Thursday 21 November 2024
Soomaalidu waa bulsho aad ugu baraarrugsan awoodda ereyga, waxayna hore u yidhaahdeen, “Afku waxa uu la xoog yahay magliga xawda kaa jara”. Ereyga ol’ole/olole, qaamuuska Mansuur iyo Anariita waxa uu ugu jiraan sidan “Isku dubbarididda si dhakhso ah la isugu dubbarido hawl, arrin iwm.” Olole waa dedaal qorshaysan oo muddo xadidan lagu rabo in yool gaar ah lagu gaadho. Yoolkaasi waxa uu doono ayuu noqonayaa, sida, doorasho, dhir beeris, olole nadaafadeed, dagaal ama olole waxbarasho sida kii “Bar ama baro.”
Haddaba, si yoolkaas loogu dhiiriyo dadka waxaa la adeegsadaa tabaha lagula xidhiidho dadka dhammaantood, qoraal, maanso, heeso iyo qudbad ba. Fariimaha olaluhu waa nooc borobagaandada ka mid ah, borobagaandada oo ah hab fariin gudbin oo looga dan leeyahay in lagu beddelo fikirka iyo aaminaada dadka.
Suugaanta olaluhu waa mid isku dayda in ay dadka ku baraarrujiso in ay ku dhaqaaqaan hawl, waa mid dareenka bulshada lagu xodxoto, oo lagu dhaqaajiyo si ay wax uga dhiidhiyaan, ama u taageeraan oo isu garab taagaan. Suugaantii sooyaalka, maansayahanka oo ahaa afhayeenka beeshiisa, waxa uu ka maansooyin jiray, danta beeshiisa, waxaana uu isku dayi jiray in uu hadba wixii la qumman ku baraarrujiyo, oo uu sharafta beeshiisa ku ilaaliyo maansadiisa, isagoo sooyaalka iyo wanaaga beeshiisa buunbuunin jiray. Sida buugga “Suugaanta Nabadda iyo Colaadda” ku xusan maansadu waxay ahayd mid xidhiidh la leh ololaha hurinta colaada, iyo daminteedaba. Xilligii madaxbanaanida halganka loogu jiray, maansooyin iyo heeso ayaa lagu ololeeyay, iyadoo laga faa’ideysanayo idaacadihii waagaa soo shaacbaxay. Madaxbanaanidii ka dib, waxaa socday olole dadka lagaga dhaadhicinayo dawladnimada, iyo mabda’a Soomaali Weyn, iyadoo lagu baaqayo in Soomaalida gacanta shisheeye wali ku sii jira, halgankooda la taageero. Xilligii kacaanku waxa uu ahaa mid dib u qaabeeyay ololaha iyo borobagaandada guulwadaynta, waa xilligii ololayaasha u badan la qaaday, ee heesaha ololuhu toban jibaarmeen, ololayaasha waagaa waxaa ka mid ahaa “iskaa wax u qabso” “bar ama baro” iyo kuwo kaloo badan.
Heesaha ololaha waxaa laga sameeyaa qaybaha heesaha oo dhan, hadday tahay, hees hawleed, hees ciyaareed iyo badaha maansadee kaleba. Waxay se ka midaysan yihiin in ay shacabka ugu baaqayaan taageerida yool cayiman iyo ka soo horjeedsiga mid kale. Waxa kaloo ay ka siman yihiin, habdhacooda gaardiga, waxaa la rabaa in la laab kiciyo dadka oo dhaqaaq la galiyo taas baa ka dhigaysa miyuusigooda mid diirran, luuqdoodana mid jiib leh.
Heesaha ololaha doorashooyinku waa mid caam ka ah dalalka ay doorashadu ka dhacdo oo idil, taas oo xisbiyadu ku soo gudbiyaan ajendayaasha xisbigooda iyo waxa uu kaga mudan yahay musharaxoodu kuwa kale ee la tartamaya, taas oo isu muujisa in ay sheegaan wanaaga musharaxooda, oo lagu duro musharaxa dhinacyada kale. In kastoo ayna natiijada doorashada saamayn la caddeeyay ku lahayn, haddana ma aha mid saamaynteeda la dhayalsan karo. Doorashada madaxtooyada ee Soomaalilaan ku soo aadan bisha soo socota, waxay noqotay mid ay ku ladhan yihiin heeso olole oo lagu tilmaami karo kuwii ugu kululaa taariikhda doorashooyinka Soomaalilaan. Maqaalkan gudihiisa waxaan isbarbardhig ku samayn doonaa farqiga u dhexeey heesaha olalihii 2017 iyo kuwa haatan 2024, oo wali si joogto ah isaga soo dabadhacaya.
Doorashadii 2017-kii xurgufta xisbiyadu way ka sahlanayd tan maanta ka dhex taagan, xaaladda siyaasadduna way ka deganayd. Xisbi walbaa ajendahooda, iyo mudnaanta musharaxooda ayaa uu xoogga saarayay, iyagoo naqdin ka debecsan tan maanta u jeedinayay musharaxiinta iyo xisbiyada ka soo horjeeda. Heesaha waxaa lagu muujinayaa sarbeebo sheegaya astaan iyo halkudhega xisbiga, sifooyinka musharaxooda ee wanaagsan, kuwa xun ee musharaxiinta kale iyo qorshayaasha xisbiga. Haddaba heesaha waxaan ka soo xuli doonaa qodobbadan kore sida loogu xusay.
Xisbiga Kulmiye, astaan xisbiga: “Guddoonsha haybada leh, waa kaa bari iyo galbeed, shacbigu garab joogsadeen, giddiba gacmaha is qabsadeen.” Musharaxooda waxay ku tilmaamayeen, markasta iyagoo tilmaamaya in musharaxa la tartamayaa cagsiga yahay, “Geesi qaran” halka musharaxiinta kale lagu tilmaamay kuwo aan dalka u soo halgamin, “Run sheegnimo”, “go’aan qumman oo adag leh” halka kuwa kale lagu sheegay, “Guddoon jilicsanoo, gedadoomoo lagu soo gabado”, waxay ku tilmaameen “Caddo” halka musharaxa ka soo horjeedana ay ku tilmaameen “gudcur”. Waxa musharax walba sidoo kale lagu ammaanaya sooyaalkiisa waxa uu galay, Muuse doorashada waxa lagu amaanayay, “Tiir dhexaadkii ciiddan tababaray, Siilaanyana talo togan kala hadhay, ee wax kuu taree marna kaa tegin…” iyadoo ay ku qarsoon tahay in musharaxiinta kale qaxeen oo qurbajoog noqdeen, sidoo kale waxay tilmaameen hawlaha xisbigooda oo markaa xilka hayay u qabsoomay iyo waxa danbe ee ay qaban doonaan, berigaa halkudhega caan baxay waxa uu ahaa “Qabyo ninkeedaa dhammaystira”
Waddani 2017; doorashadan oo xisbigan u ahayd doorashadiisii u horraysay waxaa lagu tilmaamayay wanaag hadda soo baxay, tilmaamaha la adeegsanayay waxaa ka mid ahaa “waa’ beryaya, waasan, wabi guul burqaday, waqal da’ay, iyo Nuur soo widhwidhaya”. Musharaxoodana waxay ku tilmaamayeen; “Waxgarad cilmi leh oo waqtigu la socdo”, “hoggaan waafi ah oo warkiisu cadyahay”, “walaaleeye”, “sammawadde”, “halyey degan”, “dublamaasi” iyo “talowadaag daacad ah”. Halka musharaxiinta ka soo horjeeday siiba musharaxa Kulmiye lagu tilmaamay, “keligii doobyaha, talada ka duda”, waxaa xusid muddan in tilmaan kasta oo wanaagsan oo xisbi walba ku sheego musharaxiisa, laga dhadhansan karo in ay cagsigeeda ku tilmaamayaan musharaxiinta xisbiyada kale.
Ucid 2017; xisbiga Ucid waa xisbiga u da’ weyn xisbiyada qaranka. Kolkaad heesaha ololaha dib u raacdo waxaa kuu soo baxaysa in kuwii 2017 iyo kuwa haatan ba in xisbiga Ucid yahay mid aan xisbiyada kale ku durin heesaha ololaha, isaguna ka gaabsada duriinka xisbiyada kale oo wanaaga musharaxiisa iyo xisbiga isku kooba. Taas oo ku tusinaysa bisaylnimo iyo sidaanay xisbiyada kale ugu arag loollan xooggan oo taageerada in laga rito ay tahay, ee ay iyagu isugu mashquulaan, isaguna uu yahay giraan saddexaad (third wheel).
Xibiga Ucid, oo halkudhegiisu yahay “xisbiga caddaalada iyo daryeelka” waxay musharaxooda ku tilmaameen; “Aqoonyahan”, “diinta iyo dalka jecel” “daryeele caddaaliya”, “qabyaalad iyo dibindaabyo aan aqoon”, “ducaysane”.
Xisbigan oo ka mid ah xisbiyadii ku soo baxay doorashadii lagu hirgaliyay nidaamka xisbiyada badan, waa mid tan iyo markaa jiray, balse, aan marna ku guulaysan doorashooyinka madaxtooyada. Yoolka guushu waa mid heesaha ololaha xisbiga aad uga muuqda, tusaale; “waa faynalkiiye, wuu foosayaaye, Faysal raaca”, “insha allaahu tacaalaa, Ucid weeye doorkani”. Sannadkanna waxay yidhaahdeen, “doorkan Ucid baa, doorashada iska leh.”
Doorashadani waxay ku soo beegmaysaa xilli xaaladda siyaasadeed ee Soomaalilaan iyo ta guud ee gobolka Geeska Afrikiba aad u qasan tahay. Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo doorashadii 2017 xisbiga Waddani natiijadeedii aanu ku qancin, oo ay qaadaceen, se kolkii danbe go’aan ku gaadheen in ay “dalka u tanaasulaan”, waxay ku soo beegmaysaa xilli muran siyaasi ah oo daarran qaabka doorashooyinka loo galayo ee loo kala hormaynayo iyo muddo korodhsiga Kulmiye ee sharci darrada ah laga soo baxay. Waxay ku soo beegmaysaa xilli Laascaanood faraha Soomaalilaan ka baxday, waxay ku soo beegmaysaa xilli walaac laga muujinayo xaaladda gobolada qaar. Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay Itoobbiya iyo Soomaalilaan heshiis muran badan dhaliyay oo labadoodaba go’doomiyay ay galeen. Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dalka kala qaybsanaan baahsani ka jirto, heesaha olalahanina taas ayay muujinayaan. Waxaa la isku jeedinayaa eedo iyo dhaleecayno culus.
Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu xilka ku yimid doorasho xalaalnimadeeda weydiin la galiyay, oo dalka kala qaybisay. Tan iyo markaa maansooyinka eeda ah way socdeen, oo silsilado xukuumada Kulmiye lagu dhaleecaynayo ayaa taxnaa, sida “Liinta xoorka”. Taas oo ku taxnayd gadood ka kacay “kelitalisnimada”, xadhiga sharci darrada ah iyo musuqmaasuqa xukuumada Kulmiye lagu eedeeyay, ee dadka qaar soo xasuusisay taliskii Siyaad Barre. Taas oo aad odhan kartaba waxay kaalinta labaad ka galaysaa, xukuumadaha dhulka Soomaalida soo maray ee dhaliya dood maanseed siyaasi ahay, oo waxay ka horraysa uun xukuumadii Maxamed Siyaad Barre.
Doorashooyinkii hore in kastoo ayna dacaayada heesaha la isku marinayaa u xoogganayn sida kuwa sannadkan, haddana, waa lays hees-xayiri jiray, oo heesaha ololaha ee xisbiyada oo la beddelay ayaad suuqa ku maqlaysay, waxa tusaale ah; hees ka mid ah heesaha Ucid oo sidan loo beddelay, “Waa Faysaloo, waa Faaruqoo, waa Fillin kartoon”. Haddaba, aynu u gudubno heesaha ololaha ee sannadkan.
Ucid; in kastoon xisbiga Ucid soosaarin heeso badan oo uu ku naqdinayo xisbiyada kale, haddana, waxaad odhan kartaa waxa uu taa kaga maarmay aftahanimada musharaxa xisbiga, kaas oo qudbado heesaha qaar ka dhaliil culus u mariya xisbiyada la tartamaya telefeeshanada. Waxa tusaale ah qudbad uu ka jeediyay gobolka Saaxil, isagoo ku tilmaamay, labada xisbi ee la tartarmay in ay yihiin Kulmiye kala jabay, oo waxa uu yidhi, “Waddani marka laga reebo Cirro, waxa kale oo dhan waa Kulmiye, Muuse albaabka ka xidhay.” Waxa kale oo uu ku eedeeyay in labada dhinacba min toddoba sanno dalka xukumayeen oo ayna waxba u qaban, “xukuumadda Muusena waad aragtaan, inagoo xadkeenii ag marayna, waa kaa Oog inna keenay.” Waxa kale oo uu ku eedeeyay xisbiga Waddani in cadawga Soomaalilaan maalgaliyo, wuxuu intaa ku daray, in xisbiga Waddani yahay “rogmashada Soomaalilaan, ee aanuu ahayn rejada Soomaalilaan.”
Waddani; xisbiga Waddani waxa uu isku sawiray in uu yahay “Rejada Shacabka”, waxa uu ku baaqay in uu midayn doono, dalka iyo shacabka la kala qaybiyay, ee kala yaalay tan iyo 2017-kii, in uu ka shaqayn doono difaacida qaranimada Soomaalilaan, iyagoo aad farta ugu fiiqay fashilka xukuumada Kulmiye. Musharaxooda waxay ku tilmaameen wanaagii ay hore u soo sheegnay, se waxay doorkan aad ugu tiiqtiiqsadeen fashilka xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi, waxay sheegeen, in Kulmiye “dalkan jiree xorta ah, xadkii dhabarka u ahaa” dayacay. In uu “shacabkii dulmiyay, haykalkii qaranimo dumiyay oo shacabkii isku duubnaa kala diray,” waxa kaloo ay ku tilmaameen, “ciilqabe”, “kelitaliye” waxay sheegeen in xukuumada Muuse loo dhiibay “Qaran saanad iyo xoog leh, oo sugan xuduudiisu” oo ay dayacday, kala dishay oo dumisay qarankii, weydiin ayay dabadeed ku soo xidhayaan oo leeyihiin, sideed wax yeeshay, “Sool bari xageed geysay?”
Kulmiye, isagoo tabaabusha ku jira oo aan wali ololihii furmin ayaa weerar heesaha ah lagu qarxiyay, Xiddigaha Geeska oo kii talaababa la xidhi jiray oo koox da’ yar ah laga horumariyay, sida ay sheegeen dad ka ag dhaw ololaha Kulmiye, ayaa weerarka bilawday, weerar sida musharax Cirro sheegay iyagu isu direen ee aan Waddani u dirsan. Kulmiye oo gadoodsan ayaa fanaaniintii ka ag dhaweyd oo dhan difaac iyo weerar celis galiyay. Waxaa lagu difaacay xukuumada Muuse Biixi, in uu yahay mujaahidkii dalka xorreeyay, dhallintii haybinta ku shaqo waayi jirtay u bilaabay “Shaqo Qaran” oo karti lagu xusho, doorasho xor ah kii qabtay, hantidii qarankee la biliqaysayn jiray qufulay, tan ugu yaab ka leh waa “koofiyad baclaha ka aan dhagaysan” taas oo ku tusinaysa xidhiidhka murugsan ee xukuumada kala dhexeeya oday dhaqameedka. Weerarka heesaha ah ee dhan walba ka baxaya inta uu Kulmiye ka yaabay ayuu yidhi, si kastoo loo heeso oo loo buuqo Muuse bixi maayo, waxa kaloo ay dhaheen, “Ama caacda hay, ama cay ku hees, ama soo ciyoo u cabbaad si darran” waxay ujeediiyeen sidoo kale eed culus, oo jabkii qaranka ee xukuumada dhakada u saarnaa ayay ku soo celiyee, “ama caawiyoo, cadaw soo horbood, ama sii cidkale, sirta ciidamada”, waxa kale oo ay ku eedeeyeen mucaaridka, “Soomaalilaan diid”.
Waxay kaga jawaabeen weydiintii ahayd, sideed wax yeeshay, “Sool bari xageed geysay?” Sool bari Muuse ma xumayne, “Sool bari garaadkeeda, ayaa seejay nabadii…” dabadeed, weydiintii kale ee ahayd, “Saxanow difaaca qaran waa sidee, ma sideetan iyo boqol xadkii dib u soo baxbaa?” waxa Kulmiye dib ugu celiyay weydiin kale, “Sabiyow, dhalaal lumay waa sidee? Ma sagaashan suug, Sool la la dhacoo, dhulka la la simaa?”
Heesaha ololuhu waa kuwo jabaq celiya xaaladda siyaasadeed ee doorashada lagu galayo, waxaana heesahani inoo caddeeyeen, in xaaladdu aad u cakiran tahay. Waxaa loo baahan yahay si aan xaaladdani u galaafan aahaya Soomaalilaan in la helo doorasho caddaali ah oo saxar tiran.
Lingaxa heesaha oo dhan halkan ka eeg.