Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Soomaaliya: Yaa beddelaya ciidammada ATMIS?

7 June, 2024
Image
ATMIS
Ciidammada ATMIS waxa lagu wadaa in ay dalka ka wada baxaan dabayaaqada 2024. (Sawirka: atmis.au.org)
Share

Madaxda sarsare ee Soomaaliya waxay in badan ka haldaan baahida loo qabo in Hawlgalka Kumeelgaadhka ah ee Midawga Afrika (ATMIS) uu waqtiga loo qabtay, oo ah dabayaaqada sannadkan, kaga baxo dalka, iyaga oo isla markaa ku tiiqtiiqsanaya heerka ciidammada qalabka sida iyo laamaha amniga ee dalku u diyaarsan yihiin in ay si buuxda u qaadaan masuuliyadda nabadgelyada.

Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxay ku naaloonaysaa guulihii ay xaqiijisay intii u dhexaysay Ogos 2022 ilaa Juun 2023, oo ahaa intii uu socdey wax ay u bixisay Wejiga Kowaad ee La-dagaallanka Argagaxisada. Hasayeeshee dabayluhu way isku rogeen doonta Xasan Sheekh, kolkii uu isku deyay in uu guulahaa kumeelgaadhka ah u adeegsado sidii uu ugu sarrifan lahaa muddaxileed madaxweyne oo cusub, taas oo irridaha u ballaqday khilaaf siyaasadeed oo cusub oo dalku galay oo wax-ka-beddelka dastuurku ugu wacan yahay. Dabadeed weerarceliska al-Shabaab ayaa tirtiray badi guulihii la xaqiijiyay, iyada oo soo ceshatay dhul badan oo ay xoreeyeen ciidammada federaalka oo taageero ka helaya dagaallamayaasha degaanka ee Macawisley. 

Arrintaa iyo qodobbo kale oo soo raaca ayaa sabab u ahaa in dawladda federaalku ay dalbato in dib loo dhigo bixitaanka ciidammada Hawlgalka, iyada oo xarunta dhexe ee Qarammada Midoobay u dirtay codsi ku aaddan in hawlgal cusub loo soo diro. Maxay dawladda federaalku uga laabatay kalsoonidii ay ku qabtay in ciidankeedu uu diyaar yahay, uuna keligii qaadi karo masuuliyadda amniga? Maxay yihiin caqabadaha hor gudban hawlgalkan cusub ee la soo jeediyay? Sidee bay se taasi u saamayn doontaa dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab? 

Bixista ATMIS

Sida lagu sheegay Qaraarka Golaha Ammaanka QM ee tirsigiisu yahay 2710 ee soo baxay 2023, askariga ugu danbeeya ee Hawlgalka ATMIS wuxuu dalka ka bixi doonaa dabayaaqada sannadkan. Qorshaha bixistu wuxuu leeyahay afar weji, marxaladdii kowaadna waxa la dhammeeyay sannadkii hore Juun 30, markii ay soo idlaatay sagaal bilood oo ay dawladda Soomaaliya dalbatay in loogu daro. Wejigii labaadna wuxuu dhammaaday bishii Febraayo ee hore oo ay dalka ka baxeen shan kun oo askari, ciidamka Soomaaliyeedna lagu wareejiyay 13 saldhig militari. Bishan Juun ayaa lagu wadaa in saddex kun oo askari oo kale baxaan, taas oo qayb ka ah wejiga saddexaad ee bixitaanka.

Awooddii joogitaanka hawlgalkii hore ee AMISOM waxay soo sootay tan iyo 2007 ilaa laga dhigay hawlgalka ATMIS, oo bilawday in ay Dawladda Federaalka Kumeelgaadhka ee Soomaaliya – oo la asaasay 2012 – si ay uga gacan siiso dhisidda iyo tababbaridda laamaha amniga iyo ciidanka qaranka, oo ay ka kaalmayso dib-u-heshiisiinta iyo dedaallada gurmadka, la-dagaallanka al-Shabab, iyo in ay ilaaliso haayadaha dawladeed ee caasimadda iyo dawlad-goboleedyadaba. Hawlgalkani wuxuu ku shaqaynayay Qaraarkii Golaha Ammaanka ee tirsigiisu ahaa 2073 ee soo baxay 2013, intaa wixii ka horreeyayna wuxuu ku shaqaynayay awood uu Goluhu siiyay.

Hawlgalka ATMIS ayaa beddelay AMISOM, sida uu dhigayay Qaraarkii Golaha Ammaanka ee 2628, wuxuuna hawsha bilaabay Abriil 2022. Waxa qayb ka ah ciidammo ka kala socda dalalka Burundi, Jabbuuti, Itoobbiya, Kiiniya, iyo Yugaandha. Kolkii wejiyadii kowaad iyo labaad ee bixistu ay soo idlaadeenna, ciidanka hawlgalka waxa ka dhinmay qiyaastii 13,586 oo askari. Waxa intaa dheer, ciidammo boolis ah oo ka socda dalalka Gaana, Kiiniya, Nayjeeriya, Siraliyoon, Yugaandha, iyo Saambiya, iyo sidoo kale hawlwadeenno rayid iyo kaabis ah.

Ciidammada militariga ee Hawlgalku waxay ku sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha dalka, lix qaybood ayayna u kala baxaan oo ku baahsan gobollo ay al-Shabaab joogto; waxayna sidoo kale ka qaybqaataan sugidda amniga caasimadda, dawlad-goboleedyada iyo magaalooyinka waaweyn. Muddo 17 sannadood ah, hawlgalku wuxuu gacan ka geystay yaraynta khatarta argagaxisada, tababbaridda iyo diyaarinta ciidammada SOomaaliyeed, iyo ilaalinta haayadaha dawladda sida qasriga madaxtooyada ee Filla Soomaaliya, iyo xarumaha iyo hawlgallada Qarammada Midoobay.

Xoogagga hawlgalku nafhur badan ayay sameeyeen intii ay waajibaadkooda gudanayeen. Sida uu sheegayErgayga Gaarka ah ee Guddiga Midawga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Maxamed al-Amiin Suweyf, hawlgalku wuxuu diiwaangeliyay shan kun oo qof oo waxyeello ka soo gaadhay oo ay ku jiraan 3,500 oo dhimasho ah, iyada oo ciidammada Burundi iyo Yugaandhi ay yihiin kuwa waxyeellada u badani soo gaadhay.

Taas beddelkeeda, khasaare badani ma uu soo gaadhin hawlgallada Qarammada Midoobay, maxaa yeelay inta badan goobaha khatarta badan ma tagaan, mana hawlgallo weerar ah sida ciidammada Midawga Afriki sameeyaan; waxa sidoo kale ka duwan Turkiga oo aan ciidankiisa geynin goobaha al-Shabaab ay ka dhowdahay, balse ku haya saldhiggiisa aadka loo ilaaliyo, hawshiisana ku soo ururiyay in uu bixiyo tababbarro iyo taageero dhanka hawada ah isaga oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Diyaargarawga Ciidanka Soomaaliya

Labo qodob baa soo dedejinaya in laga shaqeeyo sidii Hawlgalka ATMIS loo soo gebagabayn lahaa: Kow, ciidammada iyo hawlgalkoodaba maalgelintii lagu sii wadi lahaa ayaa is dhintay, 17 sannadoodna wuu joogay oo cimri-dheeray, taasina Golaha Ammaanka iyo Midawga Afrikaba waxay ku qasabtay in ay dib u fiiriyaan suuragalnimada in hawlgalku xaaladdaas ku sii socon karo; labo, dawladda Soomaaliya oo ku adkaysanaysay in ciidanka dalku ku filan yahay in uu qaado waajibaadka sugidda nabadgelyada.

Cabdirashiid Muuse Siciid, oo siyaasadda falanqeeya, wuxuu sheegay in dhawr sababoodba aanay ciidanka Soomaaliya weli u diyaarsanayn in ay la wareegaan masuuliyadda. Wuxuu Geeska uga warramay in sabbata kowaad tahay in aanay jirin tiradii, xajmigii, qalabkii iyo tababbarkii daruuriga u ahaa jebinta al-Shabaab iyo sugidda amniga guud ee dalka si aan mar kale argagaxiso u soo hawaysan. Ta labaadina waa in dawladdu aanay haysanin hanti ku filan in ay hub soo gadato si ciidankeeda ay ugu qalabayso, in kasta oo xayiraaddii hubka laga qaaday. Wuxuu ku daray in sabab saddexaad jiri karti oo la xidhiidha goldaloolada ku jirta qaabdhismeedka ciidanka laftiisa, oo ay ka mid yihiin maleeshiya-beeleedyo aan hagaag u tababbarnayn oo aan dhishibiliinkii ciidannimo ee loo baahnaa lahayn.

Cabdirashiid wuxuu sidoo kale qabaa in dawladda federaalku ay dhayalsatay caqabadda amni ee weyn ee dalku wajahayo. Wuxuu leeyahay, “Al-Shabaab waa sida bahal madaxyo badan oo ay adag tahay in waqti yar lagaga adkaado, marka lagu xisaabtamo maaliyaddeeda, oo ku ilaashan shebakad murugsan oo ay dawladda ku adkaanayso in ay kala daadiso.”

Wuxuu qabaa in caqabadaha amniga aanay ku ekayn al-Shabaab uun, ee ay dhan siyaasadeedna leedahay, taasina keenayso in ay cuslaato in xal loo helo la-dagaallanka argagaxisada, iyada oo aan la abuurin iskuduubni bulsheed, midnimo, xasillooni siyaasadeed, isla markaana aan safka hore ee umadda la simin. Wuxuu qabaa in dibudhacyada militari ee beryahan danbe lagu arkayey Galmudug iyo Hirshabeelle ay dawladda federaalka ku baraarujisay baaxadda mushkiladda, taa darteedna ay u dalbatay in dib loo dhigo bixista ATMIS, hadhowna lagu beddelo ciidammo dalal badan ka kala socda oo ay hagto Qarammada Midoobay.

ATMIS dabadeed: Caqabadda Maalgelinta

Intii uu socday Shirkii Nabadda Soomaaliya ee Niyuu Yoog ka dhacay Diseenbartii hore, Soomaaliya waxay soo jeedisay in la sameeyo “hawlgal cusub, xaddidan oo dhinacyo badan” oo beddela ATMIS, si loo ilaaliyo xarumaha shicibka ee muhiimka ah iyo kaabayaasha mudnaanta leh ee Muqdisho iyo dawlad-goboleedyada. Codsigaasi wuxuu su’aalo dhex dhigay Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midawga Afrika, dhawr kulan ayaana lagu faaqiday, taas oo muujinaysa sida Midawga Afriki uga werwersan yahay fakaagga dhalan kara marka ay ATMIS baxdo, oo ay ku baraarugsan yihiin in ciidammada Soomaaliya aanay qaadi karin xilka ah ilaalintii guulihii la soo gaadhayay 17-dii sannadood ee la soo dhaafay.

Shirarkaas Afrika waxa lagu soo hadalqaaday shuruudaha loo dhigayo samaynta hawlgal ATMIS ka danbayn doona, iyo masalooyinka la xidhiidha sida awoodsiinta QM, waddamada ka qayb noqon doona hawlgalka, hawsha iyo awoodda hawlgalkan, xaqiijinta waaritaanka maalgelinta, xaqiijinta in Soomaaliya maarayso masuulna ka noqoto hawlgalka oo dhan, iyo iskuxidhka Soomaaliya, Midawga Afrika, iyo daneeyayaasha Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka.

Qodobka maalgelinta ayaa ajandaha ugu horreeya, iyada oo ay jirto in uu jiro gaabis $25 milyan ah oo sannadkan lagu jiro dib looga dhacay maalgelintii ATMIS. Qarashka Hawlgalka ee sannadkan uu hawlgalku u baahan yahay waa $100 milyan, Midawguna wuxuu ku qaadhaamay $2.5 milyan, wuxuuna $19 milyan ka doonayaa qaadhaanka dalalka xubnaha ka ah Midawga, si loo buuxiya fakaagga maalgelineed. Waxa xusid mudan in aqlabiyadda maalgelinta ATMIS ay ka timaaddo Midawga Yurub iyo dalalka kale ee Yurub, Qarammada Midoobay iyo saaxiibbo kale. 

Cabdirashiid Muuse Siciid wuxuu qabaa in “maalgelinta hawlgalkan cusub ay ku hareeraysan tahay hubanti-la’aan badani, ayna weli kala qeexnayn cidda ciidammadaas maalgelin doonta. Waxay se u badna tahay in dalalka reer galbeedku ay maalgelinta dhiibi doonaan, maxaa yeelay ma aqbalayaan in la beerdarreeyo guulihii amniga laga gaadhay Soomaaliya, oo sannadihii la soo dhaafay ku kacay balaayiin doolar.”

Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midawga Afriki, si uu uga hortago fakaag amni oo soo baxa, waxyaabaha uu adeegsanayo waxa ka mid ah in qayb ciidammada ATMIS ka mid ah loo wareejiyo hawlgalka cusub. Yugaandha iyo Kiiniyaba waxay ka digeen fakaagga amni haddii la jeexi waayo jid kale. Yugaandhi waxay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay sii joogto marka awoodda ATMIS dhammaato, iyada oo raacaysa hadba wixii la isku afgarto. Kiiniyina sidoo kale ma aqbali doonto fakaag amni in uu yimaaddo, maxaa yeelay taasi iyada ayay khatar toos ah ku tahay, horana waa tii hawlgal gaar ah ku gashay dawlad-goboleedda Jubbalaan iyada oo aan haysanin awoodsiinta QM.

Cabdirashiid Muuse ma qabo in fakaag amni iman doono, wuxuuna leeyahay, “Si habqan ah isaga ma baxayaan ciidammada ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalalka derisku, maxaa yeelay al-Shabaab khatar uun ku ma aha Soomaaliya ee gobolka oo dhan bay ku tahay. Sidaa awgeed, ma filanayo xaalad u eg bixistii Maraykanka ee Afgaanistaan.”

Dhanka Afrika

Cabdirashiid wuxuu filayaa in hawlgalkan dawladdu codsatay uu fuliyo “hawlgal duwan” wuxuuna qabaa in laga yaabo in uu noqdo “ciidan dhinacyo badan, oo Koofiyad-buluugleydii ka socda.” Wuxuu intaa ku darayaa, “Ciidammadan badankoodu in ay Afrika ka yimaaddaan baa dhici karta. Haddana ciidammo bannaanka ka ah qaaradda ayaa iman kara, waxayna arrintu ku xidhan tahay sida looga wada hadlo iyo lacagta loo hayo.”

In kasta oo dawladda Soomaaliya ay hawlgalkan cusub ka dalbatay xarunta Qarammada Midoobay, haddana QM wuxuun bay Muqdisho u sheegi doontaa in ay arrintaa kala hadasho Midawga Afrika, maaddaama Golaha Ammaanka ee QM aanu rabin in uu intaa wax ka badan faraha kula sii jiro arrinta Soomaaliya. Midawga Afrika ayaa qudhiisu khibradda ugu badan u leh Soomaaliya, oo isaga ayay ciidankiisu dhulka ka joogaan, marka lagu daro in uu qaadhaankana maalgelintana wax ku darsado in kasta oo aanu sida QM wax badan ku darsanin.

Dhanka kale, waxa taagan masalada la xidhiidha kaalinta uu Turkigu ka qaadanayo marxaladda ATMIS ka danbaysa, marka lala akhriyo heshiiskii difaaca iyo dhaqaalaha ee ay Ankara iyo Muqdisho wada saxeexdeen. Cabdirashiid Muuse wuxuu arrinkan ka yidhi in uu filanayo in joogitaanka Turkigu sii kordho, oo ay bixiyaan tababbar militari, taageero dhanka hawada ah oo ku aaddan dagaalka dawladdu kula jirto argagaxisada al-Shabaab, isla markaana ay dhistaan saldhig ciidammada badda ah, iyaga oo intaa qayb libaax kaga helaya dhaqaalaha buluugga ah.

Sidaas oo ay tahay, way adag tahay in kaalinta Turkigu ay intaa ka badato. Tusaale ahaan, ciidammada Turkigu dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab uga ma qayb noqon doonaan oo xagga khasaaraha kala ma mid noqon doonaan ciidammada ka socda dalalka Afrika. Intaa waxa dheer, Turkigu wuxuu xaqiijin karaa danihiisa isaga oo aan u baahan in uu ciidammo dheeraad ah soo daabbulo oo uu u badheedho khatar aanay dadka Turkigu aqbali doonin, hadday tahay waxyeello maaliyadeed ama mid dadeed. Sidaa darteed, way adag tahay in kaalinta Ankari ka gudubto tababbarka iyo taageerada hawada ee hawlgallada, iyo hawlgallada ciidammada badda ee aan weli bilaabmin, in kasta oo ay suuragal tahay in uu door weyn ka qaato in uu dalka hub ka iibiyo marka khayraadka saamaxayaa ay jirsamaan ama heshiis laga gaadho arrimaha maaliyadeed.

Gebagebadii, Muqdisho waxay wadaxaajood kula jirtaa dhinacyo badan oo arrintani khusayso si loo gaadho awoodsiin caalami ah oo ay ku hawlgalaan ciidammada ATMIS ka danbayn doonaa. Dhinacyadaas waxa ka mid ah Qarammada Midoobay, Golaha Ammaanka ee QM, Midawga Afrika, Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midawga Afrika, dalalka jaarka, Midawga Yurub, iyo waddamad deeqda bixiya. Waxa sidoo kale jira arrimo gudeed oo aan wadaxaajoodyadan ka duurgsanayn, sida muranka u dhexeeya Muqdisho iyo Buntilaan, ismaandhaafka ka dhashay wax-ka-beddelka dastuurka, doorashooyinka dawlad-goboleedyada, iyo wax la halmaala. Muranka Itoobbiya ka dhexeeyaana dabcan wadaxaajoodyadan ka ma baxsanaan doono.

Qoraallada kale ee qoraaga