Skip to main content

Thursday 17 October 2024

Aragti

Somaliland: Dal ay ka Go’antahay in uu Dalalka Dunida kusoo Biiro

10 October, 2024
Image
18 may
Sawirka: Xuskii 27-aad ee 18 Meey, Hargeysa, Somaliland. Xuquuqda: (MUSTAFA SAEED/AFP via Getty Images
Share

Maalinta qaranku waxa ay Somaliland uga dhigantahay farxad iyo xasuuso dagaal oo is huwan. 18-ka May, madaxweynaha iyo masuuliyiin kale ayaa daawada dhoollatus waddadada dheer lagu soo bandhigo. Guutooyin ciidamo ah, dad ciyaaro kala duwan soo bandhigaya iyo libaax dhabarka loogu duubay calanka Somaliland ayaa waddada maraya. Ciidamada kala duwan ayaa is daba socda; millatari, ciidanka xeebaha, booliska iyo dabdemiska. Waxa ka daba yimi hubka noocyadiisa kala duwan; gawaadhi gaashaaman, tigniko iyo hub badan oo soo jiidasho ugu filan qofka daawanaya. 

Arrimahan ka sokow, Somaliland waa dal gudaha laga aqoonsanyahay uun, dunida kalena aan aqoonsi ka helin. Tan iyo 1991-kii ayaa ay Somaliland maamulkeeda u madaxbannaanayd, kolkaas oo ay ka goosatay Soomaaliya dagaal ba’an ka dib. Waxa ay waxqabad la taaban karo ka samaysay dimuqraadiyadda iyo nabadgalyada marka la barbardhigo dalka intiisa kale ee ay ka goosatay. Muddadaas ay jirtay, inta badan bulshada Somaliland ee 6-da malyan ah waxa ay heleen nabad iyo nolol ay samaysteen. Somaliland waxa ay leedahay xukuumad, doorashooyin, ciidan, garsoor, lacag iyo dal-ku-galba. Balse marka maabka lagu sawiro, waa haddiiba lagu sawiro e, keliya waxa la muujiyaa xuduud aan rasmi ahayn oo ku meelgaadh ah. 

Magaalooyinka Landhan iyo Washintoon waxa jira xildhibaanno u ololeeya madaxbannaanida Somaliland. Hase ahaatee, dalalka reer Galbeedku waxa ay lacag badan ku bixiyaaan mashruuca dawlad-dhiska Soomaaliya oo aan cagihiisa weli ku istaagin. Tan macnaheedu waa in aanay rabin in ay aqoonsadaan Somaliland ka hor inta aanay dalalka kale ee Afriki aqoonsan. Dalalka Afrika oo qudhoodu la daalaadhacayaa goonni-goosad badan ayaan iyaguna ka cagajiidaya aqoonsigan. 

Bishii Jeenawari ee sannadkan, madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu isafgarad la saxeexday Raysalwasaaraha Itoobbiya Abiy Axmed. “Itoobbiya waxa ay u baahantahay in ay bad hesho, annaguna waxa aannu u baahannahay aqoonsi” ayaa uu igu yidhi Muuse Biixi oo aan kula kulmay madaxtooyadiisa. Madaxweynaha oo ku fadhiya kursi cad oo uu barbar sudhanyahay calanka Somaliland, habdhaqankiisa ad’adagi waxa uu muujinayaa tababarkiisii ciidanka cirka. Isaga oo heshiiska ka hadlaya waxa uu sheegay, in Itoobbiya kiraysan doonto dhul dhinac walba 20 kiiloomitir u ah oo xeebta ku dhereran, saldhig ciidanna ka dhisan doonto, Somaliland-na ku beddelan doonto aqoonsi. “Waxa aannu rabnaa in aannu noqonno dadka go’aan ka gaadhi kara dhulkooda” ayaa uu ii raaciyey hadalka. 

Inta badan bulshada Somaliland waa ay taageersantahay go’aanka Muuse Biixi, iyaga oo aaminsan in aqoonsigu keeni doono maalgashi, kaalmo iyo qarannimo. Hase ahaatee, badh badan ayaa ka werwersan faahfaahinta heshiiska aan weli la shaacin. Dad badan ayaa ka cabsi qaba in Itoobbiya aanay ka tanaasulin higsigeedii dhulballaadhsiga. Waxa jiray dibadbaxyo ka dhacay gobolka Awdal, oo ah halka la qorsheeyey in Itoobbiya saldhiga ka samaysato. Sababtan awgeed, Wasiirkii Difaaca ayaa isu casilay, isaga oo Itoobbiya ku magacaabay cadaw. 

Lama hubo in heshiiskani fuli doono. Turkigu waxa uu dhexdhexaadinayaa Itoobbiya iyo Soomaaliya, oo heshiiskan u aragta in uu wax u gaysanayo madaxbannaanideeda. Balse, Muuse Biixi waa uu ku adkaysanayaa fulinta heshiiskan, isaga oo olole adag ugu jira in mar kale la doorto doorashooyinka bisha Nofember dhici doona. Aqoonsigu, waxa uu sare u qaadayaa sumcaddiisa oo dhulka gashay sannadkii u dambeeyey, ka dib markii dagaal uu Laascaanood ku galay, ciidamada Somaliland laga soo saaray halkaas, ka dibna bulshada gobolka Sool ku dhawaaqday in ay midnimada Soomaaliya taageersanyihiin. Waxa uu noqday jab goljilic u noqday siyaasiyiin badan, caqabadna ku noqday jiritaanka Somaliland. 

Calamada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay wadaagaan xiddigta shanta gees leh, waxaana ay u taagantahay shantii qaybood ee dadka Soomaaliyeed ee awoodihii gumaysigu dhammaadkii qarnigii 19aad u qaybiyeen: Soomaalidii Talyaaniga, Soomaalidii Ingiriiska, Soomaalidii Faransiiska (oo hadda Jabuuti ah), Soomaalidii Ingiriiska ee Bariga Afrika (oo hadda Kiiniya qayb ka ah) iyo Soomaalida Itoobiya la hoos geeyey. 

Soomaalidu waxa ay wadaagaan af, dhaqanka reer guuraannimada iyo diinta Islaamka, haddana weligood hal maamul kuma ay midoobin. Arrimaha dhaqanka iyo bulshada waxa lagu qaabeeyaa hab abtirsi: waxa jira qabiillo waaweyn oo ay ka farcamaan beelo hoose oo ay ka sii farcamaan jufooyin. Hase ahaatee, markii halganka lagaga soo horjeeday gumaysiga, Soomaalidii waddaniyiinta ahaa ayaa bilaabay riyada in Soomaalida kala qaybsan la isugu keeno hal qaran, oo ah qaranka Soomaali eyn. 

Dadka oo riyadaas niyadda ku haya, shan maalmood ka dib markii Waqooyigu xorriyadda ka qaatay Ingiriiska, waxa ay la midoobeen Koonfurta oo markaas Talyaaniga ka xorowday. Waxa ay rejaynayeen in saddexda qaybood ee hadhayna kusoo biiri doonaan, balse Soomaali Weyn weligeed ma rumoobin. Isku day millatari oo Soomaaliya isku dayday 1977-kii in ay Itoobbiya ka soo ceshato qaybta Soomaalidu waxa uu kusoo dhammaaday jab soo gaadhay ciidankii Soomaaliya. Soomaaliyada cusub lafteedu waxa ay la daalaadhacaysay dhibaatooyin gudeed, ka dib sagaal sanno oo xukun madani ah, dawladda waxa afgambi ku qabsaday Siyaad Barre oo taliyaha ciidamada ahaa. Waxa uu ballanqaaday in uu dalka dhisi doono, hase ahaatee xukunkiisii gacanta kululaa ayaa dalka kala qaybiyey. Waxa uu mamnuucay xisbiyo siyaasadeed, waxaanu xidhxidhay cid kasta oo mucaaridda, sida dhallinyaro aqoonyahanno ahaa oo Hargeysa ka bilaabay iskaa wax u qabso ay adeegyada bulshada ku dayactirayeen. Beesha Isaaqa oo waqooyiga dalka degganayd ayaa uu nidaamku si gaar ah u bartilmaameedsaday. Siddeetanaadkii waxa ay dawladda la galeen dagaal, iyagoo sameeyey dhaqdhaqaaqii SNM. Amar uu bixiyey Jeeneraal Moorgan awgii, waxa ay ciidamadii Soomaaliya Waqooyiga ku dileen tobonnaan kun oo qof; waxa la duqeeyey guryahooda, waxaana lagu laayay waddooyinka, sidoo kalena, waxa dil-wadareed lagu xasuuqay dad badan, waana sababta warbaahintu ay Hargeysa ugu magacawday “Dresden-ta Afrika”. Mid ka mid ah duuliyayaashii ciidamada cirka ee magaalada duqaynayay oo u adkaysan waayay burburka la gaadhsiiyey magaalada ayaa diiday amarkii la bixiyey, kana baxsaday dalka, oo diyaaraddii ka dejiyey Jabuuti. 

Saado Cabdi Amarre oo da’da labaataneeyada ahayd markii dagaalku bilaabmay, waxa ay cuntada u karinaysay dagaalyahannada, mararka qaarna waxa ay qaadanaysay qoriga. Hase ahaatee, hubka ay adeegsan karaysay waxa uu ahaa gabayga. Dhaqanka Soomaaliga suugaanta waxa lagu cabbiri karaa siyaasadda, digniin, dhaliil iyo toosin dhiirrigelin  waa loo adeegsan karaa. Mar aan Saado kula kulmay xarun dhaqan oo Hargeysa ku taal, waxa ay ii akhriday gabay ay xilligaas tirisay. Waxa ay ka warramaysaa markii Hargeysa dhulka lala simay, waxaanay la dareen tahay dadkeeda dhibaatadu gaadhay.

1991-kii waxa dhacay nidaamkii Siyaad Barre, SNM-na waxa ay la wareegtay Waqooyiga, kolkaasna waxa bilaabmay dib u dhiska Hargeysadii la dumiyey. “Qof kastaa waxa uu dib u dhisayay gurigiisa, jabaqda kaliyeed maqli kartaana waxa ay ahayd dubbaha musbaarka lagu garaacayo” ayaa uu Boobe Yuusuf Ducaale oo SNM ka mid ahaa igu yidhi. Boobe waa taariikhyahan raadadka dhaqanka ururiya. Gurigiisa waxa uu ku hayaa kaydka suugaan ku duuban cajalado, mid ka mid ah gidaarrada gurigiisana waxa sudhan go’ uu ku seexan jiray intii uu halganka ku jiray, gidaar kalena waxa sudhan suun duug ah. 

SNM waxa ay u dagaallantay in ay Soomaaliya xorrayso, oo aanay goosan, ayaa uu Boobe ii sheegay. Hase ahaatee, markii la soo gaadhay 1991-kii dadku waxa ay muteen dhibaato ku filan. Jabhaddii iyo beelihii Waqooyiga degganaa waxa ay isugu yimaaddeen aayo ka tashi, dad badan oo tubnaa dibadda guriga wadatashigu ka socdayna waxa ay ku qaylinayeen “Muqdisho dambe ma rabno”. Waxa ay doonayeen in Koonfurta laga go’o, lana sameeyo dawlad madaxbannaan, oo ah dawladdii shanta maalmood jirtay xorriyaddii lixdankii ka dib. Boobe, waxa uu i tusay koobbi uu ka hayo warqaddii madaxbannaanida lagu caddeeyey. 

Dalkaas cusub ee la sameeyey waxa la isku dhafay dimuqraaddiyad iyo xeerka dhaqanka, oo ah sharci aan qornayn oo beelaha Soomaalidu ku dhaqanto. Sannadihii hore, waxa tartan loo galay maamulka hantida qaranka, sida dekedda, mararna waxa ka dhashay dagaal sokeeye, hase ahaatee, mar walba waxa kulmayay odayada dhaqanka oo xalinayay tabashooyinka jira. Sidaas ayaa ay bulshada Somaliland ku samaysatay dawlad, iyaga oo aan kaalmo ka helin cid kale. Hargeysi, maanta waa caasimadda Somaliland, sooyaalkeedii dagaalna waxa astaan u ah diyaarad Ruushku sameeyey oo ah nooca MiG-17, oo sabab u ahayd inta badan burburkii magaalada ka dhacay. Diyaaradda waxa laga taagay badhtamaha magaalada si ay xasuus u noqoto. Magaaladu beryahan dambe waxa ay ku caanbaxday Bandhiggeeda Caalamiga ah ee Buugaagta, oo sannad kasta kumanaan dad ahi yimaaddaan. Hudheellada iyo maqaaxiyaha badhtamaha magaalada ku yaalla inta waxa laga maalgeliyey lacagaha qurbojoogta, cidhifyada magaaladana waxa lagu dhaqaa geel caanihiisa magaalada loo liso, oo inta badan laga maalgeliyey lacagaha ay soo diraan qurbajoogtu. 

Qurbojoog badan ayaa dalka kusoo laabanaya. Maxamed Isaaq oo Kanada ka soo laabtay, waxa uu ii sheegay in uu deggenaan ku dareemayo Hargeysa, madaxbannaanina helay. Waxa uu ii sheegay in qurbaha dawladdu kaa faa’idaysanayso, oo cashuur badan kaa go’ayso, balse hadda uu geeliisa maalo, dhaqaalihiisuna kobcayo. Saaxiibkii Cali Xuseen, oo aabbihii badmareen ahaa, kuna dhashay Cardiff, waxa uu doonayay in uu aasaaso bangi, walaw aanay fududayn in bangi laga sameeyo dawlad aan la aqoonsanayn, bangiyo badanna ku khasbanyihiin in ay lacagta u wareejiyaan dibadda, sababtoo ah lama diri karo lacagta. 

Lacagaha lasoo diro iyo xoolaha ayaa dhaqaalaha lafdhabar u ah, balse labada midna lama hubo inta ay sii jiri karaan. Dad badan ayaa ka werwersan in jiilka cusub ee qurbaha ku dhashaa aanay sidii waalidkood xidhiidh ula lahaanayn dadka dalka jooga ee ay ka soo jeedaan. Dhinaca xoolaha, Xaliimo Fadal Jaamac oo aan kula kulmay iyada oo xoolo ku dhaqanaysa dhul u dhow xuduudda Itoobbiya, waxa ay ii sheegtay in roobku aanu ahayn sidii uu ahaan jiray. 

Maalgashadayaal badani kuma dhiirran karaan xaaladda sharci ee hubanti la’aanta ah ee ka dhalanaysa aqoonsi la’aanta, balse haddana maalgashi waa uu jiraa. Waxa aan bookhday Berbera oo ah magaalo sooyaal fog oo ilaa Giriiggii ah leh, lehna deked ilaa muddo fog ganacsigu ka socday. Dawladdu waxa ay suuqgaynaysaa marin-ganacsiyeed Itoobbiya gala, si ay usoo jiidato ganacsiga xawliga ah ee hadda mara Jabuuti. Dawladda Imaaraadka Carabta, oo tartanka gobolka Badda Cas qayb ka ah, ayaa higsigan garab siisay. Sida ay sheegtay shirkadda DP World oo Imaaraadka laga leeyahay, waxa ay maalgashi dhan 442 milyan oo dollar galisay dekedda Berbera iyo aag dhaqaale oo maalgashadayaashu uga faa’idaysan karaan cashuur dhaafka. 

Inta badan bulshada Somaliland waxa ay nabadgalyada ay dhiseen barbardhigaan xaaladda ba’an ee koonfurta ka jirta oo Islaamiyiin ka dagaallamaan, xeebahana budhcadbadeed joogto, qof kastaana jeclaysanayo in uu ka baxsado. Sheekada halganku muhiimad badan uma samayso dadka ku dhaqan bariga iyo galbeedka dalka, ee ka baxsan beesha Isaaq. Qaar ka mid ah ayaa dagaal la galay SNM xilligii dagaalka (mid ka mid ah ganacsatada Awdal ayaa ii sheegay in uu SNM u arko dambiilayaal). Sannadkii u dambeeyey Laascaanood dagaal ayaa ka dhacay, dadka deegaankaasina waxa ay doorteen ka mid noqoshada Soomaaliya. 

Waxa suurogal ah in Somaliland dadkaas hanan lahayd haddii ay nabadgalyada iyo maalgashigaba dhabayn lahayd. Taas beddelkeeda, Laascaanood waxa ka dhacay dilal dad badan oo mudan ah galaaftay, iyada oo aan la ogaan sababta dilalkaas, cidna la soo qaban. Dadka aan Laascaanood kula kulmay eedda dilalkaas waxa ay dusha ka saareen Somaliland, oo ah eed Somaliland iska fogayso. Waxa kale oo ay ka cawdeen saamiqaybsi la’aanta iyo in hantida oo dhammi Hargeysa ku ururtay, waana dhaliil gobollada kale oo dhammi la qabaan. 

Cadhadii u dambaysay waxa ay ka qaraxday wiil dhallinyaro ah oo siyaasi ah oo magaalada lagu dilay 2022-kii. Ciidamada Somaliland waxa ay rasaaseeyeen dadkii ka dibadbaxayay dilkaas. Febarwari 2023-kii, hoggaamiyayaasha dhaqanku waxa ay ku dhawaaqeen in aanay qayb ka ahayn barnaamishka Somaliland ee goonni-goosadka ah, waxaanay caddeeyeen in ay Soomaaliya ka tirsanyihiin, sidaas ayaanu dagaalku ku bilaabmay. Bilo badan ayaa ay Somaliland magaalada duqaynaysay, dagaalkuna waxa uu sababay in dad ka badan 150 kun barakacaan. Firdawsa Ibraahin Cali, oo ah kalkaaliso Landhan ka shaqaysa, waxa ay ii sheegtay in markii ay baraha bulshada ka aragtay sawirrada dagaalka, ay Laascaanood timi si ay cisbitaalka uga hawlgasho, dhaawacana u dawayso. “Marka aan imi magaaladu aad ayaa ay u burbursanayd” ayaa ay igu tidhi. 

Cisbitaalka laftiisu ma ahayn meel nabdoon. Mar aan booqday oo sannad ku dhowaad ka soo wareegay dagaalka iyo duqaynta, weli waxa ka sii muuqday dhibaatadii loo gaystay. Gidaarka qaybta dhalmada ee cisbitaalka waxa ku yaallay raadadkii duqaynta, gaadhiga gargaarka degdegga ahna waxa ku yaallay rasaastii ku dhacday. Rasaastu waxa ay dishay mid ka mid ah kalkaalisooyinkii dadka dhaawaca ah badbaadinayay. Gidaarka jaamacadda oo aan bookhdayna waxa ku dhegsanaa sawirka arday duqayntaas lagu dilay, kolkaasna waxa dib loo cusboonaysiiyey xafiiska maayarka oo duqaynta ku burburay. 

August 2023-kii, jabhaddii dagaallamaysay waxa ay dib u riixday ciidamada Somaliland, maxaabiis boqollaal ahna waa ay ka qabsatay. Maamulka la dhisay waxa loo bixiyey SSC –Khaatumo, oo tilmaamaya deegaannada ay rabaan in ay maamulaan, xukuumadda Muqdishana waxa ay si ku meelgaadh ah ugu aqoonsatay maamul madaxbannaan. 

Laascaanood waxa aan gaadhay xilli xagaa ah oo dabayl badani jirto, calanka SSC-Khaatumana dabayshu babbinayso, calan ciraw ah oo xiddig cad iyo faras ku sawiran yihiin. Farasku waxa uu metelayaa dhaqdhaqaaqii Daraawiishta oo ahaa dhaqdhaqaaq la diriray gumaysigii Ingiriiska bilawgii qarnigii 20-aad. Calanka cusub ayaa meel kasta ku dheggan dadkuna xidhanyihiin, suurogalna ma aha in aad calankii Somaliland meel ku aragtid. Subax ayaan ku kallahay dhufaysyadii ciidanka Somaliland oo hadda haawanaya, waana godad dhulka laga qoday oo dhismayaal laga dhisay, dhabarkana ku haya taag yar, waxaana ilaalinayay ciidamo SSC-Khaatumo ah. Taliyaha kooxda ayaan weydiiyey sababta uu u dagaallamay, waxaana uu ii sheegay in uu ka gilgishay duqayntii magaalada lagu waday iyo in uu dhulkiisa difaacayay. 

Ereyga ah “dhulkayagu” waa wax ay adagtahay in qof sidayda ahi si fudud ku fahmo. Qabiilku waa mid ka mid ah noocyada aqoonsiga ee Soomaalida dhexdooda, macnaha uu xambaarsanyahayna kaliya kuma eka abtirsi. Qabiilku waa wax isku xidha dadka beeshaas ee daafaha dunida kala jooga oo ay awgii isku xidhiidhiyaan. Tarjumaanka ayaa, si uu ii fahansiiyo, i tusay xubnaha qabiil ku midaysan WhatsApp-ka, dadkaas oo dunida kala jooga, balse sidaas iskaga warhaya. Waxa uu ii sheegay in qofku 20 fac abtirsan karo, taasina wax caadi ah ka tahay bulshada dhexdeeda. 

Waxa laga yaabaa in ay khalad tahay, balse dad badan ayaa ii sheegay in siyaasaddu beelo ku salaysantahay, runtiina khalad kale in saamaynta qabiilka la iska indho tiro. Habeenkii iigu dambeeyey Laascaanood waxa aan la kulmay Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah garaadka ugu sarreeya hoggaamiyayaasha dhaqanka. Waxa uu Ingiriisi iigu sheegay: “Marka aanay dawladi jirin, masuuliyaddayadu waa ay ballaadhataa, balse marka nidaam wanaagsan jiro, dawladda ayaa dhibaatooyinka xallisa, masuuliyaddayaduna waa ay soo koobantaa”. Waxa aannu ku sheekaysannay gurigiisa. Waxa uu Laascaanood kusoo noqday bishii koowaad ee 2022-kii, ka dib wax ku dhow toban sanno oo uu ka maqnaa. Dad badan ayaa ii sheegay in uu ka awood badanyahay hoggaamiyaha maamulka ee SSC-Khaatumo, oo ay soo doorteen guddi garaaddadu sameeyeen. 

“Waxa kaliya ee aannu dawlad ku dhisi karnaa waa Xeerka iyo beelaha” ayaa uu yidhi isaga oo tusbax gacanta ku haysta garaadku. Haddana, isaga oo muujinaya kalsooni darrada ka dhex dhalan karta beelaha ayaa uu yidhi: “Dheefta Somaliland waxa yeeshay beesha Isaaq, waxa iyaga faa’idada u ahina waa wax aniga aan waxtar ii yeelan karin”. Hadda, ciidamada Somaliland waxa ay fadhiyaan meel 100 kiiloomitir Laascaanood u jirta. Hoggaamiye ku Xigeenka SSC-Khaatumo ayaa ii sheegay in dadka SSC ay doorteen midnimada Soomaaliya, suurogalna aanay ahayn in ay mar kale ku laabtaan Somaliland. 

Markii aan madaxweyne Muuse Biixi la kulmay, waxa uu ii sheegay in jabhadda bariga qabsatay ay ahaayeen “dhaqdhaqaaq fawdo ah” oo ay ka mid yihiin xubno xidhiidh la leh Al-shabaab, oo ah koox jihaadiya oo ka jirta koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya. Eeddan cid kasta oo aan kula kulmay Laascaanood waa ay diidday, in kasta oo dadka qaar suurogal u arkaan in kooxda Al-shabaab ka faa’idaysan karto xaaladda taagan ee deegaanka. Muuse Biixi oo weydiimahayga ku baraarugsan ayaa sheegay in dagaalka dhacay yahay “marxalad dalalka dunida oo dhammi maraan”, waxaanu tusaale usoo qaatay Dagaalkii Sokeeye ee Maraykanka iyo deggenaan la’aanta Waqooyiga Ireland, waxaanu yidhi: “Sababtaas ayaa xukuumadaha loo dhisaa, arrimahaasna waa ay xallisaa”. 

Weydiinta dhabta ah ee halkan ku jirtaa waxa ay tahay, sidee xukuumadaha loo dhisaa iyada oo laga faa’idaysanayo sinnaanta bulshada ee soo jireenka ah? Boobe waxa ii igu yidhi: “Aqoonsigu nagama baxsana, ee gudahayaga ayaa uu yaallaa, annaga ayaanay tahay in aannu dhisno oo aannu kobcinno”. 

 

Qoraalka waxa laga soo turjumay wargeyska The Economist.