan ku sii jirto. In la niyaysto in kooxdan lagaga adkaan karo tallaabooyinkii la yaqaannay ee duqaymaha cirka iyo isgaashaanbuuraysiga xaddidan ay ka mid ahaayeen waa aragti’gaabni, waxana ka dhalan kara uun khilaafka oo jiitama. Intaa waxa dheer, shebakadda heer gobol ee al-Shabaab way ka weyn tahay kana ridan tahay sida warbixinada iyo waxqabadyada aqoonyahannadu u dhigayaan. Falanqeeyayaasha iyo aqoonyahannadu waa in ay indhaha furaan oo wax ka fiiriyaan meel ka shishaysa Soomaaliya oo gaadhsiisan guud ahaan mandiqadda Afrikada Bari, marka ay cilmibaadhis samaynayaan ama ay dejinayaan siyaasad lagaga hortegayo al-Shabaab. Ugu danbaysta, shebakaddan dhillooyinku waxay mar kale ka markhaati kacaysaa in mujtamacu uu fursad ay ku kobcaan siin karo kooxaha nabaddiidka ah. Cidda al-Shabaab nolosha ku sii haysaa ma aha uun dadka sida adag u rumaysan iyo kuwa is qarxiya, ee sidoo kale waxa saacida saraakiisha dawladda iyo booliska ee musuqmaasuqa caadaysta, hablaha duruuftu ku kelliftay in ay jidhkooda ka ganacsadaan, qaxootiga la hagraday, iyo guud ahaan dadka “caadiga” ah ee badda u ah kalluunka al-Shabaab. Ciddii u baahan in ay la dagaallanto argagaxisadani waa in ay ballaadhiso fahankeeda ku aaddan goobaha dagaalka oo soo dhaafyo koonfurta Soomaaliya, oo ay xisaabta ku darsato kaalinta muhiimka ah ee sarraynta sharcigu (ama haddii la waayo) uu ka ciyaaro in uu kooxda u abuuro fursado ay ka faa’idaysan karto. Midna aynu isla garanno e, xalka lagaga takhallusi karo hawlgalka sirdoonka al-Shabaab ee Kiiniya ka jiraa ma ah in Nayroobi laga cidhibtiro dumarka mihnadda tumashada ku jira. Hasayeeshee, waxa tallaabo wax laga bilaabo karo noqon karta in basar loo yeelo sida ay saraakiisha dawladda iyo boolisku u fushadaan baahidooda gogosha.
In la niyaysto in kooxdan lagaga adkaan karo tallaabooyinkii la yaqaannay ee duqaymaha cirka iyo isgaashaanbuuraysiga xaddidan ay ka mid ahaayeen waa aragti’gaabni, waxana ka dhalan kara uun khilaafka oo jiitama.
Sawirka: Flickr