Skip to main content

Friday 20 September 2024

Waraysi

Xaaji Jaabir: Foolaadka sheekofaneeda Carbeed ee Geeska Afrika

3 August, 2024
Image
Haji Jaber
Share
Xaaji Jaabir waxa lagu tiriyaa foolaadka sheekoyahanka marka la joogo sheekafaneedda Carbeed ee ka soo mudhbaxaysa Geeska Afrika. Jaabir ilaa hadda waxa uu soo saaray shan sheekofaneed: “سمراويت”, iyo “مرسى فاطمة” oo soo baxay gugii 2013, waxaana loo turjumay afka Talyaaniga, sidoo kale riwaayada “لعبة المغزل” iyo “رغوة سوداء” oo ku guulaystay abaalmarinta Kataara ee sheekofaneedda Carbeed, kalkeedii shanaad. Waxaana ugu dambaysay “رامبوالحبشي” oo soo baxday sannadkii 2021. 

 

Waxa aad nooga warbixisaa booqashadii aad sannadkii hore Soomaaliya ku gaadhay, waa maxay dareennada kaaga baxay intii aad joogtay bandhigga buugaagta ee Muqdisho?

Ma fududa in waydiintan fakaaggan xaddidan laga ga warceliyo, si walba oo aan jawaabta u la soo degdego. Weli igama uu dhammaan layaabkii aan Soomaaliya kala kulmay. Waxa aan casuumadda yeelay aniga oo aan ka labablayn, maskaxdayduna filashooyin badan qabto. Laakiin xaalku sidaa waa uu ka duwanaaday maalintaydii koowaad ee aan halkaas aaday. Waxa aan bilaabay in aan la rafiiqo gashaanti mutacallimad ah, waxa aanan ka qaybgalay barnaamish carabi ah oo ka socday bandhigga buugaagta Muqdisho. Gobannimada qofka Soomaaliga ah ku ma dhammaato keliya in uu garto in aan magaalada marti ku ahay. In badan baa aan naftayda iyo qoyskaygaba u sheegay in Soomaaliya uu naga dhexeeyo wanaag ilaa dura soo taxnaa, oo cusbaanaanaya. Surin walba oo aan maro qofka Soomaaliga ah waxa uu dedaalkiisa ku bixinayey in aanan qalo dareemin. Waxa duunkayga qabsaday sida xorrnnimada buuxda leh ee dadku maqaaxiyaha ugu sheekaysanayaan, waxa i soo jiitay jaamacadaha tirada badan ee caasimadda oo keliya ku yaalla, iyo tirada da’ yarta ah ee masuulka ka ah. Soomaaliya waxa aan la rabaa bedqab, waxaanan qalbigayga uga rajeeyaa in ay martabadda ay mutaysatay uga gudubto waxyaalihii ay soo martay.

Mashruucaaga sheekofaneed waxa udubdhexaad u ah Carateriya, dad badan oo waxsoosaarkaaga akhriya waxa ay cabbiraan in ay garashadooda Ceretariya ka kasbadeen sheekooyinkaaga iyo qoraalladaada, ma u malaynaysaa in aad hawshaa ku guulaysatay?

Dhankayga, jawaabta su’aashan waxa mar walba iska leh akhristaha aan Carateriyaanka ahayn. Waa ay i soo gaadhaa falcelintaas, waanan ku farxaa balse ma hayo xaqiiq aan ku sugo oo aan ku dhaafo iyada oo sugan. Waxa aan joogteeyaa in aan xoogga saaro mashruucayga sheekocurineed bal in ay timaaddo natiijo tan oo kale ah, bilowna ma aha.

Ka qoraa ahaan, waxkaqoridda Carateriya miyaa ay tahay qaddiyaddaada? Mise, dhankaaga, qoraalka ayaa ah qaddiyad iskeed u taagan?

Labaduba waa ay wada socdaan. Ii ma muuqato wax isburinaya haddii qoraalka la ujeeddeeyo, iyo haddii uu iskii ujeeddo u noqdaba. Waxaaba aan odhan karaa in badan qoraalka iyo natiijadiisu dibadda ayaa ay ka yimaaddaan, balse waxa aynnu daahfurnaa ummuur kale kolka aynu qalinka qaadanno; nafaheenna ayaa aynu barannaa, iyo sababta ama sida aynu wax u qorno. Ilaa dhammaadka su’aalahaasi qoraaga ka ma joogsadaan. Sidaa darteed, waxa ii caddaatay in qoraalku iskii u yahay ujeeddo inta aysan xaqiijinta arrintaas ujeeddooyin kele innaga carqaladayn.

Waxsoosaarkaagii u dambeeyey “رامبو الحبشي” waxa uu ahaa sheeko-faneed taariikheed oo ka warramaysa Itoobiyadii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Waa maxay caqabadaha ku soo foodsaartay intii aad wadday baadhista iyo qoraalka? Xaggee se ayey kugu kala leexdaan sheeko-faneedda taariikheed iyo qoraalka taariikhiga ah ama dhukmantiga taariikheed? Maxaa se cariyey faduulnimadaada waagaas, iyo in aad wax ka qorto magaalada Harar si gaar ah?

Taasi ma aysan ahayn iskudaygaygii koowaad ee qoridda sheekofaneedda taariikheed, sidaa darteed waxa aan qaaday tallaabooyin aan ku diyaarinayo qoraalka, balse halkan waxa kala geddisnaanta leh waxa laga yaabaa in uu noqdo dareenka qofeed ee qarsoon, kaas oo si weyn oo siman la isaga indhatiro dunida Carabta iyo Galbeedka. Guud ahaan, waxa aan u dhex socdaalay xaqiiqooyinka taariikheed sidii sheekoyahan oo kale, taas baa i siisay furfurnaanta badan ee ka duwan ta taariikhyahanka. Waxa aan ku falnaaday wax aan gebi ahaanba dhicin oo sal la leh wax dhacay, aniga oo aan ku dheelayn waxyaalaha ay taariikhdu sugtay. Waa ciyaar la marayo god iyo dabin dhexdood iyada oo aan la siibanayn, sidoo kale, waa awoodyeelashada aad sheeko cusub kaga dhambalaysi sheeko gabawday. Haddaba, sheekada “رامبو الحبشي” waxa ay la xidhiidhsan tahay mashruucaygaa sheekofaneed, taas oo aan dunida ugu ifinayey mandaqaddan dadkeeda, taaganteeda iyo tagtadeedaba.

Sidee baad u toosin lahayd aragtida suugaaneed ee Geeska Afrika? Maxay yihiin, fekerkaaga, waxyaabaha aad is leedahay waa ay ka dhiman yihiin?

Mandiqadda Geeska Afrika waxa ka maqan farsamada faafinta qoraalka. Hal’abuurka ku nool gudaha Geeska Afrika waxa ay dhib ka mutaan faafinta qoraalkooda iyo in ay akhristaha isgaadhaan. Tijaabada ugu mudan waxa ay noqotay dhanka la-dhaqanka madbacadaha, mana aha kaalintii faafinta- taas oo aan xal ahayn. Keliya in la hanaqaadsiiyo dhaqdhaqaaq faafineed waxa aynu ka dheefi lahayn isbeddel weyn oo ku yimaadda dhaqdhaqaaqa hal’abuur ee ku aaddan dhammaan noocyada suugaaneed.

Sida uu mar tibaaxay sheekoyahanka Soomaaliga ah ee Nuuradiin Faarax, ku noolaanshaha dalka hooyo dibaddiisu waxa ay siisay kansho uu qaddiyadaha ugu arki karo dhabbaha ugu wanaagsan. Aragtidaas miyaad ku raacsan tahay? Mise aarrintu waa ay kugu dhaboobaysaa adigana?

Haa, aragtidaa si weyn baan ugu raacsan ahay. Maankayga waxa ku jira magacyada qoraayo badan oo aan ka bixin Carateriya, oo qoraalladoodu noqdeen kuwo u dabran waaqaca cidhiidhiga ah ee meeshaa ka jira. Laakiin, taa caksigeeda waxa waajib ah in aynaan hilmaamin ka maqnaanshaha buuxa ee dalka hooyo, sida ay yihiin suugaanyahanka badan ee reer Ceretariya, saamaynteedu waxa ay ka muuqanaysaa qoraalkooda. Labada siyoodba waa dhibaato, labadabana heerka dedaal ee aad bixiso uun baad goosanaysaa.

Qayb ka mid ah waxsoosarkaaga waxa loo turjumay afafka Talyaaniga iyo Ingiriisida, ma isu aragtaa in aad cagta saartay caalamannimada, adiga oo ku dhaqmaya halhayska ah: suugaanta caalamiga ah waxa hirgalya turjumaannada?

Turjumaaddu waa shaqo aad muhiim u ah, la’aanteedna aanu qoraagu meel gaadhi karin. Aniga ayaa taa ka war keenay. Keliya haddii waxsoosaarkayga afaraad Ingiriisi loo turjumi lahaa, saa ay bilaabaan akhristayaashu in ay ii la dhaqamaan sidii oo aan ahay qore buuggiisii koowaad. Arrinkaa cadho uun baa laga taransanayaa, qushiye waaqacaa sidaas ah. Sidaas oo ay tahay, ma qabo fekradda caalaminnimada ku qotonta turjumaadda, marka la eego heerka saamaynta iyo tayada qoraalka. Immisa waxsoosaar ayaa la turjumay balse aan wax raad ah ku yeelan akhristaha.

Ma ku fekertay in waxsoosaarkaaga loo turjumo afafka maxalliga ah sida Tigrayga, Soomaaliga, Sawaaxiliga ama Amxaariga Iqk?

Waxa jira mashaariic dibdhacay oo ku saabsan ujeeddadan, kii u dambeeyey waxa uu khuseeyey afka Soomaaliga. Anigu waa aan ku dadaalaa turjumaadda afafka Geeska Afrika oo dhan, waxaana aan abdaynayaa in qaddiyaddaasi ay dhawaan hirgeli doonto.

Maadaama barbaariddaada iyo noloshaadu ka baxsan tahay Ceretariya, suuragal ma tahay in qoraalkaaga loo ablableeyo “Suugaan Qurbajoog” oo sal ku leh khaliijka? Mise adigu waad ka soo horjeeddaa abalablayntaas?

Ablablayntu nooca ay doonto ha noqotee waa mid ka timaada dibadda, waana waddada fahanka ama faquuqidda; qoraaguna, yaalaa, ma helo wax lid ku ah. Waxa aan arrimahaas kula dhaqmaa furfurnaan, aniga oo akhristaha u dhaafa in uu qoraalladayda dhigo martabadda uu isagu doonayo, waa fakaag akhristaha u gaar ah kolka aan anigu ka gacanbannaanaado kaalintayda qoraal.

Miyaad ku qanacsan tahay waxsoosaarkaaga suugaaneed? Waa maxayse mashruucaaga timaaddo ee ku aaddan curinta qoraalka?

Waxa jira mucaanaad feker oo badan oo kuu diidaya in aad raalli ahaansho ku dareento waxsoosaarkaaga hal’abuureed, laakiin taa lidkeeda, waa aan ku qanacsan ahay oo fikraddaasi ii diidi mayso in aan sii horumariyo oo joogteeyo. Waa raalli ahaansho horusocod ee ma aha raalli ahaansho aan ku kaaftoomay. Hadda waxa aan ku jiraa xaalad badhaadhe oo aan rejaynayo in ay sii socoto, se qoraagu masuul kama aha, aragtidayda, in uu dhabbaha wareegsan ee waxsoosaarka hayo si uu guushiisa u sii bullaaliyo. Waxa aan ku naalloodaa akhriska iyo mashruucyo aqooneed oo kale.

 

Waraysigan waxaa turjumay Aadan Ducaale.

Qoraallada kale ee qoraaga