Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Sheeko

Martisoorkii Dabiicadda

16 August, 2024
Image
Getty
Sawirka: Dublin oo rooban (Getty Images)
Share

Qoftii haweenayda ahayd waxay imika isa soo taagtay illinka qolkeeda. Gacma gariiraya intay albaabka ku cuskatay ayay madaxa iyo inteeda hore bannaanka ula soo baxday. Labadii indhood ee madaxeeda ka soo jeeday ayay jihooyinka degdeg ugu kala qaybisay. Walow ay horay uga sii gaashaamatay, haddana ujeedkeedu waxa uu ahaa; hubinta wixii agab iyo alaabo kale ee ay daaradda ku soo illowday, kuwaas oo mahiigaanku wax yeellayn karo.

Badh-saac kahor ayay ahayd kolkii ay cirka isasoo xirxireen daruuro madmadow oo irmaan, sidii gashaanti Afrikaan oo la garciyay ayaa cirkii isku ballaadhiyay. Qorraxdii oo ka khajishay fadeexadda meesha taalla, islamarkaana isu aragtay Yurubiyaanad sharaf leh ayaa fallaaraheedii degdeg dib ugu celisay oo goobta isaga carartay. Markiiba, dhulka oo iska dhigaya mid uu maankiisu furan yahay ayaa soo dhaweeyay daruuraha xaamilada ah ee dhaansan, arladii ayaana mar kaliya midab dugul ah hullaabatay. Iyada oo aan gabbalkiiba dhicin ayaa gudcur isasoo tarayay jawigii ku habsaday. Mar kaliya ayay cimiladii ceeryaan-madaw iyo mid mugdiyeed wada qarisay. Mawjad dhaxan ah oo lafaha dadka garaacaysa ayaana dhanka bari ka soo butaacday.

Qof haweeney ah oo marwo u muuqata oo jiko ku jirtay ayaa ku baraarugtay jawiga dugulloobay ee doorsoomay. Mawjadii dhaxanta ahayd ayaa si sarriigasho la’aan ah oo degdeg ugu soo gashay halkii ay fadhiday. Harraadkii hayay, baahidii lafaha ka cuskatay iyo daalkii diyaarinta af furka ayaa waxaa ugu sii darsamay qarqaryada ba’an ee maqaarka iyo baatiga khafiifka ah hoostooda sidii halaqii u dhexqaadday.

Marwadii waa taa habhablaysay. Waa taa markiiba alaabta ay af furka ku diyaarisay qolkii fadhiga u daabushay. Waa taa ka urursatay maryihii xargaha ku wadhnaa iyo kuwii kale ee meelaha daadsanaa. Waa taa wixii kale ee uu roobka wax u dhimi karo xaraysay. Waa taa iyada oo bawdyaha iyo ilkaha isku garaacaysa isku xaraysay qolkeeda jiifka. Waa taa iyada oo koodh iyo wax ay dhaxanta ka xirato baadh-baadhaysa cirkii isa soo dhaanshay uu mar qudha sidii calool dooxantay u soo furmay, dhagagagac! Dhawaaqii darnaa ee tarniiga ka yeeray waa taa la dhego barjawday. Waa taa sarajooga ku sii daysay wax kasta oo ay gacanta ku haysay ee dhegaha degdeg faraha ula gaadhay.

Waa taa ka yaabtay dhibcaha waaweyn ee mahiigaanka ah ee sida danabkii u soo daadanaya. Waa taa ka amakaagtay sida daran ee ay tarniiga ugu soo hoobanayaan. Waa tii moodday in dhibcaha mahiigaanku ay tarniiga ciil hore iyo ciifo u hayeen oo uu xarash ka dhexeeyay. Waa taa xoogay kolka ay taagnida ku koktay soo miyir-noqotay ee ku fekertay; inay jiri karaan agab iyo alaab kale oo ay bannaanka ku illowday. Waa tii illinka isa soo taagtay ee billowday inay hareeraha fiirfiiriso.

Eegga, indhihii jihooyinka u qaybsanaa ee madaxa marwada ka soo jeeday kedis ayay wax ku arkeen! Hummaag aadane oo badhtanka daaradda dhexqotoma ayay isha qac ku siisay. Waxa uu ahaa mid ku dhex-qubaysanaya mahiigaanka hooraya. Sidii tiirkii ayuu dhulka qotomay. Sidii saliibka ayuu sidii wax la giggay, midig iyo bidix ugu kala taagnaayeen oo goroda hoos u foorarsanayd.

Hummaagii qotonsanaa qaddar ilbiriqsiyo ah ayuu neeftii iyo dhaqdhaqaaqiiba joojiyay, sida askari digtooni ku jira ama ciidan baroordiiq samaynaya oo kale. Markaliya ayuu sidii giraantii isu wareejiyay, isaga oo madaxa sare u qaaday oo carrabka u dhigay dhibcaha waaweyn ee sida daran u soo hoobanaya.

Marwadii garatay qofkan qofka uu yahay. Waa Loogge. Waa Loogge Aw Geeddi. Waa jeexeeda iyo gacaliyaheeda. Waa saygeedii ay nolosha la qaybsanaysay. Ugub kuma aha oo marar badan oo hore ayay ku aragtay. Waa ay ku garanaysaa, kolka uu roob soo daato in sidii carruurtii uu mahiigaanka dhexgalo oo daaradda dhan walba u dhexboodo. Inuu in badan ka codsaday, balse ay diiday ayay xusuusataa. Jabaqda roobka ayay ka sastaaye ma dhibcihiisa ayay isku dhigi kartaa ? Iyadu, sidaa biyaha uma necba ee jawiga madow iyo waxyaabaha kale ee uu roobka sito ayaa ka bajiya. Balse markan waxa ay go’aansatay inay la qabaysato.

Marwadii waa taa iyada oo baal shimbireed ka fudud ka soo duushay illinka ay taagnayd. Loogge agtiisa meel tallaabo u jirta ayay jug kusoo tiri. Aad buu ugu farxay go’aanka ay qaadatay iyo sida ashqaraarka leh ee ay joogeeda u taagan tahay. "Cosobla’! Diraca khafiifka ah ee aad xidhan tahay, dhab ahaan bilicda jidhkaaga ayuu soo saarayaa" ayuu Saygii ku salaamay Marwadii. Walow aan aad la isu maqlin, iyadu se, dhoollacadayn iyo madax ruxid ayay hadalkii kaga jawaabtay.

Waxa ay billowday inay samayso sida uu saygeedu samaynayey. Jooggeeda ayay isu taagtay oo gacmaha midig iyo bidix u kala taagtay. Madaxa ayay sare u qaaday oo dhibcaha carrabka u dhigtay deedna sidii giraantii isu wareejisay. Xoogaa markii midba geeskiisa sidii giraantii u wareegsanayey ayay markaliya dhaxan dareentay. Dhaxan lafaha ka cuskatay. Dhibcihii roobka oo aad mooddo rag u ooman jidhkeeda dhaylada ah ayaa kusoo hoobanaya oo u soo kala tartamayey.

Cosobla' jidhkeedii ayaa duday. Xaadii ayaa kacday. Waa ay jaraysay sidii ruux koronto haleeshay. Waa ay koktay sida ruux qalal qaba. Dhaxantii baa lafaha intay dhaaftay dhuuxa u gudubtay. Cagaha ka billow, way ku istaagi la’ dahay. Bawdyaha ku xiji, way isla dhacaysaa. Badhyihii baa dhaxan awgii iskood isaga ruxmayaan. Calooshii oo aad moodo in gabal baraf ah la dhex dhigay ayaa qabow daran dareemaysa. Boggeedii oo didsan baa dhabarkeedii ku dhegay.

Horaadadeedii baa si la yaqaanno u muuqda oo iskood u jaraynaya, iyaga oo aad mooddo inay ka gadoodsan yihiin xaalkan murugsan ee ay dhextaagan yihiin. Markani, Shaydaan ma ruxayaan naasaheedii, sida dadka qaar ay qabaan ee roobka ayaa si bilaa farshaxan iyo jaahilnimo ay ku dheehan tahay isaga falaadayo. Cosobla’, go’aanka ay qaadatay ayay ka shallaysay. Dibinta ayay qaniintay oo is hiiftay.

Iyada oo uu xaal sidaa yahay oo ay ku fekerayso inay dib qolka ugu cararto ayaa hillaac walalac leh iyo onkod qararac laynaya mar wada kulmay. Markaliya ayay isku duubtay laabtii Loogge. Shafkiisii balaadhnaa ayay isku shubtay oo ay gashay. Ina Aw Geeddi, oo miyir la’aa, kuna mirqaamay mahiigaanka hooraya ayaa soo miiraabay. Naftan kadeedan ee jaraynaysa ee laabta kaga duuban ayuu arkay. "Gacalliso!" ayuu ku yiri codkiisii weynaa. Onkod kale ayay moodday oo isku sii nabtay. Loogge waa uu yaabay. Abid sidan daran uguma aysan dhagin. Intuu garbaheedii qabtay ayuu iska fujiyay oo hubin ugu dhaqaaqay waxa helay. Foolkeeda ilaa farta suulkeeda ku dhinacyaal ayuu indhaha ku baniiniyay. Inay dhaxani haleeshay oo ay hillaacii ka sastay ayuu gartay.

Dhexdooda waxba uma dhexeeyaan. Faraha luguhiisa kakan waxay qarka u saaranyihiin in ay taabtaan lugaheeda aadka u qabow ee jilicsan. Horraadkeeda soo taagan ibtiisu waxa ay marba taabanaysaa laabtiisa marna dib uga dabcaysaa. Waxaad mooddaa awoodda dhaqaaqa ibteeda hagaysa in ay tahay hadba neefta ay jiiddo iyo midda ay tufayso inta ay le’eg yihiin. Cosobla' madaxeeda kor ayey usoo yara qaadday, iyada oo isaga aan marna dareensiinayn in uu ka madax-taaganyahay. Waxa ay sidaa u yeelayso waa ay og tahay, keliya waa si aanay indhaheedu ka miliqsan kuwiisa.

Gacantiisa midig inta dhabarkeeda uu soo mariyey ayuu isku soo nabay. Dhexdeedii yarayd ayuu shantiisa farood ee qallafsanaa iyo calaasha ku balaadhiyay. Jac! Sida hillaaca ayaa jirkooda iftiin wada jir ahi uga kacay. Wagagac! Markan Cosobla' hoos ayay xishood eegtay, ma oga isagu waxa uurkeeda ku jira, hase ahaatee waxa uu arkaa timaheedii oo wajigeeda kusoo yara daatay. Gacantiisa bidix oo camal la’aan la laadlaadday ayaad mooddaa halkaas jaanis cusub inay ka heshay. Way soo dhaqaaqday gacantii, kadibna Cosobla' oo hoos ku maqan ayey madaxa kor ugu soo qaadday, iyada oo garka aayar u qabanaysa, isla markaana waxay billawday bidixdiisi in timaha Cosobla' ee wajigeeda weerarka ku haya ay halkoodi hore ku celiso.

Loogge, waa nin laf iyo lud leh. Waa nin murqihiisu kala go’an yihiin. Murqaha caloosha, shafka, cududda iyo meelaha kaleba. Waa nin ay timihiisu jilicsan yihiin. Waa nin joog leh, se aad u dheerayn. Waa nin shafka timo ku leh. Timo aad mooddo digil madow oo aad u jilicsan. Sidii kayntii ayay kalxantiisa ilaa iyo calooshiisa u daadsan yihiin.

Gacanteedii bilaa camal iskaga laadlaaday ayuu soo qabtay. Waxa uu saaray shafkiisa. Funaanadda iyo laabtiisa ayuu kala dhex geliyay. Gacantiisii weyneyd, ee qallafsanayd ayuu soo wareejiyay. Waxaa isku mar kulmay gacantii Cosobla' oo dhex jibaaxisay timihii jilicsanaa ee shafka saygeeda iyo tii Loogge oo marqudha lagu balaadhiyay badhidii Cosobla’. Jah! Markaliya ayaa markale danab jidhkooda si wada jir ah uga kacay. Intaa kuma ekaynin’e, dibnaheedii debecsanaa ayuu kedis ku qabtay bishimihiisii.

Dhunkashadii ugu horraysay iyo waxaa isku mar noqday eedaankii salaadda makhrib oo afarta barjo isqabsaday. Loogge iyo Cosobla’, waa ay soomanaayeen, balse hugun-mahiigaaneedka hooraya ayaysan la maqlaynin eedaanka afarta dhinac ka yeerayo, xitaa haddii ay maqlayaan uma eka kuwa ku af furaya cunnada ay diyaarsadeen. Waxa ay diyaar u yihiin inay ku af furaan, af furka ay Dabiicaddu ku martisoortay.

Waa kuwaa caadaa isla tagay ee haddane ciida yimid ee markale na samada iskula haaday. Waa kuwaa sidii qof mool ku hafanaya u wada hinraagaya. Waa taa sidii hororkii funaanada saygeeda gacan qudha kaga siibtay. Waa kaa isagane faraha fiidooda kaga siibay diracii madluumka ahaa ee ku dhex rafaadsanaa labadan isku ooman.

Dabiicaddii iyo daruurtii oo aad mooddo inay u riyaaqeen hawsha xallada leh ee daaradda ka socota ayaa hogle kale oo mahiigaana soo siidaayeen. Waa kuwaa Loogge iyo Cosobla' maryaha dhigtay ee isku libdhay. Waa kuwaa hummaag-roobeedka mahiigaanka ah ee hooraya, hillaaca walalac leh, onkadka daryaamaya iyo hugunka aan kala go’aynin ku dhex libdhay, iyaga oo isku libdhan. Oo maxay ugu libdhiwaayeen soo iyaguba dabiicaddu kamid ma aha?!

Qoraallada kale ee qoraaga