Friday 22 November 2024
Qoraalkii kowaad ee Af Soomaali looga soo turjumo waxqabadka qoraaga Soomaali-Talyaaniga ah, Ijaaba Sheegow.
Hordhaca Turjubaanka
Ijaaba Sheegow (Igiaba Scego) waxay Rooma ku dhalatay 1974. Waa qoraa iyo saxafiyad Af Talyaaniga wax ku qorta, in kasta oo waxqabadkeeda afaf badan (Soomaaligu ku ma jirin e) loo turjumay. Aabbaheed Cali Cumar Sheegow wuxuu ahaa siyaasi iyo hoggaamiyayaashii Leegada ee Soomaaliya, waagii gobannimaddoonka. Kolkii Siyaad Barre xilka yimi ayuu qoysku ka soo fakaday dalka, uuna saldhigay Talyaaniga oo ay ku dhalatay. Waxay wax ka qortaa taariikhda, qaxa iyo qaxootiga, sooyaalka cakiran ee gumaystaha iyo la-gumaystaha, iyo qodobbo la halmaala. Sannaddii 2004 ayay soo saartay buuggeedii kowaad ee sheeka-faneed ah, Rhoda, oo ku salaysan shakhsiyaad Muqdisho ka soo qaxaya oo firdhadkii soo gaadhaya magaalooyinka Rooma iyo Naaboli. Sheekadani waxay qoraaga u soo hoysay ictiraaf suugaaneed iyo abaalmarino sumcad leh oo ay ka mid tahay biladda Eks&Tra oo loogu talagalay qoraayada muhaajiriinta ah iyo tafiirtooda.
Curiskan aynu turjunnay, oo isaga oo Af Ingiriisi loo turjumay lagu faafiyay majaladda Black Ballad, wuxuu daarran yahay xidhiidhka murugsan haddana indhaha laga laliyo ee u dhexeeyay, ilaa haddana dhex yaalla, Soomaaliya iyo Talyaanigii gumaystay. Waa barbilaw xiise leh oo inagu ridaya su’aasha beryahan danbe lagu soo baraarugayo muhiimaddeeda ee “Horta Talyaaniga maxaa loola dhaqmi la’ yahay in uu yahay dal wax soo gumaystay?” Waxay ka ambaqaadaysaa dhallinyaro dabayaaqadii 1959 fadhida maqaaxi Rooma ku taalla, cunsuriyad iyo gacankahadal lagula kacayo, sida loo hiifayo ee iyagii daalac loogu raacayo, iyo sida dhacdadaa u eg waxa iska koobani ay dhab ahaan wax inooga sheegayso abbaarta uu curisku u socdo.
Turjubaanka, Cabdicasiis Guudcadde
***
Xidhiidhka Cakiran ee Talyaanigu la lahaa Soomaaliya ee uu is illawsiinayo
Sannaddii 1959 magaalada Rooma waxa ku soo fool lahayd mucjiso. Magaalada jidhkeedu wada nabar buu ahaa. Hubaal waxa ahayd in dagaalweynihii iyo baqihiisiiba laga soo doogay, misana urtiisii xumayd ayaa ka soo kabbacaysay meel kasta. Xataa maqaarka. Sidaas oo ay tahay, Roomi waxay go’aansatay in ay xuubdhacsato, si ay noqotaba; si ay dunida u illawsiiso in ay mar faashiste ahaan jirtay.
Sannaddii 1959 waxay ahayd isgoys ay isku dhaafayaan tagto damaq iyo xanuun leh iyo dibudhalasho la naawilayay. Magaalada waxa ka socdey dhismayaal goob kasta laga wadey oo loogu diyaarinayay ciyaaraha Olombikada ee 1960 oo Rooma iyo Talyaaniga oo dhami ay rabeen in ay dunida kaga yaabsadaan.
Waxa xigtey Noloshii Samayd (Dolce Vita). Dabcan eraybixintaasi weli may hirgelin, oo filinkii magacaas watey ee Federico Fellini sannad ka dib buu soo baxay, haddana qayb dhan oo Rooma ah baa xilliyadaa isu rogtay masraxa buuxdhaafa iyo bilicda—waa sebankii Hollywood uu yimi webiga Tiber, ee jilaayo wada Gregory Peck iyo Ava Gardner ah iyo sheekooyinka xanta ahi ay sida joogtada ah ugu soo bixi jireen majalladaha widhwidhaya ee midabaysan.
Roomada ay sidaa u buuxdhaafiyeen wacdaraha iyo wadnayaasha dhiigga habaya, waxa iyaguna joogay siddeed arday oo maqaaxi bun ku cabbaya kagana sheekaysanaya mustaqbalka. Siddeed arday oo reer Afrika ah: toddoba Soomaali ah iyo mid Soodaani ah.
Soomaalidani waxay Talyaaniga ku timi deeq waxbarasho oo qarashkooda iyo fiiga jaamacaddaba lagaga qaabbilay. Guyaal badan ayuu Talyaanigu dalkiisa keenayay Soomaali la rabey in ay wax ku bartaan, taas oo qayb ka ahayd wixii markaa la dhihi jiray Maamulka Wasaayada Talyaaniga ee Soomaaliya (Amministrazione Fiduciaria della Somalia), oo Af Talyaaniga loogu soo gaabsho AFIS. Waa erayo hadoodilan oo QM ay meelmarisay, nuxurka ay xanbaarsan yihiin se yahay in dal gumayste ah mar kale gacanta loo geliyay waddankii uu muddada badan gumaysan jiray.
Inta aynaan ku laaban ardayda iyo hadalkooda, aynu halkan ku yar hakanno. Soomaaliya, oo lagu daray Eratariya iyo Liibiya, waxay waqti aad u badan ahayd mustacmarad Talyaani. Itoobbiyana waxa shan sannadood qabsaday ciidammadii Musaliini.
Kolkii Dagaalweynihii Labaad dhammaaday, Talyaaniga waxa laga “faramaroojiyay” dhulalkii uu gumaysan jiray, hasayeeshee saddexdaa mustacmaradood ayaan markaa weli madaxbannaani qaadan. Soomaaliya cid kale ayaa “yeelatay” oo waxay noqotay dhul ay maamusho Boqortooyada Ingiriisku, inta uu ka soo baxayo go’aanka QM.
Kolka intaasi dhacday, waxay baraarug u noqotay Soomaali oo dhan, gaar ahaan Ururkii Dhallinayarada Soomaaliyeed (SYL) oo ahaa urur siyaasadeed oo loo asaasay in uu hor kaco waaga cusub ee gobannimada ee cid kastaa ay naawilaysay. Taa beddelkeeda, arrintani waxay u dhadhantay in la leeyahay Soomaalidu “diyaar” u ma aha dimuqraadiyadda ee waa in cid kale ay gacanta u qabato oo ay “barto.”
Kolkii “ciddaas” kale ay Talyaanigii noqotayna, Soomaali badan ayaa ka biyadiidday: Yaa? Ma gumaystihii hore ayaad soo celinaysaan oo idin ka dhab ah? Da’yarta Soomaaliyeed waxa aanay ka warhaynin in qurbaan ahaan loogu sadqeeyay shillalka Dagaalkii Qaboobaa, oo la isla qaatay si Talyaaniga looga ilaaliyo in uu Midawga Soofiyeed u gacangalo, in ay tahay bal in la siiyo wax uu ku joogo.
Soomaaliya waxay ka mid noqotay waxyaabahaas la siiyay; waxay arrintuba la ahayd sed Talyaaniga loo burinayo. Dabadeed jidadkii Soomaaliya iyo Talyaaniga ee dhawaan uun kala weecday ayaa mar kale isku soo dhacay. Hasayeeshee, Talyaanigu markan waa Jamhuuriyad ee ma aha nidaam kelitalis ah. Laakiin si kasta oo dusha sare loo hagaajiyay, haddana dubku wuxuu la sii danqanayay in uu kol labaad is hoosgeeyo buudhkii gumaystaha ee dareenkooda uu weli xasuusan yahay.
Tilmaamaha loo yeelay maamulka wasaayada ee Soomaaliya ayay ka mid ahayd in dhallinyarada Soomaaliyeed wax lagu soo baro jaamacadaha iyo kulliyadaha ciidanka ee Talyaaniga. Haddaba, aynu ku laabanno ardaydii inoo fadhiday maqaaxida ku taal badhtamaha Rooma. Dabcan may ahayn Soomaalidii kowaad ee halkan waxbarasho u timaadda, sida lodkii ka horreeyayna si fiican ayay u lebbisan yihiin, u dhoolacaddaynayaan, oo ay uga go’an tahay in ay dhidid iyo dheecaanba u huraan tacliintooda.
Xilliyada ay firaaqada haystaan, dubkooda dugulka ah ayay indhuhu kuuri jireen. Waxayba ahaayeen dadka madow ee keli ah ee aaggan jooga, kolka malaha laga reebo dhawr qof oo Afrikaanka Maraykanka ka mid ah oo uu halkan filin la dhigayaa keenay ama ka mid ahaa ciidammadii Gaashaanbuurta oo markii dagaalku dhammaaday goostay in ay iska sii negaadaan.
Iyagoo maqaaxidaas jooga ayaa ardaydaa ay soo daandaansadeen wiilal caddaan ah oo ku abtirsada garabka midig ee Rooma, oo ah dad aan marna ka qubaysan mabda’ii faashistaha. Dhallinyaradaas caddaanka ahi waxay wiilashii madowga ahaa ku daandaansadeen heesta cunsuriyadda (iyo jinsinacaybka) xanbaarsan ee Faccetta Nera (Wejiga Yar ee Madow). Dabadeed gacmaha ayaa la isula tegay oo jewigu intuu kululaaday ayaa feedh, qaniinyo, iyo dhiig la is dhaxalsiiyay. Mulkiilihii maqaaxidu booliska ayuu u qayladirsaday, iyaguna kolkii ay yimaaddeen way iska fasaxeen rabshad-wadayaashii oo waxay taxaabeen kuwii lagu soo xadgudbay, maxaa yeelay madow iyo shisheeye ayay ahaayeen.
Ardaydii Afrikaanka ahayd cidina ma ay xaalmarin, wejiyadoodiina wargeysyada ayaa qaadaadhigayay oo waxay bartilmaameed u noqdeen olole warbaahineed oo qarriban oo erayo qoonsi leh oo foolxun loo adeegsaday. Wargeyskii Xisbiga Shuuciga ee L’Unità oo keli ah ayaa u hiiliyay oo si furan u deedifeeyay cunsuriyaddaas. Wargeysyada kale ee Talyaaniga se, ardaydaas madoobi waxay u ahayd cidda qalalaasaha wadda, ee dhiblowga ah, ee u timi si ay nooga kharribto “beertayada.”
Dhacdadaa kooban, oo sida muuqata meel danbe kaga jirta taariikhda Talyaanigu waxay wax badan inooga sheegaysaa xidhiidhka Talyaaniga iyo Soomaaliya, iyo sida fekerkii gumaystuhu weli uga sii dhex jiray waaqicii Talyaaniga ee dagaalweynaha ka dib. Taliskii Musaliini iyo kii ka horreeyay ee Libaraalka ahaa ee midawga Talyaaniga ka dib dhismayba, waxay Afrika iyo gaar ahaan dhulalkii ay gumaysanayeen ee Soomaaliya ka mid ahayd ku eegayeen ookiyaalaha amarkutaaglaynta, oo waxay u arkayeen cid u haliilaysa in ay qabsato, muquuniso oo boobto dhammaan hantidooda, nool iyo mood iyo moraalba.
Sida uu dhigayay khiyaalka Talyaanigu, majalladaha ka soo bilow ilaa buugagga carruurta ilaa filimmada, qofka madoobi wuxuu mar kasta ahaa kan hooseeya ee dhoohan, wuxuuna lahaa jidh ay bannaan tahay in looga muraadsado isla sidii Afrikaba looga danqunsaday.
Dagaalweynihii ka dib, Talyaanigu wuxuu damcay in uu maqaarka beddesho oo uu is illawsiiyo in uu beri ahaa faashiste (iyo gumayste), dabadeed arrimahan oo dhan waa laga gaabsaday. Taariikhdiina waxa digaxaadha mariyay dabaqadda talisa, oo marna loo ma dhigin dugsiyada ama dadweynaha Talyaaniga, maxaa yeelay ujeeddadu kolna ma ay ahayn in cidna la ogaysiiyo denbiyadii dagaal iyo faldenbiyeedyadii kale ee aabbayaashood, raggooda, ama wiilashoodu ay ka geysteen dhulalkii la gumaysan jiray. Waxa laga doorbiday in waxaas oo idil la is illawsiiyo.
Hasayeeshee, kolkii Soomaalidu timi Talyaaniga iyagoo midabkii madoobaa leh, oo xanbaarsan taariikhdii ay dalkan isla soo mareen, oo Af Talyaanigaa heerkiisu sarreeyana duddubinaya—illeen waa af 1950nadii lagu dhigi jiray dugsiyo ka furnaa Muqdisho iyo Marka e—ayuu jidhdiid yimi. Aqlabiyadda Talyaanigu way ku gacansaydhay in Soomaalidan cimriga gaaban ay taariikh wadaagaan, oo waxayba u wada arkaysay in joogitaankooda oo keli ahi uu wax laga dhirfo yahay.
Dadweynaha reer Talyaani badankiisa afkalaqaad bay arrintani ku noqotay wuxuuna is wayddiiyay: “Oo Soomaaliya waa halkee? Af Talyaanigan hagaagsanna sidee baad u barateen?” Dhanka kala se, intii taariikhda la wadaago ogaalka u lahayd waxay kaga falcelisay cunsuriyad gedood iyo gacan wadata, sida inooga muuqata dhacdadii 1959. Soomaalidii kale ee, sida qoyskayaga, Talyaaniga timi xilli danbana waxa u taalla in ay la dabbaalato isfahandarro lagu gedaamay cunsuriyad iyo xasuusguur.
Taariikhdaa aasan ilaa maanta wax baa ka sii jira. Waa lamahuraan in dood dhab ah oo heer shacab ah laga yeesho gumaysiga iyo cidhibxumadiisa. Dooddani dhawrkii sannadood ee u danbeeyay way bilaabantay, balse dhabbaha inaga horreeyaa waa mid dheer oo dhib leh.