Skip to main content

Wednesday 23 October 2024

Aragti

Warbixin Cusub: Gargaarka Afrika loo Wadey ma Gaadho Afrika

6 February, 2024
Image
Cimiladu
Share

Waa laga yaabaa in akhristuhu ku argagaxo cinwaanka. Waa laga yaabaa in uu buunbuunis u tuhmo. Hasayeeshee sidaas ma aha. Deraasad cusub baynu nuxurkeeda isla wadaagaynaa, si aynu u qiimayno in kabadbadin ay tahay iyo in kale. Gargaar kasta xoogga ma saarayno, ee kan loogu talagalay doorsoonka cimilada ayaynu u fiirsanaynaa; dal kasta oo deeqbixiye ahna isku ma qaadayno, ee dawladda Ingiriiska oo keli ahi qoondada ay Afrika u qorshaysay ayaynu u dhabbagelaynaa.

Baadhitaan cusub oo ay warbaahinta doorsoonka cimilada ku takhasustay ee Carbon Brief samaysay ayaa daaha ka feyday umuuro shaamareer iyo yaxyax leh oo ku aaddan deeqaha uu Ingiriisku ku bixiyo latacaalidda doorsoonka cimilada ee Afrika iyo halka ay ku danbeeyaan. Baadhitaankan oo la faafiyay badhtamihii Ogtoobar 2023 waxa lagu ogaaday in dawladda Ingiriisku Afrika ugu deeqday lacag lagu qiyaasay $8.06 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, oo talagalku ahaa in ay gaadho cidaha ku hawlan latacaalidda doorsoonka cimilada ee ka shaqeeya gudaha qaaradda. Hasayeeshee, lacagtaa badankeedu waxay gashay jeebabka haayado, ururro, iyo shakhsiyaad aan degganayn Afrika ee dhab ahaan ku sugan, maaliyaddoodana ku qarashgareeya, gudaha waddamada Galbeedka, gaar ahaan Yurub.

Baadhitaanku wuxuu ogaaday in lacagta xaddigaas ah inta gaadhay Afriki ay tahay wax ka yar rubuc, ama afar waaxood waax (1/4). Inta kale xaggee bay martay? Waxa la daahqaaday in 13% ka mid ahi ($1 bilyan) ay ku dhacday qasnadda haayado gaar loo leeyahay oo latalin sameeya oo deggan Dunida Waqooyi (reer Galbeedka iyo intii la halmaasha). Waxa ka mid ah haayadaha latalinta ee Adam Smith International, PwC, iyo KPMG oo sedka ay gargaarkan ka helaan kala duwan yahay, inta badanna uu ku xidhan yahay hadba dalka deeqda lagu wadey. Tusaale ahaan, kaalmadii latacaalidda doorsoonka cimilada ee Ingiriisku ugu talagalay dalalka Gaana iyo Nayjeeriya, oo dhamayd $342 milyan, waxa waddamadaa gaadhay wax ka yar 12%--inta kale, oo ah aqlabiyadda 88%, waxa hawlfududayn u adeegsaday shirkadaha iyo haayadaha gaarka loo leeyahay ee latalinta ku isman.

Arrintani waxay u eg tahay “in dawladahan deeqda bixinayaa ay shirkadaha dalalkooda ka dhisan u gacalmiisayaan,” ayuu ku cabbiray Maxamed Caddow, madaxa iyo asaasaha maxadka Power Shift Africa, oo u warramay wargeyska African Arguments. Haddii si loo eego, waa lagu waafaqi karaa mudane Caddow, maxaa yeelay baadhitaankani sida uu kashifay, lacagtan waxa manaafacaadsada oo biishada haayado iyo shirkado ka dhisan isla dalalkii deeqda bixinayay, oo aan xarumo ku lahayn waddamada ay kaalmadu ku socotey. Markaa, waa la odhan karaa waa qorshe lagu hodminayo isla shirkadaha deeqbixiyayaasha ka dhisan, laguna hodayo mashruucyadan cidda dhab ahaan u baahan.

Dabcan, haayadahan gaarka loo leeyahay uun lacagtu u ma gasho. Waxa sidoo kale jira ururrada caalamiga ah sida kuwa hoos yimaadda Qarammada Midoobay (QM) iyo Ururka Caafimaadka Adduunka (UCA) oo xafiisyadoodu ku yaallaan Dunida Waqooyi. Ururradani waxay shirkadaha kaga duwan yihiin, iyagu xoogay lacagtaa soo gaadha ah ayay isu sii dhaafiyaan dalalkii u baahnaa, oo ma wada idlaystaan. Laakiin marka hore waa in ay ka sii jaraan mushaharrada lagu cuni doono xarumaha iyo xafiisyada Galbeedka ku yaalla ee mashruucyadan “maamulaya” iyo cashuurta iyo khidmadaha ka go’aya kolka lacagta la xawilayo. Waxaas oo dhanna waa laga baaqan lahaa haddii xarun Afrika ku taallaa hawsha maamuli lahayd, ama ay iyaguba toos uga hawlgeli lahaayeen gudaha qaaradda intii ay fogaan dheer intay soo istaagaan ay lacago badan ku lumin lahaayeen waxa lagu sheego “hawlsocodsiinta.”

Haddiiba ururradaa caalamiga ah ee QM ama UCA laga yimaaddo, baadhitaankan waxa lagu ogaaday in qiyaastii $769 milyan oo deeqda Ingiriiska ahi—waa 10% wadarta guud—ay afka uga gashay ururro aan dawladaha hoos iman (NGO) oo ka dhisan Dunida Waqooyi. Sidoo kalana, $482 milyan oo lacagta ka mid ahi waxay u gacan gashay saraakiil ka tirsan shaqaalaha dawladda ee waddamo reer Galbeed ah.

Sida aynu jaantuskan hoose ku arki karno, xataa rubuca Afrika gaadhaa ka ma dhigna in uu dadkii u baahnaa wax ka taro, ee wuxuu sii maraa jaranjaro u eg laakiin ka gaaban tii Galbeedka ee uu hore u soo maray: dawladaha Afrika, ururrada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Afrika ka dhisan. Hasayeeshee maaddaama lacagtan yari ay qaaradda soo gaadhay, waxa la filayaa in wax uun ka mid ahi ay ku leexan doonaan mashruucyo dhab ahaan wax ka qabta doorsoonka cimilada ee Afrika.

Meelaha uu ku baxo gargaarkii uu Ingiriisku Afrika ugu talagalay © Carbon Brief, African Arguments; turjumaadda Geeska

Jaantus muujinaya meelaha uu ku baxo gargaarkii uu Ingiriisku Afrika ugu talagalay. © Carbon Brief, African Arguments; turjumaadda Geeska