Skip to main content

Monday 16 September 2024

Buug

Baraarugga Dhudi iyo Sirmaqabnimada Sucaad

4 September, 2024
Image
Dabinkii jiraalka
Share

Suugaantu waa hab fudud oo soo jiidasho leh oo lagu cabbiro dareennada iyo fikradaha culculus ee gunta laabaha ku loollamaya, sidoo kale waxaa lagu macneeyaa dabeecadda iyo maqanta si ay fahamkooda iyo farriimahooda u soo dhawaadaan. Sheekafaneedda oo dabcan ah tiraab suugaaneed ayaa iyaduna ah hab farshaxaneed la falkiyay oo si fudud loogu gudbinayo farriimo culus ama falsafado wada murugsan, sidoo kale waxaa sheekafaneedda lagu soo bandhigaa dhimaallada dhaqanka, dhacdooyin dhici kara ama dhacay, aqoon, sooyaal, ogaal, wacyigelin iyo waxyaabo kale.  

Qoraaga sheekadu waxa uu bandhigsuugaaneedkiisu u adeegsadaa jilayaal; iyaga ayaa uu abuuraa deedna dhacdooyin ayuu ka dhex sameeyaa, ka dibna dhacdooyinkaas ayuu si fudud ku dhexgudbiyaa ama ku furfuraa duruus, fikrado, farriimo iyo falsafado kala duwan, oo haddii kaligood sidooda loo soo gudbin lahaa uu qeexitaankooda iyo fahamkooda adkaan lahaa, balse, sheekafaneedda iyo jilayaashu ay fududaynayaan fahamkooda. 

Maxamed Xirsi waxa uu ka mid yahay sheeka iyo maqaal qorayaasha Soomaalida. Waxa uu leeyahay curisyo gaagaaban, maqaallo, iyo sheekooyin aan akhristuhu ku fahmi karin dulmar iyo mar-akhrin kali ah ee uu u baahan yahay ku celcelin akhris iyo ku dhexfekerkeeda. Waxsoosaarkiisa waxaa ka mida buugga loogu wanqalay magaca ah; Dabinkii Jiraalka. Buuggaasi waa sheekafaneed si fudud la innoogu dawaafinayo macnayaasha nolosha iyo macna la’aanteedaba. Waa sheeko ku billaabanaysa miis, kuna dhammaanaysa isla miiskii.

Waa sheeko uu qoraagu qaybaha bulshada ee ay Soomaalida ka kooban tahay inta uu jilayaal iyo shakhsiyado ka dhigo uu hal meel isugu keenayo. Walow ay jilayaasha sheekada buuggani ay dhawr iyo toban shakhsi gaarayaan haddana waxaa gundhig u ah oday iyo labo uu adeer u yahay. Waa Diiriye Maarkoos oo metelaya shakhsiyad mulxid ah oo ciillan, cuqdadaysan, caalwaasan oo caajisaysan, iyo gabadha uu adeerka u yahay ee Dhudi oo iyaduna metelaysa naag fallaagad ah, oo fadaro ah, fiministi ah oo faaraxyada neceb iyo wiilka uu isna adeerka u yahay ee Geeddi oo ah shakhsiyad wadaad ah oo wedka iyo waranka u hammuunqaba oo jihaad iyo jannadoon ah.

Diiriye waa Allakood, halka Geeddi uu yahay Alladoon, balse Dhudi ayaa dhextaal u ah oo iyadu waa Faarax-diid. Intuba waxaa ka weyn odaygii labadan dambe dhalay ee ay Diiriye isla dhasheen oo Caaqil loogu yeero oo isna metelaya shakhsiyad Hidderaac ah oo ku maamman dhaqanka iyo sidan bay ahaan jirtay. Shakhsi walba oo sheekadan ku jira aragtida uu metelayo waxa uu ku yahay xagjir aad u fog, waayo, garashada iyo qaamuuska Soomaalida kumaba jiro ereyga ‘dhexdhexaadnimo’. 

Siday u kala weyn yihiin shakhsiyadaha sheekada ayaa iyaduna u kala weyn aragtiyaha ay metelayaan kolka loo eego Soomaaliya. Tusaale ahaan, Caaqilka oo metelaya dhaqanyahan xagjir ah waxa ay diraysaa farriin ah in dhaqanku yahay aragtidii u horraysay muddana ku keliyaysatay masraxa aragtiyaha ee Soomaalida. Diiriye ayaa ku xiga oo metelaya aragtida Shuucinimada oo u muuqata inay tahay middii soo labaysay oo dalka soo caga dhigatay billowga toddobaatameeyadii. Waxaa ku xiga Geeddi oo metelaya aragtida wahaabiyada jihaadiiga ah iyo jannadoonimada oo iyaduna soo caga dhigatay bartamaha iyo dhammaadka siddeetameeyadii. Waxaa u dambaysay Dhudi iyo aragtideedii fiminiisamka ahaa oo iyaduna burburkii ka dib iyo xilligii dib u dhiska dawlad Soomaaliya soo caga dhigatay dalka.

Haddaba, aragtiyahaas oo qofof ah oo xigto iyo xigaal isu ah ayaa uu qoraagu ku soo bandhigayaa buugga Dabinkii Jiraalka. Waa sheeko iyo maqaallo isku jira. Waa xigto iyo xigaal ruuxdoodu tahay shisheeya aan abid kulmin. Waa Diiriye oo qaddarka iyo nolosha la garnaqsanaya, iyo Caaqilka oo dhaqanka iyo bulshada u kala garnaqaya iyo Dhudi oo ragga la garnaqsanaysa iyo Geeddi oo dhammaan qoorta ka wada jaraya. Waa sheeko xiiso leh oo falsafaddo, farriimo iyo duruus culculus xanbaarsan, balse, qoraagu uu ereyo fudfudud iyo farshaxan mug leh ku soo gudbinayo. 

Ma rabo badweynta buugga Dabinkii Jiraalka inaan dhexgalo oo aan ku hafto, balse, kaliya, waxaan diiradda saarayaa labo shakhsiyadood oo sheekada ku dhexjirta, waana Dhudi iyo Sucaad. Hagaag, halkeen haddaba wax ka billaabaa? Waxaan ka billaabayaa halka uu kulankoodii ka billowday.  

Waa burburkii ka dib iyo dhammaadka sagaashameeyadii. Dhudi oo sannooyin badan oo qurbajoognimo ah ka dib dalka ku soo laabatay iyo guriga habaryarteeda oo ay maalmo uun marti ku ahayd ayaa goor barqo dheer ah waxaa albaabka uga soo muuqanaya hummaag-qofeed oo ay aad ula yaabtay. Haweenkii guriga joogay ayaa ku soo dhaweeyay ‘Allaa waa Sucaad!’ iyo habsiin. Waxay u muuqatay qof iyada oo markii horeba jimidh iyo qolof yaraa ay waayuhu sii liseen, muuqeeda iyo maqaarkeeduna ay ka weyn yihiin da’deeduna ay u muuqato habar, dubkeeda oo aad moodo in dab lagu solay madowgiisa iyo qallafsanaantiisa ayaa waxa uu si darran ugu sii dhegan yahay lafaheeda. Dhar waxay ka xiran tahay baati uskag badan oo hoos ka soo faagmay iyo shalmad rifan oo ay ka hoos xiran tahay gambo madow oo shabaq ah oo ay timaha iyo madaxa ugu duuban yihiin. Markiiba Dhudi waa ay garatay ama loo sheegay; waa Sucaad oo ay ka weyn tahay afar gu’, waxaana dhalay abtigeed oo ay hooyadeed wada dhasheen. Waxay ugu timid booqasho, tabasho iyo inay uga kaalmayso waayaha sida maskii lugaha iyo luqunta isaga maray.

Dhudi iyo Sucaad si walba waa ay ku kala geddisan yihiin; muuqa, maanka, iyo meesha ay ku soo kala koreenba. Sucaad waxa ay ku dhallatay oo ku barbaartay kuna guursatay miyi, weliba miyiga ayaa kala ah ee waa miyi Soomaaliyeed! Halka Dhudi nolosheeda inta badan ay ku qaadatay magaalo, weliba magaalo ayaa kala ah ee waa magaalo Maraykaneed! Daqiiqaddii ay Sucaad soo galaysay waxay Dhudi u muuqatay ama u muuqan kartay; jidh shillis ah oo gacmo iyo cago cillaaman oo midab masciideed leh oo ku dhexjira dirac ballaadhan oo aad u widhwidhaya. Haddii ay Dhudi tahay qurbe iyo qabowjoog, Sucaad waxay noqonaysaa qarfo, qorrax iyo qaxarjoog. 

Wax kasta se waxaa isku fuuqsanaya kala geddisnaanta maankooda iyo wacyigooda. Dhudi, indhaha ay hadda dunida ku eegto waa fiministi iyo faarax-diidnimo. Waxay ka dhaxashay khiyaanada aabbaheed oo Caaqil ahaa iyo guurkii qasabka ee wadaadkii Abuu Xudayfa ahaa. Goor ay gashaantinimadeeda ku sii siqaysay oo ay istusaysay inay ku raaxaysato caalamkeeda dhallinyarnimo iyo nolosha qurbaha ayaa aabbaheed qalqaalnimadeeda ka dhex arkayaa diinteeda oo beddelantay, dhaqankeeda oo ay ka tagtay iyo sharafkii oo ay ku tumatay. Ka dibna si khiyaanno ku jirta ayuu Maraykanka uga wadayaa oo meel kale ayuu ka tuurayaa. Haweeney ay ehel yihiin oo ku saamawday waxa uu qoraaga ugu yeeray ‘wadaadowga cusub’ iyo nolol wada xirxiran ayay la daris noqonaysaa. Mac’had diinta lagu barto iyo guriga oo mac’hadkaba dhaamin ayay u dhexaynaysaa. 

Markiiba noloshan cusub ee wada xirxiran ayay ku diiqadoonaysaa oo xaalad nafsadeed, oo ay Soomaalida u taqaano ‘Jin’ ayaa soo foodsaaraysa. Sidii ay isaga joogto ayay miyirdaboolmaysaa. Aad baa loo garaacayaa oo barbaarro wada xooggan inta dhinacyada ka maraan ayay quraan iyo qoolba la dhacayaan si ay jinka uga saaraan. Wuxuu se arrinku sii cuslaanayaa marka si qasab ah loogu guuriyo wadaadkii mac’hadka dhigayay ee Abuu Xudayfa. Waxay sii galaysaa nolol kooban, aamusan, la siinayo amarro u culculus sida xijaabyadeeda. In ay sidaas tahay sida uu Alle doonayo ayaa loogu sheegayaa. Saddex carruur ah ayay sidaa ku dhalaysaa. Ka dibna naag kale ayuu ka daba keenayaa oo ay u noqonayso daaqad iyo faraj ay ku baxsato; ka dibna qorshe ay hooyadeed u dajisay ayay gurigii iyo magaaladiiba uga cararaysaa oo Maraykanka dib ugu laabanaysaa. 

Nolosha Maraykan ee furfuran iyo xorriyadda ay heshay oo ay u qaadatay sabeenxirka maqaadiirta ayay si walba u dhexgalaysaa oo ay ugu raaxaysanaysaa. Waxayna ku xiranaysaa haween u dooda xuquuqda haweenka. Gocashada guurkeeda iyo khiyaannadii aabbaheeda iyo sida uusan dhaqankii ugu garaabin, balse iyada eedda saaray, waxay ku noqonaysaa ladh laabta si qaabdaran u kambadhuudha, waxayna ku soo baxaysaa fiministi xagjirad ah. Waxay billaabaysaa qaybo ka mid ah daraagiska oo suuxdin ogaaleed iyo tijaabin xorriyadeed uga dhignayd. Waxay marfishyada lagu qayilo, miisaska siyaasadda, iyo meelaha la isugu yimaado ka sheegaysaa in dhibaatooyinka dunida ka jira iyo kuwa sida gaarka ah dalkii uga jiraba inay rag keeneen. Xagjirnimadeeda waxay gaadhaysaa inay ragga u aragto qodax qalbiga caalamka uga taagan oo ay tahay in laga siibo.

Si kasta oo ay Dhudi colaad daran ugu qaaday ragga, haddana dareenkii hooyanimo ma aysan luminin, waana sababta ay dalka u timid. Saddexda ilmood ee ay dhashay labo ayaa wiil ah oo waagii ay baxsatay dalka uga tagtay. Barqadii ay Sucaad guriga soo booqatay iyo cid kasta oo kale oo gurigaa ku sugnayd waxaa u muuqday kaliya quruxda, qabka iyo dhaldhalaalka Dhudi, balse ladhka iyo ciilka iyo cuqdadda gunta laabta u fadhiya ma aysan dareemi karin.

Dhanka kale, Sucaad, ka dib markii ay isbariidiyeen Dhudi oo ku eegaysa il naxdin iyo naxariiseed, waxa ay gashay inay uga sheekayso waayaheeda nololeed. Daqiiqad walba oo ay Sucaad daaha ka qaado waayaheeda waxa ay Dhudi dareemaysay qulub iyo caloolrogmad. Sucaad waxay sheegtay kana muuqatay inay reer miyi tahay oo ay ku dhalatay kuna barbaartay halkaa. Iyada oo yar in lagu daray nin soddon gu’ ka weyn oo xoolo la dhaafsaday ayay sheegtay. Misko aad isdhihi haddii ayba ku socoto ayay nasiib leedahay ayaa waxaa soo maray shan iyo toban cunug. Mid walba sadkiisa iyo saxariirkiisa iyo suquuqulkii caafimaad ee miyiga ka jiray inay wada martay ayay ka qisootay. Muuqeeda dilan ee diifaysan waxaa laga fahmi karay inay soo martay xaalado daran se miyiga caadi ka ah sida; colaado, abaaro iyo dhacdooyin kale oo wada anfariir ah. In saygeeda oo haddii uu isgarab qotomiyo la moodo awoowgeed uu sabool hadda yahay oo xoolihii badi ka dhammaadeen ayay sidoo kale sheegtay. 

Dhudi waxay aad ula dhekafaartay waayaha nololeed ee Sucaad ee aan la sawiran karin haddana ay iyadu si caadi ah uga warramayso. Waa qof u eg bukaan haddana firfircoon. Biyaha iyo cunnada dirqi baa lagu helaa haddana waa caadi. Dhar dhaxanta ka dhawra lama haysto haddana waa caadi. Duruufta hadda ka muuqata Sucaad iyo waayaha miyiga ee qallafsan uma damqinayaan sida ay uga warramayso, waayo, iyadu waa ay la nooshahay. Sidaa oo ay tahay haddana waa qof qanacsan oo aan tabasho u qabin Ragga iyo Rabbiba. Sucaad sahal kuma fahmi karto fiministinimada Dhudi ee Rag-diidka ku dhisan ama falsafadda Diiriye ee allakoodnimada ku dhisan. 

Fyodor Dostoevsky oo ahaa sheekaqore Raashiyaan ah ayaa laga hayay hadal nuxurkiisu ahaa; “Ugu horrayn waa ay ooyeen, deedna waa ay la qabsadeen!” Sucaad waa ay ooyday, ka dibna waa ay la qabsatay. Balse Dhudi si ka duwan Sucaad, waa ay oyday, kadibna waa ay wayraxday oo wax kasta ganafka iyo geeska ku dhufatay.

Farqiga u dhexeeya wayraxa iyo laqabsiga waa ogaalka iyo barraaruga ama ogaal la’aanta iyo barraarug li’ida. Tusaale, Dhudi billowgii hore waxa ay nolosheeda ku qaadatay Maraykan iyo nolol furfuran oo xorriyad la ciirciiraysa; ka dibna qaddarka iyo odaygii dhallay waxay ka ridayaan dalkii iyo nolol si kasta cagsi ugu ah tii ay horay ugu noolayd. Waxaa markan u billowday waayo adag oo ay oohin iyo aamusnaan iyo miyirbeelid miciinbiday. Sababta gadoodkeeda iyo qanaacadarradeeda waxaa gundhig u ahaa ogaalkeeda ku daabacan nolol ka geddisan midkan jujuubka iyo xirxirnaanta ah ee ay ku jirto. 

Sucaad marka horeba ogaalkeeda kuma daabacnayn nolol ka geddisan ta miyiga ee ay ku dhalatay, cid barraarujisana ma aysan helin. Sidaa awgeed ayay u qaaday dawga laqabsiga. Waxyaabo badan oo ay Dhudi ka dooddo, sida xuquuqda dumarka iyo sinnaanta jinsiga iyo adeegyada kale ee gundhiga u ah nolosha ma aha wax ay si sahlan Sucaad ku fahmi karto, ama maba ah wax ka maqan. Waxa uu qoraagu halkan ku sheegayaa hadal nuxurkiisu yahay; sideedaba waxa aanu qofka ogayn jiritaankiisu ma aha wax uu u baahan yahay ama isaga u jira. Waxaa halkan laga fahmayaa in xaalka murugsan ee qaxarka ah ee ay Sucaad ku sugan tahay uu sababay ogaal la’aan. Dhanka kale xaalka Dhudi ee ladhka iyo ciilka iyo hiifitaanka iyo qeexitaanka sharaf iyo sumcad ee bulshada ay bannaanka ka tahay ee ay iyadane ku sugan tahayna waxaa sabab u ah ogaalkeeda. 

Haddaba farriin kale oo qadhaadh ayaa halkan ka soo baxaysa; waana in ogaalka iyo ogaal la’aantuba ay cadaab yihiin. Waxaa se kala duwan cid kasta waxa ay cadaabtaas kula tacaashay. Dhudi waxa ay cadaabta ogaalkeeda ku la tacaashay waraxnimo iyo arrimo ay ugu weyn yihiin daraagiska. Halka Sucaad cadaabta ogaal la’aanteeda ku la tacaashay iyada oo aan ogayn la qabsi iyo qanaaco. Wuxuu halkan oo kale uu qoraaga tilmaamayaa ayaan iyo nasiib badnida moogganaanta silaca kugu meegaaran, marba haddaadan waxba ka qaban karin. Wuxuu se raacinayaa nasiibxumada iyo ayaandarnaanta iyada oo ay fududahay dhabbihii aad kaga bixi lahayd silicaas se aadan ku barraarugsanayn. 

Marka la eego hadalka qoraaga ee ah nimcada barraarugsanaan la’aanta balaayada kugu hareeraysan ee aadan waxba ka qaban karin waxaa soo baxaysa in Sucaad bandar iyo goob ammaan ah ku sugan tahay! Dhanka kale, Dhudi waa ay ku barraarugtay balaayada ku hareeraysan, balse, balaayo kale ayay sii taransatay. Waa sida adiga oo kayn masas ah goor gudcur dam ah dhex seexday oo aadan haysan toosh; waxaa xaqiiq ah inaad habeenkaa seexanayso hurdo raaxo leh, waayo, khatarta aadan ogayn khatar ma aha ama ugu yaraan adiga oo ogayn ayay wax kugu dhacayaan. Dhanka kale, isla kayntii adiga oo jooga haddaad toosh hesho oo aad ogaato waxa masas ee kugu hareeraysan; hurdo habeenkaa waad isdayseen, waxayna u muuqataa inaadan xallin karin ama waxaa suure ah ororodkaaga inaad masaska isku kiciso deedna ku dhibaateeyaan.

Akhriste ma waxay kuugu muuqatay inaan dhiirigelinayo ogaal la’aanta. Ugu yaraan, qofka barraarugayo ee is leh ka baxso cadaabta ogaal yarida ayaan leeyahay; ogaalka caano kaagama horreeyaan ee qorshaha ku darso. Nin baa laga hayay; sababta aan dadka ugu kalsoonaanwaayay waa qolo aanan garanayn waxa ay yihiin iyo qolo aan garanayo waxa ay yihiin. 

Marka laga tago ogaalka iyo ogaal la’aanta laga akhrisan karo sheekada Dhudi iyo Sucaad, waxa uu sidoo kale qoraagu tilmaamayaa qaddarka iyo qaabka ay dunida ku kala imaadeen. Maadaama uu qoraagu isla buugga innoogu sheegayo in qaddarku yahay halxiraale aan la fahmi karin, sidoo kalena Ibraahim Hawd waxa uu buuggiisa Aanadii Negeeye ku sheegay; ciddii cilmi iyo faham ka raadisaa qaddarka ay ka la soo laabanayso jahli iyo jahwareer intii hore ka darran, iskuma hawlayno iskumana taataabanayno ee halkiisa ayaan uga haraynaa. Waxaa se halkaa laga fahmi karaa in mas’alada maqaadiirta iyo maqanta ay yihiin mawduucyo loogu tala galay in lagu qabjabiyo maanka insaanka ee isbidaya ogaalka, sida doogta dhabarka kaga taalla Daa’uuska u danqato looguna qabjabiyo goorta uu isbido in baalashiisa shaamareerka leh uu kala fidiyo uguna faano duunyada kale.

Labo qodob oo kale ayuu qoraaga xusayaa marka la joogo sheekada Dhudi iyo sucaad oo ah; qaabka abaaday ee ay Soomaalida xoolaha u dhaqato iyo hantiwadaaga dadban ee ay qoysaska ku dhaqmaan sida doorashada iyo dastuurka dadban loogu dhaqmo. Qodobka dambe faa’iidadiisa waxaa kamida inay bulshadu isku tiirsanaato sida bulshada Soomaalida ee buburka dawladnimada haleeshay. Dhanka kale waxa uu qoraaga tilmaamayaa faa’iida-darradiisa inay kamid tahay; inay badanayso waxqabsiga iyo inuu shakhsi walba shaqeeyo, waana sababta ay u yar yihiin milyaneer Soomaali ah, illeen inta shaqaysa iyo inta hantida haysata waa haan gunteeda furan oo qoysas kale quudanayaan. 

Cabdisiciid Cabdi oo mar wax ka oranayay guud ahaan suugaanta ayaa sheegay; inay lamid tahay cunnada aan quudanno oo ay ku nacfi badan tahay in cid kasta ay goonnideeda u ruugto oo aayarkeeda wixii murti iyo raandhiis ah kala baxdo, sida ay la noqotane u macnaysato. Sidaa awgeed ayaan idiin kula talinayaa inaad goonnidiina u ruugtaan sheekada labadan shakhsi ee Dhudi iyo Sucaad iyo guud ahaan shakhsiyadaha ku jira buugga Dabinkii Jiraalka.

Ugu dambayn Dhudi waa la dilayaa, halka Sucaad ay u badan tahay inay si iskeed ah isaga dhimatay, sidaa awgeed ma ku macnayn karnaa mararka qaar in ogaalku yahay dil, halka ogaal la’aantuna tahay inaad si iskaa ah isaga dhimato. Tusaale; Dhudi waa ay oyday, kadibna wayraxday, deedna waa la dilay. Halka Sucaad oyday, deedna la qabsatay, kadibna iska dhimatay. 

Qoraallada kale ee qoraaga