Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Siyaasadda Badda Cas: Turkiga, Imaaraadka, Itoobbiya iyo Biyaha Soomaalida

6 March, 2024
Image
Ciidammada Soomaaliya
Qaar ka mid ah ciidanka Soomaaliya ee uu Turkigu tababbaro oo duruusi u socoto. Xuquuqda sawirka: Ercin Erturk/ Anadolu Agency via AFP.
Share

[Bahda Geeska ayaa soo turjuntay maqaalkan oo asalkiisa lagu faafiyay degelka The Conversation].

Turkiga iyo Soomaaliya waxay dhawaan ku dhawaaqeen in ay heshiis culus oo difaaca ah wada saxeexdeen. Arrintani waxay ku aadaysaa xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobbiya oo rabta in ay Badda Cas gaadho iyadoo u sii dhex maraysa Somaliland. Waayaha heshiiskan cusub lagu dhex akhriyi karo ayuu eegayaa mudane Federico Donelli oo ah bare sare oo cilmibaadha ummuuraha khuseeya gobolka Badda Cas. 

 

Xidhiidhka Turkiga iyo Soomaaliya

Turkigu wuxuu ugu horrayn Soomaaliya ku soo galay weji insaannimo, sannaddii 2011. Hasayeeshee markii danbe wuxuu ajanduhu isu rogay mid istaraataji ah. Wixii intaa ka danbeeyayna, taageerada uu siiyaa waxay isugu jirtay mid dhaqaale iyo dhanka kaabayaashaba, kolkii danbana ciidammada ayaa ku soo kordhay.

Turkigu wuxuu fashilka dawladnimada Soomaaliya iyo in cid kale oo caalami ahi aanay u iman ka dhex arkeen fursad ay kor ugu qaadi karaan sumcadda ay Afrika ku dhex leeyihiin. Turkigu wuxuu higsanayaa in uu:

  • saaxadda caalamka ka muuqdo

  • isku tijaabiyo kartida uu u yeelan karo faragelinta waayaha khilaafyada ku jira ama ka soo doogaya

  • suuqyadiisa ku kala duwo Afrikada Bari

  • kasbado suurad ah in uu yahay quwad Muslim oo meeldhexaad ah, oo uu isgarabsiga Islaamka hore u soo dhigo.

Ururro diini ah iyo kuwo kale oo aan dawli ahayn oo Turkiga laga leeyahay ayaa ka hawlgala Afrika oo si toos ah ugu lug leh mashruucyada horumarka iyo gargaarka. Shirkadaha qaranka Turkiga ku weyn, sida Diyaaradaha Turkiga, xataa ayaa ka qaybqaatay ololayaal Soomaaliya kaalmo loogu qaadhaamayay.

Dhawr sannadood gudahood ayay ku-lugyeelashada Turkiga ee Soomaaliyi dalka gudihiisa iyo shacabkaba ka noqotay arrin ka mid ah arrimaha gudaha ee Turkiga, sida xukuumaddu u dhigtay dadweynuhuna u qaabbilay marka la eego. Aad buuna u najaxay dedaalkii hore ee Turkigu geliyay in uu Soomaaliya ku soo celiyo miiska beesha caalamka.

Kolkii sannaddii 2014 dib loo furay dekaddii iyo madaarkii Muqdisho, oo labadaba ay gacanta ku hayaan shirkado Turki ahi, xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya way soo roonaatay marka la barbardhigo tobankii sannadood ee ka horreeyay. Hoggaanka Turkidu wuxuuba bilaabay in ku-lugyeelashadooda arrimaha Soomaaliya uu u sawiro in ay tahay qodob guulaystay. Dabcan taasi waa marka aan xisaabta lagu darin xaqiiqada ah in aan weli ururka argagaxisada ah ee al-Shabaab xididdada loo siibin.

Turkigu wuxuu sidoo kale xil iska saaray tababbaridda Ciidanka Xoogga Qaranka Soomaaliya, iyagoo ay isla kaashanayaan saaxiibbo caalami ah oo Midawga Yurub iyo Maraykanku ka mid yihiin. Sannadkii 2017, Turkigu wuxuu saldhig militari ka furtay Muqdisho. Saldhiggan waxa lagu tababbaraa ciidammada kamaandoosta ee Gorgor, sidoo kalana wuxuu ciidanka Turkiga u yahay fadhiisin ay mandiqadda ku leeyihiin.

Mintidnimada al-Shabaab ayaa Turkiga ku qancisay in uu aad ugu baahan yahay in uu si xoog ah ciidan ahaan ugu taageero horumarka Soomaaliya. Sidoo kale, maamulka Ankari wuxuu ilaashanayaa maalgashiga dhaqaale iyo kan siyaasadeed ee uu Soomaaliya geliyay.

Ugu danbaystana, heshiiska Turkigu la galay Soomaaliya waxa sidoo kale wax looga aanayn karaa siyaasadaha ku xeeran gaashaanbuurta NATO. Sannadkii u danbeeyay Turkigu aad buu ugu dhawaaday Maraykanka. Wuxuu isu dhigay in uu yahay xulafo wax-ku-ool ah oo u joogta Afrika, oo beddeli karta eelka ka dhalanaya ka-bixista Faransiiska ee qaaradda—sida raadka isa soo taraya ee Ruushku ku yeelanayo. Ka-go’naanta uu Turkigu Soomaaliya u muujinayaa waxay daba socotaa dedaalladii uu geliyay Liibiya. Labada goorba, Turkigu wuxuu caddaystay in uu diyaar u yahay in uu dhabarka u rito culayska amni ee xubnaha kale ee NATO, sida Talyaaniga, laga waayay.

Sidaa awgeed, ku-lugyeelashada Turkiga ee Soomaaliyi waxay qayb ka tahay istaraatajiyaddiisa arrimaha debadda ee uu ku rabo in uu ku hanto madaxbannaani dheeraad ah oo ku dhex lahaado siyaasadda caalamka. Si uu taa u xaqiijinaya, waa in uu horta muujistaa in uu muhiim u yahay gaashaanbuurta NATO.

 

Waayaha ku gedaaman heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya

Soomaaliya iyo Turkigu waxay heshiiskan ka soo shaqaynayeen Nofeenbar 2023 ilaa Jannaayo 2024. Turkigu wuxuu oggolaaday in uu tababbaro oo hubeeyo ciidammada badda ee Soomaaliya, kana caawiyo roondaynta iyo ilaalaynta xeebta dalka ee dhereran 3,333km.

Waaxda gaashaandhigga ee Turkigu si weyn bay u saamaysaa go’aannada siyaasadda arrimaha debadda ee Ankara. Turkigu wuxuuba isu arkaa in uu yahay dhoofiyaha waxsoosaarka gaashaandhigga, iyo in uu yahay saaxiib loo kaashan karo tababbaridda booliska iyo ciidammada gaarka ah. Waddamada Afrikina waxayba ka mid yihiin meelaha ugu waaweyn ee waaxda gaashaandhigga Turkigu ay bartilmaameedsato. Sidaa awgeed, Soomaaliya waxay Turkiga ula tahay fursad uu ku baahin karo waxsoosaarka iyo badeecadda Turkiga.

Sannaddii 2022, Turkigu wuxuu, isagoo cududdiisa ku biirinaya Maraykanka, ka mid noqday quwadaha ugu waaweyn ee taageeraya weerarka cusub ee lagu qaadayo al-Shabaab. Wuxuu ciidammada Gorgor siiyay taageero sahayda ah, ciidanka xooggana dhanka hawadu ayuu ka taageerayay. Iskaashigani wuxuu horseeday heshiis difaac oo toban sannadood soocn doona, oo uu ku jiro amniga baddu, oo la saxeexay Febraayo 2024. Turkiga iyo Soomaaliya heshiiskan muddo ayay ka shaqaynayeen, laakiin dhacdooyinka dhawaan gobolka hadheeyay ayaa shaki-la’aan saameeyay waqtiga lagu dhawaaqay.

Is'afgaradkii dhex maray Somaliland iyo Itoobbiya bilawgii Jannaayo 2024 ayaa dhacdooyinkaa ka mid ah. Turkigu xidhiidh fiican buu la leeyahay Somaliland, laakiin midnimada iyo karaamada dhuleed ee Soomaaliya wuxuu u aqoonsan yahay qodob daruuri u ah xasilloonida dalka. Sidoo kale, dabaylaha siyaasadeed ee Geeska Afriki way is gedgeddiyayaan. Xiisado isa soo taraya oo ka dhex oogmay Itoobbiya iyo Soomaaliya ayaa horseedday isbahaysiyo cusub oo ay qayb ka yihiin dhinacyo mandiqadda ah iyo kuwo ka baxsaniba.

Waa muhiim in aan arrinta aad loo dhayalsan, haddana labo iskooxaysi ayaa dillaacay. Dhinac waxa ah Itoobbiya, Somaliland iyo Isutagga Imaaraadka Carabta. Dhanka kalana waxa ah Soomaaliya, Masar, Eretariya, iyo Sucuudiga.

Ugu horrayntii, Turkigu wuxuu isku taxallujiyay in uu dhinacyada is haya dhexdhexaadiyo si xiisadda loo yareeyo. Laakiin heshiiskan cusub ee uu Soomaaliya la galay wuxuu dhimayaa fursaddii u bannaanayd Turkiga. In kasta oo ay muuqato in xidhiidhka uu la leeyahay ra’iisalwasaaraha Itoobbiya, Abiy Axmed, aanay waxba iska beddelin, haddana cawaaqib taban ayaa ka dhalan karta gaar ahaan kolka la fiiriyo danaha dhaqaale ee badan ee Turkigu ka leeyahay Itoobbiya.

 

Kaalinta Imaaraadka

Imaaraadku kaalin laxaad leh buu ka ciyaarayaa arrimaha Geeska Afrika. Turkiga iyo Soomaaliyana xidhiidh baa ka dhexeeya Imaaraadka. Intii u dhexaysay 2014 ilaa 2020, Turkiga si qadhaadh bay isugu dhaceenImaaraadka iyagoo isku maandhaafay aagga ballaadhan ee Badda Cas. Arrintan waxa dabada ka riixayya siyaabaha kala duwan ee labada waddan ay u arkayeen mustaqbalka mandiqaddan.

Xidhiidhkoodu se wuu hagaagayay laga soo bilaabo 2020. Dagaalkii gobolka Tigreega ee 2020-2022, Turkiga iyo Imaaraadkuba waxay is garab taageen xukuumadda Itoobbiya.

Hasayeeshee ummuuraha dhawaan ku soo cusboonaaday Geeska Afrika, sida isfahanka uu Imaaraadku badhitaaryao ee Itoobbiya iyo Somaliland, ayaa halis gelinaya in mar kale ay isku muruxsadaan Turkiga iyo Imaaraadku. Turkiguna ma hayo ka-go’naantii siyaasadeed ama awooddii maaddiga ahayd ee uu arrin noocan ah kula sii dabbaalan karo. Saddexdii sannadood ee u danbeeyay, Imaaraadku wuxuuba dhaqaalaha Turkigu ku taageerayay maalgelin toos ah, taas oo beddeshay dheellitirkii xidhiidhka.

Soomaaliyana xaaladdu waa ku sidaas oo kale. Kolka dhan ganacsi iyo dhan amniba laga fiirsho, Imaaraadku waa u muhiim Soomaaliya. Imaaraadku wuxuu gacanta ku hayaa labo dekadood oo Soomaaliyeed oo aad u mudan—Berbera iyo Boosaaso. Wuxuuna iminka ku socdaa in uu la wareego dekadda Kismaayo. Imaaraatiyiintuna waxay ka mid ahaayeen cidihii hiilka u ahaa ololihii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Kolkaa khatar uu u badheedhayo ayay madaxweynaha Soomaaliya ku noqonaysaa haddii uu xidhiidhka u jaro Abu Dabi.

 

Maxaa Xigaya? 

Weli hubanti-la’aan badan ayaa ku gedaaman sida ay u dhaqangeli doonaan is’afgaradka Itoobbiya iyo Somaliland iyo heshiiska iskaashiga difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya. Waxa se cad in Imaaraadka iyo Turkiguba ay gobolka si muuqata oo laxaad leh saamays ugu yeelanayaan. Iyo in waayaha Afrika ee u dhexeeya dalalka, iyo ka dal kasta dhexdiisa ka jiraba, ay isku lammaan yihiin oo ay si dhow u saameeyaan hadba dhanka ay u jeestaan dabaylaha heer gobol iyo heer caalamba ka dhabanayaa.