Skip to main content

Friday 20 September 2024

Buug

Denbi iyo Ciqaab

25 March, 2024
Image
Jeldiga buugga
Share

Sideedaba haddii buug laga faalloonayo, waxaa ugu wanaagsan ee mudan in laga faalloodaa waa farriinta uu xambaarsan yahay buuggaasi. 

Dostoevsky, oo ah sheeko-yahan muddo qarni ku siman caan ka ah dunida akhriska iyo sheeko-fanneedda, dadku sida ay u jecel yihiin ama magiciisa u wada maqleen uma aysan wada akhrin buugaagtiisa. Taasna waxaa u sabab ah sheekooyinkiisa oo dheer-dheer iyo falsafadihiisa oo ah kuwo murugsan. Buuggan oo ka mid ah kuwa ugu caansani, waxa kusoo bandhigayaa saamaynta ay leedahay in qofku noqdo qummaati-doon keligii isla saxan. Waa ay khatar badan tahay in aad ra’yigaaga ku kalsoonaato adiga oo aaminaya in aadan sinaba u khaldanayn. Waxaa iyaduna khatar badan in aad masuuliyad-wadareed aan cidna kuu diran isa saarto; sida in aad xumaanta suuliso meel wal oo aad ku aragtaba.

Buuggani waxa uu ku saabsan yahay barbaar Raskolnikov la yiraahdo oo ay hooyadi waxbarasho ugu soo dirtay magaalada caasimadda ah ee St. Petersburg. Raskolnikov waa qummaati-doon rumaysan fikradaha bulsho ee oranaya “wax walba oo danta-guud loo sameeyaa waa ay wanaagsan yihiin – xitaa haddii ay dhib u keenayaan shakhsiyaad gaar ah.” Raskolnikov waxa uu akhriyaa oo uu jecel yahay taariikhaha raggii waawaynaa ee dunida soo maamulay sida Napoleon. Waxa uu u arkaa rag ka sarreeyay dadka caadiga oo aan loo baahnayn in ay u dhaqmaan ama ay qabtaan qawaaniinta iyo xeerarka dadka caadiga ah qabta. Waxa uu dadka u qaybinayaa dadka caadi ah (ordinary) iyo dad aan caadi ahayn (extra ordinary). Dadka aan caadiga ahayn waxaa u bannaan in ay sameeyaan wixii ay doonaan, maxaa yeelay, wax wal oo ay sameeyaan waxaa ku jirta danta caamka ah. Sidaas daraaddeed, Raskolnikov, nimankaas ayaa saamayn ku yeelanaya noloshiisa, waxa uu na go’aansanayaa in uu ku koco faldambiyeed dil ah, kaas oo uu ugu hiilinayo bulshadiisa.

Islaan duq ah oo deggan magaalada St. Petersburg ayuu go’aan ku gaarayaa in uu dilo. Islaantu waxa ay u ganacsataa sida bangiyada islaamiga ah ee “Muraabaxada” bixiya oo kale. Dad saboolka ah ayay duruufta usoo gacangalisay uga faa’idaysataa, iyadoo siisa dayn dul-saar badan leh, isla mar ahaantaana muddo gaaban gudeheed laga rabo in ay bixiyaan dayntii iyo dulsaarkii tirada badnaa. Haddii ay ku fashilmaan in ay bixiyaanna waxa ay la wareegtaa alaabtii qaaliga ahayd (collateral) ee ay rahmaadda uga dhigtay. Waxa uu ku fikirayaa maadaama ay islaantaani dhiig-miirato tahay in la dilaa in ay bannaan tahay.

Si qoto dheer ayaa uu uga fikirayaa una qorshaynayaa sidii uu ku fulin lahaa dilkaas. Qalabkii uu ku dili lahaa. Wakhtigii uu dili lahaa iyo sidii uu u baxsan lahaa marka uu dilka fuliyaba waa uu qorshaynayaa. Xitaa waxa uu tirinayaa inta tallaabo ee u dhaxaysa gurigeeda iyo kiisa. Balse wax waliba sida loo qorsheeyo ma noqdaan. Dilku, sidiisaba waa hawl axmaqnimo ah oo arxan daran. 

Habeenkii uu dilka fulin lahaa ayuu gurigii islaanta imaanayaa isaga oo sita faaskii uu dilka ku fulin lahaa. Sidii uu qorshaynayay islaantu kaligeed ma ahan caawa oo waxaa la joogta gabar walaasheed ah oo ka yar oo uur leh. Labadoodiba waa uu dilayaa, si arxan daran. Meel walbana dhiig ayaa qulqulaya. 

Wixii intaas ka dambeeya waxa uu qiimaynayaa falkii arxanka darnaa ee uu ku kacay iyo dhiiggii badnaa ee uu daadshay. Dembi ayaa uu dareemayaa. Welwel, isla-hadal iyo qulub ayaa ku bilaabanaya. 

Buuggaani,waxa uu ina tusayaa qayb nafteenna ka mid ah oo ina farta in aynu ficil ku kacno, markii aynu ficilkii ku kacnana garabkeenna ka baxda. Waa qayb inaga mid ah oo mar waliba heegan ugu jirta in ay ina fashiliso. Qaybtaas inaga mid ah, qaarkeen nafteenna waa ay ka soocaan oo waxa ay ugu yeeraan “Shaydaan” si ay naftooda uga durkiyaan wixii xumaan ah ee ay falaan. Haddii uu shaydaanku yahay shayga inagu qaada in aynu ku kacno falal guran, maxaa nafteenna loogu ciqaabayaa fal uu shaydaan ka dambeeyay?

Xaqiiqadu waxa ay tahay, nafteenna inaga ayaa ka masuul ah -xumaan iyo wanaag kii ay ku kacdaba. Fal aynaan qorshayn, oo aynaan ka fikirin, oo aynaan sababayn marna kuma aynu kacno. Qayb caqligeenna ka mid ah ayaynu “Shaydaan” u naqaannaa. Sidaas awgeed, waa in aad ogaataa cidda dhagarta ugu badan kuu maleegaysa waa caqligaaga iyo waxyaabaha kaa dhaadhacsan ee aad rumaysan tahay.