Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Bixitaanka Ciidamada ATMIS iyo Cabsida Islaamiyiinta

26 June, 2024
Image
ATMIS
Ciidammada ATMIS ayaa la filayaa in ay Soomaaliya ka baxaan, iyada oo aanay weli caddayn marxaladda xigaysaa (Sawirka: ATMIS)
Share

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in si tartiibtartiib ah loo saaro ciidammada nabad-ilaalinta ee Afrika, waxayna ka digtay in ammaanku xumaado, dokumentiyo ay Reuters ay aragtayna waxay muujinayaan dalalka jaarka oo ka werwersan in kooxda al-Shabaab ay xukunka la wareegi karaan.

Hawlgalka kumeelgaadhka ah ee ATMIS oo ah ciidammo nabad-ilaalin ah, waxaa la qorshaynayaa inay baxaan Diinseenbar 31, markaas oo la filayo in ciidammo tiro yar lagu beddelo. Hasayeeshee, warqad ay bishii hore dowladdu u dirtay ku-simaha Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika, waxay ka dalbatay in ilaa Sinteenbar dib loo dhigo bixitaanka kala badh, 4000 oo askari oo la qorsheeyey inay dalka ka baxaan dabayaaqada bishan Juun. Warqaddan hore loo ma faafin.

Dowladdu waxay qiimayn wadajir ah oo bishii Maaris ay Midowga Afrika wada sameeyeen ku talisay, in jadwalka guud ee bixitaanka lagu saleeyo “diyaargarowga iyo awoodda dhabta ah” ee ciidammada Soomaalida. Qiimaynta wadajirka ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu amray waxay ka digtay in “dhimista degdegga ah ee ciidamada ATMIS ay keeni karto firaaq amni.”

“Weligay sidaa ugama werwerin jihada uu ku socdo dalkaygu,” ayuu yidhi Mursal Khaliif oo ah xubin ka tirsan guddida difaaca ee baarlamaanka.

Midowga Yurub iyo Maraykanka, oo ah maalgeliyayaasha ugu waaweyn ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxay isku dayeen in la dhimo hawlgalka nabad-ilaalinta, sababo la xidhiidha walaac ay ka qabaan maalgelinta mustaqbalka. Waxaa sidaa sheegay afar ilood oo diblomaasiyadeed iyo sarkaal sare oo ka tirsan Yugaandha.

Wadahadallada ku aaddan ciidan cusub ayaa aad u adkaatay, iyada oo Midowga Afrika uu dabada ka riixayey waajibaad ka adag ka ay Soomaaliya doonayso, saddex ka mid ah ilahaa diblomaasiyadeed ayaa sidaa sheegay. Muran siyaasadeed oo aad u kulul ayaa keeni kara in Itoobbiya la baxdo qaar ka mid ah ciidamadii ugu adkaa dagaalka.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska Raysalwaaraha ayaan ka jawaabin codsi daarranaa faallo ku saabsan arrimahaa. La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Sheekh Cali, ayaa sheegay in codsiga dib u dhigista ciidankii bixi lahaa bishan uu yahay mid la doonayo in qorshaha dhimista lagu waafajiyo hawlgalka ka danbeeya ATMIS.

Fikradda ah inay jirto “cabsi laga qabo in al-Shabaab dib u soo laabato” ayaa aad loo buunbuuniyey, ayuu yidhi, ka dib markii sheekadan la faafiyey.

Mohamed El-Amine Souef, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Madaxa ATMIS, ayaa sheegay in aanay jirin wakhti cayiman oo lagu soo gabagabeynayo wadaxaajoodyada, balse dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay heshiis gacan ka geysanaya in la helo nabad iyo ammaan waara. Wuxuu Reuters u sheegay in Midowga Afrika iyo dowladda Soomaliya ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay dhimis shuruudo wadata, si looga hortago firaaq amni oo yimaadda.

Gelinka dambe ee Khamiista ayaa lagu wadaa in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay ka kulmaan arrimaha Soomaaliya si ay uga doodaan dhimista iyo howlgalka kan xiga.

Iyada oo dhimistu socoto, oo 5,000 oo ka mid ah ilaa 18,500 oo askari oo dalka joogay ay sannadkii hore baxeen, dowladdu waxay muujisay kalsooni badan. Waxay sheegtay in ciidammada cusub aanay ka badan doonin 10,000 oo askari, shaqadoodana lagu koobo ilaalinta xarumaha waaweyn ee dadweynaha.

Baaqa lagu doonayo ciidamo tiro yar waxay u badan tahay inay ka turjumayaan aragtida waddaniyiinta ka soo horjeedda joogitaanka xaddhaafka ah ee shisheeyaha, ayuu yidhi Rashiid Cabdi oo ah falanqeeye ka tirsan Sahan Research oo fadhigeedu yahay Nayroobi.


Dalalka Deriska ee Walaacsan

Yugaandha iyo Kiiniya oo hawlhagalka dhammaanaya ciidammo ku leh, ayaa sidoo kale aad u walaacsan.

Henry Okello Oryem, Wasiirudawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Yugaandha, ayaa sheegay in kasta oo ciidanka Soomaaliya la siiyey tababbar aad u badan, misana aanay geli karin dagaal muddo dheer socda. “Ma doonayno I naannu galno xaalad aannu cararno oo la mid ah sidii aynu ku aragnay Afganistaan,” ayuu Reuters u sheegay. Oryem ayaa sheegay in Kenya ay aqbashay dhimista ay codsadeen Maraykanka iyo Midowga Yurub, balse ay tahay in la dhegaysto walaaca ay qabaan dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha kiiniya, William Ruto oo bishii hore warfidiyeennada kula hadlay Waashintoon, wuxuu sheegay in la iska saaro ciidammada, iyada oo aan lagu xisaabtamin duruufaha jira ay la micne tahay, “aragagixisadu waxay la wareegi doonaan Soomaaliya.”

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub oo ka jawaabaya su’aal la wayddiiyey wuxuu sheegay inay diiradda saarayaan dhisidda awoodda amniga gudaha, isla markaana mabda’ ahaan u taageerayaan qorshaha dowladda Soomaaliya ee ah hawlgal baaxad ahaan iyo awood ahaanba loo yareeyey.

Dhinaca kalana, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in ciidammadu noqdaan kuwo ku filan ka hortegista firaaq amni oo yimaadda. Waashintoon waxay taageertay dhammaan codsiyadii uu Midowga Afrika u soo gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si wax looga beddelo jadwalka dhimista ciidammada. 

Isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan ciidammada itoobbiya, afhayeenku wuxuu hoosta ka xarriiqay inay lagamamaarmaan tahay in laga fogaado goldaloolooyin amni ama kharashaad aan loo baahnayn oo “ka dhasha saarista iyo beddelista dalalka ciidamada ku deeqay.”

Dibudhac
 

Laba sannadood ka hor, weerarro ay ciidamu ka fuliyeen badhtamaha Soomaaliya waxay bilowgii dhul badan ka xoreeyeen al-Shabaab. 

Bishii Ogos, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu shan bilood ku soo “afjaro” kooxda xidhiidhka la leh al-Qaacida ee al-Shabaab.

Hasayeeshee, maalmo yar ka bacdi, weerar rogaalcelis ah ayay kooxda al-Shabaab qaadeen, waxayna kula wareegeen magaalada Cawsweyne. Sida uu sheegay askari ka tirsan ciidanka maleeshiyaadka ee qaybta ka ah ciidammada huwanta ah, waxay halkaa ku dileen askar faro badan, waxayna qoorta ka jareen dad rayid ah oo ay ku eedeeyeen in ay gacansiinayeen ciidammada.

“Dhacdadani waxay qalbijebisay Soomaalida balse waxay dhiirrigelisay al-Shabaab,” ayuu bishii Abriil waraysi ku sheegay Axmed Cabdulle oo ka ka mid ah ciidammada maleeshiyaadka ah ee ka soo jeeda qabiillada dega badhtamaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ma soo bandhigin tirada ciidamadii ku dhintay Cawsweyne, kamana jawaabin codsiyo lagaga dalbanayey inay faahfaahin ka bixiso weerarkan. 

"Cawsweyne waxaa ku sugnaa ciidan ku filan oo batalyan ka badan, balse si wanaagsan ayaan loo abaabulin,” ayuu sheegay askari lagu magacaabo Ciise oo ka qaybgalay, dagaalkii halkaa ka dhacay bishii Ogos ee la soo dhaafay. Ciise wuxuu sidoo kale sheegay in albaabka hore ee xerada Cawsweyne lagu qarxiyey gaadhi, maalintii weerarku dhacay, wuxuuna xusay inaanay jirin difaacyo hore oo saldhigga ka ilaaliya weerrada caynkan oo kale ah. 

Toban askari oo ah maleeshiyaadka ka soo jeeda qabiillada deggan dhulka ay militerigu ka fuliyeen hawlgallada ayaa sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay aanay jirin wax hawlgal ah oo la qaaday, taas oo ka dhalatay caqabado ka jira aagagga dagaalka.

Reuters si madaxbannaan uma xaqiijin baaxadda uu le’eg yahay dhulka ay al Shabaab lumisay. Balse La-taliyaha Amniga Qaranka, Sheekh Cali, ayaa wiiggan barta X/Tiwiitar ku sheegay in ciidammadu qabsadeen dhammaan aagaggii lagu dagaallamay.

Saaritaanka ciidammada nabad-ilaalintu waxay sii adkayn kartaa in dhul la haysto. In kasta oo falanqeeyayaashu ku qiyaaseen ciidanka Soomaaliya ilaa 32,000 oo askari, dowladdu waxay qiimaynta ay Midowga Afrika la sameeyeen ku qiratay in 11,000 oo askar tababbaran ah loo waayey, sababo la xidhiidha weerarrada joogtada ah iyo kharashka hawlagallada ee sarreeya. Dowladdu waxay sheegtay in ciidammadeedu awood u leeyihiin in ay wajahaan al-Shabaab, iyaga oo helaya taageero dibadeed oo kooban. Soomaaliya waxay hore u diidday saadaallo aan wanaagsanayn, sannadihii ugu danbeeyeyna waxay kordhiysey ciidammadeeda ammaanka. 

Shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho—oo gidaarrada qaraxyada difaaca ee meel walba ku yaallaa ay caddayn u yihiin khatarta qaraxyada iyo madaafiicda al-Shabaab—waxay tibaaxeen in amnigu soo hagaagayo. Waddooyin beri haawan jiray ayaa hadda mashquul ah, waxaana laga furaa makhaayado iyo dukaamo waaweyn. 

Qiimayn ay bishii Abriil daabacday Xarunta La–dagaalanka Argagixisada ee Maraykanka ee Combating Terrorism Center, waxay ku xustay in aanay suuragal ahayn in Soomaaliya ay ka dhacdo sidii Afganistaan ka dhacday, taageerada dibadeed ee weli socota aawadeed. Tusaale ahaan, Maraykanka waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan lagu qiyaasay 450 askari, kuwaas oo tababbara, isla markaana la talin siiya, ciidanka dowladda, mararka qaarna weerarro diyaaradaha aan duuliyaha ahayn ah ku qaada maleeshiyaadka laga shakiyo.

Laakiin, qoraaga qiimaynta, Paul D. Williams, oo ah barofeesar ka tirsan Jaamacadda George Washington oo ka dhiga xidhiidhka caalamiga ahi wuxuu sheegay in dagaalyahannada al-Shabaab oo lagu qiyaaso 7,000 ilaa 12,000 ay si kastaba ha ahaatee, “xoogaa militeri ahaan ka xoog badnaan doonaan” ciidammada Soomaaliya. Taas oo ay sabab u tahay isku xidhnaantooda aadka u sarraysa iyo qorashada qasabka ah.

Taageerada Caalamiga ah 

Ammaanka Soomaaliy, ilaa 2006 oo Itoobbiya ay soo gashay, waxaa gacanta ku hayay dalal shisheeye. Itoobbiya waxay meesha ka saartay maamul Islaami ah. 

Dowladda Maraykanku waxay ilaa 2007 taageerada la-dagaalanka aragagixisada ku bixisay wax ka badan 2.5 bilyan oo doollar sida lagu sheegay daraasad Jaamacadda Brown ay sannadkii hore samaysay. Tiradaas ku ma jiraan kharashaadka militariga iyo sirdoonka aan la shaacin ee ku baxa dhaqdhaqaaqyada, sida duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hawlgalinta ciidammada dhulka ee Maraykanka. 

Dhinaca kale, Midowga Yurub ayaa sheegay in ilaa 2.8 bilyan ay siiyeen ATMIS iyo kuwii ka horreeyay tan iyo 2007. Turkiga, Qadar iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ayaa sidoo kale bixiya kaalmo xagga amniga ah.

Hasayeeshee, khayraadka maaliyadeed ee la bixiyo ayaa cidhiidhi ku jira. Midowga Yurub oo miisaaniyad sannadeed gaadhaysa 100 milyan oo doollar siiya ATMIS ayaa doonaya in uu dhimo taageeradiisa, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed. 

Labo diblomaasi oo ay waraysatay wakaaladda wararka ee Reuters, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo, ayaa sheegay in Maraykanka iyo Midowga Yurub ay doonayaan in ay hoos u dhigaan howlgallada nabad-ilaalinta, sababta oo ah kharashaadka mudnaanta leh ee kaga socda Yukrayn iyo Qasa, iyo in asalkaba ay Soomaaliya la wareegto ammaankeeda. 

Sida ay diblomaasiyiintaasi sheegeen, qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa doonaya in hawlgalka cusub laga taageero lacagaha ay bixiyaan dalalka xubnaha ka ah Qarammada Midoobay, taas oo culays dhaqaale ku siyaadinaysa Maraykanka iyo Shiinaha.  

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Maraykanku aanu rumaysnayn in nidaamkan oo kale la hirgelin karo sannadka soo socda, balse waxa uu sheegay in uu jiro heshiis caalami ah oo xooggan oo lagu taageerayo hawlgalka kan xiga. Midowga Yurub weli kama hadlin su’aalaha ku saabsan maalgelinta hawlgalka beddelka ah. 

Maalgelinta hawlgalka cusub waxaa si rasmi ah looga hadli karaa, marka ay Soomaaliya iyo Midowga Afrika ku heshiiyaan waajibaadka la soo jeediyey.

 

Waxa laga soo turjumay Reuters.