Skip to main content

Wednesday 23 October 2024

Aragti

Warbixin Cusub: Dhaqaalaha Siyaasadeed ee Isbaarooyinka Soomaaliya

6 February, 2024
Image
mapping-the-isbaaro-checkpoints-in-Somalia
Share

Qoraalkani wuxuu soo koobis Soomaaliyaysan u yahay warbixin uu mac’hadka Rift Valley daabacay 26/10/2023. Warbixintani waxay diraasaynaysaa dhaqaalaha siyaasadeed ee isbaarooyinka Soomaaliya. Weydiimaha ay ka jawaabayso warbixintu waxay yihiin: muxuu yahay waxa dabada ka riixaya samaysanka isbaarooyinka? Iyo saamaynta ay ku leeyihiin ganacsiga, bulshada iyo mashaariicaha siyaasadeed?

Diraasaddu si ay ugu kuurgasho qodobbadan waxay ina soo hor dhigaysaa xogo cusub oo tilmaamaya baahsanaanta isbaarooyinka iyo qiimayaasha isbaarooyinka, kuwa ay maamulaan al-Shabaab iyo xoogagga dawladda iyo maleeshiyaadka taabacsani. Xogaha soo baxay waxaa lagu saleeyay waraysiyo la qabtay iyo dib u daalacashada xogihii hore looga qoray arrintan. Warbixintu sidoo kale waxay raadraacaysaa salka taariikheed ee isbaarooyinka iyadoo rogrogaysa xogo taariikheed. Warbixintu waxay ku dul wareegaysaa xidhiidhsanaanta ka dhaxaysa isbaarooyinka, ganacsiga isaga gudba xuduudaha iyo samaysanka dawladnimada ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo diraasaddu saarayso diiradda laba dhacdo baadhiseed. Ta koowaad waa marin ganacsiyeedka Baydhabo, oo ah marinka caasimadda Muqdisho ku xidha Itoobiya iyo Kiiniya. Kan labaad waa marin ganacsiyeedka Gaarisa, oo isna ah marin isku xidha dekedda Kismaayo, dhul daaqsimeedka Afmadaw iyo waqooyi-bari Kiiniya. Labada dhacdo baadhiseed waxay tooshka ku ifinayaan salka loollanka dhakhliyada ka soo baxa ganacsiyada xuduudka isaga gudba ee Geeska Afrika.

Warbixintani waxay daba socotaa cilmibaadhis ugub ah oo diiradda saaraysa xidhiidhka ka dhaxeeya ganacsiga iyo dawlad dhiska dhulka Soomaalida. Cilmibaadhisaha jira laba qaab ayay u dhammaystiraysaa warbixintani: cilmibaadhisaha jira ee daaran cashuuraha iyo dawlad dhisku waxay xoogga saareen dekedaha, si gaar ah Soomaalilaan iyo Buntlaan, meelahan oo lagu gaadhi karayay si fudud. Halka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya daraasaduhu daarnaayeen doorka isbaarooyinka ka qaataan maalgalinta xarakada al-Shabaab, balse, wax yar ayaa laga og yahay isbaarooyinka goobaha dawladdu gacanta ku hayso ama saamaynta ay iskudarka isbaarooyinka dawladda iyo kuwa al-Shabaab ku leeyihiin marin ganacsiyeedka. Ifinta qodobkani waa sida koowaad ee warbixintu u dhammaystirayso cilmibaadhisaha jira. Qaabka labaad waa, u kuurgalka sida uu ugu qaybsan yahay qiimaha isbaarooyinku bulshada Soomaalida.

Badanaa isbaarooyinka waxa lagu gorfeeyaa inay yihiin culays saaran gaadiidleyda iyo ganacsatada, balse cashuuraha isbaarooyinku waa cashuuro aan rasmi ahayn oo ku baxa meelo kale. Cashuuraha isbaarooyinka waxa ay fuulaan maceeshadda oo waxa bixiya bulshada caadiga ah, si aan toos ahayn. Warbixintu waxay qeexaysaa faquuqa ka dhalanaya nidaam cashuureedka isbaarooyinka iyo ka wareejinta hantida bulshooyinka nugul iyo u wareejinta hantileyda awoodda leh.

Su’aalaha udub dhexaadka ah ee warbixintu waa:

  • Sidee buu taariikh ahaan isu soo bedbeddalayay shaacsanaha isbaaro-taagashadu?
  • Halkee bay maanta yihiin isbaarooyinku, yaana gacanta ku haya?
  • Muxuu yahay qiimaha ku kaca isbaarooyinku, sidee baanu ugu qabysan yahay marinnada ganacsiga? (Kuwee baa qaalisan isbaarooyinka dawladda iyo kuwa al-Shabaab?)
  • Yaa bixiya lacagta isbaarooyinka, sidee buuna culayska lacageed ugu qaybsan yahay bulshada?
  • Sidee bay uga galgashaan ganacsatada iyo gaadiidleydu juquraafiga isbaarooyinka Soomaaliya?
  • Doorkee bay ka ciyaaraan isbaarooyinku loollanka iyo dadaallada dawlad dhiska?

Sawir guud

Intii u dhaxaysay 2022 iyo Maarj 2023, cilmibaadhistu waxay xaqiijisay wadar 204 isbaaro ah, kuwaas oo 44 ka mid ah (23%) ay gacanta ku hayso al-Shabaab; 77% soo hadhay waxa maamula xoogag dawladda ama maleeshiyaad taabacsan. Marinnada rasmiga ah dhammaan waxa dhaca isbaaro, 15 ilaa 20-kii kiiloomitirba waxa dhaca isbaaro, halka 100 km ee kastaba lala kulmayo 5 isbaaro. Si guud isbaarooyinku waxay ku badan yihiin gobollada koonfureed ee Soomaaliya. Boqolkiiba 58 ka mid ahi waxay ku urursanyihiin Jubbada Hoose, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, haddii gobolka Banaadir lagu darana boqolleydu waxay gaadhaysaa 69% wadarta isbaarooyinka. Isbaarooyinka al-Shabaab waxay si gaar ah ugu badan yihiin Jubbalaan: kooxdu waxay gacanta ku haysaa boqolkiiba 48 oo ah 69 isbaaro. Waxa muhim ah in la fahmo in tirada iyo baahsanaanta isbaarooyinku ay aad isu beddelaan. Isbedbeddaladan waxa sababa kal xilliyeedyada marinnada gaadiidka iyo colaadaha oogan, oo ah kuwo la xidhiidha gacan ku haynta isbaarooyinka. Isusocodka ganacsi ee xuduudaha ka gudba ee mashquulka badani waa fursad dakhli oo ballaadhan, taas oo awoodaha hubaysan ku riixda inay isbaaro samaystaan ay cashuuro ku urusadaan. Isbaarooyinka iyo kastamyada xuduudaha dhacaa waxay u yihiin qeexid aan rasmi ahayn xuduudaha aan sugnayn ee Geeska Afrika.

Loollanka loogu jiro marinnada dhuumaha ah ee muhimka ah waxa ka dhasha dagaallo iyo in la isku ag xidho isbaarooyin isla hal dhuun dhaca oo ay maamulaan awoodo kala duwani. 

Noocyada isbaarooyinka:

  1. Isbaaro soo-booddo ah: waa isbaarooyinka ay mooryaan hubaysani xidhato muddo kooban oo ay dadka kaga gurato lacag yar oo birqaad lagu magacaabo.
  2. Isbaaro beegsasho: marka laba beelood iska dilaan dad ee qolo bixin weydo xoolaha magta, waxa dhacda in qolada kale xidhato isbaaro ay ku beegsanayaan qolo gaar ah
  3. Isbaaro amni: waa kuwa ka taagan magaalooyika gudahooda, oo laftooda la isku shaxaado.

Balse, warbixintu isbaarooyinka caynka ah ma darsayso. Waxay ku eeg tahay isbaarooyinka u dhexeeya gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya dhexdooda iyo waddamada jaarka ah ee Kiiniya iyo Itoobiya.

Taariikhda isbaarooyinka Soomaaliya:

Shaacsanaha isbaarooyinku wuxuu la kowsaday burburkii 1991, markii maleeshiyo beeleedyadu samaysateen isbaaro ay dakhli ka maalaan. Balse, taariikhda isbaaradu intaa wey ka durugsantahay. Caqliyadda cashuuridda marinnadu waxaa lagu doodaa in ay dhulka Soomaalida ka bilaabantay waaguu baahay geeddi-ganacsiyeedka masaafooyinka dheer isaga gudba, oo ah horraantii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Beeluhu abbaan ahaan ayay hadyado uga qaadan jireen geeddiyada ganacsi ee dhulkooda soo mara, waxayna dammaanad qaadi jireen ammaanka geeddiga inta uu dhulkooda marayo, waxayna u ahayd arrin ay dakhli iyo sumcad ka helaan bulshadu.

Isbaarooyinka qaabkooda dhismaha ah ee hadda loo yaqaan se wuxuu la kowsaday xukunkii isticmaarka, isagoo ah kastamyada iyo xarumaha xuduudaha, ee Talyaaniga iyo Biritishka. Balse, wax saamayn ah kuma lahayn Soomaalida oo badankoodu ahaa raacato reer guuraa ah, oo aan ku tiirsanayn jidadka sallaxan, sidaas daraaddeed si fudud ayay uga dhuuman kareen maamulka iyo cashuuraha taliska isticmaarka. 

Isbaarooyinku waxay fideen intii u dhaxaysay 1977 – 78, markii Siyaad Barre amray badhasaabyada gobollada iyo degmooyinku inay ka soo ururiyaan dalagga iyo xoolaha degmo walba, taas oo keentay inay ku fidaan dalka oo dhan; waddooyinka iyo ceelasha waraabka. Tan oo ahayd dadaal uu dakhli ugu ururinayo dagaalkii Ogaadeeniya ee Itoobiya lagula jiray.

Markay xoogaysteen fallaagooyinka hubaysan ee mucaaradka ahi, isbaarooyinku way laba jibbaarmeen si ay u xayiraan xorriyadda socodka, waxayna noqdeen goobo lagu baadho waraaqaha oggolaanshaha socodka oo lagu soo rogay cid walba oo rabta inay magaaladeeda ka safarto, sababtaa darteed, jidadka magaalooyinka u dhaxeeya waxaa taxnaa isbaarooyin milatari, kuwaas oo dadka lagu laaluushi jiray. Markuu sii xoogaystay dagaallada aabbiga ah ee fallaagooyinku, milatariga iyo beeluhuu hubeeyay Siyaad Barre waxay abuureen isbaarooyin badan oo aan si fudud looga gudbi karin, kuwaas oo ku hareeraysan magaalooyinka waaweyn ee ay degganaayeen beelaha lala xidhiidhiyo fallaagooyinka hubaysan ee mucaaradka ah. Dadka beelahan si gaar ah ayaa loo beegsaday oo loogu tacaddiyay, sidoo kale badeecooyinka u socda deegaannada reeraha mucaaradka ah waxa lala beegsaday dhac iyo baad. Isla mar ahaantaa isbaarooyinka dhaca kadinnada kaamamka qaxoontiga waxaa loo adeegsaday in si qorshaysan loogu leexsado deeqaha kaalmada ah.

Markuu taliskii Siyaad Barre dhacay, isbaarooyinku cirka ayay isku shareereen. Xilliyadan oo loo bixiyay dagaallada isbaarooyinka, waddo xidhashadu waxay shaqo u noqotay cid walba oo hub haysata.  Horraantii 2000 dagaaloogayaashii waxaa wiiqay maleeshiyaad ay isku dubbarideen ganacsatada waaweyn ee Muqdisho, kuwaas oo faa’ido ballaadhan ka helay raridda iyo ilaalinta deeqaha hay’adaha caalamiga ah. Xilligan oo Soomaaliya lagu tilmaami jiray inay tahay ‘dhaqaale bilaa dawlad ah’ shaqsiyaad kooban oo leh maleeshiyaad hubaysan ayaa noqday dilaallada deeqaha, kuwaas oo faa’idadooda galiyay hantida maguurtada ah iyo dekadaha. Si kasta ha ahaatee, isbaarooyinku waxay culays ba’an saareen faa’idada ganacsiga. Tusaale ahaan, 2004 waxa la soo tebiyay in inta u dhaxaysay Muqdisho iyo Afgooye oo ah 50 km ay ku yaalleen 54 isbaaro, oo aan si nabad ah looga gudbi karin bilaa ilaalo hubaysan. Isbaarooyinku waxay u noqdeen dagaaloogayaasha il dhaqaale oo ay ku gataan taageerada maleeshiyadooda, sidoo kalena ku gataan qaad iyo rasaas.

Isla xilligaa waxaa is abaabulay oo xaafadahooga mooryaanta ka sifeynayay Maxaakiimta, kuwaas oo ku guuleystay inay hantaan taageerada ganacsatada waaweyn ee Muqdisho. Ururka Maxaakiimta oo caqiido ahaan adadkaa, balse dhaqaale ahaan furfurnaa, ayaa markay hanteen taageerada dadka iyo ganacsatada yareeyay isbaarooyinka oo abuuray jawi ganacsi oo deggan. Jid walba waxay ku reebeen hal isbaaro oo kharash yar qaadaysa. Tani waxay fududaysay isusocodka dadka iyo badeecadda. Maarj 2007 weerar farogalin ah oo uu Maraykanku taageerayo, Itoobiyaankuna hoggaaminayaan, ayaa xukunka keenay xukuumadda Federaalka ee kumeelgaadhka ahayd. Waxay isu soo ururiyeen dagaaloogayaashii isbaarooyinkoodu horraataba horseedeen kor u kaca Maxaakiimta islaamiga ah. Meel walba oo xukuumadda kumeelgaadhka ahi qabsato tirada isbaarooyinku wey badanaysay.

Jabkii Maxaakiimta iyo weerarradii Itoobiyaanka ee Maraykan dabada ka riixayay 2008, ayaa soo dedejiyay kor u kaca iyo xoogeysashada al-Shabaab oo haysatay qaybo ka mid ah caasimadda iyo magaalooyin waaweyn oo kale, sida Kismaayo. Meelaha ay haysato al-Shabaab waxay ka hirgalisay isbaarooyin la mid ah kuwii Maxaakiimta; waxay yareeyeen tirada isbaarooyinka, waxay sahleen isusocodka dadka iyo badeecadda, qiimaha cashuuraha ay qaadaana hoos ayay u dhigeen. Halka meelaha xukuumaddu maamusho ay labalaabeen tirada isbaarooyinku iyagoo markii horeba tiro badnaa. 

Qodobbada xiisaha leh ee ku xusan warbixinta:

Warbixintu waa mid dheer oo faahfaahsan, balse, hoos waxaan ku qodobayn doonnaa qodobbada u muhiimsan ee ku xusan warbixinta: 

  • Kharashka u badan ee gaadiidleydu wuxuu ku baxaa isbaarooyinka, waxayna gaadhaa boqolkiiba lixdan (60%) qiimaha guud ee uu ku qaadanayo safarka; waxaa soo raaca shiidaalka iyo kharashka hagaajinta iyo dayactirka gaadhiga.
  • Isbaarooyinku waxay ku badan yihiin gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ganacsiga Soomaaliya badanka wuxuu ku wajahan yahay gudaha Itoobiya. Ganacsigaas waxaa 70% la wareegay ganacsatada Buntlaan iyo Soomaalilaan, maadaama oo uu isusocodka iyo kharashka isbaarooyinku ka fudud yahay.
  • Cashuuraha badeecadda la soo dhoofsado laga qaado 100 km waxa ku soo saddex jeer laabmayaan ta laga qaado waxsoosaarka beeraha gudaha marka loo qiyaaso masaafo iyo miisaan isku mid ah. Isbaarooyinku waxay hoos u dhigayaan waxsoosaarka gudaha.
  • Al-Shabaab waxay marinnada ay joogto ku leedahay tiro kooban oo isbaarooyin ah oo ay hal mar ku qaaddo cashuuraheeda kuwaas oo ay u kala qaaddo laba, gaadiid iyo badeecad; taas oo mid kastaa leedahay nidaamkeeda gaarka ah ee lagu xisaabiyo. Isbaarooyinka al-Shabaab waa kuwo ka nidaamsan oo ka sahlan kuwo dawladda, halka goobaha dawladdu gacanta ku hayso ay is daba taxan yihiin isbaarooyinku kuwaas oo mid walba kharash lagu qaado, gorgortanka iyo murankuna joogto u yahay, taas oo ka yeelaysa isbaarooyinka goobaha dawladdu gacanta ku hayso kuwo ka kharash badan kuwa al-Shabaab kana nidaam xun.
  • Isbaarooyinka waxa ka dhasha khasaaro nafeed oo ay sababaan khilaafaadka ku dhammaada gacan ka hadalka. Gacan ka hadalka ka dhaca isbaarooyinku waa laba mid uun: mid dano gaaban lagu gaadhayo ama mid istaraatiiji ah. Maalin walba Soomaaliya ugu yaraan hal ama laba dhacdo oo cunfi ah ayaa ka dhaca isbaarooyinka. Isbaarooyinku waa kuwo muujiya cidda meel ka talisa, waana il dhaqaale. Goobaha u badan ee ay al-Shabaab weerarradeeda la beegsato waa isbaarooyinka dawladda. 
  • Waxaa si istaraatiiji ah loogu beegsadaa isbaarooyinka si loo carqaladeeyo socodka maaliyadeed ee cidda kaa soo horjeedda ama si looga qaado goob laga soo saari karo dakhli. Khilaafaadkan waxaa sal u ah awood fidsi iyo dhul ballaadhsi isku muujiya isbaarooyinka laga soo galo ama laga baxo deegaannada istaraatiijiga ah.
  • Loollamada isbaarooyinka ee gacan ka hadalka ah waxaa ka dhasha qiimaha raashinka oo kor u kaca deegaannada ku hareeraysan ama badeecooyinku uga gudbaan.
  • Kharashaadka isbaarooyinka ma bixiyaan ganacsatadu, mana bixiyaan gaadiidleydu, waxa bixiya dadka masaakiinta ah ee suuqa ugu tiirsan soo iibsashada quutal daruurigooda. Dadkan oo ay ku jiraan kuwa ugu nugul bulshada, sida barakacayaasha. 
  • Deeqaha hay’adaha oo ka wareegay raashinka, oo ay fududeyd in la leexsado ama aan si fudud lagu gaadhsiin jirin deegaannada al-Shabaab ka taliso. Hay’adaha lacago toos ah ayaa kaga bixi jiray isbaarooyinka, hadda oo ay deeqahoodu isu geddiyeen lacagaha danabaysan (electronic money) si dadban ayay u maalgaliyaan isbaaooyinka oo ay ku jiraan kuwa al-Shabaab haysato, mar haddii dadka nugul ee lacagaha ay siiyaan ku bixiyaan lacagahan badeecooyin uu saaran yahay sicir bararka isbaarooyinka sababaan. Ama badeecooyin lagu soo cashuuray isbaarooyinka.
  • Isbaarooyinka waxaa buuxa rag, ganacsatada yaryarna waxaa u badan dumar, waxaa ka dhalanaya tan wareejiska maaliyadeed ee laboodka ah ee qorshaysan. Isbaarooyinku waxay culays ku yihiin qaybaha bulshada ee nugul, kuwaas oo aan awood u lahayn inay beddelaan qiimaha bagaashkooda si ay u kabaan faa’idadooda.
  • Al-Shabaab ma cashuurto ganacsiyada yaryar, mar haddaanay gaadhin nisaabkii sakada; waxay si wanaagsan u cashuuraan ganacsatada waaweyn. Si ka duwan, dawladdu ma cashuurta ganacsatada waaweyn ee lacagta iyo awoodda leh, oo badanku rag ah, balse waxaa dhakada laga fuulaa jeebleyda iyo ganacsatada yaryar.
  • Beeralayda oo u badan Soomaali-Baantuuga iyo Raxanweynta oo ah reero siyaasad ahaan la garbiyo ayaa u badan deegaannada beerashada muuska kuwaas oo cashuuraha faraha badan awgood qaar badan oo ka mid ah ay dantu ku riixday inay gadaan beerahooda oo ay degaan kaamamka barakacayaasha oo ay yawmiye uga shaqaystaan beeraha waaweyn ee muuska, iyagoo ay ku shaqaysanayaan ganacsatada reeraha waaweyn.
  • Muuska reeraha beera waa kuwa beeralayda ah oo ka duwan reeraha maamula isbaarooyinka oo ah reeraha waaweyn ee siyaasadda gacanta ku haya, taas oo ka dhigaysa wareejinta maaliyadeed ee isbaarooyinka mid baad ah oo lagu baadayo bulsho markii horeba loo wiiqay siyaasad ahaan.
  • Si ay ganacsatada iyo xamuulleydu uga dabbaashaan isbaarooyinka waxay adeegsadaan saddex xeeladood: 1) Inay iska bixiyaan lacagaha oo ay siiyaan hadba cidda ka masuulka ah isbaarada; 2) Inay adeegsadaan dilaallada isbaarooyinka, kuwaas oo iyagoo adeegsanaya xidhiidhkooda qabiil jidka u sallaxa xamuulleyda, kharashaadka isbaaradana ka dhiga kuwo la sii fili karo; 3) inay gabi ahaanba ka leexdaan marinka tooska ah ee ay taxan yihiin isbaarooyinku, oo ay qardo jeexaan. Waa xeelad khatar badan oo xilliyada aan roobku jirrin uun la isticmaali karo. Isbaarooyinka al-Shabaab cidda ka leexataa waxay halis ugu jirtaa in la dilo oo gaadhiga lagala wareego.

 

Sidee baa dhaqaalaha siyaasadeed ee isbaarooyinku isugu muujisaa loollanka dawlad dhiska?

Waa muhiim in la baadho sida isbaarooyinku isugu muujiyaan mashaariicda siyaasadeed ee loollamaya iyo dadaallada dawlad dhiska ee al-Shabaab iyo dawladda federaalka. Isbaarooyinku waa kuwo tibaaxaya oo ka turjumaya dadaallada dawlad dhiska oo aan ka turjumayn dadaal la’aan iyo madhnaan. 

Al-Shabaab oo uu hindise miisaaniyeedkeeda sannadkii 2018 ahaa 23 milyan oo doolar, waxay cashuuraha isbaarooyinka oo kaliya ka soo xaraysay 25 milyan iyo dheeraad. Kooxda oo ilaheeda dhaqaale intan aad uga ballaadhan yihiin, haddana waxay ku tusinaysaa awooddeeda dakhli urursi.

Sidaynu hore u soo aragnay isbaarooyinka al-Shabaab waa kuwo nidaamsan oo si hufan dakhliga u urursada. Haddaba, maxay tahay sababta ay u tirada badan yihiin isbaarooyinka goobaha ay dawladdu gacanta ku hayso? Sidee bayna uga qayb qaataan isbaarooyinku dadaallada dawlad dhiska?

Si weydiimahan looga jawaabo, waa in horta la baadho; 

  1. Sida isbaarooyinku u yihiin agab muhim ah oo loo adeegsan karo in maleeshiyaadka beelaha lagu hoos keeno maamulka dawladda
  2. Ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee dakhliga dawladda ugu tiirsan yahay cashuuraha aan tooska ahayn ee isbaarooyinka
  3. Loollanka heerarka maamul ee kala duwan ugu jiraan cashuuraha isbaarooyinka, iyo doorka maleeshiyaadka beeluhu ku leeyihiin raadinta dakhli gaar ah, uu ka qaato gorgortanka isbaarooyinka ee goobaha ay dawladdu gacanta ku hayso.

Tirada isbaarooyinka ka jira meelaha dawladdu gacanta ku hayso kama turjumayaan baahi dakhli. Se, waxay ka turjumayaan baahida madax u buuxinta maleeshiyo beeleedyada dega agagaarka marinnada ganacsi. Tusaale, marinka Muqdisho – Beledweyn, maleeshiyo beeleedku waxay joogaan 19 isbaaro oo ka mid ah 25-ka isbaaro ee marinka taxan. Isbaarooyinka qaar maleeshiyo beeleedku kaligood ayay joogaan, marar waxay ka garab shaqaynayaan ama aan laga sooci karinba ciidamada qaranka iyo xubno ka socda maamullada degmooyinka.

Maleeshiyaadka beeluhu waxay qaataan boqolley ka mid ah dakhliga cashuuraha isbaarooyinka, qoondo kale waxa qaata ciidamada dawladda, qoondana awoodda siyaasadeed ee deegaanka ka jirta ama maamulka dawladeed ee ka taliya, ha ahaato mid goboleed ama degmo ama mid federaal.

Nidaamka cashuur isbaaro ee baahsani wuxuu keeni karaa tiro badashada isbaarooyinka, taas oo culays ku ah ganacsiga. Isbaarooyinka tirada badan iyo cashuuraha aan rasmiga ahayn ee ganacsatada laga qaado waxa ka dhalan karta weydiin ah; maxaa loogu qabanayaa cashuur bixiyaha? Jawaabtu waxay tahay waxba, ma jiraan wax adeeg ah oo badanka kaga soo noqday cashuur bixiyaha cashuurtiisa ee badanka waxa leexsada cidda haysata isbaarada lagu qaaday.

Maamullada hoose ee heer gobol iyo degmo waa kuwo ku salaysan qabiil, isbaarooyinka u muhiimsan ee deegaan kastana waxa maamula reerka u ballaadhan deegaankaas. Loollan ay reeraha yaryari kula jiraan ama reer kale oo ballaadhani kula jiro reerka meesha haysta ayaa waxa ka dhasha asaasidda isbaarooyin dheeraad ah ama ku dhawaaqidda maamul ka madax bannaan maamul goboleedka weyn, sida kii Hiiraan.  

Gunaanadka:

In ka badan 30 sano, isbaarooyinku waxay astaan u ahaayeen dhaqaalaha Soomaaliya ee ganacsiga ku salaysan. Isbaarooyinku kaliya ma fuliyaan door amni, balse, sidoo kale waa illdakhli oo muhim u ah maamul daadejinta, gaar ahaan maamullada aan lahayn dekadaha ama ilo kale oo dhakhli. Isbaarooyinku waxay asteeyaan cidda ka talisa marin gaar ah iyo deegaanka ku xeeran. Sababahan aawadood isbaarooyinku waa birlab soo jiidata khilaafaadka. Waxaa muhiim ah in la aqoonsado doorka muhimka ah ee isbaarooyinku ka qaataan ganacsiga iyo isbaarooyinku dawlad dhiska Geeska Afrika.

Haddaba, si loo taageero habsami u socodka ganacsiga oo loo helo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, siyaasad dejiyayaasha iyo la taliyaayasha dawladdu waa inay shantan qodob ee xidhiidhsan diiradda saaraan:

  1. In la aqoonsado doorka firfircoon ee isbaarooyinku ka qaataan dadaallada dawlad dhiska. Isafgaradka la xidhiidha isbaarooyinka ee aan rasmiga ahayn waxay ka qayb qaadanayaan xoojinta awoodaha rasmiga ah. Waana agab lagu iibsan karo daacadnimada maleeshiyo beeleedyada iyo awoodaha kale ee hubaysan. Sidoo kale isbaarooyinku way wiiqi karaan dadaallada dawlad dhiska, oo waxay siinayaan maleeshiyaadka gudaha madaxbannaani dhaqaale oo xoojinaysa awooddooda gorgortan. Meelaha aanay jirin ilo kale oo dhaqaale, maamul goboleedyada iyo federaalka waxay ku abuurayaan kala doorasho adag oo ah inay iyagu urursadaan dakhliga ay u baahan yihiin iyo inay raalli galiyaan maleeshiyaadka. Xidhiidhada awoodeed ee isbedbeddalaya waxay ka dhigayaan siyaasadda isbaarooyinka kuwo aan saldhig lahayn oo gorgortan u joog ah. Tan ayaa ka dhigaysa doorka isbaarooyinka ee dawlad dhiska weydiin dhugasho iyo dib u qiimayn joogto ah u baahan. Waxaa loo baahan yahay in lala socdo oo xogo joogto ah laga hayo heshiisyada siyaasadeed ee deegaannada marinnada ganacsiga ah. Haddii deegaan walba oo laga qabsado al-Shabaab lagu lammaaneeyo taagista isbaarooyin ay dawladsa ama Macawiisleydu gacanta ku hayaan (sida meelaha qaar la yeelay) waxay suurto galinaysaa in guulaha milatari la sugo oo la hanto taageerada dadka deegaanka.
  2. In la ballaadhiyo fahanka isbaarada laga haysto. Marka la soo qaado isbaarooyinka badanka waxa laga dhugtaa doorka ay isbaarooyinku ka qaataan maalgalinta al-Shabaab. Haddii diiradda la ballaadhiyo oo la isweydiiyo saamaynta taban ee ay ku leeyihiin isbaarooyinku bulshada caadiga ah, waxa soo baxaysa in culayska u badan ee isbaarooyinku ka jiro meelaha dawladdu gacanta ku hayso. Isbaarooyinku waxay kordhiyaan sicirbararka maceeshadda. Maadaama oo ay cashuuraha isbaarooyinku yihiin kuwo aan toos ahayn, cidda bixisa ma aha ganacsatada, mana aha gaadiidleyda xamuulka ee waa dadka masaakiinta ah ee caadiga ah. Lacagahan oo badanka ku dhaca jeebabka dadka haysta isbaarooyinka ma jiraan wax kaga soo noqda bulshada caadiga oo ma jiraan wax adeeg ah oo loogu qabto.
  3. In la hirgaliyo siyaasado maalyadeed oo ilaalinaya amniga maceeshadda, ilaalinayana bulshada qaybaheeda nugul. Soomaaliya oo goor walba halista macaluushu tahay mid taagan, waa muhiim in la helo siyaasado maalyadeed oo sugaya maceeshadda oo ilaalinayana qaybaha bulshada ee nugul. Siyaasadaha maalyadeed ee jiraa kama ilaalinayaan bulshada doorka isbaarooyinku ka qaataan halis gelinta maceeshadda iyo sicirbararka baahsan ee ay keenaan iyo faquuqa qaybaha bulshada ee nugul ee ay sababaan. Waxsoosaarka beeraha waxa la saaraa cashuuro xad dhaaf ah, taas oo bulshooyinka la faquuqo ku riixday inay isaga yaacan tacabka beeraha.
  4. In ay ururrada kaalmadu dejiyaan mashaariic deeq bixin oo ku xisaabtamaya isbaarooyinka. Isbaarooyinku waxay ka qayb qaataan qiimaha suuqa ee maceeshadda, waxa muhim ah in xisaabta lagu darsado in cashuuraha isbaarooyinka cidda bixisaa tahay bulshada adeeggooda ugu xidhan suuqa, oo ay ku jiraan bulshooyinka barakacayaasha gudaha ee hela lacagaha kaalmooyinka ah ee hay’adaha deeqaha bixiya, sidaa daraaddeed in hay’adahanina ay si aan toos ahayn uga qayb qaataan maalgalinta isbaarooyinka oo ay ku jiraan kuwa al-Shabaab gacanta ku hayso.
  5. In la taageero hababka aan rasmiga ahayn ee ay ganacsatadu ula tacaasho culaysyada isbaarooyinka. Dadaal kasta oo lagu rasmiyaynayo ganacsiga waa in lagala tashado ganacsatada iyo dilaallada isbaarooyinka oo doodda wax badan ku kordhin kara.