Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Xukuumada Soomaaliya iyo dabinka Deymaha

6 August, 2024
Image
Xasan Sheekh
Share

Miisaaniyadda guud ee Xukuumada Federaalka ee sanadka 2024 iyo filashooyinka miisaaniyadda sannadada soo fool leh waxa ay tibaaxayaan korodhka qarashaadka, marka loo eego xajmiga ilaha maaliyadeed ee lagu dabooli lahaa, hoos u dhac ku yimid mugga deeqaha dawliga ah, ka dib kolkii la gaadhay ‘Hindisaha waddamada saboolka ah ee aadka u deymaysan’ dhammaadkii sanadkii 2023. Waxa la saadaalinayaa Soomaaliya in ay u jihaysato, deyn badan oo ay ka qaadato hayadaha dawliga ah iyo shuraakooyinka si ay u daboosho is dhinka joogtada ah ee Miisaaniyadda guud ku yimaadda, iyada oo la fiirinayo dakhliga gudaha oo kooban taas oo ay sii raacdo, jiritaan la’aanta dhaqaale dheeraad ah oo lagu maalgeliyo maalgashiga dadweynaha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada taas oo halis ku ah dhaqaalaha iska liita ee dalka  Iyana waxa muhiima, in barlamaanku qaato door wax ku ool ah arrintan ka qaato, balse, waa mid shakigeeda iska leh marka loo fiiriyo waxqabadyadii hore. 

Miisaaniyad dawladeed oo meel dhexaad ah

Miisaaniyaddii guud ee uu ansixiyey baarlamaanka federaalka Soomaaliya sannadkan lagu jiro ee 2024 waxa lagu cabbiraa in ay tahay miisaaniyaddii ugu ballaadhneyd ee la ansaxiyo tan iyo intii la yagleelay xukuumada federaaliga ah, qadarkeeduna waxa weeye 1070.23 Malyuun oo dollar, kana kooban hawl gelinta iyo maalgashiga. Halka dakhliga la filayo in uu gaadhayo 1040.81 Malyuun oo dollar taas oo micnaheedu noqonayo in uu jiro isdhin miisaaniyadeed oo dhan ku dhawaad 39 Malyuun oo dollar ka dib marka la isku wada daro ilaa deeqaha. Miisaaniyadda sannadkan socda waxa ay koobsanaysaa, kharashyada go,an oo gaadhaya ku dhawaad 569.6 milyan oo dollar, iyo kharashyada maalgashiga ama mashruucyada oo gaadhaya ku dhawaad 509.6 milyan kuwaas oo ka imanaya laga na maalgelin doono labo ilood oo asaasiya oo kala ah: dakhliga gudaha oo lagu qadaray ku dhawaad 346 malyuun oo dollar sida Cashuuraha iyo khidmadaha iyo isha labaad oo ah deeqaha ay bixiyaan hay’adaha  maaliyadda ee caalamiga ah iyo shurakada labo geesoodka ah taas oo gaadhaysa 664.6 Malyuun oo dollar oo matalaysa Miisaaniyadda guud ee la filayo xajmi dhan 66 % marka la dhinac dhigo dakhliga gudaha oo dhan 34% taas oo ka dhigaysa wadarta guud ee hoos u dhaca maaliyadeed 5% halka wax soo saarka guud sanadka 2024 isna gaadhayo ku dhawaad 12.8 bilyan oo dollar. 

Iyada oo la xiganayo natiijooyinkii ka dhashay Miisaaniyadaihii sannadihii hore, Xukumadaha federaalku weli si dhammaystiran uguma ay guulaysan hadafkeedii sababo la xidhiidha hoos u dhac ku yimaadda deeqaha ay filato, Tusaale miisaaniyadii 2023 Xukuumadu federalka yoolkeediii waxa ay gaadhay 80% sababta oo ah deequhu waxa ay hoos u dhaceen boqolkiiba 34% intii la filayey, wadarta guud ee la qorsheeyey taas oo dhammayd 633.8 na waxa ka soo xarooday oo keliye 408.5 Malyuun oo keliya. 

Tilmaamaha aan sare ku xusnay waxa ay ku riixayaan Xukuumadda Federalku in ay deymo qaadato si ay u daboosho is dhinka Miisaaniyadda guud, halka ay badhtamahah 2025 ay waayi doonto deeqaha caalamiga ah, sida uu qorshuhu ahaana waxa ay ahayd in ay tani dhacdo badhtamaha sanadkan 2024. 

Sida lagu xusay warbixintii dib u eegista koobaadna “Laga soo bilaabo hindisaha HIPC ee bishii Diisamber 2023 Soomaaliya waxa lagu qiimeeyey in ay dhex fadhido halis dhexdhexaada oo ay weheliyaan deymo sidaas dareedeed ay ku waajibtay shuruudaha maalgelinta ee loo yaqaan ‘IDA20’ laga bilaabo bisha Julaay na waxa la filayey Soomaaliya inay heli doonto deymo cusub oo u beddela deeqaha caalamiga ah. 

Warbixintu waxa ay intaas ku dartay in hindisaha ay soo bandhigeen hay’adaha horumarinta ee caalamiga ah lagu go’aamiyey in la dhawro shuruudaha maalgelinta iyo deyn bixinta ee soomaaliya iyada oo la raacayo shuruudo cusub sida deeqaha ilaa iyo dhammaadka Julaay 2025. Tan oo macnaheedu noqonayo in wixii ka danbeeya taariikhdan ay Soomaaliya helayso deymo fudud oo ay ku daboosho is dhinka miisaaniyada guud ee dawladda taas oo Iyana ay ka dhalanayso in deymaha dibaddu cirka isku shareerayaan. 

Ma ku filanayahay dakhliga guduhu?

Kordhinta dakhliga gudaha ayaa ah ilaha ay ku xisaabtamayso Xukuumada Federaalku, ilahani waa afar, waxayna kala yihiin:  Cashuurta dakhliga, cashuuraha ganacsiga gudaha, dakhliga kastamyada iyo cashuuraha khidmada ee shirkadaha waaweyn gaar ahaan shiradaha is gaadhsiinta. Waxaana soo muuqday korodh sannadle ah gaar ahaan saddexda ilood ee ugu horreeya, tusaale cashuurta dakhligu waxa ay kor u kacday 32%, cashuurta ganacsiga oo kor u kacday 5% halka cashuurta kastamyadu korodhay 63.3% wadarta guud waxa ay gaadhay 329.2 Malyuun oo dollar, taas oo guud ahaana korodhay 16.3% taas oo lagu xadidday qaddar dhan 282.2 Malyuun sida waafaqsan Xisaab xidhkii Miisaaniyadeed ee sannadkii 2023. 

Sannad maaliyadeedkan lagu jirana xukuumadu waxa ay filanaysaa korodh dakhli gudeed oo dhan 353.7 mayuun oo doollar, kaas oo korodhkiisa lagu qiyaasay 3.6% kolka loo eego 345 miisaaniyadda guud, taas lidkeedana dakhliga ka yimaadda dibadda  ee deeqa ayaa hoos u dhacay ku dhawaad 39.2% waxaana la xaqiijiyey 389.8 malyuun yoolkii la dajiyey oo ahaa 641.5 Milyan oo doollar. 

Sanduuqa lacagta ee adduunku wuxu dawladda Federalka kala hawl galayaa kordhinta dakhliga gudaha, si ay u daboosho isdhinka Miisaaniyad sannadeedka, iyada oo la mariyo dib u hagaajin haykaleed oo dhammaystiran, taas oo koobsanaysa, xeer cashuureed gudeed oo cusub, iyo kordhinta dhakhliga ka yimaadda shirkadaha waaweyn, sidoo kale qorshe lagu nidaaminayo mushaharaadka, iyo fulinta siyaasadda mushaharadda iyo darajooyinka. Dhanka kale, Bangiga adduunku waxa uu Xukuumada Federalka kula hawlanayahay hagaajinta nidaamka cashuurta kastamyada heer Federaal, oo u jeedkeedu yahay laba jibaaridda dakhliga ka soo xarooda ganacsiga dibadda iyo in la xakameeyo wax soo dajinta iyo dhoofinta, dedaalkaas  waxa ka hor yimid caqabado waaweyn sida khilaafaadka u dhexeeya dawlad goboleedyada iyo Xukuumada Muqdisho kaas oo ku saabsan dakhliga Kastamayada. 

Iyada oo taas raacaysa, Xukuumada Federalku waxa ay isku hawshay in ay kor u qaaddo cashuuraha si guud, taas oo lid ku ah qiimaha alaabta iyo adeegyada, taas oo Iyana keentay in muwaadinka la saaro culaysyo cusub, sidaas awgeed, cashuuruhu waxa ay u taaganyihiin fursad lagu kordhinayo dakhliga xukuumada iyaga oo ka jooga dakhliga guud ee wax soo saarka gudaha ilaa 4.4% waana nisbi aad u yar marka loo eego qiyaasaha dawliga ah. Sidoo kale, waxa jira labo ilood oo kale oo xuukumadu ku talo jirto in ay dakhli ahaan kordhiso waxayna kala yihiin: Ganacsiga iyo waxtarka la filayo ka dib ku biiristii Bulshada Beriga Africa (EAC), iyo dakhliga la sugayo ee bilawga soosaarista shidaalka ee deegannada badda dhaca. Iyada oo taas raad raacaysa,ururka lacagta adduunku waxa ay rumaysantahay in ay Soomaaliya u baahantahay sannado si ay u muujiso habka ay uga faa’iidaysanayso ku biirista Bulshada Beriga Afria. Dhanka soosaarista shidaalka warbixinteedu ma ahayn mid leh yididiilo, maadama weli hubanti la’aan uu ku suganyahay wax soo saarka shidaalku. 

Cabsida ku hareeraysan maamulka deymaha

Sida miisaaniyadda sannadkani dhigayso 2024, deymaha dibaddu waxa ay matalaan boqolkiiba 6% marka loo eego wax soosaarka guud ee gudaha ee sanadkii 2023, taasina ay keentay in ay hoos u soo dagaan boqolkiiba 64% ka dib markii dalka laga dhaafay deyn gaadhaysa 4.5 malyuun oo doollar deyntii hindisaha (HIPC) ee sanduuqa lacagta iyo Bangiga adduunnka  oo ay weheliyaan xubnaha naadiga Baariis, iyo qaybo kale oo deyn bixiyayaasha carbeed ka mid yihiin. 

Sanduuqa dawliga ah ee lacagtu waxa uu Soomaaliya u arkaa in awoodda ay u leedahay iska bixinta deymaha ay tahay tu ku filan xitaa haddii ay soo fool saarto khatar, sidoo kale waxa ay filaysaa in ay kordhaan baahida ay soomaaliya u qabto maalgashi dibadeed taas oo lagu daboolayo isla deymaha bilawga niska danbe ee sannadka 2025 taas u baahan deyn qiimaheedu dhan yahay 133.3 malyuun oo doollar, halka ay sannadkan 2026 na ay kor u sii kici doonto  qaddar dhan 285.21 malyuun, sannada 2029 kana waxa ay gaadhi doontaa 428.4, maalgelintu.

Deyntii ugu horraysay tan iyo intii laga cafiyey xukuumada deymaha waa sida waafaqsan hindisaha HIPC e ayaa waxa u fududeeyay Sanduuqa lacagaha ee dawliga ah deyntaas oo dhan 100 milyan oo dollar, laakiin taasi kama dhigna in ay jirto khatar iyada oo loo soo dhex mariyey barnaamijka (ECF), taas na kama dhigna in ayna weli jirin khatar dhanka daboolista ah, iyada oo Sanduuqa dawliga ah uu bixiyey 200 milyan oo doollar, taas oo weli ka yar qiyaasaha dawliga ah, sidaas awgeed Soomaaliya waxa ay haysataa kayd dahab oo lagu qadaray 33 Malyuun oo doollar. 

Sanduuqu lacagtu isaga oo ku baraarugsan, khataraha ku xeeran in dawladda federaalku daboosho deymaha waxa uu soo jeediyey soosaarista wareegto Madaxtooyo oo lagu faah faahinayo siyaasadda deyn bixinta iyada oo la sharraxayo habraacyada si ay u suurtawdo deyn qaadasho cusub, waxa intaas dheer in is beddel lagu sameeyo xeerarka maareynta maaliyadda guud oo si cad loo dhamaystiro waajibaadyada kale ee maaliyadeed. Waxa kale oo uu soo jeediyey in waaxda maaraynta deymaha guud u hoggaansato joogtaynta soosaarista warbixinnada saddex biloodlaha ah rubuc sannad kasta. 

Isag oo raacaya tan barlamaanka Federaalku waa in uu kor joogteeyaa waxqabadka xukuumada ee ku tacalluqa deymaha dibadda sidoo kale na aanu ansixin isaga oo aan si dhammaystiran u akhriyin mashaariicda xeerarka deymaha, laakiin marka la eego tijaabooyinkii hore ee baarlamaanka federalka, looga ma fadhiyo in ay waajibkooda u gutaan si waafi ah.

Barlamaanka Federalka ee hadda jooga kartidiisa iyo karti darradiisa waxa laga dhex arkayaa laba go’aan oo uu ka kala qaatay kolka laga hadlayo ka dooddista arrimaha bulshada, midi waa kolkii uu oggolaaday heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee Turkiga isaga oo aan arkin nuqulkii heshiiska, ta labaad na kolkii uu ansixiyey Miisaaniyaddii guud ee 2024, afar cisho ka dib kolkii loo soo gudbiyey, halka xeerka maamulka maalliyadda guud ee sannadkii 2019  uu dhigayo “ Miisaaniyad sannadeedka xukuumada Federalka waa in ay lafa guraan Hay’adda xeer dajintu muddo aan ka yareyn hal sanno, sannadka hortii .“

Guud ahaan, sannadka 2025 intiisa danbe waxa joogsan doona deeqaha ay Soomaaliya ka hesho Hay’adaha dawliga ah, waxaana ay qaadan doontaa deymo fudud oo ay ku daboosho is dhinka miisaaniyadda, Xisaab la’aanta hadda taagan, taas oo keeni doonta kor u kaca deymaha kolka loo eego tabar darrida Xukuumada ee daboolista is dhinka iyo u hoggaansanaanta  adeegga deymaha guud. Sidoo kale, halista deymuhu waa ay sii kordhi karaan haddii Xukuumadu ay la xidhato Shiinaha, si ay uga caawiyaan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee uu baahida u qabo dalku taas oo u baahan jiritaanka Hay’ado sharci dajineed oo madax bannaan kuwaas oo kor joogteeya hawl gudashada Xukuumadda. 

Qoraallada kale ee qoraaga