Wednesday 13 November 2024
Ka dib markii lagu dhawaaqay natiijooyinka doorashooyinka Maraykanka ee uu ku guulaystay markii labaad ee aan xidhiidhka ahayn Donald Trump, caalamku waxa uu isha ku hayaa go’aannada uu ka qaadan doono arrimaha caalamiga ah oo xaalad xasaasi ah ku sugan, waxaana dib u milicsi lagu samaynayaa siyaasadihiisa mudnaanta siinaya arrimaha gudaha iyagoo iska ururinaya arrimaha caalamiga ah, oo uu gobolka Geeska Afriki qayb ka yahay, kaas oo loollano adag ka soo kordheen muddo xileedkii madaxweynaha xilka wareejinaya ee Baydhan. Arrimo badan oo ay tahay in ay go’aan ka qaadato ayaa sugaya xukuumada cusub, sida xaaladda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Itoobbiya oo ka dhalatay isafgaradkii Itoobbiya la saxeexatay Soomaalilaan, dagaallada ka oogan gudaha Itoobbiya, meelmarinta heshiiskii Pretoria ee xukuumadda Baydhan gadhwadeenka ka ahayd, iyo khilaafka siyaasadeed ee gobolka ee isku sii beddelaya mid milatariyaysan, iyadoo Masarna ku lug leedahay oo dhanka Soomaaliya ka soo safantahay, iyo waxa ka dhalan doona duulaanka ay Israa’iil ku wado Qasa iyo Lubnaan iyadoo caalamku indhaha ku wada hayo.
Donald Trump oo ah musharaxa markii labaad ee aan xidhiidh ahayn ku guulaystay doorashooyinka Maraykanka ee 2024, waxa uu muddo xileedkiisii hore, maalmo ka hor intaanu banneyn aqalka cad soosaaray qaraar uu kaga saarayo boqollaal ciidamada Ameerikaanka ah Soomaaliya, isagoo ka tagaya dedaalkii dalkiisu muddada dheer soo waday ee uu ku taageerayay kuna tababarayay ciidamada Soomaaliya, waxa go’aankan ka horreeyay saddex bilood mid kale oo uu kaga jaray 100 milyan oo doollar taageeradii Maraykanku siin jiray Itoobbiya, taas oo loo aaneeyay muranka kala dhexeeya Masar ee daaran buuxinta dhaamka.
Go’aannadani waxay tusaale u yihiin habka ay u wajahi doonto xukuumada Trump arrimaha Geeska Afrika, marka loo eego xukuumada Dimuqraadka ee Baydhan oo iyadu door firfircoon ka qaadata arrimaha gobolka, taas oo khilaafka Masar iyo Itoobbiyana dhexdhexaad ka noqotay, in kastoonay xukuumada Baydhan hirgalin ballanqaadyadii ay ku dejisay istaraatiijiyadda ay kula macaamilayso qaaradda, sidoo kale Baydhan uu ka baaqday booqashadii uu qaarada ku imanayy, gaar ahaan Angoola.
Siyaasadda Trump ee gobolka waxaa laga soo eegi karaa saddex dhinac; siyaasadiisa guud ee qaaradda Afrika, xidhiidhka Geeska Afrika la leeyahay marinnada ganacsiga ee caalamiga ah iyo xasaradaha goboleed ee ka oogan Bariga Dhexe, iyo dhanka saddexaad oo ah la tacaalista xaaladdaha gudeed ee ka taagan gudaha dalalka gobolka. Cilmibaadhe Tafi Mhaka, waxa uu aaminsan yahay in aan Kamaala Haaris waxba kaga duwanaateen siyaasadii xukuumada Biden ku wajahday Afrika, taas oo ku eegaysay qaarada diirad ka ballaadhan tan Trump, siyaasadda Trump waa mid diirada saarta gudaha Maraykanka.
Si guud, qaabka uu Trump u wajaho arrimaha qaaraddu aad bay uga gedisan tahay ta Baydhan oo mudda xileedkiisii koowaad waxa uu diiradda saaray kobcinta danaha iyo doorka Ameerika ku leedahay qaarada Afrika, waxa uu dhiirigaliyay isweydaarsiga ganacsiga, iskaashiga arrimaha amniga, la dagaalanka argagaxisada iyo ilaalinta danaha Maraykanka. Muddo xileedkii hore ee Trump waxa uu ku suntanaa mid aad ugu gacan adag mashaariicaha taageerada iyo deeqaha, oo aan dan ka gelin arrimaha xuquuqda aadanaha, isbeddelka cimilada iyo awoodsiinta haweenka iyo ururada bulshada.
Taa cagsigeed, istaraatiijiyada maamulka Baydhan waxay ku bilaabantay – Haaris oo ka warramaysa doorka hormuudka ah ee Afriki caalamka ku leedahay, iyo sida ay u tahay shariik door weyn ka ciyaara la tacaalista xasaradaha isbeddelka cimilada iyo qaabaynta nidaamka caalamiga ah, waxayna u arkaysay musumaasuqa, cuno yaraanta,nafaqo darrada, iyo diktaatooriyadu in ay yihiin caqabbadaha u waaweyn ee qaarada ka jira. Sidoo kale xukuumadda Biden waxay dejisatay barnaamij afar dhinac daarran oo ay ku xoojinayso xidhiidhka ay Ameerika la leedahay qaarada, boorinta furfurnaanta iyo bulshooyinka furfuran, baahinta dimuqraadiyada iyo amnigga, taageerida la dagaalanka cuduradda iyo fursadaa ganacsiga, isgarab taaga ilaalinta deegaanka iyo isbeddelka heerka tamarta. Waxayna ahayd mid ku ad adag dhanka ruushka oo ay u xanbaarisay masuuliyadda cunta yaraanta qaaradda, halka ay maamulka Trump ay ku waafaqday habka loo wajahayo galaangalka Shiinaha.
Qaaradda afartii sanno ee u danbeeyey waxa lagu arkay dhacdooyin ay ka mid yihiin afganbiyo ka dhacay galbeedka Qaaradda iyo gamashi ku yimid galaangalka ciidameed ee Maraykanka kaas oo gaadhay heer bixitaan sida Nayjar iyo korodhka ku lugyeelashada ciidan ee Ruushka, kor u kaca heerka loolanada iyo cunfiga, galaangalka shiinaha ee dhanka dhaqaalaha kuwaas oo ah caqabbado uu maamulka cusubi ku sandulaysanyhay in uu la yimaad hab awood siin kara ka jaanqaadistooda.
Siyaasadda maamulka cusub waxa ay saameyn ku yeelan doontaa dawladaha Geeska Afrika gaar ahaan mawqifkeeda ku aadan dib u cusboonaysiinta sharciga iyo fursadaha ee Afrika (AGOA) kaas oo shaqo ahaan ku eeg sannadka 2025. Sharcigani, waxa uu waddamada saxaraha ka hooseeya u ogolyahay in ay wax u dhoofiyeen Maraykanka muddo ku siman 25 sanno iyada oo laga dhaafay cashuurta Kastamada. Waxaana lama huraan ah in sharciga la rog rogo inta aan loo gudbin aqalka koongareeska inta aan la cusboonaysiin waana waxa ay ka cabsi qabaan dawladaha Afrikaanku.
Geeska Afrika waxa uu la kawsaday dhacdooyin waaweyn, dhacdooyinkaa waxa ka mid ah, dagaalkii Tigrayga iyo Itoobbiyada kale, dagaalka Suudaan iyo khilaafyada u dhexeeya Itoobbiya iyo Soomaaliya ee ka dhashay Isafgaradkii ay kala saxeexdeen Itoobbiya iyo Soomaalilaan iyo xidhiidhka kacsan ee u dhexeeya Itoobbiya iyo Erateriya. Dagaalka iyo Xasuuqa ay Israa’iil ku hayso Qasa ka dib weerarkii Xamaas ee Oktobar 3 2023 ayaa isugna hadhkiisu soo gaadhay Geeska Afrika, iyada oo Maraykanka iyo xulafadiisu dagaal Militari oo toos ah la galeen Kooxda Ansaaru laah “Xuutiyiin” ee Yaman daacaddana u ah Iraan, ka dib markii ay bartilmaamadsatay Israail si ay u taageerto Qasa iyo caqaabta ka dhalan karta isu kala gooshidda caalamiga ah. Duruufahaasi na waxa ay u taaganyihiin caqabadaha ay wajihi doonaan maamulka Trump iyaga oo Maraykanka ku qasbi kara in ay si dheerada ciidan ahaan ugu lugyeeshaan Geeska Afrika haddii ay tahay si ay u badhitaaraan hawlgallada Militari ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yaman haddii ay tahay kuwa ay qaadayso iyo haddii ay tahay kuwa xulafadooda Israa’iil.
Taas waxa barbar taal isbeddel xamaasad leh oo ku yimid xidhiidhka u dhexeeya dawladaha gobolka kaas oo ka sii kacay isafgaradkii u dhexeeyey Soomaalilaan iyo Itoobbiya. Mushkiladdan ayaa keentay in lagu dhawaado in ay qarxaan iska horimaadyo hubaysan gaar ahaan kolkii Soomaaliya ay saxeexday heshiis difaac oo ka dhaxayn doona iyada iyo Masar oo ka faaidaysatay mushkiladda si ay u hesho xulafo cusub oo la daris ah Itoobbiya.
Arrimahan jira ayaa waxa ay maamulka Trump ku riixi doonaan in uu si weyn uga hawlgalo sidii ayna xaaladda ageeska Afrika uga sii dari lahayn waa se jid ka duwan kii maamulkii Baydhan. In badan ayaa rumaysan in Trump uu la dhinac yahay Masar marka la joogo Khilaafka ka dhexeeya iyada iyo Itoobbiya ee ku saabsan dhaamka. Waana sababta ay Qaahiri xidhiidhkaa wacan ugu adeegsan karto ku lugyeelashada siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Geeska Afrika si u adeegaysa danteeda.
Waxa la filan karaa dib u eegista iskaashiga caalamiga ah iyo barnaamijyada maalgelintu in ay noqon doonaan mudnaanta koowaad ee maamulka cusub, gaar ahaan barnaamijyada la xidhiidha maalgelinta tamarta nadiifta ah iyo xaajooyinka dimuqraadiyadda iyo bulshada rayidka ah. Waxaana loo badinayaa in maamulka soo socda ee Trump uu qaadi doono tallaabooyin aad u adag oo ku lid ah Xuutiyiinta iyo Iraan ee Yaman taas oo macnaheedu yahay kor u qaadista ciidamada koonfurta badda cas ee xeebaha Geeska Afrika ee Khaliijka Cadan iyo badweynta Hindiya.
Si ka duwan maamulkii Trump, joogitaanka Maraykanka ee Soomaaliya waxa uu u kacay sare gaar ahaan wixii ka danbeeyey intii uu Madaxweyne noqday Xasan Sheekh bishii May 2022, waxaanu Maraykanku taageero ka gaystay hawlgaladdii military ee lagu beegsaday xarakada al-Shabaab oo ku tilmaaman argagixiso. Waashitoon, bishii Maarso ee la soo dhaafay waxa kale oo ay ballan qaadday in ay kaalmo dhan boqol milyan oo dollar ay ka gaysanayso dhismaha ciidamada amniga ballanqaadkaas oo qayb ka ah heshiis amni oo ay ku jirto dhismaha dhawr saldhig oo dheeraada.
Caddaymaha Muujinaya, danaynta maamulka Baydhan-Haaris ee Soomaaliya waxa ka mid ah booqashadii Madaxa sirdoonku uu ku tagay Muqdisho si lafa gur loogu sameeyo mawduucyo doora oo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga, dagaalka ka dhanka ah xarakada al-shabaab iyo mushkiladda ka dhex oogan Itoobbiya iyo Soomaaliya iyo hawlgalka cusub ee ku meelgaadhka ah ee beddelka u ah ATMIS. Halka maamulkii Trump uu xoogga saaray ku hawlgallo Milatari oo uu iskii u fuliyey isaga oo Xarakada al-shabaab iyo Daacish ku beegsaday diyaaradaha is wada kuwaas oo tiradoodu gaadhayso 219 weerar oo cirka ah oo u dhiganta 49 weerar oo uu fuliyey talada uga danbeeyey.
Shaki kuma jiro in ay Xukuumada Muqdisho u baahantahay taageerida Maraykanka ee ee dhismaha iyo maalgelinta Ciidamada militariga iyo mashaariicda horumarinta, waana taageero laga yaabo in uu dib u eegis ku sameeyo maamulka Trump sida oo hore ba u yeelay, xil qabashadiisii koowaad Istaatiijiyadiisu na waxa ay dhigaysaa in dib loo eego lana qeexo Barjaamishka kaalmiyinka dibadda.
Arrintani waxa ay lama huraan kaga dhigaysaa maamulka madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud in ay la yimaadaan habkii ay u dhisi lahaayeen xidhiidh togan oo ay la yeeshaan maamulka Trump si loo sugo taageerada maaliyadeed iyo tabo bar ee ciidamada amniga iyo Militariga, xilli uu socda dagaalka ay kula jiraan al-shabaab. Waxayna ka faa’idaysan karaan faanka Trump ee ah in uu ku adadagyahay dagaalka ka dhanka ah kooxaha ay Waashitoon ku dartay liiska argagaxisada. Waxa ay u muuqata Xasan sheeg in uu taas ku baraarugsanyahay waxaanu judhiiba u hambalyeeyey Trump isaga oo guushiisa ku sifeeyey “ Taariikhi” waxaanu barta uu ku leeyahay degelka X ku qoray in uu ku abdo weynyahay “ Sii wadidda iskaashiga iyo wadaagga xoogan ee labadeenna dal si loo sii xoojiyo nabadda iyo amniga iyo barwaaqada labadeenna dal “.
Aqoonsiga madaxbannaanida Soomaalilaan waxa lagu tilmaamayaa in ay yihiin qadiyaaha muhiimka ah ee horyaalla maamulka Trump, warbixinno gaar ah oo ay faafisay majallada “ Afrika Intelligency” na waxa ay xuseen jiritaalka iskudayo dhiirigalineed oo ay wadaan dibloomaasiyiin aad ugu dhaw dhaw trump oo ah uu aqoonsado madaxbannaanida Soomaalilaan. Dhanka kale guusha tramp ayaa cirka ku shareeraysa cabsida laga qabo in uu xayiraad adag ku soo rogo dadka u dhashay dalalka Islaamka ee raba in ay soo galaan Ameerika, tabtii uu hore u yeelay ka dib markii uu xayiraad ku soo rogay lix dal oo Islaam ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Faylka magangalyada iyo suudaalka aan sharciga ahayni waxa ay ahaayeen qodobadda ugu waaweyn ee Barnaamishka Trump ee doorashada, waxaanu ballan qaaday in uu xidhi doono Xuduudda isla markaas na uu mustaafurin doono soo galootiga aan sharciga haysan oo uu hirgelin doono siyaasado adag oo ku jihaysan soogalootiga.
Juliya Hirshelfd iyo Maykal D. Sheer buuggooda “Border wars” waxa ay ku qoreen in Madaxweyne Trump iyo la taliyihiisii hore ee siyaasadda aqalka cad dhanka Istifin Miller in ay nacayb gaar ah u qabeen Soomaalida inta bandanna waxa ay tusaale ka soo ergistaan Soomaaliya kolka ay ka hadlayaan khatarka ka iman karta dadka soo galootiga ah. Tan iyo xilqabashadiisii koowaad wax badan ayaa is beddelay oo waxa uu beddelay qaab jeedintiisa ku wajahan soogalootiga muddadaas na waxa uu la dhaqmay muwaadiniin kala duwan oo ay ka midyihiin Jaaliyadda Carabta iyo muslimiinta.
Intii lagu gudo jiray doorashooyinkii u danbeeyey waxa la arkay isbeddel ku dhacay Jaaliyadda Soomaalida iyaga oo codadkii ay sii jireen Dimoqraadiga ula wareegay Trump isbeddelkaas oo loo tiirin karo sabab ay ka mid yihiin isu soo dhawaanshaha fikradda Jamhuuriga gaar ahaan facii koowaad ee soo galeetiga Soomaalida kuwaas oo ka cabsi qaba qoxoontiga. Sidaas oo tahay haddana Harris waxa ay ku guulaystay codadkii guud ee gobolka Minnesota taas oo sabab u ahay codadka ay ka heshay (Hennepin) ee Minneapolos taas oo loo tix geliyo rugaha ugu muhiimsan ee muwaadiniinta Soomaalida.
Dhanka kale, hab maamulka Trump ayaa caqabad weyn ku ah Soomaalida iyo dawladaha geeska afrika, haddii ay tahay taageerada tooska ah ee ay dalalkani u baahaniyihiin iyo ta aan tooska ahayn ee ay ka helaan hayadaha waaweyn ee adduunweynaha kuwaas oo door weyn ka qaata maalgelinta horumarka iyo bixinta daymaha iyo kormeeridda Barnaamishyada dib u hagaajinta dhaqaalaha gaar ahaan sanduuqa caalamiga ah ee lacagta iyo hayadda maalgashiga caalamiga ah Iwm. Sidaas awgeed, waxa laga ma maarmaan ah in waddamada gobolku ayna u sii garbo duubnaan aqalka cad, taasina waxa ay u baahantahay dib isu noqosho gudeed oo ku taamaya dhisme iyo horumar si looga baxo sannado dheer oo loolan gudeed ah iyo ku tiirsanaan dibadeed ah.