Thursday 14 November 2024
Natiijada doorashadii Maraykanka aad ayaa looga soo dhaweeyey [Jamhuuriyadda] Soomaalilaan, iyada oo la rejaynayo in madaxweynaha la doortay il gaar ah ku eego qaddiyadda Somaliland. Hase ahaatee, dad badan oo siyaasadda u dhuundaloola ayaa ka digaya in rejadaas lagu hungoobo. Markii la shaaciyey guusha Donald Trump ka gaadhay doorashada Maraykanka, Soomaalilaan waxa ay noqotay dalkii koowaad ee Afrika ee Trump ugu hambalyeeya guushaas. “Xukuumada Jamhuuriyadda Soomaalilaan waxa ay si heersarraysa u bogaadinaysaa una hambalyaynaysaa guusha uu gaadhay Donald Trump oo loo doortay Madaxweynaha Maraykanka. Waxa aannu rejaynaynaa in la xoojiyo xidhiidhada istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaalilaan iyo Maraykanka” ayaa lagu sheegay bayaan soo baxay Arbacadii.
“Aynnu si wadajir ah uga shaqayno horumarinta bulshada iyo kor u qaadidda nabadgalyada, xasilloonida iyo badhaadhaha Geeska Afrika” ayaa uu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi oo farriintan si gaar ah usoo dhigay bartiisa X (Twitter-ka). Bulshada Soomaalilaan waxa ay codbixinta doorashada u dareeri doonaan 13-ka bishan Noofambar, xubnaha doorashadan ku tartamayaana farriimo gaar ah ayaa ay hawada u mariyeen Trump. “Bulshada Soomaalilaan waxa ay ku faraxsanyihiin siyaasadahaaga xooggan ee ku aaddan Soomaalilaan, waxaanay rejaynayaan xoojinta xidhiidhka Soomaalilaan iyo Maraykanka” ayaa uu yidhi Musharraxa Madaxweynannimo ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro.
Maxamuud Xaashi, Guddoomiyaha Ururka Kaah, ayaa isaguna ku tilmaamay doorashada Trump in ay “xoojinayso xidhiidhka Soomaalilaan iyo Maraykanka, dibna u sixi doonto siyaasadda [Maraykanka] ee Soomaaliya-mid-ah; siyaasaddan oo ka soo horjeedda danaha Maraykanka”.
5-tii Maaris 2022-kii, kumannaan bulshada Soomaalilaan ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Hargeysa, iyaga oo lulaya calamaan, soona dhawaynaya madaxweyne Muuse Biixi oo ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Maraykanka. Waxa uu gaadhay Washington si uu ula kulmo madax Maraykan ah oo uu ka rejaynayay in ay Soomaalilaan garab istaagi karaan, aqoonsigana la raadin karaan. Sida uu xusayo Suldaan I. Maxamed, oo falanqeeya siyaasadda gobolku, booqashadaasi waxa ay Soomaalilaan ka dhex abuurtay yididdiilo, dad badanna waxa ay naawileen in siyaasadda Maraykanku isbeddesho, una garaabto hanka Soomaalilaan ee madaxbannaanideeda. Khudbad kooban oo uu Muuse Biixi jeediyey booqashada ka dib, waxa uu safarkiisa ku tilmaamay mid guul leh, waxaanu sheegay in siyaasadda Maraykanku usoo jeeddo Soomaalilaan.
Muddo yar ka hor booqashada Muuse, Guddida Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare ee Maraykanka ayaa warqad u qoray Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Antony Blinken, uguna baaqay maamulka Baydhan kobcinta iyo xoojinta xidhiidhka Soomaalilaan lagana wada shaqeeyo diblumaasiyadda, dhaqaalaha iyo nabadgalyada. Guddidu waxa ay warqadda ku qoreen: “Goobta istiraatiijiga ah ee ay Soomaalilaan ku taallo ee Gacanka Cadan, dedaallada joogtada ah ee ay [Soomaalilaan] geliso dimuqraadiyadda, ka wada shaqaynta la dagaallanka argagixisada, budhcad badeedda iyo arrimaha kale ee nabadgalyo ee gobolka, xidhiidhka Soomaalilaan la leedahay Taywaan iyo fursadaha dhaqaale ee kobcayaa waxa ay Maraykanka u dammaanad qaadayaan in uu fursado cusub ka helo iskaashi uu Soomaalilaan la yeesho”.
Si kasta oo ay ahaataba, maamulkii Baydhan waxa uu ku adkaystay shaacinta siyaasadda ‘Soomaaliya-mid-ah’, waxaanu codsiga Soomaalilaan ka doorbiday midnimada Soomaaliya iyo madaxbannaanideeda. Sida uu Suldaan I. Maxamed xusayo, “mawqifka adag ee uu [Maraykanku ka taagan yahay midnimada Soomaaliya] waxa uu walaac ku abuuray siyaasiyiinta Somaliland oo ugu yaraan filayay in qaddiyaddooda la dhegaysto”. “Mawqifka [Maraykanka] waxa sii adkaynaysa Ilhan Cumar oo Koongarayska Maraykanka ka tirsan, una ololaysa xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya, go’doomisayna dad badan oo Soomaalilaan u dooda tan oo sababtay in aan qaddiyada Soomaalilaan laga fahmin Maraykanka gudihiisa,” ayaa uu u sheegay Suldaan I. Maxamed The African Report.
Baydhan oo muddoxileedkiisi dhammaaday, dadka Soomaalilaan u ololeeyaa waxa ay rejo ka qabaan maamulka Jamhuuriga ee uu Trump hoggaaminayo, waxaanay naawilayaan isbeddel ku yimaadda siyaasadda Maraykanka. Salmaan Caaro, oo falanqeeya siyaasadda Soomaalilaan waxa uu leeyahay: “Madaxweynannimada Trump, gaar ahaan xukuumadda oo xisbiga Jamhuurigu awood ku yeeshay, waxa ay fursad muhiim ah u tahay Soomaalilaan. Siyaasadda arrimaha dibadda ee Trump waxa ay xoojisaa hoos-u-dhigidda saamaynta Shiinuhu dunida ku leeyahay. Tani waxa ay dan u tahay Soomaalilaan sababtoo ah Shiinuhu waxa uu taageeraa sheegashada Soomaaliya ee Soomaalilaan”.
Caaro waxa uu sidoo kale The Africa Report u sheegay in mawqifka adag ee Trump ka taaganyahay argagixisadu kobcinayo muhiimadda Soomaalilaan ku fadhido. Waxa uu xusayaa in Soomaalilaan si ka duwan dalalka jaarka la ah ay haysato xasillooni, kana hortagto argagixisada. Arrimahani waxa ay Somaliland fursad u siinayaan iskaashi ay Maraykanka kala yeelato arrimaha Geeska Afrika. “Inta uu Trump xilka hayo, arrimahani waxa ay horseedi karaan iskaashi millatari iyo caawimaad dhinaca nabadgalyada, waxaanay kor u qaadi karaan wadashaqayn laga dhaxlo faa’ido istiraatiiji ah” ayaa uu ku daray hadalkiisa Salmaan Caaro.
Tibor Nagy, oo hore uga shaqaynayay Waaxda Arrimaha Afrika, waxa uu tibaaxay in uu rejo weyn ka qabo siyaasadda maamulka Trump ee ku aaddan Afrika oo ay Soomaalilaan ku jirto. “Waxa aan rejaynayaa in aannu khudbadaha hadaltirada ah iska dhaafno, oo aannu toos ula falgalno danaha guud ee dhabta ah, Afrikaankana si dhab ah ugu danaynaya, gaar ahaan dhallinyarada. Sidoo kalena bogaadinno horumarka Soomaalilaan” ayaa uu Tibor Nagy ku qoray bartiisa X-ka.
Maxamed Ducaale, oo ah Weriye reer Soomaalilaan ah, taageersanna guusha Trump ayaa yidhi: “Syiaadda ‘Soomaaliya-mid-ah’ oo ay buunbuuniyeen dimuqraaddiyiinta Maraykanku, hadda gabbalkeedu waa uu dhacay, waana taariikh uun. Waa cusub ayaa u beryay saaxiibtinnimada Soomaalilaan iyo Maraykanka”.
Trump, waxa uu si toos ah u qeexayaa danaha Maraykanka ee Afrika, se waxa uu danahaas u meelmarinayaa si qallafsan, sida uu xusayo Kamaron Hudson oo ah khabiir ka tirsan Barnaamijka Afrika ee Xarunta Istiraatiiyadaha iyo Diraasadaha Caalamiga ah oo ku taalla Washington. “Soomaalilaan oo kale, marka koowaadba, aqoonsigeedu waxa uu Maraykanka u horseedayaa in uu ballaadho saamayntiisa istiraatiyadeed, hoosna loo dhigo ku tiirsanaanta Jabuuti ee Ciidamada Maraykan” ayaa uu Hudson yidhi. Waxa kale oo uu The Africa Report u sheegay in “laga yaabo in Trump aqoonsiga Soomaalilaan ku sababeeyo in uu kor u qaadayo dimuqraadiyadda gobolka, se waa xoojinta danaha dhabta ah ee Maraykanka”.
Sida uu Suldaan I. Maxamed ka digayo, waxa laga yaabaa in rejada laga qabo Trump ee ah in uu danayn gaar ah siiyo qaddiyadda Soomaalilaan aanay u dhicin sida la saadaalinayo. “Muddo-xileedkiisii hore, Trump waxa uu ku adkaystay siyaasadda Maraykanka ee ‘Soomaaliya-mid-ah’, mana uu casuumin madax ka socota Soomaalilaan. Inkasta oo uu ku baaqay in xidhiidh dhow la yeesho, haddana Trump waxa uu sii waday taageerada loo muujiyo madaxbannaanida Soomaaliya isaga oo maamulka Muqdisho u aqoonsanaa cidda ka arrimin karta danaha Soomaaliya” ayaa uu Suldaan I. Maxamed yidhi. “Intaas waxa dheer in Trump mawqif cad ka taagnaa arrimaha gobolka isaga oo u xagliyey Masar oo ka soo horjeedda Dhaamka Itoobbiya, waxaanu xidhiidh dhow la lahaa Madaxweynaha Masar, Cabdifataax al-Siisi.”
Gobolka Geeska Afrika oo maraya dib-u-qaabayn xidhiidhada danaha ah, Hudson waxa uu xusayaa in aqoonsiga Soomaalilaan oo lagu soo daro arrimaha taagani abuuri karo natiijo aan la filan karin oo wax ka beddesha danaha Maraykanka iyo Soomaalilaan “Dedaal kasta oo lagu horumarinayo hindisahan waa in loo maro diblumaasiyad ballaadhan oo ah wax xilligan u baahan dedaallo dejin ah oo aan u baahnayn kicin hor leh,” ayaa Hudson ku doodayaa.
Warbixintan waxa daabacday Africa Report, waxa turjumay Maxamuud Bulxan