Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Halkee buu ku danbeeyaa dagaalkii ka dhanka ahaa al-Shabaab?

21 August, 2024
Image
banaanbaxayaal
Shacab taageersan dagaalka ka dhanka khawaarijta oo isugu soo baxay Muqdisho Sebtember 2023 (Sawir qaadaha Abuubakar Muxiyadiin Getty images)
Share

Muddo ka badan hal sanno waxa isa soo tarayey, baaqyada xukuumada ee dib u bilaabista wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah xarakada argagaxisada ah ee al-Shabaab, mana jiraan wax tilmaamo ah oo muujinaya xilliga xukuumadu qaadayso hawlgallada militari ee ay sheegtay. Xarakada al-Shabaab, oo uu afkooda ku hadlayo afhayeenkooda Cali Maxamuud Raage waxa ay quudhsadeen sheegashada Madaxweynaha ee ah in uu hal sanno kaga takhalusayo xarakada, waxa ayna kordhiyeen beegsigooda Muqdisho, taas oo loo tiirinayo gaabiska xukuumada ee dib u soo celinta hindisaha la dagaallanka al-Shabaab. Isla sannadkii Koobaad ee uu xukunka qabtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ogos 2022 ilaa June 2023 waxa la arkay dagaal kulul oo ka dhan ah xarakada al-Shabaab,  gacanta xarakadana waxa ka baxay ku dhawaad 70 magaalooyin iyo tuulooyin isugu jira oo ka tirsan ah goboladda Galmudug iyo Hirshebeelle, waxaana taa dawladda ka caawiyey beelaha Hubaysan ee loo yaqaan ‘Macawislayda’   ta la sugayey ayaa ah dhamays tirka xorraynta labadan gobol, ka hor inta aan loo kicitamin koonfur, laakiin Xasan Sheekh waxa uu guulahaas u adeegsaday, dib u habeynta Dastuurka. Waxaana uu dalku galay, xaalad siyaasaddeed oo cakiran taas oo wiiqday awooddaha Xukuumada Federaalka, xarakaduna waxa ay ka heshay fursad ay hawo ku helaan oo dib ugu bilaabaan hawlgaladooda. 

Guulo degdeg ah

Ka dib guulihii ay xukuumada Federaalku soo hoysay, caasimadda Muqdisho waxa ay martigelisay shir madaxeedkii hogaamiyayaasha dalalka jaarka, oo ay ka soo qayb galeen Raysal wasaaraha Itoobbiya, Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kiiniya, waxaana shirkan ka horreeyey, kulankii Wasiiradda difaaca ee afarta dal bilawgii sannadkii tagay 2023, kaas oo u jeedadiisu ahayd u diyaargarawga dagaalka wajigiisa labaad oo dalalkaasi na qayb ka yihiin, si kastaba ha ahaatee, dedaaladaas waxa la sheegi karo kama ayna suuragelin, halka xukuumada federaalku na ayna wax faallo ah ka bixin iyada oo ay aad u kordheen Weerarada ka imanaya xarakada al-Shabaab, oo iyana ku qasabtay in ay ciidamada dawladda iyo kuwa shisheeye isaga baxaan deegaannadii ay hore u xorreeyeen.

Si aynu u faalayno sababaha ay dawladda Federaalku ugu guul darraysatay, dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab wajigiisa labaad, waxa aynu u baahanahay in aan dib u millicsanno sababaha marka hore ba keenay in dagaalkan lagu baaqo,  kow, kacdoonkii beesha xawaadle ee gobolka Hiiraan kaas oo ka dhan ahaa xarakada al-Shabaab, kacdoonkan waxa ay isku soo beegmeen caleemo saarkii madaxweyne Xasan sheekh, iyada oo taas laga faaidaysanayo ayaa waxa bishii Ogos 2022 Waashintoon laga ga baaqay dagaalkan masiiriga ah, taas  oo macnaheedu yahay, in ayna dawladdda federaalka bilaabin dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab ee ay ku lug darsatay guulihii ay gaadheen dagaalyahannadii beeluhu. Taas baana door muhiima ka ciyaartay hurinta dagaalka. Dhankeeda, xukuumadu waxa ay ku dhiiratay in ay gasho dagaalka kana garab dagaallanto beesha Xawaadle taas oo suura gelisay in al-Shabaab lagu jabiyo Hiiraan. Haddana waxa ay suuragelisay, is garab taagga dagaalyahannada beelaha kale si loo xaqiijiyo qabashada Shabeellada dhexe, Mudug, Galgaduud, iyo gobolka Galmuduq, waxa ayna xorraysay, magaalooyinka u dhexeeya goobaha Istaariijiga ah ilaa badweynta Hindiya, halkaas oo ay xarakadu ka heli jirtay hubka, una ahayd il muhiima oo ay ka helaan maaliyad, dhinaca kale, ciidamada beeleedyadu waxa ay u isu rogeen awood gilgishada xasiloonida, waxayna noqdeen qaar ku loolama goboladii la xorreeyey, waxaana tusaale u ah, in beesha Xawaadle dalbatay gobol madaxbannaan, iyo sidoo kale, isku dhicii hubaysnaa ee iyaga iyo beesha Abgaal ku dhex maray Jawhar, halkaas oo uu ka soo jeeda madaxweynaha maamul goboleedka Cali Cabdillaahi Xuseen (Guudlaawe). Waxa taasi soo dadajisay in xilka laga qaado hoggaamiyihii Macawislayda Cali Jayte, oo ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan, June 2023, xilli uu socday dagaalka ka dhanka ah xarakadu, taasina waxa ay caddaynaysaa iska horimaadka danaha xulufada dawladda.

Dhanka kale, waxaa la rabay in  istaraatiijiyada militari la garab wado oo laga shaqeeyo sugida amniga deegaannada la xorreeyay, yagleelida maamulo hoose iyo xoojinta hay’adaha dowladda, maadaama oo aan si buuxda looga adkaan dhaqdhaqaaqa al-Shabaab ee labada gobol oo ay weli awood xoog leh ku dhex leeyihiin. Taas beddelkeeda, Xasan Sheekh waxa uu bilaabay inuu guulahaas ku maalgeliyo arrinta muranka badan dhalisay ee wax ka beddelka dastuurka. 

Maalgashiga Siyaasasaddeed ee dagaalka

Qorshaha wax ka beddelka Dastuurku waxa uu ka soo bilawday shir ay yeesheen golaha wadatashiga qaran Meey 2022 kaas oo uu ka soo baxay heshiis aanu goob joog u ahayn Madaxweynaha Buntilaan Siciid Cabdillaahi Deni. Wadar ahaan wax ka beddelka Dastuurku waxa uu koobsanayaa; in meesha laga saaro Raysal wasaaraha lagu na beddelo Madaxeyne xigeen, iyo sidoo kale in la tuuro nidaamka talo qaysiga beelaha ee (4.5) oo la hir geliyo doorasho xora oo toosa, taas oo waafaqsan mabda’a ( Qof iyo cod ) iyo sidoo kale in Xisbiyada siyaasaddeed ee sharciga ah lagu koobo labo Xisbi. 

Qorshahani waxa uu dhaliyey is fahanwaa  baahsan kaas oo keenay in Buntilaan iyo Muqdisho fiintu dhex mirato, mar kale Buntilaan oo maqan, bishii Meey 2023 goluhu waxa uu yeeshay kulan kaas oo ay ku ansixiyeen wax ka beddel lagu sameeyey qorshihii koowaad, waxaana la go’aamiyey in booska Raysal wasaaruhu sii jiro se awooddiisa  la dhimo, xisbiyada siyaasaddana waxa lagu koobay saddex. Qorshahan ayaan ugu danbeyn loo turjumay wax ka beddelka Dastuurka, waxaana oogantay kala qaybsanaan aad u weyn. 

Isla bishaa qudheeda, Xarakada al-Shabaab waxa ay qabsatay kulan ciwaankiisu ahaa ; “Kulanka katashiga arrimaha Jihaadka ee beriga Afrika”  waxaana ka soo qayb gelay Amiirka xarakada, Axmed Diiriye “Abu cubayda”, waxaana ka soo baxay qodobo door ah. Kulankaas ka dib xarakadu waxa ay duulaan ku beegsatay xeryaha ciidamada ATMIS, kuwa Federaalka iyo dagaalyahannada beeleedka  ku sugan Hirshebeelle iyo Galmudug . Tan iyo markaas, xarakadu waxa ay khasaare ba’an gaadhiisay Ciidamada ATMIS, kuwa Federaalka iyo ciidan beeleedyada, bishii Ogos 2023-kiina kooxdu waxa ay duulaan xoogan ku qaadday Cawsa Weyne oo ah badhtamaha gobolka Galgaduud, taasi na waxa ay sababtay iyo ciidamada Federalka, iyo xulafadooda ah ciidan beeleedku ay dib uga baxaan deeganno doora oo ay hore u xorreeyeen. 

Hawgalada xarakadu ay dib ugu qabsatay magaalooyin door ah, waxa ay muujisay in farogelinta siyaasaddeed ee dagaalka iyo doorka Madaxweynaha ee horkicista hawlgallada military ay dhabqisay nuxurkii hawgalada dagaalka. Dhanka kale, waxa la odhan karaa in aan al-Shabaab filayn in xukuumada Federaalku mar kale ku baaqi doonto dagaal ka dhan ah iyaga, oo ay taageerayaan, Imaaraadka, Turkiga iyo Maraykanka iyo ciidmada ku soo tababar qaatay Eratariya iyo Yugaandha, sidaas awgeed xarakadu waxa ay lumisay masaaxo ballaadhan oo badhtamaha dalka ah bilihii hore ee dagaalka. Afhayeenka Xarakadu sida uu  uu ku sheegay muuqaal la sii daayey Ogos sannadkan waxa uu yidhi “Kolka laga soo tago dagaallo ahaa ku dhufo oo ka dhaqaaq kuwaas oo u baahnaa in dib uga looga gurto goobo gaar ah xarakadu ma lumin wax ka mid ah awooddeeda waa se cagsiga, labadii sanno ee la soo dhaafayna waxa ay ciidamda ka  dishay saraakiil muhiim ah”

Waxa xusid mudan in labada dhinac ba  faafiyeen warbaxinno sheegaya in ay dhanka kale gaadhsiiyeen khasaare, iyada oo ayna jirin ilo lagu kalsoonaan karo oo ka madhan dacaayad iyo dagaal nafsadeed, oo lagu dhisi karo falanqaynta majarraha uu haysto loolanku. Taas awgeed, marna ma ay istaagin iska horimaadyada labada dhinac. Waxaana muuqata in ay joogsadeen beegsiga ‘ATMIS’ waxaana ilaa hadda socda isku dhacyo kooban oo ka jira dawlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, taas oo ay kooxdu ka doorbidayaan kordhinta hawlgalladda Jubalaan oo Ciidamadeedu si guul leh u garab siiyeen Ciidamada qaranka duulaankii lagu qaaday xarkada al-Shabaab bishii Julaay ee laga soo gudbay ee gobolka jubbada Hoose. 

Masiirka wajiga labaad 

Iyada oo ay jiraan, guul darrooyinkaas ayaa hadda xukuumada Federaalku dhawr munaasibadood kaga dhawaaqday in ay soo dhawaatay, marxaladdii labaad ee dagaalku, taas awgeed, waxa ay tabobar uga furtay Muqdisho ciidamada macawisley ah oo laga keenay Galmudug. Laakiin bilo ka dib, ayaa la kala diray ciidamadan,ka dib markii muran ka dhashay mushaharaadkooda iyo hubayntooda. Maalmo ka dibna kolkii ciidamadani ku laabteen baradoodii, gaar ahaan magaalada ‘Xarar dheere’ oo ah magaalo Istaraatiiji ah oo dhacda gobolka Mudug, waxa isku horimaad dhex maray ciiddamada Qaranka taas oo tusaale u ah fashilka Muqdisho ka haysta isu keenista ciidamo ka hor taga al-Shabaab. 

Kolka la eego xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka qaranka iyo ciidan beeleedyadu, waxaa farta lagu fiiqi karaa dhawr caqabadood oo ku gudban suuragalnimada wajiga labaad,  ugu horreyn waxa jirta nidaam la’aan dhinaca mushaharaadka ciidamada iyo ciidan beeleedyada ah, taas oo keentay in qaar ka mid ah ciidamadu u firdhadaan dhanka kale, kuwaas oo ay ka mid yihiin saraakiil, qodobka labaad ayaa isna ah, hub yaraan baahsan, ciidamada Macawisleyda ee Muqdisho lagu tabobarayeyna dawladdu waxa ay  fartay in ay xeryaha tabobarka u soo qaataan hubkooda, wax hub ah na uma ay u qaybin, amintaas oo ahayd kolkii la ogaaday hanti lunsiga iyo musuqa baahsan ee ciidamada qaranka ka dhex jira. Qodobka saddexaad ayaa ah; in aannu Madaxweyuhu xil iska saarin dib u heshiisiinta beelaha, sida beesha Xawaadle ee Hiiraan iyo beesha Abgaal ee Jawhar kuwaas oo tusaale u ah loolanka ka jira Galmudug. al-Shabaab ayaa arrinta ka faaidaystay iyada oo maalgashatay hubaysayna beelaha deggan deegannadii ay faaruqiyeen iyo weliba kuwa dega goobaha ay isku hor fadhiyaan beelaha gacan saarka la leh xukuumada. 

Caqabadda afraad ayaa ah, siyaasaddaha madaxweynaha oo iyagu majaraha u qabtay hawlgaladda militariga, ciidamada federaalka iyo kuwa beeluhu  si furan ayey u galeen dagaalka iyada oo aan la sugin jidka saadka iyo goobaha la xorreeyey, taas oo ka dhigtay qaar u nugul soo rogaal celinta al-Shabaab. Intaas waxa dheer, Madaxweynuhu waxa uu ku dhawaaqay dagaalka isagoo ku xisaabtamaya xulafo goboleed aanu isku hubin, oo waxa uu uu taageero ka filayey Jabuuti, Itoobbiya iyo Kiiniya, waxaana uu isku halaynayay taageerada maaliyadeed ee Dubaay, taas oo meesha ka baxday ka dib markii khilaaf soo kala dhex galay.   

Halka caqabada shanaad ku saabsan tahay is hirdiga masaaliixda gudaha ee xulafada, waa xukuumada iyo qabiilooyinka e, Madaxweynuhu wuxu wataa ajandayaal siyaasaddeed oo ka duwan xulafadiisa ay ka midka yihiin Madaxda dawlad goboleedyada iyo suldada maxalliga ah, taas oo iyana ka sii duwan kuwa ay wataan beelaha hubaysan oo qayb laxaad leh ka qaatay guul darradii al-Shabaab. 

Gunaanadkii, Madaxeyne Xasan sheekh waa in uu ka jawaabo waydiinta ah; muxuu yahay hadafka ugu weyn ee dagaalka ka dhanka ah xarakada al-Shabaab, ma in la yareeyo weerarada xarakada lana kordhiyo amniga baa, mise waa in guulaha militari uu ku gaadho socodsiinta mashruuciisa siyaasaddeed ee muranku hadheeyey oo uu markaana beddelo dastuurka, taas oo ay ka danbayso muddo korodhsi ama laga yaabo in uu ku xaqiijiyo soo laabasho kale.  Si guud, Maamulka Xasan sheekh waxa looga baahanyey in uu wax ka barto casharadii iyo natiijooyinkii marxaladdii koobaad, oo uu ka dheeraada mashaariicda siyaasiga ah ee danta gaaban ka leeyahay, isla markaan xoogga la saaro istaraatiijiyada muddada dheer ee laga leeyahay dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, iyadoo la hubinayo in ciidamadu haystaan saanad, hub, aqoon farsamo iyo trio ciidan oo ku filan. Waxyaalahan laguma helayo in la soo saaro amar milatari ama in madaxweynuhu isagoo dharka milatariga xidhan sawir ku soo galo jiida.